-
Content Count
208,461 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxo hubeysan ayaa degmada Karaan ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa. Cabdi casiis Cabdullahi Maxamed ayaa dableey hubeeysan oo aan heeyntooda la garan ay toogteen. Cabdi casiis ayaa kamid ahaa Dhalinyarada ugu firfircoon ee Degmadaasi waxa uuna halkaasi kulahaa Tima jare uu kasoo saaranjirey Nolol Maalmeedkiisa. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo howlgal ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto dad shacab ah iyo xubno katirsan dowlada Soomaaliya. Puntland Post The post Koox hubeeysan oo wiil dhalinyaro ahaaa ku dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn karo maadaamaa ay horyaalliin caqabado aad u badan. Warkan oo aan ka soo xigannay FANA ayaa sheegaya in shirka guddiga fulinta lagu lafa guray qorshaha ammaanka dalka oo mudda hal sana ah dalkaasi laga hirgeliyey iyo caqabadaha dhinaca ammaanka ee hortaagan. Wuxuuna shirku uu dib u eegis ku sameeyey caqabadaha dhinaca ammaanka hortaagan, howlaha aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen. Sida lagu sheegay bayaan ay guddiga fulintu gabagabada shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ay noqotay hay’adaha amniga ee isbeddelka la taaban karo ku tallaabsaday xagga qaab dhismeedka iyo dib u habeynta howl maalmeedka wasaaradda. Hase ahaatee, shirka uu yeeshay guddiga Fulinta wuxuu walaac aad u weyn uu ka muujiyey xaaladda amni ee dalka oo qayba badan oo dalka ka mid ah ay sii murgeyso. Wuxuuna Guddiguy uu carrabka ku dhuftay qabyaaladda, hubka sharci darrada ah oo dalka siyaaba badan u soo galaya, isku dhacyada beelaha oo dalka ku soo badanaya oo sababay malayiin barakacayaal ah iyo dowlad deegannada oo isku haysta dhulka xadka ah ee ay wadaagaan. Arrimahaasi oo oo ay sii huriyaan wararka been abuurka ah ee lagu tabiyo baraha bulshada kuwaas oo mararka qaar sababa dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan uu ku daato. Wuxuuna ugu dambeyn shirka guddiga fulinta uu ku soo gabagaboobay isaga oo sheegay waxyaabaha amniga dalka halis gelin kara in wixi hadda ka dambeeya in gacan bir ah loola tago si wax waliba looga horreysiiyo xasiloonida dalka. Haddaba dadka u kuur gala siyaasadda dalkaasi Itoobiya ayaa waxay ku doodayaan in amni darrada iyo guud ahaan xaaladaha aan xasilneyn ee ka taagan dalkaasi ay ugu wacan tahay isbeddelka ka dhacay dalkaasi in uu u dhacay si ka duwan isbaddalada siyaasadeed ee ka dhaca wadammada kale ee dunida. Haddaba, Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusaya daraasaadka amniga caalamiga ah oo wax ka barta jaamacadda National University of Public Service oo ku taalla Pudapest oo BBC wareysi gaar ah siiyey wuxuu sheegay in isbeddelka ka dhacay Itoobiya uusan u dhicin sidii looga bartay isbeddellada siyaasadeed ee waddamada caalamka ka dhaca. “Isbeddelku in uu ku yimaaddo xisbiya siyaasadeed oo mucaarad ah oo isu tagay oo ku qanacsanaan waayey geeddi socodka siyaasadeed ee dowladda marka ay labada dhinac oo taageera shacab kala haysta ay isku mari waayaan siyaasadda dalka si xal looga helo waxaa la go’aansadaa in la galo isbeddel siyaasadeed oo dimuqraadiyad ku dhisan labada dhinacna ay heshiis ku yihiin.” ayuu yiri Dr Cali. “Isbeddelka Itoobiya ka dhacay wuxuu ahaa mid aan isku habeysneyn oo bulshooyin kala duwan ay ka cabanayeen dowladda xisbiga EPRDF uu hoggaamiyo sida ay wax u waddo, tasoo keentay iney qolo walba isbeddelka gooni u sameyso.” “Isbeddel marka uu dhaco shacabka ku nool dalka uu isbeddelka ka dhacay falcelin fara badan ayey sameeyaan taas oo laga yaabo inay saamayn u ku yeelato nabadgalyada guud ee waddanka oo dhan, isbeddel kasta oo dimuqraadiyadeed oo dhacana waxuu wataa qalalaasyo laguba garto inuu dalkaasi isbeddel ka dhacay.” ayuu sii raaciyey Dr Cali Sheikh. Dr Cali mar uu ka hadlayey halka uu isbeddelka Itoobiya ka dhacay uu ku dambeyn karo wuxuu yiri “isbeddelka Itoobiya ka dhacay wax badan oo uu qabtay oo wanaagsan oo bulshada ka farxisay oo ay qaadday xukumadda Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed, balse su’aasha taagan ee la is waydiinayo waxay tahay isbeddelka ma yahay mid dhab ahaan sharciga ku saleysan?” “Tusaala ahaan Dr Abiy Axmed wuxuu ka dhawajiyey in xabsiga Itoobiya uu ahaa meel aragagixisada lagu sameeyo, marka shaqsiyaadki mas’uuliyiinta ahaa waa la beddelay laakiin nidaamki xabsiga uu ku dhaqmayey ma la beddelay sharci ahaan waa maya.” “Marka ilaa isbeddel dhanka sharciga ah la sameeyo oo dawladda qaab dhismeedkaba si sharci ah wax badan looga beddelo lagama yaabo dadku inay inta badan ku qanacsanaadaan sida uu isbeddelka u dhacayo” ayuu yiri Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusay daraasaadka amniga caalamiga. Isbeddelka siyaasadeed ee sanad ka hor ka curtay dalka Itoobiya ayaan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono. Xigasho: BBC Somali
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xariga xildhibaan Dhakool. Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu sheegay in xariga Xildhibaanka Dhakool loo maray sifo sharci daro ah, isagoona ku baaqay in nidaamka loo maro xarigiisa. Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanku uu dambi weyn ka galay Somaliland, loona baahanyahay in sharciga la hor-geeyo. Faysal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xariga Xildhibaanka uu isaga u ahaa bad-baado, oo ay dili lahaayen dadku, isagoona saluug weyn ka muujiyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sanadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Berigii dhowayd ee aan Baarlamaanka ka baryaynay inay Xeerka Booliiska u daayaan qaabkii shacabka u tudhayay, ayaanu ku nidhi weligiin xildhibaano xasaanad leh ahaan maysaane u eega sidii qof shacab ahi u eegi lahaa. Burkaba kamaan filayn iyana xisaabta kumay darsan in iyaga oo weli xildhibaano ah ay ku dhacayso. Waxaaynu hada hadal haynaa xildhibaan xasaanad leh oo la xidhay, lama xidhin oo keliya ah ee gurigiisa la galay goor habeenimo ah oo ka danbaysay xiliga sharcigu ogolaa in guri dad la galo xitaa hadii waaran la haysto, in gudoomiyihii Golaha Wakiiladu ku cawday in loo diiday inuu soo arko. Mid baan bartay: waxa inagu yar damqashada. Qofka markay soo gaadho ama ka ay wax isku yihiin ay soo gaadho ayuun buu xanuunsada, inta ka horaysa wuu kula yaabayaa. Rasuulku (SCW) wuxuu inoo sheegay in dadku noqdo sida hal jidh keliya oo isku damqado. Inta taasi maqan tahay maalinba qof iyo koox ayaa ooyi, inta kale ayaa dhoosha ka qosli. Markasta oo aan is idhaahdo aamus oo dib ha u hadlin waxa i qiiro gelisa hooyo aan iyadu waxba galabsan oo gurigeedii loogu galay saq dhex iyada oo nabad ku soo hooysatay, eedna isku ogayn. Qiyaas ilmaha gurigaas hurday ee aan isagu/iyadu waxba galabsan. W/Q: Garyaqaan Guuleed Dafac Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
As a caveat, I would like to state here that my argument against the involvement of President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia (FRS) in any presidential elections of the federal member states (FMS) should not be interpreted as an approval of state elections. To the contrary, FMS elections are far from acceptable level. The responsibility for resolving legal disputes between federal government levels rests with the Constitutional Court. President Formajo is responsible for everything wrong with the political elections in Somalia because he had the awareness, experience, opportunity, and constitutional responsibility of setting the stage for democratic electoral system at all levels of the federal government by promoting the completion of the federal constitution, the establishment of the constitutional court, credible election and party laws, and other critical institutions in 2017/8 but he has miserably failed. That said, since the highest priority of President Farmajo is to remove President Haaf from office before 2020 in any way possible, he is now determined to force controversial presidential election in Galmudug state in July 2019 which marks the end of the four year term of former President Abdikarim Hussein Guled, elected on July 4, 2015. However, the term of President Ahmed Du’ale Ghelle Haaf, elected on May 3, 2017 ends on May 2, 2021, extended for another year for legitimate reasons described below. Galmudug state Constitution didn’t stipulate that the Vice President in office or newly elected president will complete the remaining period of the term of the president who vacates the office for death, resignation, or dismissal. The case of the federal government is different. Article 95 (4) of the Provisional Federal Constitution (PFC) stipulates that if an incumbent president vacates office before end of his term, the successor will complete the remaining period of the term. The federal president has no vice president and is not part of the executive, while presidents of FMS are heads of the executive branch of state governments and have vice presidents. Each FMS has different constitution and structure. Article 120 of the PFC stipulates that each state constitution regulates the establishment of the legislative and executive bodies of each FMS independently. Each state shall have its state Supreme Court independent from federal Supreme Court. FGS and FMS share the Constitutional Court. Furthermore, article 142 limits the intrusion of the federal government in the internal affairs of the FMS. It mandates that until the provisions of the federal government constitution and of the FMS constitutions are harmonized, the federal government should unambiguously respect the provisions of each FMS constitution. Therefore, Somali Federal President has no legal base, authority, role, and responsibility in the FMS presidential elections. In fact, former president of Puntland Professor Abdiweli Mohamed Ali Gas successfully kept federal government out of Puntland Presidential election in January 2019. President Formajo attended the inauguration ceremony of the elected president Said Abdullahi Deni with circumspect and deference. What is unique for Galmudug state is that it was initially established in 2015 as divided state and the international community demanded and lobbied for united Galmudug State to provide international support. After long and sustained personal efforts of President Haaf, Djibouti President Ismail Omar Ghelle and actors from the International community sponsored a reconciliation process between Galmudug State in Adado and Ahlu Sunna Wal Jama Central State Administration in Dhusamareb that culminated into Djibouti Agreement, hailed by President Farmajo, Presidents of the FMS and representatives of the International community who attended the inauguration ceremony held in Dhusamareb. Also, the UN Security Council warmly supported the implementation of Djibouti agreement that ended the divided Galmudug State. The Djibouti agreement required the creation of First Minister position with some responsibilities taken from the President, the merger of 2 constitutions, 2 parliaments, 2 cabinets, and 2 security forces and administrations, 2 state emblems with the proviso that the combined parliament will ratify the new constitution. The new Constitution repealed prior constitutions and includes articles for new 4 year term for the parliament and president starting from May 3, 2018. That means that the term of Galmudug Parliament and President will end on May 3, 2022. Overall, the unification of the Galmudug State has been received well and celebrated at local, national, and international levels. The major benefit from the unification of Galmudug authorities was to focus on democratic governance and development of the state. However, there have been local community members and former Galmudug leaders opposed to the implementation of Djibouti agreement for two main reasons: a) the agreement caused the relocation of Galmudug State from Adado, former temporary seat to Dhusamareb town, the state capital; and b) there was different structural power-sharing between Adado Galmudug State and Ahlu Sunna Central State Administration that caused power sharing variance. The merged Galmudug constitution provides provision for reform that will redress the anomalies before the 2022 election. President Farmajo rather than helping to mitigate the side effects of the reconciliation and compromise agreement, he took advantage of local grievances for igniting new division and campaign for destabilization and strangulation by withholding the federal budget allocation and other international support to Galmudug state, an illegal and immoral action. The aim behind his action was to force the resignation or dismissal of President Haaf. As pointed out by President Said Deni of Puntland in his press conference on the Garowe meeting between the FGS and FMS that ended without agreement, President Farmajo has shown categorical rejection of the principles of federalism listed under article 50 and the principles of collaborative relationship between various levels of government under article 51 of the PFC through formal, credible arrangement. Article 50 (C) requires the existence and sustainable relationship between FMS, and between FGS and FMS for the spirit of national unity. Article 51 reinforces the cooperative relationship between all levels of government. Law on the subject develops on sustained relationship and dialogue. President Farmajo is not invoking any law or norm that allows him to mandate, involve, intervene, and fund Galmudug presidential election because neither the federal nor the state constitutions have given him that authority. It is disaster in the making if the federal president elected to uphold and protect the constitution and rule of law is determined to break the law and force controversial Galmudug presidential election. The unlawful destabilization, economic embargo, and bullying of President Farmajo against President Haaf by using paid federal forces and social media cons, bribery, clan allegiances, and other abuses will open the door to warfare and permission to take the law into every ones’ own hands. In the absence of the Constitutional Court, urgent intervention of International diplomats, particularly the United Nations that spearheaded the unification of the Galmudug State is required to avoid further deterioration of the political and security situation in Galmudug State which could spill over to other parts of the country. The economic embargo should be lifted immediately. The experience of the brazen illegal and violent process of Southwest state Presidential election under the patronage or direction of President Farmajo is still haunting the country and should serve as a dire warning for what could happen in other States unless such conduct is checked in immediately. Immediate end of president Farmajo’s destructive campaign against Galmudug State is in the hands of the international partners interested in peacebuilding and statebuilding in Somalia. Silence will be interpreted as duplicity and permission for lawlessness and chaos. By: Dr. Mohamud M Uluso mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Mr Ben Fender , ayaa sheegay inaanay dunidu mahadin wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu siyaasiyiinta ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xidhiidh dhab ah oo wax dhisaya. Danjire Ben, waxa kale oo uu sheegay inuu qabo dareenka ay dad badani qabaan ee ah inay sii adkaanayso xaaladda in Somaliland lagaga dhex shaqeeyo mihnada saxaafadda. Safiirku wuxuu u waramay weriye Axmed Cali Cige oo ka tirsan Telefishanka HCTV, waxaanu waraysiga oo uu safiirku sidoo kale kaga hadlay arrimaha doorashada baarlamaanka iyo khilaafka xisbiyada uu u dhacay sidan: Waxa jira khilaaf u dhaxeeya xisbiyada siyaasada Somaliland waanad la kulantay maxay u dhici wayday in xal rasmi ah loo helo caqabadaha taagan? Dabcan su’aasha doorashooyinku waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, doorashadii ugu danbaysay ee golaha hoose waxay ahayd 2005-tii run ahaantiina muddo dheer ayay ahayd waxaan jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan wayna noqon kartaa aragtidaydana taasi waa mudo dheer, waxaan ku boorinayaa xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suurto gal u noqoto inay doorashooyinku wakhtigiida ku qabsoomaan dabayaaqada sanadkan, waxaan u malaynayaa inay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystirka siyaasada gudaha Somaliland waxaana jira dad badan oo da’ yar ah oo aan waligood cod doorasho dhiiban waxii ka danbeeyay doorashadii baarlamaanka, xubno baarlamaanka ka tirsan may arkin wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa, sidaas daraadeed waxan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan tanaasulaad suurto galiya inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto dibu dhac la’aan, taasina maaha mid deg deg ku ah inay doorashadu qabsoonto waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugudhakhsaha badan. Xukuumada Somaliland waxa lagu eedeeyaa inay ku xad gudbaan xoriyatul qawlka saxafiyiin badana waa la xidhaa, xubno mucaaradka ka tirsan ayaa xabsiga loo taxaabay iyo wargeysyo xayiraad la saaray, dadka qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may canbaarayn talaabooyinkaas ka dhanka ah hanaanka dimuqraadiyada iyo isku xukunka sharciga maxaad arintaas ka leedahay ? Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka gaysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo waxaanu gacan siinaa garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga si loo xushmeeyo cabashooyinka xuquuqul iinsaanka sidaas daraadeed waxaanu taageernaa hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimaynayna si loo gacan siiyo in xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo ay lala xisaabtamo waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha iyo sida kiisaska maxkamadaha loo wado, waxaanu booliskana ku tabobarnaa xuquuqda aadamiga waxaanan u malaynayaa inay taasi tahay mid la taaban karo oo dhab ah waxaan doonayaa in ciidamada amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan waanay noqon karaa, taas oo ay macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool. Waxa jira walaac sheegaya inaad saxafi ka ahaato Somaliland arintaasi ma kuu muuqataa? Arintaasi waa ay ii muuqataa, Uk waxay hoggaanka u qabtay wadamada caalamka ee taageera madax banaanida saxaafada waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan madax banaanida saxaafada,oo lagu qabanaayo London 10-11 ka Julay,saddexdii May maalinta madaxbanaanida saxaafada aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyeen ah waxaanan ka wada hadalnay arimo door ah oo saxafiyintaasi ay la kulmaan,waxaanu aad ugu wanaagsanayan taageerida madax banaanida warbaahinta anaga oo aaminsan in warbaahinta madax banaan oo la helaa ay burburin karto musuqa, iyo inay gacan ka gaysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale bulsho kasta oo xor ah ilaa iyo hadda madaxbanaanida saxaafadu waa hadaf muhiim ah waana mid ka mid ah hawlaha wasiirkayaga arimaha dibada uu ku martigalinaayo qabashada shirka Julay. Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya may qabsoomin muddo, dawlada UK-na waxay ahayd dawladii dedaalka ugu jiray wada hadalkaas, ma jirtaa jid cusub oo miiska wadahadalka laysugu keeni karo mar kale? Waxa cad wada hadal kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe uu yahay mid aanay dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantooda in aynu si aad ah gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsooni lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah ee qof waliba inuu ogaado ay tahay haddii ay talaabadaas qaadaan waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka waxaanan hubaa inay arintaasi iman doonto. Geeska Qaran News
-
Dhamaan shaqaalaha Iyo hawl wadeenada shabakada caalamiga ah ee qarannews, waxa ay hambalyo Iyo dabaal Deg u gudbinaysaa dhamaan shicibka reer Somaliland gudo Iyo dibadba. Anaga oo Ku hambalyaynayna xuska 18ka May oo Ku beegan maalinta Bari ah. Waxa aanu xukumadda Iyo xisbiyada Qaranka ku garab taaganyahay mawqifkooda ah weynaynta maalinta 18ka may oo ah maalin qaran Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay qorsheeneyso inay maamul cusub ku dul dhisto, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhinac. Arrintan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa, oo ka qeyb-galay barnaamij ay qabatay idaacadda BBC. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay jaratay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulkaas, si ay cadaadiska ugu xoojiso. “Waxaan ku baaqnay in madaxda dowladda Federaalku inay faragalinta ka daayaan arrimaha hoose ee Galmudug, oo aad wada ogtihiin inay aad ugu mashquulsan yihiin inay dowlad labaad ka sameeyaan meel kamid ah Galmudug dhexdeeda iyo in ugu dambeyn ay fasaxaan dhaqaalaha ka xayiran Galmudug”, ayuu yri Wasiir Masagawaa. Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay oo ay gacan siiso madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug, oo kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maareeye oo isna BBC la hadlay ayaa beeniyey eedda Galmudug, wuxuuna ku eedeeyey hoggaanka maamulkaas inay isku dayayaan inay waqtiga kororsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qarannews (Addis Ababa): The new Somaliland representative to Ethiopia, Salan Hassan Abdille welcomed the Finnish Ambassadors to Ethiopia Kristi Aarnio and Kenya, Tarja Fernandez, to the liasion office in Addis Ababa. The two ambassador’s paid a courtesy call to the new Somaliland representative, Salan Hassan and his deputy, Mohamed Abdikarin. Finland is one of the strongest supporters of Somaliland with regard to democracy and good governance. The diplomats discussed areas of mutual interest and the strengthen of the ties between the two countries. Qaran News
-
Somaliland existed long before 1960 and received its independence before most African countries including Somalia and Djibouti. Somaliland, without a doubt, is the only country of the five Somalis which sincerely sought the unification of all Somalis. Somalilanders participated in the struggle for independence in the most famous patriotic songs and poetry. But these feelings and nationalistic spirit resulted the bombing of the country and its inhabitants lived in refugee camps in Ethiopia. I witnessed the aerial bombardment of war planes in the city of Hargeisa in 1988. However, Somaliland survived the upheaval, massacre and the atrocities which besieged many countries in the world and the never ending killing which is happening in Somalia. Since 1991 there are people who thought Somaliland will crumble and will not survive, but day after day its strength and development are mo Dahir Omar Salah Qaran News
-
Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan. Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen. Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin. Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta. Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm. 28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa. Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay. Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey. Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto. Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan. Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro. Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda. Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya. Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya. Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan. Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan. Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo. Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo. Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin. Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan. Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan. Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye. Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola. Maxamed Bashe Xaaji Xasan Source
-
(SLT-Nairobi)-Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in madaxweynihii hore Daniel Arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo dollar isaga oo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay 53 aykar muddo haatan laga joogo 36 sano ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sabtembar 1983 uu madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa Noah Kipngeny Chelugui Wargeyska ayaa sheegay Moi uu 24 sanno ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai. Telefishinka Citizen TV ayaa ku warramay in xaakimkii maxkamaddu uu sheegay in dhulka loola wareegay “si sharci darro ah” isla markaasna “aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas”. Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood (K) oo lala xiriiriyay qoyska Rai ay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doolar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo. Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, Rai Plywood iyo shirkado kale. Source
-
Berbera, Bosaso and Mogadishu, March 2019, Berbera, Bosaso and Mogadishu – Over 100 young men and women secured employment during job fairs organized by UN-Habitat’s Youth Employment Somalia (YES) programme in Somalia’s capital Mogadishu, Berbera in Somaliland and Bosaso in Puntland. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland is opening its doors for more business institutions and development organizations to venture into the country. Source: Hiiraan Online
-
Operations against al Shabaab in Somalia will escalate to a final push according to a communique from AMISOM, the AU mission in the east African country. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) on Thursday killed seven al-Shabab militants in clashes in Somalia's southern region of Gedo, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online