Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,445
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. DP World secured another legal victory this week when the Djibouti government was ordered to pay US$385m plus interest to Djibouti port operator Doraleh Container Terminal (DCT) for breaching its exclusivity rights by developing container facilities at Doraleh Multipurpose Terminal. Source: Hiiraan Online
  2. WASHINGTON (WASHINGTON POST) - Under questioning by lawmakers, the outgoing chief of the US Federal Aviation Administration (FAA) said that key decisions made by pilots contributed to the crashes of Boeing 737 Max jets in Indonesia and Ethiopia, killing 346 people. Source: Hiiraan Online
  3. Secondary school students have been demonstrating in Mogadishu this week after Somalia’s education minister postponed national examinations, saying the tests were leaked on social media. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii horaba ay shirka Garoowe ujeedka loo tagay ay aheyd in laga wada hadlo arrimaha amniga oo uu ku sheegay inay tahay midda ugu muhiimsan oo hor taalo Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu sheegay in markii shirka la tagay ay Madaxda Maamul Goboleedyada la imaadeen qodobo kale. Wuxuu sheegay in qodobadii ay Maamul Goboleedyada soo jeedeyn kamid aheyd in la dhiso madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada . Madaxweynaha ayaa cod dheer ku sheegay inay Dowladda Dhexe ka diiday Maamul Goboleedyada in la dhiso madal, wuxuuna taas ku micneeyey inay soo arkeen dhibaatada iyo faa’idada ay leedahay in la sameeyo Madal. Madaxweynaha ayaa xusay in Sharciga uu qabo in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay kulmaan sanadkiiba mar si la isaga wareysto Xaaladaha dalku marayo balse aysan marnaba aqbali doonin in madal la sameeyo. Maamul Goboleedyada ayaa shirkii Garoowe kusoo bandhigay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu Farmaajo banaanka usoo saaray inay arrintaas ka hor timid Dowladda Dhexe. Hadalka Madaxweynaha ee ku saabsan Shirka Garoowe ayaa ahaa mid aad loo wada sugayey, wuxuuna arrintaas ka aamusnaa dhawr maalin balse hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu ahaa mid laga soo fakaray isla markaasna aad u kulul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. The United States has publicly rebuked a senior British general who challenged claims that Iranian-backed groups are preparing to mount attacks against Western assets in the Middle East. Source: Hiiraan Online
  6. Austria has passed a law intended to ban Muslim girls from wearing a headscarf in primary schools. The Jewish yarmulke and Sikh patka are not included in the new measure. Source: Hiiraan Online
  7. Suspected Al Shabaab militants who abducted two Cuban doctors in Mandera are now demanding Ksh.150 million in ransom. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online0 – Caasimada Online ayaa ogaatay in gaarigii talaadadii ku qarxay xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir uu habeen hore ku baryay degmadaasi islamarkaana uu soo galay galabkii Isniinta. Gaarigaan oo nuuciisa yahay Nooho ayaa la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka soo gudbay bar-kontarool oo ku taala agagaarka Hotel Daamey ama Isgoyska Geed Jaceel ee degmada Warta-nabadda. Mid kamid ah dadka ku nool degmada Warta-nabadd,a gaar ahaan agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareer ayaa Caasimada Online u sheegay in gaarigaan uu galabkii isniinta muddo ka badan 4 saac uu yiilay meel u dhaw masaajidk,a sidoo kalane kaabiga ku heysa xarunta degmada. Dadka degaanka ayaa Ciidamada Booliiska kuwar-geliyay gaariga Isniintii, 5tii Galabnimo Afurka ka hor kadib markii ay ka shakiyeen waxaana ku dhax-jiray hal wiil oo kaliya oo ay ugu jireen Air phone (dhagaha Mobilka), balse ay kawar-celin waayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan halkaasi. Qof kamid ah dumarka ku ganacsada agagaarka xarunta degmada Warta-nabadda ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Booliiska shaqsiyan ay ku wargelisay gaarigaan xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxeysa xarunta degmada iyo Isgoyska Geed Jaceyl balse aysan waxba ka qaban gaariga. Afurkii kadib ee Isniintii ayey dadka degaanka sheegeen in ay waayeen gaarigii ay ka shakeeyeen waxayna qiyaaseen in uu ku xarooday guri aan ka fogayn xarunta degmada. Taaladadii markii uu qarxayay ayuu Xawaare sare ku soo hormaray dadkii ka digay maalin ka hor waxa uuna xoog ku jiiray difaaca degmada isagoo gudaha u galay xarunta degmada kadibna is qarxiyay. Sidoo kale dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gaariga markii uu jiiray difaacyada degmada aysan jirin cid daba-gashay ama ka difaacday gudaha degmada, waxaaana markii ugu dambeysay laga qaaday birta Al-baaabka xarunta degmada isagoo markii dambe ku qarxay gudaha xarunta oo u dhaw Albaabka. Su’aalaha dad-badan ay qabaan ayaa ah Maxay booliiska wax uga qaban waayeen gaarigaan markii loo soo gudbiyay ? miyey u muuqataa in Booliiska ay wax ka ogaayeen shilkaan? Ma jirta cid la xisaabtanta hey’adaha amniga ? side ayuu uga soo gudbay baraha kontarool ee Wadnaha oo ah aag cagaaran oo aan laga soo gudbin ? iyo Su’aalo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaysan jirin cid Hal maalin ku darsan karto waqtiga sharciga ee uu xilkiisa ku eg yahay haddii ay ahaan laheyd Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Madaxwyenaha ayaa tilmaamay in haddii la ogolaado in Madaxweyne Dowladda Dhexe iyo mid Maamul Goboleedyada loo ogolaado inuu waqti ku darsado ay taas noqon doonto wado furmato oo keeni karto in dalka uu dhibaato galo. Madaxweynaha ayaa dhawr jeer kusoo celceliyey inaan cidna loo ogolaan doonin inay waqti ku darsato xataa isaga oo lagu eedeenayey maalmihii dambe inuu doonayo waqti kororsi. Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Golaha Wasiirada ansixiyeen Sharciga doorashooyinka kaasoo dhaliyey shaki weyn oo laga qabo inay dowladdaan sameysaneyso waqti kororsi kadib markii qodobada qaar ay tilmaamayeen in haddii lagu guuldareysto in doorasho la qabto ay Guddiga Doorashada waqti ugu dari doonaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray shakigii ahaa inay Dowladiisa qorsheeneyso waqti kororsi inkastoo ay Siyaasadda isbadali karto waqti karta ama hadalkaan uu yahay mid siyaasadeed , waxaana hadalkiisa ka muuqatay inaysan dowladda Soomaaliya dooneyn inay sameysato waqti kororsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Dhacdooyinka aan weli laga daba-tegin haddana reebay khasaaraha nafeed iyo dhaqaaleba ayuu uugu weeyn yahay qaraxii Zoobe ee muddada sannadka iyo dheeraadka ah laga joogo. Waxa uu ahaa masiibo hal mar saamaysay dad gaadhaya Kun qof, kuwaas oo lahaa dhimasho iyo dhaawac, weliba intaas waxaa dheeraa burburkii hantiyeed ee halkaas ku dhammaaday. Waxaa uu ahaa dhacdo saamayn weeyn ku yeelatay guud ahaan soomaali, hadal haynna ku abuurtay caalamka iyo dhammaan war baahinta caalamka. Waxaa uu tusaale dhammaystiran u noqday gumaadka iyo burburinta lugu hayo soomalida taas oo aan lahayn meel loo raaco, amase aan daboolka laga qaadayn cidda ka dambaysa xasuuqaas beni’aadmnimo. Qaraxii Zoobe waxa uu noqday midkii uugu weyna ee ka dhaca dhulka korkiisa kaas oo hal meel lugu dhufto, waxaa la xusay in uu ahaa qarax loo farsameeyay si arxan-darro ah oo weliba ay ku dheehantahay khibrad iyo kiimiko cusub oo saamaynteeda leh. Dhicitaankii qaraxa Zoobe waxa uu abuuray shaki weeyn kaas oo ay indhaha ku wada eegeen howl-wadeennada caalamku, waana qaraxa aan weli cidi sheegan, waana qaraxa illaa hadda aysan Al-Shabaab qiran, waana qaraxa ay ka qayb-qaateen baadhayaal iyo sirdoonno caalami ah. Qaraxa Zoobe maxay Al-Shabaab u sheegan weyday? Sheegashada fallalka amni darro ee badhtilmaameedka ah marka ay dhacaan waxaa inta badan lugu tiriyaa in ay geystaan Al-Shabaab amase ay qirtaan isla markaaba. Balse qaraxa Zoobe ayaa sidan ka duwanaa waana qaraxa ilaa hadda aysan kooxda Al-Shabaab qiran. Sababta ay Al-Shabaab uuga gaabstay qarxan ayaa ah in uusan qorshuhu u fulin sidii loo rabay kaas oo uu badh-tilmaammeed kiisu ahaa wax yeellaynta garoonka “Aadan Cadde.” Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa dukaammana ku lahaa rag ka tirsan Al-Shabaab taas oo sababtay in iyaga naftigoodu ay isku khilaafaan isna weydiiyaan cidda amartay fulinta qaraxa. Ugu dambaynna ay go’aansadeen in aysan sheegan qaraxaas fulintiisa. Dhimashadii iyo wax yeellayntii dadkii badnaa iyo hantidoodii oo noqotay mid dareen nacayb ah oo dhammaystiran ku abuurtay ummadda soomaliyeed ayaa iyana Al-Shabaab ay uuga gaabsadeen sheegashada qaraxaas, waana hab kaarto oo ay nacaybka faraha badan ee loo qaaday ay ku khasabtay in aysan afka soo marin waxa dhacay, maadama ay Al-Shabaab tahay koox dadka ku khalda fikrado aan jirin oo ah jihaad balse maalintaas ay caddaatay in uusan meesha jirin wax jihaad ah, halkaas ay ku caddaatay danaha Al-Shabaab. Halkee ku dambeeyeen xoggihii baadhayaashu? Khasaarihii iyo burburkii badnaa ee qaraxa Zoobe waxa uu noqday mid la wada dareemay culayskiisa, noqdayna mid ay ku habbabareen (argagaxeen) waddamadii shisheeye ee ay soomaliya u ahayd fadhiisimaha, kuwaas khatartii qaraxa ku sifeeyay masiibo ku soo wajahan shaqalahooda fadhiya soomaliya, waana sababta keentay in ay qaraxan ka qayb-galaan baadhayaal kala duwan oo uu midkasta doonaayo in oogaado cidda soo maleegtay masiibadan ka duwan kuwii hore loo bartay. Shaki kuma jiro in qaraxa Zoobe uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, waxaana caddaatay hal-mar oo keliya in ay alshabab tahay xijaab ay ku dhuuntaan waddamo is doonaya iyo weliba kuwo aan oggolayn dhaqaaqitaanka soomaliya. Baadhitaanka xogta qaraxa waxaa ka qayb galay dhowr sirdoon oo ay ka midyihiin sirdoonka ciidanka Maraykan qaybta xafiiska “Africom” kuwaas oo ah laan hoos-tagta hay’adda amni qaran ee CIA. Waxa ku weheliyay sirdoonka waddanka Qatar iyo dhowr sirdoon oo iyagu si goonni ah u baadhay. Ugu dambayn sirdoonka Africom ayaa helay xog dhammaystiran oo caddaynaysa qaraxaas cidda ku wehelisay kooxda Al-Shabaab iyo weliba cidda ka geysatay farsamaynta qaraxii halista badnaa. Natiijada xogtan oo ay waajib ahayd in dib loogu soo celiyo Soomaaliya gaar ahaan hay’adda nabad-sugidda qaranka ee (NISA) ayaan dib loogu soo celin ka dib markii xogtaasi ay noqotay mid xasaasi ah oo ay ku lug yeelatay waddan weeyn oo adduunka qiimo ku leh, ugu dambayntiina uu xafiiska Africom xogtaas hor-dhigay waddankii baadhitaanka lugu ogaaday. Ugu dambayntiina soo bixitaankii xogtaas lugu bedeshay dhaqaale lacageed iyo shardi ah lama taabtaan. Kiiska Zoobe iyo tuhunkiisu waa mid ay ka dheregsantahay hay’adda sirdoonka soomaliya NISA, balse aysan hayn hay’addu xog dhammaystiran oo wadata caddaynteeda taas oo la hor-geeyn karo cidkasta oo dembigaas lug ku lahayd. Sharci ahanna hay’ad amni qaran ma faafinkarto xog aysan ka hayn caddayn la hor-dhigikaro gar-soorka caalamka. Qorshaha ay dejiyeen cidkasta oo dembigan ku lug lahaydna ayaa ah haddii sirdoonka soomaliya uu ku eedeyo falkii dhacay, in iyana ay caalamka dhahaan xogtaasi in ay ahayd mid khaldan maaddaama sirdoonka soomaliya ay yihiin kuwo hoseeye khibrad aqooneed iyo qalabba, waana halka arrin ay ku xisaabtamayaan ciddii qaraxaas ka dambaysay. Waddanka xogtan gacanta ku dhigay oo ahaa mid awoodleh dhinaca sirdoonka iyo ciidankaba, xogtaasi waxay noqonlahayd mid la hor-geeyo caalamka. Balse nasiib darro waxaa xogtaas ay noqotay mid dano gaar ah lugu fushado iyo dhaqaale. Waana xogta ay isku qaabka yihiin dilkii weriyihii sucuudiga u dhashay ee lugu dhex dilay Turkiga, kaas oo aan ilaa hadda xogtiisa bannaanka iman, balse sirdoonnadu ay isku dhaafsadeen dano kale oo maslaxaddeed. Qaraxii Zoobena waxa uu ugu dambayn noqday mid dano-gaar ah lugu hoos-qariyay. Waxa kale oo jira dhawr xogood oo ay gacanta ku dhigeen waddamo shisheeye balse aan xogtoodii dib loogu soo celin Soomaliya. Waana arrin caddaynaysa in suuqa xoogaha amni xumo ee soomaliya markii la ogaado uu noqdo mid la isku rikaarteeyo( madax furasho lacag la isku weydiisto). W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho ugu Qaybiyay deeq lacageed Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho. Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Madasha lagu qeybinayay Deeqdaan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay. Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gargaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen. Gudoomiyaha Hormuud Telecome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad oo ay shirkadaan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahadceliyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ga gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan. Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gargaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho. Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan.
  12. Baqdaad (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Baraha Bulshada la wareejinayey Aqbaar ku saabsan inuu weli nool yahay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadam Hussein. Dadka Baraha Bulshada ku faafinayey warkaan ayaa waxay isticmaalayeen waraaq la sheegay inay qortay Gabadha uu dhalay Saadaam ee lagu magacaabo Ragad Sadam Husseen. Gabadha uu dhalay Sadam oo farriin soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitterka ayaa sheegtay in warka iyada la sheegay in laga soo xigtay uu yahay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna ay faafinayaan dad dano gaar ah ka leh. Warka laga faafiyey gabadhaan ayaa wuxuu u qornaa sidaan ” Aabahey Maalin kasta wuu ila soo xiriiraa, wuu nool yahay wuxuuna kusoo laaban doonaa mar kale xukunka Dalka Ciraaq”. Gabadha ayaa si cad u beenisay warkaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu Qareenkii Sadam Xuseen uu sheegay in qofka la daldalay uusan isaga aheyn balse ay CIA-da Mareykanka dilka ku fuliyeen qof isaga u eg sida uu isaga hadalka u dhigay. Saadaam Xuseen oo Xukunka dalka Ciraaq soo hayey intii u dhaxeysay 1979 illaa 2003, ayaa waxaa la daldalay Bishii December ee sanadkii 2006 Markaas oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay weerar ku qaadeyn dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Baqdaad caasimada@live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xariga ay ciidamada Somaliland ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Abwaan Weedhsame ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in si mug leh loo baaro sababta xiligan oo 18-May u diyaar-garoowayan reer Somaliland keentay in wiil dhalinyaro ah uu calanka Soomaaliya ku labisto. Abwaan Weedhsame ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa qoraalkiisu sidan: “Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta. Haddaad tidhaa “Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan? Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!. Weliba waynu ognahay in aanu adduunka korkiisa jirin dal, dadkiisu leeyihiin xorriyad bilaa xad ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Turkey’s economic, humanitarian and nation-building efforts in Somalia have forged a bond that cannot be derailed by terror attacks. On Sunday, the Al Qaeda-affiliated Al Shabaab group killed a Turkish citizen in the Somali capital Mogadishu. The victim, a construction engineer, working for a Turkish company in Somalia, was mercilessly blown up when explosives planted in his car exploded. Al Shabaab later claimed responsibility for the targeted assassination. Beyond the personal tragedy, this incident illustrates bilateral relations between Somalia and Turkey. Turkey is among the very few international actors who believed in Somalia’s success and have subsequently invested in Somalia’s development. In August 2011, Ankara launched its most extensive overseas humanitarian campaign to avert a devastating famine that killed around 260,000 people in the Horn of the African nation. Post-conflict nation-building Once the famine was averted, Turkey became deeply involved in nation-building in Somalia. The country lacked an effective national government since the fall of the military regime in 1991. Decades of prolonged civilian war, severe humanitarian conditions, and the scourge of terrorism have led to the internal displacement of more than two million people in Somalia. The multitude of Turkish projects implemented in Somalia over the last five years has attracted both local and international acclaim. To the extent that a new term, “The Turkish Model”, has come into being. One of the reasons Turkish involvement has been effective is because it combines aid with nation-building. While Turkish state agencies and NGOs have focused on reducing the humanitarian crisis, other state-sponsored agencies have been building the infrastructure necessary for the country’s recovery. These include high-impact areas, such as hospitals, an airport and major roads in the capital Mogadishu. Second, in addition to direct budgetary support provided to the Somali government, Turkey has embarked in capacity-building initiatives to help recover Somali institutions. Third, the Turkish approach also includes a reconciliation and peacebuilding agenda. For instance, Ankara has mediated between the Somali government and Somaliland, a self-declared republic in northern Somalia. Lastly, the presence of Turkish diplomats, humanitarian workers and businessmen on the ground was possibly the most significant element that favourably shaped the perception of the majority Somalis towards Turkey. A Somali friend told me: “The only non-African people in the streets of Mogadishu, after Syrian and Yemeni refugees, are the Turkish nationals. They are building schools, roads and driving cars. They even have conversations with the ordinary people in a city that many consider as one of the most dangerous in the world.” Al Shabaab’s unease with Turkey On the one hand, Al Shabaab has previously called the Turkish government an enemy of Somalia because the NATO member was supporting Western operations in the country. However, the reality is that flourishing relations between Ankara and Mogadishu undermine the terror group’s activities on three fronts. First, Turkey’s support and training of Somali security forces in support to recapture territories from Al Shabaab and restore stability to the country. In this regard, Ankara has built its largest overseas military facility that trains thousands of Somali soldiers annually. Al Shabaab fears that the Turkish assistance would strengthen the professionalism of the Somali army, which in turn would weaken the group’s grip on power. Second, Turkish projects and businesses have created jobs for thousands of young Somalis, which puts at risk Al Shabaab’s exploitation of poverty – a situation they manipulate to attract recruits to their cause. Third, the Turkish presence in Somalia challenges Al Shabaab’s claim as the only legitimate Islamic movement. Turkey has built mosques and other religious schools in Somalia to counter the group’s extremist ideology and promote its vision of Islam as part of a functioning democratic state. Here, Al Shabaab, which considers democracy a un-Islamic imposition of Western values, finds itself in a difficult position. A Signpost on the road to the cooperation with Africa Turkey’s involvement in Somalia has boosted Ankara’s image as a responsible actor both on the African continent and globally. Engagements in Somalia have helped Ankara formulate its new foreign policy towards Sub-Saharan Africa. In the words of President Erdogan of Turkey, “Somalia has become a symbol of the relations we wish to establish with our brothers in Africa.” The Somali experience has raised Ankara’s profile and influence in the humanitarian sector and is a prime example of cost-effective policies for working in Africa and with the rest of the Global South. Since 2011, numerous academic studies on Turkish humanitarian and development assistance in Somalia have been carried out. The Turkish model in Somalia attracted significant academic attention. To quote President Erdogan again, “with Somalia, the Turkish model of aid has gained recognition in literature.” Somalia and Turkey have been partners united by values and strategic interests. With this tragic terrorist attack, the alliance between both states are now forged in blood, steel and hope. Source: TRT View the full article
  15. Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeedinayay munaasabada 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah. Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday shirkii Garoowe isaga oo sheegay in shirkaasi uu san fashil ku dhamaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeeysteen in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada. “Shirkii garowe ma fashilmin guul ayu kuso dhamaaday marba hadii madaxdii dalka meel isugu tagtay kaliya waxaan diidnay in la sameeyo madal udhaxeysa maamulada iyo dowlada dhexe” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid. Ugu dambeeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleeeyada ay xiligooda dhici doonaan Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo” Doorasho kastaahi Xiligeeda ayey dhaceysaa tan maamulada iyo dowlada dhexeba “ appeared first on Puntland Post.
  16. Gudoomiyaha barlamanka hirshabelle Cusmaan Barre mohamed ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya, hey’addaha caalamiga iyo bulashada reer Hirshabelle ee dal iyo dibad ku sugan iney ka qeeb qaataan Dayactirka buundada ceel gaal ee dhawaan eey dumiyeen daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka da ay gobolka Hiiraan. “Sidaan wada ognahay buundada Ceel gaal waxeey muhiim u tahay isku socodka magaladda ganasiga Hirshabelle ee Baladweyne iyo Gobolada dhexe. Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa cidkaste oo gacan ka geesan karto dhismaha buundadas iney wax ka qabtaan” ayuu yiri gudoomiyaha. Dhowaan roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu dumiyay Buundadii muhiimka u aheyd gobolada Hiiraan iyo Gobolada dhexe. Puntland Post The post Buundada isku xirto Hiiraan iyo gobolada dhexe oo roobabku ay dumiyeen appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeeybgalay munaasabada xuska 15-ka may oo ku beegan aaa aaska ururkii SYL. Munaasabadaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee dowlada dhalinyaro iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYl. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay xuska 15-ka May appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya. Madxweynaha ayaa sheegay inuu markii hore Xaaf ka ogolaaday in dib u heshiisiin loo sameeyo garbaha isku khilaafsan Maamulkaas balse wuxuu sheegay inuu dib iska badalay markii lagala soo hadlay meel ka baxsan shirka oo uu ula jeeday inay Ahlu Sunna lasoo hadashay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Daawada Galmudug ay tahay inaan waqti kororsi la sameysan isla markaasna la xaliyo khilaafka taagan loona diyaar garoobo Doorasho cusub balse aysan marnaba suurta gal aheyn in Xaaf loo ogolaado Muddo Kororsi iyo Maamulada kalaba. Madaxweynaha ayaa Xaaf ku eedeeyey inuusan qaadan daawadii ay u baahneyd Galmudug oo ah in la sameeyo dib u heshiisiin iyo in la iska hilmaami waqti kororsi. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay inay Dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameysay dhibaatada heysato Galmudug ayna usoo baxday inay lagama maarmaan tahay in dhinacyada Galmudug loo sameeyo wadahadal kadibna doorashada la qabto waqtigeeda. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlo shirkii Garoowe ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kaasoo lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax is faham ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN: ▪ Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii. ▪ Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn. ▪ Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho. ▪ Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda Injineeriyada. ▪ Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala horreeyaan. ▪ Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA), Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka Seneca (Canada). ▪ Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo Soomaaliya. ▪ Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda. ▪ Waxyaabihii uu ka shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. ▪ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  20. (SLT-Victoria)-Maanta oo Arbaca ah, waxaa Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi waxaa la soo taagay Cali Khaliif Cali Shire oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Barxad lagu qaban lahaa Dabaaldegga dhalashadda Sannadkii 2018-kii. Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jarrod Williams ayaa waxa uu Maxkamadda horteeda ka xaqiijiyey qirashadiisa. Cali Khaliif Cali Shire oo ah muwaadin haysta dhalashadda Australia ayaa waxaa lagu soo oogay Eedeymo la xidhiidha in muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April ee sannadkii 2017-kii uu diyaariyey qorshe uu ku weerari lahaa fagaaraha Federation Square bishii December 31-dii ee isla sannadkaasi. Boliska waxay dhegeysan jireen Mobaylkiisa ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii, sida laga sheegay dhegeysiga Guddi Maxkamadeed. Eedeysanaha waxa uu ku jiray gacanta Booliska tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay Booliska ka soo qabteen dhismo laga dukaamaysto. Eedeysanaha, Ali Khalif Shire Ali, waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi, si uu u qirto baadhitaanka ku aadan qaabka uu ku helay hubka iyo rasaasta iyo diyaar-garowgiisa qorshaha uu weerarka ku geysan lahaa dabayaaqadii sannadkii 2017-kii. Xeer-beegtida Maxkamadda waxaa la sheegay inay kulan kale ka yeelan doonaan dhegeysiga qirashadiisa iyo xukunkiisa bisha August ee sannadkan. Dhinaca kale, Ali Khalif Shire Ali waxay walaalo ahaayeen Xasan Khaliif Shire Cali, kaasi oo ay Booliska Australia toogteen bishii November 9-diiee sannadkii hore, xilli uu gaadhigiisa dab qabadsiiyey, isla markaana uu 3 qof ku tooreeyey badhtamaha Degmadda Ganacsiga ee magaalada Melbourne. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Dab Damiska Somaliland ayaa maanta soo badbaadiyay wiil yar oo umul ahaa, ka dib markii lagu dhex riday suuli. Dhacdadan oo argagax gelisay bulshada ayaa waxay maanta ka dhacday xaafadda October ee Magaalada Hargeysa. “Maanta waxaa noo timid haweeney naga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna baxday waxaanu maqalnay ilmo yar ooynaaya, inaganu waxaan ku wargelinay Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tidhi haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa. Ciidamada Dab Damiska oo suuliga burburiyay ayaa ka soo saaray canugii yaraa, iyagoona u qaaday goobaha caafimaadka, si lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad. Ilmahan yar oo 24 saac oo keliya jiray ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Dembi Baarista Somaliland. Source
  22. A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money several times to Dusit D2 hotel complex attackers will continue to be held in custody. Source: Hiiraan Online