Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,457
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda 15-aad ee Kalfadhiga 5-aad ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaannada ayaa lagu soo wargeliyey in ajendaha kulankooda maanta uu yahay qodobadan kala ah: U codeynta heshiiska caalamiga ah ee Naafada Warbixinta khasaarooyinka loo geystay shirkadaha Soomaaliyeed ee Somtel iyo Hormuud Akhrinta Labaad ee wax ka bedalka sharciga Saxaafadda Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in xildhibaannada inta joogat Muqdisho ay soo wada xaadiraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho(SMN):–Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyinka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galay markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda. Shirkan caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay QM ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, Soomaaliya shirkan wax badan kaga baraneysaa wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka DFS Xamse Saciid Xamse ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud. Sidoo kale Wasiir Xamse ayaa sheegay hanaanka siyaasadda yareynta khataraha iyo taaba gelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso. Dhinaca kale Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa la kulmi doonaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca. View the full article
  3. Muqdisho(SMN):–Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxaya Kooxo hubaysan oo nin katirsan Maamulka Dowladda Hoose ee Xamar Gaar ahaan Waaxda Dhalashadda iyo sugnaanta ku dilay Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir Ninka ladilay ayaa waxaa la sheegayaa in lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed oo kamid ahaa Howlwadeenada Gobolka Banaadir Ragii gaystay dilkaasi ayaa goobta ka baxsadey, waxa ayna dadka Degmadu sheegayaan in goobta ay wax ka dhaceen xiligaasi kadib ay soo gaarin Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka. Dilalka Qorsheysan iyo Weerarada loo adeegsado Qaraxyadda ayaa inta badan ka dhaca Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya View the full article
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka oo sabtiya Garoowe ka furay imtixaanka Shahaadiga ah ee degaannada Puntland. In ka badan 15,800 oo arday ayaa sannadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad dugsiyada sare degaannada Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland islamarkaana ilaa iyo hadda la soo werin wax caqabad ah. Warbixinta faahfaahsan goor dhow kala soco Puntland Post The post Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa(SMN):–Munaasabad Weyn oo loogu Dabaaldagayo 18may oo ah Maalin ay Maamulka iyo Shacabka Somaliland u aqoonsan yihiin Soomaaliya inteeda kale in ay ka go’een ayaa haatan ka socota Magaalada Hargeysa Cutubyo Kamid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Dhuulatus ku samaynaya halka lagu xusayo munaasbada 18may oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Golayaasha Somaliland Sida Xukuumadda Parlamanka iyo Golaha Guurtida. Dadweyne aad u tiro badan ayaa kusii qulqulaya halka ay munaasbadu ka dhaceyso. Munaasabadda xuska inta ay socoto waxa halkaaasi qudbado ku qotoma Ahmiyada ay Somaliland u leedahay Maalintan ka jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Kale. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdulaahi fadal iimaaan ayaa Hambalyo u diray Shacbiga Deeganada Maamulkaasi, isagoo dhinaca kale Laamaha Amniga ugu baaqay in Taxadar iyo Feejignaan dheeri ah la muujiyo inya ay Munaasbadda Xuska ah Socoto Xuska Sanadkan ee 18may ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa Xili ay kala aragti Duwanaan Dhinaca Fikirka Siyaasiga ah u dhaxayso Masuuliyiinta Xilalka kahaya Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa Maalmo kahor Xabsiga u taxaabay Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Parlamanka Kadib markii uu Maalintan 18may ku Tilmaamay in uu isagu u yaqaan maalin Madow oo aan wax micnaha soo kor dhinayn. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysall Cali waraabe ayaa hadalkasi u tilmamay mid gaf ah wuxuuna sheegay hadii aan sharciga la waa fajin xildhibaankan in uusan ka badbaadayn shacabka. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-18052019.mp3 View the full article
  7. The breakaway state of Somaliland is preparing to celebrate 28 years since it declared independence from Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Somaliland: Congratulations On The 28th Anniversary Of May 18th The staff, contributors and patrons of Qarannews Media Group would like to extend their felicitations to all the people of Somaliland, both at home and abroad on the 28th anniversary of the reclamation of sovereignty. Qarannews supports the government, the national parliament, the national parties, the national armed forces, and all the national institutions on this historic day. The 18th of May is a National Day. Qaran News
  9. A youth recruited while watching football. A Catholic school graduate. Girls desperate for cash and jobs. Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in dowladda Cuba ay aqbashay bixinta dhaqaalo Madax furasho ah oo lagu sii deynayo labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Al Shabaab u afduuban. Dhaqaatiirtaasi ayaa Al Shabaab waxay kasoo afduubteen duleedka magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay lasoo aadeen dhanka gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay la dhacday jawaabta dowladda ay ka heshay Odayaasha dhaqanka ee shaaciyay inay Nool yihiin dhaqaatiirta u afduuban Al Shabaab. Waxaa kaloo la sheegay in dowladda Kenya ay la dhacday hadalka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan inay doonayaan lacag Madax Furasho ah, waxaana dowladda Cuba ay hadda aqbashay bixinta lacagtaasi. Madaxda Cuba iyo Kenya ayaa si deg deg ah arintaasi uga wada hadlay waxaana labadda dhinac ay isku Afgarteen in ay bixiyaan dhaqaallaha ay dalbeen Kooxda hubeysan ee dhaqaatiirta ku heysata Soomaaliya. Kooxda hubeysan ee heysta dhaqaatiirta ayaa dalbaday lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, islamarkaana dalabkaasi durba waxaa aqbalay Cuba iyo Kenya si loo badbaadiyo dhaqaatiirtaasi. Kooxaha Hubeysan ayaa waxay dhaqaatiirtaasi ku hayaan Soomaaliya, waxaana jiray wadahadal ay odayaasha dhaqanka oo ka kala socday Kenya iyo Soomaaliya ay la fureen Al Shabaabka ay u afduuban yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  11. A South African doctor and his team successfully pioneered a transplant of a patient’s middle ear using 3D technology to cure his deafness, making it the first in the world. This groundbreaking procedure offers hope to many of those who suffer from loss of hearing. Source: Hiiraan Online
  12. During a segment on immigration tonight, Fox News’ Tucker Carlson swiped at Congresswoman Ilhan Omar and called her “a symbol of America’s failed immigration system.” Source: Hiiraan Online
  13. HARGEYSA, SOMALILAND—Maamulka sida iskiis ah goonida isu-taagay ee Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degaya 28 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya. Ma jiro dal illaa hadda u aqoonsaday Somaliland qaran madax-bannaan laakiin caasimadda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga munaasabadda. Xildhibaan Cabdi-raxmaan Cartan ayaa isagoo dhex-fadhiya baarlamanka Somaliland sharraxay halganka dalkiisu ugu jiro inuu helo aqoonsi caalami ah wuxuuna yiri: “Waxaa jirta xaalad gaar ah oo ay tahay in Somaliland lagu aqoonsado, waana arrin sharci ah in la eego waxa u qabsoomay Somaliland iyo sida dadka Somaliland ay u noqdeen dad madax-bannaan oo xor ah waxayna xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan bulshada caalamka.” Waddooyinka magaalada Hargeysa ayaa lagu arkayey wajiyo lagu xardhay astaamaha Somaliland iyadoo kummannaan dad ah ay isugu imaan doonaan fagaaraha xorriyadda si ay ugu dabbaal-degaan sannad-guuradii kasoo wareegtay maalintii Somaliland ay ku dhawaaqday inay iskeed uga go’do Soomaaliya. Iyadoo ay jirto aqoonsi la’aanta beesha caalamka, dadka Somaliland sida arday reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa wali ku taamaya in maalintaas la gaari doono. “Sida annagu aan isku aragno waxaan nahay dad madax-bannaan, taasina waa sababta aan ugu faraxsannahay inaan aragno dad badan oo u dabbaal-degaya maalintan taariikhiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi. Somaliland oo Ingiriisku horey u gumeystay ayaa xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1961 shan maalmood kaddib markii Muqdisho ay ka xorowday dalka Talyaaniga Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay gooni ka noqoto Soomaaliya markii jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka arriminayey 21 sano. Source: goobjoog.com
  14. US officials warn that Turkey’s contract to purchase S-400 missile systems from Russia will severely damage bilateral relations Source: Hiiraan Online
  15. BEIJING (Reuters) - China offered strong support to Iran on Friday, with its top diplomat telling Iran’s foreign minister that China opposes unilateral sanctions and supports Tehran’s efforts to safeguard its interests. Source: Hiiraan Online
  16. Former national security adviser Michael Flynn told investigators that people linked to the Trump administration and Congress reached out to him in an effort to interfere in the Russia probe, according to newly-unredacted court papers filed Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. Federal immigration and refugee minister Ahmed Hussen landed in Canada from Somalia 26 years ago and found his feet at Sir John A. Macdonald high school running on the track team. He returned to the school Friday for the first time since graduating. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday sababta ay dhaqaalaha uga jartay maamulka Galmudug oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay dowladda u joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug ay tahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan madaxda maamulkaas. Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ayaa kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf, waxaana garab siiya madaxda dowladda federaalka, oo u adeegsada ina ku jabiyaan Xaaf. “Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan.” Ayuu yiri Maareeye oo sababeeyey sababta dhaqaalaha looga jaray Galmudug. Xiisadda Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa meesha ugu xun gaartay markii uu fashilmay shirkii Garoowe oo arrinta Galmudug ay ka mid ahayd qodobada ugu weyn ee la isku qabtay. Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in waqtiga Xaaf ku eg yahay sanadkan, oo ay tahay in doorasho la qabto, halka Xaaf uu sheegay in waqtigiisa ka billowdo heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee 2018 ka dhacay Jabuuti, taasi oo macnaheedu yahay in saddex sano ay u hartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ka wada degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana baaritaanka uu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan ay dil ka geysteen suuqa degmada Kaaraan. Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ayaa ku dilay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamuud oo ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha degmada Kaaraan. Ciidamada amaanka ee degmada Kaaraan ayaa baaritaan ka wada xaafadaha xalay uu dilka ka dhacay, waxaana xabsiga la dhigay dhalinyaro badan oo lagu tuhmayo dilkii xalay ka dhacay degmadaasi. Ciidamada Booliska degmada Kaaraan ayaa ilaa saaka baaritaan ka wada suuqa degmada, waxaana la sheegayaa in dadka la qabtay ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Kaaraan. Waa dilkii labaad oo Degmada Kaaraan ka dhaca tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan, isniintii Bartamihii todobaadkii tagay koox hubeysan ayaa Waaxda Jabuuti ku toogatay askari katirsan Militariga Dowladda, halka mid kale uu dhaawac soo gaaray. Sidoo kale maalmo kahor Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Degmada Kaaraan howlgalo kala duwan oo laga sameeyay lagu soo qabtay dad ka dambeeyay dilka qof kamid ah dadka degmada iyo kuwo ku howlanaa iibinta maandooriyaha. Masuuliyiinta degmada Kaaraan ayaa sheegay in saacadaha uu howlgalka dhamaado ay warbaahinta la hadli doonaan islamarkaana ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxday baaritaanka ay ciidamada sameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaan ayaa ah kulankii 15-aad ee kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ajendaha kulanka ayaa ah 3 qodob. 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Kooxo hubeysan ayaa degmada Karaan ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa. Cabdi casiis Cabdullahi Maxamed ayaa dableey hubeeysan oo aan heeyntooda la garan ay toogteen. Cabdi casiis ayaa kamid ahaa Dhalinyarada ugu firfircoon ee Degmadaasi waxa uuna halkaasi kulahaa Tima jare uu kasoo saaranjirey Nolol Maalmeedkiisa. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo howlgal ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto dad shacab ah iyo xubno katirsan dowlada Soomaaliya. Puntland Post The post Koox hubeeysan oo wiil dhalinyaro ahaaa ku dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn karo maadaamaa ay horyaalliin caqabado aad u badan. Warkan oo aan ka soo xigannay FANA ayaa sheegaya in shirka guddiga fulinta lagu lafa guray qorshaha ammaanka dalka oo mudda hal sana ah dalkaasi laga hirgeliyey iyo caqabadaha dhinaca ammaanka ee hortaagan. Wuxuuna shirku uu dib u eegis ku sameeyey caqabadaha dhinaca ammaanka hortaagan, howlaha aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen. Sida lagu sheegay bayaan ay guddiga fulintu gabagabada shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ay noqotay hay’adaha amniga ee isbeddelka la taaban karo ku tallaabsaday xagga qaab dhismeedka iyo dib u habeynta howl maalmeedka wasaaradda. Hase ahaatee, shirka uu yeeshay guddiga Fulinta wuxuu walaac aad u weyn uu ka muujiyey xaaladda amni ee dalka oo qayba badan oo dalka ka mid ah ay sii murgeyso. Wuxuuna Guddiguy uu carrabka ku dhuftay qabyaaladda, hubka sharci darrada ah oo dalka siyaaba badan u soo galaya, isku dhacyada beelaha oo dalka ku soo badanaya oo sababay malayiin barakacayaal ah iyo dowlad deegannada oo isku haysta dhulka xadka ah ee ay wadaagaan. Arrimahaasi oo oo ay sii huriyaan wararka been abuurka ah ee lagu tabiyo baraha bulshada kuwaas oo mararka qaar sababa dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan uu ku daato. Wuxuuna ugu dambeyn shirka guddiga fulinta uu ku soo gabagaboobay isaga oo sheegay waxyaabaha amniga dalka halis gelin kara in wixi hadda ka dambeeya in gacan bir ah loola tago si wax waliba looga horreysiiyo xasiloonida dalka. Haddaba dadka u kuur gala siyaasadda dalkaasi Itoobiya ayaa waxay ku doodayaan in amni darrada iyo guud ahaan xaaladaha aan xasilneyn ee ka taagan dalkaasi ay ugu wacan tahay isbeddelka ka dhacay dalkaasi in uu u dhacay si ka duwan isbaddalada siyaasadeed ee ka dhaca wadammada kale ee dunida. Haddaba, Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusaya daraasaadka amniga caalamiga ah oo wax ka barta jaamacadda National University of Public Service oo ku taalla Pudapest oo BBC wareysi gaar ah siiyey wuxuu sheegay in isbeddelka ka dhacay Itoobiya uusan u dhicin sidii looga bartay isbeddellada siyaasadeed ee waddamada caalamka ka dhaca. “Isbeddelku in uu ku yimaaddo xisbiya siyaasadeed oo mucaarad ah oo isu tagay oo ku qanacsanaan waayey geeddi socodka siyaasadeed ee dowladda marka ay labada dhinac oo taageera shacab kala haysta ay isku mari waayaan siyaasadda dalka si xal looga helo waxaa la go’aansadaa in la galo isbeddel siyaasadeed oo dimuqraadiyad ku dhisan labada dhinacna ay heshiis ku yihiin.” ayuu yiri Dr Cali. “Isbeddelka Itoobiya ka dhacay wuxuu ahaa mid aan isku habeysneyn oo bulshooyin kala duwan ay ka cabanayeen dowladda xisbiga EPRDF uu hoggaamiyo sida ay wax u waddo, tasoo keentay iney qolo walba isbeddelka gooni u sameyso.” “Isbeddel marka uu dhaco shacabka ku nool dalka uu isbeddelka ka dhacay falcelin fara badan ayey sameeyaan taas oo laga yaabo inay saamayn u ku yeelato nabadgalyada guud ee waddanka oo dhan, isbeddel kasta oo dimuqraadiyadeed oo dhacana waxuu wataa qalalaasyo laguba garto inuu dalkaasi isbeddel ka dhacay.” ayuu sii raaciyey Dr Cali Sheikh. Dr Cali mar uu ka hadlayey halka uu isbeddelka Itoobiya ka dhacay uu ku dambeyn karo wuxuu yiri “isbeddelka Itoobiya ka dhacay wax badan oo uu qabtay oo wanaagsan oo bulshada ka farxisay oo ay qaadday xukumadda Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed, balse su’aasha taagan ee la is waydiinayo waxay tahay isbeddelka ma yahay mid dhab ahaan sharciga ku saleysan?” “Tusaala ahaan Dr Abiy Axmed wuxuu ka dhawajiyey in xabsiga Itoobiya uu ahaa meel aragagixisada lagu sameeyo, marka shaqsiyaadki mas’uuliyiinta ahaa waa la beddelay laakiin nidaamki xabsiga uu ku dhaqmayey ma la beddelay sharci ahaan waa maya.” “Marka ilaa isbeddel dhanka sharciga ah la sameeyo oo dawladda qaab dhismeedkaba si sharci ah wax badan looga beddelo lagama yaabo dadku inay inta badan ku qanacsanaadaan sida uu isbeddelka u dhacayo” ayuu yiri Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusay daraasaadka amniga caalamiga. Isbeddelka siyaasadeed ee sanad ka hor ka curtay dalka Itoobiya ayaan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono. Xigasho: BBC Somali
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xariga xildhibaan Dhakool. Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu sheegay in xariga Xildhibaanka Dhakool loo maray sifo sharci daro ah, isagoona ku baaqay in nidaamka loo maro xarigiisa. Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanku uu dambi weyn ka galay Somaliland, loona baahanyahay in sharciga la hor-geeyo. Faysal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xariga Xildhibaanka uu isaga u ahaa bad-baado, oo ay dili lahaayen dadku, isagoona saluug weyn ka muujiyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sanadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com