Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,433
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qoryooley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana meelihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  2. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan. Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawlgala degaannada Puntland, in ay xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba. Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan, in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin, islamarkaana aysan keensan karin shaqaale ajnebi ah oo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland. Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli ay Puntland shaqooyin ka hayaan dad ajnebiya oo qaarkood la sheegayo in ay shahaadooyin been-abuura sitaa, halka dhalinyaradii waxbartay ee Puntland ay suuqa shaqa la’aan ku yihiin. Halkan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo go’aan ka soo saartay ajaanibta ka shaqeeya degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh. Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’. Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-15052019-ok.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanki dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa joojinta Imtixaanaadka dugsiyada Sare ee sanadkaan. Wuxuu marka hore ka hadlay imtixaanaadkii ay gali jireen xiliyadii hore ee dalka uu lahaa nidaamka dowladnimo ee aadka u wanaagsanaa. Wuxuu sheegay in xitaa haddii la joojiyo adeegsiga Internetka aanu joogsaneyn in ardayda ay helaan Qishka. Wuxuu qormadiisa Kooban uu ka hadlay saameynta baraha Bulshada iyo imtixaanaadka dowlada. “Imtixaanka Fom Four waxaan ku galay Dugsiga Sare ee 15-ka May. Toddoba arday oo laba macallin ay ilaalaneyso ayuu Fasalkeygu ahaa. Inta aan fasalka la gelin ayaa arday wuxuu iga codsaday in aan u diyaariyo qoraal aan uga warramayo Fatahaadda webiyada oo af Ingiriis ah. Ardayga oo aan aqaannay inuusan waxbarashada ku wanaagsanayn oo aan su’aal aqoon ah i weydiin jirin, mowduuca uu doortay iyo xilliga intuba waa ay isu keey qaban waayeen. Saacado yar ka dib markii la furay bakhshadihii imtixaanka, waxaan ka fekerayay sida aan uga jawaabi lahaa isla su’aashii uu yarku i weydiiyay oo imtixaanka iiga soo boodday. Inkasta oo ardayda waxbarashada ku wanaagsan aan ku jiray, haddana aad iyo aad ayaan uga carooday, in ugu yaraan hal arday uu sii ogaa su’aal imtixaanka ka mid ah. Social Media iyo Internet midna ma jirin. F. G. Dadka qaar maaddaama ay fahmi waayeen, waxaan u jeedaa in Internetka oo la xannibaa aanuu qish joojineyn ee loo baahan yahay, macallimiin, maamul iyo kormeerayaal isku kalsoon, si adagna loola xisaabtamo”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof. Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan. Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday. Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa muddo ku dhow 150 maalmood ku xiran Xabsi ay maamulaan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, oo ku yaala taliskooda ugu wayn ee Habar Qadiijo, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta loo jeedinayo dowladda ee ah in la sii daayo Abuu-Mansuur. Ilaa hadda ma jirto maxkamad la soo taagay Abuu Mansuur, waxaana dad badan ay u arkaan xeraggiisa inuu yahay mid Sharci darro ah, ayada oo lagu eedeeyay hogaanka dowladda Soomaaliya in ay is hortaageen heshiiyo badan oo lagu sii deyn lahaa Abuu Mansuur. Shalay oo ugu dambeysay magaalada Baydhabo waxaa kulan ay ku yeesheen digniin ka soo saaray siyaasiinta iyo odayaasha beelaha digil iyo mirifle kuwaas oo sheegay in ay Afduuban doonaan nin saameen leh oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay Dowladda Soomaaliya u heysato laba arin oo kaliya kuwaas oo kala ah. 1 – Abuu Mansuur waxa uu heestaa dhalinyaro hubeysan oo leh awood ciidan kuwaas uu ku mucaaradi karo dowladda Soomaaliya, waana qodob kamid ah waxyaabaha ay uga cabsi qabto sii dees-madiisa. 2 – Waqtiga dowladda oo gabaabsi ah, haddii ay dowladda Soomaaliya sii deyso Abuu Mansuur waxa uu ka mid noqonayaa mucaaradka Dowladda ee dhanka siyaasadda ,waxana uu ku wiiqayaa awoodda dowladda saameentiisa siyaasi iyo midda deegaan, waana sababta labaaad oo ay dowladda Soomaaliya uga cabsi qabto Abuu Mansuur. Dowladda Soomaaliya oo rajo ka qabta doorashada 2020-ka hadii ay sii deyso Abuu Mansuur oo ka saameen Lafta gareen waxay aaminsan tahay in ay lumin doonto degaanadaasi. Arimahaas ayaa la sheegay in ay yihiin qodobada ugu waa-wayn oo ay Dowladda Soomaaliya Xabsiga ugu sii heyso Abuu Mansuur oo ah hogaamiye saameyn ballaaran ku leh degaano badan oo Soomaalida degto gaar ahaan dhulka Koonfur Galbeed iyo beelaha ku heebta Roobow. Soomaali iyo ajaaniib la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayday in la sii daayo Abuu Mansuur, balse waxay madaxda dalka ku adkeesteen in aysan sii deyn doonin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii December laga xiray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. NAIROBI, May 14 (Reuters) - Growth in Somalia’s economy is expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, but it is vulnerable to destabilising factors including fragile security, climate change and poverty, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  9. A suicide bomber killed at least four people and injured several others Tuesday after detonating a car packed with explosives in Mogadishu, Somali security forces said. Source: Hiiraan Online
  10. Amnigu waa ahmiyada koowaad markii laguu doorto maamulka wadan kasoo kabanaya dagaalo sokeeye sida Soomaaliya.Qorshaha ciidan ee Soomaaliya waxaa sal-dhig u ah soo celinta amniga iyo la dagalaanka Al Shabaab. Milatri, Boolis, Nabad Sugid iyo Asluub ayuu ka kooban yahau ciidanka Somaliya. 2012 markii uu xafiiska la wareegay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidan Milatarigu ahaa 15 kun, waxey qaadan jireen mushaar siman dhamaan oo ahaa 100 dollar, ma heysan isbitaalo, xarumo ciidan oo gaar ah, mana iibsan karin saanad dagaal. Intii uusan ciidan cusub qorin, wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh xooga saaray in ciidanku heleen xuquuq gaar ah. Waxyaabaha uu durba hirgaliyay waxaa ka mid ahaa In askartu ay u kala mushaar badan doonaan sida ay u kala daro sareeyaan, waxaana askari walba uu wax ku qadan jiray garaadihiis (Lacagta ugu yar waa 100 dollar, waxaana saraakiisha qaar uu mushaarkoodu gaaray $1000 dollar bishii). Isbitaalka xooga ayaa dib loo dhisay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo looga maarmay askartii lagu daaweyn jiray isbitaalada gaarka loo lee yahay.Halkaas waxaa ku baaqatay lacag badan oo Dowlada uga bixi jirtay isbitaalada ay dadka gaarka ah ay lee yihiin. Sidoo kale waxaa la sharciyeeyay in askarigii dhinta mushaarkiisa iyo garaamkisii la siiyo qoyskiisa, taas oo aan marna baaqan.(Arrintaan dhiiri galin fiican ayey u noqotay ciidanka furunta ku jira). Dowladii dalka maamuleysay dhamaadkii 2012 ilaa horaantii 2017 waxey ku guuleysatay iney soo iibsato hubka ay kula dagalaaman xoogaga argixisada, halka markii hore ay bixin jireen wadamada beesha Caalamka. In ciidanku heleen tababar sare waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah waxyabihii uu xooga saaray madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu joojiyay in askarta cusub lagu soo tababaro dibbada, si aaney dhaqamo kale usoo qaadan, taa badalkeeda waxaa la diyaariyay ilaa saddex xarumood oo ku yaala darfaha Muqdisho oo lagu tababarociidanka .Saraakiisha oo qura ayaa loo ogolaa tababar dibbad ah waxaana inta badan loo qaadi jiray wadamada Sudan, Masar, Turkiga iyo Uganda. Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya waxey ahaayeen labo dagaal oo aaney marna iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu xoreeyay gobalo badan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.AL-Shabaab ayaa laga xureeyey meelo farabadan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah AL-Shabaab ka bilowday Afgooye iyo Balcad Gobalka Gal-Gaduud waxaaAl Shabaab laga saaraydegmada Ceelbuur.Dhanka Hiiraan intiisa badan ayey heysteen Al Shabaab marka laga reebo magaalada Baladweyne, waxaase laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah sida Buulo-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Halgan, iyo Maqokori. Dhanka Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, marka laga reebo Agooye iyo Jowhar, inta kale waxaa ay gacanta ugu jireen Al Shabaab, laakiin Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya ayaa sababay in inta badan la xoreeyay labada gobal. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ahaa Marko, Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley, Walaweyn, Janaale, Mahadaay, Cadale iyo Buuranle. Jubbada Dhexe, marka laga reebo Saakow waxaa inta kale heystay Al Shabaab, laakiin dhul badan oo maanta nabad ah ayaa laga saaray, sidoo kale gobalka Gedo waxaa intiisa badan heystay Al Shabaab, laakiin dagaal xoogan kadib ciidankii Dowlada ayaa intiisa badan la wareegay gobalkaas. Bay iyo Bakool ayaa inta badan laga saaray Al Shabaab, gaar ahaan magaalooyinka muhiimka ah. Qof kata ayaa xasuusan guushii weyneed ee laga soo hooyay dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay Al Shabaab, kuwaas oo ilaa hada la mahadiyo. Sheeko ay inta badan askartu xasuustaan ayaa dhex martay Xasan Sheekh iyo ciidanka Amisom.(Markii ay dagaal wada aadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaa jirtay kala tagoorid xaga dhaawacyada ah.Tusaale askarta ka dhawacanta Amisiom waxaa lagu soo qaadi jiray diyaarado, halka Soomaalida gaadiid lagu soo qaadi jiray, taas oo sababi jirtay in dhiig bax jidka ugu dhintaan). Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo arrintaas aad uga careysan ayaa ku amray ama usoo jeediyay Amisom in dhamaan dhawacyada diyaarad lagu soo wada qaado ama gaadiid lasoo wada saaro, balse uusan qaadan karin sida hada loo kala ficilaayo ciidanka. Maalinkii wixii ka dambeeyay ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya isku diyaarad ayaa lagu soo qaadi jiray dhawacooda.(Inta badan askartu waa xasuustan sheekadan). Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tirada ciidanka xooga gaarsiiyay 24, halka booliska iyo Nabad Sugidu uu gaarsiiyay 7 kun.Darajo bixinta madaxweynuhu waxey aheyd mid aad looga fakaray, wuxuu inta badan dalacsiin jiray saraakiisha, halka waxa ka hooseeya ay madxda ciidanku bixin jireen darajadooda (Hada taasi ma jirto, hal qof ayaana wax walba sameeya). Labo sanno iyo saddex bilood kadib ciidankii sidaas loo dhisay waa la qabyaladeeyay, waxey ka cabanayaan mushaar la’aan, goobihii dhiiga badan loo daadiyay xoreyntooda dib ayey u qabsadeen Al Shabaab, Nabad Sugidii waa la kala diray, waxaana ay dad badan walaac ka baqaan dib u curashada awoodeed ee Al Shabaab. Maxaa shacabka la gudboon? Waxaa qoray: Ibraahim Cali Xuseen
  11. FM Javad Zarif says his country anticipated 'activities to escalate tension' by 'hardliners' in the US and Middle East. Source: Hiiraan Online
  12. Investors in Dubai’s equities might be feeling whiplash after the main index went from the day’s worst performer worldwide to the biggest gainer in back-to-back sessions, in response to shifting news on regional tensions and local stocks’ presence in global benchmarks. Source: Hiiraan Online
  13. Army officer is among those shot dead at Khartoum sit-in Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali ka hadlin shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garowe ku maqnaa muddo todobaad ah, waxaana hakad u galay dhamaan Shaqooyinka Qaranka ee iyaga ku xirnaa balse nasiib darrada jirto ayaa aheyd markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday Shirka oo ay indha ku haayeen Umadda Soomaaliyeed. Dad badan ayaa sugayay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha uu midkood ka hadlo Shirka iyo waxyaabihii sababay in uu fashil ku soo dhamaado, balse wali ma dhicin waxaana dad badan isweydiinayaan sababaha ay uga aamuseen madaxda Qaranka. Dad badan oo ah siyaasiin iyo aqoon-yahaano ayaa aaminsan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hal sabab uga aamuseen shirka taas oo ah. Madaxda Qaranka waxay ku dhiiran waayeen in ay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan in shirkii lagu kala tagay sababteedana inta ugu badan ay iyagu leeyihiin. Dhamaan dhinacyadii Shirka ka hadlay ayaa cadeeyay in waxa la isku qabtay ay ugu weyneed heshiiskii Batroolka iyo Sharciga doorashooyinka, qaybsiga Kheyraadka iyo qodobo kale oo dhamaantood ka socon waayay dhinaca dowladda waana sababta keentay in aysan dadweynaha la wadaagin natiijada Shirka. Dhowr qof oo ah aqoon-yahaano iyo siyaasiin uu kamid ah Xersi Iimaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Qaranka ay Shirkaas uga aamuseen hal sabab oo ah in iyaga ay wax ka socon waayeen sababta fashilka Shirkana ay mas’uuliyadeedana lahaayeen. Shacabka Soomaaliyeed waxay qanaaco u arkaan oo ay dhowarayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu midkood la hadli doono dadweynaha islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono dhibaatooyinkii shirka ka qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay maalmihii u dambeysay saluug ka muujinaysay hab-dhaqanada siyaasadeed ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar. Prof Samatar ayaa mudooyinkii udambeeyay kulamo kala duwan ku qabtay Gobolada Somaliland isaga oo uu ku wehlinayay kulamadasi Dr. Cali Khaliif Galeyr, kuwaasi oo dadweynaha kula qaadanayey doodo kala duwan. Haddaba, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilo usoo jeediyay Prof Samatar, kaasi oo sheegay inuu Profserku ku biyo shubtay hal beel. Xinif oo ka hadlaya arrinkaasi ayaa wuxuu yiri “Haddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo ‘Haddaynu reer Hebel nahay waala inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqan’, kaasi aqoon ma soo kordhin ee odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaaray”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, waqtigaana qaranimo iyo aqoon buu ka hadlayey, imikana aqoontiisii xaafad bay ku ururtay” Prof Samatar ayaa xiligii uu socday ololihii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 2017-kii ku biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoona door weyn ka qaatay ololahaasi, ayaa hadda’se wuxuu u muuqda iney waxbadan iska badaleen wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi. Samatar ayaa dhowr mar goobo fagaare ah ka jeediyay qudbado uu ku dhaliilayo Xukuumada Biixi, isagoona weli ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye Dhinaca kale, Prof Samatar iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Ciro, ayaa waxay galinkii dambe ee Jimcihii todobaadkii hore si wada-jir uga ambabaxeen dalka Kenya, taasi oo xukuumada Biixi ku abuurtay shiki-ba’an. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid caasimada Somaliland. Mas’uuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay inay danaynayaan fursadaha maalgashi ee jirra, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kaluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka. Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Somaliland ku duugan. Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey mas’uuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. High level consultation on addressing debt vulnerabilities in African Development Fund and International Development Association countries WHO: African Development Bank, The World Bank, African Finance Ministers, representatives of African Development Fund (FAD) and International Development Association countries (IDA) WHAT: High-level consultation meeting WHERE: Babacar Ndiaye Auditorium, African Development Bank Headquarters, Abidjan WHEN: 16th and 17th of May, 2019 at 9.00 am The African Development Bank and the World Bank will jointly host a high-level meeting to provide a forum for member countries of both institutions to express their views and lessons learnt from non-concessional borrowing, emerging debt vulnerabilities and IDA’s proposed approach to support countries adopt sustainable borrowing practices. I The meeting will also be an opportunity for countries to discuss “financing for development” and “debt sustainability in the context of the SDGs agenda and the Addis Ababa action plan. Debt in African countries has been on the rise in recent years. One of the causes has been the decline in commodity prices that has unfolded since the global financial crisis of 2008. Proceeds from main exports have dwindled and economic growth has slowed. African governments have increasingly resorted to borrowing to fill the void in their budgets. What is the role of multilateral development banks in solving this challenge? How can the African Development Bank and the World Bank work together to provide solutions? These questions and the outcomes of the meeting will feed into the discussions on policy frameworks for ADF countries and the respective debt policies of both institutions. Qaran News
  18. Jaaliyada Isaxaaq Care ee UK- ayaa ku kala jaybsantay Shir afduub ah oo ay koox hore Caare magaalada Bristol Iyo meelo kalaba qaadhaan dhaqaale uga guray ay fool eryayaan Shirkani oo ay ajandayaasii ka mid yihiin kicinta Iyo colaad ku abuurka beesha Bariga Hargeysa oo la damacsanyahay in laga hor keeno xukumadda Muuse Biixi, kadib markii shaqsiyaad hawshani hagayaa oo xil Ka soo waayay Somaliland Iyo kuwo ku xidhan maamulka Farmaajo ay damacsanyihiin in ay caruurta da’yarta ay ku magac doontaan oo kicin dadweyne ku sameeyaa, arintaasi oo Dhaqanka, diinta Iyo dastuurka dalka intaba ka soo hor jeeda Shirkani oo loo qoondeeyay in uu dhaco maalinta15/6/2019 waxa uu ka qabsoomayaa magaalada Birmingham gaar ahaan. AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR. Tallo Dadka qurba jooga ah ee siiba u badan dumarka Iyo dhalinyarada shirka lagu Marti qaaday we waliba aan la siinin agenda-ha shirku in ay ka foojignaadaan dabinada guracan we dalkooda Iyo magaaladooda caasimada ah qaybaha ay ka degaan lagu khalkhalinaayo. La soco warar kale oo arimahani khuseeya Qaran News
  19. Human rights abuses and atrocities committed in Somalia during the brutal 21-year reign of the dictator Siad Barre will come under scrutiny in a Virginia courtroom this week as a villager finally confronts the military commander he accuses of attempting to kill him. Farhan Warfaa last saw the defendant, Yusuf Abdi Ali, in March 1988 when he says Ali – known to terrorized members of the northwestern Somalia Isaaq clan as “Colonel Tukeh” (the crow) – pulled out a handgun and shot him five times at point-blank range following a torture session. Ali was the commander of the Somali army’s notorious fifth brigade responsible for “gross human rights abuses” in the separatist province of Somaliland during the Barre regime of the 1970s and 1980s, according to the complaint brought by the California-based Center for Justice and Accountability. Warfaa, a teenager at the time of his abduction and now a respected village elder, has travelled from Somalia for the scheduled five-day hearing in the US district court for the eastern district of Virginia, at which he is seeking unspecified damages for torture and attempted extra-judicial killing. Just reaching a federal courtroom also marks a victory for the CJA, which first filed the complaint on Warfaa’s behalf in 2004 and which had to overcome some significant legal hurdles that at times threatened to derail the entire case. In 2016 a Virginia appeals court stripped elements from the lawsuit that prevented Ali – who was discovered by a CNN crew in 2016 working as a security guard at Washington DC’s Dulles airport – from facing wider allegations of war crimes and crimes against humanity. “He is hoping to achieve some measure of accountability for the abuses that he alleges he and others have suffered,” Carmen Cheung, legal director of the CJA, told the Guardian. “Even though these crimes took place a long time ago, even though a Virginia courtroom seems very far away from where these acts took place, it is in some ways the only forum. “The case is an important one not just for those people from Somaliland but also for us as Americans. What gives me hope is that this case is going forward in an American federal district court willing to allow a US jury to listen to these claims and make an adjudication.” In what is sure to be emotional testimony, Warfaa will tell the jury that he was abducted by Ali’s soldiers late in 1987 as part of a crackdown on the Somali National Movement (SNM), a militia group trying to defend the Isaaq clan against a fifth brigade push into Somaliland. Warfaa claims he was detained after an army water tanker was stolen, and interrogated over several months. Following another session in which Ali and his henchman stripped and beat him, he says, Ali lost his temper and shot him, ordering the body to be removed and buried. But Warfaa survived and was smuggled out to family members by Ali’s soldiers in return for a bribe, and recovered to tell his story to human rights workers looking into the violence and mass atrocities that took place in Somalia before Barre was toppled in 1991. Ali, who fled the country when the regime fell, first went to Canada and was deported to the US when his past came to light there, becoming a legal US resident in Virginia and living there freely for more than two decades with his American citizen wife. In a short call with the Guardian last week, Ali’s attorney Joseph Peter Drennan would not discuss details but said his client “denies every one of the allegations”. The case against Ali is the third filed in US federal court by the CJA on behalf of survivors against alleged Barre regime figures. In 2012, Judge Leonie Brinkema, who will hear the Warfaa case, recorded a $21m judgment against the former Somali prime minister General Mohammed Ali Samantar for human rights crimes, although he died in 2016 before any money could be recovered. Former Somalia national security service chief Abdi Aden Magan, meanwhile, fled to Kenya to escape a $15m judgment against him for the detention and torture of a law professor who was a prominent Barre critic and human rights advocate. “This is not just a case to me, it’s a part of my life I will never forget and I want to see those responsible realise what they have done,” Warfaa told the Guardian in 2015. Source: The Guardian
  20. Spokespeople available upon request Responding to reports that Somalia’s education minister has announced that social media may be shut down for five days from 27 to 31 May as one of the ways to stop cheating in the national secondary school exams, Amnesty International’s Deputy Regional Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes Seif Magango said: “It is ridiculous that the government would consider shutting down social media communications for the entire country after failing in its duty to secure the content of exam papers. “They should instead explore ways to secure the integrity of the exams without resorting to regressive measures that would curtail access to information and freedom of expression.” Background On 13 May, Somalia’s Education Minister Abdullahi Godah Barre cancelled the national secondary examination which began on 11 May after discovering that exam papers had been leaked and were being freely sold to students. The minister said the exams would be retaken from 27 to 31 May. Students took to the streets on 14 May protesting the cancelation of exams. A joint declaration by inter-governmental experts on freedom of expression in May 2015 stated that shutting down entire parts of communications systems, “can never be justified under human rights law.” Public Document ************** For more information or to arrange an interview please contact Catherine Mgendi on: +254 737 197 614 email: catherine.mgendi@amnesty.org Out of hours contact details +44 20 7413 5566 email: press@amnesty.org twitter: @amnestypress ENDS