-
Content Count
208,453 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa(SMN):–Munaasabad Weyn oo loogu Dabaaldagayo 18may oo ah Maalin ay Maamulka iyo Shacabka Somaliland u aqoonsan yihiin Soomaaliya inteeda kale in ay ka go’een ayaa haatan ka socota Magaalada Hargeysa Cutubyo Kamid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Dhuulatus ku samaynaya halka lagu xusayo munaasbada 18may oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Golayaasha Somaliland Sida Xukuumadda Parlamanka iyo Golaha Guurtida. Dadweyne aad u tiro badan ayaa kusii qulqulaya halka ay munaasbadu ka dhaceyso. Munaasabadda xuska inta ay socoto waxa halkaaasi qudbado ku qotoma Ahmiyada ay Somaliland u leedahay Maalintan ka jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Kale. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdulaahi fadal iimaaan ayaa Hambalyo u diray Shacbiga Deeganada Maamulkaasi, isagoo dhinaca kale Laamaha Amniga ugu baaqay in Taxadar iyo Feejignaan dheeri ah la muujiyo inya ay Munaasbadda Xuska ah Socoto Xuska Sanadkan ee 18may ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa Xili ay kala aragti Duwanaan Dhinaca Fikirka Siyaasiga ah u dhaxayso Masuuliyiinta Xilalka kahaya Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa Maalmo kahor Xabsiga u taxaabay Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Parlamanka Kadib markii uu Maalintan 18may ku Tilmaamay in uu isagu u yaqaan maalin Madow oo aan wax micnaha soo kor dhinayn. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysall Cali waraabe ayaa hadalkasi u tilmamay mid gaf ah wuxuuna sheegay hadii aan sharciga la waa fajin xildhibaankan in uusan ka badbaadayn shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-18052019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Congratulations On The 28th Anniversary Of May 18th The staff, contributors and patrons of Qarannews Media Group would like to extend their felicitations to all the people of Somaliland, both at home and abroad on the 28th anniversary of the reclamation of sovereignty. Qarannews supports the government, the national parliament, the national parties, the national armed forces, and all the national institutions on this historic day. The 18th of May is a National Day. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in dowladda Cuba ay aqbashay bixinta dhaqaalo Madax furasho ah oo lagu sii deynayo labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Al Shabaab u afduuban. Dhaqaatiirtaasi ayaa Al Shabaab waxay kasoo afduubteen duleedka magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay lasoo aadeen dhanka gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay la dhacday jawaabta dowladda ay ka heshay Odayaasha dhaqanka ee shaaciyay inay Nool yihiin dhaqaatiirta u afduuban Al Shabaab. Waxaa kaloo la sheegay in dowladda Kenya ay la dhacday hadalka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan inay doonayaan lacag Madax Furasho ah, waxaana dowladda Cuba ay hadda aqbashay bixinta lacagtaasi. Madaxda Cuba iyo Kenya ayaa si deg deg ah arintaasi uga wada hadlay waxaana labadda dhinac ay isku Afgarteen in ay bixiyaan dhaqaallaha ay dalbeen Kooxda hubeysan ee dhaqaatiirta ku heysata Soomaaliya. Kooxda hubeysan ee heysta dhaqaatiirta ayaa dalbaday lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, islamarkaana dalabkaasi durba waxaa aqbalay Cuba iyo Kenya si loo badbaadiyo dhaqaatiirtaasi. Kooxaha Hubeysan ayaa waxay dhaqaatiirtaasi ku hayaan Soomaaliya, waxaana jiray wadahadal ay odayaasha dhaqanka oo ka kala socday Kenya iyo Soomaaliya ay la fureen Al Shabaabka ay u afduuban yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
HARGEYSA, SOMALILAND—Maamulka sida iskiis ah goonida isu-taagay ee Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degaya 28 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya. Ma jiro dal illaa hadda u aqoonsaday Somaliland qaran madax-bannaan laakiin caasimadda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga munaasabadda. Xildhibaan Cabdi-raxmaan Cartan ayaa isagoo dhex-fadhiya baarlamanka Somaliland sharraxay halganka dalkiisu ugu jiro inuu helo aqoonsi caalami ah wuxuuna yiri: “Waxaa jirta xaalad gaar ah oo ay tahay in Somaliland lagu aqoonsado, waana arrin sharci ah in la eego waxa u qabsoomay Somaliland iyo sida dadka Somaliland ay u noqdeen dad madax-bannaan oo xor ah waxayna xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan bulshada caalamka.” Waddooyinka magaalada Hargeysa ayaa lagu arkayey wajiyo lagu xardhay astaamaha Somaliland iyadoo kummannaan dad ah ay isugu imaan doonaan fagaaraha xorriyadda si ay ugu dabbaal-degaan sannad-guuradii kasoo wareegtay maalintii Somaliland ay ku dhawaaqday inay iskeed uga go’do Soomaaliya. Iyadoo ay jirto aqoonsi la’aanta beesha caalamka, dadka Somaliland sida arday reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa wali ku taamaya in maalintaas la gaari doono. “Sida annagu aan isku aragno waxaan nahay dad madax-bannaan, taasina waa sababta aan ugu faraxsannahay inaan aragno dad badan oo u dabbaal-degaya maalintan taariikhiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi. Somaliland oo Ingiriisku horey u gumeystay ayaa xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1961 shan maalmood kaddib markii Muqdisho ay ka xorowday dalka Talyaaniga Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay gooni ka noqoto Soomaaliya markii jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka arriminayey 21 sano. Source: goobjoog.com
-
BEIJING (Reuters) - China offered strong support to Iran on Friday, with its top diplomat telling Iran’s foreign minister that China opposes unilateral sanctions and supports Tehran’s efforts to safeguard its interests. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday sababta ay dhaqaalaha uga jartay maamulka Galmudug oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay dowladda u joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug ay tahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan madaxda maamulkaas. Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ayaa kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf, waxaana garab siiya madaxda dowladda federaalka, oo u adeegsada ina ku jabiyaan Xaaf. “Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan.” Ayuu yiri Maareeye oo sababeeyey sababta dhaqaalaha looga jaray Galmudug. Xiisadda Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa meesha ugu xun gaartay markii uu fashilmay shirkii Garoowe oo arrinta Galmudug ay ka mid ahayd qodobada ugu weyn ee la isku qabtay. Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in waqtiga Xaaf ku eg yahay sanadkan, oo ay tahay in doorasho la qabto, halka Xaaf uu sheegay in waqtigiisa ka billowdo heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee 2018 ka dhacay Jabuuti, taasi oo macnaheedu yahay in saddex sano ay u hartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ka wada degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana baaritaanka uu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan ay dil ka geysteen suuqa degmada Kaaraan. Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ayaa ku dilay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamuud oo ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha degmada Kaaraan. Ciidamada amaanka ee degmada Kaaraan ayaa baaritaan ka wada xaafadaha xalay uu dilka ka dhacay, waxaana xabsiga la dhigay dhalinyaro badan oo lagu tuhmayo dilkii xalay ka dhacay degmadaasi. Ciidamada Booliska degmada Kaaraan ayaa ilaa saaka baaritaan ka wada suuqa degmada, waxaana la sheegayaa in dadka la qabtay ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Kaaraan. Waa dilkii labaad oo Degmada Kaaraan ka dhaca tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan, isniintii Bartamihii todobaadkii tagay koox hubeysan ayaa Waaxda Jabuuti ku toogatay askari katirsan Militariga Dowladda, halka mid kale uu dhaawac soo gaaray. Sidoo kale maalmo kahor Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Degmada Kaaraan howlgalo kala duwan oo laga sameeyay lagu soo qabtay dad ka dambeeyay dilka qof kamid ah dadka degmada iyo kuwo ku howlanaa iibinta maandooriyaha. Masuuliyiinta degmada Kaaraan ayaa sheegay in saacadaha uu howlgalka dhamaado ay warbaahinta la hadli doonaan islamarkaana ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxday baaritaanka ay ciidamada sameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaan ayaa ah kulankii 15-aad ee kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ajendaha kulanka ayaa ah 3 qodob. 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kooxo hubeysan ayaa degmada Karaan ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa. Cabdi casiis Cabdullahi Maxamed ayaa dableey hubeeysan oo aan heeyntooda la garan ay toogteen. Cabdi casiis ayaa kamid ahaa Dhalinyarada ugu firfircoon ee Degmadaasi waxa uuna halkaasi kulahaa Tima jare uu kasoo saaranjirey Nolol Maalmeedkiisa. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo howlgal ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto dad shacab ah iyo xubno katirsan dowlada Soomaaliya. Puntland Post The post Koox hubeeysan oo wiil dhalinyaro ahaaa ku dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn karo maadaamaa ay horyaalliin caqabado aad u badan. Warkan oo aan ka soo xigannay FANA ayaa sheegaya in shirka guddiga fulinta lagu lafa guray qorshaha ammaanka dalka oo mudda hal sana ah dalkaasi laga hirgeliyey iyo caqabadaha dhinaca ammaanka ee hortaagan. Wuxuuna shirku uu dib u eegis ku sameeyey caqabadaha dhinaca ammaanka hortaagan, howlaha aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen. Sida lagu sheegay bayaan ay guddiga fulintu gabagabada shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ay noqotay hay’adaha amniga ee isbeddelka la taaban karo ku tallaabsaday xagga qaab dhismeedka iyo dib u habeynta howl maalmeedka wasaaradda. Hase ahaatee, shirka uu yeeshay guddiga Fulinta wuxuu walaac aad u weyn uu ka muujiyey xaaladda amni ee dalka oo qayba badan oo dalka ka mid ah ay sii murgeyso. Wuxuuna Guddiguy uu carrabka ku dhuftay qabyaaladda, hubka sharci darrada ah oo dalka siyaaba badan u soo galaya, isku dhacyada beelaha oo dalka ku soo badanaya oo sababay malayiin barakacayaal ah iyo dowlad deegannada oo isku haysta dhulka xadka ah ee ay wadaagaan. Arrimahaasi oo oo ay sii huriyaan wararka been abuurka ah ee lagu tabiyo baraha bulshada kuwaas oo mararka qaar sababa dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan uu ku daato. Wuxuuna ugu dambeyn shirka guddiga fulinta uu ku soo gabagaboobay isaga oo sheegay waxyaabaha amniga dalka halis gelin kara in wixi hadda ka dambeeya in gacan bir ah loola tago si wax waliba looga horreysiiyo xasiloonida dalka. Haddaba dadka u kuur gala siyaasadda dalkaasi Itoobiya ayaa waxay ku doodayaan in amni darrada iyo guud ahaan xaaladaha aan xasilneyn ee ka taagan dalkaasi ay ugu wacan tahay isbeddelka ka dhacay dalkaasi in uu u dhacay si ka duwan isbaddalada siyaasadeed ee ka dhaca wadammada kale ee dunida. Haddaba, Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusaya daraasaadka amniga caalamiga ah oo wax ka barta jaamacadda National University of Public Service oo ku taalla Pudapest oo BBC wareysi gaar ah siiyey wuxuu sheegay in isbeddelka ka dhacay Itoobiya uusan u dhicin sidii looga bartay isbeddellada siyaasadeed ee waddamada caalamka ka dhaca. “Isbeddelku in uu ku yimaaddo xisbiya siyaasadeed oo mucaarad ah oo isu tagay oo ku qanacsanaan waayey geeddi socodka siyaasadeed ee dowladda marka ay labada dhinac oo taageera shacab kala haysta ay isku mari waayaan siyaasadda dalka si xal looga helo waxaa la go’aansadaa in la galo isbeddel siyaasadeed oo dimuqraadiyad ku dhisan labada dhinacna ay heshiis ku yihiin.” ayuu yiri Dr Cali. “Isbeddelka Itoobiya ka dhacay wuxuu ahaa mid aan isku habeysneyn oo bulshooyin kala duwan ay ka cabanayeen dowladda xisbiga EPRDF uu hoggaamiyo sida ay wax u waddo, tasoo keentay iney qolo walba isbeddelka gooni u sameyso.” “Isbeddel marka uu dhaco shacabka ku nool dalka uu isbeddelka ka dhacay falcelin fara badan ayey sameeyaan taas oo laga yaabo inay saamayn u ku yeelato nabadgalyada guud ee waddanka oo dhan, isbeddel kasta oo dimuqraadiyadeed oo dhacana waxuu wataa qalalaasyo laguba garto inuu dalkaasi isbeddel ka dhacay.” ayuu sii raaciyey Dr Cali Sheikh. Dr Cali mar uu ka hadlayey halka uu isbeddelka Itoobiya ka dhacay uu ku dambeyn karo wuxuu yiri “isbeddelka Itoobiya ka dhacay wax badan oo uu qabtay oo wanaagsan oo bulshada ka farxisay oo ay qaadday xukumadda Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed, balse su’aasha taagan ee la is waydiinayo waxay tahay isbeddelka ma yahay mid dhab ahaan sharciga ku saleysan?” “Tusaala ahaan Dr Abiy Axmed wuxuu ka dhawajiyey in xabsiga Itoobiya uu ahaa meel aragagixisada lagu sameeyo, marka shaqsiyaadki mas’uuliyiinta ahaa waa la beddelay laakiin nidaamki xabsiga uu ku dhaqmayey ma la beddelay sharci ahaan waa maya.” “Marka ilaa isbeddel dhanka sharciga ah la sameeyo oo dawladda qaab dhismeedkaba si sharci ah wax badan looga beddelo lagama yaabo dadku inay inta badan ku qanacsanaadaan sida uu isbeddelka u dhacayo” ayuu yiri Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusay daraasaadka amniga caalamiga. Isbeddelka siyaasadeed ee sanad ka hor ka curtay dalka Itoobiya ayaan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono. Xigasho: BBC Somali
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xariga xildhibaan Dhakool. Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu sheegay in xariga Xildhibaanka Dhakool loo maray sifo sharci daro ah, isagoona ku baaqay in nidaamka loo maro xarigiisa. Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanku uu dambi weyn ka galay Somaliland, loona baahanyahay in sharciga la hor-geeyo. Faysal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xariga Xildhibaanka uu isaga u ahaa bad-baado, oo ay dili lahaayen dadku, isagoona saluug weyn ka muujiyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sanadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Berigii dhowayd ee aan Baarlamaanka ka baryaynay inay Xeerka Booliiska u daayaan qaabkii shacabka u tudhayay, ayaanu ku nidhi weligiin xildhibaano xasaanad leh ahaan maysaane u eega sidii qof shacab ahi u eegi lahaa. Burkaba kamaan filayn iyana xisaabta kumay darsan in iyaga oo weli xildhibaano ah ay ku dhacayso. Waxaaynu hada hadal haynaa xildhibaan xasaanad leh oo la xidhay, lama xidhin oo keliya ah ee gurigiisa la galay goor habeenimo ah oo ka danbaysay xiliga sharcigu ogolaa in guri dad la galo xitaa hadii waaran la haysto, in gudoomiyihii Golaha Wakiiladu ku cawday in loo diiday inuu soo arko. Mid baan bartay: waxa inagu yar damqashada. Qofka markay soo gaadho ama ka ay wax isku yihiin ay soo gaadho ayuun buu xanuunsada, inta ka horaysa wuu kula yaabayaa. Rasuulku (SCW) wuxuu inoo sheegay in dadku noqdo sida hal jidh keliya oo isku damqado. Inta taasi maqan tahay maalinba qof iyo koox ayaa ooyi, inta kale ayaa dhoosha ka qosli. Markasta oo aan is idhaahdo aamus oo dib ha u hadlin waxa i qiiro gelisa hooyo aan iyadu waxba galabsan oo gurigeedii loogu galay saq dhex iyada oo nabad ku soo hooysatay, eedna isku ogayn. Qiyaas ilmaha gurigaas hurday ee aan isagu/iyadu waxba galabsan. W/Q: Garyaqaan Guuleed Dafac Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
As a caveat, I would like to state here that my argument against the involvement of President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia (FRS) in any presidential elections of the federal member states (FMS) should not be interpreted as an approval of state elections. To the contrary, FMS elections are far from acceptable level. The responsibility for resolving legal disputes between federal government levels rests with the Constitutional Court. President Formajo is responsible for everything wrong with the political elections in Somalia because he had the awareness, experience, opportunity, and constitutional responsibility of setting the stage for democratic electoral system at all levels of the federal government by promoting the completion of the federal constitution, the establishment of the constitutional court, credible election and party laws, and other critical institutions in 2017/8 but he has miserably failed. That said, since the highest priority of President Farmajo is to remove President Haaf from office before 2020 in any way possible, he is now determined to force controversial presidential election in Galmudug state in July 2019 which marks the end of the four year term of former President Abdikarim Hussein Guled, elected on July 4, 2015. However, the term of President Ahmed Du’ale Ghelle Haaf, elected on May 3, 2017 ends on May 2, 2021, extended for another year for legitimate reasons described below. Galmudug state Constitution didn’t stipulate that the Vice President in office or newly elected president will complete the remaining period of the term of the president who vacates the office for death, resignation, or dismissal. The case of the federal government is different. Article 95 (4) of the Provisional Federal Constitution (PFC) stipulates that if an incumbent president vacates office before end of his term, the successor will complete the remaining period of the term. The federal president has no vice president and is not part of the executive, while presidents of FMS are heads of the executive branch of state governments and have vice presidents. Each FMS has different constitution and structure. Article 120 of the PFC stipulates that each state constitution regulates the establishment of the legislative and executive bodies of each FMS independently. Each state shall have its state Supreme Court independent from federal Supreme Court. FGS and FMS share the Constitutional Court. Furthermore, article 142 limits the intrusion of the federal government in the internal affairs of the FMS. It mandates that until the provisions of the federal government constitution and of the FMS constitutions are harmonized, the federal government should unambiguously respect the provisions of each FMS constitution. Therefore, Somali Federal President has no legal base, authority, role, and responsibility in the FMS presidential elections. In fact, former president of Puntland Professor Abdiweli Mohamed Ali Gas successfully kept federal government out of Puntland Presidential election in January 2019. President Formajo attended the inauguration ceremony of the elected president Said Abdullahi Deni with circumspect and deference. What is unique for Galmudug state is that it was initially established in 2015 as divided state and the international community demanded and lobbied for united Galmudug State to provide international support. After long and sustained personal efforts of President Haaf, Djibouti President Ismail Omar Ghelle and actors from the International community sponsored a reconciliation process between Galmudug State in Adado and Ahlu Sunna Wal Jama Central State Administration in Dhusamareb that culminated into Djibouti Agreement, hailed by President Farmajo, Presidents of the FMS and representatives of the International community who attended the inauguration ceremony held in Dhusamareb. Also, the UN Security Council warmly supported the implementation of Djibouti agreement that ended the divided Galmudug State. The Djibouti agreement required the creation of First Minister position with some responsibilities taken from the President, the merger of 2 constitutions, 2 parliaments, 2 cabinets, and 2 security forces and administrations, 2 state emblems with the proviso that the combined parliament will ratify the new constitution. The new Constitution repealed prior constitutions and includes articles for new 4 year term for the parliament and president starting from May 3, 2018. That means that the term of Galmudug Parliament and President will end on May 3, 2022. Overall, the unification of the Galmudug State has been received well and celebrated at local, national, and international levels. The major benefit from the unification of Galmudug authorities was to focus on democratic governance and development of the state. However, there have been local community members and former Galmudug leaders opposed to the implementation of Djibouti agreement for two main reasons: a) the agreement caused the relocation of Galmudug State from Adado, former temporary seat to Dhusamareb town, the state capital; and b) there was different structural power-sharing between Adado Galmudug State and Ahlu Sunna Central State Administration that caused power sharing variance. The merged Galmudug constitution provides provision for reform that will redress the anomalies before the 2022 election. President Farmajo rather than helping to mitigate the side effects of the reconciliation and compromise agreement, he took advantage of local grievances for igniting new division and campaign for destabilization and strangulation by withholding the federal budget allocation and other international support to Galmudug state, an illegal and immoral action. The aim behind his action was to force the resignation or dismissal of President Haaf. As pointed out by President Said Deni of Puntland in his press conference on the Garowe meeting between the FGS and FMS that ended without agreement, President Farmajo has shown categorical rejection of the principles of federalism listed under article 50 and the principles of collaborative relationship between various levels of government under article 51 of the PFC through formal, credible arrangement. Article 50 (C) requires the existence and sustainable relationship between FMS, and between FGS and FMS for the spirit of national unity. Article 51 reinforces the cooperative relationship between all levels of government. Law on the subject develops on sustained relationship and dialogue. President Farmajo is not invoking any law or norm that allows him to mandate, involve, intervene, and fund Galmudug presidential election because neither the federal nor the state constitutions have given him that authority. It is disaster in the making if the federal president elected to uphold and protect the constitution and rule of law is determined to break the law and force controversial Galmudug presidential election. The unlawful destabilization, economic embargo, and bullying of President Farmajo against President Haaf by using paid federal forces and social media cons, bribery, clan allegiances, and other abuses will open the door to warfare and permission to take the law into every ones’ own hands. In the absence of the Constitutional Court, urgent intervention of International diplomats, particularly the United Nations that spearheaded the unification of the Galmudug State is required to avoid further deterioration of the political and security situation in Galmudug State which could spill over to other parts of the country. The economic embargo should be lifted immediately. The experience of the brazen illegal and violent process of Southwest state Presidential election under the patronage or direction of President Farmajo is still haunting the country and should serve as a dire warning for what could happen in other States unless such conduct is checked in immediately. Immediate end of president Farmajo’s destructive campaign against Galmudug State is in the hands of the international partners interested in peacebuilding and statebuilding in Somalia. Silence will be interpreted as duplicity and permission for lawlessness and chaos. By: Dr. Mohamud M Uluso mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Mr Ben Fender , ayaa sheegay inaanay dunidu mahadin wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu siyaasiyiinta ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xidhiidh dhab ah oo wax dhisaya. Danjire Ben, waxa kale oo uu sheegay inuu qabo dareenka ay dad badani qabaan ee ah inay sii adkaanayso xaaladda in Somaliland lagaga dhex shaqeeyo mihnada saxaafadda. Safiirku wuxuu u waramay weriye Axmed Cali Cige oo ka tirsan Telefishanka HCTV, waxaanu waraysiga oo uu safiirku sidoo kale kaga hadlay arrimaha doorashada baarlamaanka iyo khilaafka xisbiyada uu u dhacay sidan: Waxa jira khilaaf u dhaxeeya xisbiyada siyaasada Somaliland waanad la kulantay maxay u dhici wayday in xal rasmi ah loo helo caqabadaha taagan? Dabcan su’aasha doorashooyinku waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, doorashadii ugu danbaysay ee golaha hoose waxay ahayd 2005-tii run ahaantiina muddo dheer ayay ahayd waxaan jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan wayna noqon kartaa aragtidaydana taasi waa mudo dheer, waxaan ku boorinayaa xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suurto gal u noqoto inay doorashooyinku wakhtigiida ku qabsoomaan dabayaaqada sanadkan, waxaan u malaynayaa inay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystirka siyaasada gudaha Somaliland waxaana jira dad badan oo da’ yar ah oo aan waligood cod doorasho dhiiban waxii ka danbeeyay doorashadii baarlamaanka, xubno baarlamaanka ka tirsan may arkin wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa, sidaas daraadeed waxan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan tanaasulaad suurto galiya inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto dibu dhac la’aan, taasina maaha mid deg deg ku ah inay doorashadu qabsoonto waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugudhakhsaha badan. Xukuumada Somaliland waxa lagu eedeeyaa inay ku xad gudbaan xoriyatul qawlka saxafiyiin badana waa la xidhaa, xubno mucaaradka ka tirsan ayaa xabsiga loo taxaabay iyo wargeysyo xayiraad la saaray, dadka qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may canbaarayn talaabooyinkaas ka dhanka ah hanaanka dimuqraadiyada iyo isku xukunka sharciga maxaad arintaas ka leedahay ? Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka gaysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo waxaanu gacan siinaa garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga si loo xushmeeyo cabashooyinka xuquuqul iinsaanka sidaas daraadeed waxaanu taageernaa hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimaynayna si loo gacan siiyo in xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo ay lala xisaabtamo waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha iyo sida kiisaska maxkamadaha loo wado, waxaanu booliskana ku tabobarnaa xuquuqda aadamiga waxaanan u malaynayaa inay taasi tahay mid la taaban karo oo dhab ah waxaan doonayaa in ciidamada amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan waanay noqon karaa, taas oo ay macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool. Waxa jira walaac sheegaya inaad saxafi ka ahaato Somaliland arintaasi ma kuu muuqataa? Arintaasi waa ay ii muuqataa, Uk waxay hoggaanka u qabtay wadamada caalamka ee taageera madax banaanida saxaafada waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan madax banaanida saxaafada,oo lagu qabanaayo London 10-11 ka Julay,saddexdii May maalinta madaxbanaanida saxaafada aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyeen ah waxaanan ka wada hadalnay arimo door ah oo saxafiyintaasi ay la kulmaan,waxaanu aad ugu wanaagsanayan taageerida madax banaanida warbaahinta anaga oo aaminsan in warbaahinta madax banaan oo la helaa ay burburin karto musuqa, iyo inay gacan ka gaysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale bulsho kasta oo xor ah ilaa iyo hadda madaxbanaanida saxaafadu waa hadaf muhiim ah waana mid ka mid ah hawlaha wasiirkayaga arimaha dibada uu ku martigalinaayo qabashada shirka Julay. Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya may qabsoomin muddo, dawlada UK-na waxay ahayd dawladii dedaalka ugu jiray wada hadalkaas, ma jirtaa jid cusub oo miiska wadahadalka laysugu keeni karo mar kale? Waxa cad wada hadal kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe uu yahay mid aanay dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantooda in aynu si aad ah gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsooni lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah ee qof waliba inuu ogaado ay tahay haddii ay talaabadaas qaadaan waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka waxaanan hubaa inay arintaasi iman doonto. Geeska Qaran News