-
Content Count
208,445 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali Minister of Labor and Social Affairs Saadiq Warfaa launches Reviving National Capacity to Promote Decent Employment in Somalia project that will improve the civil service of the Federal Government of Somalia and it’s Member states. Minster Saadiq Hersi Warfaa met with donors in Nairobi to inaugurate the Project. Source: Hiiraan Online
-
Somali Minister of Labor and Social Affairs Sadik Warfa launches Reviving National Capacity to Promote Decent Employment in Somalia project that will improve the civil service of the Federal Government of Somalia and it’s Member states. Minster Saadiq Hersi Warfaa met with donors in Nairobi to inaugurate the Project. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-150519.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda. Taabit Cabdi, oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka, waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka. Taabit ayaa sheegay inuu rajaynayo in Wasaaradda Waxbarashada, Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka, isla markaana muranka jira laga gudbo. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay. Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira. Dhageyso Taabit Cabdi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Taabit-Cabdi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee Hirshabelle ayaa shaqa joojin ku sameeyay dhamaan gaadiidka qaada dadweynaha kuwaas oo istaacmaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar wadada xariirisa. Sababaha gaadiidkaan shaqada looga hor istaagay ayaa ah in Qaar ka mid ah gaadiidleyda Magaalada Jowhar ay shalay ka biyo diideen in ay qaadaan dad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar shalay ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Gaadiidleyda ayaana Sabab uga dhigay arintaasi in ay jirto cabsi ay Al Shabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweeya Madaxda. Amarka gaadiidka shaqada looga joojiyay ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka carooday diidmada gaadiidleyda shalay ay sameeyeen. Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen inay aad uga xumaadeen go’aanka ka soo baxay Maamulka Gobolka islamarkaana ay dalbanayaan in shaqadooda loo fasaxo si ay u wataan shaqadoodii la joojiyay. Ammaanka wadada xiriirisa Muqdisho & Jowhar ayaa noqotay mid faraha ka baxday, kadib markii wadadaasi ay ku bateen weerarada Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxa la xaqiijinayaa in xubno ku kala sugan UK Iyo Muqdisho in ay Mashruuc ku soo qaateen caruurta ku nool magaalooyinka Somaliland in ay u qaybiyaan maryo ka tolan calanka Somaliya, si khalkhal loogu galiyo Somaliland oo halkaasi ku soo gaadhay nabada Iyo xasi loonida aan ku Iman si hawl yar hase ahaatee ay dhiigooda Iyo naftoodaba u soo hureen aabayaasheen. Iyada oo la is wada garanaayo waxa haboonaa in aan caruurta lagu soo dhuuman ee dalka Iyo dadka loo tudho, Lana joojiyo shilimaadka laga soo qaadanaayo Farmaajo oo jar ka sii laalaada. Qaran News
-
A heavy gunfight between Somali military and Al-Shabaab fighters took place on Tuesday night Qoryoley district located in the southern volatile Lower Shabelle region. The battle broke out following an ambush attack against army bases in the town by armed militants from different directions, according to the sources. The two sides exchanged heavy and light weaponry during the fighting which raged on for a few minutes. The details of the casualties on both parties remained sketchy. The situation has returned to normal on Wednesday morning and there have been reports on security operation to ensure the stability after the attack. View the full article
-
Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Arabia oo maalintii subaxnimadii Shalay 156 rakaab ah ka qaadi lahayd garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa waxa hakiyey Shimbiro gudaha u galay qaybo ka mid ah diyaaradda. Diyaaradda ayaa markii ay ka kacday garoonka oo inyar ay hawada ku jirtay ayaa Duuliyihi diyaaraddu dareemay cilad jirta, waxaana uu markiiba si deg-deg ah dib ugu soo fadhiisiyay Garoonka Hargeysa ee Cigaal. Khuburrada Diyaaradda ayaa markii dambe sheegay in Diyaaraddu bad-qabto, balse Rakaabkii ayaa diiday sida ay HCTV u sheegtay mid ka mid ah Rakaabka diyaaradda raaci lahaa oo Cimrada u socotay. Rakaabka ayaa saaka loo kala qaybiyay laba qaybood. 120 ka mid ah oo u socday in ay soo Cimraystaan ayaa saaka la saaray Diyaaraddii ciladda looga shakiyay, balse hadda la sheegay in ay bad-qabto, 36 kale oo u socday isu-tagga Imaraadka Carabtana waxa la saarayaa Diyaarad kale. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Roobab ka da’ay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa gooyey Biriij ay Isticmaali jireen Dadka ku Ganacsada ama kuwa ka adeegta Sariimadda Xaafadda Dhuurta ee Magaaladaasi. Buundadan oo loogu talo-galay inay Dadweynuhu isticmaalaan ayaa waxa gooyey Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Magaalada Burco. Haweenka ku Ganacsatada Suuqa Buundadii loo marayey Go’day oo Arbacada Saaka Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dan ku qabeen Biriijka go’ay, saakana ay ka soo wareegeen meel aad uga fog suuqa ay ku ganacsadaan, sidaasi darteedna ay u baahan yihiin in si dhakhso ah loogu dayac-tiro. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan gaar ah magaaladaasi ay ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow. Kulankaasi oo ahaa mid looga hadlayay xaaladaha guud ah ee dalka ayaa labada dhinac waxay isku soo hadal qaadeen xaaladaha dhanka amaanka iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe. Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku amaanay madaxweynaha Galmudug doorka iyo garab istaagiisa ku aadan raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana uu sheegay in Xaaf uu doorweyn ku leeyahay arintaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in mar walbaa uu yahay madaxweyne ka hadla maqaamka magaalada Muqdisho. Qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka, ayuu sheegay in Xaaf uu ahaa dadkii sida weyn ugu ololeynayay. Inta lagu guda jiray kulankooda ayaa waxaa ay isku raaceen in la adkeeyo arrinta ku aadan maqaamka Caasimadda oo weli dowladda Soomaaliya aysan go’aan rasmi ah ka gaarin, isla markaana tira ka dhowr jeer khilaaf xoogan dhalisay. Sidoo kale waxay isku raaceen in laga ada shaqeeyo danaha umadda Soomaaliyeed. Muuse Suudi ayaa xurguf waxay dhex martay dowladda Soomaaliya, kadib afar kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow, kaasi oo ahaa in laga baxo dhismaha xaruntii ciidamada Badda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, participated in the sixth annual Stockholm Forum on Peace and Development, which was launched Tuesday in Stockholm, Sweden in the presence of a large number of policymakers, researchers and high-level practitioners. The Forum, which is held annually by the Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), focuses this year on the theme ‘From crisis response to peacebuilding: Achieving synergies’. The three-day forum (14-16 May) HE Amb. Ahmed Awad will address in several sessions as a panelist with ministers and international representatives on peacebuilding, stability and development. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”. Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”, Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”. Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib” Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo” Source
-
Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku daahfureen mashruuc horumarinta shaqaalaha Soomaaliya. Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya. Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta. Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka. Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo marka xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya. “Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan… mashruucan oo ah in aqoontoodda iyo kartidoodda kor loo qaado, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.” Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub. The post Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo daahfuray mashruuc horumarinaya shaqaalaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-London)-Guddiga shaqaalaha dalka Britain ayaa shaaciyay in mid ka mid shaqaalahooda lagu xidhay dalka Iiraan oo loo haysto falal Basaasnimo. Madaxa hey,ada dhaqanka Britain Ciarán Devane ayaa war saxaafadeed ka soo baxay salaasadii shalay lagu sheegay in gabadh lagu magacaabo Aras Amiri oo 32 jir ah oo ku xidhneyd hal sanno dalka Iiraan lagu xukumay 10 sano Xadhig ah. War saxaafadeedkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan waaxda garsoorka Iiraan uu sheegay in xukun ay xabsi ah ay ku rideen gabadh basaas u aheyd dowlada UK. Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Gholamhossein Esmaili, ayaa xaqiijiyay in gabadhaan ay la shaqeyneysay laanta Sirdoonka Ingariiska. Wuxuu intaa raaciyay in Iiraan ay u timid mashaariic la xidhiidha dhaqanka, balse ay la xidhiidhi jirtay ciidanka amniga UK si macluumaad ay u Siiso. Source
-
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Fuleey! Fuleey ma calfado wuxuu rabo saa naftaan ku simaynee! Doqon ma calfado wuxuu rabo saa xin baa u diidiyee! Tukana caano ma calfado saa qarkuu kaga istaagiyee!… Madaxdii dalka waa ay soo kala tageen, muddoo 7aad ku dhow oo ay shirayeen gunaanadkeedii wuxuu noqday gacmo isku seyr iyo iyadoo la kala xanaaqsanyahay in la soo kala tago, dad-weynahana laga wada qarsaday xogtii ay xaqa u lahaayeen xan ay war-baahinta soo ururisay oo aan rasmi ahayn mooyee, waxa ugu weyn ee shirkaas laga faa’idayna waxay tahay in maanta dad-weynaha u qiimaysanyihiin madaxda dalka hoggaankiisa haysa iyo nooca ay yihiin, haba ugu horeeyso madaxda xukuummadda dhexe, madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, waxaana la oran karaa wax dhab ahaan shirkaas ku khasaaray waa xukuummadda dhexe. Waxaa cajiib ah in shirkii laysugu yimid Garowe ay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha qaabkii ay ku yimaadeen uu ahaa mid ay caro ku jirto oo ujeeddadiisu ahayd wax iska dhicin iyo inay ka soo adkaadaan maamullada ay la kulmayaan, mana aysan rumaysnayn in labada dhinaca ee madaxda maamul-gobleeddada iyo iyaga ay labadaba yihiin dowladdii Soomaaliya, waxaana ku talo galkoodu ahaa inay la kulmayaan dad ka soo hor jeeda dowladda ama kooxo mucaarrad ah oo kale, waana meesha ay ka soo bilaabanayso colaadda ay madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa abuureen isla markaasna ay kula jiraan maamul-goboleeddada, waxaadna moodaa in labada nin aysan rumaysnayn ama garowsanayn in dowladda goboleeddada ay ka tirsanyihiin si rasmi ah dowladda federal-ka, waana arrin si cad dhaqankooda looga dheehan karo haddii ay tahay hadal iyo ficilba. DHinaca kale, madaxda maamul-goboleeddada ayaa iyagana u muuqda inay fahamsanyihiin oo ay indhaha ku hayaan in hab dhaqanka dowladdu federalka uu ka maqanyahay ama uu inkirsanyahay si cad oo ku talo gal ah inay yihiin dowlad goboleeddada ay ka samaysantahay dowladda federal-ka xubinimadoodana ay ku dhisantahay dowladnimmada isla markaasna ay leeyihiin si dastuurka waafaqsan awoodo is maamul hoose oo gaar u ah, iyo mid siyaasadeed oo ay tahay in laga talo galiyo arrimaha dalka… marka shirkii Garowe laysugu tegay way iska cadayd inuu natiijo la’aan ku dhammaanayo laguna sii kala fogaanayo, waxaana hadda ay arrintu noqonaysaa si ka duwan siyaabihii hore, waxaana shaki la’aan bilaabanaysa in wax kasta oo ay dowladda federal-ka soo jeediso ay mawqif ka qaataan maamul goboleeddada xataa haddii uusan iyaga dhib ku ahayn si ay u muujiyaan kaalinta siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo waliba si ay shakiga uga saaraan kaalinta wakiillada aqalka sare ee iyaga ku fadhiya magaca maamul goboleeddada, waana sababta keentay in dowladda federal-ka ay la colowdo aqalka sare, waxayna xubnaha aqalka sare u aragtaa wakiilo si toos ah ugu taagan maamul-goboleeddada, waayo xubnaha aqalka sare ayaa ku fadhiya oo laga soo xulay magaca maamul goboleeddada, waana waxa ay uga duwanyihiin golaha shacabka oo isaga xubnihisa lagu soo xulay nidaamkii hab beeleedka ahaa ee 4.5. Farmaajo, inuu maamul goboleeddada heerkaas la gaaro waxaa inta badan ku dhiiri geliyay Abiy Axmed Cali, ra’iisal wazaaraha Itoobiya, oo uu la galay heshiisyo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku salaysanyihiin aysan jirin, xataa xubnaha xukuumadda. Waxaa arrintaas si cad looga dheehan karay duulaankii ay ciidammada Itoobiya ka geysteen maagaallada Baydhabo December 13, 2018, iyagoo si barer ah u faro gelinaya arrimaha gudaha dalka, hor joogsadayna inay doorasho xor ah ka dhacdo maamulka Koonfur-Galbeed isla markaasna ku xad-gudbay oo soo xiray murashax Mukhtaar Roobow oo isagu guddiigii doorashada ee maamul goboleedku u aqoonsadeen inuu yahay murashax buuxiyay shuruuddii tartanka, oo la siiyay shahaadadii murashaxnimmada!…. talaabadaas oo waqtigaas ahayd farriin cabsi gelin ah oo ku socotay maamul goboleeddada kale oo ay ugu horeysay Puntland oo doorashadeedu maalmo ka dhinaanyeen. Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo uu markaas xukumay hoggaan aad jilicsan oo musuqmaasuqu heerkii ugu sareeyay gaaray waxay fara gelinta handdadaadda, cudud sheegashada, iyo laaluushka loo soo adeegsaday ka badbaadday xil-dhibaannadii cusbaa oo aad u fahmsanaa dagaalka iyo colaadda ay dowladda federal-ka ku hayso maamul goboleeddada. War-bixintii la xiriirtya shirkii Garowe ee uu jeediyay madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Saciid Dani) waxay iyadana marqaati cad u ahayd sida dowladda dhexe uga madax adaygtay in talada iyo dejinta nidaamka siyaasadeed ay qayb ku yeeshaan dowadaha xubnaha ka ah nidaamka federal-ka ah ee uu dalku qaatay, in kastoo sida ka muuqatay Deni uu ka aslaaubaysnayay wuxuu cadeeyay inaysan jirin wax natiija ah oo laysla gaaray, waxaase tallaabo la xiiseeyo ahayd tallaabada ay maamul goboleeddadu uga jawaabeen natiijadii uu ku dhammaaday shirkii Garowe taasoo ay diideen nidaamkii canshuurta ay dowladda federal-ka ku soo rogtay maamul-goboleeddada, waxaana arrintan loo qaadan karaa bilowga talaabooyinka ay maamul-goboleeddada ku barayaan dowladda federal-ka ah awoodda ay leeyihiin… waxaa iyadana hubaal ah in go’aankaas ay qaateen dowlad goboleeddad oo ay ku diideen canshuurta ay soo rogtay wazaaradda maaliyadda haddii ay ka dhabeeyaan ay tallaabadaas soo dedejin karta in loo noqdo wada xaajood luuqadda qaynuunka lagu wada hadlayo, waana irrid keliya ee u furan dowladaha federal-ka tirsan. Waxaa arrin kale oo muhiima ah in dowlad goboleeddada ay ajandayaashooda ku darsadaan in dowladda federal-ka ay baraan hadaysan aqoon Aqalka Sare, isla markaasna ay fahamsiiyaan inay tahay hay’ad sharci ah oo madax bannaan awoodeeduna ku qeexantahay dastuurka. Farmaajo iyo KHeyre, waxay heleen fursad ay wajiga siyaasadeed ee dalka oo dhan wax kaga bedeli kari lahaayeen kuna midayn kareen nidaamka siyaasadda ee dowladda, laakiin qof ay meel u cadahay ama dano gaar ah leh waxaa damqaya dantaas oo keliya, waxana gelaysa fuleynimo iyo cabsi uu dantaas u baqayo, sidaa daraadeed waxaa adkaanaysa siduu u gaaro danta weyn ee waajibaadkiis ah. Irrido furnaa ayeey soo xireen, waxayna garan waayeen xataa inay wax dabciyaan, rajo muujiyaan, waqtiga jiidaan, dib wax u dhigtaan, laakiin mar keliya intay jilibka aasteen bay MAYA mooyee wax kale aysan shirka la tegin, si aad moodeyso inay fulinayaan qof kale amar uu soo siiyaya oo aysan talada rogrogi Karin…hadaysan dadkii talada la lahaa oo ahaa dowlad goboleeddada la tashanayn yeey la tashanayaan?!…Sidaan u burburnay waxaa ka daran sida laynoo soo dhex galay!…Allow guuli u dhoweydaa!…Markuu Farmaajo ku haray Garowe, dad badan ayaa filayay inuu talo u horay oo uu wax soo kordhin doono, waxayse rajadaas ku dhammaatay in sidii caadadiisa ahayd uu albaabka hoosta ka xirto!… Natiijadii shirkii Garowe waxay shacabka u qeexday tayada ay leedahay dowladda ay taladooda ku aamineen, waxayna ku abuurtay wallaac weyn oo ay ka qabaan sida ay dowladda u maarreyn karayso arrimaha la soo gudboonaan kara siiba marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha, waxayna dareemayaan inaysan dowladda dhexe ahayd tix geliso isu soo dhoweynta dadka, talada dalkana aysan ku koobin golaha fulinta ee dowladda dhexe oo keliya. Dowladda federal-ka iyo xubnaha dowlad goboleeddada waxaa hadda looga fadhiyaa inay sii wadaan wada hadalkii bilowday, waxaana taas ay ka bilaaban karaysaa guddii isku dhaf ah oo khubara ah oo laga soo xulaya golayaasha dowladda dhexe, dowlad goboleeddada, oo xog ogaal u ah arrimaha iyo khilaafaadka jira in lagu soo daro kulanaka dhex maraya dowladd dhexe ee federal-ka iyo dowlad goboleeddada, waayo talada ma aha id gaar u ah madax-weynaha dowladda federal-ka, ra’iisal-wazaaraha iyo madaxda dowlad goboleeddada, waxaana shaki la’aan ah in laga gudbi caqabadaha jira haddii lala yimaado daacadnimo iyo danta guud oo keliya miiska loo soo wada fariisto…waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada wada hadlaya inay maanka ku hayaan in xeer kasta oo lagu heshiiyo ama la dhigto in marka cilado lagala kulmo la bedeli karo, oo aysan ahayn waxyi samaawi ah!…goob-joog shisheeyaan loo baahnayn, talo shisheeyaan loo baahnayn, baahideenna ugu weyn waa daacadninmo, wax isu quurid, iyo in loo dhabar adaygo ilaa danta ummadda meel lagu soo gunto…wada hadalkuna ha socdo!… The post Farmaajo: Allow Guuli Kuu DHoweydaa!…wada hadalku waa inuu socdaa! appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Millatariga Suudaan Iyo Dibadbaxayaasha Oo Heshiiyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Khartoum)-Golaha millatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda. General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah. Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka. Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka. Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan. Source -
(SLT-Yemen)-Dowlada Sacuudiga ayaa qirtay in khasaare kooban ka dhashay mid kamid ah xarumahooda shidaalka laga soo saaro oo ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen diyaaradaha yar yar ee drone-ka oo hubeysan. Shirkada shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay inay xidhay mid kamid ah dhuumaha shidaalka geeya dekkada magaalada Yanbu ee saaran badda cas, kadib markii uu dab ka dhashay weerarkan loo adeegsaday drone-ka. Dhinaca Xuuthiyiinta ayaa warbaahintooda ku shaaciyey in 7 drone oo hubeysan ku duqeeyeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, waxayna sheegeen inay tani jawaab u tahay duqeynta Sacuudiga kasii wado dalka Yemen. Weerarkan ayaa muujinaya in Xuuthiyiinta ay hada awood u leeyihiin inay duqeeyaan goobaha fog fog ee ku yaal gudaha dalka Sacuudiga halkii xiligii hore ay duqeyntooda diirada saari jireen deegaanada ku dhaw xaduuda Sacuudiga la leeyahay wadanka Yemen. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Iran oo lagu eedeeyo inuu taageero kooxda Xuuthiyiinta Yemen iyo weerarkii la sheegay in lagu qaaday Maraakiib Sacuudiga laga leeyahay oo Axadii lasoo dhaafay marayey xeebaha dalka Imaaraadka. Dowlada Iran ayaa dhankeeda iska fogeysay weeraradii lagu qaaday Maraakiibta Sacuudiga, waxayna xubno kamid ah xukuumada Tehran sheegeen in weeraradan ay yihiin kuwo la farsameeyey oo la doonayo in qiil looga dhigto duulaan ay xulafada Maraykanka & Sacuudiga kusoo qaadaan wadankooda. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaritaan ku bilowdeen dadkii ka dambeeyay in banaanka uu yimaado imtixaanaadkii dugsiyadda Sare ee dalka. Arday badan oo ka careysnaa go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalooyinka dalka, iyaga oo cadeeyay inaysan suurto gal aheyn in dib loogu celiyo imtixaan ay galeen lix maado kamid ah. Wasiirka Waxbarashada ayaa caruurtiisa waxay ku nool dalka dibadiisa, iyadoo aysan arkin dhibaatada ardayda Soomaaliyeed ay wax ku bartaan, Waxayna helaan waxbarasho lacag la’aan ah, halka caruurta Soomaaliyeed ay lacagtooda wax ku bartaan, ayna usii dheertahay xernaanshaha waddooyinka. Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ay baaritaan u bilaabeen dadka lagu tuhmayo inay falkaasi ka dambeeyeen. Natiijada kasoo baxda baaritaanka ayuu sheegay inay dadweynaha la wadaagi doonaan, isaga oo sheegay in shaqsiyaad gaar ah oo lagu tuhmayo inay imtixaanka banaanka keeneen la baarayo. Waxaa uu sheegay in Hay’ddaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo heli lahaa Cidii dhibaatada geysatay oo ka mid ah dadkii ku howlanaa Imtixaanka dowladda iyo shaqaallaha Wasaaradda. Go’aanka wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay lix kamid ah maadooyinka imtixaanaadka oo ardayda Soomaaliyeed ay galeen, ayaa badalay Shacuurta ardayda Soomaaliyeed oo xiligan Ramadaanka ah galayay. Waxaa sidoo kale Wasiirka Waxbarashada xukuumadda uu u gafay waalidiinta Soomaaliyeed iyo caruurta waxbaranaysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixin lagu qoray majalada New York Times oo aheyd in madaxda Mareykanka ay u diyaar garoobayaan in qorshd 120,000 oo milatari ah loogu daabulayo bariga Dhexe. Ujeedada ciidankaan ayaa lagu sheegay in sida uu wargeysku qoray weerar ka dhan ah dowlada Iiraan. Trump oo ka jawaabayay ayaa yiri waxaan u maleynayaa in arintaan ay tahay war aan sax aheyn mana Sameynayo. Wuxuu intaa raaciyay in qorshaha aysan ugu jirin dowladiisa in dagaal ay ku qaado Iiraan uuna ku rajo weyn yahay in aysan dhici Doonin. Xilli uu salaasadii shalay warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ayaa waxuu intaa raaciyay in hadii ay dhici laheyd ciidan ay u daabulayaan bariga dhexe uu amri lahaa askar ka badan 120,000. Wargeyska New York Times ayaa isniintii shalay qoray in sii hayaha xoghayaha difaaca Mareykanka Patrick Shanahan iyo la taliyaha dhanka amniga John Bolton ay ka wada arinsadeen todobaadkii la soo dhaafay sidii 120,000 askari loogu diri lahaa bariga dhexe, si ay weerar ugu qaadaan xarumaha Nuclear-ka Iiraan. Source
-
Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”. Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”, Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”. Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib” Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”. Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo” Qaran News