-
Content Count
208,453 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Unidentified assailants have shot and killed an employee working for Mogadishu’s local government in the capital on Saturday, witnesses said. Abdulaziz Abdullahi Mohamed, who was a servant at the department of “Certificate of Identity Confirmation” at the registration center in Mogadishu, was gunned down in Karan district. The killers managed to escape the scene shortly after the assassination before the arrival of the police, according to the eyewitnesses. No group has yet claimed responsibility for the murder, which becomes one of a series of killings against civil servants and security force members in Mogadishu, mostly claimed by Al-Shabaab. View the full article
-
In ka badan 15,800 oo arday ayaa saaka oo Sabtiya imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 106 xarumood oo ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland. Ardayda oo ka kooban fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiyada sare degaannada Puntland ayaa saaka wakhti isku mid ah u fariistay imtixaanka guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland. wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Maxamed Xassan oo ka warbixiyay imtixaanka ayaa sheegay in ardayda imtixaanka gelaysa ay ka koobantahay 15,892 arday oo isgu jira 10,887 arday oo dugsi dhexe ah iyo 5005 arday oo dugsiga sare ah. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe ka furay imtixaanka ayaa wasaaradda Waxbarashada Puntland uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay in ardayda Puntland ay helaan imtixaan nidaamsan oo horumarsan. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ardayda ku baraarujiyay in imtixaanka laga qaadayo ay u arkaan mid wasaaraddu ku qiimaynayso heerka tacliinta iyo aqoontoodu marayso balse aysan u arag culays iyaga la saarayo isagoo ku boorriyay in ay dadaal ku bixiyaan sidii ay u guulaysan lahaayeen. “Imtixaanku in la is dhibayo maaha imtixaanku waa qiimayn Waa hubin iyo qiimayn heerka tacliinta ardadeenu marayso waxaan rajaynaynaa qiimayn wanaagsan in ay ka soo baxdo” ayuu yiri madaxweyne deni. Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay habka nidaamsan ee imtixaanka shahaadiga Puntland uu tusaale lagu daydo u noqon doono dhammaan geyiga Soomaalidu degto isagoo xusay in khibradda iyo waaya-ragnimada dheer ee Puntland u leedahay qaadista imtixaanaadka ay uga faa’idayn doonaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Warbixin: Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xalay waqtiga Suxuurta Magaalada Muqdisho, waxaa Xaafadda Saybiyaano lagu dilay Wiil watay Mooto Bajaajle, xilli uu waday haweenay fool ah oo Isbitaalka uu u waday. Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamad C/laahi Xasan, sida ehelkiisa ay sheegeen gabar daris la, ah oo foolanaysay ayaa soo kicisay si uu mootada uu ugu qaado, kadibna markii ay marayeen Ajabka Shidaalka Saybiyaano ku yaallo, waxaa meel kaga soo baxay askari oo ku riday xabad, sidaasina ay ugu dhacday Wiilkii, mootadiina waa ay gadoontay. Ehelada Wiilka dhintay ayaa sheegay in maydka Marxuumka & Mootada oo bur bursan ay taallo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Waxa ay dalbadeen inay helaan cadaalad ku aadan dambiilihii gaystay falkaasi dilka ah in gacanta lagu soo dhigo si loo waafajiyo sharciga, islamarkaana cadaalad ay doonayaan. Marxuumka la dilay ayaa wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta xirfadda Mooto wadista, lama oga sababta ka dambeysa dilka loo gaystay wiilkaasi dhalinyarada ahaay. Askariga dilka gaystay ayaanan ku sugnayn goob Koontarool ah oo Ciidamada ay joogaan, balse waxaa la sheegay meel ku dhaw Ajabka Shidaalka Saybiyaano inuu ka soo baxay oo sidaasi xabad uu ugu riday Mootada, kadibna uu meesha ka cararay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,iyadoo dhawaan sidaan oo kale askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka,hayeeshee markii dambe laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A current truck driver shortage in the U.S. is projected to become only more acute in the years ahead. But now, immigrants from among other places, including Africa, are helping fill the need. CGTN’s Hendrik Sybrandy reports. Source: Hiiraan Online
-
At least Three people were killed and several others were wounded following renewed tribal clashes in Banisa sub-county of Mandera on Friday. The clashes that occurred between pastoralists as a result of pasture and water was later defused by government officials led Mandera Governor, Ali Roba. Officials from both county and national government concluded two days’ peacemaking mission in Banisa. Mandera Governor, Ali Roba, his deputy, Mr. Arai, Mandera North MP, Bashir Abdullahi and his Banisa counterpart, Kullow Maalim Hassan engaged the elders and residents of Malkamari, Choqoro, and Banisa town to prevent the spillover of the conflict from the Ethiopian border. One person was arrested in connection to the skirmishes between Degodia and Garre tribes during the visit by the leaders. Pastoralist leaving along Kenya-Ethiopia border in Mandera county clashed over pasture and water for their animals mainly during the dry seasons where there is a scarcity of water and grass. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu goor dhow ka dhacay halkaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Sida uu soo sheegayo wariyaheenne Gobolka Baay, C/qaadir War Cadde, gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen askar ka tirsan K/galbeed ayaa qaraxan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintay Labo askari, iyadoo askari kalena dhaawac daran uu soo daaray. Askariga dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in xaaladdiisa oo daran awgeed lagu wado in Muqdisho loo soo gudbiyo. Ciidamada DFS iyo kuwa K/galbeed ayaa durba howlgallo ka bilaabay degmada Bardaale, iyadoo xaaladduna ay tahay mid aan deganeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The self-declared state of Somaliland celebrated its 28th independence anniversary from Somalia on Saturday in the capital, Hargeisa. The event was led by the president Muse Bihi Abdi who was flanked by government officials and citizens of the breakaway Somali region. Somaliland is the only self-declared independent state that has survived years of diplomatic isolation by international bodies. Somaliland, with a population of about 4 million, can boast of an army, its own currency and legal system and is appreciated for holding credible elections. They made history in 2017 as it used the iris biometric voting system. Somaliland proclaimed independent from Somalia on May 18, 1991, after they fought against the government of the Somali Democratic Republic’s military ruler Siad Barre who ruled from 1969 to 1991 after a coup. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah kii 15-aad ayaa qeyb ka ah Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Ajendaha kulanka ayaa ah: 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somalliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya isaga kala dambeeyeen ay muddo 30 sano ku dhow ku howlanaayeen in Somaliland aysan aqoonsi helin. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii Somaliland aysan aqoonsi u heli laheyn, islamarkaana ay kaga mid noqon lahaayeen dalka Soomaaliya. “Qolada Soomaaliya joogta waxaan leeyahay, dhibaatadii 30-kii sano ee aan mideysnayn aad na gaadhsiiseen waxaa nagaga xun 28-ka sanno ee aan kala maqnayn ta aad na gaadhsiiseen ee aad lahaydeen lama aqoonsan karo Somaliland”ayuu yiri Muuse Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in hadda Caalamka uu garwaaqsaday in la joogo waqtigii Somaliland aqoonsi buuxa la siin lahaa, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay wadaan arin taasi ka horjeeda. “Waxaa maanta muuqata in caalamka garwaaqsaday markan in la joogo waqtigii kala gurilaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan Farmaajo iyo Kheyre, u sheegayaa 28 sano ayey labadaa dal kala maqan yihin, 50 jirka Somaliland, wuxuu ku garaadsaday iyadoo Somaliland is xoraynaysa.,50 jirka Muqdishana maba yaqaanno Somaliland. Iyadoo la kala maqan yahay ayuu garaad saday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi. Waxaa uu sheegay in dhibaatadda soo gaartay xilligii ay ku jireen Soomaaliya ay kasii xun tahay in wali laga hortaagan yahay Ictiraaf. Somaliland ayaa muddo ku dhow 30 sano raadineysa ictiraaf ay caalamka ka helaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Laascaano (Caasimada Online)-Xiisad adag ayaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana heegan la geliyay ciidamada amaanka maamulka Somaliland. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka ay ka hor yimaadeen xuska maalinta 18 May oo ku beegan maalinta Somaliland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland. Dadka deegaanka ayaa lasoo baxay calanka Soomaaliya, iyaga oo sheegay inaysan maalinta 18 aysan u aqoon inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland. Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay xiisad dhanka qabiilka ku saleysan ay ka taagneyd, waxaana ciidamada la dhigay bartamaha iyo hareeraha magaalada. Deegaanada Somaliland ayaa looga dabaal dagayaa maalinta Xoriyadda Somaliland, iyadoo Hargeysa lagu qabtay xaflad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Somaliland oo madaxweynaha uu ugu horeeyo. Cabsi ayaa ka jirta magaalada, waxaana laga baqayaa inay isku dhacaan ciidamada maamulka Somaliland ee heeganka ku jiro iyo dadka deegaanka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Tababaraha kooxda kubbadda cagta Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalanto hanashada horyaalka Soomaalya sanadkii 3aad oo xariir ah maadaama labadii sano lasoo dhaafay ay iyaga hanteyn horyaalka kubbadda cagta dalka. Wareega 1aad ee horyaalka Somalia Premier League ayaa la soo gabagabeeyay bishii April kooxda Dekedda ayaa wajiga kowaad qasaartay hal kulan oo qura,iyadoo ciyaartaa 1-0 ay guul daro kala kulantay xidigaha kooxda ciidanka xooga ee Horseed Sports Club. “Wareega 1aad waxaan luminay hal kulan oo muhiim inoo ahaa,balse guul daraas waxaan ka baranay wax badan ciyaartooyda iyo shaqaalaha kooxda waxa ay qaateen kulamo is xig xiga,iyagoo si wadajir iskugu raacay in aan diirada saarno in aysan dhicin guul daro kale”ayuu Goobjoog u sheegay Tababare Yuusuf Cali Nuur. Yuu-Cali oo xilka macalinimo ee kooxda Dekedda la wareegay bishii October 2016 ayaa sameeyay rikoor wanaagsan,isagoo Dekedda u qaaday labo jeer oo isku xigta horyaalka Soomaaliya iyo koobka Somali Super oo loo dhigo in ay wada dheelaan kooxaha ku guulaysta koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle iyo Somali Super Cup. “Alx Allah ayaa mahad is kaleh oo ii suura geliyay in aan ku guulaysto koobkaas muhiimka waxayna kooxda u galaysaa tariikh maadam mudo ka dib ay ku soo laabtay saaxada hanashada tartamada kubbadda cagta waxaan u mahad celinayaa dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee ka qeyb qaatay guulahaas tariikhiga ah tan iyo 2016”ayuu yiri tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) ugu waramay Goobjoog Sports. Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa iminka ku jirta kaalinta 1aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya waxayna lee dahay 26-dhibcood,balse sanadka waxa ay loolan adag kala kulmaysa kooxaha kala ah Horseed,Heegan,Elman iyo Muqdisho City Club. “Horyaalka iminka waaxa uu marayaa meel xasaasi ah dhamaan kooxaha ka qeybgalaya waxa ay doonayaan in ay ku guulaystaan,balse anaga waxaan diirada saaraynaa sidee aan sanadka 3aad oo xariir aan ugu guulaysan la heyn” ayuu Yuu Cali u sheegay Goobjoog. Halkan Ka Daawo Tababraha Kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Oo U Waramay Goobjoog W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Maamulka Somaliland ayaa saaka bandow saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib markii xalay laga war helay dibad-baxyo ay abaabulayaan dhalinyarada magaalada oo looga horjeedo xuska 18-ka May. Ciidamo aad u fara badan oo ka kooban booliis, asluub, iyo militari ayaa saaka lagu daadiyay dhammaan jidadka iyo xaafadaha magaalada si looga hortago dibad-baxyada waxaana shacabka digniin lagu siiyay in aysan isku dayin falal amniga wax u dhimaya. Sidoo kale saxaafadda gobolka ayaa looga digay in ay wax ka duuban cid aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood ee Somaliland. Waxa hadda gudaha Laascaanood ka socota hal munaasabad oo si weyn loo ilaalinayo taasi oo lagu xusayo maalinta 18-ka May balse qeybaha kale ee magaalada ayaa bandow la saaray. Maanta oo kale 18-kii May 1991 ayaa gobollada waqooti galbeed ee Soomaaliya ku dhawaaqeen in ay ka go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya waxana taariikhdaasi sannad kasta laga xusaa Somaliland. Balse tan iyo wakhtigaas ma jirto cid Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-bannaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Magaalada Laascaanood oo bandow la saaray appeared first on Puntland Post.
-
Tokyo (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha,Xal-u-helidda arrimaha Baracayaasha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose. Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul, xaaladda amni iyo qorsheyaasha uu hiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho. “Waxaan soo dhaweeynaynaa in aan ka arrinsanno dardar gelinta is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.” Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Bangiga Adduunka sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda. Dhanka kale, Wafdiga uu hogaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa kulan kula qaatay magaalada Tokyo ee Hey’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dalka Japan ee loo yaqaan JICA (JIKA) isagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha lagu horumarinayo arrimaha bulaacadaha iyo Waddooyinka, taasi oo ah qorshe uu Maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku horumariyo Caasimada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka, kulankaasi oo ay kaga hadlayaan ajandayaal ay kamid yihiin heshiiska caalamiga ee Naafada oo dhawaan golaha wasiirada ay u codeeyeen. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeelanaya kulankooda 15 aad, waxaana kulanka maanta ku jiro qodobo muhiim ah, sida u codeynta sharciga Naafada oo dadka naafada ay aad u daneynayaan. Ajandayaasha Shirka waxaa sidoo kale kamid ah in xildhibaanada baarlamaanka ay dhageystaan warbixin ku saabsan khasaaraha loo geystay shirkadaha Hormuud iyo SOMTEL, kuwaasi oo kasoo gaaray burburinta ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen. Ajandayaasha ayaa kala ah:- 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay inay kulanka maanta ka qeyb galaan, Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan u helaya khasaaraha shirkadda isgaarsiinta Hormuud kasoo gaaray ciidamada Kenya, waxaana kadib la filayaa inay qaraar ay kasoo saareen. Shirkadda Hormuud ayaa burbur xoogan kala kulantay ciidamada Kenya, waxaana maanta lasoo bandhigayaa Khasaaraha Guud ee Shirkadda Hormuud kasoo gaaray Ciidamada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya ka qeyb galka tartamo kala duwan ee sanada 2019 ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,iyagoo inta badan guulo waaweyn ka gaaray kulamadii saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay. Macalmiinta xulka qaranka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay soo bandhigeen ciyaartooyda laga kala soo xulay kooxaha waaweyn ee dalka,iyagoo sheegay in qaab ciyaareedka looga baahan yahay in ay kusoo bandhigaan tartamada kusoo wajahan Soomaaliya bilaha inagu soo food leh. Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree oo ka mid ah tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya 2019 ayaa Goobjoog ugu waramay kulamadii saaxiibtinimo ay ciyaartooyda qaranka dheeleyn wuxuuna bogaadiyay isku xirka wanaagsan dhinacyada daafacyada,qadka dhexe iyo weerarka. Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog siiyay Macalin Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadli-doonaa arrimo badan waxaana ka mid ah: 1. Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen golaha wasiirrada. 2. khasaarihii loo geystay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo, guddiga isgaarsiinta ayaa golaha dhowaan horkeenay. 3. Ugu dambeyntii, waxaa akhrinta 2aad la marsiin-doonaa wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. Goobjoog news Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda 15-aad ee Kalfadhiga 5-aad ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaannada ayaa lagu soo wargeliyey in ajendaha kulankooda maanta uu yahay qodobadan kala ah: U codeynta heshiiska caalamiga ah ee Naafada Warbixinta khasaarooyinka loo geystay shirkadaha Soomaaliyeed ee Somtel iyo Hormuud Akhrinta Labaad ee wax ka bedalka sharciga Saxaafadda Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in xildhibaannada inta joogat Muqdisho ay soo wada xaadiraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho(SMN):–Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyinka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galay markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda. Shirkan caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay QM ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, Soomaaliya shirkan wax badan kaga baraneysaa wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka DFS Xamse Saciid Xamse ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud. Sidoo kale Wasiir Xamse ayaa sheegay hanaanka siyaasadda yareynta khataraha iyo taaba gelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso. Dhinaca kale Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa la kulmi doonaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca. View the full article
-
Muqdisho(SMN):–Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxaya Kooxo hubaysan oo nin katirsan Maamulka Dowladda Hoose ee Xamar Gaar ahaan Waaxda Dhalashadda iyo sugnaanta ku dilay Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir Ninka ladilay ayaa waxaa la sheegayaa in lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed oo kamid ahaa Howlwadeenada Gobolka Banaadir Ragii gaystay dilkaasi ayaa goobta ka baxsadey, waxa ayna dadka Degmadu sheegayaan in goobta ay wax ka dhaceen xiligaasi kadib ay soo gaarin Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka. Dilalka Qorsheysan iyo Weerarada loo adeegsado Qaraxyadda ayaa inta badan ka dhaca Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka oo sabtiya Garoowe ka furay imtixaanka Shahaadiga ah ee degaannada Puntland. In ka badan 15,800 oo arday ayaa sannadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad dugsiyada sare degaannada Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland islamarkaana ilaa iyo hadda la soo werin wax caqabad ah. Warbixinta faahfaahsan goor dhow kala soco Puntland Post The post Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday appeared first on Puntland Post.