Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,445
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay xariga Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland. War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa looga hadlay xariga xildhibaanka iyo eedeymo xukuumada loogu soo jeediyey xarigiisa. Afhayeenka Madaxtooyada ayaa waxa uu Warbaahinta ka hor aqriyey war-qoraaleedkaas, oo u dhignaa sidan: “Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.  Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow  Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn  Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland  Maalintii la qixiyey beelaha darafyada Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran. Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo. Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin: 1. Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. 2. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda. 3. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga. Warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow. Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow. Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. A resident of Virginia is the subject of a lawsuit accusing him of human rights abuses while he was a high-ranking officer during the brutal reign of former Somali dictator Mohamed Siad Barre. A civil trial began this week in a U.S. federal courtroom in Alexandria, Virginia, against Yusuf Abdi Ali, in a suit brought against him by Farhan Mohamoud Tani Warfaa, who says he was tortured and nearly died in 1988 at the hands of Ali. The lawsuit says Ali was commander of the Somali army’s Fifth Brigade, which patrolled the breakaway region of Somaliland. Ali allegedly rounded up Warfaa and other young men in late 1987 for interrogation over a missing water tanker. Warfaa says he was detained for several months, during which time he was regularly stripped naked and beaten. In the last interrogation, Warfaa says, Ali shot him several times and ordered his soldiers to bury him, believing he was dead. But the soldiers realized he was alive and smuggled him to his family in exchange for a bribe. Ali fled to Canada after Barre’s regime was toppled in 1991. He was deported to the United States after his alleged war crimes were revealed in a television documentary. He has been living in Virginia for more than two decades, working at one time as a security guard at a Washington-area airport. His lawyer has denied the charges. The lawsuit was brought on Warfaa’s behalf by the San Francisco-based Center for Justice and Accountability, which seeks to bring alleged war criminals to justice A similar lawsuit brought a $21 million judgement against former Somali Prime Minister Mohammed Al Samantar, who had also taken up residence in Virginia after the fall of the Barre regime. VOA Qaran News
  3. Dhacdooyinka qaar maalinlaha ah ee ka dhacaya Soomaliya waa kuwo ugub ah, amakaag iyo afkalataagna kugu reebaya. Dilka, kufsiga, musuq iyo jahliga, meel sare ayaan kaga jirnaa caalamka!! Dhacdadii ugu danbeysay dadkuna ka dheregsanyihiin, waa imtixaankii dugsiyada waxbarashada oo la musuqay, bannaakana u baxay ka hor intaan la gelin. La yaab malaha in la musuqo imtixaan dowladeed, waxaase fajac lahaa wixii ay ardayda sameeyeen. In faseexo loo hadlaa gobi ku faaydaaye bal ila aqriso 4 wax aan ka bartay. 1 – Arday Ardaal u muuq eg La yaab malaha wuxuu jaahilka bi’iyo, lkn waa nasiib darro weyn ah kuwii loo diyaarinayay mustaqbalka dalka, inay u bannaan-baxaan si damiir la’aan oo mas’uuliyad darro ku jirto. Dhirtii wadooyinka oo la jaray, jidadka oo dhagxaan lagu gooyay iyo gaadiidki dadweynaha oo la xayiray, waa dhaqan aan marna laga filan Karin arday waxbaranaya qaarkoodna qalin-jebinayaan. Waxaan kala garan waayay inay bannan-baxayeen arday waxbarata iyo darawallada bajaajta kaxeeya. Waxayna taas cadeyn dhab u tahay, sida ay u liidato heerka akhlaaq iyo tarbiyo ee ardaydii bannaanbaxeysay. Waxaan la oran karaa waxaaba gebi ahaan maqan waxbarashadii aasaasiga aheyd ee tarbiyada ee arday lagu yaqaanay. Muuqa iyo magacana waa kaaf iyo kala dheeri! Haddii ay qiiro sabab u aheyd faraqsanaanta iyo fadqallalada, waa iga su’aale “Arday si la hubo iskugu diyaariyay imtixaanka, maxay u dhibi imtixaan baaqday iyo mid lasoo hormariyo iyadoo laga hortagayo qish qolo kale gacanta u galay?. Dhabcan ardayga is huba wuu ku farxi lahaa si looga hortago qishka in wax weliba loo sameeyo. Lkn midkaan banaanbaxay, baroortiisa orgiga ka weyn! 2 – Doorkii GURIGA oo dansan Guriga waa halka ay kasoo bilaabato waxbarashada ardayga, waa halka uu ka barto dhaqanka iyo tarbiyada wanaagsan. Tarbiyada uu guriga kasoo barto ayuu la hortagaa bulshada kale. Goobah kale ee waxbarashada waa meelaha uu ardaygu ka dhameytirto waxa ka dhiman. Haddii uu ardaygu seego tarbiyadi guriga, waxaan shaki ku jirin in wax waliba laga filan karo sida shalayba dhacday. Mas’uuliyaddaas weynna waxay saarantahay hooyada iyo aabaha ama cidda markaasi mas’uulka ka ah caruurta. Waxaan ii muuqanayay arday gabay tarbiyadii aasaasiga aheyd ee guriga. Wax micno ah ma sameyneyso shahaaddo la qaato mar haddii ay maqantahay tarbiyadii asaasiga aheyd. Waana dhibaatada heysata soomaalida, marka aad eegto kuwa mas’uuliyadda loo dhiibo iyo hab dhaqankooda. 3 – Shaqaalo qabiil lagu shaqaaleysiiyay Sida la fahmi karo waxaa imtixaanka bannaanka u bixiyay qaar ka mid aha shaqaalaha wasaaradda loo wakiishay. Xilalka wasaaradaha qabyaalad ayaa si xishood la’aan lagu qeybsadaa, midkan xigtada lagu keenay uma arko mas’uuliyad weyn howsha loo igmaday maadaama uusan wax tijaabo usoo marin helitaanka shaqadaas, cabsina kama qabo inuu waayo booskiisa, taas bedelkeed inuu iibsadaa howshi loo igmaday ma noqoneyso waxa la baciidsan karo. Ha sugin hufnaan inta howlaha wasaaraduhu hayaan kuwii qabiilka lagu keenay inay daacad u noqdaan howsha loo dhiibayo halka kuwii mudnaana la heyb soocay. Waa xaalad u baahan in la hufo lana haadiyo. 4 – Iskuullo dan ganacsi loo furtay Tiro maleh iskuulada iyo jaamacadaha dalka, badankood waxey u furanyihiin qaab ganacsi. Macallimiinta ka shaqeeya badankood waa kuwa xigto iyo xigaallo lagu keenay, marka ay sheekadu halkaas mareyso waxaad sugtaaba waa inay soo qalin-jebiyaan kuwo magac arday wata asii ardaal u muuq eg. Si kale, wax soo saarkoodu wuxuu noqdaa arday tiro badan oo tayadooda aad u liidato. Maxay la yaab kugu noqon mid saddex sano ka hor baadiya ka yimid maantana jaamacad dhiganaya. Allow sahal umuuraha W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. By: Ismail Osman Many of you ask via private messages “Can Somali government shutdown country internet? and the simple answer is No No No Somali Government does not have the capacity, technical know-how and Network Operation Center (NOC) to shutdown the internet. There is no even 2 servers own by the Government that are connected via intranet let alone internet. To shutdown or disrupt internet services Government must use or have (Internet Exchange Point) IXP and or physical infrastructure through which Internet service providers (ISPs) and content delivery networks (CDNs) exchange Internet traffic between their networks autonomously. As you may know there is no one entry point of internet in Somalia. We’ve many legal or illegal service providers that use other means to bring internet to Somalia. For example. Somaliland traffic comes straight from Djibouti, most of the Southern Somalia traffic is routed via Kenya. The only ISP that uses allocated IPv4 for Somalia is HORMUUD via VIASAT & DALKOM Cable via EASSY and these two does not have mechanism to exchange internet traffic. and no Government policy to govern from one another. Government that uses GMAIL for email service, cannot shutdown the internet.
  5. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay inay shir degdeg isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo looga hadlo imtixaankii fashilmay ee shahaadiga dowladda Federaalka, kaasoo la joojiyey markii uu suuqa galay. Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug Axmed Deeq Cabdi Falko oo Magaalada Gaalkacyo kula halday warbaahinta ayaa sheegay in si wax looga qabto cabashada ka timid ardayda Soomaaliyeed ee ku saabsan imtixaankii fashilmay ee dowladda ay muhiim tahay inay kulan isugu yimaadaan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo Dowlada goboleedyada si loo badbaadiyo ayuu dhahay mustaqabalka 30 kun oo arday. Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhaceen bannaanbaxyada ay sameeyeen ardayda dugsiyada Sare oo looga horjeedo go’aanka Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ardyda sanadkaan u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ay dhigeen dibad baxa ay kaga soo horjedan go’aanka wsiir Goodax. Baaqaan ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Puntland uu horey u diiday inuu ka qeyb qaato Imtixaanka halka Hirshabelle ay shalay sheegtay inay dowladda ku fashilmatay qaadista Imtixaanka hadda wixii ka dambeeyana ay iyaga qaadan doonaan imtixaanka. “Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado. “Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Washington)Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka aya barnaamijka THE LEAD ku baahiyay warbixin lagaga hadlayay qofka uu yahay Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke. Barnaamijkan oo ciwaan looga dhigay waa kuma ‘Qofka ku qaadaya’ oo laga soo xigtay shaqadii ugu danbaysay ee uu Korneyl Tuke ka hayay Maraykanka oo ahayd taksiile. Hoos Ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda. “Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas. View the full article
  8. (SLT-Washington)Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka aya barnaamijka THE LEAD ku baahiyay warbixin lagaga hadlayay qofka uu yahay Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke. Barnaamijkan oo ciwaan looga dhigay waa kuma ‘Qofka ku qaadaya’ oo laga soo xigtay shaqadii ugu danbaysay ee uu Korneyl Tuke ka hayay Maraykanka oo ahayd taksiile. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii Dawladdii M Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa ,Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan Ah Jamhuuriyadda Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa dhacay sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Tuke ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornayl Tuke ayaa taksiile ka ahaa dalka Mareykanka Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia. Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo. Wariye katirsan telefishenka CNN oo dabagal ku sameeyay kornaylka ayaa warbixantan kusoo bandhigay muuqaal muujinaya isagoo raacaya taksi uu waday kornaylka oo ka diiwaan gashan shirkadda takaasida ee Uber, waxaana taas ay keentay in shirkada ay shaqada ka eriday Kornayl Tuke oo 18 kii bilood ee u danbaysay uu ka shaqeynay. Kornyal Tuke ayaa ka hawgali jiray gobolladii waqooyi Jamhuuriyadda Somaliland ee hadda. CNN ayaa warbixintii ay baahiyeen ciwaan uga dhigay waa kuma “Qofka ku qaadaya”?. Dhacdadan ayaa horseeday in eedaymo loo jeediyo shirkada Tagaasida ee Uber oo lagu eedeeyay in baaritaan qotodheer aysan ku sameynin dadka ay shaqaaleysiineyso. Dacwadda la xiriirta kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmaya maxkamad ku taala Mareykanka, sida ay shaaciyeen wargeysyada kala ah The Guardian iyo New York Times ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka. Farxaan Warfaa oo kamid ah dadka ku marqaati kacaya Kornayl Tuke ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu la kulmo ay ahayd bishii Maarso ee sanadkii 1988-kii. Wuxuu sheegay in Korneyl Tuke uu bastoolad ula soo baxay, kuna dhuftay shan xabadood oo uusan u meel dayin, balse uu ka badbaaday. Ka hor inta aan la tooganin ayuu sheegay in jirdil loo geystay, isagoo xilligaasna ku sugnaa deegaannada Somaliland. Sidoo kale gobolka Virginia ayaa waxa hore loogu maxkamadeeyay marxuun Maxamed Cali Samatar oo markii danbe lagu xukumay magdhow gaaraya 21 milyan oo doolar, lacagtas oo uu sheegay in aanu bixin karin. Waqooyiga Mareykanka waxa ka jira ugaarsiga lagu hayo saraakiishii milateriga ee dolwaddii Siyaad Barre, kuwaa oo loo haysto in ay gaysteen gabood falo lagu la kacay dad Soomaaliyeed. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in aanay cashuur bixin ganacsada waaweyni, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.  Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow  Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn  Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland  Maalintii la qixiyey beelaha darafyada Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran. Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo. Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin: Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga, warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow, Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow. Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta. Source
  11. (SLT-Virginia)-Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa. Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii. Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland. Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey. Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay. Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay. Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah. Yuusf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto. Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia. Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Si Weyn Dhalliishay Shidaalka Dalka La Keeno, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Washington)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran. Washington ayaa maalmihii dhowaa sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay inay qorsheeneyso weerar soo socda oo ay ka fulineyso gobolka. “Kooxo argagixiso iyo muqaawamo oo dhowr ah ayaa ka shaqeynaya Iraq, waxayna si joogto ah u weeraraan ciidamada iyo shacabka Iraq” ayaa lagu yiri digniinta socdaal ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. “Maleeshiyo diimeedyada kasoo horjeeda Mareykanka ayaa sidoo kale helis gelin kara muwaadiniinta Mareykanka iyo shirkadaha reer galbeedka ee Iraq ku sugan” Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagay xirtay qunsuliyadeeda magaalada Basra oo dibadbadbaxyo xoogan ay ka dhaceen, waxayna ciidamada Iran ay taageerto ku eedeysay inay si aan toos ah usoo weerareen. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa toddobaadkii tagay booqasho aan la fileyn ku tagay magaalada Baghdad si uu u xoojiyo xiriirka Iraq, ka hor inta Mareykanka uusan Iraq saarin cadaadis xooggan. Source
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee HirShabelle ayaa tallaabo la yaab leh ka qaaday Baabuurta dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho kadib markii ay Shalay diideyn inay qaadaan dadweyne badan oo la doonayey inay Garoonka Diyaardaha kusoo dhaweeyaan Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo Shalay halkaas gaaray. Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ee hoos tago Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen gawaarida dadweynaha ee isaga goosha inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay sababta ka dambeysay xayiraadaan ayaa lagu sheegay in qaar ka tirsan gaadiidleydaas ay shalay diideen in ay qaadaa ndad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyey Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle. Sababta ku kaliftay Gaadiidleyda inay diidaan qaadista dadweynahaas ayey ku sheegeyn cabsi ay Al-Sabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweynayo madaxda Hirshabelle, maadaama arrintaas horey loo sheegay in looga digay. Gaadiidleyda ayaa ku dooday in jidka ay ka shaqeeyaan ee isku xira Jowhar iyo Muqdisho ay ka buuxaan ciidamo ka tirsan AL-Shabaab kuwaas oo ku hanjabay inay gubi doonaan Baabuurtii la shaqeyso maamulka darawadana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah. Amarka gaadiidka Shaqada looga joojiyey ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo si weyn uga carooday inay Gawaarida diidaan qaadista dadweynaha soo dhaweynayo Madaxweynaha Hirshabelle. Gaaliidleyda ayaa codsaday in shaqadooda loo fasaxo isla markaasna go’aankaas uu yahay mid ay aad uga xumaadeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeysay waxay aad ugu soo xoogeysteen jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar, waxayna halkaas ka fuliyeen dhowr weerar sidoo kalana waxay jidkaas ku gubeen baabuur ay lahaayeen dad shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Dad ku soo xoomay goobta shilka Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhintay, 11 kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaadiid oo ka dhacay laamiga dheer ee u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobolka Bari. Qof soo arkay goobta shilku ka dhacay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in shilkaasi uu ka dhashay kadib markii Bas nooca rakaabka qaada oo ka yimid magaalada Boosaaso, kuna socday caasimadda Puntland ee Garoowe, ay isku dhaceen gaari booyada oo kuwa biyaha dhaamiya. Labada gaari oo burbur xoogleh ka soo gaaray shilkaasi, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 3 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 11 qof oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan. Dadka ku dhaawacmay shilka, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda. Shilalka noocaasi ah, ayaa ku soo noq-noqday laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo weliba xilligaan ay u dheertahay roobabka gu’ga oo meelaha qaar burbur u geystay laamiga. Halkaan ka eeg sawirada shilkaasi PUNTLAND POST The post Shil khasaare ba’an geystay oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  16. Fuleey! Fuleey ma calfado wuxuu rabo saa naftaan ku simaynee! Doqon ma calfado wuxuu rabo saa xin baa u diidiyee! Tukana caano ma calfado saa qarkuu kaga istaagiyee!… Madaxdii dalka waa ay soo kala tageen, muddoo 7aad ku dhow oo ay shirayeen gunaanadkeedii wuxuu noqday gacmo isku seyr iyo iyadoo la kala xanaaqsanyahay in la soo kala tago, dad-weynahana laga wada qarsaday xogtii ay xaqa u lahaayeen xan ay war-baahinta soo ururisay oo aan rasmi ahayn mooyee, waxa ugu weyn ee shirkaas laga faa’idayna waxay tahay in maanta dad-weynaha u qiimaysanyihiin madaxda dalka hoggaankiisa haysa iyo nooca ay yihiin, haba ugu horeeyso madaxda xukuummadda dhexe, madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, waxaana la oran karaa wax dhab ahaan shirkaas ku khasaaray waa xukuummadda dhexe. Waxaa cajiib ah in shirkii laysugu yimid Garowe ay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha qaabkii ay ku yimaadeen uu ahaa mid ay caro ku jirto oo ujeeddadiisu ahayd wax iska dhicin iyo inay ka soo adkaadaan maamullada ay la kulmayaan, mana aysan rumaysnayn in labada dhinaca ee madaxda maamul-gobleeddada iyo iyaga ay labadaba yihiin dowladdii Soomaaliya, waxaana ku talo galkoodu ahaa inay la kulmayaan dad ka soo hor jeeda dowladda ama kooxo mucaarrad ah oo kale, waana meesha ay ka soo bilaabanayso colaadda ay madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa abuureen isla markaasna ay kula jiraan maamul-goboleeddada, waxaadna moodaa in labada nin aysan rumaysnayn ama garowsanayn in dowladda goboleeddada ay ka tirsanyihiin si rasmi ah dowladda federal-ka, waana arrin si cad dhaqankooda looga dheehan karo haddii ay tahay hadal iyo ficilba. DHinaca kale, madaxda maamul-goboleeddada ayaa iyagana u muuqda inay fahamsanyihiin oo ay indhaha ku hayaan in hab dhaqanka dowladdu federalka uu ka maqanyahay ama uu inkirsanyahay si cad oo ku talo gal ah inay yihiin dowlad goboleeddada ay ka samaysantahay dowladda federal-ka xubinimadoodana ay ku dhisantahay dowladnimmada isla markaasna ay leeyihiin si dastuurka waafaqsan awoodo is maamul hoose oo gaar u ah, iyo mid siyaasadeed oo ay tahay in laga talo galiyo arrimaha dalka… marka shirkii Garowe laysugu tegay way iska cadayd inuu natiijo la’aan ku dhammaanayo laguna sii kala fogaanayo, waxaana hadda ay arrintu noqonaysaa si ka duwan siyaabihii hore, waxaana shaki la’aan bilaabanaysa in wax kasta oo ay dowladda federal-ka soo jeediso ay mawqif ka qaataan maamul goboleeddada xataa haddii uusan iyaga dhib ku ahayn si ay u muujiyaan kaalinta siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo waliba si ay shakiga uga saaraan kaalinta wakiillada aqalka sare ee iyaga ku fadhiya magaca maamul goboleeddada, waana sababta keentay in dowladda federal-ka ay la colowdo aqalka sare, waxayna xubnaha aqalka sare u aragtaa wakiilo si toos ah ugu taagan maamul-goboleeddada, waayo xubnaha aqalka sare ayaa ku fadhiya oo laga soo xulay magaca maamul goboleeddada, waana waxa ay uga duwanyihiin golaha shacabka oo isaga xubnihisa lagu soo xulay nidaamkii hab beeleedka ahaa ee 4.5. Farmaajo, inuu maamul goboleeddada heerkaas la gaaro waxaa inta badan ku dhiiri geliyay Abiy Axmed Cali, ra’iisal wazaaraha Itoobiya, oo uu la galay heshiisyo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku salaysanyihiin aysan jirin, xataa xubnaha xukuumadda. Waxaa arrintaas si cad looga dheehan karay duulaankii ay ciidammada Itoobiya ka geysteen maagaallada Baydhabo December 13, 2018, iyagoo si barer ah u faro gelinaya arrimaha gudaha dalka, hor joogsadayna inay doorasho xor ah ka dhacdo maamulka Koonfur-Galbeed isla markaasna ku xad-gudbay oo soo xiray murashax Mukhtaar Roobow oo isagu guddiigii doorashada ee maamul goboleedku u aqoonsadeen inuu yahay murashax buuxiyay shuruuddii tartanka, oo la siiyay shahaadadii murashaxnimmada!…. talaabadaas oo waqtigaas ahayd farriin cabsi gelin ah oo ku socotay maamul goboleeddada kale oo ay ugu horeysay Puntland oo doorashadeedu maalmo ka dhinaanyeen. Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo uu markaas xukumay hoggaan aad jilicsan oo musuqmaasuqu heerkii ugu sareeyay gaaray waxay fara gelinta handdadaadda, cudud sheegashada, iyo laaluushka loo soo adeegsaday ka badbaadday xil-dhibaannadii cusbaa oo aad u fahmsanaa dagaalka iyo colaadda ay dowladda federal-ka ku hayso maamul goboleeddada. War-bixintii la xiriirtya shirkii Garowe ee uu jeediyay madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Saciid Dani) waxay iyadana marqaati cad u ahayd sida dowladda dhexe uga madax adaygtay in talada iyo dejinta nidaamka siyaasadeed ay qayb ku yeeshaan dowadaha xubnaha ka ah nidaamka federal-ka ah ee uu dalku qaatay, in kastoo sida ka muuqatay Deni uu ka aslaaubaysnayay wuxuu czdeeyay inaysan jirin wax natiija ah oo laysla gaaray, waxaase tallaabo la xiiseeyo ahayd tallaabada ay maamul goboleeddadu uga jawaabeen natiijadii uu ku dhammaaday shirkii Garowe taasoo ay diideen nidaamkii canshuurta ay dowladda federal-ka ku soo rogtay maamul-goboleeddada, waxaana arrintan loo qaadan karaa bilowga talaabooyinka ay maamul-goboleeddada ku barayaan dowladda federal-ka ah awoodda ay leeyihiin… waxaa iyadana hubaal ah in go’aankaas ay qaateen dowlad goboleeddad oo ay ku diideen canshuurta ay soo rogtay wazaaradda maaliyadda haddii ay ka dhabeeyaan ay tallaabadaas soo dedejin karta in loo noqdo wada xaajood luuqadda qaynuunka lagu wada hadlayo, waana irrid keliya ee u furan dowladaha federal-ka tirsan. Waxaa arrin kale oo muhiima ah in dowlad goboleeddada ay ajandayaashooda ku darsadaan in dowladda federal-ka ay baraan hadaysan aqoon Aqlka Sare, isla markaasna ay fahamsiiyaan inay tahay hay’ad sharci ah oo madax bannaan awoodeeduna ku qeexantahay dastuurka. Farmaajo iyo KHeyre, waxay heleen fursad ay wajiga siyaasadeed ee dalka oo dhan wax kaga bedeli kari lahaayeen kuna midayn kareen nidaamka siyaasadda ee dowladda, laakiin qof ay meel u cadahay ama dano gaar ah leh waxaa damqaya dantaas oo keliya, waxana gelaysa fuleynimo iyo cabsi uu dantaas u baqayo, sidaa daraadeed waxaa adkaanaysa siduu u gaaro danta weyn ee waajibaadkiis ah. Irrido furnaa ayeey soo xireen, waxayna garan waayeen xataa inay wax dabciyaan, rajo muujiyaan, waqtiga jiidaan, dib wax u dhigtaan, laakiin mar keliya intay jilibka aasteen bay MAYA mooyee wax kale aysan shirka la tegin, si aad moodeyso inay fulinayaan qof kale amar uu soo siiyaya oo aysan talada rogrogi Karin…hadaysan dadkii talada la lahaa oo ahaa dowlad goboleeddada la tashanayn yeey la tashanayaan?!…Sidaan u burburnay waxaa ka daran sida laynoo soo dhex galay!…Allow guuli u dhoweydaa!…Markuu Farmaajo ku haray Garowe, dad badan ayaa filayay inuu talo u horay oo uu wax soo kordhin doono, waxayse rajadaas ku dhammaatay in sidii caadadiisa ahayd uu albaabka hoosta ka xirto!… Natiijadii shirkii Garowe waxay shacabka u qeexday tayada ay leedahay dowladda ay taladooda ku aamineen, waxayna ku abuurtay wallaac weyn oo ay ka qabaan sida ay dowladda u maarreyn karayso arrimaha la soo gudboonaan kara siiba marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha, waxayna dareemayaan inaysan dowladda dhexe ahayd tix geliso isu soo dhoweynta dadka, talada dalkana aysan ku koobin golaha fulinta ee dowladda dhexe oo keliya. Dowladda federal-ka iyo xubnaha dowlad goboleeddada waxaa hadda looga fadhiyaa inay sii wadaan wada hadalkii bilowday, waxaana taas ay ka bilaaban karaysaa guddii isku dhaf ah oo khubara ah oo laga soo xulaya golayaasha dowladda dhexe, dowlad goboleeddada, oo xog ogaal u ah arrimaha iyo khilaafaadka jira in lagu soo daro kulanaka dhex maraya dowladd dhexe ee federal-ka iyo dowlad goboleeddada, waayo talada ma aha id gaar u ah madax-weynaha dowladda federal-ka, ra’iisal-wazaaraha iyo madaxda dowlad goboleeddada, waxaana shaki la’aan ah in laga gudbi caqabadaha jira haddii lala yimaado daacadnimo iyo danta guud oo keliya miiska loo soo wada fariisto…waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada wada hadlaya inay maanka ku hayaan in xeer kasta oo lagu heshiiyo ama la dhigto in marka cilado lagala kulmo la bedeli karo, oo aysan ahayn waxyi samaawi ah!…goob-joog shisheeyaan loo baahnayn, talo shisheeyaan loo baahnayn, baahideenna ugu weyn waa daacadninmo, wax isu quurid, iyo in loo dhabar adaygo ilaa danta ummadda meel lagu soo gunto…wada hadalkuna ha socdo!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Garowe (SMN) – Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhilinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland ayaa waxa ay amaro dul dhigtay Ajaaniibta ka shaqeysata deegaanada maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Axmed Cabdulle Tigaana ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha ka howlgala Puntland in aysan shaqaaleyn karin qof aan soo marin hab sharciga waafaqsan. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay dhammaan fartay in cid kasto oo ay quseyso amarkan ay hoggaansato xeerarka iyo shuruucda dowlad goboleedka Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  18. Nairobi (SMN) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya. Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya. Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha. Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta. Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka. Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya. “Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.” Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo kala matalaya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa caawa ku ballsan tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga labaad ee wareega koowaad oo caawa la guda galayo. Baraawe ayaa tartankii hore laga soo badiyay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Kaxda ee gobolka Banadir. Sidoo kale Hodan ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay degmada ay dariska yihiin ee howlwadaag. Taaba gelinta sanadkan tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
  20. Shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Carmo iyo Carta ee gobolka Bari, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay warsidaha [...] Source
  21. Marka (SMN) – Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan la marin mudo ku dhow 7 sano. Howlgalkan ayaa ahaa mid Miinooyin looga saarayay wadadaasi oo muhiim u ah dadweynaha. Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan. View the full article
  22. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Puntland ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka may oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegatey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL. “Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u gaarsiin lahaydeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Maalinta 15-ka May waxaa ay ku weyn tahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan tariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi, arrintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960. Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyaradii ururka SYL Alle uga baryey inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo acmaashooda wanaagsan iyo dhaxalkooda taariikhdu maanta xusayso ee ay dalkooda, dadkooda, diintooda iyo nafahoodaba u dhiteeyeen. Ugu dambey, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo-socdaba, si looga mira-dhaliyo hadafkii dhallintii u istaagtey sidii uu dalkan ku hagaagi lahaa, u xoroobilahaa, horumar u gaadhilahaa, nabad iyo xasilooni waartaa uga hirgalin-lahaydeen. View the full article
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo mida Madaxweyne Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo xukuumadihii ka horeeyayba aysan jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sad-bursiiyo qoys, sida tan maanta joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo aysan jirin xariga xadhkaha goostay ee maraya in xildhibaanadii xasaanada lahaa xabsiga la dhigo, isagoona ka dhawaajiyey in Xukuumada Biixi ay ku kacday dastuur jebin bareer ah, wuxuuna yiri: “Kulmiye markay ku jireen, Kulmiye muu xumayn,iyaguna may xumeen, intan uun baa jirtay ” sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha barakacayaasha xukuumadda Somaliland. Cabdikiin xinif waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in kolkii ay KULMIYE ku jireen xubnihii Wadani u hadlay inay inta ay hadda ku dhaliilayaan xukuumadda ay jirtay oo ay wanaagsanayd inay markaa sheegaan. Sida ka muuqata hadalka Xinif oon aniga shaqsiyan uu ka mid yahay dadka aan u ixtiraamaa in aanu dafirsanayn dhaliisha jirta ee ay xubnaha xisbiga Wadani ee xukuumaddii hore ee Siilaanyo ka tirsanaa ku ganayaan tan Muuse Biixi. Keliya waxa dooda gudoomiyuhu u dhacaysaa inay siyaasiyiinta xisbiga Wadani ee mar ka tirsanaa Kulmiye ay iska aamusaan mar haddaanay dhaliishan ay hada arkayaan oo xiligaaba jirtay aanay sheegin. Haddaba waxa ayaan darada jirtaaba ay tahay in Cabdikariin uu ka mid ahaa raggii tamar iyo tacab kaleba geliyay xukuumaddii Siilaanyo, sida uu tan Muuseba u geliyay, islamarkaana ka mid ahaa raggii ugu dhawaa uguna awooda badnaa xukuumaddaa,balse arrinka uu seegay ayaa ah laba qodob:- *masuulka xilka hayaa haddii wax qaloocdaan ama ay dhaliil arkaan suuqa iyo warbaahinta midna kama sheegaan ee waxa ay la tagaan fagaarayaasha xukuumadeed ee lagaga hadli karo, laguna sixi karo, haddise uu lee yahay dhaliishaa iyo dhaliishaa ayaa jirtoo aanay goobaheedii kaga hadal waa dood kale. *tan labaad anigaaba leh, dhaliisha maanta jirtaa may jirin xukuumaddii Siilaanyo, waxana aan ku sababaynayaa qodobada soo socda. Xukuumaddii Siilaanyo iyo mid kastoo ka horeysay may jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sadbursiiyo qoys, sida tan maanta joogtaa. *Xukuumaddii Siilaanyo may jirin dhaliisha maanta taagan ee ah in xukuumaddu tahli kariweyday inay midayso shacabkeeda oo madaxweynuhu soo dhiso xukuumad u eg in ummaddu ka wada muuqato oo loo siman yahay. *Xukuumadsii Siilaanyo ma jirin xadhigan xadhkaha goostay ee maraaya in xildhibaanadii xasaanada lahaa gudaha la dhigo. * Xukuumaddii Siilaanyo ma jirin dastuur jebin badheedh ah oo uu weliba ku adkaysan jiray madaxweynuhu, isagoo inoo sheegaaya in sharcigu saraynaayo, tiiyoo ay jirto in golihii wakiilada iyo garsoorkiiba xadhig ay ku sheegeen mid baal marsan shacabka in uu weli dabada sii hayo hogaamiyaha dalku. Waxa aan dood hore maqlaayay Maxamuud Xaashi oo leh qaabkii wada-hadaladii hore ay xukuumaddii hore u waday lagu sii wadi kari maayo. Waxa hore loo yidhi “hal libaax arkaysaa ma godlatee”. Waxaan is weydiinayaa ma madaxweyne Muuse ayaa dhegihiisu jecel yihiin in khaladaadkiisa lagu difaaco is barbar dhiga xukuumaddii Siilaanyo iyo tiisa, mise siyaasiyiinta wakhtigan u hadla xukuumadda Muuse ayaan hay wax kale oo ay ku dufaacaan dhaliilaha shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaridka uga imanaaya xukuumadda?. Jawaabta su’aashaa inta ehlu caqliga ah ee dood yaqaankaa baan u deynayaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com