-
Content Count
208,445 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta Deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay Qaar ka mid ah Qoysaska Dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda. Deeqdan oo ka Kooban Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, Salliid & Timir ayaa Hay’adda Hormuud Telcom Foundation waxay Magaaladda Muqdisho ugu qeybisay in ka badan 250 Qoys oo ka mid ah Qoysaska ka soo jeeda Dadka laga tira badan yahay. Qeybinta Deeqdan ayaa Loogu talagalay in Qoysaskan ay u kaashadaan Gudashada Waajibaadka Bisha Barakeysan ee Ramadan. Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Warbaahnta u sheegay in Ahmiyadda Qeybinta Deeqdan Raashiinka ay tahay sidii ay Dadka u baahan gar gaarka u caawin lahaayeen ilaa inta lagu guda jiro bishan Barakeysan ee Ramadaan. Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Suldaan Xasan Cabdulle Suldaan Kaariye oo ka qeyb galay munaasabadda deeq bixinta ah ayaa Shirkadda Hormuud uga Mahad Celiyay deeqdan oo ay ku tilmaameen in sanad walba ay sidan usoo gaadho, waxayna maamulka Hormuud ku amaaneen in ay yihiin kuwo aad ugu dhega fudud Codsiyada uga yimaada dadka gargaarka u baahan. Qaar ka Mid ah Dadka la Siiyay Deqdan oo ka mahad Celiyay Madaxda Shirkadda Hormuud iyagoo qeybinta deeqdana ay ku tilmaameen mid lagu soo beegay xiliga loo baahnaa. Tan iyo Markii la guda galay Bisha Ramadaan Hey’adda Hormuud Telcome Foundation ayaa waxay sidan oo kale u Qeybisay Deeqo isugu jira Raashiin iyo Lacag loogu talagalay in lagu Caawiyo Dadka u baahan.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay Weerar ka dhacay duleedka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay. Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen taliyihii Sirdoonka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kaasi oo magaciisa lagu koobay Korneyl Salaad Cagalaab. Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaal ay ku dileen taliye Cagalaab uu ka dambeeyay kadib markii weerar xoogan ay gelinkii dambe ee shalay ay kala kulmeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Ethiopia, waxaana dhankooda looga dilay xubno kale. Al SHabaab ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii ciidmada Jubbaland ay jid gooye u dhigteen gaadiidka dadweynaha, islamarkaana iyaga oo ka jawaabaya arintaasi ay weerareen ciidamada Jubbaland. Balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu daba socday weerar habeen hore lagu qaaday Al Shabaab kaasi oo ku dhawaad 8 xubnood looga dilay, iyaga ay rogaal celis ahaan u weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada isku dhafka ah. Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen 7 kamid ah ciidamada maamulka Jubbaland. Al Shabaab ayaa ku eedeeyay in taliyaha ay dileen uu ahaa shaqsiyaadkii sababay in ciidamo Ethiopian ah la geeyo deegaanada gobolka Gedo, islamarkaana uu si dhow ula shaqeyn jiray ciidamada Ethiopia. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Jubbaland oo ay kaga jawaabayaan hadalka Al Shabaab ee ku aadan inay dileen taliyihii Sirdoonka degmada Garbahaareey. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-17052019.mp3 View the full article
-
Garbahaareey (Caasimada Online)-Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig Ururka Al Shabaab ku Lahaayeen duleedka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in saldhiga Al Shabaab oo ku yaala duleedka degmada Garbahaareey uu 19 KM uu kaga beegnaa dhanka waqooyi ee magaalada. Burburka Saldhiga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan uu gaaray xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa saldhiga, sida saraakiisha ay sheegeen. Taliyaha ciidamada Lugta ee dowladda Soomaaliya Generaal Odowaa ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid horey looga shaqeeyay oo lagu bartilmaameydsaday saldhig Al Shabaab ku leeyihiin Gedo. “Ciidammada Xoogga Dalka ayaa bur buriyey Saldhig ay Argaggixisada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 19 KM dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Garbahaareey Sida uu u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa”sidaasi ayaa lagu shaaciyay wakaalada wararka Soomaaliya. Weerarka Saldhiga Al Shabaab lala eegtay ayaa imaanaya iyadoo sidoo kale ciidamada xooga ay weeraro ka fuliyeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, weeraradaasi oo lala eegtay Al Shabaab. Al Shabaab ayaa lumiyay deegaano badan oo ay maamuli jireen oo ku yaala gobolada Koofurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Thomas Friedman remembers the Willmar his aunt and uncle called home. The couple moved to the largely “white, Lutheran, Scandinavian town” in 1949, and for decades, he paid them regular visits. He remembers one visit in particular, about 40 years ago, when his aunt told him confidentially that she’d been at the grocery store one day and heard someone speaking Spanish. Source: Hiiraan Online
-
There is a camel in Hanifa Deen’s kitchen. He looks down at her as she cooks, eyes proud yet warm, delicately flared snout smelling dinner. While the creature is merely an image on a poster, Deen, who has written several books on Islam in Australia, regards him affectionately. Source: Hiiraan Online
-
AMISOM troops on Thursday killed a suspected Al-Shabaab militant in the outskirts of Mogadishu moments after opening fire and killing a Somalia National Army soldier. Source: Hiiraan Online
-
Boeing has completed development of a software update for its 737 Max plane which was grounded following two fatal crashes within five months. Source: Hiiraan Online
-
Since the start of 2019, internet shutdowns have been on the rise in different African states during times of protests and elections. Somalia is now the latest country to join this infamous list. But unlike the others, Somalia plans to shut down social media to stop students from cheating during exams. Source: Hiiraan Online
-
Dadaab, Kenya: Lack of opportunity and the ever-present fear that Dadaab, one of the world’s largest refugee camps, will close, is forcing young and ambitious Somali refugees to swap the home that once brought them safety for a home that once brought them fear. Source: Hiiraan Online
-
Shirkii Garowe ee fashilmay ayaa ahaa shir looga gol lahaa in heshiisyo hor leh laga gaaro sharciyada qaybsiga Khayraadka, Doorashada, iyo Galmudug. Iyadoo lawada ogsoon yahay in Baydhabo heshiis lagaga gaaray qobobadda Doorashada iyo qaybsiga Khayraadka, waxaa isweydiin mudan sababta maamulka Puntland uu markale caqabad hor leh miiska u soo saaray marka ay noqoto sharciga kheyraadka iyadoo raali ka aheyd heshiiskii Shidaalka ee Baydhabo lagu saxiixay? Puntland ayaa u aragta sharciga shidaalka Soomaliya caqabad mustaqbalka kusoo fool leh una baahan in ay ka hortagto maadaama Puntland aysan kamid ahayn maamul goboleedyada xeebahooda laga sahmiyay shidaa. Sida shirkii London lagu iftiimiyay shidaalka ugu badan ayaa ku jiro xeebaha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, waxaana sharciga shidaalka u oggolaanayaa in maamulada laga soo saarayo ay ka helaan 45% dakhliga kasoo xarooda ayna u madax banaan yihiin in ay ku hormariyaan deegaannadooda. Saamiga shidaalka ay ka helayaan maamul goboleedyada ayaa ka dhigaya in ay noqdaan deegaano hodan ah, kana hormarsan maamulada kale ee aan shidaalka laga soo saarin islamarkaana ay suurtagal tahay in siyaasadda Soomaaliya ay salka dhigato gobolada dhaqaalaha badan leh sida kajirta wadamada Federaalka ah ee soo saara shidaal, shidaalka xeebaha Soomaliya laga filayo ayaa ah cadad kufilan inuu daboolo baahida dhaqaale ee ka jirta xilligan. Cabsida Puntland ay ka qabto ayaa ah in awoodaha dhaqaale iyo tan siyaasadeed ay ka helayaan maamul goboleedyada shidaalka leh ayaa wiiqaya sameynta siyaasadeed ee maamulka Puntland ku dhex lahayd mudooyinka lagu guda jiro dhismaha qaranka iyo qorista Dastuurka Federaalka, awoodaha ku hoos jira dhaqaalaha laga helo shidaalka ayaa qasab ka dhigaya in DFS u dhaga nuglaato talooyinka ay soo jeediyaan maamulada shidaalka laga soo saarayo. Dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid fahamtay muhiimadda xiriirka maamul goboleedyada xeebahooda laga filayo in shidaal laga soo saaro islamarkaana dhegaha ka fureysatay talooyinka ka imaanayay maamulka Puntland oo ahaa in lajoojiyo sharciga shidaalka ee lahor geynayo Baarlamaanka Federaalka ama in maamul goboleedyada ay si siman u helaan daqliga ka yimaada shidaalka xeebaha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, taas badelkeedana waxay Dowladda Federaalka u gudbisay Baarlamaanka Federaalka sharciga shidaalka intii lagu guda jiray qaban qaabada shirkii Garowe. Inkastoo Puntland ku dadaalaysay in ay maamul goboleedyada dalka ka dhisan u noqoto indhaha siyaasadda ay dowladda dhexe ku arkaan weliba ku qanciso in maamul goboleedyada ay Dowladda Federaalka hordhigaan shuruudo hor leh ee ka hor imaanaya heshiisyadi hore loo wada gaaray iyo qorshaha kala guurka ee Dowladda Federaalka dajisay 2020-ka, waxay Puntland badeshay qorshaheedii hore fashilka shirkii Garowe Kadib isla markaana siyaasad wajiyo badan ah la timaaday sida isbahaysiga sedexda Maamul Goboleed ee Garowe lagu hindisa kadib markii uu burburay shirkii Garowe. Seddexda maamul goboleed ee udub-dhexaadka u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya ayaa ah maamulo aanan ku baraarugsanayn muhiimadda iyo qiimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ay leeyihiin islamarkaana ay u dheertahay duruufo curyaamiyay dhinacyada Maamulka, amniga, iyo dhaqaalahaba, taa oo ay u sii dheer tahay khilaaf iyo kala qayb-sanaan ka dhexjirta sida labada garab ee Galmudug, sedexdan maamul midna ma yagleelin maamul fadhiya dadkiisuna ku uur-san yihiin iyo kalsooni la,aan ay ku qabaan dadka ay matalaan, maamuladan ayaanan u samayn deegaannadooda geed fadhi siyaasadeed ku shaqeeya talo wadaag ay ku dhanyihiin yihiin dadka kunool deeganadooda. Ayaan darrada dheeraadka ah ee ku habsatay maamulka Galmudug ayaa sababtay in ay quus ka taagan yihiin dadkeeda si xal mideeysan ugu helaan is mariwaaga siyaasadeed ee Dhuusamareeb iyo Cadaado taas oo u horseedday in dadka kunool Galmudug aaney helin Madax u beerlaxawsata horu’mar la’aanta haysata shacabkeeda deegaankaba ama diyaar u ah tanasul loo sameeyo danaha shacabka kunool deegaanadaas, waxaana taas caddeyn u ah go,doonka ay gashay Galmudug iyo Jaha-wareerka ka muuqda hogaamadeeda. Gunaanad. Fashilka shirkii Garowe wuxuu fursad hor leh siinayaa, shacabka seddexdan maamul gaar ahaan xildhibaanada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada kasoo jeedda maamul goboleed ee kala ah, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, in ay taageeraan ansixinta sharciga shidaalka ee horyaala baarlamaanka fedraalka si ay u helaan dakhli ay ku hormariyaan dadkooda iyo deegaanadooda islamarkaana ilaashadaan xuquuqaha Dastuuriga ah oo ay ugu weyn tahay saamiga ay ku leeyihiin dakhliga ka imaanaya Shidaalka laga qodayo xeebaha deeganadooda. Shacabka kunool maamulada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug waxaa waajib ku ah in ay hurdada ka kacaan isla markaana u soo jeestaan kawar qabka xaaladda adag ee maamuladooda ku sugan yihiin muhiimna ay garab istaagga madaxdooda weliba laqurxiyaan talada hoggaankooda islamarkaana ka samatabixiyaan dhibaatooyinka haysta maamulada u dhisan, kana hortagaan dabinnada siyaasadeed ee haadaanta ka tuuraya mustaqbalka shacabka ku nool deegaanadaas isla markaana la jaan-qaadaan qaran dhiska loo igmaday Dowladda Federaalka. W/Q: Abdirizak Yusuf Gure Abdirizak.guure@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa waxa uu bixiyey wareysi gaar oo dhinacyo badan taabanaya, intii uu ku sugnaa Caasimada Somaliland. Safiirka oo wareysi gaar ah siinayey Telefishanka HCTV, ayaa waxa uu kaga waramay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Socdaalkiisa Somaliland, Khilaafka xisbiyada iyo weliba qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Fender ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, xaalada Muqdisho iyo Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo arimo kale oo dhawr ah. Wareysigaas oo dhamaystirana ayaa wuxuu u dhacay sidan: S: Mudane Safiir Marka U Horaysa Waxaad Warbixin Naga Siisaa Ujeedada Socdaalkaaga Somaliland, Cida Aad La Kulantay Iyo Arimaha Aad Kala Hadashay? J: Waad ku mahadsan tahay inaad igu martiqaado, Tani waa booqashadaydii koowaad ee laba geesood ah ee aan ku imid Hargeysa, waxaan halkan imid dhawr todobaad ka hor aniga oo la socda koox Safiiro Midawga Yurub ah, run ahaantiina waxay ahayd fursad aan ku arko Madaxweynaha iyo inaan wax ka arko shaqada xafiiska Britain ee Hargeysa uu qabanayo. Sida aad ogtahay Britain waxay xidhiidh dheer oo taariikhiya la leedahay halkan oo qayb ka ah aduunka, waxa jiray dad ka yimid Hargeysa, Berbera iyo meelaha ku dhaw halkan, kuwaas oo soo galay dalka UK oo dagay in ka badan boqol sano ka hor. Waxaana jiray xidhiidh aanu wada lahayn xiligii maxmiyada. Balse waxa muhiim ah nooca wada shaqaynta ee hada socota, sidaa darteed waxaan arkay shaqada aanu qabano, iyo sida aanu u taageero Bileyska iyo Cadaalada halkan, tusaale ahaan shaqada aanu qabano waxa ka mid ah inaanu gacan ka gaysano kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo sidoo kale inaanu ka wadashaqayno horumarino habnololeedka iyo jidka Berbera Corridor. Meelo kalena wax ayaanu ka qabanaa oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta, waxaan habeen hore la kulmay madaxa waxbarashada bilaashka ah anaga oo libin laabnay tirada waxbarasho bilaash ah ee aanu sanad kasta siino dadka Somaliland nooga yimaada. Sidaa darteed, run ahaantii ujeedada booqashadaydu waxay ahayd in aan la hadlo xubno dawladda ka tirsan oo aan kala hadlo xidhiidhka aanu wadaagno iyo in aan arko tusaalaha dhabta ah ee iskaashiga aanu halkan ka samayno iyo in aanu sii wadno. S: Waxa Jira Khilaafyo U Dhexeeya Xisbiyada Siyaasada Somaliland, Waanad La Kulantay, Maxay U Dhici Wayday In Xal Rasmi Ah Loo Helo Caqabada Ka Taagan Qabsoomida Doorashooyinka? J: Dabcan, Su’aasha doorashooyinku, waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, balse waxaan u malaynayaa inay tahay su’aal muhiim ah, doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Hoose ee Somaliland waxay ahayd 2005-tii, run ahaantiina mudo dheer ayay ahayd, waxaanu jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan, waanay noqon kartaa, Aragtidayadana taasi waa mudo dheer. Sidaa darteed, waxaan ku boorinayaa xubnaha xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suuragal u noqoto in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, dabayaaqada sanadkan. Waaan u malaynayaa in tahay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystiranka siyaasada gudaha Somaliland. Waxaana jira dad badan oo da’yar oon waligood cod doorasho dhiiban, Wixii ka dambeeyey doorashadii Baarlamaanka, Xubno baarlamaanka ka tirsan may arag wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa. Sidaa daraadeed waxaan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan Tanaasulaad suuragaliya in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto dib u dhac la’aan, taasina maaha mid degdeg ku ah diyaargarowga doorashadu inay qabsoonto. Waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugu dhakhsaha badan Ramadaan ka dib. S: Ma Jirtaa Dhaqaale Dawladda UK Ay U Qoondaysay Doorashada Oo Aad Bixiseen? J: Waxaanu ka mid nahay kuwa ugu weyn ee taageerada siiya Guddida Doorashooyinka Qaranka, Waan la kulmo shalay, waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxay diyaariyeen doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanku inay dhacdo, waxaan filayaa inay diyaar yihiin, oo ay dhaqaajiyaan hanaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha sida ugu dhakhsaha badan ee loo helo xeerka codbixinta, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee ay u timaado heshiiska xisbiyada siyaasadu. Sidoo kale arinta aan hoosta ka xariiqayaa waxa weeyaan in la sameeyo oo la meelmariyo xeerkaasi oo ogaalada in doorashadu qabsoonto. S: Somaliland iyo Somalia-ba waxa ka jira Abaar, Cunto Sugnaansho la’aan iyo xiligii Roobka wakhtigiisii ka dib dhacay, sida ay sheegayaan Ururada Samafalku, Waa Maxay Doorka UK Ee Arimahaasi Ku Saabsan? J: UK waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn ee deeqaha bini’aadanimo bixiya qaybo badan oo aduunka ka mid ah, iyagoo ay barbar socdaan Maraykanka iyo Midawga Yurub, Hada waxaanu fasaxnay 8 Milyan oo Bound oo kharashaad dheeraad ah dheeraad ah, waxaana qaybo ka mid ahi ay mari doontaa hay’adda Qaramada Midoobay iyo Ururada si loo gaadhsiiyo meelaha aadka ugu baahan. Balse arinta muhiimka ahi waxa weeyi in aanu sanado badan ka shaqaynaynay, in aanu gurmad ka galno abaarta, tani maaha abaartii ugu horaysay ee dhacda, waxaanu hogaaminaynay wadamadii 2017-kii ka jawaabay abaartaasi. Waxaana muhiim ahayd in aanu taageero siinay bulshada si ay adkaysi uga yeeshaan dhibaatooyinka mustaqbalka. Sida aad sheegtay, saadaaluhu waxay tilmaamayaan in sanadkani uu yahay mid adag, balse waxaan filayaa in Dawladaha halkan iyo maamulka Garoowe iyo dawlada Muqdisho ay ka jawaabayaan xaalada, aniguna waxaan ku niyad samahay wadashaqaynta saaxiibada UK oo kale ah, waanu maamuli doonaa arimaha ay Abaartu sababayso. S: Xukuumada Somaliland Iyo Ciidamada Bileyska Waxa lagu eedeeyaa inay ku xadgudbaan Xoriytul Qawlka, Suxufiyiin tiro badan Waa La Xidhay, Xubno Mucaaridka ka tirsan Xabsiyada Ayaa Loo Taxaabay iyo Wargeysyona xayiraadbaa la saaray, Dadka Qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may cambaarayn Talaabooyinkaasi ka dhanka ah Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Isku Xukunka Sharciga, Maxaad Arintaasi Ka Leedahay? J: Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay, balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka geysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo, Waxaanu gacan siinaa Garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga, si aanu u horumarino oo loo xushmeeyo cabashooyinka heerka xuquuqal insaanka, sidaa daraadeed waxaanu taageerna hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimayna guddida si loo gacan siiyo in Xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo lala xisaabtamo, waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha, iyo sida kiisaska maxkamada loo wado. Waxaanu Bileyska ku tababarnaa xuquuqda aadamaha, waxaanan u malaynayaa in taasi ay tahay mid la taaban karo oo dhab ah. Waxaanu doonaynaa in Ciidamada Amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan, waanay noqon karaane, taas oo macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool. S: Balse Waxa Jira Walaac Sheegaya In Ay Adagtahay Inaad Suxufi Ka Ahaato Somaliland, Arintaasi ma Kuu Muuqataa? J: Arintaasi way ii muuqataa, Britain waxay hogaanka u qabatay Wadamada Caalamka ee taageera Madaxbanaanida Saxaafada, waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan Madaxbanaanida Warbaahinta oo lagu qabanayo London 10 iyo 11 July, saddexdii May maalintii madaxbanaanida saxaafada Aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyiin ah, waxaanu ka wadahadalay arimo door ah oo suxufiyiintu la kulmaan. Waxaanu aad ugu wanaagsanahay taageerada Madaxbanaanida Warbaahinta, anaga oo rumaysan in Warbaahin madaxbanaan ay gacan ka geysan karto burburinta Musuqmaasuqa, iyo in ay gacan ka geysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale muhiima u ah bulsho kasta oo xor ah. Ilaa iyo hadda Madaxbanaanida Saxaafadu runtii waa hadaf muhiim ah ee sanadkan, waana mid ka mid ah hawlaha Wasiirkayga Arimaha Dibada uu shakhsi ahaantiisu uu ku martigalinayo qabashada shirkan bisha July. S: Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia may qabsoomin dhawrkii sanadood ee u dambeeyey, Dawlada UK-na waxay ka mid ahayd dawladihii dedaalada ugu jiray Wadaxaajoodka Somaliland iyo Somalia, Ma Jirtaa Jid Cusub oo miiska wadahadalka la isugu keeni karo mar kale? J: Waxa cad, wadahadalo iyo wadaxaajood kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe, uu yahay mid aan dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantood waxa weeyi, in si aad ah aynu gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsoonida lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah in qof walba uu ogaadoay tahay, hadii ay talaabadaasi qaadaan, waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka, waxaanan hubaa in arintaasi iman doonto. S: Somalia waxay hada u muuqataa inay cagaha la sii galayso amni daro, gaar ahaana Caasimada Muqdisho, oo ay dhibaatooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ahi ay ka dhacayaan, Muxuu yahay Doorkaaga Wax Ka Qabashada Amaanka Muqdisho? J: Waxaan filayaa, Xaqiiqdii in dawlada Muqdisho ay horumar fiican ka samaynayso Amaanka, Dabcan way jiraan dhacdooyin badan oo dhacaya iyo weeraro dhacaya, base waxaynu aragnaa in markii ugu horaysay sanadkan in la qaaday hawlgaladii milatari ee ugu waaweynaa oo ay sameeyeen ciidamada qaranka Somalia oo dhul ku yaala Shabeelada Hoose ka qabsaday Al-shabaab, gacantana ku hayaan taasina waa mid xaqiiq ah oo hogaamineed, waxaanan u malaynayaa in markii ugu dambaysay ay gurmad heleen dadka goobahaasi jooga. Sidoo kale waxaynu arkaynaa in dawlada Muqdisho ay qaaday Talaabooyinkii ugu horeeyey ee dib loogu hagaajinayo ciidamada amaanka. Doorka Britaina waxa weeyi in la horumariyo ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo Bileyska, waxaanu Askarta Soomaalida ah ku tababarnaa Baydhabo, waxaanu maalgalinaa horumarinta Booliska anaga oo maalgalinay dhawr kun oo saraakiil booliska ka tirsan, waxaanan rumaysanahay in tani ay tahay bilawga taageerada Somalia oo hesha ciidan xirfad leh oo si fiican u tababaran. Waxaan aaminsanahay in tani ay noqon doonto ta isbadal ku keenta Al-shabaab, waxaana bilaabmay ifafaalaha arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Shacabka Muqdisho ee guryaha leh uga digay in ay guryahooda ay ka kireeyan Shaqsiyaad aysan aqoon oo aysan soo marsiin taliska degmada iyo Xaafadda ay degan yihiin. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in shaqsigii lagu qabto guri uu leeyahay oo ay degan yihiin Al-Shabaab in ay la wareegi doonaan Gurigaasi. Taliyaha ayaa xustay in Mas’uuliyad weyn ay saaran tahay dulaalka Guryaha Kireeya, islamarkaana haddii uusan kasoo diwaangalin waaxda iyo degmada Mas’uuliyadda dhibaatadda uu geysto qofkaasi uu qaadi doono. Maalmihii ugu dambeeyay ayay sheegtay in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay Muqdisho, islamarkaana dhammaantooda ay ku sugnaayeen guryo laga kireeyay oo aan la soo marsiin Taliska Booliska degmada. Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka kasii darista “aan la qabli karin” ee xiisadda ka dhex oogan labada dhinac, waxayna sheegtay in Tehran ay muujineyso is-xakameyn, inkasta oo Washington ay ka baxday heshiiska Nukliyeer. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay kadib markii toddobaadyadii dhowaa Mareykanka ay maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka, iyo diyaaradaha bambooyinka culus qaada ee B-52 geeyeen Khaliijka, ayaga oo tuhmayo halis kasoo socota Iran. “Xiisadda kasii dareysa ee Mareykanka waa mid aan la aqbali karin” Waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibeddda Iran Mohammad Javad Zarif oo wada-hadallo u jooga dalka Japan. “Waxaan muujinay is-xakameyn, inkasta oo Mareykanka ay ka baxeen heshiiska Nukliyeer” ayuu yiri Zarif. Wasiirka arrimaha dibedda Iran ayaa sheegay in Tehran ay ka go’an tahay inay heshiiska ay sii waddo, islamarkaana qiimeyn la sameeyey ay muujineyso in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska. Hadalka Zarif ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran, taasi oo sare usii qaaday cabsi dagaal. Si kastaba Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Iran ay dooneyso in wada-xaajood ay la gasho Mareykanka, sida ugu dhaqsiyaha badan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Cilmibaaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay sida uu jirka aadanuhu u shaqeeyo(Physiology) ayuu ku ogaaday in markii uu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku isnadiifiyo oo uu iska saaro unugyada keeno Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa, Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurrada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterolka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah. Iscunidda jirka(Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo 8-saacadood xiriir ah oo uusan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo dhowr maalmood, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin in ay dib usoo noolaadaan. Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku isgaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xiriir ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa in uu sidaas joogteeyo hal bil oo xiriir sanadkiiba. Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah bare sare oo wax ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka ee Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmibaaristaan 2016-kii ku muddeystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize-ka ee dhanka Caafimaadka. Cilmibaarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1438-sano kahor, oo Tiirarka Islaamka ayayba kamid tahay inuu qofku Muslimka ahi Soomo 30 maalmood oo xiriir ah ka sanad kasta, Nabigeenna naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaadaanee wuxuu jideeyay Soonka 2 maalmood todobaaakiiba(Isniin iyo Khamiis), iyo Soonka maalmaha cacad oo ah 13ka, 14ka iyo 15ka bil kaste. Ramadaankaani waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn oo uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo kuleylkeeda. Sidoo kalena waa fursad caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro halis ah oo haya ama kusoo fool leh. Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo raxmad, dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn. Waxaa qoray: Hussein Sabrie Gmail: Husseinsabrie@gmail.com
-
Somaliland: The legitimacy of May 18 The legitimacy of May 18 has been questioned by the members of parliament as well as dignitary figures. What is wrong with May 18? Why does senator Dhakool demonise May 18? If I tried to answer these questions my answer would be simple. First of all, what is wrong with May 18? Nothing. May 18, 1991 was the day that Somaliland elders, tribal leaders and politicians had declared withdrawal from the unity of Somalia. It was not only one particular group, ethic or tribe. The decision was unanimous. As far as Somalia claiming the sovereignty over Somaliland, the government as well as the Somaliland citizen have a right to celebrate on May 18. The Somaliland citizens have a right to demonstrate and to express themselves by showing the legitimacy of the its own sovereignty as independent nation or country. May 18 is not and was not the Somali National Movement day (SNM). As everyone of us know, the Somali National Movement was organized in London, England, on April 6, 1981. To label Somali National Movement on May 18 is misleading and deceptive. The second question is why senator was Dhakool arrested? The senator has right to express his opinion openly without fear. However, the senate did not expressed his opinion but on the contrary disseminated the hate propaganda or speech. “Hate speech is a verbal or written communication expressing a generalized negative opinion about a particular demographic, sometimes attacking a member of group. Hate speech often targets particular races, nationalities, ethic groups or distinct group may be targeted.” The senate made an abusive comment. He targeted one ethnic group or particular race and said, “They committed a crime against humanity because they were evacuated or displace the Borama district inhabitant, the Erigavo district inhabitant and Bohotle district inhabitant.” That is a big accusation and I have never heard that accusation come from a member of the Somaliland parliament. He also mentioned that May 18 is only a day that one of the particular groups have express their own desire, which is not true. As I mentioned before, May 18 has nothing to do with SNM affiliate tribes or any particular tribe. On the other hand, Senator Dhakool has a privilege and parliament immunity and the government of Somaliland can not take any legal action against him. As I mentioned above the decision was not reached by one tribe; it was a unanimous decision. Every Somalilander has a full right to organize, commemorate and honour on May 18 in every year. On the other hand, May 18 is not unchangeable. As a nation, we have ability to reach a concession, compromise and tolerance. Therefore, the House of Representative as well as the House of Elders and other stakeholders have a capability to sit together and again reach undisputed decision to change 18 May. Somaliland people deserved to have harmony, peace and tranquility. Not to create hostility, hate and detestation. We all recognize that further conflict would be unnecessary, ineffective or otherwise undesirable. We have always looked at the big picture and we tried to overcome the quarrels between us in terms of any conflict. Qaran News
-
Muj. Maxamuud Ileeye oo ka mid ah qurba jooga ka soo jeeda bariga Hargeysa ee degan dalka Ingriiska oo caawa fiidkii warbixin kooban siiyay shabakada qarannews, ayaa si guud uga waramay shir ay jaaliyada reer UK- ee ka soo jeeda deegaanadiisu ay ku qabsan doonaan magaalada Birmingham ee badhtamaha dalka Ingriiska. Muj Maxamuud ileeye waxa uu sheegay in shirkaasi uu dhici doono bisha Lixaad 15keeda kana qabsoomi doono magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska oo uu sheegay in ay ku nool yihiin jaaliyad balaadhan oo ka soo jeeda bariga Hargeysa, waxana uu sheegay in shirkaasi uu qorsho kaliya leeyahay oo u gaar ah jaaliyada ku dhaqan dalkan Ingriiska oo aan mudo aad u dheer kulmin, waana sidii la isaga war hayn lahaa ee wax loo wada qabsan lahaa intayada xagan ku wada nool oo aanu noqon lahayn dad aad isga war haya kala daadsanaan badan ayaa hada muuqata oo gudahayga ah. Waxana jirta in la doonaayo in dhamaan qurba jooga deeganka oo dhan la mideeyo si deegaanadii jaaliyadu ka soo jeedo wax loogu qaban lahaa kuwaasi oo ay ugu horeeyaan biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka, taasi oo ayna haba yaraatee wax siyaasad ahi ku jirin Waxa uu sheegay in aan haba yaraatee aanu shirkani wax siyaasad ah aanu lug ku lahayn, waxna aanu si toos ah shirkaasi ugu marti qaadanynaa warbaahinta qarannews, waxna aanu idin siin doonaa wararka aanu baahin doono. Muj. Maxamuud Ileeye ayaa ka mid ahaa ragii dalka Somaliland dib u soo celiyay xoriyadii luntay 1960-kii waana shaqsi aad looga tix galiyo guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska gaar ahaan Lonodon Qaran News