Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,445
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa ku taliyay in shuruuc adag loo sameeyo shirkadaha korontada oo marka ay roobabku curtain ay waayiradoodu gaystaan khasaare nafeed. Xildhibaan Maxamed Warsame Cali iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Warsame Cali uu hadalkiisi ku bilaabay “Nimco wali nusqaan leh, ALLENA waxaynu ma baryeynaa inuu ina siiyo nimco bilaa nusqaan ah, laakiin cid baajin karta ma jirto wax walba oo ALLE qadaray, laakiin waxaan qorshe xumo ah in meel la degay iyada oo laag ama biyo mareen ah marka aynu jilaalkii ku jirno in haddana lala sugo wakhtiga gu’ga, waxaan odhan lahaa meel kasta oo laag ah ama biyo mareen ah ha laga guro, oo ha lagaga tabaabushaysto, oo yaan la isku halayn, maxaa yeelay daadku khatartiisa ayuu leeyahay, ciddii ku dhimatay roobkii inoo da’ay waxaanu ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto, oo uu janadii ka waraabiyo, cidda waxyeeladu ka soo gaadhayna inuu caafimaad siiyo, ta kale waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa oo aan leeyahay waa inay shuruuc adag ka soo saarto laydhadhkan dusha mara, maxaa yeelay Hargeysi waxay noqotay magaalo dusha ka miinaysan, oo marka uu roobku da’o wadnaha ayaa farta lagu wada qabtaa, maxaa yeelay inta badana khasaaraha laydhka ayaa dad badan galaafta, markaas in waayirada laydhka in dhulka hoostiisa la mariyo ayaa wanaagsan, in shuruuc adag laga soo saarana waa mid meesha ku jirta oo loo baahanyahay”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Aad iyo aad baan uga xumahay khasaarihii ka dhashay roobkii da’ay, laakiin in marka uu roobku da’o aad loo taxadiro, oo waliba aad looga taxadiro ilaalidaha biyuhu maraan iyo dooxyada ayaa wanaagsan, ta kale in marka uu roobku da’o in mishiinada laydhadhka la bakhtiyo ayaa iyana wanaagsan, si aanu u dhicin khasaare nafeed, ta kale in goobaha biyo mareenada ee la dagay in aad looga durko oo aad looga fogaado ayaa wanaagsan, runtii inta ay dadku degaan meelaha biyo mareenada ayey haddana marka uu khasaare ku dhaco ay calaacalayaan, markaas aad ha loo feejignaado.” Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyadda. Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele. Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada. Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas. Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada. Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay. Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday. Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin. Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys. Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo. Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin. Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Mustafe Shiine Oo Dhaliilihii Ugu Culus U Jeediyay Xukuumadda Uu Hoggaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Somali security forces have today killed suspected al-Shabaab member in Somali capital city, Mogadishu. The slain suspect and another man had allegedly tried to kill a government soldier. According to witnesses, the two men riding motorbike opened fire at the soldier at Bakara junction in the capital. The soldier was said to have sustained injuries and rushed to the hospital. The security forces responded to the incident by firing back at suspected assailants. The fire exchange resulted in the death of one of the attacker, according to the security officials. Other suspects reportedly escaped from the scene. The security forces launched an operation to hunt down the other suspect in the suburbs of Howl-wadag district. Al-Shabaab lost control of Somali capital in 2011 following a major offensive by Somali forces backed by African Union Union Mission in Somalia (AMISOM). The group still carries out assassinations and bomb attacks in Mogadishu. View the full article
  5. The African Union (AU) on Wednesday commended the "significant progress" made to secure peace and stability in Somalia under the AU Mission in Somalia (AMISOM). Source: Hiiraan Online
  6. The Somali Federal Government’s decision to cancel and repeat national high school exams following a social media cheating scam has caused much concern among schools and regional authorities. Source: Hiiraan Online
  7. Bari (SMN):– Roobab Mahiigaan ah oo saameeyay Nolasha Qoysas Soomaali ah ayaa ka da’ay Gobolada Bari, Sanaag, iyo Toogdheer waxa ayna geysteen Qasaaro naf iyo Maal leh. Tuulo u dhaw Deegaan lagu Magacaabo Waaciye oo katirsan Gobolka Bari ayaa Roob ka da,ay waxa la sheegay in uu sababay Geerida 3 Caruur ah oo walaalo ah. Ismaaciil Cabdi Ciise oo ah aabaha dhalay Caruurtan ayaa sheegay in Gurigooda uu kuyaala meel Tog dhiniciis ah ay soo galeen daadad si xawli ah ku socdey islamarkaana ay la tageen Caruurtaasi iyo 147 Neef oo ari ah Sidoo kale Roobab Saacadihii lasoo dhaafey ka da’ay Goboladda Sanaag, iyo Togdheer ayaa waxaa ay sababeen qasaaro hantiyeed. Degmada Baran oo katirsan Gobolka Sanaag roobab kaasi waxaa ay ka dumiyeen ku dhawad 200 oo Guri, sidoo kale Magalada Burco xaafaddo ka tirsan waxaa Gudaha u galay Biyo si xawli ah ku socdey, kuwaaso cagta mariyey Hanti halkaasi tiilay. Maalmo kahor ayey ahayd Markii ay 5 ruux ku Geeriyoodeen Roobab Mahiigaan ah oo ka da,ay Magalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed, 9 kalena ay ku dhaawacmeen, Dadkaasi Qaar kamid ah waxaa saameeyay Koronto, halka kuwa kale ay xiligaasi ku dhex jireen Baabuur ay biyuhu qaadeen. View the full article
  8. Somaliland: The Tracksuit Wars. Once again, the weak and protected federal entity in Mogadishu has decided to open another front in it’s increasingly desperate attempt to interfere in Somaliland’s peace, stability and democracy. This new attempt is even more ridiculous than any previous ones, it has become known as the “Tracksuit wars”. Using the money given to them by the international community to provide service to their impoverished citizens, the weak federal entity in Mogadishu, along with a few charlatans in the Somali community, primarily in the United Kingdom, are trying to flood the country with blue sports tracksuits with the Somali emblem on the front, and logo on the back. These items are being shipped from the UK and given to children and like minded adults in time for the 28th anniversary of the 18th May. Why, might you ask, is this being done? The idea behind this childish manoeuvre is to try and create the image that the young people of Somaliland, who have never known anything but Somaliland are somehow showing support for the defunct union! To these folks in Mogadishu, who are so juvenile in their thinking, the idea that a few kids wearing new tracksuits in the cities, towns and villages of Somaliland will somehow convince the world, that these youngsters are supporting the union, is just laughable, and sad. These children seldom get any new clothing, and to them, the chance to wear a new tracksuit is welcome. But, that’s all it is, just a new pair of tracksuits. By their foolish logic, if a young Somalilander were to wear, say, a German, French, Spanish, Italian, Ethiopian, Nigerian, Ghanian, Egyptian, Japanese, Brazilian, Algerian, Moroccan, etc, sports track suits, which are colourful and “cool”, does that mean to suggest that they want a union with those countries? Somaliland is a serious and mature country, unfortunately, our former partners in Mogadishu are still behaving in the childish manner that we have always known them to do. How, then does the international community expects us to talk with “fraternity boys” mentality? Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News
  9. Muqdisho (SMN) – Degmooyina waa weyn ee Howlwadaag iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.. Labadaani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A ee is araga labaad wareega koowaad ee tartanka bisha Barakeysan ee Ramadaan. Degmada howlwadaag ayaa kulankii hore ka soo soo badisay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Sidoo kale Kaxda ayaa horay u soo soo badisay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan muujinaya dadaalo xoogan, si degmo weliba ay u difaacato dhibacaheeda. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola, View the full article
  10. Muqdisho (SMN): – Wararka laga helay Isgoyska Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Rag hubaysan ay halkaasi ku Dhaawaceen Askari ka tirsan ciidamadda Dowladda. Ciidamo ku sugnaa Goobta iyo kooxdii weerarka soo qaadey ayaa israsaaseeyay, waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah Dableydii Askariga Dowladda Dhaawacdey. Ragan oo la sheegay in ay ahaayeen 2 Ruux islamarkaana ay wateen Mootadda labadda lugood leh ayaa goobta ka baxsadey marka laga reebo midkii ay Ciidamadu toogteen. Saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyey in xubnahan ay ka tirsanayeen Xarakadda Alshabaab, islamarkaana ay doonayeen in ay ka taqalusaan Askariga Dhaawacmey. Dhanka kale Qarax lagu xiray Gaari yar ayaa Maanta ka dhacey nawaaxiga Shaleemo Soomaaliya Wadada Maka-Almukarama ee Magaaladda Muqdisho. Dad goob joogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in wax qasaaro ah uusan geysan qaraxaasi oo la sheegay in uu lahaa Gaariga lagu dhajiyey Nin ka howlgala Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Ciidamadda Amaanka ayaa gacanta ku dhigay nin ay uga shakiyeen in uu isagu ku xiray qaraxa Gaariga Sarkaalkaasi Hey’adda Socdaalka ka tirsanaa. View the full article
  11. Kenya (SMN): – Booliska Kenya ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkaasi inay sameeyaan feejignaan dheeri ah inta lgu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadan-ka. Charles Owino, oo ah afhayeenka ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay in la xoojin doono amaanka goobaha ay ku cibaadeystaan Musliinta si ay si nabdoon ugu gutaan salaadaha, sidoo kalena looga hortago weeraro suurtagal ah in Al shabaab ku qaado kaniisadaha ku yaalla dalkaasi. “Si Ramadan-ka ay dadka ugu dhameystaan si nabad ah, sidoo kalena ay xasilooni ku ciidaan, waxaa la adkeyn doonaa amaanka, iyadoo ciidamo la geyn doono meelaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalooyinka dalkeena iyo deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya. Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in tallaabooyinkan looga golleeyahay inay ka hortagaan weerarada Al Shabaab ay bisha Ramadan-ka ka fuliso Kenya. Wuu sheegay in bishii Ramadan ee sanadkii 2014 ay Al shabaab ay ku dishay Kenya 150 qof kadib weeraro badan oo ay ka fulisay degaanada xeebta ku yaalla ee gobolka Lamu. Arintan ayaa imaanaysa kadib markii Al shabaab ay sheegtay inay u aargudi doonto dadkii Muslimiinta ee lagu laayay labada masjida ee dalka New Zealand kuwaasoo gaarayay in ka badan 150 qof. View the full article
  12. Bariire (SMN): – Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Dagaalyahano katirsan Xarakadda Alshabaab ku qaadeen barqadii Maanta Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dagaal Culus ayaa Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray gudaha Deegaanka Bariire sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaaladda Muqdisho u xaqiijiyeen Ilo-Deegaanka ah. Sidoo kale Qarax loo adeegsadey Miinada Dhulka lagu aaso ayaa ka dhacey gudaha Bariire intii uu iska hor’imaadku socdey. Ilaa iyo Hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labadda dhinac iyo Qaraxa ka dhacey Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi. Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan Alshabaab kala wareegay Deegaanka Bariire oo kamid ahaa goobaha muhiimka u ah, waxaana xiliyo kala duwan ay Alshabaab Ciidamada Dowladda kusoo qaadayeen Dagaalo toos ah iyo madaafiic. View the full article
  13. Kenyan police on Wednesday urged citizens to be extra vigilant during the month of Ramadan. Police spokesman Charles Owino said security will be beefed up to secure mosques for Muslims to conduct their prayers peacefully and to avert possible al-Shabab attacks on churches. “For a peaceful Ramadan and the subsequent Eid festivities, security agencies have deployed officers around areas of interest within our cities and areas near the Kenya-Somalia border,” Owino said in a statement issued in Nairobi. The statement came as the Muslim community in Kenya observe the holy month of Ramadan. More police officers have been deployed for enhanced patrols, Owino said, urging Kenyans to exercise a high degree of vigilance and to report any suspicious persons or activities to authorities. Terror attacks have previously been witnessed in the country during Ramadan, he said. During Ramadan in June 2014, 150 people were killed when al-Shabab militants infiltrated Kenya and attacked coastal villages in Lamu and Tana River counties. Al-Qaida-allied al-Shabab has vowed to attack Kenya after the east African nation made a cross-border incursion into Somalia in 2011 to flush out insurgents it blamed for kidnappings of tourists. View the full article
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hoggaamiyihii hore ee maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa ka hadlay cabudhinta ay shacabka ku hayso Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi. Galeyr ayaa waxa uu sheegay haddii ay badato maquuninta shacabku in aan lays dhageysan doonin, isagoona ka dhawaajiyey haddii Dastuurka lagu dhaqmi-waayo inay Somaliland u horseedi doonto dhibaato burbur. Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa qoraal uu arrimahaasi kaga hadlayo waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan: “Somaliland sunuuftii ama Urtii ay ku burburtay koonfur aya iga soo uraysa mar hadii cabudhinta shacabka ay badato lays dhagaysan waayo Dastuurkana lagu dhaqmiwaayo Waa Dhibato bulshada burbur u horseeda Somaliland waxan ku arkay Siyaasi an waligii School dhigan Oo hadana ay u dheertahay jahli iyo kicin dadweyne ama qabiil Taas oo horseeday in ay shacabkii ku jahwareeran yaa saxan yaa khaldan Fariintaydu waxa weye Dastuurka Dalka uyaala hala ixtiraamo hana lagu dhaqmo Aniga iyo saxibkay Ahmed ismail waxyabo badan oo anu qiimayn ku wadnay dhawan ayan soo bandhigidoonaa inshallah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-160519.mp3 View the full article
  16. Muqdisho ( SMN):- Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho Lacago ugu Qaybiyay Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho. Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Madasha lagu qeybinayay Deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay. Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gar gaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen. Gudoomiyaha Hormuud Tellcome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad ah oo ay shirkadan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa shegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo kala ah ee ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahad celiyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawian lahaayeen dadka gar gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan. Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gar gaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho. Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku Nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan. View the full article
  17. Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka hadlayay waxyaabihii kasoo baxay shirkii Garowe ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri “Xaaf [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari lagu xiray. Gaariga ayaa yaalay meel ku dhaw Shaleemo Soomaaliya, waxaana la sheegay in shaqsigii Qaraxa ku xiraayay la arkay oo Carruurta gaadiidka halkaasi ku dhaqda ay arkeen kadibna ay u qaylo dhaamiyeen Ciidamada ammaanka. Waxaa suuragashay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan ruuxii gaariga qaraxa ku xiray, sidaasina Booliska ay ku qabteen. Iyadoo gacanta lagu haayo shaqsigii gaariga qaraxa ku xiray, ayaa la sheegay in gaariga uu qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi gaariga ee ka dhacay wadada Maka Al- Mukarama. Booliska ayaa xarunta dambi baarista ee C.I.D u kaxeeyay shaqsigii la qabtay ee lagu arkay isaga oo qaraxa gaariga ku xiraayo. Dhinaca kale, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda. Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in Ninka hubeysan uu askariga dhaawacay, hayeeshee askar kale oo Goobta ka agdhaweyd oo maqlay rasaasta askariga lagu dhaawacay ay toogteen,isaga oo watay Bustoolad. Wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday Nin kale oo la socday Ninka ay Ciidamadu toogteen oo watay mooto, waxaana israsaaseyn ay dhexmartay Ciidamada iyo Ninka hubeysan oo markii dambe ay dileen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Suspected Al Shabaab militants who abducted two Cuban doctors in Mandera are now demanding Ksh.150 million [$1.5 milion] in ransom. The ransom demand was communicated through community elders who went to a remote place between the towns of Buale and El-Ade in Jubaland region of Somalia, where general practitioner Herera Corea and surgeon Landy Rodriguez are said to have been seen alive. After days of negotiations, community elders from Mandera and Bulahawo in Somalia who traveled deep into the horn of Africa nation confirmed that the two are alive and offering treatment to the community in a restricted environment. Their abductors are demanding a 1.5 million U.S. dollars (Ksh.150 million) ransom to release the doctors abducted on their way to work from home in Mandera County on April 12, 2018. Sources privy to the North-Eastern provincial administration command, however, says authorities have sent back the elders seeking to further negotiate the ransom. Intelligence sources however intimate that the duo might have been abducted by bandits who handed them over to suspected the Al Shabaab militants who subsequently sought the ransom from the group of elders allegedly through proxies. Following the abduction, Cuban doctors posted in Wajir, Garissa and Tana River were recalled and reassigned other counties. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa ku margaday su’aalo xasaasi oo lagu waydiiyay waraysi lala yeeshay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa waxay soo bad-baadiyey ilmo yar oo musqul lagu riday. Ciidanka ayaa waxay ku guuleysteen in ilmahan yar ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo nool, iyagoona ilmaha yar oo caafimaad qaba ku wareejiyey Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan siduu u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu ayaa waxay soo dhigeen bartooda Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan: “Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax. Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay. Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco. Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo. Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefishanka HCTV waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Khilaafka Xisbiyada Somaliland, Qabsoomida Doorashada Baarlamaanka, Saxaafada, wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo Xaalada Abaaraha, dhibaatooyinka dhinaca cuntada ee Somaliland iyo Somalia ka jirta, xaalada Muqdisho iyo Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo arimo kale oo dhawr ah. Waraysigaas oo dhamaystirana waxa uu u dhacay sidan: S: Mudane Safiir Marka U Horaysa Waxaad Warbixin Naga Siisaa Ujeedada Socdaalkaaga Somaliland, Cida Aad La Kulantay Iyo Arimaha Aad Kala Hadashay? J: Waad ku mahadsan tahay inaad igu martiqaado, Tani waa booqashadaydii koowaad ee laba geesood ah ee aan ku imid Hargeysa, waxaan halkan imid dhawr todobaad ka hor aniga oo la socda koox Safiiro Midawga Yurub ah, run ahaantiina waxay ahayd fursad aan ku arko Madaxweynaha iyo inaan wax ka arko shaqada xafiiska Britain ee Hargeysa uu qabanayo. Sida aad ogtahay Britain waxay xidhiidh dheer oo taariikhiya la leedahay halkan oo qayb ka ah aduunka, waxa jiray dad ka yimid Hargeysa, Berbera iyo meelaha ku dhaw halkan, kuwaas oo soo galay dalka UK oo dagay in ka badan boqol sano ka hor. Waxaana jiray xidhiidh aanu wada lahayn xiligii maxmiyada. Balse waxa muhiim ah nooca wada shaqaynta ee hada socota, sidaa darteed waxaan arkay shaqada aanu qabano, iyo sida aanu u taageero Bileyska iyo Cadaalada halkan, tusaale ahaan shaqada aanu qabano waxa ka mid ah inaanu gacan ka gaysano kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo sidoo kale inaanu ka wadashaqayno horumarino habnololeedka iyo jidka Berbera Corridor. Meelo kalena wax ayaanu ka qabanaa oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta, waxaan habeen hore la kulmay madaxa waxbarashada bilaashka ah anaga oo libin laabnay tirada waxbarasho bilaash ah ee aanu sanad kasta siino dadka Somaliland nooga yimaada. Sidaa darteed, run ahaantii ujeedada booqashadaydu waxay ahayd in aan la hadlo xubno dawladda ka tirsan oo aan kala hadlo xidhiidhka aanu wadaagno iyo in aan arko tusaalaha dhabta ah ee iskaashiga aanu halkan ka samayno iyo in aanu sii wadno. S: Waxa Jira Khilaafyo U Dhexeeya Xisbiyada Siyaasada Somaliland, Waanad La Kulantay, Maxay U Dhici Wayday In Xal Rasmi Ah Loo Helo Caqabada Ka Taagan Qabsoomida Doorashooyinka? J: Dabcan, Su’aasha doorashooyinku, waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, balse waxaan u malaynayaa inay tahay su’aal muhiim ah, doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Hoose ee Somaliland waxay ahayd 2005-tii, run ahaantiina mudo dheer ayay ahayd, waxaanu jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan, waanay noqon kartaa, Aragtidayadana taasi waa mudo dheer. Sidaa darteed, waxaan ku boorinayaa xubnaha xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suuragal u noqoto in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, dabayaaqada sanadkan. Waaan u malaynayaa in tahay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystiranka siyaasada gudaha Somaliland. Waxaana jira dad badan oo da’yar oon waligood cod doorasho dhiiban, Wixii ka dambeeyey doorashadii Baarlamaanka, Xubno baarlamaanka ka tirsan may arag wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa. Sidaa daraadeed waxaan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan Tanaasulaad suuragaliya in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto dib u dhac la’aan, taasina maaha mid degdeg ku ah diyaargarowga doorashadu inay qabsoonto. Waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugu dhakhsaha badan Ramadaan ka dib. S: Ma Jirtaa Dhaqaale Dawladda UK Ay U Qoondaysay Doorashada Oo Aad Bixiseen? Waxaanu ka mid nahay kuwa ugu weyn ee taageerada siiya Guddida Doorashooyinka Qaranka, Waan la kulmo shalay, waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxay diyaariyeen doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanku inay dhacdo, waxaan filayaa inay diyaar yihiin, oo ay dhaqaajiyaan hanaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha sida ugu dhakhsaha badan ee loo helo xeerka codbixinta, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee ay u timaado heshiiska xisbiyada siyaasadu. Sidoo kale arinta aan hoosta ka xariiqayaa waxa weeyaan in la sameeyo oo la meelmariyo xeerkaasi oo ogaalada in doorashadu qabsoonto. S: Somaliland iyo Somalia-ba waxa ka jira Abaar, Cunto Sugnaansho la’aan iyo xiligii Roobka wakhtigiisii ka dib dhacay, sida ay sheegayaan Ururada Samafalku, Waa Maxay Doorka UK Ee Arimahaasi Ku Saabsan? J: UK waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn ee deeqaha bini’aadanimo bixiya qaybo badan oo aduunka ka mid ah, iyagoo ay barbar socdaan Maraykanka iyo Midawga Yurub, Hada waxaanu fasaxnay 8 Milyan oo Bound oo kharashaad dheeraad ah dheeraad ah, waxaana qaybo ka mid ahi ay mari doontaa hay’adda Qaramada Midoobay iyo Ururada si loo gaadhsiiyo meelaha aadka ugu baahan. Balse arinta muhiimka ahi waxa weeyi in aanu sanado badan ka shaqaynaynay, in aanu gurmad ka galno abaarta, tani maaha abaartii ugu horaysay ee dhacda, waxaanu hogaaminaynay wadamadii 2017-kii ka jawaabay abaartaasi. Waxaana muhiim ahayd in aanu taageero siinay bulshada si ay adkaysi uga yeeshaan dhibaatooyinka mustaqbalka. Sida aad sheegtay, saadaaluhu waxay tilmaamayaan in sanadkani uu yahay mid adag, balse waxaan filayaa in Dawladaha halkan iyo maamulka Garoowe iyo dawlada Muqdisho ay ka jawaabayaan xaalada, aniguna waxaan ku niyad samahay wadashaqaynta saaxiibada UK oo kale ah, waanu maamuli doonaa arimaha ay Abaartu sababayso. S: Xukuumada Somaliland Iyo Ciidamada Bileyska Waxa lagu eedeeyaa inay ku xadgudbaan Xoriytul Qawlka, Suxufiyiin tiro badan Waa La Xidhay, Xubno Mucaaridka ka tirsan Xabsiyada Ayaa Loo Taxaabay iyo Wargeysyona xayiraadbaa la saaray, Dadka Qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may cambaarayn Talaabooyinkaasi ka dhanka ah Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Isku Xukunka Sharciga, Maxaad Arintaasi Ka Leedahay? J: Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay, balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka geysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo, Waxaanu gacan siinaa Garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga, si aanu u horumarino oo loo xushmeeyo cabashooyinka heerka xuquuqal insaanka, sidaa daraadeed waxaanu taageerna hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimayna guddida si loo gacan siiyo in Xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo lala xisaabtamo, waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha, iyo sida kiisaska maxkamada loo wado. Waxaanu Bileyska ku tababarnaa xuquuqda aadamaha, waxaanan u malaynayaa in taasi ay tahay mid la taaban karo oo dhab ah. Waxaanu doonaynaa in Ciidamada Amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan, waanay noqon karaane, taas oo macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool. S: Balse Waxa Jira Walaac Sheegaya In Ay Adagtahay Inaad Suxufi Ka Ahaato Somaliland, Arintaasi ma Kuu Muuqataa? J: Arintaasi way ii muuqataa, Britain waxay hogaanka u qabatay Wadamada Caalamka ee taageera Madaxbanaanida Saxaafada, waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan Madaxbanaanida Warbaahinta oo lagu qabanayo London 10 iyo 11 July, saddexdii May maalintii madaxbanaanida saxaafada Aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyiin ah, waxaanu ka wadahadalay arimo door ah oo suxufiyiintu la kulmaan. Waxaanu aad ugu wanaagsanahay taageerada Madaxbanaanida Warbaahinta, anaga oo rumaysan in Warbaahin madaxbanaan ay gacan ka geysan karto burburinta Musuqmaasuqa, iyo in ay gacan ka geysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale muhiima u ah bulsho kasta oo xor ah. Ilaa iyo hadda Madaxbanaanida Saxaafadu runtii waa hadaf muhiim ah ee sanadkan, waana mid ka mid ah hawlaha Wasiirkayga Arimaha Dibada uu shakhsi ahaantiisu uu ku martigalinayo qabashada shirkan bisha July. S: Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia may qabsoomin dhawrkii sanadood ee u dambeeyey, Dawlada UK-na waxay ka mid ahayd dawladihii dedaalada ugu jiray Wadaxaajoodka Somaliland iyo Somalia, Ma Jirtaa Jid Cusub oo miiska wadahadalka la isugu keeni karo mar kale? Waxa cad, wadahadalo iyo wadaxaajood kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe, uu yahay mid aan dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantood waxa weeyi, in si aad ah aynu gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsoonida lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah in qof walba uu ogaadoay tahay, hadii ay talaabadaasi qaadaan, waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka, waxaanan hubaa in arintaasi iman doonto. S: Somalia waxay hada u muuqataa inay cagaha la sii galayso amni daro, gaar ahaana Caasimada Muqdisho, oo ay dhibaatooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ahi ay ka dhacayaan, Muxuu yahay Doorkaaga Wax Ka Qabashada Amaanka Muqdisho? J: Waxaan filayaa, Xaqiiqdii in dawlada Muqdisho ay horumar fiican ka samaynayso Amaanka, Dabcan way jiraan dhacdooyin badan oo dhacaya iyo weeraro dhacaya, base waxaynu aragnaa in markii ugu horaysay sanadkan in la qaaday hawlgaladii milatari ee ugu waaweynaa oo ay sameeyeen ciidamada qaranka Somalia oo dhul ku yaala Shabeelada Hoose ka qabsaday Al-shabaab, gacantana ku hayaan taasina waa mid xaqiiq ah oo hogaamineed, waxaanan u malaynayaa in markii ugu dambaysay ay gurmad heleen dadka goobahaasi jooga. Sidoo kale waxaynu arkaynaa in dawlada Muqdisho ay qaaday Talaabooyinkii ugu horeeyey ee dib loogu hagaajinayo ciidamada amaanka. Doorka Britaina waxa weeyi in la horumariyo ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo Bileyska, waxaanu Askarta Soomaalida ah ku tababarnaa Baydhabo, waxaanu maalgalinaa horumarinta Booliska anaga oo maalgalinay dhawr kun oo saraakiil booliska ka tirsan, waxaanan rumaysanahay in tani ay tahay bilawga taageerada Somalia oo hesha ciidan xirfad leh oo si fiican u tababaran. Waxaan aaminsanahay in tani ay noqon doonto ta isbadal ku keenta Al-shabaab, waxaana bilaabmay ifafaalaha arintaasi.” Source
  23. (SLT-Dubai)-Maxkamad sare ee Imaaraadka ayaa xukun xabsi ah ku riday saddex muwaadin oo u dhashay Lubnaan kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro Argagixiso. Maxkamada fedaraalka ayaa todobaadkii hore dhageysatay dacwadii u dambeysay oo la xidhiidha eedaha loo jeediyay sideeda nin ka hor inta aan maanta la Xukumin. Mid ka mid ah raggaan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in halka laba kale oo ka mid ahaa sideedan nin lagu xukumay min 10 sano oo xabsi Ah. Xukunkaan ayaa waxaa cambaareeyay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxaana ay ku tilmaantay xukun aan cadaalad Aheyn. Hey’ada ayaa war saxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in maamulka Dubai uu diiday in qareenada u doodayay muwadiniintaan in ay ka soo hor muuqdaan intii ay socotay Dacwadooda. Dhamaan sideeda qof ee Imaaraadka ku eedeeyay in ay qorsheynayeen falalka argagixiso ayaa ah dad shiico ah oo howlo shaqo mudo sannado ah qaarkood u joogay Imaaraadka. Source
  24. (SLT-Haweenay Soomaali ah ayaa cashuurtii Taksi wadista lagala noqday ka dib markii ay gashay illaa 30 khalad, iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego. Haweenaydan oo 69 jir ah ayaa ka shaqeynaysey magaalada Melbourne , waxaa lagu magacaaba Xaawo Cad ayaa iminka laga mamnuucay inay gebi ahaanba gaadhi kexeeyso, kaddib markii lagu qabtay dembiyo ay ku jiraan xawaara dhaaf, baasidda samaafare shidaya nalka cas iyo iyadoo gaadhiga ku wadda carruur aan suunka u xidhnayn. Xaawo, ayaa hore siddeed jeer arrimahan oo qudha loogu maxkamadeeyay, iyadoo lagu helay 27 dembi oo dhanka gaadhi wadista ah, islama markaana ay saddex jeer tillaabo ka qaadeen guddiga anshax marinta jidadka. Waxyaabaha kale ee lagu haysto waxaa ka mid ah dhowr mar oo ay rakaabku kasoo cowdeen, midkood wuxuu xitaa ahaa nin indhoole ah oo ay waydiisatey inuu jihooyinka u tilmaamo iyadoo diiddey inay adeegsato GPS ama ay kaash aqbasho. Illaa 19 jeer ayaa la sheegay in la qabtay iyadoo xawaareynaysa, shan jeerna waxay ka gudubtey nal cas, waxaa inta dheer mararka qaar inay diidday inay seed bixiso ama daarato nalalka hore. Haweenaydan waxaa ay ahayd qofka kaliya ee dumarka ah oo ka soo jeedda Soomaaliya oo Taksi ku ka xeysa muddo dheer magaalada Melbourne ee dalka Australia. Source