Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,445
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Despite facing long years of civil war and unrest, Puntland has made great progress in ensuring children can go to school and learn. This has [...] Source
  2. War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in hey’adaha dowladda federaalka ah ay ka soo baxeen shuruudihii barnaamijka SMP3, la iskuna afgartay ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka. Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP. Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan. Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3 “ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa. Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in shirkii fashilmay ee Garoowe uu isaga aragti ahaan qabo in uu ahaa mid wanaagsan oo arrimo badan looga hadlay. Wuxuu sheegay in diiradda lagu saaray shirkaasi arrimaha ammaanka, qeybsiga Kheyraadka, Dastuurka, Doorashooyinka iyo la dagaalanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye. Lafta Gareen ayaa dhanka kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay mar kale dib u kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. “Madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa isugu tagay Garoowe , waxaa laga wadahadlay arrimo badan, arrin wanaagsan bay ahayd in la kulmo inkastoo sidii la rabay aanu ku dhammaan, balse wuxuu aniga ila muuqdaa shir fiican, ajende badan ayaa looga hadlay, waxaana jecelahay in kulamo kale la isugu yimaada” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed. Shir magaalada Garoowe muddo Lix cisho ah uga socday madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa fashil kusoo dhammaaday, kadib markii la isku mari waayey arrinta Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garowe (Caasimada Online)-War saxaafadeed kasoo baxa Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa amar kasoo saartay shaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala deegaanada maamulka Puntland. War-Saxaafadeedka ayaa dhammaan waxaa lagu amray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheed ah ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dhameystiran. Waxaa kale oo ay Puntland amar dul dhigtay loo shaqeeyayaasha oo ay ku amartay in muddo bil gudaheed ah ku gudbiyaan xogta shaqaalaha si ay ula socoto Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ka hadlay faa’idada maamuladooda ugu jirto isbaheysiga cusub ee dhawaan ka sameysmay magaalada Garowe. Shirka ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa isbaheysi cusub ka dhex abuuray Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana markii ugu horeysay ka hadlay madaxda Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dan weyn ugu jiro maamulada isbaheysigaasi sameeyay. “Waa iskaashi aan la suubsaneyno labada maamul, maadaama Puntland dad badan ay joogaan dad badan oo reer Koofur Galbeed ah, oo halkaasi ka shaqeysto, waxaana ka wada hadalnay inaan ka wada shaqeyno danaha maamulada aan masuulka ka nahay”. “Shir muhiim ah ayuu ahaa, waxaan ku heshiinay hormarinta maamulada iyo federaaleynta iyo is dhaafsiga xogaha amaanka, waxaan ka wada hadalnay iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga Xogta”.ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen. Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciiro oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Hirshabeelle ay kala saxiixatay Puntland sii deynta maxaabiis ku xiran magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, heshiiskaasi oo ku yimid isbaheysiga cusub. “Madaxweynaha iyo Wasiirka amniga waxay kulan la qaateen madaxweyne Deni, waxay ka wada hadlayeen shacab kasoo jeeda Hirshabeelle oo ku xiran Boosaaso, waxaana la isla gartay in lasii daayo dhamaan dadka ku xiran”.ayuu yiri Daa’uud. Isbaheysiga Cusub ee Hirshabeelle Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa u muuqda mid la safan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Taariikhda Xisbigii SYL lama soo koobi karo, balse waxaan si kooban uga hadlayaa Asaaskii Xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”, Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub. Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan, waxaana dhacday in Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka. Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:- 1. Yaasiin Xaaji Cismaan 2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin 3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage 4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere 5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi 6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura 7. Daahir Xaaji Cismaan 8. Xaaji Maxamad Xuseen Shirkii ugu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:- • In loo halgamo, lana xaqiijiyo Gobanimada iyo Madaxbanaanida Ummadda Soomaaliyeed. • In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno. • In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed. • In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah. • In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida. • In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm. Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa. Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin. Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay. Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuunkaasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee. Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday,wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956. Dhacdadii 11-kii Jannaayo 1948 (Hanoolaato) Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa la sheegay inuu Magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed, blase intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas, Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah: Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududooda muujiyaan, Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed. Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhallinyaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, way isqeybiyeen, qaar waxaa loo diray Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga, Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55 kale. dhanka Dhallinyarada waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako), Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako. Dhacdadii Dhagaxtuur Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii. Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah Madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalin-guur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi. 21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey, Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah Madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952-kii. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad, Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah, Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay dooroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954-kii, Talyaanigu ayaa markaasi quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12-ka Oktoobar 1954-kii la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada. Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July 1960-kii markii laba Gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray. Xigasho:-sonna.so View the full article
  7. Turkey's economic, humanitarian and nation-building efforts in Somalia have forged a bond that cannot be derailed by terror attacks. On Sunday, the Al Qaeda-affiliated Al-Shabaab group killed a Turkish citizen in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa u dambeeyay Group-ka D iyo guud ahaan is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan ayaa qeybta hore la yimid 4 dhibcood, hayeeshee guddiga habsami u socodka tartanka ayaa ka jaray labo buundo, kadib markii ay ku xadgubeen mid ka mid ah xeerarka u yaalla tartan aqooneedka Shabelle, sidaasina waxa ay ku heleen 2 dhibcood. Kaaraan ayaa ka hortimid go’aankaasi, waxaana ay gabi ahan ka biyo diiday in sii wadato tartanka, tan iyo inta laga soo gabagabeynayo. Dhinaca kale Degmada Afgooye ayaa qeybta hore keensatay 6 Dhibcood, waxaana qeybta labaad, ay si Forfeit ah ku heshay 14 bundo. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana caawa laguda gali doona is araga labaad ee Wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle. Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ku wada jira Group-ka A ayaa kulanka ugu horreeya isku arki doona. Waa labo degmo oo kala matalaya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta tartanka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare ee ganacsiga iyo Xisaabaadka Adult. View the full article
  9. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL. Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 76 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN ) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyay cidda ay tuhunsan yihiin in ay ka dambeysay Xadida Imtixaankii Shahaadiga ee la ogaaday in Ardayda ay heleen. Mr Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ku raad joogaan shaqsiyaadkaasi ayna soo bandhigi doonaan kadib markii la ogaado si sharciga loola tiigsado. Waxaana uu cadeeyay in arrintaas ay kala kaashanayaan Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia ayaa Habeen ka hor soo saartay go’aan ay ku kansashay gebi ahaan imtixaanaadkii shahaadiga ee ay soo galeen Ardayda maadaama ay heshay Macluumaad la xiriira in Imtixaankaasi uu faraheeda ka baxay. Go’aankaas ayaana sababay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah Wasaaradda hayeeshee Wasaaradda Waxbarashada , Maamulka gobolka Banaadir iyo dalladaha Waxbarashada dalka oo shir deg deg ah shalay yeeshay ayaa isku afgartay in Imtixaankaasi dib loogu celiyo si Ardayda looga qaado Imtixaan hufan View the full article
  11. Qoryooley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana meelihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  12. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan. Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawlgala degaannada Puntland, in ay xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba. Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan, in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin, islamarkaana aysan keensan karin shaqaale ajnebi ah oo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland. Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli ay Puntland shaqooyin ka hayaan dad ajnebiya oo qaarkood la sheegayo in ay shahaadooyin been-abuura sitaa, halka dhalinyaradii waxbartay ee Puntland ay suuqa shaqa la’aan ku yihiin. Halkan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo go’aan ka soo saartay ajaanibta ka shaqeeya degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh. Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’. Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-15052019-ok.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanki dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa joojinta Imtixaanaadka dugsiyada Sare ee sanadkaan. Wuxuu marka hore ka hadlay imtixaanaadkii ay gali jireen xiliyadii hore ee dalka uu lahaa nidaamka dowladnimo ee aadka u wanaagsanaa. Wuxuu sheegay in xitaa haddii la joojiyo adeegsiga Internetka aanu joogsaneyn in ardayda ay helaan Qishka. Wuxuu qormadiisa Kooban uu ka hadlay saameynta baraha Bulshada iyo imtixaanaadka dowlada. “Imtixaanka Fom Four waxaan ku galay Dugsiga Sare ee 15-ka May. Toddoba arday oo laba macallin ay ilaalaneyso ayuu Fasalkeygu ahaa. Inta aan fasalka la gelin ayaa arday wuxuu iga codsaday in aan u diyaariyo qoraal aan uga warramayo Fatahaadda webiyada oo af Ingiriis ah. Ardayga oo aan aqaannay inuusan waxbarashada ku wanaagsanayn oo aan su’aal aqoon ah i weydiin jirin, mowduuca uu doortay iyo xilliga intuba waa ay isu keey qaban waayeen. Saacado yar ka dib markii la furay bakhshadihii imtixaanka, waxaan ka fekerayay sida aan uga jawaabi lahaa isla su’aashii uu yarku i weydiiyay oo imtixaanka iiga soo boodday. Inkasta oo ardayda waxbarashada ku wanaagsan aan ku jiray, haddana aad iyo aad ayaan uga carooday, in ugu yaraan hal arday uu sii ogaa su’aal imtixaanka ka mid ah. Social Media iyo Internet midna ma jirin. F. G. Dadka qaar maaddaama ay fahmi waayeen, waxaan u jeedaa in Internetka oo la xannibaa aanuu qish joojineyn ee loo baahan yahay, macallimiin, maamul iyo kormeerayaal isku kalsoon, si adagna loola xisaabtamo”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof. Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan. Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday. Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa muddo ku dhow 150 maalmood ku xiran Xabsi ay maamulaan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, oo ku yaala taliskooda ugu wayn ee Habar Qadiijo, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta loo jeedinayo dowladda ee ah in la sii daayo Abuu-Mansuur. Ilaa hadda ma jirto maxkamad la soo taagay Abuu Mansuur, waxaana dad badan ay u arkaan xeraggiisa inuu yahay mid Sharci darro ah, ayada oo lagu eedeeyay hogaanka dowladda Soomaaliya in ay is hortaageen heshiiyo badan oo lagu sii deyn lahaa Abuu Mansuur. Shalay oo ugu dambeysay magaalada Baydhabo waxaa kulan ay ku yeesheen digniin ka soo saaray siyaasiinta iyo odayaasha beelaha digil iyo mirifle kuwaas oo sheegay in ay Afduuban doonaan nin saameen leh oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay Dowladda Soomaaliya u heysato laba arin oo kaliya kuwaas oo kala ah. 1 – Abuu Mansuur waxa uu heestaa dhalinyaro hubeysan oo leh awood ciidan kuwaas uu ku mucaaradi karo dowladda Soomaaliya, waana qodob kamid ah waxyaabaha ay uga cabsi qabto sii dees-madiisa. 2 – Waqtiga dowladda oo gabaabsi ah, haddii ay dowladda Soomaaliya sii deyso Abuu Mansuur waxa uu ka mid noqonayaa mucaaradka Dowladda ee dhanka siyaasadda ,waxana uu ku wiiqayaa awoodda dowladda saameentiisa siyaasi iyo midda deegaan, waana sababta labaaad oo ay dowladda Soomaaliya uga cabsi qabto Abuu Mansuur. Dowladda Soomaaliya oo rajo ka qabta doorashada 2020-ka hadii ay sii deyso Abuu Mansuur oo ka saameen Lafta gareen waxay aaminsan tahay in ay lumin doonto degaanadaasi. Arimahaas ayaa la sheegay in ay yihiin qodobada ugu waa-wayn oo ay Dowladda Soomaaliya Xabsiga ugu sii heyso Abuu Mansuur oo ah hogaamiye saameyn ballaaran ku leh degaano badan oo Soomaalida degto gaar ahaan dhulka Koonfur Galbeed iyo beelaha ku heebta Roobow. Soomaali iyo ajaaniib la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayday in la sii daayo Abuu Mansuur, balse waxay madaxda dalka ku adkeesteen in aysan sii deyn doonin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii December laga xiray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. NAIROBI, May 14 (Reuters) - Growth in Somalia’s economy is expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, but it is vulnerable to destabilising factors including fragile security, climate change and poverty, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. A suicide bomber killed at least four people and injured several others Tuesday after detonating a car packed with explosives in Mogadishu, Somali security forces said. Source: Hiiraan Online
  20. Amnigu waa ahmiyada koowaad markii laguu doorto maamulka wadan kasoo kabanaya dagaalo sokeeye sida Soomaaliya.Qorshaha ciidan ee Soomaaliya waxaa sal-dhig u ah soo celinta amniga iyo la dagalaanka Al Shabaab. Milatri, Boolis, Nabad Sugid iyo Asluub ayuu ka kooban yahau ciidanka Somaliya. 2012 markii uu xafiiska la wareegay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidan Milatarigu ahaa 15 kun, waxey qaadan jireen mushaar siman dhamaan oo ahaa 100 dollar, ma heysan isbitaalo, xarumo ciidan oo gaar ah, mana iibsan karin saanad dagaal. Intii uusan ciidan cusub qorin, wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh xooga saaray in ciidanku heleen xuquuq gaar ah. Waxyaabaha uu durba hirgaliyay waxaa ka mid ahaa In askartu ay u kala mushaar badan doonaan sida ay u kala daro sareeyaan, waxaana askari walba uu wax ku qadan jiray garaadihiis (Lacagta ugu yar waa 100 dollar, waxaana saraakiisha qaar uu mushaarkoodu gaaray $1000 dollar bishii). Isbitaalka xooga ayaa dib loo dhisay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo looga maarmay askartii lagu daaweyn jiray isbitaalada gaarka loo lee yahay.Halkaas waxaa ku baaqatay lacag badan oo Dowlada uga bixi jirtay isbitaalada ay dadka gaarka ah ay lee yihiin. Sidoo kale waxaa la sharciyeeyay in askarigii dhinta mushaarkiisa iyo garaamkisii la siiyo qoyskiisa, taas oo aan marna baaqan.(Arrintaan dhiiri galin fiican ayey u noqotay ciidanka furunta ku jira). Dowladii dalka maamuleysay dhamaadkii 2012 ilaa horaantii 2017 waxey ku guuleysatay iney soo iibsato hubka ay kula dagalaaman xoogaga argixisada, halka markii hore ay bixin jireen wadamada beesha Caalamka. In ciidanku heleen tababar sare waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah waxyabihii uu xooga saaray madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu joojiyay in askarta cusub lagu soo tababaro dibbada, si aaney dhaqamo kale usoo qaadan, taa badalkeeda waxaa la diyaariyay ilaa saddex xarumood oo ku yaala darfaha Muqdisho oo lagu tababarociidanka .Saraakiisha oo qura ayaa loo ogolaa tababar dibbad ah waxaana inta badan loo qaadi jiray wadamada Sudan, Masar, Turkiga iyo Uganda. Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya waxey ahaayeen labo dagaal oo aaney marna iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu xoreeyay gobalo badan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.AL-Shabaab ayaa laga xureeyey meelo farabadan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah AL-Shabaab ka bilowday Afgooye iyo Balcad Gobalka Gal-Gaduud waxaaAl Shabaab laga saaraydegmada Ceelbuur.Dhanka Hiiraan intiisa badan ayey heysteen Al Shabaab marka laga reebo magaalada Baladweyne, waxaase laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah sida Buulo-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Halgan, iyo Maqokori. Dhanka Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, marka laga reebo Agooye iyo Jowhar, inta kale waxaa ay gacanta ugu jireen Al Shabaab, laakiin Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya ayaa sababay in inta badan la xoreeyay labada gobal. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ahaa Marko, Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley, Walaweyn, Janaale, Mahadaay, Cadale iyo Buuranle. Jubbada Dhexe, marka laga reebo Saakow waxaa inta kale heystay Al Shabaab, laakiin dhul badan oo maanta nabad ah ayaa laga saaray, sidoo kale gobalka Gedo waxaa intiisa badan heystay Al Shabaab, laakiin dagaal xoogan kadib ciidankii Dowlada ayaa intiisa badan la wareegay gobalkaas. Bay iyo Bakool ayaa inta badan laga saaray Al Shabaab, gaar ahaan magaalooyinka muhiimka ah. Qof kata ayaa xasuusan guushii weyneed ee laga soo hooyay dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay Al Shabaab, kuwaas oo ilaa hada la mahadiyo. Sheeko ay inta badan askartu xasuustaan ayaa dhex martay Xasan Sheekh iyo ciidanka Amisom.(Markii ay dagaal wada aadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaa jirtay kala tagoorid xaga dhaawacyada ah.Tusaale askarta ka dhawacanta Amisiom waxaa lagu soo qaadi jiray diyaarado, halka Soomaalida gaadiid lagu soo qaadi jiray, taas oo sababi jirtay in dhiig bax jidka ugu dhintaan). Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo arrintaas aad uga careysan ayaa ku amray ama usoo jeediyay Amisom in dhamaan dhawacyada diyaarad lagu soo wada qaado ama gaadiid lasoo wada saaro, balse uusan qaadan karin sida hada loo kala ficilaayo ciidanka. Maalinkii wixii ka dambeeyay ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya isku diyaarad ayaa lagu soo qaadi jiray dhawacooda.(Inta badan askartu waa xasuustan sheekadan). Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tirada ciidanka xooga gaarsiiyay 24, halka booliska iyo Nabad Sugidu uu gaarsiiyay 7 kun.Darajo bixinta madaxweynuhu waxey aheyd mid aad looga fakaray, wuxuu inta badan dalacsiin jiray saraakiisha, halka waxa ka hooseeya ay madxda ciidanku bixin jireen darajadooda (Hada taasi ma jirto, hal qof ayaana wax walba sameeya). Labo sanno iyo saddex bilood kadib ciidankii sidaas loo dhisay waa la qabyaladeeyay, waxey ka cabanayaan mushaar la’aan, goobihii dhiiga badan loo daadiyay xoreyntooda dib ayey u qabsadeen Al Shabaab, Nabad Sugidii waa la kala diray, waxaana ay dad badan walaac ka baqaan dib u curashada awoodeed ee Al Shabaab. Maxaa shacabka la gudboon? Waxaa qoray: Ibraahim Cali Xuseen
  21. FM Javad Zarif says his country anticipated 'activities to escalate tension' by 'hardliners' in the US and Middle East. Source: Hiiraan Online
  22. Investors in Dubai’s equities might be feeling whiplash after the main index went from the day’s worst performer worldwide to the biggest gainer in back-to-back sessions, in response to shifting news on regional tensions and local stocks’ presence in global benchmarks. Source: Hiiraan Online
  23. Army officer is among those shot dead at Khartoum sit-in Source: Hiiraan Online