-
Content Count
208,433 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay Gaari CabdiBile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya. Hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay kuwa kale, walow aan la xaqiijin inta ay tiro ahaan gaarsiisan yihiin. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa qaraxyo nuuca Miinada ah lagula eegtaa Waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN ) – War Qoraal ah oo Bartiisa Facebook uu ku daabacay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu kaga hadlay Dibadbaxyadii maanta ay Ardayda Sanadkaan ka qalin Jabineysa Dugsiga Sare ka dhigeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Wasiir Goodax ayaa cod dheer ku sheegay in Cabashada Ardayda ay dib u eegis ku sameynayaan soona saari doonaan war Farxad galiya Ardayda. Qoraalka uu Wasiirku Facebookiisa soo dhigay ayaa sidaan u qornaa!. Waxaan halkan baaq uga dirayaa ardayda soomaliyeed ee banaanbaxa rabshadaha wata ka wada magaalada muqdisho xaq ayaad uleedihiin inaad banaanbaxdaan balse marnaba dawladu raali kama ahaaneyso in shaqsiyaad shaati kale wata ay ka faaidaystaan ardayda masaakinta ee dareenkooda muujinaya wax walba amniga ayaa ka muhiimsan waad ujeedan jawaabta ay ka bixiyeen qolyaha nabad diidka ah oo marwalba ka faaidaysta fursadaha noocan oo kale ah dawlada somaliya waxay diyaar u tahay inay wax kaqabato cabashada ardayda marnaba xaq maaha arday juhdi iyo dadaal badan bixiyey iyo mid qash so helay inay imtixaan soo wada fariistaan waana sababta nagu kaliftay inaan goaan noocas ah soo saarno waxaan mar kowaad iyo marlabaad idinku xoojinaya inaad nabad ilaalisan guryihiinana kulabataan dawladuna waxay diyaar utahay inay soo saari doonto goaan idin farxad geliya wabilaaahi tawfiiq. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo dadaal uga jiray in uu dajiyo Ardayda Isusoo baxa ka sameysay Muqdisho ayaa tagay goob fagaaro ah oo u dhow Isgoyska KM4 , waxaana xilli uu doonayay in uu la hadlo Ardaydaasi meesha ka dhacay Rabshad xoogan iyadoo la dhagaxyeey Wasiirka iyo Saraakiil la socotay oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaana Ciidamada Ammaanka iyo qaar ka mid ah Ilaaladaha Hoteelada nawaaxiga ka dhawaa Rasaas ay fureen la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah Dibadbaxayaasha , iyadoo wararka intaas ku darayaaan in Ciidmada Ammaanka ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaalada Hoteelka Lagu Magacaabo Giyaajo oo la sheegay Rasaas ay ku fureen dibadbaxayaashaasi lana xir xiray ilaaladaasi. Dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay kago’antahay in Ardaydu u fariistaan Imtixaan hufan islamarkaana ay la xisaabtami doonto shaqsiyaadka ku lugta leh Iibsiga Imtixaanaadkeeda. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Roob aad u xoog badan ayaa xalay ka da’ay Caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasi oo geystay khasaare badan. Roobkan ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isagoona bur-buriyey hanti kala duwan. Ilaa inta hadda la xaqiijiyey waxa roobkan ku geeriyooday Lix qof halka ay Sagaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimada cisbitaal weyn ee magaalada Hargeysa. Dadka ku naf waayey roobkan ayaa waxa ka mid ahaa Afar qof oo gaari wada saarnaa oo ay qaaday laag biyo mareen ah oo kutaala xaafadda Boqol iyo kontonka ee Hargeysa. Roobka oo dabaylo watay ayaa sidoo kale waxa ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray hotelo, tukaano, Meherado iyo goobo kale oo ganacsi. Roobkan ayaa magaalada Hargeysa waxa uu ka da’ayey muddo saacado ah kaasi oo hakad galiyay isku socodkii magalada, kadib markii uu wadooyinka halbowlaha ah uu soo dhoobay dhagaxaan badan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday xalay oo soo kormeeray meelaha khasaaruhu ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaarsiiyey, wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoona ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka. Waxa kale oo xusid mudan in Roobkaasi uu waxyeelo soo gaarsiiyay ilaa 50-gaari, halka ay gaadiid kale oo badan ay samato-bixiyeen Ciidammada Dab-damisku. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN ) – Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu sameynayo kobac, kadib markii ay Xukuumadda qaadey tallaabooyin wanaagsan. War qoraal ah oo ka soo baxay IMF ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3% sanadkan 2019-ka, taas oo ka badan sanadkii tagey oo ahaa 2.8%. Sidoo kale, Hay’adda lacagta Adduunka ayaa tilmaantay in hoos u dhac ku yimid sicir bararka Soomaaliya ka jiray mudooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo uu gaarey 3%, iyadoo uu ahaa 3.2%. Allison Holland, oo ah madaxa koox khubaro ah oo IMF usoo dirtay Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameynayso horumar ballaaran, sida adeegyada maaliyadeed, isgaarsiinta iyo dib u dhiska dalka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa wado dedaallo dalka looga cafinayo deynta caalamka, taasoo udub dhexaad looga dhigay dib u habeynta maaliyadda dalka. View the full article
-
A loud explosion occurred in the Somali capital Mogadishu on Tuesday, the police and witnesses said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay. “Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah. Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku madalsan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeeha Hoose. Labadaani degmo ayaa sidoo kale u dambeey Groupka- D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan iyo Afgooye ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka caawa ee tartan aqooneedka Shabelle. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loogu riyaaqay. Cabdicasiis ayaa la timid 10 dhibcood , halka Xamar Jajab ay keensatay 10 buundo,sidaasina waxa ay ku galeen barbar dhac. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta la hadley waxaa uu beeniyey in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya, balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in aaney jirin cid u yeedhin kara safiirada uu la Kulmayo. Dhinaca kale Dr Ciro ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo guddoomiye Maxamed Sadiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Qaraxan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa waxa uu barqanimadii maanta ka dhacay xarunta degmada Warta Nabaddda ee gobolka Banaadir. Sida ay dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen waxaa qaraxa fuliyay qof isa soo Miidaamiyay oo watay gaari nuuca raaxada ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhaawacmay ayaa waxa ka mid ah Cali Aadan Warsame oo ah xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda ee M/Muqdisho. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay,sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale waxaa bubur xoogan uu soo gaaray xarunta degmada Warta Nabadda iyo dhismayaal ka agdhow halkaasi. Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta tagay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, balse ma jirto wax faah faahin oo ay ka bixiyeen qaraxaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay culimada waaweyn ee Somaliland ayaa kala hadlay laba arrimood oo uu doonayo in ay culimadu kala shaqayso wax ka qabashadooda kuwaas oo uu ku sheegay qabyaaladda iyo hadallada bulshadu mariso warbaahinta oo uu sheegay in ay been iyo hadallo fidno abuuraya ku jiraan. Madaxweyne Biixi oo muddo kooban xilka hayay, islamarkaana mucaaradku ku eedeeyo in uu jidkii kali taliska hayo ayaa hadalkiisa laga dheehanaya in uu dhibsaday xorriyatul qawlka Somaliland goonida kaga tahay Geeska Afrika gaar ahaana arlada Soomaalidu degto waxaanu sheegay in uu wax ka qabanayo hadalladaasi warbaahinta la marinayo. Madaxweynaha oo culimada la hadlaya ayaa yidhi “Culimada waxaanu ka codsanayna in aad laba arrin duco iyo xoog ba naga caawisaan, dalka laba dhibaato ayaa haysta’ mid waa qabyaaladda inkasta oo aynu 30 sanno oo dhaw-dhaw dawlad ahayn wali dadka waxa ku jirta fikrad ah is ilaali, reer waliba reerka la degan ayuu iska ilaalinaya waa dhibaato, haddii ay wax yari dhex maraan xabad baa qarxaysa, xabadduna tii barigii hore maahe maalin kaliya intaa la gumaadaya oo waa kii dawladaha oo kale waana masiibo u baahan in aynu xoog isugu gayno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaasi raaciyay in aanay arrintaasi Somaliland kali ku ahayn laakiin, ay ka jirto dhammaan dhulka Soomaalidu degto. Hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu Somaliland ku kali yeelay mushkilad uu sheegay in ay tahay dad warbaahinta been ka sheegaya “Ta kale malaha Diinta iyo dadnimada toona kuma wanaagsana inta uu qof weyni meel isa soo taago fogaare ah oo waliba caalamka oo dhanna maqlayo oo casrigan imika bahaluhu (Warbaahinta) ay tuurayaan in uu qofka weyni been sheego, in uu qof aan ka gayin caayo, in uu dadka fidno aan jirin ka dhex yidhaahdo haddana aan lagu ceebaysan ee lala qaxweeye oo lala qoslo oo la isu yimaaddo uun. Waa Mucjiso waliba waxay gaar u tahay Somaliland, boqol Telefishan ayaa Af Soomaali ku hadla oo ka Somaliland uun bay waxaasi ka soo baxaan, waxay ila tahay arrintaana caqli celin iyo talo iyo sharci ba ha loo doono,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan Somaliland gaarka u ahi u baahan tahay wax ka qabasho “Arrintaas u gaarka ah Land-tana(Somaliland) waxaanu jecelahay in aynu iska waanino kana ducaysano dee sharci iyo caqlina iskaga qabano ilayn haddii kale xumaantii iyo samaantii ayaa isku milmaya haddii xumaanta la qaban waayo oo la suulin waayo dee way simayaan oo waxa isku mid noqonaya xumaantii iyo samaha, beentii iyo runtii baa isku mid noqonaya kii dadka isku dirayay iyo kii islaaxa samaynayay ayaan la kala garanayn, kii wanaagga waday iyo kii xumaanta waday baan la kala garanayn ilayn waa la caadaystee xalkaasina waa mid inoo gaar ah oo in aynu wax ka qabano doonayno,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi Waxa kale oo madaxweynuhu yidhi “Dardaarankiinii waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga Qaranka la ilaaliyo si wada jir ah, ciddii khalkhal galinaysa dalka xil kasta oo ay haysana gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn, markaa haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama Qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay, haddii wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii Qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon.” Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya iyada oo xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool u xidhan yahay hadallo ka dhan ah 18-ka May oo uu saxaafadda mariyay. Waxa kale oo hadallo ay baraha bulshada ku faafiyeen u xidhan Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon. Source
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-duhur-140519-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Boqolaal arday ah oo ka careeysnaa go’aankii ay wasaaradda waxbarashada Soomaliya ku joojisay Imtixaanaadka Dugsiyada sare ayaa maanta banaanbax weyn ka dhigay magaalada Muqdisho. Ardaydaan oo ku qeylinayay ereyo ay ku muujinayeen, sida ay ugu xun yihiin in markale dib loogu celiyo Maadooyinka qaar ee Imtixaanka ayaa isugu tagay Taalada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Ardaydani oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho ayaa Shabelle u sheegay in aysan aqbali karin go’aanka wasiirka waxbarashadda, islamarkaana iyagu aysan qaadeyn mas’uuliyada ah Imtixaanka la musuq maasuqay. Sidoo kale banaanbaxyo waa weeyn oo ay arday Soomaaliyeed uga soo horjeedaan tallabadan ayaa ka kala dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka. Wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdullahi Goodax barre oo xalay la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in dib u dhigay Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoona shaaciyay in markale la qaadi doono 27 bishan May ee 2019-ka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Dubai: Saudi Energy Minister Khalid Al Falih said on Tuesday that two oil pumping stations for the East-West pipeline had been hit by explosive-laden drones, calling the attack “an act of terrorism” that targeted global oil supplies Falih said that Saudi oil output and exports for crude and refined products were continuing without disruption, but that the state oil giant Aramco had halted oil pumping in the pipeline while the damage was evaluated and the stations were repaired, according to a statement carried by the state news agency SPA. Saudi Energy Minister Khalid Al Falih in a statment said “Two pumping stations on a major Saudi oil pipeline were attacked by drones on Tuesday, halting the flow of crude along it,” The two pumping stations bombed belong to Saudi Aramco, forcing the state oil company to suspend operations in the area to assess what the kingdom said was ‘limited’ damage. The stations are linked to a pipeline transporting oil from fields in the eastern sector to the port of Yanbu on the western coast, state-run Saudi Press Agency reported, citing the Energy Ministry. Earlier, a television station run by Yemen’s Houthi group said on Tuesday the Iran-aligned movement had launched drone attacks on Saudi installations, without identifying the targets or time of the attacks. Probe underway after Saudi oil tankers came under ‘sabotage attack’ off Fujairah UAE on Sunday said the sabotage targeted four ships off the coast of Fujairah Gulf news Qaran News
-
Sumaya Shidane waa gabar soomaaliyeed oo 16 jir ah kuna nool Magaalada Ovrhalla ee gobolka Trøndelag. Waxay kamid tahay garsoorayaasha ciyaarta kubada cagta kooxaha dhalinyarada ee dalka Norway. Sumayo ayaa warbaahinta u sheegtay in arrintaan ay ku dhalisay maadaama qoyska ay ka dhalatay aad looga xiiseeyo daawashada iyo ciyaarista ku badda cagta. ”Waxa igu dhaliyay walaalo badan ayaan leeyahay oo aad u jecel daawashada kubada cagta,waqti aan wada fiirsanaynay ciyaaraha champions league iyo premier league aan taageero kooxaha Barcelona iyo liverpool, markii dambe waxan iska fiirin jiray nimanka Albiitaraha ah sida ay firinbiga u foorinayaan sida ay u farsamaynayaan,ka dib waan raadiyay in ay gabdho leeyiihiin oo shaqadaas qaban karaan, maadaama an helay jaaniskan waan ka qeyb galay,go’aan kadib waxan qaatay koorso”sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Sumaya” Sumaya waxay ka soo muuqatay warbaahinta iyada oo xijaaban oo ku guda jirta shaqadii Garsooranimada oo markii u horeysay ay qabatay sanadkii 2018, waa shaqo adag oo u baahan firfircooni iyo faajignaan, Sumaya waxa u fududeeyay in ay orad ku dhamaysato garsoorka ciyaarta, hore ayay uga tirsanayd Atleticada oradka iyo boodada ciyaaraha kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Brussels)-Hoggaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu ka shaqeeyo xasiloonida bariga dhexe, xili uu xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo uu safar kadis ah ku yimid magaalada Brussels. Mike Pompeo ayaa kulamo uu la yeeshay hogaamiyayaasha EU-da uga hadlay waxa uu ugu yeeray “khatarta & Halista” kasoo socota wadanka IRAN. Ms. Federica Mogherini oo ah haweenayda EU-da u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa ugu baaqday Maraykanka inuu is-xakameeyo isla markaana ka shaqeeyo sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa wixii khilaaf ah oo jira. Maraykanka iyo EU-da ayaa si weyn ugu kala fogaaday siyaasada ku aadan dalka Iran, waxayna Midowga Yurub sheegeen inay weli taageersan yihiin heshiiskii caalamiga ahaa ee dalka Iran wax ka saxiixay sanadkii 2015, kaasi oo lagu xakameeyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Tehran, walow uu Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka sheegay inuu ka baxay heshiiskaasi. Xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa olole weyn ugu jiray in la burburiyo heshiiskii 2015 iyo waliba in duulaan militari lagu qaado dalka Iran oo ay ku eedeeyeen inuu khatar ku yahay amnigooda. Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay inay faafiyaan wararka sheegaya in qaar kamid ah Maraakiibtooda shidaalka weeraro lagu qaaday, xili Maraykanka uu sheegay inuu la socdo qorshe Iran dooneyso inay ku weerarto dalalka jaarka la ah ee Khaliijka iyo saldhigyada uu Maraykanka ku leeyahay dalalkaasi. Source
-
Wararka ka imaanaya tuulada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi 4 carruur ah ay kula tageen biyaha roobka. Qoysas reer guuraaya oo miyiga tuuladaasi deggan ayaa sida la sheegay daadad ku soo rogmay kala tageen 4 carruur ah balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo. Dhinaca kale roobabka gu’ga ayaa khasaare ka geystay degaanno kala duwan oo kamid ah Puntland sida ay soo sheegayaan bulshada ku dhaqan. Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ilaa 40 guri ayaa xalay ku dumay roob saacado badan ku da’ayay sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Ciyoon. Sidoo kale daadad xooggan oo xalay ku burqaday togagga u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Carmo ayaa xannibay isu’socodka gaadiidka ee laamiga dheer. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo khasaare naf iyo maal leh ka geystay degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, ayaa difaacay in Shiinuhu uu xaq u leeyahay inuu u isticmaalo awood Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi. Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidaasi sheegay xili uu socdaal ku marayey dalka Shiinaha. “Shiinuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado talaabooyin ka dhan ah Argagixisada iyo sidii uu uga shaqayn lahaa amaanka qarankiisa ee uu xagjirnmada uga saari lahaa,” ayuu yidhi Boqor Maxamed Bin Salmaan, oo heshiisyo ganacsi oo malaayiin ku kacaya la saxeexday Shiinaha. Waxaanu hogaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu sheegay in labada dal ay sii wadaan xidhiidh wadashaqayneed oo caalami ah, sidii xagjirnimada looga hortagi lahaa iyo kuwa xagjirnimada ku fikirayaba. Dalka Shiinaha ayaa xidhxidhay dad lagu qiyaaso hal milyan oo Muslimiinta Uighur, kuwaas oo lagu xareeyey kaamam la doonayo in dib wax loogu baro oo looga saaro barnaamijyada xagjirnimada ee ay ku jiraan. Qoomiyadan Uighur ayaa ah Koox Turkic ah oo haysata diinta Islaamka waxaanay ku nool Galbeedka dalka shiinaha iyo badhtamaha Asia. Dawladda Beijing waxa ay ku eedaysaa dadkan laga tirada badan yeyey eek u nool gobolka Xinjiang ee galbeedka dalkaasi ku yaala inay taageeraan Argagixisonimada, isla markaana ay sameeyeen jabhado mayal adag. Hase yeeshee kooxaha Uighur oo ka dalbaday Boqorkan da’da yare e sucuudigu inuu arintooda kor u qaado maadaama oo Boqortooyadu ay dhaqan ahaan tahay inay difaacdo muslimiinta dunida oo dhan ku nool ayaa arintaasi garab maray. Waxaana jirta in hogaamiyeyaahsa muslimiintu aanay ilaa iyo hadda dawladda Shiinaha uga digin arintaasi, maadaama oo sanadihii u dambeeyey ay la lahaayeen xidhiidh ganacsi bariga dhexe. Hami Aksoy, ah Afhayeen u hadlay Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Turkiga, ayaa ku qeexay cabsi galinta ay bulshada Muslimiinta Uighur ay ku haysto dawlada Shiinuhu inay tahay arin foolxumo ku ah bani’aadanimada, bishii u dambaysayna ka codsaday dalka Shiinuhu inay xidhaan Xeryaha lagu xareeyey dadkaasi. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaaba isagu mar ku eedeeyey dawlada Shiinaha inay xasuus samaynayso balse tan iyo intii xidhiidh dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ay la yeesheen Beijing aan ka hadal. Sidoo kale Imran Khan Raysal Wasaaraha Pakistan oo uu booqday boqor salmaan ayaa u sheegay in aanu wax badan kala socon xaalada Muslimiinta Uighurs-ka ee ku tabaalaysan dalka Shiinaha. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Siinka Dheer ee Duleedda Muqdisho ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax culus oo lala eegtay Ciidamada Dowladda. Qaraxyada ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Dowladda Soomaaliya. Qaraxa ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Isbaarada Shabelle, xilli askartaan ay ka soo laabteen aaska Askari kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo xalay lagu dilay Muqdisho. Sida wararka sheegayaan qaraxa ayaa waxaa ku dhintay illa 2 askari oo saarnaa Gaariga kadib markii uu qaraxa qabsaday. Sidoo kale waxaa Qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo saarnaa Gaariga inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada askarta uu dhaawaca soo gaaray. Gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoog leh oo ka dhashay qaraxa miinada ah ee Ciidamada lala eegtay. Qaraxa ka dhacay Siinka Dheer ayaa imaanayo saacado kadib markii gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey lala eegtay Xarunta Degmada Warta Nabadda kaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalana waxaa burburtay Xaruntii Degmada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa loo maxkamadeeyay dilka dibadbaxayaal ka soo horjeeday oo ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo soo afjaray mudo 30 sano ah uu xilka Hayay. Xukunkaan ayaa imaanaya iyadoo isniinta shalay gudiga qaran ee milatariga iyo madaxda dibadbaxayaasha ay dib u bilaabeen wareegii labaad ee wadahadalka lagu dalbanayo in milatariga ay xilka ku wareejiyaan dowlad Rayid Ah. Cumar xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale oo lala maxkamadeeyay maanta ayaa dacwad oogayaasha suudaan sheegtay in ay mas,uul ka ahaayeen dilka dad dibadbax Dhigayay. Bilowgii bishaan ayay aheyd markii waaxda dacwad soo oogida guud ay amartay in loo maxkamadeeyo danbiyo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore dhaqida lacagaha madow ee Dolar-ka iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Bakibeer Cabdul Xamiid oo ahaa dhaqtar 25 jir ah oo ciidanka amniga dileen xilli uu isku dayay in uu caawiyo ruux banaanbaxa ku Dhaawacmay. Banaanbaxa xilka looga tuuray hogaamiyihii hore ee Suudaan ayaa waxaa ka dhintay 100 qof tan iyo dabayaaqadii sanadkii Hore. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi nooca ay Soomaalilada u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame, kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho. Source
-
Dowlada Sri lanka ayaa bandow habeenkii soconaya kusoo rogtay guud ahaan gobalada dalkaasi kadib markii ay sii bateen weerarada loo geysanayo Masaajidada iyo goobaha ay ku nool yihiin muslimiinta laga badan yahay ee jasiiradaasi. Isniintii ayaa weeraro ka dhacay dalkaasi lagu dilay ugu yaraan hal qof oo muslim ah, waana dhimashadii ugu horeysay ee xiisadan kasoo cusboonaatay dalkaasi kadib weerarkii bishii hore lala beegsaday kaniisadaha wadankaasi. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey kooxo rabshado ka dhigayey degmooyinka Puttalam, Kurunegala iyo Gamphala oo ku dhaw caasimada Colombo ay weeraro ku qaadeen masaajidada iyo goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka muslimiinta ah. Source
-
Ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa u hanjabay ri’yaha magaalada kadib markii ay shalay cuneen dhir dowladda hoose ku beertay qaar kamid ah jidadka Garoowe. Dowladda hoose ayaa subaxnimadii shalay dhir badan oo timir ah ku beertay jidadka ku yaalla magaalada balse isla shalay ayaa ri’yo rabbaayad ahi feenteen dhirtaasi. Haddaba duqa caasimadda ayaa qoraal uu xalay ku daabacay Facebook-ga waxa uu ku hanjabay in aan ri’yo dambe lagu arki doonin magaalada haddii aysan ceshan dadka leh. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dhowaan soo saari doono amar lagu mamnuucayo ri’yaha magaalada Garoowe isagoo digniin ku bixiyay in dadka leh ay ceshadaan. “Qofkii lehi ha maaraysto xoolihiisa ama yaanu ka daba iman markii la maareeyo” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe. Hadalka duqa ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ay qabsadeen sawirro laga soo qaaday ri’yaha oo cunaya dhirtii dowladda hoose ku beertay waddooyinka Garoowe. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo u hanjabay ri’yaha magaalada appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors