-
Content Count
208,453 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka hadlayay waxyaabihii kasoo baxay shirkii Garowe ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri “Xaaf [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari lagu xiray. Gaariga ayaa yaalay meel ku dhaw Shaleemo Soomaaliya, waxaana la sheegay in shaqsigii Qaraxa ku xiraayay la arkay oo Carruurta gaadiidka halkaasi ku dhaqda ay arkeen kadibna ay u qaylo dhaamiyeen Ciidamada ammaanka. Waxaa suuragashay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan ruuxii gaariga qaraxa ku xiray, sidaasina Booliska ay ku qabteen. Iyadoo gacanta lagu haayo shaqsigii gaariga qaraxa ku xiray, ayaa la sheegay in gaariga uu qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi gaariga ee ka dhacay wadada Maka Al- Mukarama. Booliska ayaa xarunta dambi baarista ee C.I.D u kaxeeyay shaqsigii la qabtay ee lagu arkay isaga oo qaraxa gaariga ku xiraayo. Dhinaca kale, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda. Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in Ninka hubeysan uu askariga dhaawacay, hayeeshee askar kale oo Goobta ka agdhaweyd oo maqlay rasaasta askariga lagu dhaawacay ay toogteen,isaga oo watay Bustoolad. Wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday Nin kale oo la socday Ninka ay Ciidamadu toogteen oo watay mooto, waxaana israsaaseyn ay dhexmartay Ciidamada iyo Ninka hubeysan oo markii dambe ay dileen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Suspected Al Shabaab militants who abducted two Cuban doctors in Mandera are now demanding Ksh.150 million [$1.5 milion] in ransom. The ransom demand was communicated through community elders who went to a remote place between the towns of Buale and El-Ade in Jubaland region of Somalia, where general practitioner Herera Corea and surgeon Landy Rodriguez are said to have been seen alive. After days of negotiations, community elders from Mandera and Bulahawo in Somalia who traveled deep into the horn of Africa nation confirmed that the two are alive and offering treatment to the community in a restricted environment. Their abductors are demanding a 1.5 million U.S. dollars (Ksh.150 million) ransom to release the doctors abducted on their way to work from home in Mandera County on April 12, 2018. Sources privy to the North-Eastern provincial administration command, however, says authorities have sent back the elders seeking to further negotiate the ransom. Intelligence sources however intimate that the duo might have been abducted by bandits who handed them over to suspected the Al Shabaab militants who subsequently sought the ransom from the group of elders allegedly through proxies. Following the abduction, Cuban doctors posted in Wajir, Garissa and Tana River were recalled and reassigned other counties. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa waxay soo bad-baadiyey ilmo yar oo musqul lagu riday. Ciidanka ayaa waxay ku guuleysteen in ilmahan yar ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo nool, iyagoona ilmaha yar oo caafimaad qaba ku wareejiyey Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan siduu u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu ayaa waxay soo dhigeen bartooda Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan: “Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax. Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay. Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco. Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo. Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefishanka HCTV waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Khilaafka Xisbiyada Somaliland, Qabsoomida Doorashada Baarlamaanka, Saxaafada, wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo Xaalada Abaaraha, dhibaatooyinka dhinaca cuntada ee Somaliland iyo Somalia ka jirta, xaalada Muqdisho iyo Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo arimo kale oo dhawr ah. Waraysigaas oo dhamaystirana waxa uu u dhacay sidan: S: Mudane Safiir Marka U Horaysa Waxaad Warbixin Naga Siisaa Ujeedada Socdaalkaaga Somaliland, Cida Aad La Kulantay Iyo Arimaha Aad Kala Hadashay? J: Waad ku mahadsan tahay inaad igu martiqaado, Tani waa booqashadaydii koowaad ee laba geesood ah ee aan ku imid Hargeysa, waxaan halkan imid dhawr todobaad ka hor aniga oo la socda koox Safiiro Midawga Yurub ah, run ahaantiina waxay ahayd fursad aan ku arko Madaxweynaha iyo inaan wax ka arko shaqada xafiiska Britain ee Hargeysa uu qabanayo. Sida aad ogtahay Britain waxay xidhiidh dheer oo taariikhiya la leedahay halkan oo qayb ka ah aduunka, waxa jiray dad ka yimid Hargeysa, Berbera iyo meelaha ku dhaw halkan, kuwaas oo soo galay dalka UK oo dagay in ka badan boqol sano ka hor. Waxaana jiray xidhiidh aanu wada lahayn xiligii maxmiyada. Balse waxa muhiim ah nooca wada shaqaynta ee hada socota, sidaa darteed waxaan arkay shaqada aanu qabano, iyo sida aanu u taageero Bileyska iyo Cadaalada halkan, tusaale ahaan shaqada aanu qabano waxa ka mid ah inaanu gacan ka gaysano kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo sidoo kale inaanu ka wadashaqayno horumarino habnololeedka iyo jidka Berbera Corridor. Meelo kalena wax ayaanu ka qabanaa oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta, waxaan habeen hore la kulmay madaxa waxbarashada bilaashka ah anaga oo libin laabnay tirada waxbarasho bilaash ah ee aanu sanad kasta siino dadka Somaliland nooga yimaada. Sidaa darteed, run ahaantii ujeedada booqashadaydu waxay ahayd in aan la hadlo xubno dawladda ka tirsan oo aan kala hadlo xidhiidhka aanu wadaagno iyo in aan arko tusaalaha dhabta ah ee iskaashiga aanu halkan ka samayno iyo in aanu sii wadno. S: Waxa Jira Khilaafyo U Dhexeeya Xisbiyada Siyaasada Somaliland, Waanad La Kulantay, Maxay U Dhici Wayday In Xal Rasmi Ah Loo Helo Caqabada Ka Taagan Qabsoomida Doorashooyinka? J: Dabcan, Su’aasha doorashooyinku, waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, balse waxaan u malaynayaa inay tahay su’aal muhiim ah, doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Hoose ee Somaliland waxay ahayd 2005-tii, run ahaantiina mudo dheer ayay ahayd, waxaanu jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan, waanay noqon kartaa, Aragtidayadana taasi waa mudo dheer. Sidaa darteed, waxaan ku boorinayaa xubnaha xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suuragal u noqoto in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, dabayaaqada sanadkan. Waaan u malaynayaa in tahay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystiranka siyaasada gudaha Somaliland. Waxaana jira dad badan oo da’yar oon waligood cod doorasho dhiiban, Wixii ka dambeeyey doorashadii Baarlamaanka, Xubno baarlamaanka ka tirsan may arag wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa. Sidaa daraadeed waxaan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan Tanaasulaad suuragaliya in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto dib u dhac la’aan, taasina maaha mid degdeg ku ah diyaargarowga doorashadu inay qabsoonto. Waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugu dhakhsaha badan Ramadaan ka dib. S: Ma Jirtaa Dhaqaale Dawladda UK Ay U Qoondaysay Doorashada Oo Aad Bixiseen? Waxaanu ka mid nahay kuwa ugu weyn ee taageerada siiya Guddida Doorashooyinka Qaranka, Waan la kulmo shalay, waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxay diyaariyeen doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanku inay dhacdo, waxaan filayaa inay diyaar yihiin, oo ay dhaqaajiyaan hanaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha sida ugu dhakhsaha badan ee loo helo xeerka codbixinta, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee ay u timaado heshiiska xisbiyada siyaasadu. Sidoo kale arinta aan hoosta ka xariiqayaa waxa weeyaan in la sameeyo oo la meelmariyo xeerkaasi oo ogaalada in doorashadu qabsoonto. S: Somaliland iyo Somalia-ba waxa ka jira Abaar, Cunto Sugnaansho la’aan iyo xiligii Roobka wakhtigiisii ka dib dhacay, sida ay sheegayaan Ururada Samafalku, Waa Maxay Doorka UK Ee Arimahaasi Ku Saabsan? J: UK waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn ee deeqaha bini’aadanimo bixiya qaybo badan oo aduunka ka mid ah, iyagoo ay barbar socdaan Maraykanka iyo Midawga Yurub, Hada waxaanu fasaxnay 8 Milyan oo Bound oo kharashaad dheeraad ah dheeraad ah, waxaana qaybo ka mid ahi ay mari doontaa hay’adda Qaramada Midoobay iyo Ururada si loo gaadhsiiyo meelaha aadka ugu baahan. Balse arinta muhiimka ahi waxa weeyi in aanu sanado badan ka shaqaynaynay, in aanu gurmad ka galno abaarta, tani maaha abaartii ugu horaysay ee dhacda, waxaanu hogaaminaynay wadamadii 2017-kii ka jawaabay abaartaasi. Waxaana muhiim ahayd in aanu taageero siinay bulshada si ay adkaysi uga yeeshaan dhibaatooyinka mustaqbalka. Sida aad sheegtay, saadaaluhu waxay tilmaamayaan in sanadkani uu yahay mid adag, balse waxaan filayaa in Dawladaha halkan iyo maamulka Garoowe iyo dawlada Muqdisho ay ka jawaabayaan xaalada, aniguna waxaan ku niyad samahay wadashaqaynta saaxiibada UK oo kale ah, waanu maamuli doonaa arimaha ay Abaartu sababayso. S: Xukuumada Somaliland Iyo Ciidamada Bileyska Waxa lagu eedeeyaa inay ku xadgudbaan Xoriytul Qawlka, Suxufiyiin tiro badan Waa La Xidhay, Xubno Mucaaridka ka tirsan Xabsiyada Ayaa Loo Taxaabay iyo Wargeysyona xayiraadbaa la saaray, Dadka Qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may cambaarayn Talaabooyinkaasi ka dhanka ah Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Isku Xukunka Sharciga, Maxaad Arintaasi Ka Leedahay? J: Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay, balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka geysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo, Waxaanu gacan siinaa Garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga, si aanu u horumarino oo loo xushmeeyo cabashooyinka heerka xuquuqal insaanka, sidaa daraadeed waxaanu taageerna hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimayna guddida si loo gacan siiyo in Xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo lala xisaabtamo, waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha, iyo sida kiisaska maxkamada loo wado. Waxaanu Bileyska ku tababarnaa xuquuqda aadamaha, waxaanan u malaynayaa in taasi ay tahay mid la taaban karo oo dhab ah. Waxaanu doonaynaa in Ciidamada Amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan, waanay noqon karaane, taas oo macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool. S: Balse Waxa Jira Walaac Sheegaya In Ay Adagtahay Inaad Suxufi Ka Ahaato Somaliland, Arintaasi ma Kuu Muuqataa? J: Arintaasi way ii muuqataa, Britain waxay hogaanka u qabatay Wadamada Caalamka ee taageera Madaxbanaanida Saxaafada, waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan Madaxbanaanida Warbaahinta oo lagu qabanayo London 10 iyo 11 July, saddexdii May maalintii madaxbanaanida saxaafada Aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyiin ah, waxaanu ka wadahadalay arimo door ah oo suxufiyiintu la kulmaan. Waxaanu aad ugu wanaagsanahay taageerada Madaxbanaanida Warbaahinta, anaga oo rumaysan in Warbaahin madaxbanaan ay gacan ka geysan karto burburinta Musuqmaasuqa, iyo in ay gacan ka geysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale muhiima u ah bulsho kasta oo xor ah. Ilaa iyo hadda Madaxbanaanida Saxaafadu runtii waa hadaf muhiim ah ee sanadkan, waana mid ka mid ah hawlaha Wasiirkayga Arimaha Dibada uu shakhsi ahaantiisu uu ku martigalinayo qabashada shirkan bisha July. S: Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia may qabsoomin dhawrkii sanadood ee u dambeeyey, Dawlada UK-na waxay ka mid ahayd dawladihii dedaalada ugu jiray Wadaxaajoodka Somaliland iyo Somalia, Ma Jirtaa Jid Cusub oo miiska wadahadalka la isugu keeni karo mar kale? Waxa cad, wadahadalo iyo wadaxaajood kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe, uu yahay mid aan dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantood waxa weeyi, in si aad ah aynu gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsoonida lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah in qof walba uu ogaadoay tahay, hadii ay talaabadaasi qaadaan, waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka, waxaanan hubaa in arintaasi iman doonto. S: Somalia waxay hada u muuqataa inay cagaha la sii galayso amni daro, gaar ahaana Caasimada Muqdisho, oo ay dhibaatooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ahi ay ka dhacayaan, Muxuu yahay Doorkaaga Wax Ka Qabashada Amaanka Muqdisho? J: Waxaan filayaa, Xaqiiqdii in dawlada Muqdisho ay horumar fiican ka samaynayso Amaanka, Dabcan way jiraan dhacdooyin badan oo dhacaya iyo weeraro dhacaya, base waxaynu aragnaa in markii ugu horaysay sanadkan in la qaaday hawlgaladii milatari ee ugu waaweynaa oo ay sameeyeen ciidamada qaranka Somalia oo dhul ku yaala Shabeelada Hoose ka qabsaday Al-shabaab, gacantana ku hayaan taasina waa mid xaqiiq ah oo hogaamineed, waxaanan u malaynayaa in markii ugu dambaysay ay gurmad heleen dadka goobahaasi jooga. Sidoo kale waxaynu arkaynaa in dawlada Muqdisho ay qaaday Talaabooyinkii ugu horeeyey ee dib loogu hagaajinayo ciidamada amaanka. Doorka Britaina waxa weeyi in la horumariyo ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo Bileyska, waxaanu Askarta Soomaalida ah ku tababarnaa Baydhabo, waxaanu maalgalinaa horumarinta Booliska anaga oo maalgalinay dhawr kun oo saraakiil booliska ka tirsan, waxaanan rumaysanahay in tani ay tahay bilawga taageerada Somalia oo hesha ciidan xirfad leh oo si fiican u tababaran. Waxaan aaminsanahay in tani ay noqon doonto ta isbadal ku keenta Al-shabaab, waxaana bilaabmay ifafaalaha arintaasi.” Source
-
(SLT-Dubai)-Maxkamad sare ee Imaaraadka ayaa xukun xabsi ah ku riday saddex muwaadin oo u dhashay Lubnaan kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro Argagixiso. Maxkamada fedaraalka ayaa todobaadkii hore dhageysatay dacwadii u dambeysay oo la xidhiidha eedaha loo jeediyay sideeda nin ka hor inta aan maanta la Xukumin. Mid ka mid ah raggaan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in halka laba kale oo ka mid ahaa sideedan nin lagu xukumay min 10 sano oo xabsi Ah. Xukunkaan ayaa waxaa cambaareeyay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxaana ay ku tilmaantay xukun aan cadaalad Aheyn. Hey’ada ayaa war saxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in maamulka Dubai uu diiday in qareenada u doodayay muwadiniintaan in ay ka soo hor muuqdaan intii ay socotay Dacwadooda. Dhamaan sideeda qof ee Imaaraadka ku eedeeyay in ay qorsheynayeen falalka argagixiso ayaa ah dad shiico ah oo howlo shaqo mudo sannado ah qaarkood u joogay Imaaraadka. Source
-
(SLT-Haweenay Soomaali ah ayaa cashuurtii Taksi wadista lagala noqday ka dib markii ay gashay illaa 30 khalad, iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego. Haweenaydan oo 69 jir ah ayaa ka shaqeynaysey magaalada Melbourne , waxaa lagu magacaaba Xaawo Cad ayaa iminka laga mamnuucay inay gebi ahaanba gaadhi kexeeyso, kaddib markii lagu qabtay dembiyo ay ku jiraan xawaara dhaaf, baasidda samaafare shidaya nalka cas iyo iyadoo gaadhiga ku wadda carruur aan suunka u xidhnayn. Xaawo, ayaa hore siddeed jeer arrimahan oo qudha loogu maxkamadeeyay, iyadoo lagu helay 27 dembi oo dhanka gaadhi wadista ah, islama markaana ay saddex jeer tillaabo ka qaadeen guddiga anshax marinta jidadka. Waxyaabaha kale ee lagu haysto waxaa ka mid ah dhowr mar oo ay rakaabku kasoo cowdeen, midkood wuxuu xitaa ahaa nin indhoole ah oo ay waydiisatey inuu jihooyinka u tilmaamo iyadoo diiddey inay adeegsato GPS ama ay kaash aqbasho. Illaa 19 jeer ayaa la sheegay in la qabtay iyadoo xawaareynaysa, shan jeerna waxay ka gudubtey nal cas, waxaa inta dheer mararka qaar inay diidday inay seed bixiso ama daarato nalalka hore. Haweenaydan waxaa ay ahayd qofka kaliya ee dumarka ah oo ka soo jeedda Soomaaliya oo Taksi ku ka xeysa muddo dheer magaalada Melbourne ee dalka Australia. Source
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda 15-ka MAY maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay arrimo aad u badan. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii keenay in la isku fahmi waayo shirkii Garoowe ee mudada Lix-da cisho ah socday. “Markii aan meeshii isugu nimid oo la yiri waxa laga hadlayaa siyaasadda guud ee dalka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa, waa la is calool xaartay, waa la wadahadlay, qof walba fekerkiisa ayuu keenay, waan kala qaadannay fekeradii, Ra’iisul wasaaraha wuxuu keenay qorhshihii iyo wixii loo baahnaa in laga wadahadlo, wuxuu keenay dhowr shuruuc iyo hindise sharciyeedyo loo baahan yahay inaan iyagu kala tashanno, oo go’aan wadareed laga gaaro, waxay ku bilaabeen madal ayaa loo baahan yahay, ma xuma in la wadashado laakiin madashu maxay ku dhisan tahay….annaga oo tixraaceyno dastuurka qodobkiisa 52-aad waa sax in xiriir joogta ah oo iskaashi ah la yeesho laakiin meel ay kaga taallo madal in la sameeyo kuma jirto, marka waxaan ku tallinay in mar walba la isku yimaado annaga oo wadatashaneyna, maxaa yeelay madal waa lasoo arkay haddii ay wanaagsaneyn iyo haddii aanay wanaagsaneyn” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa ay ka dhaheen. “Waxaan u gudubnay doorashooyinka, waxay qabaan walaalahey in gacantooda dib loogu soo celiyo, haddee doorashadan waxaa looga hadlay Baydhabo oo si fiican looga dooday kulligeenna aan wada saxiixnay qaabkii ay doorashadaasi noqon lahayd” Dhanka kale, madaxweyne Maxamed C/laahi ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diiday xalkii maamulkaasi, islamarkaana uu doonayey muddo kororsi badan. “Arrinta Galmudug waxaan ku tallinay in dib u heshiisiin laga sameeyo markii la weydiistay waqti kororsi, waxaan ku niri waqti kororsi waxaa ka horreeya dib u heshiisiin in laga bilaabo kadibna doorasho loo gudbo, madaxweynaha Galmudug wuu nagu raacay laakiin markuu tashi geliyey wuu isbedalay…arrinta Galmudug markaan ka hadalno waan aragnay dhibka jiro, waxaa loo baahan yahay in la wadahadlo dadka gobolka deggan, madaxweynaha walaalkey ma aqbalin oo dawadii ma qaadan” ayuu yiri madaxweynaha. Jubbaland iyo Galmudug ayaa si cad u sheegay in madaxda Federaalka aanay dooneyn xalka dalka oo ay leeyihiin dano gaar ah, iyadoo fashilka ku yimid shirka Garoowena ku sheegay in DFS ay mas’uul ka ahayd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Minnesota)-Haween Muslimiin ah ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Amazon, iyaga oo ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan, sida uu qoray wargayska middleeastmonitor oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Anadolu. Saddexdani qof oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa sheegay in marka la eego sida loola dhaqmo dadka caddaanka ah iyaga si ka duwan loola dhaqmay. Cabashadan ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay guddiga sinnaanta fursadaha shaqaalaysiinta, waxaana ay shaqaalahan ku doodeen inay shirkada Amazon ku tumatay hal-kudhigooda VII oo ah mid looga hortagayo kala sooca ku salaysan diimaha. “Dacwadahan ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadda Amazon ay samaysay midab takoor, shaqaalaha Soomalida iyo kuwa ka soo jeeda bariga Afrika ee u qalma dalacsiinta aan la siin iyada oo sad-bursi loo samaynayo shaqaalaha caddaanka islamarkana jawi adag ay ku shaqeeyaan,” waxa sidaasi lagu sheegay bayaan uu soo saaray urur kiiskan u matalaya haweenka cabanaya. Shaqaalahan ayaa markii ay cabashada u gudbiyeen shirkadda, waxaa la siiyay “qoraalo iyo digniino” ku aadan in shaqada laga ceydhin doono. “Dadka aan matalyno waa la dhibaateeyay waana la bartilmaameedsaday sabab la’aan, iyada oo la eegayo diintooda, midibkooda iyo meesha ay ka so jeedaan,” ayey tidhi Nimra Azmi, oo ah qareen ka tirsan urur u dooda muslimiinta. Ururkani u dooda Muslimiinta ayaa intaa ku daray in inkastoo ay maamulayaasha Amazon yihiin caddan hadana tira badan oo ka mid ah shaqaalaha ay ka soo jeedaan Bariga Afrika. Cabashadan ayaa sidoo kale muujinaysa in markii shaqaalaha ay cabasho u gudbiyeen shirkadda Amazon ay mamulka shirkadda billaabeen “olola aargoosi ah oo lagu dhibaataynayo shaqaalaha”. Labo ka mid ah saddexda qof ee shaqaalaha ee cabashada gudbiyay ayaa wali ka shaqeeya halka midka kalana “shaqada laga tiray” bishii Disembar. Source
-
(SLT-Washington)-Masaajidada ku yaalla dalkan Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connectinut dab la qabadsiiyay. Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habbeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda. Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, ka dib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan. Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey munaasabadda 15-ka May ayaa ka hadlay shirkii Garoowe isaga oo soo qaatey arrimo ay isku fahmi waayeen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Arrimahaasi waxaa ka mid ahaa isaga oo sheegay iney dowlad goboleedyada ay soo-jeediyeen dhismaha gole siyaasadeed oo aan dastuurka ku jirin, in la soo celiyo sharciyo ay xukuumadda u gudbisay baarlamaanka isaga oo ku doodey in sharciyadaas ay horay labada dhinac u wada saxiixeen, isla markaana wixii wax badal ah ay dowlad goboleedyada xubno ku leeyahay baarlamaanka. Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arrinta Galmudug isaga oo sheegay inuu xaaf diiday daawo ama xal loo soo-jeediyey, waxaa uuna meesha ka saaray in waqti kororsi ay raali ka noqonayaan. Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Qof walbo oo la doortay waqti ayuu ugu egyahay, haduu yahay dowlad goboleed iyo haddii uu yahay dowladda federaalka xaqiiqatan ma dooneyno hal maalin in lagu daro, maxaa yeelay waxaa ay abuureysaa kalsooni-darro, waxaa ay noqoneysaa xarig furtay, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo waxaa uu intaasi raaciyey in qofka tartamaya uu xaq u leeyahay inuu ogaado waqtiga doorashada, iskuna diyaariyo” Haddii qof loogu daro wax celin kara ma laha, sidaasi darteed ma aha wax qof gaar ah loo dan leeyahay, waa in ay noo noqoto xeer, haddii ay tahay dowladda federaalk ah iney hal maalin ku darsan, haddii ay tahay dowlad goboleed hal maalin ineysan ku darsan, qofkii doonaya inuu doorasho ka qeyb galo ha ogaado waqtiga saxa ah ee doorashada jirto, uu isku diyaariyo, ummadana kalsooni dhexdeeda laga abuuro”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha nabada iyo ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Danjiraha Joogtadda ee Dowladda Ruwanda, ahna Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC ee bishan, Ambassador Hope Tumukunde Gasatura waxaa warbixino laga dhegeystay Agaasimaha Golaha PSC,Dr. Admore Kambudzi oo ku hadlayey magaca Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ee PSC, Ambassador Ismail Chergui iyo Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, AmbassadorFrancisco Madeira iyo Wakiilo ka kala socday dalalka Somalia, Ethiopia, Ekwatooriyal Gini, Urur-gobaleedka IGAD, QM iyo Midowga Europe. Hadal-qoraal oo ka so obaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Soomaaliya. Golaha PSC waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaadhayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka. Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu taageero Xaqiijinta Qorshha Xilliga Kala-guurka ee Somalia ( The Somali Transitional Plan (STP).” Source
-
(SLT-Eritrea)-Baraha bulshada ayaa laga xidhay dalka Eritrea, dadka ayaana fariimo ka soo diraya dalkaas iyaga oo adeegsanaya adeegga VPN-ka loo yaqaanno. Ma cadda sababta loo xidhay, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegay in dawladdu ay u xidhay baraha bulshada si ay uga gaashaamato in lagu abaabulo dibadbaxyo lagu carqaladaynayo maalinta xoriyadda ee 24 May Dareenka ka dhashay isbadal la’aanta siyaasadeed ee Eritrea ayaa sii xoogaysanaya, xisbiga kali kali ah ee dalkaas ka jira ee madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalkaas hoggaaminayay tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii. Website-ka wax ka qora arrimaha internetka ee Internet World Stats ayaa sheegay in Eritrea ay tahay dalka ugu internet isticmaal yar dunida oo dhan. Sannadkii 2018, 71,000 oo qof ayaa internet ka isticmaali jiray, dadkaas ayaana bulshada Eritrea ka noqonaya 1.3%. Isgaadhsiinta Eritrea waxaa si adag u maamusha dawladda, warbaahin gaar loo leeyahayna ma jirto, internetkana taleefannada lagama isticmaali karo. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay ka warheshay xaqiiqooyinka dhanka amaanka ah, kadib markii sirdoonka dalkaasi ay laamaha amaanka la wadaageen qataro ku wajahan Kenya. Booliska dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay qataro dhanka amaanka ah oo Al Shabaab damacsan yihiin, waxaana ciidamada Booliska dalka Kenya la geliyay heegan iyo feejignaan qorshaha Al Shabaab kaga hortagayaan. Afhayeenka ciidamada Booliska dalka Kenya Charles Owino oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee booliska heleen xogo dhanka amaanka ah oo la isku haleyn karo. Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in la geliyay heegan buuxa, si shacabka ay kaga difaacaan weerarada kaga imaanaya Al Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u adkeeyeen goobaha ay ku cibaadeystaan dadweynaha, sida masaajidda Muslimiinta ku dukadaan iyo Kaniisadaha oo ay tageen dadka aan Muslimka aheyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamo badan oo boolis ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, si loo difaaco dadka shacabka ah. June 2014kii, 150 qof ayaa dhimatay markii ay Al–shabaab weerarro ka geysteen gudaha Dalka Kenya iyada oo lagu jiray xilli Ramadaan ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Odayaal dhexdhexaadin ka galay Labada dhakhtar ee u dhashay dalka Kuubaa ee bishii hore laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee W/bari Kenya ayaa sheegay in dadka afduubka u haysta Dhakhaatiirtaasi codsadeen in la siiyo Lacag madax-furasho, si ay u sii daayaan Dhakhaatiirtaasi. Odayaashaasi oo la hadlay TelefishinkaThe Citizen ee dalka Kenya waxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirta dalbadeen in la siiyo lacag dhan 150 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 1.5 million oo Dollar, si ay u sii daayan Labada Dhakhtar. Dhinaca kale, Telefishinka Citizen waxa uu ka soo xigtay odayaashaasi inay sheegene inay Labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Herera Korea iyoLandy Rodriguez ay nool yihiin, isla markaana lagu hayo dhulka fog ee u dhexeeya magaallooyinka Bu’aale iyo Ceel-cadde ee Jubbaland, waa sida uu TV-ga baahiyey. Labadaasi Dhakhtar waxaa bishii Aprril 12-dii ee sannadkan laga soo qafaashay Degmadda Mandheera, xilli ay ku sii jeedeen Isbitaalkii ay ka hawl-geli jireen. Source
-
Power-sharing talks in Sudan between the ruling military junta and the leaders of a powerful protest movement collapsed on Wednesday after violent clashes erupted in the capital, Khartoum, for the second time this week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN): –Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay isku arkey Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ka kala socdey Goboladda Banaadir iyo Shabellaha Hoose. Tartan xiiso badan oo ay labadan Degmo oo kuwada jira Groupka A ay soo bandhigeen ayaa Guushu waxaa ay ku raacdey Degmadda Baraawe oo la timid Dhibco gaaraya 8 halka Degmadda Hodan oo laga adkaaday ay keensatay 6 Dhibcood oo kaliya. Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle oo natiijadda Tartanka Shaaciyey ayaa sheegay in Hodan looga Awood batay Tartankii xalay. Caawa waxaa iska hor imaanaya Tartamayaasha Howl-wadaag iyo Kaxda oo kawada tirsan Gobolka Banaadir, labadan Degmo ayaa kazoo kala adkaaday Degmooyinka Baraawe iyo Hodan. Tartan Aqooneedka Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirakaddaha Becco iyo Cococola. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka. “Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada. Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN): –Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inay la bilaabayo dhismaha Buundada Deegaanka Ceel-Gaal ee duleedka Magalada Baladweyne ee gobolka hiiraan,taas oo burbur xoog leh soo gaaray kadib markii Roobab,Mahiigaan ah ay ka da’een halkaasi. Gudoomiye Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan Deegaankaasi usheegay in la hakin doono gebi’ahaan ba isu socodka Dadka iyo Gaadiidka inta lagu guda jiro dhismaha Bundada. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno katirsan Maamulkiisi ayaa shalay gaarey Deegaanka Ceel-Gaal waxaa ayna dadka deeganka ku wareejiyeen qalabkii lagu dhisi lahaa Buundada. Buundadan ayaa muhiim u ah isku-socodka Gaadiidka Xamuulka ah ee iskala goosha Goboladda dhexe iyo Waqooyiga Soomaaliya, hadii la dayactirana waxaa ay noqonaysaa faa’iido usoo hoyatay Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Deegaankasi. View the full article
-
Somaliland: The Scandalous Non-Payment Of Taxes By Big Businesses & Wealthy Merchants. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Home Minister, Mohamed Kahin Ahmed has declared that Somaliland’s big companies and wealthiest individuals do not pay any income, corporation or goods taxes, at all. Speaking before the standing committee of the Somaliland House of Representatives, Minister Kahin stated ” every low income worker in Somaliland, from the soldier, to the midwife to the elderly woman with the small tea shop on the street pay taxes to the government, but not a single large enterprise, from the remittance, telecommunications, power, export and import, or production companies pay taxes. And when we in the Home ministry and the Finance ministry try to enforce the laws, we receive a delegation from these organizations led by other ministers and parliamentarians, this is unacceptable and untenable” The minister stated that in Somaliland, “every single day hundreds of millions of dollars are taken out of the country and out of the economy, and the government purse doesn’t receive a single dollar in taxes”. The issue of taxation and the avoidance of any payments by the big businesses and wealthy merchants in Somaliland has been an open sore since the late Egal administration. The weakness of the central government, and it’s institutions like the Central Bank and the Finance ministry, the Auditor’s office, along with the decrepit and corrupted parliament has led to this situation. Without stringent laws, scrupulously applied to every one, nothing will change. What the wealthy companies and individuals fail to comprehend is that unless taxes are paid to the government to provide services such as security, no business can be conducted and no property will be safe. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) –Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamaddu in ay wadaan baaritaano hordhac, ah oo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan shaqsiyaad lagu tuhun sanyahay in ay lug ku leeyihiin Imtixaanaadkii Dowladda ee sirtooda banaanka la dhigay. Taliye Bashiir ayaa tilmaamay dadka falkaas sameeyay in ay u gafeen Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Qaranka, Ardeyda, iyo Ganacsatadii ay shaqooyinkooda ku xayirmeen.banaan bixii ka dhacay Muqdisho. Sidoo kale Hogaanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Maxkamad lasoo taagi doono cidii uu ku cadaado danbigaasi. Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhawaan soo saarey go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya Imtixaankii laga qaaday Ardeyda Shahaadiga ah ee Sanad-Dugsiyeedkan maadama sida uu tilmaamay banaanka loo saaray sirtii Imtixaanka Dowladda’ Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 27ka bishan lagu celin doono gabi ahaanba Imtixaankii, talaabadaasina waxaa ay ka careysiisay Ardey badan oo dibadbaxyo rabshado wata ka dhigay Muqdisho iyo Magaalooyin kale. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay hadal xalay uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay ineysan dooneyn in muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda Somaaliya, sidaasi si lamid ahna aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada. Siyaasi C.raxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore madaxweyne Farmaajo kaga mahadceliyay sida uu shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyay inuusan dooneyn muddo kororsi dheeraad ah. Wuxuu sidoo kale sheegay si shacabka Soomaaliyeed ay hadalkaasi u aaminaan in madaxweynaha looga baahan yahay inuu meesha ka saaro qodobada qaar ee ku jira sharciga doorashada oo xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan ansixisay. Qodobka 56 aad ayuu sheegay inuu yahay qodobka shakiga badan geliyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo cadeynayay in doorashada dib loo dhigo karo marka xaaladaha qaar ay jiraan. “Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay in uu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in uusan muddo kororsi damac kaga jirin, maalina uu ku darsan doonin mudo xileedkiisa sharciga ah. Si loo aamino, shacabkuna u rumeeyo, madaxweynaha sharciga doorashada ee xukuumadiisu ansixisay ha ka saaro qodobka 56aad ee muddo kordhinta ka hadlaya”ayuu yiri Mr Warsame. Shirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa madaxdii ka qeyb gashay waxay isku qabteen muddo kororsi la sheegay inay doonayeen madaxda maamulada qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): –Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink. Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta. Sidoo kale labadda Masuul ayaa ka wada arinsadey arimo ay ka mid yihiin Howlaha baaxada-leh ee ay QM Soomaaliya ka fuliso, iyo sidii loo dardargalin lahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisa Hagaajinta Xiriiradda Caalamiga ah ee Dibadda, si loo gaaro hadafka uu Dalku hiigsanayo oo ah Hormar iyo dhaqaale, arimahasina waxa ay ku imaan karaan sida Madaxda Qaranku ay tilmaameen iyadoo la helo Maalgashiyo Caalami ah. View the full article