-
Content Count
208,445 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Click here Qaran News
-
Kenyan al-Shabab returnees recount stories of pain and fear
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Human rights campaigners say hundreds of Kenyans willingly joined al-Shabab as fighters, porters and wives or were duped into doing so. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga kala saaridda Xamlooyinka usoo tartamay fulinta adeegga Xajka oo ay magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saaray Qiimaha Sanadkaan lagu xajin doono iyo shirkadaha adeegaas qaban doono. Guddiga ayaa ugu horeyn sheegay in sanadkaan lagu xajin doono lacag gaareysp 3600 Dollar, halka Xajka VIP-ga uu noqon doono qiimo ahaan 5000 Dollar ugu badnaan. Guddiga ayaa uga digay shirkadaha Adeegaan qaban doono inay lacag intaas ka badan ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee doonayo inay tagaan beydka Alle. Guddiga ayaa sheegay in Sanadkaan Soomaaliya loo ogolaaday inay u xajiso illaa 11500 Xaaji. Sidoo kale Guddiga ayaa soo saaray Liiska Shirkadaha sanadkaan fulin doono adeegga Xajka, wuxuuna guddiga sheegay inay adeegaan usoo tartameen ilaa 84 Shirkadood. Guddiga ayaa sheegay kala saarid kadib inay guuleysteen ilaa 58 Shirkadood oo sanadkaan u adeegi doono xujeyda Soomaaliyeed. Guddigga ayaa tilmaamay inaysan wax faragelin ah la kulmin intii ay wadeen howshaan kala saaridda Shirkadaha soo socdo fulinta Adeegga xajka sanadkaan 2019. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Shirkadaha Shirkadaha B Daalo Airles Jubbala Air Shirkadah T) Freedom Carafaat Jowhar Rixla Mubaaraka Shirkadaha J Ocean Africa Express Air Jubati Darmar travel Hogal traver Rudwaan Shirkadaha X Daruuro Shikradha KH: Saaj Travel Makka Travel New Star Answer travel SPD Safarri Trave;l Shirkadda D Makka Al-Mukaram Karaama Kalkar Manaasik Travel Royal Som Barayt Al-Huda Travel Hajj and UImra Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra Falalcadde Shirkadah S” Dahala Airles Al- Rayan Federal Eurie Africa Somali travel Teyseer Labeyk Qudus University Salam Hajj and Umra Universal Al-Saqar Al-ixsaan Al- Hijra Travel Cibaar Travel AL-Hijra Air Ritaaj Hiiliye Isfalaash Salam Travel Mustaqbal Anfaal National Airways Abmooja Travel Save Way Travel Express Key way Ruksan Hubaal Daymond Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawo halkaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray askar ka wada-tirsan ciidamada Somaliland. Iska hor imaadka dhexmaray askartaasi ka wada tirsan ciidamada Sonaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka loo yaqaanno RRU-da ee sida gaarka ah u tababaran. Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood ayaa fiidnimadii caawo maqlay rasaas culus oo ka dhacaysay dhanka bari ee magaalada waxaana markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Somaliland dhexdooda. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Iska hor imaad ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Canada)-Dowlada ayaa ka dalbatay Shiinaha in uu sii daayo laba muwaadin oo u dhalatay dalkeeda kuwaasi oo muddo bilo ah ku xidhan dalka Shiinaha. Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau oo ka hadlay arrintaan kadib kulan uu la qaatay guddiga amniga ayaa wuxuu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin. Michael Spavor iyo Michael Kovrig ayaa la xidhay 10-kii bishii December kadib markii dowlada Canada ay xidhay madaxii shirkada Iagaarsiinta taleefanada Shiinaha ee Huawei Meng Wanzhou. Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay sanadkii hore Mr Meng in uu jabiyay sharciga ganacsi ee Mareykanka kadib markii macaamil uu la galay shirkado laga leeyahay Iiraan. Mr Trudeau oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Paris ayaa sheegay in dowlada Shiinaha aysan wadiiqo sharci ah u marin Xadhigaan. Waxaan wadi doonnaa in aan difaacno muwaadiniinteena waxaana si cad u leenahay ma aqbali karno ficilka Shiinaha ay ku xirtay diblumaasigii hore Kovrig iyo ganacsadaha lagu magacaabo Spavor. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa difaacay Xuska Maalinta 18-ka May, ka dib markii Dad qaarkood ay dood ka keeneen sugnaanshiyaheeda. Wasiirka Cadaaladda oo la waydiiyey sida uu u arko hadal uu Xildhibaan Dhakool oo la xidhay ku sheegay in SNM Dad baro-kicisay isla-markaana 18-ka May ay tahay Maalin ay Xuskeeda Cid gaar ahi leedahay, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “18-ka May maaha Maalin lagu xasuusto wax dhibaato ah haba yaraatee, Xilligaa anigu waddankaan joogaye markii Jabhaddii SNM (soo gashay), markaa Sumcad fiican ayay leeyihiin, Waayo? Meelaha qaarkood waxyaabihii ka dhacayey kama dhicin (Halkan) oo ma samaynin, iyagaa Maamulka Gacanta ku hayey, waxay isugu yeedheen Burco Madax-dhaqameedka iyo Hoggaamiyeyaashii Qabaa’ilka, si dhammaan Dadkii hoos iman jiray Gumaystihii Ingiriisku uga tashadaan Aayahooda, taana waxa ka dhashay nidaamkan wanaagsan iyo Dawladdan aynu Maanta Gacanta ku hayno, waxaana saldhig u ah Shirarkii Boorama iyo Hargeysa Dawladnimadeena iyo Mabaa’diideena, sidaa darteed 18-ka May waa Maalin qiimo weyn ku leh Shacabka Somaliland.” Wasiirka oo Telefiishanka Bulsho waydiiyey sida uu u arko Aragtida sheegaysa in 18-ka May ay Beel gaar ahi leedahay, ayaa yidhi “Ma qabo inay jirto wax beel dhexe la yidhaahdo, wax Beel shishe la yidhaahdo ama wax beel galbeed la yidhaahdo, laakiin Dad baa ku danaysta waxaas, waayo? Dadku waa beel keliya, dadka reer Somaliland waa Dad isku mid ah, waa dad aan is dulmiyin, Dad isjecel, is dhalay oo aan sinaba ku kala maarmi karin..”ayuu yidhi. Source
-
Sawirkani waa qaraxa hore ee maaha kan caawo 3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo fiidnimadii caawo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen sida ay sheegeen saraakiil ciidan. Sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qarax miino oo dhulka ku aasnaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidanka Booliiska xilli uu marayay isgoyska xaafadda Al-Raxma ee magaalada Boosaaso. Sarkaalka ayaa sheegay in qaraxa inta uu ogyahay ay ku dhaawacmeen 3 askari oo keliya balse laga yaabo in shacabka wadada marayay khasaare ka soo gaaray. Ciidanka Booliiska gobolka Bari oo gaaray goobta qaraxaasi ka shacay ayaa sida la sheegayo halkaasi ka bilaabay hawlgallo baaritaanno ah inkastoo aysan jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay qaraxaasi midna. Qaraxa ayaa noqonaya kii labaad ee todobaadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo kii hore ka dhacay xarunta maxkamadda magaalada. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender ayaa sheegay in uu Somaliland kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab iyo muranka xisbiyada ee dhanka doorashooyinka oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo wakhti dheer dib u dhacsan. Qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ku yidhi “Waxaan ka soo laabtay saddex maalmood oo Hargeysa ahaa, Madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha, Komishanka iyo Xisbiyada waxa aan kala hadlay la dagaallanka Alshabaab, horumarinta in sharcigu sarreeyo, ka jawaabidda abaaraha iyo taageeridda koboca,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ben Fender. Waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka waxaanu sheegay in xisbiyada looga baahan yahay xal degdeg ah si hore loogu socdo. waxa uu tilmaamay in ay wakhti dheer tahay in aanay doorasho qabsoomin 14 sannadood( doorashadii wakiillada ee u dambeysay oo ahayd 2005-2019). Back from three days in Hargeisa. Talks with President, Interior Min, NEC and parties on fighting Al-Shabaab, improving rule of law, responding to drought and supporting growth. On parly elections, now urgent for parties to find a way ahead; a 14 year gap is much too long! pic.twitter.com/W4OCiBlY3Y — Ben Fender (@benfenderfco) May 16, 2019 Source
-
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan uu qarax ka dhacay xaafadda Al-Raxma ee degmadaasi Boosaaso. Qaraxa oo laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa sida la sheegay haleelay gaari ciidan oo wadada marayay balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo cidda gaariga saarneyd iyo khasaaraha gaaray midna. Saraakiisha amniga magaalada Boosaaso oo warbaahinta Puntland Post la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhacay iyagoo ku gaabsaday in aysan wakhtigaan faahfaahin bixin karin. Wixii soo kordha kala soco Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaso appeared first on Puntland Post.
-
Shirkada Transfergalaxy guusha ay gaadhay waxay mujineysaa sawirka guud ee Qurba joogta ee Somaliyeed Transfergalxy waxay si gaar ah ugu tahay dhiiri-galin Dhalinyaradda Soomaaliyeed Maadaama ay Shirkadan tahay mid ay ay aas-aaseen Shan dhalinyaro Soomaaliyeed BOOQO : https://transfergalaxy.com Qaran News
-
Nin ganacsada ah ayaa lagu dilay galinkii danbe ee maanta goob ganacsi oo uu ku la haa is goyska X Koontarlool Afgooye ee duleedka magaalada caasimadda Muqadisho. Dilka ayaa waxaa wararku ay sheegayaan iney fuliyeen laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay ninka ganacsadaha ah oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi,. Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka oo ka sameeyay baaritaan aanu jirin wax ka soo naaso cadaaday ama lagu soo qabtay raggii dilka u geeystay ninka ganacsada ah. Ehelada marxuumka la dilay ayaa sheegay in wiilkooda ay dishay gacan ka xaq daran, islamarkaana loo baahan yahay in dabagal lagu sameeyo. Dhanka kale meel ku dhaw Ex-control Afgooye ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino, oo aan geysan wax khasaare ah, maadaama uu qaraxa dhacay markii uu gudbay gaariga bartilmaameedka ahaa oo halkaasi maray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
After many years in process, the U.S. government revoked the U.S. citizenship of the former imam of the largest mosque in Portland. As part of a settlement deal, Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye, 57, agreed to acknowledge that he had given false information to immigration officials in July 1997 when he applied for U.S. citizenship. In return, even though he was on the no-fly list, the government arranged for him to fly to Somaliland, where he arrived last week. Kariye became a naturalized citizen in 1998. The government made a case that Kariye failed to reveal his past associations with Islamist extremists in his application for U.S. citizenship. Specifically, government lawyers said Kariye, originally from Somalia, had direct dealings with Osama Bin Laden and Abdullah Azzam, the founders of al-Qaeda, and that while in the U.S., he recruited members for the radical group Maktab Al-Khidamat (a precursor to al-Qaeda). U.S. authorities also said that Kariye was a founding officer and director of the Global Relief Foundation, which funded al-Qaeda and other terror groups. After coming to the U.S. on a student visa in 1982, he then went to Afghanistan, where he attended a jihadi training camp and fought with jihadis against the Soviets. According to the immigration charges against him, he helped funnel fighters in Pakistan to jihad training camps. He was eventually arrested for these activities and spent four months in a Pakistani prison. Kariye served for many years at Portand’s largest mosque, Masjed As-Saber. He was arrested in 2002 and pleaded guilty to using a false social security number and defrauding the state Medicaid program by lying about his income to receive state-funded health insurance. He was sentenced to five years on probation. The federal government wiretapped conversations revealing that Kariye gave $2,000 to each of seven Portland Muslims to go to Afghanistan to fight U.S. forces with al-Qaeda and the Taliban. The seven traveled to China, hoping to reach the battlefield through Pakistan. All but one were turned back and returned to the U.S. in 2002 where they were eventually arrested and convicted. One of those involved said that Kariye preached that Muslims are obligated to fight U.S. forces overseas. Kariye was put on a no-fly list and was one of a group of people who successfully sued the government to reveal why an individual is placed on the list. In October 2018, government lawyers revealed to a federal appeals court that Kariye was placed on the no-fly list because of his history as a “mujahedeen fighter in Afghanistan against the Russians,” as well as his expressed support for “violent jihad” in conversations recorded between a cooperating informant and two members of the Portland Seven Clarion Project Qaran News
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-habeen-16052019.mp3 View the full article
-
Xaaji Cabdi La Xabaalye, Maxeynu Ku Xusuusanaa Umad waliba waxey leedey dad tacab galiyey danta guud, shacabkana tadxiyad(sucriface) ama naf-u hurid bilaash ah gashaday. Tanina waxey u noqotaa dadweynaha halbeeg wax Ku qaadasho, hadii ay tahey samafal, maal-galin, tacliin, halgan dagaal ama naf-hurid. Bulshadana kolba waayaha soo mara kaga talo-qaadato go’aamada lasoo gudboonaada duruufaha nolosha ee Kala duwan. Sidoo kale bulshooyinku waxay soo Kala dhaxlaan shaqsiyaad kutari kuteen ah oo iyana hawl-maalmeed kooda qaar Ku Buuxiyaan, sida Araweelo, Dhagdheer iyo Cigaal Shidaad oo caruurta Lagu maaweeliyo. Hadii aynu tusaale kooban is xusuusino, dalal Kala duwan oo aduunka ah. Maatis Toong dalweynaha China waxa uu yahey aabaha ruuxiga ah ee qarankooda aasaasey, tusaale halgan Sidoo kale Maxamed Iqbaal pakistan u yahey aabaha dhaqanka iyo jirtaankooda(identity). Halka caalimkii Ibnu-Khalduun u yahey dalalka north of Africa khaasatan astaan aqooneed ay Ku faanaan. Gifaara(Che Guevara) waa astaanta halgan dhamaan dalalka central iyo Latin America iyo kacaanada Ka curta inta badan aduunka sadexaad. Halka Maxamed Cali Kiley iyo Pele yihiin tasaalayaasha ciyaaraha (sports). Hoos aan usoo dego, SL wey leedey dadkaas oo dhan Eebe na waa ugu deeqey shaqsiyaadkaas oo geedo dhaadheer ah. Tusaale ahaan, tacliin Maxamuud Ahmed Cali. Siyaasad M. I. Cigaal. Halgan Lixle. Fanka Cali Sugule. Tusmo halku dhag Timacade iyo Hadraawi. Diin Sheekh Madar. Hanuunin Sh. Dirir . Wax u sheegid Sh. Mustafe X. Ismaciil, astaan samafal Adna Adan. Astaan nabadeed waana Xaaji Cabdi waraabe. Hadaba marka laga reebo Cigaal Timacade iyo Sheekh Madar oo Hargeysa Airport iyo Gabiley university iyo Sheekhul loogu Baladka Hargeysa loogu magac darey inta kaleba waa Ku dulmanyiin bulshada SL. Waxa xusid mudan mararka qaar tusmooyinka Qaran in cidkale lasiiyo. Tusaale ahaan manhajka school-da SL taariikhdii halgan SNM waxa Ku xusan kaliya Muuse Biixi. Yeelkeedee, X. Cabdi Waraabe waxa UU Ku xardhanyey nabada maanta SL Ku naalooneyso oo ah waxa kaliya ee aynu iibgeyno. Hadaba, Xaajigu, khaanadee baa mudan in dhigo? Waxa soo ifbaxaya, in magacaa weyn ee inaga baxey Lagu sadqeeyo conflict studies department, @ waa Xarunta laga barto xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa, xaruntaas oo xataa Madaxweyne Muuse Biixi kasaarey in uu CV giisa uu kudaro halka geel-jireen sanad ah CV giisa Ku darsadey. (b) Xaruntan waxa maalgalisa UNDP waxa Lagu dhigaana dhamaan waa Ka duwanyey dhaqanka somalidu wax u nabadeyso. (C) Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa shaqsiyad guud, muu aheyn mid acadamic ah ama cilmi baadhe xalinta khilaafaadka. Ugu dambeyntii Xaaji Cabdi maloogu magac dari doonaa caasimada Hargeysa sidii bishii hore Kazakhistaan madaxweynihii aasaasey ee iscasiley caasimadeeda loogu magac darey, oo Asitanah laga badaley Nuur Suldaan na loo bixiyey. (2) maloogu magac dari doonaa golaha guurtida SL oo ma loo bixin doonaa golaha Sare ee Xaaji Cabdi (3) malaga dhigi doona sumada astaamaha dicumentska xukuumada SL hadii noqon laheyd, shaambadaha teeda qoyan iyo teeda qalalan EE shahaadooyinka Lagu cardholder (dry stamp) iyo sawirka lacagta. Mise sidii halyeeyadii hore ayaa dust bin-Ka Lagu ilaawi doonaa. Maanta Madaxweynaha joogaa looga fadhiya, in uu ka dhabeeyo iyo in kale. Maxamuud Biixi Axmed Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland oo guddoominaya shirka Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale. Halkaan ka akhriso qodobada PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u saartay dhismaha buundo roobka gu’gu gooyay appeared first on Puntland Post.
-
Abdirahman Keyse Tungub LAS’ANOD, May 16, 2019 Somali Journalists Syndicate (SJS) is shocked to learn that Somaliland police in Las’anod have shot and injured Abdirahman Keyse Tungub, a correspondent for the Hargeisa-based privately-owned independent Bulsho TV on Monday May 13, 2019, his colleagues and eyewitnesses said. The police followed the journalist who was with friends in the downtown on Las’anod midday on Monday and violently attacked him as they tried to arrest him. The journalist and his friends attempted to challenge the capture without a warrant of arrest resulting armed police to shoot and wound journalist Abdirahman. “One bullet was fired and hit the journalists’ leg below the ankle. He was then taken into custody with injuries,” the journalist’s colleague told Somali Journalists Syndicate (SJS) On Tuesday morning, a group of local journalists visited the Las’anod Central Police Station to see the detained colleague but they were blocked and were told that they can’t see him. His family was not allowed to visit him as well. Until today, Abdirahman remains in custody in Las’anod Central Police Station and it is not known if he has been provided with medication for the injuries he sustained from the police gunshot. This is the second violent arrest against journalist Abdirahman by the police in Las’anod. In May last year, police detained the journalist after his news report featured anti-Somaliland protests by the local people in Las’anod. ——- For more information, please contact: Email: alerts@sjsyndicate.org For General inquiries: email us: sjs@sjsyndicate.org Somali Journalists Syndicate (SJS) is an independent journalists syndicate that defends the rights of journalists, provide legal aid and advocate for press and internet freedoms. The post Somaliland police shot and injured TV journalist before detaining him appeared first on Puntland Post.
-
Xarrakada Alshabaab oo la tuhunsan yahay inay ka afduubteen Kenya laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa hadda dalbanaya lacag madax-furasho ah oo gaareysa $1.5 million) Dalabkaan madax-furasho ayaa la helay markii odayaal kasoo jeeda Jubbaland ay tageen tuulooyin fog oo dhaca Jubbaland halkaasoo labada dhaqtar la rumeysan yahay in lagu hayo. Odayaal ka socda magaalooyinka Mandera iyo Bula-xaawo ayaa u safray tuulo ku taal inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Ceel-cadde si ay wada-xaajood uga galaan sii-deysmada dhaqaatiirta. Afhayeenka boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay ineysan weli soo gaarin warbixintan, bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u tixgelisa odayaasha waxayna awood u leeyihiin inay xalliyaan arrimaha aadka u qallifsan. Odayaashu waxay xaqiijiyeen in dhaqaatiirtu nool yihiin oo ay adeegyo caafimaad siinayaan bulshada ku dhaqan goobo ay Alshabaab maamusho. Dhaqaatiirtan ayaa la afduubtay 12kii bishii April kaddib markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday iyadoo weerarkaas lagu dilay askari ka tirsan boliiska dalka Kenya. Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha. War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:- Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada. Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (PP) ─ Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Khamiista maanta ah kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo, kaasoo uu guddoomiyahay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max’ed Islaam kaasoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihii amniga guud ee dalka iyo shirkii Garoowe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa golaha faah-faahin dheeraad ah ka siiyay shirkii Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka ee Garowe iyo guud ahaan xaalada Siyaasada dalka. Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go’aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay’adaha amaanka ku amray in la adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha. Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay sharciga Doorashooyinka qaranka iyo heshiiskii qaybsiga khayraadka oo wax ka badal lagu sameeyay kadib shirkii Baydhabo iyo dib u eegista Dastuurka. Dhinaca kale Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa faah faahin ka bixisay safar shaqo oo Wasiirka wasaaradu uu ku maqnaa iyo waxyaabahii ka qabsoomay. Ugu dambeyn, Wasaarada Waxbarashada ayaa faah faahin ka bixisay dib u dhaca ku yimid imtaxaanka qaran iyo sidii looga shaqayn lahaa in uuna hakan mar kale iyadoo dhawaan gudi arintan ka shaqeeya loo saarayo. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga dooday Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka appeared first on Puntland Post.