-
Content Count
208,445 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali ka hadlin shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garowe ku maqnaa muddo todobaad ah, waxaana hakad u galay dhamaan Shaqooyinka Qaranka ee iyaga ku xirnaa balse nasiib darrada jirto ayaa aheyd markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday Shirka oo ay indha ku haayeen Umadda Soomaaliyeed. Dad badan ayaa sugayay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha uu midkood ka hadlo Shirka iyo waxyaabihii sababay in uu fashil ku soo dhamaado, balse wali ma dhicin waxaana dad badan isweydiinayaan sababaha ay uga aamuseen madaxda Qaranka. Dad badan oo ah siyaasiin iyo aqoon-yahaano ayaa aaminsan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hal sabab uga aamuseen shirka taas oo ah. Madaxda Qaranka waxay ku dhiiran waayeen in ay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan in shirkii lagu kala tagay sababteedana inta ugu badan ay iyagu leeyihiin. Dhamaan dhinacyadii Shirka ka hadlay ayaa cadeeyay in waxa la isku qabtay ay ugu weyneed heshiiskii Batroolka iyo Sharciga doorashooyinka, qaybsiga Kheyraadka iyo qodobo kale oo dhamaantood ka socon waayay dhinaca dowladda waana sababta keentay in aysan dadweynaha la wadaagin natiijada Shirka. Dhowr qof oo ah aqoon-yahaano iyo siyaasiin uu kamid ah Xersi Iimaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Qaranka ay Shirkaas uga aamuseen hal sabab oo ah in iyaga ay wax ka socon waayeen sababta fashilka Shirkana ay mas’uuliyadeedana lahaayeen. Shacabka Soomaaliyeed waxay qanaaco u arkaan oo ay dhowarayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu midkood la hadli doono dadweynaha islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono dhibaatooyinkii shirka ka qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay maalmihii u dambeysay saluug ka muujinaysay hab-dhaqanada siyaasadeed ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar. Prof Samatar ayaa mudooyinkii udambeeyay kulamo kala duwan ku qabtay Gobolada Somaliland isaga oo uu ku wehlinayay kulamadasi Dr. Cali Khaliif Galeyr, kuwaasi oo dadweynaha kula qaadanayey doodo kala duwan. Haddaba, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilo usoo jeediyay Prof Samatar, kaasi oo sheegay inuu Profserku ku biyo shubtay hal beel. Xinif oo ka hadlaya arrinkaasi ayaa wuxuu yiri “Haddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo ‘Haddaynu reer Hebel nahay waala inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqan’, kaasi aqoon ma soo kordhin ee odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaaray”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, waqtigaana qaranimo iyo aqoon buu ka hadlayey, imikana aqoontiisii xaafad bay ku ururtay” Prof Samatar ayaa xiligii uu socday ololihii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 2017-kii ku biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoona door weyn ka qaatay ololahaasi, ayaa hadda’se wuxuu u muuqda iney waxbadan iska badaleen wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi. Samatar ayaa dhowr mar goobo fagaare ah ka jeediyay qudbado uu ku dhaliilayo Xukuumada Biixi, isagoona weli ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye Dhinaca kale, Prof Samatar iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Ciro, ayaa waxay galinkii dambe ee Jimcihii todobaadkii hore si wada-jir uga ambabaxeen dalka Kenya, taasi oo xukuumada Biixi ku abuurtay shiki-ba’an. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid caasimada Somaliland. Mas’uuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay inay danaynayaan fursadaha maalgashi ee jirra, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kaluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka. Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Somaliland ku duugan. Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey mas’uuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
High level consultation on addressing debt vulnerabilities in African Development Fund and International Development Association countries WHO: African Development Bank, The World Bank, African Finance Ministers, representatives of African Development Fund (FAD) and International Development Association countries (IDA) WHAT: High-level consultation meeting WHERE: Babacar Ndiaye Auditorium, African Development Bank Headquarters, Abidjan WHEN: 16th and 17th of May, 2019 at 9.00 am The African Development Bank and the World Bank will jointly host a high-level meeting to provide a forum for member countries of both institutions to express their views and lessons learnt from non-concessional borrowing, emerging debt vulnerabilities and IDA’s proposed approach to support countries adopt sustainable borrowing practices. I The meeting will also be an opportunity for countries to discuss “financing for development” and “debt sustainability in the context of the SDGs agenda and the Addis Ababa action plan. Debt in African countries has been on the rise in recent years. One of the causes has been the decline in commodity prices that has unfolded since the global financial crisis of 2008. Proceeds from main exports have dwindled and economic growth has slowed. African governments have increasingly resorted to borrowing to fill the void in their budgets. What is the role of multilateral development banks in solving this challenge? How can the African Development Bank and the World Bank work together to provide solutions? These questions and the outcomes of the meeting will feed into the discussions on policy frameworks for ADF countries and the respective debt policies of both institutions. Qaran News
-
Jaaliyada Isaxaaq Care ee UK- ayaa ku kala jaybsantay Shir afduub ah oo ay koox hore Caare magaalada Bristol Iyo meelo kalaba qaadhaan dhaqaale uga guray ay fool eryayaan Shirkani oo ay ajandayaasii ka mid yihiin kicinta Iyo colaad ku abuurka beesha Bariga Hargeysa oo la damacsanyahay in laga hor keeno xukumadda Muuse Biixi, kadib markii shaqsiyaad hawshani hagayaa oo xil Ka soo waayay Somaliland Iyo kuwo ku xidhan maamulka Farmaajo ay damacsanyihiin in ay caruurta da’yarta ay ku magac doontaan oo kicin dadweyne ku sameeyaa, arintaasi oo Dhaqanka, diinta Iyo dastuurka dalka intaba ka soo hor jeeda Shirkani oo loo qoondeeyay in uu dhaco maalinta15/6/2019 waxa uu ka qabsoomayaa magaalada Birmingham gaar ahaan. AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR. Tallo Dadka qurba jooga ah ee siiba u badan dumarka Iyo dhalinyarada shirka lagu Marti qaaday we waliba aan la siinin agenda-ha shirku in ay ka foojignaadaan dabinada guracan we dalkooda Iyo magaaladooda caasimada ah qaybaha ay ka degaan lagu khalkhalinaayo. La soco warar kale oo arimahani khuseeya Qaran News
-
Human rights abuses and atrocities committed in Somalia during the brutal 21-year reign of the dictator Siad Barre will come under scrutiny in a Virginia courtroom this week as a villager finally confronts the military commander he accuses of attempting to kill him. Farhan Warfaa last saw the defendant, Yusuf Abdi Ali, in March 1988 when he says Ali – known to terrorized members of the northwestern Somalia Isaaq clan as “Colonel Tukeh” (the crow) – pulled out a handgun and shot him five times at point-blank range following a torture session. Ali was the commander of the Somali army’s notorious fifth brigade responsible for “gross human rights abuses” in the separatist province of Somaliland during the Barre regime of the 1970s and 1980s, according to the complaint brought by the California-based Center for Justice and Accountability. Warfaa, a teenager at the time of his abduction and now a respected village elder, has travelled from Somalia for the scheduled five-day hearing in the US district court for the eastern district of Virginia, at which he is seeking unspecified damages for torture and attempted extra-judicial killing. Just reaching a federal courtroom also marks a victory for the CJA, which first filed the complaint on Warfaa’s behalf in 2004 and which had to overcome some significant legal hurdles that at times threatened to derail the entire case. In 2016 a Virginia appeals court stripped elements from the lawsuit that prevented Ali – who was discovered by a CNN crew in 2016 working as a security guard at Washington DC’s Dulles airport – from facing wider allegations of war crimes and crimes against humanity. “He is hoping to achieve some measure of accountability for the abuses that he alleges he and others have suffered,” Carmen Cheung, legal director of the CJA, told the Guardian. “Even though these crimes took place a long time ago, even though a Virginia courtroom seems very far away from where these acts took place, it is in some ways the only forum. “The case is an important one not just for those people from Somaliland but also for us as Americans. What gives me hope is that this case is going forward in an American federal district court willing to allow a US jury to listen to these claims and make an adjudication.” In what is sure to be emotional testimony, Warfaa will tell the jury that he was abducted by Ali’s soldiers late in 1987 as part of a crackdown on the Somali National Movement (SNM), a militia group trying to defend the Isaaq clan against a fifth brigade push into Somaliland. Warfaa claims he was detained after an army water tanker was stolen, and interrogated over several months. Following another session in which Ali and his henchman stripped and beat him, he says, Ali lost his temper and shot him, ordering the body to be removed and buried. But Warfaa survived and was smuggled out to family members by Ali’s soldiers in return for a bribe, and recovered to tell his story to human rights workers looking into the violence and mass atrocities that took place in Somalia before Barre was toppled in 1991. Ali, who fled the country when the regime fell, first went to Canada and was deported to the US when his past came to light there, becoming a legal US resident in Virginia and living there freely for more than two decades with his American citizen wife. In a short call with the Guardian last week, Ali’s attorney Joseph Peter Drennan would not discuss details but said his client “denies every one of the allegations”. The case against Ali is the third filed in US federal court by the CJA on behalf of survivors against alleged Barre regime figures. In 2012, Judge Leonie Brinkema, who will hear the Warfaa case, recorded a $21m judgment against the former Somali prime minister General Mohammed Ali Samantar for human rights crimes, although he died in 2016 before any money could be recovered. Former Somalia national security service chief Abdi Aden Magan, meanwhile, fled to Kenya to escape a $15m judgment against him for the detention and torture of a law professor who was a prominent Barre critic and human rights advocate. “This is not just a case to me, it’s a part of my life I will never forget and I want to see those responsible realise what they have done,” Warfaa told the Guardian in 2015. Source: The Guardian
-
Spokespeople available upon request Responding to reports that Somalia’s education minister has announced that social media may be shut down for five days from 27 to 31 May as one of the ways to stop cheating in the national secondary school exams, Amnesty International’s Deputy Regional Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes Seif Magango said: “It is ridiculous that the government would consider shutting down social media communications for the entire country after failing in its duty to secure the content of exam papers. “They should instead explore ways to secure the integrity of the exams without resorting to regressive measures that would curtail access to information and freedom of expression.” Background On 13 May, Somalia’s Education Minister Abdullahi Godah Barre cancelled the national secondary examination which began on 11 May after discovering that exam papers had been leaked and were being freely sold to students. The minister said the exams would be retaken from 27 to 31 May. Students took to the streets on 14 May protesting the cancelation of exams. A joint declaration by inter-governmental experts on freedom of expression in May 2015 stated that shutting down entire parts of communications systems, “can never be justified under human rights law.” Public Document ************** For more information or to arrange an interview please contact Catherine Mgendi on: +254 737 197 614 email: catherine.mgendi@amnesty.org Out of hours contact details +44 20 7413 5566 email: press@amnesty.org twitter: @amnestypress ENDS
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo munaasabadii xil wareejinta ay kasoo qeybgaleen ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled, wasiirkii hore wasaaradda ganacsiga ahna xiligaan wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiiro, xildhibaano iyo shaqaalaha wasaaradda ganacsiga. Munaasabaddii xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay howlaha wasaaradda iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay iyo howaha horyaala Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in wasaaraddu ay ku tallaabsatay horumar muuqda, inta dhimana looga baahan yahay inuu dhameystiro wasiirka cusub ee loo magacaabay Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo uu u rajeeyay in uu meeshii la rabay uu gaarsiin doono. Wasiir Maareeye ayaa wasiirka cusub wuxuu ku wareejiyay document-yada wasaaradda ganacsiga iyo qorshooyinka qabyada ah ee horyaala xiligaan. Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ay ugu sharfeen uguna aamineen xilka wasaaradda. Eng. Cabdullaahi ayaa wasiirka xilka baneeyay ku aamanay howsha adag ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka haayay, isagoona balan qaaday in meeshii uu ugu tegay horay ugu sii wadi doono, oo dib loo noqon doonin in horay loo socda mooyee, maadaama wasaaraddu ay tahay halbowlaha ganacsiga dalka isla markaana u taagan jaan goynta iyo horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Wasiirka cusub ayaa sheegay in ganacsiga uu ka mid yahay halbowleyaasha dalka, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo warshadaha dalka. Ugu danbeyntii wasiirka cusub ayaa codsaday in howsha adag ee loo igmaday lagu taageero isla markaana garab lagu siiyo sidii wasaaraddu u noqon laheyd mid horumar gaarsiisa ganacsiga iyo warshadaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A suicide bomber killed at least five people and injured nine others on Tuesday after detonating a car packed with explosives in the Somali capital on Tuesday, the police said. Source: Hiiraan Online
-
National secondary exams in Somalia have been cancelled by authorities after papers were leaked on social media platforms, the Minister of Education Abdullahi Godah Barre confirmed on national television. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la baajiyay barnaamij Dood ah uu ka qayb geli lahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, taas oo ka dhaci laheyd Hotel ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu magaaco Royal Place. Barnaamijkaan ayaa galabta ka dhaci lahaa Hotelka Royal Place waxa uuna toos uga bixi lahaa ilaa 6 TV, iyadoo ay ka qayb geli lahaayeen tobaneeyo dhalinyaro ah oo ay soo diyaariyeen Koox ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Magaca barnaamijka ayaa ahaa Dood Furan, waxaana doorka lagu saari lahaa sida ay dhalinyarada uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka iyo dhismaha dowladnimada. Sidoo kale doorka dhalinyarada ee Nabadda iyo Xasiloonida ayaa looga hadli lahaa Dooda baaqatay. Sababta ay dooda u baaqatay ayaa lagu sheegay xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta ilaa caawa aad u qasan kadib markii ay banaanbaxyo ay dalka ka dhaceen iyo Qaraxii saakay ka dhacay degmada Warta-Nabadda ee Gobalka Banaadir. La taliyeyaasha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay ku dhawaaqay in dooda dib loo dhigay, sababo ku aadan xaalado soo kordhay oo dhanka amaanka ah iyo tabashada Ardayda. Mas’uuliyiinta ku taliyay in la baajiyo barnaamijkaan ayaa u arkay in maanta aan laga hadli karin mustaqablka dhalinyarada, maadaama ay dowladda ku fashilantay imtixaanka dugsiyada sare, caradii ka dhalatayna ay kala dul dhacday Ardayda Soomaaliyeed halkii ay aheyd in dowladda ay isla xisaabtanto. Dowladda Soomaaliya ayaa dhax mushaaxaysa Ceeb iyo Sumcad xumo ay ka dhaxashay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka kadib markii keydin waysay xogta imtixaanka, oo suuqyada laga helay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada dalka ka jira arkood sida; Ilays, UPD, Wadajir, NDP iyo NPP ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhicaya, iyagoo soo jeediyay doorashadu inay noqoto mid qof iyo cod ah. Xisbiyadan, ayaa si fog uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku uu xilligan ku jiro, waxayna si gaar ah ugu kuur-galeen doorashooyinka 2020-ka ka dhici doona Somalia. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada ay noqoto qof iyo cod, isla markaana leh deegaan doorasho qayaxan oo ku saleysan nidaamka axsaabta iyo saami qaybsiga matalaad isku dheelli-tiran. Waxay kaloo sheegeen in baarlamaanka 10-aad ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg-yahay 26-ka bisha December ee 2020-ka, xilligaasna ay sharci ahaan ku asteysan tahay xilli lama dhaafaan oo ah inay soo dhameystiranto doorashada wakiilada shacabka iyo wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah DF. Dhanka kale, Xisbiyadu waxay walaac ka muujiyeen in Dowladda hadda jirta ay sameysato muddo kororsi, waxaa kaloo sharciga doorashooyinka ee ay dhawaan ansixisay dowladda uu noqdo sharci wadar ogol ah, lagana talo geliyay qaybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira. Haddaba, AKHRISO: Bayaanka ay soo saareen Xisbiyada dalka ka jira Qaarkood PUNTLAND POST The post Xisiyada siyaasadeed ee dalka oo soo saaray nooca doorasho ee ay doonayaan 2020-ka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kula kulmay Hargeysa madax ka socotay shirkad horumarineed oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu horkacayo guddoomiyaha shirkaddaas, Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Somaliland. Mas’uuliyiinta shirkada laga leeyahay Turkiga ee la kulmay Muuse Biixi ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay dooayaan inay maal-gashi ku sameystaan iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda laga wado Somaliland. Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa la sheegay inay doonayaan inay maal-gelin ku sameeyaan; kalluumeysiga, warshadaha, beeraha waddooyinka iyo sidoo kale macdanta, waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland ka muuqda iyo maal-gashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka socday. Dhanka kale, Madaxda shirkadda Turkiga laga leeyahay ayaa sheegay inay door-bideen inay Somaliland ku sameyaan maal-gashi, isla markaana ay u noqdaan tusaale shirkadaha iyo maal-gashadayaasha Turkiga si ay qayb uga qaataan maal-gashiga Somaliland. Wasiirrada Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland ayaa kulanka wuxuu kusoo bandhigay qorshayaasha maal-gashi ee ay rabaan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiinta shirkadda Turkiga laga leeyahay, isagoo soo dhaweeyay inay xog-ogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee Somailland ka socda, isagoo xusay inay xukuumadda iyo shacabka ka go’an tahay soo dhawaynta cid kasta oo kheyraadka Somaliland ka jira. PUNTLAND POST The post Madaxda Shirkad doonaysa inay maal-gelin sameyso oo maanta booqday Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa shir gudomiyay shir dag dag ah oo ay isugu yimaadeen wasaaradda waxbarashada Soomaaliya madaxda daladaha waxbarasho ee dalka iyo maamuka gobalka Banaadir. Shirka oo jeedkiisu ahaa mid wasaaradda iyo madaxda daladaha ay ugu baaqayeen in ardayda ay ku laabtaan iskuulladooda waxbarasho ayna u diyaar gayoobaan Imtixaanka qaadistiisa sanad dugsiyeedka 2018-2019 maalinta taariikhdu tahay 27 may 2019ka.. Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay xog’hayaha daladda waxbarashada Safe Maxamed Siciid Faarax waxa uuna sheegay iney tahay wax laga xumaado ceebna ku ah waxbarashada in ardaydu ay galaan Imtixaan Suuqa lagu iibinayo, waxa uuna ugu baaqay in ardayda in ay dulqaataan. “Umadda Soomaaliyeed iyo waxbarashadaba sax kuma ahan in Imtixaan la og yahay oo Suuqa yaalo in Shahaadada ardayda uu soo baxo, Sharafka Tacliinta iyo midka waxbarashada mid baabinnaya waaye ,waxaa ka fiican sida ay wasaaradu hadda ay qaadatay” Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha daladda waxbarasha Fpens C/raxmaan Cumar Shiikh nuur , waxa uu sheegay in fashidaadda Imtixaanka sanad waliba ay dad gaar ah ay suuqa galiyaan waxa uuna xusay in laysku raacay in imtixaanka dhan lagu celiyo. ” Marwaliba fashilaadiisa dad yar ayaa sameynaya maadaama uu imtixaankii dhamaantiis uu baxay waxaan isla garanay dalado ahaan wasaaradda waxbarashada ayadda ayaa wakiil ka ah wasaaradaha waxbarasho ee maamul-gobaledyada dhan iyo maamulka gobalka Banaadir in Imtixaankii dhamaantiis lagu wada celiyo 12kii maado ee dugsiga sare waxaana la gali doonaa 27ka may 2019ka” Dhanka kale Afhayeenka guud ee daladaha waxbarasha Aweys Shiikh Maxamed ayaa kulanka ka sheegay arday galay Imtixaan qishkiisa uu suuqa yaalo aqoontiisa ay wax u dhibayso ardayda caalamkana barri uusan la tartami karin. ” Ardayga barri caalamka noo aadayo la rabo inuu ka gadmo waa inuu qish iyo laab laab uusan uga soo bixin Imtixaankiisa waxaa la rabaa inuu duruustii la baray uu ka turjumo, waxaan leenahay ardaydu ha is dajiyeen, haddii ardayda si qaldan wax loogu sheegayna waa inaysan aaminin oo dalkooda iyo dowladdooda ay ku kalsoonaadaan una diyaar garoobaan Imtixaanka” Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda waxbarada oo kulanka soo xiraya ayaa sheegay in dowladda ay ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed. ” Waxaa habon in ardayda iyo waalidiintu hal shey ay ka fakaraan, oo ah shahaadada ardaygu uu qaadanayo aysan noqon xujo hor taalo ay noqoto mid ardaygu leeyahay aqoonteeda ,Waan ognahay in wax xun ay tahay marka imtixaan aad isku soo diyaarisay lagu dhaho waa wax kama jiraan, lakiin waxaa ka sii xun markii shahaado aad qaadatay lagu dhaho aqoonteeda ma lihid ee dib sanado waxbarashadii lagugu celiyo, dowladdana waa ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed ” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadaha laydhka ee Somaliland ay khatar badan ku hayo bulshada waxaana isasoo taraya cabashooyinka ay bulshadu ku muujinayaan. Shirkadda Sompwer ayaa si fudud uga hadashay 2 qof oo laydhkooda ku dhintay xalay waxaanay tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen iyada oo aan marna soo hadal qaadi wax ka bedel ay ku samayn doonaan adeegga ay bulshada u hayaan. Sannadihii u dambeeyay waxa soo badanayay khatarta shirkadaha laydh iyada oo ay dad kala duwan ay ugu nafwaayeen siyaabo kala duwan. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlay Dadkii ku dhintay Roobkii Xalay ka da’ay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 6 Qof, halka 12 kalena ku dhaawacmeen. Shirkadaha Laydhka ayuu Madaxweynuhu ka hadlay dhibaatada ay Dadka ku hayaan isaga si gaar ah farta ugu fiiqay 2 qof oo xalay ku dhintay laydhka Shirkadda Sompwer waxaanu yidhi “Dadka dhintay waxa ku jira Dad Laydh soo go’ay ku dhacay, Shirkadaha Laydhka ee Waarrada Jilicsan dusha marinaya ee maalin walba oo Roob da’o Dadka qabsanaya, waa arrin Tallaabo laga qaadi doono, taasi oo ah in Dadka laga bedbaadiyo Laydhka..”ayuu yidhi. Source
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo weyn oo ay ku dooneyso inay Dowladda Soomaaliya kaga adkaato dacwadda Badda ee taalo Maxkamadda Adduunka. Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa waxaa loo gudbiyey miisaaniyad cusub oo loogu talagalay in lagu wajaho kiiska Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeyo dalka Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa Todobaadkii la soo dhaafay Baarlamaanka Kenya horgeysay miisaaniyadda cusub ee loogu talagalay qareennada difaacaya Kenya. Wasaaradda Maalliyadda ayaa Miisaaniyadda loogu talagalay Kiiska Badda ku kordhisay lacag gaareyso illaa 300 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah. Lacagta ay Wasaaradda markii hore u gudbisay Baarlamaank dalkaas ayaa waxay aheyd illaa 1.7 Bilyan oo lacagta Kenya ah, waxayna wasaaradda Maaliyadda hadda gaarsiisay illaa 2 Bilayn ee lacagta Shilinka Kenya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dooday in Kiiskaan uu u baahan yahay Miisaaniyad dheeri a h maadaama uu mar kale dib u furmayo Bisha September ee soo scoto. Wasaaradda ayaa Baarlamaanka dalkaas ka codsatay in shuruud la’aan lacagtaas lagu ansixiyo si ay Dowladda Kenya ugu guuleysato dacwadda kala dhaxeyso Soomaaliya oo u muuqato in looga guuleystay. Dacwadda u dhaxeyso Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo bilowday dhawr sano ka hor kadib markii Dowladda Kenya ay sheegatay dhul badeed ay leedahay Soomaaliya oo gaarayo illaa 100KM2. Somalia waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka la calaamadeeyo, iyado ola waafijinayo xuduudka berriga ee ay labada waddan wadaagaan, balse Kenya waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka lagu calaamadeeyo sohdimihii ay Xooggagii Gumeystayaasha sameeyeen. Dacwadda taalo Maxkamadda Adduunka ayaa la filayaa in go’aankeeda uu soo baxo maalmaha ugu dambeeyo sanadkaan haddii Kenya laga xukmiyana waxay taas ka dhigan tahay inay weyn doonto qeybo ka mid ah Berriga waana sababta keeneyso inay Kenya lacago tiro badan ku bixiso dacwadaan. Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inaysan ku qancin go’aanka Maxkamadda Adduunka maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey saxaafadda dalkaas baahinayeen in inta badan aysan wadamada qaadan go’aanada ay gaarto Maxkamadda ICJ taasina ay Kenya u fududneyso inay ka hor timaado go’aanka. Muranka xuduud-baddeedkaasi waxa uu Khilaaf Diplomaasi ka ka dhex dhaliyey labada Waddan, iyadoo Dowladda Kenya horey u sheegtay inay Somalia u aqoonsan yihiin dal caddow ku ah Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Puntland Post photofile Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Nugaal, ahna taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal , G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa awaamiir culus ka soo saaray sugidda amniga caasimadda Garoowe. Taliyaha ayaa sheegay, in maanta laga bilaabo magaalada Garoowe ay mamnuuc ka yihiin, bacaha madoow ee lagu dhejiyo gaadiidka, isagoo digniin ku siiyay dhammaan gaadiidleyda in ay iska fiiqaan bacaha loo yaqaan beersolka, ka hor intaan ciidanku ka fiiqin. Wuxuu caddeeyay in aysan jirin cid loo ogolyahay adeegsiga bacaha madow ee gaadiidka, marka laga reebo madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo keliyah. G/sare Cabdixamiid Dirir ayaa sidoo kale sheegay, in gudaha magaalada Garoowe uu mamnuuc ka yahay hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka hubku saaranyahay marka laga reebo ciidanka sugaya amniga ee hawlgallada ku jira. Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dad uu sheegay in ay Ramadaanta cunta xaaraan ah maalintii kariyaan oo qaarkood magaalada kala baxaan, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo jebisa awaamiirta uu soo saaray. PUNTLAND POST The post Garoowe: Booliiska oo soo saaray awaamiir culus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu galay gudaha Xarunta. Gaariga qaraxa waday ayaa waxaa uu Xarunta Degmada ka galay dhinaca Waqooyi oo ah goob ay degganyihiin dad danyar ah oo ay ka dhisanyihiin Guryo cooshado ka sameysan. Dhinaca uu Baabuurka kasoo galay ayaa ah meel barxad ah oo aysan joogin ilaalada Degmada halka jidadka kale ee soo galo degmada si weyn loo adkeeyey. Maamulka Degmada ayaa waxaa ay sheegeen in halka Gaariga uu ka galay degmada aysan ahayn meel ay ka filayeen,laakiin ay tani cashar ka baran doonaan. Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah. Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada. Bishii September ee sanadkii la soo dhaafay labo qarax oo isku xigay waxaa lagu bur buriyay xuramaha Degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu bur buriyay xarumaha degmooyinka Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Heavy Rains Cause Loss Of Life & Properties Across The Country. Hargeisa,(Qaran news)-Heavy rains, accompanied by gale force winds have caused havoc in many parts of Somaliland. In Hargeisa, at least six people were said to have lost their lives and several more still missing and many ramshackle abodes were swept away in heavy rains that brought the city to a standstill. The major thoroughfares of the city were flooded and the already decrepit roads became even more impassable. In Caynabo, heavy rains with strong winds also caused flooding and damages to properties in the town. The town of Burao also saw some flooding as a result of the heavy rains. As welcome as these rains are, with many parts of the country facing drought, the inability of the local authorities to prepare and deal with resulting floods and damages remains acute. Given the meager resources of the country, a certain amount of ingenuity and self-help is required. The Somaliland President Muse Bihi Abdi inspected the damages caused by the rains in Hargeisa, accompanied by central and local government officials. Qaran News