Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,433
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan gaar ah magaaladaasi ay ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow. Kulankaasi oo ahaa mid looga hadlayay xaaladaha guud ah ee dalka ayaa labada dhinac waxay isku soo hadal qaadeen xaaladaha dhanka amaanka iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe. Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku amaanay madaxweynaha Galmudug doorka iyo garab istaagiisa ku aadan raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana uu sheegay in Xaaf uu doorweyn ku leeyahay arintaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in mar walbaa uu yahay madaxweyne ka hadla maqaamka magaalada Muqdisho. Qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka, ayuu sheegay in Xaaf uu ahaa dadkii sida weyn ugu ololeynayay. Inta lagu guda jiray kulankooda ayaa waxaa ay isku raaceen in la adkeeyo arrinta ku aadan maqaamka Caasimadda oo weli dowladda Soomaaliya aysan go’aan rasmi ah ka gaarin, isla markaana tira ka dhowr jeer khilaaf xoogan dhalisay. Sidoo kale waxay isku raaceen in laga ada shaqeeyo danaha umadda Soomaaliyeed. Muuse Suudi ayaa xurguf waxay dhex martay dowladda Soomaaliya, kadib afar kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow, kaasi oo ahaa in laga baxo dhismaha xaruntii ciidamada Badda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, participated in the sixth annual Stockholm Forum on Peace and Development, which was launched Tuesday in Stockholm, Sweden in the presence of a large number of policymakers, researchers and high-level practitioners. The Forum, which is held annually by the Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), focuses this year on the theme ‘From crisis response to peacebuilding: Achieving synergies’. The three-day forum (14-16 May) HE Amb. Ahmed Awad will address in several sessions as a panelist with ministers and international representatives on peacebuilding, stability and development. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”. Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”, Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”. Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib” Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo” Source
  4. Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku daahfureen mashruuc horumarinta shaqaalaha Soomaaliya. Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya. Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta. Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka. Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo marka xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya. “Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan… mashruucan oo ah in aqoontoodda iyo kartidoodda kor loo qaado, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.” Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub. The post Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo daahfuray mashruuc horumarinaya shaqaalaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku daahfureen mashruuc [...] Source
  6. (SLT-London)-Guddiga shaqaalaha dalka Britain ayaa shaaciyay in mid ka mid shaqaalahooda lagu xidhay dalka Iiraan oo loo haysto falal Basaasnimo. Madaxa hey,ada dhaqanka Britain Ciarán Devane ayaa war saxaafadeed ka soo baxay salaasadii shalay lagu sheegay in gabadh lagu magacaabo Aras Amiri oo 32 jir ah oo ku xidhneyd hal sanno dalka Iiraan lagu xukumay 10 sano Xadhig ah. War saxaafadeedkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan waaxda garsoorka Iiraan uu sheegay in xukun ay xabsi ah ay ku rideen gabadh basaas u aheyd dowlada UK. Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Gholamhossein Esmaili, ayaa xaqiijiyay in gabadhaan ay la shaqeyneysay laanta Sirdoonka Ingariiska. Wuxuu intaa raaciyay in Iiraan ay u timid mashaariic la xidhiidha dhaqanka, balse ay la xidhiidhi jirtay ciidanka amniga UK si macluumaad ay u Siiso. Source
  7. Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Fuleey! Fuleey ma calfado wuxuu rabo saa naftaan ku simaynee! Doqon ma calfado wuxuu rabo saa xin baa u diidiyee! Tukana caano ma calfado saa qarkuu kaga istaagiyee!… Madaxdii dalka waa ay soo kala tageen, muddoo 7aad ku dhow oo ay shirayeen gunaanadkeedii wuxuu noqday gacmo isku seyr iyo iyadoo la kala xanaaqsanyahay in la soo kala tago, dad-weynahana laga wada qarsaday xogtii ay xaqa u lahaayeen xan ay war-baahinta soo ururisay oo aan rasmi ahayn mooyee, waxa ugu weyn ee shirkaas laga faa’idayna waxay tahay in maanta dad-weynaha u qiimaysanyihiin madaxda dalka hoggaankiisa haysa iyo nooca ay yihiin, haba ugu horeeyso madaxda xukuummadda dhexe, madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, waxaana la oran karaa wax dhab ahaan shirkaas ku khasaaray waa xukuummadda dhexe. Waxaa cajiib ah in shirkii laysugu yimid Garowe ay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha qaabkii ay ku yimaadeen uu ahaa mid ay caro ku jirto oo ujeeddadiisu ahayd wax iska dhicin iyo inay ka soo adkaadaan maamullada ay la kulmayaan, mana aysan rumaysnayn in labada dhinaca ee madaxda maamul-gobleeddada iyo iyaga ay labadaba yihiin dowladdii Soomaaliya, waxaana ku talo galkoodu ahaa inay la kulmayaan dad ka soo hor jeeda dowladda ama kooxo mucaarrad ah oo kale, waana meesha ay ka soo bilaabanayso colaadda ay madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa abuureen isla markaasna ay kula jiraan maamul-goboleeddada, waxaadna moodaa in labada nin aysan rumaysnayn ama garowsanayn in dowladda goboleeddada ay ka tirsanyihiin si rasmi ah dowladda federal-ka, waana arrin si cad dhaqankooda looga dheehan karo haddii ay tahay hadal iyo ficilba. DHinaca kale, madaxda maamul-goboleeddada ayaa iyagana u muuqda inay fahamsanyihiin oo ay indhaha ku hayaan in hab dhaqanka dowladdu federalka uu ka maqanyahay ama uu inkirsanyahay si cad oo ku talo gal ah inay yihiin dowlad goboleeddada ay ka samaysantahay dowladda federal-ka xubinimadoodana ay ku dhisantahay dowladnimmada isla markaasna ay leeyihiin si dastuurka waafaqsan awoodo is maamul hoose oo gaar u ah, iyo mid siyaasadeed oo ay tahay in laga talo galiyo arrimaha dalka… marka shirkii Garowe laysugu tegay way iska cadayd inuu natiijo la’aan ku dhammaanayo laguna sii kala fogaanayo, waxaana hadda ay arrintu noqonaysaa si ka duwan siyaabihii hore, waxaana shaki la’aan bilaabanaysa in wax kasta oo ay dowladda federal-ka soo jeediso ay mawqif ka qaataan maamul goboleeddada xataa haddii uusan iyaga dhib ku ahayn si ay u muujiyaan kaalinta siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo waliba si ay shakiga uga saaraan kaalinta wakiillada aqalka sare ee iyaga ku fadhiya magaca maamul goboleeddada, waana sababta keentay in dowladda federal-ka ay la colowdo aqalka sare, waxayna xubnaha aqalka sare u aragtaa wakiilo si toos ah ugu taagan maamul-goboleeddada, waayo xubnaha aqalka sare ayaa ku fadhiya oo laga soo xulay magaca maamul goboleeddada, waana waxa ay uga duwanyihiin golaha shacabka oo isaga xubnihisa lagu soo xulay nidaamkii hab beeleedka ahaa ee 4.5. Farmaajo, inuu maamul goboleeddada heerkaas la gaaro waxaa inta badan ku dhiiri geliyay Abiy Axmed Cali, ra’iisal wazaaraha Itoobiya, oo uu la galay heshiisyo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku salaysanyihiin aysan jirin, xataa xubnaha xukuumadda. Waxaa arrintaas si cad looga dheehan karay duulaankii ay ciidammada Itoobiya ka geysteen maagaallada Baydhabo December 13, 2018, iyagoo si barer ah u faro gelinaya arrimaha gudaha dalka, hor joogsadayna inay doorasho xor ah ka dhacdo maamulka Koonfur-Galbeed isla markaasna ku xad-gudbay oo soo xiray murashax Mukhtaar Roobow oo isagu guddiigii doorashada ee maamul goboleedku u aqoonsadeen inuu yahay murashax buuxiyay shuruuddii tartanka, oo la siiyay shahaadadii murashaxnimmada!…. talaabadaas oo waqtigaas ahayd farriin cabsi gelin ah oo ku socotay maamul goboleeddada kale oo ay ugu horeysay Puntland oo doorashadeedu maalmo ka dhinaanyeen. Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo uu markaas xukumay hoggaan aad jilicsan oo musuqmaasuqu heerkii ugu sareeyay gaaray waxay fara gelinta handdadaadda, cudud sheegashada, iyo laaluushka loo soo adeegsaday ka badbaadday xil-dhibaannadii cusbaa oo aad u fahmsanaa dagaalka iyo colaadda ay dowladda federal-ka ku hayso maamul goboleeddada. War-bixintii la xiriirtya shirkii Garowe ee uu jeediyay madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Saciid Dani) waxay iyadana marqaati cad u ahayd sida dowladda dhexe uga madax adaygtay in talada iyo dejinta nidaamka siyaasadeed ay qayb ku yeeshaan dowadaha xubnaha ka ah nidaamka federal-ka ah ee uu dalku qaatay, in kastoo sida ka muuqatay Deni uu ka aslaaubaysnayay wuxuu cadeeyay inaysan jirin wax natiija ah oo laysla gaaray, waxaase tallaabo la xiiseeyo ahayd tallaabada ay maamul goboleeddadu uga jawaabeen natiijadii uu ku dhammaaday shirkii Garowe taasoo ay diideen nidaamkii canshuurta ay dowladda federal-ka ku soo rogtay maamul-goboleeddada, waxaana arrintan loo qaadan karaa bilowga talaabooyinka ay maamul-goboleeddada ku barayaan dowladda federal-ka ah awoodda ay leeyihiin… waxaa iyadana hubaal ah in go’aankaas ay qaateen dowlad goboleeddad oo ay ku diideen canshuurta ay soo rogtay wazaaradda maaliyadda haddii ay ka dhabeeyaan ay tallaabadaas soo dedejin karta in loo noqdo wada xaajood luuqadda qaynuunka lagu wada hadlayo, waana irrid keliya ee u furan dowladaha federal-ka tirsan. Waxaa arrin kale oo muhiima ah in dowlad goboleeddada ay ajandayaashooda ku darsadaan in dowladda federal-ka ay baraan hadaysan aqoon Aqalka Sare, isla markaasna ay fahamsiiyaan inay tahay hay’ad sharci ah oo madax bannaan awoodeeduna ku qeexantahay dastuurka. Farmaajo iyo KHeyre, waxay heleen fursad ay wajiga siyaasadeed ee dalka oo dhan wax kaga bedeli kari lahaayeen kuna midayn kareen nidaamka siyaasadda ee dowladda, laakiin qof ay meel u cadahay ama dano gaar ah leh waxaa damqaya dantaas oo keliya, waxana gelaysa fuleynimo iyo cabsi uu dantaas u baqayo, sidaa daraadeed waxaa adkaanaysa siduu u gaaro danta weyn ee waajibaadkiis ah. Irrido furnaa ayeey soo xireen, waxayna garan waayeen xataa inay wax dabciyaan, rajo muujiyaan, waqtiga jiidaan, dib wax u dhigtaan, laakiin mar keliya intay jilibka aasteen bay MAYA mooyee wax kale aysan shirka la tegin, si aad moodeyso inay fulinayaan qof kale amar uu soo siiyaya oo aysan talada rogrogi Karin…hadaysan dadkii talada la lahaa oo ahaa dowlad goboleeddada la tashanayn yeey la tashanayaan?!…Sidaan u burburnay waxaa ka daran sida laynoo soo dhex galay!…Allow guuli u dhoweydaa!…Markuu Farmaajo ku haray Garowe, dad badan ayaa filayay inuu talo u horay oo uu wax soo kordhin doono, waxayse rajadaas ku dhammaatay in sidii caadadiisa ahayd uu albaabka hoosta ka xirto!… Natiijadii shirkii Garowe waxay shacabka u qeexday tayada ay leedahay dowladda ay taladooda ku aamineen, waxayna ku abuurtay wallaac weyn oo ay ka qabaan sida ay dowladda u maarreyn karayso arrimaha la soo gudboonaan kara siiba marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha, waxayna dareemayaan inaysan dowladda dhexe ahayd tix geliso isu soo dhoweynta dadka, talada dalkana aysan ku koobin golaha fulinta ee dowladda dhexe oo keliya. Dowladda federal-ka iyo xubnaha dowlad goboleeddada waxaa hadda looga fadhiyaa inay sii wadaan wada hadalkii bilowday, waxaana taas ay ka bilaaban karaysaa guddii isku dhaf ah oo khubara ah oo laga soo xulaya golayaasha dowladda dhexe, dowlad goboleeddada, oo xog ogaal u ah arrimaha iyo khilaafaadka jira in lagu soo daro kulanaka dhex maraya dowladd dhexe ee federal-ka iyo dowlad goboleeddada, waayo talada ma aha id gaar u ah madax-weynaha dowladda federal-ka, ra’iisal-wazaaraha iyo madaxda dowlad goboleeddada, waxaana shaki la’aan ah in laga gudbi caqabadaha jira haddii lala yimaado daacadnimo iyo danta guud oo keliya miiska loo soo wada fariisto…waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada wada hadlaya inay maanka ku hayaan in xeer kasta oo lagu heshiiyo ama la dhigto in marka cilado lagala kulmo la bedeli karo, oo aysan ahayn waxyi samaawi ah!…goob-joog shisheeyaan loo baahnayn, talo shisheeyaan loo baahnayn, baahideenna ugu weyn waa daacadninmo, wax isu quurid, iyo in loo dhabar adaygo ilaa danta ummadda meel lagu soo gunto…wada hadalkuna ha socdo!… The post Farmaajo: Allow Guuli Kuu DHoweydaa!…wada hadalku waa inuu socdaa! appeared first on Puntland Post.
  8. Waxaa Muqdisho laga yaqaan habdhaqan ah in Soomaaliya oo dhan ay Muqdisho tahay, Hadii cid horumar gaaraysana ay Muqdisho u hiraysaa Hadaba Hay’ada Caalamiga ah [...] Source
  9. (SLT-Khartoum)-Golaha millatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda. General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah. Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka. Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka. Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan. Source
  10. (SLT-Yemen)-Dowlada Sacuudiga ayaa qirtay in khasaare kooban ka dhashay mid kamid ah xarumahooda shidaalka laga soo saaro oo ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen diyaaradaha yar yar ee drone-ka oo hubeysan. Shirkada shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay inay xidhay mid kamid ah dhuumaha shidaalka geeya dekkada magaalada Yanbu ee saaran badda cas, kadib markii uu dab ka dhashay weerarkan loo adeegsaday drone-ka. Dhinaca Xuuthiyiinta ayaa warbaahintooda ku shaaciyey in 7 drone oo hubeysan ku duqeeyeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, waxayna sheegeen inay tani jawaab u tahay duqeynta Sacuudiga kasii wado dalka Yemen. Weerarkan ayaa muujinaya in Xuuthiyiinta ay hada awood u leeyihiin inay duqeeyaan goobaha fog fog ee ku yaal gudaha dalka Sacuudiga halkii xiligii hore ay duqeyntooda diirada saari jireen deegaanada ku dhaw xaduuda Sacuudiga la leeyahay wadanka Yemen. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Iran oo lagu eedeeyo inuu taageero kooxda Xuuthiyiinta Yemen iyo weerarkii la sheegay in lagu qaaday Maraakiib Sacuudiga laga leeyahay oo Axadii lasoo dhaafay marayey xeebaha dalka Imaaraadka. Dowlada Iran ayaa dhankeeda iska fogeysay weeraradii lagu qaaday Maraakiibta Sacuudiga, waxayna xubno kamid ah xukuumada Tehran sheegeen in weeraradan ay yihiin kuwo la farsameeyey oo la doonayo in qiil looga dhigto duulaan ay xulafada Maraykanka & Sacuudiga kusoo qaadaan wadankooda. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaritaan ku bilowdeen dadkii ka dambeeyay in banaanka uu yimaado imtixaanaadkii dugsiyadda Sare ee dalka. Arday badan oo ka careysnaa go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalooyinka dalka, iyaga oo cadeeyay inaysan suurto gal aheyn in dib loogu celiyo imtixaan ay galeen lix maado kamid ah. Wasiirka Waxbarashada ayaa caruurtiisa waxay ku nool dalka dibadiisa, iyadoo aysan arkin dhibaatada ardayda Soomaaliyeed ay wax ku bartaan, Waxayna helaan waxbarasho lacag la’aan ah, halka caruurta Soomaaliyeed ay lacagtooda wax ku bartaan, ayna usii dheertahay xernaanshaha waddooyinka. Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ay baaritaan u bilaabeen dadka lagu tuhmayo inay falkaasi ka dambeeyeen. Natiijada kasoo baxda baaritaanka ayuu sheegay inay dadweynaha la wadaagi doonaan, isaga oo sheegay in shaqsiyaad gaar ah oo lagu tuhmayo inay imtixaanka banaanka keeneen la baarayo. Waxaa uu sheegay in Hay’ddaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo heli lahaa Cidii dhibaatada geysatay oo ka mid ah dadkii ku howlanaa Imtixaanka dowladda iyo shaqaallaha Wasaaradda. Go’aanka wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay lix kamid ah maadooyinka imtixaanaadka oo ardayda Soomaaliyeed ay galeen, ayaa badalay Shacuurta ardayda Soomaaliyeed oo xiligan Ramadaanka ah galayay. Waxaa sidoo kale Wasiirka Waxbarashada xukuumadda uu u gafay waalidiinta Soomaaliyeed iyo caruurta waxbaranaysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixin lagu qoray majalada New York Times oo aheyd in madaxda Mareykanka ay u diyaar garoobayaan in qorshd 120,000 oo milatari ah loogu daabulayo bariga Dhexe. Ujeedada ciidankaan ayaa lagu sheegay in sida uu wargeysku qoray weerar ka dhan ah dowlada Iiraan. Trump oo ka jawaabayay ayaa yiri waxaan u maleynayaa in arintaan ay tahay war aan sax aheyn mana Sameynayo. Wuxuu intaa raaciyay in qorshaha aysan ugu jirin dowladiisa in dagaal ay ku qaado Iiraan uuna ku rajo weyn yahay in aysan dhici Doonin. Xilli uu salaasadii shalay warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ayaa waxuu intaa raaciyay in hadii ay dhici laheyd ciidan ay u daabulayaan bariga dhexe uu amri lahaa askar ka badan 120,000. Wargeyska New York Times ayaa isniintii shalay qoray in sii hayaha xoghayaha difaaca Mareykanka Patrick Shanahan iyo la taliyaha dhanka amniga John Bolton ay ka wada arinsadeen todobaadkii la soo dhaafay sidii 120,000 askari loogu diri lahaa bariga dhexe, si ay weerar ugu qaadaan xarumaha Nuclear-ka Iiraan. Source
  13. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”. Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”, Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”. Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib” Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo” Qaran News
  14. Despite facing long years of civil war and unrest, Puntland has made great progress in ensuring children can go to school and learn. This has [...] Source
  15. War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in hey’adaha dowladda federaalka ah ay ka soo baxeen shuruudihii barnaamijka SMP3, la iskuna afgartay ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka. Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP. Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan. Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3 “ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa. Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in shirkii fashilmay ee Garoowe uu isaga aragti ahaan qabo in uu ahaa mid wanaagsan oo arrimo badan looga hadlay. Wuxuu sheegay in diiradda lagu saaray shirkaasi arrimaha ammaanka, qeybsiga Kheyraadka, Dastuurka, Doorashooyinka iyo la dagaalanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye. Lafta Gareen ayaa dhanka kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay mar kale dib u kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. “Madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa isugu tagay Garoowe , waxaa laga wadahadlay arrimo badan, arrin wanaagsan bay ahayd in la kulmo inkastoo sidii la rabay aanu ku dhammaan, balse wuxuu aniga ila muuqdaa shir fiican, ajende badan ayaa looga hadlay, waxaana jecelahay in kulamo kale la isugu yimaada” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed. Shir magaalada Garoowe muddo Lix cisho ah uga socday madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa fashil kusoo dhammaaday, kadib markii la isku mari waayey arrinta Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garowe (Caasimada Online)-War saxaafadeed kasoo baxa Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa amar kasoo saartay shaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala deegaanada maamulka Puntland. War-Saxaafadeedka ayaa dhammaan waxaa lagu amray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheed ah ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dhameystiran. Waxaa kale oo ay Puntland amar dul dhigtay loo shaqeeyayaasha oo ay ku amartay in muddo bil gudaheed ah ku gudbiyaan xogta shaqaalaha si ay ula socoto Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ka hadlay faa’idada maamuladooda ugu jirto isbaheysiga cusub ee dhawaan ka sameysmay magaalada Garowe. Shirka ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa isbaheysi cusub ka dhex abuuray Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana markii ugu horeysay ka hadlay madaxda Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dan weyn ugu jiro maamulada isbaheysigaasi sameeyay. “Waa iskaashi aan la suubsaneyno labada maamul, maadaama Puntland dad badan ay joogaan dad badan oo reer Koofur Galbeed ah, oo halkaasi ka shaqeysto, waxaana ka wada hadalnay inaan ka wada shaqeyno danaha maamulada aan masuulka ka nahay”. “Shir muhiim ah ayuu ahaa, waxaan ku heshiinay hormarinta maamulada iyo federaaleynta iyo is dhaafsiga xogaha amaanka, waxaan ka wada hadalnay iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga Xogta”.ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen. Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciiro oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Hirshabeelle ay kala saxiixatay Puntland sii deynta maxaabiis ku xiran magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, heshiiskaasi oo ku yimid isbaheysiga cusub. “Madaxweynaha iyo Wasiirka amniga waxay kulan la qaateen madaxweyne Deni, waxay ka wada hadlayeen shacab kasoo jeeda Hirshabeelle oo ku xiran Boosaaso, waxaana la isla gartay in lasii daayo dhamaan dadka ku xiran”.ayuu yiri Daa’uud. Isbaheysiga Cusub ee Hirshabeelle Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa u muuqda mid la safan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Taariikhda Xisbigii SYL lama soo koobi karo, balse waxaan si kooban uga hadlayaa Asaaskii Xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”, Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub. Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan, waxaana dhacday in Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka. Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:- 1. Yaasiin Xaaji Cismaan 2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin 3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage 4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere 5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi 6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura 7. Daahir Xaaji Cismaan 8. Xaaji Maxamad Xuseen Shirkii ugu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:- • In loo halgamo, lana xaqiijiyo Gobanimada iyo Madaxbanaanida Ummadda Soomaaliyeed. • In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno. • In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed. • In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah. • In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida. • In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm. Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa. Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin. Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay. Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuunkaasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee. Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday,wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956. Dhacdadii 11-kii Jannaayo 1948 (Hanoolaato) Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa la sheegay inuu Magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed, blase intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas, Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah: Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududooda muujiyaan, Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed. Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhallinyaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, way isqeybiyeen, qaar waxaa loo diray Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga, Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55 kale. dhanka Dhallinyarada waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako), Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako. Dhacdadii Dhagaxtuur Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii. Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah Madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalin-guur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi. 21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey, Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah Madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952-kii. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad, Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah, Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay dooroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954-kii, Talyaanigu ayaa markaasi quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12-ka Oktoobar 1954-kii la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada. Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July 1960-kii markii laba Gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray. Xigasho:-sonna.so View the full article
  20. Turkey's economic, humanitarian and nation-building efforts in Somalia have forged a bond that cannot be derailed by terror attacks. On Sunday, the Al Qaeda-affiliated Al-Shabaab group killed a Turkish citizen in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa u dambeeyay Group-ka D iyo guud ahaan is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan ayaa qeybta hore la yimid 4 dhibcood, hayeeshee guddiga habsami u socodka tartanka ayaa ka jaray labo buundo, kadib markii ay ku xadgubeen mid ka mid ah xeerarka u yaalla tartan aqooneedka Shabelle, sidaasina waxa ay ku heleen 2 dhibcood. Kaaraan ayaa ka hortimid go’aankaasi, waxaana ay gabi ahan ka biyo diiday in sii wadato tartanka, tan iyo inta laga soo gabagabeynayo. Dhinaca kale Degmada Afgooye ayaa qeybta hore keensatay 6 Dhibcood, waxaana qeybta labaad, ay si Forfeit ah ku heshay 14 bundo. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana caawa laguda gali doona is araga labaad ee Wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle. Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ku wada jira Group-ka A ayaa kulanka ugu horreeya isku arki doona. Waa labo degmo oo kala matalaya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta tartanka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare ee ganacsiga iyo Xisaabaadka Adult. View the full article
  22. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL. Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 76 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN ) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyay cidda ay tuhunsan yihiin in ay ka dambeysay Xadida Imtixaankii Shahaadiga ee la ogaaday in Ardayda ay heleen. Mr Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ku raad joogaan shaqsiyaadkaasi ayna soo bandhigi doonaan kadib markii la ogaado si sharciga loola tiigsado. Waxaana uu cadeeyay in arrintaas ay kala kaashanayaan Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia ayaa Habeen ka hor soo saartay go’aan ay ku kansashay gebi ahaan imtixaanaadkii shahaadiga ee ay soo galeen Ardayda maadaama ay heshay Macluumaad la xiriira in Imtixaankaasi uu faraheeda ka baxay. Go’aankaas ayaana sababay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah Wasaaradda hayeeshee Wasaaradda Waxbarashada , Maamulka gobolka Banaadir iyo dalladaha Waxbarashada dalka oo shir deg deg ah shalay yeeshay ayaa isku afgartay in Imtixaankaasi dib loogu celiyo si Ardayda looga qaado Imtixaan hufan View the full article