Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,453
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhamaan shaqaalaha Iyo hawl wadeenada shabakada caalamiga ah ee qarannews, waxa ay hambalyo Iyo dabaal Deg u gudbinaysaa dhamaan shicibka reer Somaliland gudo Iyo dibadba. Anaga oo Ku hambalyaynayna xuska 18ka May oo Ku beegan maalinta Bari ah. Waxa aanu xukumadda Iyo xisbiyada Qaranka ku garab taaganyahay mawqifkooda ah weynaynta maalinta 18ka may oo ah maalin qaran Qaran News
  2. (SLT-Burco)Gudoomiyaha Shirkadda Wadaniga Ah Ee Sagal Jet Burco, Ayaa Fariin Lawdaagay Shacbi Waynaha Somaliland Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay qorsheeneyso inay maamul cusub ku dul dhisto, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhinac. Arrintan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa, oo ka qeyb-galay barnaamij ay qabatay idaacadda BBC. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay jaratay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulkaas, si ay cadaadiska ugu xoojiso. “Waxaan ku baaqnay in madaxda dowladda Federaalku inay faragalinta ka daayaan arrimaha hoose ee Galmudug, oo aad wada ogtihiin inay aad ugu mashquulsan yihiin inay dowlad labaad ka sameeyaan meel kamid ah Galmudug dhexdeeda iyo in ugu dambeyn ay fasaxaan dhaqaalaha ka xayiran Galmudug”, ayuu yri Wasiir Masagawaa. Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay oo ay gacan siiso madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug, oo kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maareeye oo isna BBC la hadlay ayaa beeniyey eedda Galmudug, wuxuuna ku eedeeyey hoggaanka maamulkaas inay isku dayayaan inay waqtiga kororsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Burco) Badhsaabka Gobolka Togdheer Oo Hor Istaagay Wacyi galin Ku Saabsan Xuska Maalinta 18 May Oo Ay Wadeen Kooxda Dayax Band Source
  5. Qarannews (Addis Ababa): The new Somaliland representative to Ethiopia, Salan Hassan Abdille welcomed the Finnish Ambassadors to Ethiopia Kristi Aarnio and Kenya, Tarja Fernandez, to the liasion office in Addis Ababa. The two ambassador’s paid a courtesy call to the new Somaliland representative, Salan Hassan and his deputy, Mohamed Abdikarin. Finland is one of the strongest supporters of Somaliland with regard to democracy and good governance. The diplomats discussed areas of mutual interest and the strengthen of the ties between the two countries. Qaran News
  6. Somaliland existed long before 1960 and received its independence before most African countries including Somalia and Djibouti. Somaliland, without a doubt, is the only country of the five Somalis which sincerely sought the unification of all Somalis. Somalilanders participated in the struggle for independence in the most famous patriotic songs and poetry. But these feelings and nationalistic spirit resulted the bombing of the country and its inhabitants lived in refugee camps in Ethiopia. I witnessed the aerial bombardment of war planes in the city of Hargeisa in 1988. However, Somaliland survived the upheaval, massacre and the atrocities which besieged many countries in the world and the never ending killing which is happening in Somalia. Since 1991 there are people who thought Somaliland will crumble and will not survive, but day after day its strength and development are mo Dahir Omar Salah Qaran News
  7. Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan. Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen. Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin. Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta. Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm. 28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa. Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay. Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey. Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto. Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan. Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro. Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda. Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya. Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya. Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan. Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan. Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo. Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo. Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin. Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan. Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan. Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye. Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola. Maxamed Bashe Xaaji Xasan Source
  8. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in madaxweynihii hore Daniel Arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo dollar isaga oo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay 53 aykar muddo haatan laga joogo 36 sano ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sabtembar 1983 uu madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa Noah Kipngeny Chelugui Wargeyska ayaa sheegay Moi uu 24 sanno ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai. Telefishinka Citizen TV ayaa ku warramay in xaakimkii maxkamaddu uu sheegay in dhulka loola wareegay “si sharci darro ah” isla markaasna “aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas”. Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood (K) oo lala xiriiriyay qoyska Rai ay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doolar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo. Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, Rai Plywood iyo shirkado kale. Source
  9. Berbera, Bosaso and Mogadishu, March 2019, Berbera, Bosaso and Mogadishu – Over 100 young men and women secured employment during job fairs organized by UN-Habitat’s Youth Employment Somalia (YES) programme in Somalia’s capital Mogadishu, Berbera in Somaliland and Bosaso in Puntland. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali National Army (SNA) wrapped up a five-day training in Mogadishu to enhance their abilities to reach out to communities in the liberated areas. Source: Hiiraan Online
  11. Somaliland is opening its doors for more business institutions and development organizations to venture into the country. Source: Hiiraan Online
  12. Operations against al Shabaab in Somalia will escalate to a final push according to a communique from AMISOM, the AU mission in the east African country. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) on Thursday killed seven al-Shabab militants in clashes in Somalia's southern region of Gedo, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online
  14. ISIOLO, Kenya (Reuters) - A youth recruited while watching football. A Catholic school graduate. Girls desperate for cash and jobs. Source: Hiiraan Online
  15. Four member states of the Inter Governmental Authority on Development (IGAD) have signed a Memorandum of Understanding (MoU) agreeing to implement Djibouti-Addis Ababa-Juba-Kampala infrastructure development project. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa markii u horeysay waxa uu ka sheegay in aaney jirin Somaliland la-wada laheyn, isagoona sheegay in loo baahanyahay Somaliland la wada leeyahay. Jamaal ayaa waxa kale oo uu taageero u muujiyey Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu muddooyinkii udambeeyay waday olole uu ku rabo in lagu sameeyo Somaliland la wada leeyahay. Siyaasi Jamaal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay oo loo baahanyahay in la hirgeliyo heshiiskii uu Prof Galeyr la galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Jamaal ayaa waxa uu arrimahaas kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan: “‘Karis xun iyana wax ku la'” prof Cali Khaliif Galaydh waa runtii Oo weli Somaliland la wada leeyahay inay sameysanto ayaan aniga iyo dadka badankooduba ku raacsan nahay. Si aftahanimo leh Oo macquulana wuu uga jawaabay suaalihii la weydiiyey isaga iyo prof Samatarba. Heshiiskii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo la galay in la hirgeliyo waa muhiim. Laakiin inkaar baa kaga dhacday siyaasiyiinta Somaliland inay heshiisyada ay galaan inay hirgeliyaan. Umaba arkaan axdi xaashi lagu qoray Oo dad ka markhaati yihiin Oo aakhiro la weydiin doono. Ma Caqli xumo ayeey ka tahay, Ma khiyaamo ayeey ka tahay. Aakhirkana iyaguun bay dhaawacda Oo kolka danbe beentooda lagu bartaa. Intee ayeey beentu si socon kartaa. Hadaanay jireyn Somaliland la wada leeyahay, iyana wax ku la’ waana sababta aanay u jirin siyaasad cad Oo jiho leh Oo ay siyaasadeena arrimaha dibaddu raacdo. Waa siyaasad ku sheeg iska gole ka fuul ah iyo kolba nin cad Oo laysla soo sawiro. Bal car waa kuwaase labada shakhsi ha ka faa’iideystaan prof Cali Khaliif iyo prof Axmed Ismaaciil Samatar, dawladii Siilaanyo ayaaba labadooda isku dayday inay soo dhaweyso. Kolka siyaasadda arrimaha gudaha laga shaqeeyo ee ay ifayso ee dadka walaalaha ah ee wada nool laysku soo dhaweeyo ee wax la wada yeesho ayaa siyaasadda arimaha dibadana laga shaqayn karaa. Dal ehelu caqliga iyo ehelu cilmiga neceb meel gaadhi maayo. Karis xun iyana wax ku la”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Peace in Somalia seems as elusive as ever. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Armed Forces continue to battle insurgents throughout the East African country as American warplanes launch airstrikes against.... Source: Hiiraan Online
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed. Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo uu ka mid yahay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli u xiran dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in muqtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Oayaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay wax auu u balan qaaday in dowladda uu kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa Muqtaar Roobow oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse dowladda isku-soo dhiibay. Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay Muqtaar Roobow,waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu siidaayo, iyada oo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay dalbadeen in mudo 15 Cisho gudahood lagu siidaayo.
  19. Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan. Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen. Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin. Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta. Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm. 28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa. Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay. Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey. Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto. Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan. Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro. Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda. Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya. Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya. Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan. Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan. Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo. Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo. Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin. Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan. Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan. Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye. Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola. Maxamed Bashe Xaaji Xasan Qaran News
  20. Eritreans are unable to access social media networks from yesteday, the BBC’s Tigrinya Service reports. People have thus been forced to turn to Virtual Private Networks, VPN, to exchange messages. In Eritrea, the internet cannot be accessed via mobile phones, the report added. The government is said to have taken the measure to avert an intended protest as the country gears up for its 26th Independence Day celebrations on May 24. Asmara has yet to officially respond to the development. Communication like media is strictly under government control in the country considered to be a one-party state. President Isaias Afwerki is the sole president since 1993, there is no opposition in the country. Eritrea has serially been accused of violently crashing on dissent and muzzling the media which is currently non-existent. Internet World statistics indicate that Eritrea has by far the lowest internet penetration on the continent. As at 2018, it had only 71,000 internet users, estimated to be 1.3% of the population. Daily News Qaran News
  21. Somali Islamist insurgents are making their own explosives, according to a confidential U.N. report seen by Reuters, as they mount more frequent and deadly attacks. Source: Hiiraan Online
  22. New York (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u gudubtay heer qaraxyada ku sameystaan gacmahooda, sida ay shaaca ka qaaday warbixin ay diyaariyeen guddi khuburo ah oo ka tirsan QM. “Markii ugu horreysay taariikhda, taxliil lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamaysa in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen bambooyinka, waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga una wareegaan kuwa lagu sameeyo guryaha” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada QM. “Akhbaaraadka aan helnay ayaa soo jeedinaya xiriir weyn oo ka dhaxeeya horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid qaraxyada waa weyn ee Muqdisho” ayay tiri warbixinta. Daraasadda ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxaa saldhig u ahaa 20 qarax oo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay tan iyo bishii July ee 2018. Lama shaacin cidda taxliisha sameysay, hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay hay’adda minooyinka ee QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale. Al-Shabaab ayaa markii hore isku haleyn jirtay miinooyinka milatari oo ay dib uga farsameeyaan miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse waxay hadda gaareen heer ay si buuxda ayaga u sameeyaan qaraxyada. Tani waxay u sahashay inay sare u qaadaan weerarada Muqdisho, oo uu ka mid yahay weerarkii dhimashada badnaa ee October 2017 ee Zoobe. Khubrada ayaa muddo rumeysnaa in laga yaabo in Al-Shabaab ay mararka qaar adeegsdaana miinooyin ay ayaga sameeyaan, balse wax caddeyn ah looma hayn ka hor taxliishan. Warbixinta ayaa sheegtay in waxaayabaha Al-Shabaab ay isku daraan ee ay ka sameeyaan bambooyinka ay ka mid yihiin kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxul. Farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay billowday ayaa adkeyn doonto in qaraxyadooda laga hortago ama la xakameeyo, sida ay warbixinta sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com