Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,445
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dubai: Saudi Energy Minister Khalid Al Falih said on Tuesday that two oil pumping stations for the East-West pipeline had been hit by explosive-laden drones, calling the attack “an act of terrorism” that targeted global oil supplies Falih said that Saudi oil output and exports for crude and refined products were continuing without disruption, but that the state oil giant Aramco had halted oil pumping in the pipeline while the damage was evaluated and the stations were repaired, according to a statement carried by the state news agency SPA. Saudi Energy Minister Khalid Al Falih in a statment said “Two pumping stations on a major Saudi oil pipeline were attacked by drones on Tuesday, halting the flow of crude along it,” The two pumping stations bombed belong to Saudi Aramco, forcing the state oil company to suspend operations in the area to assess what the kingdom said was ‘limited’ damage. The stations are linked to a pipeline transporting oil from fields in the eastern sector to the port of Yanbu on the western coast, state-run Saudi Press Agency reported, citing the Energy Ministry. Earlier, a television station run by Yemen’s Houthi group said on Tuesday the Iran-aligned movement had launched drone attacks on Saudi installations, without identifying the targets or time of the attacks. Probe underway after Saudi oil tankers came under ‘sabotage attack’ off Fujairah UAE on Sunday said the sabotage targeted four ships off the coast of Fujairah Gulf news Qaran News
  2. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay wiil dhalinyaro ah oo kusoo lebbistay funaanad iyo surwaal midabka calanka Soomaaliya ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Sumaya Shidane waa gabar soomaaliyeed oo 16 jir ah kuna nool Magaalada Ovrhalla ee gobolka Trøndelag. Waxay kamid tahay garsoorayaasha ciyaarta kubada cagta kooxaha dhalinyarada ee dalka Norway. Sumayo ayaa warbaahinta u sheegtay in arrintaan ay ku dhalisay maadaama qoyska ay ka dhalatay aad looga xiiseeyo daawashada iyo ciyaarista ku badda cagta. ”Waxa igu dhaliyay walaalo badan ayaan leeyahay oo aad u jecel daawashada kubada cagta,waqti aan wada fiirsanaynay ciyaaraha champions league iyo premier league aan taageero kooxaha Barcelona iyo liverpool, markii dambe waxan iska fiirin jiray nimanka Albiitaraha ah sida ay firinbiga u foorinayaan sida ay u farsamaynayaan,ka dib waan raadiyay in ay gabdho leeyiihiin oo shaqadaas qaban karaan, maadaama an helay jaaniskan waan ka qeyb galay,go’aan kadib waxan qaatay koorso”sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Sumaya” Sumaya waxay ka soo muuqatay warbaahinta iyada oo xijaaban oo ku guda jirta shaqadii Garsooranimada oo markii u horeysay ay qabatay sanadkii 2018, waa shaqo adag oo u baahan firfircooni iyo faajignaan, Sumaya waxa u fududeeyay in ay orad ku dhamaysato garsoorka ciyaarta, hore ayay uga tirsanayd Atleticada oradka iyo boodada ciyaaraha kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Brussels)-Hoggaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu ka shaqeeyo xasiloonida bariga dhexe, xili uu xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo uu safar kadis ah ku yimid magaalada Brussels. Mike Pompeo ayaa kulamo uu la yeeshay hogaamiyayaasha EU-da uga hadlay waxa uu ugu yeeray “khatarta & Halista” kasoo socota wadanka IRAN. Ms. Federica Mogherini oo ah haweenayda EU-da u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa ugu baaqday Maraykanka inuu is-xakameeyo isla markaana ka shaqeeyo sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa wixii khilaaf ah oo jira. Maraykanka iyo EU-da ayaa si weyn ugu kala fogaaday siyaasada ku aadan dalka Iran, waxayna Midowga Yurub sheegeen inay weli taageersan yihiin heshiiskii caalamiga ahaa ee dalka Iran wax ka saxiixay sanadkii 2015, kaasi oo lagu xakameeyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Tehran, walow uu Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka sheegay inuu ka baxay heshiiskaasi. Xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa olole weyn ugu jiray in la burburiyo heshiiskii 2015 iyo waliba in duulaan militari lagu qaado dalka Iran oo ay ku eedeeyeen inuu khatar ku yahay amnigooda. Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay inay faafiyaan wararka sheegaya in qaar kamid ah Maraakiibtooda shidaalka weeraro lagu qaaday, xili Maraykanka uu sheegay inuu la socdo qorshe Iran dooneyso inay ku weerarto dalalka jaarka la ah ee Khaliijka iyo saldhigyada uu Maraykanka ku leeyahay dalalkaasi. Source
  5. Wararka ka imaanaya tuulada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi 4 carruur ah ay kula tageen biyaha roobka. Qoysas reer guuraaya oo miyiga tuuladaasi deggan ayaa sida la sheegay daadad ku soo rogmay kala tageen 4 carruur ah balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo. Dhinaca kale roobabka gu’ga ayaa khasaare ka geystay degaanno kala duwan oo kamid ah Puntland sida ay soo sheegayaan bulshada ku dhaqan. Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ilaa 40 guri ayaa xalay ku dumay roob saacado badan ku da’ayay sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Ciyoon. Sidoo kale daadad xooggan oo xalay ku burqaday togagga u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Carmo ayaa xannibay isu’socodka gaadiidka ee laamiga dheer. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo khasaare naf iyo maal leh ka geystay degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Riyadh)-Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, ayaa difaacay in Shiinuhu uu xaq u leeyahay inuu u isticmaalo awood Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi. Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidaasi sheegay xili uu socdaal ku marayey dalka Shiinaha. “Shiinuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado talaabooyin ka dhan ah Argagixisada iyo sidii uu uga shaqayn lahaa amaanka qarankiisa ee uu xagjirnmada uga saari lahaa,” ayuu yidhi Boqor Maxamed Bin Salmaan, oo heshiisyo ganacsi oo malaayiin ku kacaya la saxeexday Shiinaha. Waxaanu hogaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu sheegay in labada dal ay sii wadaan xidhiidh wadashaqayneed oo caalami ah, sidii xagjirnimada looga hortagi lahaa iyo kuwa xagjirnimada ku fikirayaba. Dalka Shiinaha ayaa xidhxidhay dad lagu qiyaaso hal milyan oo Muslimiinta Uighur, kuwaas oo lagu xareeyey kaamam la doonayo in dib wax loogu baro oo looga saaro barnaamijyada xagjirnimada ee ay ku jiraan. Qoomiyadan Uighur ayaa ah Koox Turkic ah oo haysata diinta Islaamka waxaanay ku nool Galbeedka dalka shiinaha iyo badhtamaha Asia. Dawladda Beijing waxa ay ku eedaysaa dadkan laga tirada badan yeyey eek u nool gobolka Xinjiang ee galbeedka dalkaasi ku yaala inay taageeraan Argagixisonimada, isla markaana ay sameeyeen jabhado mayal adag. Hase yeeshee kooxaha Uighur oo ka dalbaday Boqorkan da’da yare e sucuudigu inuu arintooda kor u qaado maadaama oo Boqortooyadu ay dhaqan ahaan tahay inay difaacdo muslimiinta dunida oo dhan ku nool ayaa arintaasi garab maray. Waxaana jirta in hogaamiyeyaahsa muslimiintu aanay ilaa iyo hadda dawladda Shiinaha uga digin arintaasi, maadaama oo sanadihii u dambeeyey ay la lahaayeen xidhiidh ganacsi bariga dhexe. Hami Aksoy, ah Afhayeen u hadlay Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Turkiga, ayaa ku qeexay cabsi galinta ay bulshada Muslimiinta Uighur ay ku haysto dawlada Shiinuhu inay tahay arin foolxumo ku ah bani’aadanimada, bishii u dambaysayna ka codsaday dalka Shiinuhu inay xidhaan Xeryaha lagu xareeyey dadkaasi. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaaba isagu mar ku eedeeyey dawlada Shiinaha inay xasuus samaynayso balse tan iyo intii xidhiidh dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ay la yeesheen Beijing aan ka hadal. Sidoo kale Imran Khan Raysal Wasaaraha Pakistan oo uu booqday boqor salmaan ayaa u sheegay in aanu wax badan kala socon xaalada Muslimiinta Uighurs-ka ee ku tabaalaysan dalka Shiinaha. Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Siinka Dheer ee Duleedda Muqdisho ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax culus oo lala eegtay Ciidamada Dowladda. Qaraxyada ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Dowladda Soomaaliya. Qaraxa ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Isbaarada Shabelle, xilli askartaan ay ka soo laabteen aaska Askari kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo xalay lagu dilay Muqdisho. Sida wararka sheegayaan qaraxa ayaa waxaa ku dhintay illa 2 askari oo saarnaa Gaariga kadib markii uu qaraxa qabsaday. Sidoo kale waxaa Qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo saarnaa Gaariga inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada askarta uu dhaawaca soo gaaray. Gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoog leh oo ka dhashay qaraxa miinada ah ee Ciidamada lala eegtay. Qaraxa ka dhacay Siinka Dheer ayaa imaanayo saacado kadib markii gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey lala eegtay Xarunta Degmada Warta Nabadda kaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalana waxaa burburtay Xaruntii Degmada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. (SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa loo maxkamadeeyay dilka dibadbaxayaal ka soo horjeeday oo ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo soo afjaray mudo 30 sano ah uu xilka Hayay. Xukunkaan ayaa imaanaya iyadoo isniinta shalay gudiga qaran ee milatariga iyo madaxda dibadbaxayaasha ay dib u bilaabeen wareegii labaad ee wadahadalka lagu dalbanayo in milatariga ay xilka ku wareejiyaan dowlad Rayid Ah. Cumar xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale oo lala maxkamadeeyay maanta ayaa dacwad oogayaasha suudaan sheegtay in ay mas,uul ka ahaayeen dilka dad dibadbax Dhigayay. Bilowgii bishaan ayay aheyd markii waaxda dacwad soo oogida guud ay amartay in loo maxkamadeeyo danbiyo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore dhaqida lacagaha madow ee Dolar-ka iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Bakibeer Cabdul Xamiid oo ahaa dhaqtar 25 jir ah oo ciidanka amniga dileen xilli uu isku dayay in uu caawiyo ruux banaanbaxa ku Dhaawacmay. Banaanbaxa xilka looga tuuray hogaamiyihii hore ee Suudaan ayaa waxaa ka dhintay 100 qof tan iyo dabayaaqadii sanadkii Hore. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi nooca ay Soomaalilada u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame, kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho. Source
  10. Somalia’s economy continues to recover, with growth expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, while inflation could ease to 3% from 3.2% over the same period, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  11. Dowlada Sri lanka ayaa bandow habeenkii soconaya kusoo rogtay guud ahaan gobalada dalkaasi kadib markii ay sii bateen weerarada loo geysanayo Masaajidada iyo goobaha ay ku nool yihiin muslimiinta laga badan yahay ee jasiiradaasi. Isniintii ayaa weeraro ka dhacay dalkaasi lagu dilay ugu yaraan hal qof oo muslim ah, waana dhimashadii ugu horeysay ee xiisadan kasoo cusboonaatay dalkaasi kadib weerarkii bishii hore lala beegsaday kaniisadaha wadankaasi. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey kooxo rabshado ka dhigayey degmooyinka Puttalam, Kurunegala iyo Gamphala oo ku dhaw caasimada Colombo ay weeraro ku qaadeen masaajidada iyo goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka muslimiinta ah. Source
  12. Ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa u hanjabay ri’yaha magaalada kadib markii ay shalay cuneen dhir dowladda hoose ku beertay qaar kamid ah jidadka Garoowe. Dowladda hoose ayaa subaxnimadii shalay dhir badan oo timir ah ku beertay jidadka ku yaalla magaalada balse isla shalay ayaa ri’yo rabbaayad ahi feenteen dhirtaasi. Haddaba duqa caasimadda ayaa qoraal uu xalay ku daabacay Facebook-ga waxa uu ku hanjabay in aan ri’yo dambe lagu arki doonin magaalada haddii aysan ceshan dadka leh. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dhowaan soo saari doono amar lagu mamnuucayo ri’yaha magaalada Garoowe isagoo digniin ku bixiyay in dadka leh ay ceshadaan. “Qofkii lehi ha maaraysto xoolihiisa ama yaanu ka daba iman markii la maareeyo” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe. Hadalka duqa ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ay qabsadeen sawirro laga soo qaaday ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose ku beertay waddooyinka Garoowe. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo u hanjabay ri’yaha magaalada appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo qof is-miidaamiye ah waday ayaa lala beegsaday Xarunta Degmada Warta Nabadda, iyadoo qaraxaasi uu dhaliyey qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka aaya sheegaya in xilliga uu qaraxa ka dhacay xarunta degmada halkaasi ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo loo qeybinayey raashin, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare badan uu ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoog leh oo ruxay degaanada u dhow xarunta degmada. Baabuurka Qaraxa laga soo buuxiyey ayaa ahaa nooca raaxada u yaqaan waxaana la sheegayaa inuu waday qof naftii halige ah. Ciidamada amniga ayaa xiray xarunta degmada Wardhiigley ee Qarax lagu weerarray, waxaana socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay weerarka, iyadoo gaadiidka gurmadka ay daabulayaan dhaawacyo. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in dhimashada inta la xaqiijiyey ay tahay 5 qof halka dhaawaca uu marayo illaa 9 qof, waxaana laga yaabaa inuu khasaaraha intaas ka bato maadaama xarunta ay ku sugnaayeen dad badan oo Raashin loo qeybinayey. Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah. Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada. Qaraxaan ayaa kusoo aadayo iyadoo Isgoysyada iyo wadooynka Magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, laguna baaro Gaadiidka.
  14. The National secondary exams in Somalia have been canceled by authorities after papers were leaked on social media platforms, the Minister of Education confirmed late Monday. Over 31,000 students are affected by the cancellation. They had started taking the exams since last Saturday, it was expected to span between 11 – 21 May, reports said. Minister Abdullahi Godah Barre confirmed new dates for the exams, they are now slated to be retaken between May 27 – 31. As a measure to curb the incidence from recurring, social media is to be blocked for five days. The students had taken to the streets in the capital, Mogadishu in protest to the decision. Meanwhile, parents have expressed differing views with most saying they were shocked. Blocking social media because of academic reasons is a measure that a number of African countries have employed in recent years. Ethiopia took a similar path for two consecutive years. Algeria is also known to have done the same – in both cases to preserve the integrity of the exams. The mass use of social media by young people across the continent continues to make the medium a fast conduit for sharing information. Closed Facebook groups and whatsapp have been key in transmitting such leaks. Other more famous reasons for the blocking of social media are: in cases of national security especially when activists are using it to coordinate anti-government protests. Uganda, Chad, Sierra Leone, The Gambia under Yahya Jammeh blocked the internet during elections. View the full article
  15. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan shirkii Garoowe iyo wixii ka dhacay. Mr. Deni waxaa uu ku hormatay arrimaha shirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo qaadey“Waxaa waajib ah in laga wada xaajoodo arrimo siyaasi ah sida qeybsiga awoodaha, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka, dastuurka iyo dhameystirkiisa iyo dhaqaalaha iyo sidii uu dalka u wada jiri lahaa in dalka ka baxayo inta marlaxad ee dalku ka baxayo dastuur dhameystiran, madax dadweynuhu si toos ah u soo doortay, baarlamaan bulshadu soo dooratay iyo sharci cad oo qeexan oo lagu wada shaqeynayo. Golaha amniga, qodobka 111 waxaa uu qorayaa inuu yahay guddi, oo loogu talogalay khubaro, ma aha gole siyaasadeed, waxaa dhici karta iney wasiirro iyo saraakiil ciidan ka qeyb galaan, laakin siyaasadda waxaa ay u baahan tahay gole siyaasadeed. Xeerka doorashada ee xukuumadda anisixay, Puntland iyo dowladaha kale fajiciso ayey ku noqotay, waxaa la soo jeediyey in la soo celiyo, oo laga tashado. Qeybsiga kheyraadkana waxaa lagu taliyey gole la dhisayo dib loogu soo celiyo. Sida loo qeybiyo deeqaha dibadda ka yimaada, oo maamullada ay dood ka keeneen, oo aanan joogin goobaha lagu qeybinaayo. Madaxweyne Deni qodobada uu ka hadlay oo shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa arrinta Galmudug “Waxaa isna aad muhiim u ahaa qodobada khuseeya Galmudug, oo dood badan ka dhex jiray dowladda federaalka ah iyo Galmudug, sanadkii la kala maqnaa Galmudug ma helin xuquuqihii ay ka heli jirtay dowladda federaalka ah, dowlaha curdinka ah sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed miisaaniyadda dowladda dhexe waxaa ugu jirta mid walba in lagu kabo miisaaniyadeeda $150,000 muddadaasi sanadka ah lacagtaas ma helin, waxaa jira lacago ka soo gala deeqaha dibadda oo la yiraahdo miisaaniyad kabid lacagaha noocaas ah lama siin iyo mashaariic kale. Waxaa jiray muran ka dashay xilliga dastuuriga ah ee xilliga, arrintaas horumar ayaa laga sameeyey, laakin xal kama dambeys ah lama gaarin. Mr. Deni waxaa uu sidoo kale ka hadlay Labo arrin oo sabab u ah in shirka ku dhamaadey natiijo la’aan “In habkii lagu wada shaqeyn lahaa aan la isku afgaran, oo runtii u baahnaa in waqti la siiyo, golaha iskaashiga dowladda dhexe waxaa ay ka muujisay iney u baahantahay waqti ay go’aan uga soo gaarto habka wada shaqeyntaas halka dowladaha xubnaha ka ah ay u arkaan habka keliya ee qaanuuniga ah lagu wada shaqeyn karo Arrinta 2aad waa doorashooyinka iyo qeybsiga kheyeraadka in dib loo soo celiyo, arrintaas dowladda waa ka gaabsatay, Isaga oo intaasi raaciyey “ Muddadii la kala maqnaa waxaa soo baxday in dalka shaqadiisa ku socoto si “centralized” ah taas oo sababtay khilaaf, waxbarashada waad aragteen khilaafka ka dhashay, wixii adeeg ah waxaa leh maamullada, oo dowladda waxyar ayaa uga soo aadaya. Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni sheegay in dowladda federaalka ah lagu tuhmayo iney ka cago-jiideyso federaaleynta dalka “Waxaan fiicneyn in dowladdii dalka isku heyn laheyd in lagu tuhmo in federaaleyntii ka caga jiideyso, arrintaas ma aha arrin qurux badan, waa arrin u baahan in la saxo, sixideedana waxaa ay u taalaa dhamaan dadka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay. “Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah. Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Jugta qaraxa ayaa goordhow waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxayaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta degmada Wartanabada,waxaana qaraxa kadib degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay Uuro cirka isku-shareertay. Qaraxa halkaas lagu weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jiro naf iyo Maal, inkastoo aan tirada rasmiga ah la heyn. Gaariga xarunta lagu soo weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa nooca raaxada ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacayay ay xarunta ka socotay Raashin qeybin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Booliiska gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey iney dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen qarax gaari oo lala eegray xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii uu gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey gudaha u galay xarunta halkaasi oo khasaare ka dhashay. Waa qaraxii 3aad ee dhaca bisha barakeysan ee Ramadaan, waana kii ugu khasaaraha badnaa. Faah-faahinta kala soco, halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. A loud explosion said to be suicide was reported in the heart of Mogadishu, the Somali capital on Tuesday morning. Police sources said the blast took place in the capital as hundreds of students are marching in the streets in protest of canceled secondary schools exam. Details of the explosion still unknown. More to follow soon. View the full article
  20. Qarax aad u xoog badan ayaa goordhow ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa si weeyn looga maqlay ayaa ka dhacay xarunta degmada Warta Nabada ee Muqdisho. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhinaca dambe ee degmada ka soo galay ayaa is qarxiyay sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal. Qaraxaasi ayaa waxaa uu geeystay qasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Banaanbax ka dhan ah go’aankii lagu joojiyay imtixaanka dowlada ayaa kkasocdo Muqdisho. Banaanbaxaan waxaa dhigaya ardeyda dugsiyada Sare ee dalka,waxayna ka careysan yihiin go’aankii xalay kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda ee ku aadanaa in la joojiyay imtixaankii Shahaadiga kadib markii ardeyda ay haleen qish sida wasaaradda sheegtay. Ardayda ayaa ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo ay sheegayaan inaysan dooney,waxayna isugu tageyn taalada daljirka daahsoon Degmadda Boondheere, halkaasi oo ay ku dhigayaan banaanbaxooda. Puntland Post The post Ardayda dugsiyada sare oo banaan bax ka wada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay xarunta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banadir. Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday Gaari Noah-ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo uu waday ruux naftii hore ahaa. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxani, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta sii gaaraya gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article
  23. Suxufi Cabdiraxmaan Kayse Tungub Ciidamada amniga maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhaawacay suxufiga Cabdiraxmaan Kayse Tungub. Weriyaha oo maalmo ka hor shir jaraa’id ka duubay odayaal cambaareeyay xariga xildhibaan Dhakool loogu geystay magaalada Hargeysa ayaa isna xalay waxaa dhaawacay askar ka tirsan ciidamada amniga Somaliland sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta gobolka Sool. Mid kamid ah saaxiibadiis ayaa sheegay in suxufiga oo la dhaawacay fiidnimadii xalay haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu sheegay in askar ka tirsan kuwa Somaliland ay rasaas si bareer ah ugu fureen suxufigaasi xilli uu ka soo baxay goob uu ku afuray. Balse ciidamada ayaa sheegay in rasaasta ay rideen kadib markii uu carar isku dayay suxufiga oo ay doonayeen in ay xiraan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo Laascaanood ku dhaawacay nin suxufiya appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay. “Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah. Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. Xisbiyada kala ah Ilays, NDP, UPD, Wadajir & NPP ayaa si wadajir ah usoo saaray qoraal ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan doorashooyinka dalka: Source: goobjoog.com