Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,461
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladd-gobaledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud Farmayeeri iyo Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka Axmed Saahid iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal C/samada Sheikh Xaami iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Den”. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri Madaxweyne Deni” Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka UK in ay Dowlada Federaalku ay si hoose ugu waddo abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada Jubaland oo ay Xamar kasoo abaabulayso. Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay qorshahaas oo hadda ka howl-galaya deegaanada Jubaland. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Bulshada Caalamka iyo Safiirka ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah. Dhana kale, Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay. Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan. Danjirahu Ingiriiska wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog fara galin dhinac walba leh. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan Isgoyska Tarabuunka ku dilay Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto bajaaj uuna dhaawacay muwaadin kale,falkan oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal ay shaqo wadaag ahaayeen eedeysanaha iyo baarihii Kiiska si isku mid ah ayaana loo dhaariyay,waxaana dhammaan dhinacyada dacwadda ay weydiiyeen su’aalo habraaca sharciga ee ay tilmaamayaan. Muumin Cabdullaahi Xuseen ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu kulmiyay dhammaan astaamaha tilmaamaya dil ku talagal ah. Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda oo qaadatay saacado badan. “Dhageysiga la xiriira gar maqalka eedeysane Cali Maxamuud Axmed intaas ayuu ku dhammeystiran yahay,Maxkamadana ayaanna go’aan ka soo saari doonta,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Khudbaddii munaasibadda 28 guurada 18 ka May ee madaxweynaha waa aan dhegeystey. In ka badan 98% waxa ay u ekayd khudbaddii sannadlaha ahaan jirey ee madaxweynuhu kaga hadli jirey waxqabadka xukuumaddiisa iyo khudbadihii la jeedin jirey xilliyada lagu jiro ololayaasha doorashooyinka. In ka yar 2% ayuu madaxweynuhu kaga hadlay 18 ka May. Waxa ay ahayd in madaxweynuhu ka hadlo 18 May sida ay ku timi sooyaal ahaan iyo qiimaynta 28 sannadood waxa Somaliland u qabsoomay iyo waxa ka qabyada ah sababta keentay iyo sida u qorshaysan ee uu doonayo in uu qabyadaas gufaynteeda kaga qayb qaato inta uu talada hayo awood ahaan. Dhinac kale marka laga eego, in badan oo la la yaabo ayaa ku jirtey khudbaddaas oo lagu dhalliili karo madaxwrynaha oo qudha ma ahee intii wax ka diyaarinteeda talo ku lahayd. Waxa ka mid ahaa waxyaalaha la yaabka lahaa ee ii muuqday in uu madaxweynuhu yidhaahdo 31% ayay xukuumaddaydu caafimaadkii kor u qaadday, iyada cusbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda la dalaadhacayo dayac iyo deyn uu iska bixin kari waayey. Agaasimaha cusbitaalka ayaa la wadaagey maalin dhoweyd golaha xildhibaannada in cusbitaalku tahli waayey in uu iska bixiyo deyn $288, 000 oo ah dawo iyo mid kale oo ah $135, 000 oo koronto ah iyo in cusbitaalku la ciirciirayo nadaafad darro, dayactir la’aan, biyo la’aan iwm. Horumarka waxbarasheed waxa uu noqday oo madaxweynuhu ku sheegay buugaag arday loo qaybiyey! Saw uma ay dhaanteen in uu ka hadlo horumarka waxbarasho ee dalku ku tallaabsaday 18 May 1991 – 18 May 2019. Ta kale ee khudbadda ku jirtry ee la yaabka lihi waa un uu ka hadlay oo afkiisa la maqlay waxa aan sameeyey maamul wanaag iyo horumar caddaaladeed, isaga sameeyey xukuumad si weyn dhinac uga raran oo tayo xun oo in badan cabasho iyo saluug looga muujiyey, iyada oo xadhigga xaqdarro ee aan sharciga waafaqsanayn oodaha jabsaday, uu banyaal noqday dhul boobka madaxweynaha iyo caa’iladdiisa Hargeysa ka wadaan iyo qaraabakiilka naasnuujineed. In uu arrintaas indhaha ka laliyo ayaa ugu yaraan u asturnaan badnayn, waayo ilko dhiig leh iyo karriin ku yaalla ayay ina sii tustay oo ladh bay soo kicisay! “18 May waxa u dabbaaldegaya Somaliland oo dhan” in uu yidhaahdo waxa ka roonayd runta oo uu yidhaahdo 18 May ayaynu u dabbaaldegeynaa, waayo dhammaan Somaliland uma wada dabbaaldegsyso oo degaanno dhan ayaa dhabarka looga sii jeediyaa mar kasta, taas na in uu si mas’uuliyadi ku jirto uga hadlaa ayay ahayd oo qabyada ku daro, muujiyana sida uu u xallilayo mustaqbalka dhow si loo wada dabbaaldego. Xildhibaan baa 18 ka May u xidhan magaalads Hargeysa (xildhibaan Dhakool), isaga oo xasaanaddii xildhibaannimo huwan oo maxkamadda iyo wakiiladuba ka badheedheen qaadista dacwaddiisa oo maxkamaddu diiddey maaddaama aanay awood sharci u lahayn, guddida joogtada ah ee wakiilladuna sharci jebin xadhiggisa ku sifaysay. Arrinta kala ee af-kala-qaadka ahi waa soo qaadista magaca guddoomiyaha Waddani iyo muxuu iigu iman waayey sida Faysal!! Madaxweyne waxa aad tahay madaxweynihii shanaad ee Somaliland. Cirrona waa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Madaxweyne Faysal kuugu filan guddoomiye xusbi mucaarad oo aad isku sawirto. Cirro waxa uu muujiyey aqoontiisii diblomaasiyadeed, Waddanina waa kaas meel walba ka dabbaaldegaya. Meelo badan oo kale oo la duri karaa waa ay ku badan yihiin khudbadda madaxweynaha, inta la yaab iigu muuqday se aan halkaas ku dhaafo, qoraalkana aan kaga baxo in waxa taas keenayaa ay tahay garashada hoosaysa ee hoggaamineed iyo rakaab xumaantiisa. Waxa na la yidhaahdaa haddii aad doonayso in aanad ogaato garashada hoggaamiye waxa la eegaa aqoonta iyo garashada inta hareerihiisa tuban ee rakaabka u ah. Sidee loo xusay 18 May iyo maxaa dhalliilo ka soo baxay abaabulkeedii? Qormo kale ayaynu ku eegi, haddii uu Alle idmo. Qaran News
  5. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay. Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan. Danjirahu wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay Waxaa uu intaas ku daray dagaalka Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen. waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in ay Dowlada Federaalku abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada ay Xamar kasoo abaabulayso kuwaas oo ay Jubbaland ka fulinayaan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay Bulshada Caalamka iyo Safiirkana ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo safiirka UK oo isla gartay qodoba muhiima appeared first on Puntland Post.
  6. Borama (Caasimada Online) ―Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo maanta bulshada reer Awdal kala qeyb galay xuska munaasibada 18-ka May, ayaa ka hadlay Sarkaal habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood. Saylici ayaa sidoo kale waxa uu markii u horeysay ka hadlay labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee iyagana dhawaan lagu dilay gobalka Sanaag, isagoona sheegay in Saraakiishaasi aysan qolo gaar ah ka dhimanin balse ay ka baxeen Somaliland, wuxuuna yiri “Saraakiishii dhimatay ee uu u dambeeyay kii lagu dilay Laascaanood Tacsi baan u dirayaa, waxayna ka dhinteen Somaliland ee qolo gaar ah kama dhimanin, qaranka Somaliland-baana ku daba jooga sidii uu u soo qaban lahaa cidii dhibtaa geysatay oo sharciga loo horkeeni lahaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “18-ka May waa maalin qiimo gaar ah leh oo aynu Somaliland dheer nahay, Waxaynu ku dhisnay qaran, nafo ayaynu ku bad-baadinay, markaa dhallinyarada Somaliland ee ku hodmay Somaliland ee wax ku bartay ha u duceeyaan odayaasha Aabayaashood iyo awoowyaashood ahaa ee go’aankaa qaatay”. “Reer Awdal, dhallinyaradaay Maskaxda yaan la idinka xumaynin, bani-aadamka tabasho iyo cabasho way jiri, wax dhiman way jiri, laakiin way toosisanaynaa, reer Awdal iyagaa Somaliland leh, Heesta calanka iyo astaanta qarankaba reer Awdal baa ku suntan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda 15aad ee Kalfadhiga 5aad, waxaana Xildhibaanada lagu wargeliyay xalay inay kulanka maanta oo Sabti ah soo xaadiraan. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa u codeynta Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka dooday warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay soo jeediyeen in Ciidanka dowladda Kenya dalka si deg deg ah looga saaro , Maadaama dhibaatooyin Culus ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ku sugan yihiin. Xildhibaanada soo jeediyey in Ciidamada Kenya dalka laga saaro ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay si deg deg ah uga saarto dalka Ciidanka Kenya ee ku sugan degaanada maamulka jubbaland. FIqi ayaa arrintaas ku sababeeyey in Ciidamada Kenya ay burburin ku hayaan Hantida Shirkadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Xarumaha ay ku leeyihiin Gobolka Gedo oo ah halka looga taliyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay kula xisaabtami doonaan dhibaatooyinka Ciidanka Kenya ay ku hayaan Shacabka. Jeesow ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah ula timaado qorsho cad oo ku aadan dagaalka ay Dowladda Kenya kula jirto Hantida Shirkadaha Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa dhawr jeer duqeeyey Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud, waxayna burburisay dhawr xarun oo ugu taalay Gobolka Gedo halkaas oo lagu baab’iyey hanti aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. ()Sweden) Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa faqidaad ku sameeyay khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Munaasibada 18 May. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan. 8-Sanno Axmed Siilaanyo oo aha Guddoomiyhii KULMIYE Madaxweyne Daahir Rayaale Munaasibad 18 May kalama qayb galin, Madaxweyne Muuse Biixi 2-sanno ayuu Hoggaamiyihii Mucaaridku aanu agtiisa fadhiisan qayladaas deg dega ah lama filayn… Xuska 18 May oo mucdiisi maanta Hargaysa laga xusay nabad ayay ku soo dhammatay Alxamdulillaah. Aniga iyo Muwaadin kastaaba halku joogay ayuu ku xusay… Waxaan midh ka odhanayaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Maanta 18 May uu jeediyay.. 1 .. Madaxweyne Biixi muddada Xilka uu hayay oo hadda baarka la gashay sannad iyo sideed bilood, wuxuu ku qiray khudbadiisi kana horena Waddanka intuu Xilka hayay uga muuqatay in dhaqaale la’aani Xukuumadiisa ay hayso, isagoo sababta ugu wayn ee taasi ku timina ku sheegay dhoofkii Xoolaha Nool oo is taagay, in kasta oo Xukumadihii ka horeeyayba aanu Dhoofka Xooluhu socon. Muddada labada sanno ku dhaw waxqabad muuqda oo KOW iyo LABA la yidhaahdo oo u qabsoomay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ma soo bandhigin Madaxweynahu, marka laga reebo, Goobo Caafimaad oo hore u jiray oo la rinjiyeeyay, mashruuca shaqo Qaran oo aan wali midha dhalkiisa bulshadu dareemin waxna aan ka badalin busaaradii iyo shaqo la aantii Dhalinyaradda haysay. 2… Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi khudbadiisu waxay u muqanaysay sidii marar hore dhacay qorshe la’aan aanu qorshe u dajisan ka lahayn arrimaha maarayntoodu isaga iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ay u taalo. “Haddii aynu ganacsatadeena iyo dhammaanteen aynu isu tagno, hadaynu Dawladaha wax maal gashada u yeedhano, dhammaanteen hadaynu isugu tagno “ Weedhahaasi waxay kamid ahayeen halqabsigii Madaxweynaha iyadoo hoggaamiye ahaan ay ka mudnayeen waxaas waanu ka qabanay waxaana noo qorshaysan taas iyo taas aragtidaas hoggaamineed kama muuqan.. Gebo gebadii Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada. Madaxweynaha waxa ka muuqatay nuglaansho badan oo xagga Mucaaridka ah gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo uu jidh dubaaxshi ka muujiyay. In kasta oo madaxda Xisbiga WADDANI munasibadii 18-ka May si culus uga qayb galeen haddana wuxuu tabaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxman Cirro. Xiligii Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha aha oo lagu tilmaamo xilligii Mucaaridada ugu adagi Somaliland soo martay, ma jirin munaasibas qudha oo Guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo kala qayb galay Madaxweyne Rayaale … Isaga iskadaayo xitaa sarakiisha Xisbiga KULMIYE kama qayb gali jirin.. Kaaga darane Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu hasta hadda Xisbigii UCID oo muxaafid max-lal ah, walow aanu Xisbi ahaan u jirin hadana magac ahaan u jira, wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin UCID oo sidan ka xooganayd xitaa ma wada haysan waayo Cabdiraxmaan Cirro oo Golaha Wakiilada Gudoonshe ka aha wuxuu la hayay Dhanka Isbadal doonkii Mucaaridkii wakhtigaas halka Faysal Cali Waraabe inta badan u wehel yeeli jiray Madaxweyne Daahir Rayaale , hadana marka la eego doorashooyinkii uu galay iyo siduu KULMIYE ugu babac dhigay iyo cabanaanta Muuse Biixi ee maantu waa kaaf iyo kala dheeri. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kama hadal Heshiiskii Khaatumo ee Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo galeen, halku ku danbeeyay iyo wuxuu ku diidanyahay, kama hadal saami xumada Xukuumadiisa iyo in aanay bulshada dhex u ahayn oo aan ummadda Somaliland iska dhex wada arkin, iyadoo Madaxweynihii, Taliyayaashii Ciidamadda Qalabka sida, Maxkamadii Sare, Maaliyadii iyo dhammaan ilihii dhaqaalaha ee Dalka Beesha Madaxweynuhu sadbursiimo u heshay, kama hadal caqabada ugu wayn ee Doorashooyinka la sugaayo hortaagan oo ah saami qaybsigii Gobolada oo isaga laga sugaayo, kamuu hadal halkuu ku danbeeyay Xukunkii Deg Dega aha ee Gobolka Sanaag, kama hadal Xabisaada Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool iyo Dastuurka u fasaxay inuu Wali Xabsiga ka hayo, kama hadal qaybsanaanta Bulshada uu hoggaamiyo haysa iyo xalka uu amuurtaas gamuurantay u hayo.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Sweden .. Source
  10. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay ciidamadda loo samaynaayo gacanka badda cas Oo aanay Somaliland door ku lahayn . Hoos ka DAAWO Source
  11. (SLT-Burco) Magaaladda Burco oo ah goobtii lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland ayaan sannadkan looga xusin sidii ay ahaan jirtay waxaana ku kaliyaystay laamaha Dawladda ee Gobolka iyo xubno Wasiiro Ah Oo Hargaysa ka yimi . Hoos ka DAAWO Source
  12. Kenya and Djibouti in partnership with the private sector plan to invest Sh6 billion to lay out Kenya’s fifth submarine cable. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xuska 18 May oo maanta Somaliland looga dabaal Deg ay wuxuu ka jeediyay khudbad dheer oo uu arrimo kala duwan uu kaga hadlay . Hoos ka DAAWO Source
  14. (SLT-Boorame) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo xubno ka tirsan Golaha Wasaaradda ayaa bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal kala qayb galay Munaasibada xuska 18 May Hoos ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kulan-kii ugu horreeyay ku yeeshaan odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegayn qaar kamid ah Ganacsatada. Kulankaan ayaa looga hadli doonaa xaaladda go’doonka ah oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxa uuna daba joogaa kulamo kale oo ay hore u yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaardka Muqdisho. Kulamada ayaa waxaa markii hore waday oo laba goor shiray odayaasha, balse waxaa hadda kusoo biiray ganacsatada. Ganacsatada iyo odayaasha ayaa la sheegay in ay kawada hadli doonaan sidii cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed loo saari lahaa Dowladda Soomaaliya iyadoo laga jawaabayo xaaladda go’doonka ah ee Muqdisho. Dhinacyada ayaa laga yaabaa in ay ku dhawaaqaan joojinta isticmaalka Dekedda Muqdisho iyo bixinta Canshuurta dowladda. Sidoo kale odayaasha ayaa la filayaa in ay la kulmaan guddiga gaadiidlayda Gobalka Banaadir oo si lamid ah laga dalban doono in ay joojiyaan shaqada iyo bixinta Canshuurta dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadii ay dhacdo in ganacsatada, gaadiidlayda iyo odayaasha dhaqanka ay qaataan go’aan mid ah waxay noqon doontaa xaaladda mid aan sahlaneen. Sidoo kale waxa uu go’aankaasi noqonayaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa oo kale ah islamarkaana Muqdisho ka soo baxa waayihii dambe. Dowladda Soomaaliya oo cadaadis ballaaran saartay Shacabka Muqdisho ayaa u muuqata in markaan ay wajahayso cadaadis adag oo uga imaanayaa odayaasha matala beelaha daga Gobalka Banaadir oo u dul-qaadan waayay xaaladda aan sahlaneen ee Muqdisho ka jirto bilooyinkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. The hijab has become an optional part of the Police Scotland uniform as the force works to encourage Muslim women to join the service. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Candulaahi Deni ayaa socdaalkii ugu horeeyay ku tagaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug tan iyo markii la doortay. Mada weynaha [...] Source
  18. Bismillaahi Raxmaani Raxiim; • Madaxweynihii hore ee Somaliland • Shir-guddoonka labada Gole • Maxkamadda Sare • Golaha Wasiiradda • Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka. • Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland. • Wasiiradda ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida • Xildhibaannada ka socda dalalka Djibouti, Kenya iyo Uganda, • Marti-sharafta ka kala yimid dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), • Diblomaasiyiinta iyo Safiirada Dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Turkey u fadhiga Somaliland, • Mudanta iyo mudakarka Madashan Fadhiya iyo Shacab Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaantiin: Asalaamu Calaykum Wa-raxmatullaahi Wa-barakaatuhu.Araar Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamman ummadda reer Somaliland, meel ay joogaanba. Dabaal-degga Xuska 18 May oo ku beegan Siddeed iyo Laabatan guuradii la soo noqoshadii xorriyadeenna. 18 May waa maalin qadarin iyo maamus ku leh dhammaan shacabiga Somaliland. Waa maalin qof kasta oo muwaadin ah qalbigiisa ku xardhan. Nacabkuna uu ka naxo. Waa maalin uu colaadiyo cadowgeennu. Waa maalin shacbiga Somaliland muujiyay cududdiisa. 18-kii May 1991-kii, reer Somaliland waxa u baryay waa-san oo ku suntan erayadii Alla ha u Naxariistee, Cali Sugule ee ahaa “Waa baa baryay, bilicsan, Maalin baxsan, kii ka baydhee, bahdii ka leexda, ee Boqonta gooya, Waa Baa’ba’iisa.” Qaranka Somaliland waxa lagu hagaa hogaamin talo-wadaag ah oo ka kooban Xisbiyo, Golayaal Sharci-dajineed, Garsoor iyo Xukuumad ku joogta tubta Dimuqraadiyadda. Xukuumad u darban adkaynta nabadda iyo xoojinta midnimada Somaliland iyo horumarinta maamul-wanaagga. Xukuumad la dareen ah shacbigeeda. Waa Qaran xilka hoggaaminta u saraysa isugu wareejiya hab doorasho xor iyo xalaal ah oo dhif iyo naadir ku ah Qaaradda Afrika iyo Adduunyada in badan oo kamid ah. Dhamaanteen waxaynu ka midaysan-nahay dhismaha dalkeenna, nabadda, midnimada iyo ilaalinta xorriyadeenna, waxaana innoo udub dhexaad ah 18-ka May, oo ah Maalintii La Soo Noqoshada Xorriyadda.Intaa kadib, waxaan ereyo kooban ka odhan doonaa dhawr qodob: 1. Adeegga Bulshada 1.1. Caafimaadka: Dawladnimo waa awood shacab oo lagu aaminay fulinteeda Xukuumadda, si ay u horumariso adeeg bulsho oo hufan. Shacabka Somaliland waxa xannaaneeya oo cudur iyo caabuq ka ilaaliya bahda caafimaadka oo saq dhexe iyo subaxba u taagan daryeelka caafimaad ee muwaadinka. In kastoo sannadkii 2018-kii, dakhliga Xukuumaddu koobnaa, maadaama dhibaatooyinku badnaayeen, dhoofkii xooluhuna xayirnaa, haddana Xukuumaddu waa ay xoogga saartay oo ku dadaashay: – Waxa la dhisay dhawr iyo toban xarumo caafimaad oo cusub (Health facilities), waxaana la dayac-tiray, dibna loo qalabeeyey in ka badan konton xarumo caafimaad, taas oo kor u qaaday 31% tirida dadka loo adeegaayo. – Xukuumaddu waxay xoogga saartay tayanta iyo qalabaynta Cusbitaallada ku kala yaalla Gobollada Sanaag, Sool, Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Maroodi-jeex. – Xukuumaddu waxay ka hirgalisay Cusbitaalka Guud ee Burco Mishiinka kalyaha lagu sifeeyo, oo markii hore ka jiray Cusbitaalka Hargeysa oo kaliya. – Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka. 1.2. Waxbarashada: Waxbarashada waxa koriya oo bar-baariya bahda waxbarashada oo ka saarta dadka mugdiga iyo jahliga, una gudbisa iftiinka aqoonta iyo hilaadinta himillada fog iyo horumarinta dalka. Xukuumaddu waxay iska xil-saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadida qalabka waxbarasho iyo kordhinta mushaharka macallimiinta. – Waxa la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. – Waxa la qaybiyey 1,200,000 (Hal Milyan Lix Boqol oo Kun oo Buug) oo la gaadhsiiyey ardayda tiro badan oo kala jooga gobollada dalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 454 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta. 1.3. Biyaha – Waxa dadaal xoog leh lagu bixiyey sidii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa biyo ku filan u heli lahayd, waxaana la kordhiyey ceelasha biyo soo-saarka Geedeeble 21%, waxaana qorshaysan in labada sanno ee soo socda 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka Caasimadda, iyada oo mishiinnadii biyahaas soo gudbin lahaa ay gebogebo ku jiraan. – Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah. 2. Shaqo abuurka Dhallinyarada Qaranka Somaliland waxa haydaarta iyo halisaha ka ilaaliya dhallinyaro (Wiilal iyo Gabdho) haybad iyo karti leh. Qaranka mustaqbalkiisa iyo karaamadiisa waxa cadawga ka difaaca dhallinyaro cuddoon, dal jecel, una darban in ay dalkooda dhistaan. Dhallinyaradu waa xooggii maanta iyo hogaamiyayaashii Qaranka ee mustaqbalka. In rajo iyo goobo shaqo loo abuuro waa mudnaanta koobaad ee xukuumaddeena, waana waajib shacbiga oo dhan saaran. Xeerka doorashooyinka ee Xukuumaddu curisay una gudbiysay Golayaasha Baarlamaanka waxaa loo qoondeeyay haweenka in 18 xubnood loo xidho oo ay si gaara ugu tartamaan. Barnaamijka Shaqo Qaran 30% waxa loo qorsheeyey in gabdhuhu ay si gaar ah ugu tartamaan. Imtixaannada lagu galayay shaqada Dawladda waxa sannadkan la gaadsiiyay Gobollada Dalka, waxaana 30% loo qoondeeyey in gabdhuhu ku soo galaan shaqada. Dhallinyarada la shaqo qaliyey waxay tiradoodu gaadhaysaa 1,654 (Kun, Lix Boqol Afar iyo Konton) Dhallinyaro ah. Intaa waxa dheer, 1,500 oo ah Barnaamijka Shaqo Qaran ah. Marka loo tartamo dhammaan fursaha shaqo ee ka soo baxa Dalkeena, waxa mudnaanta iyo tix-gelinta koowaad la siinayaa dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran ee dalkooda sida mutadawacnimada ah ugu soo shaqeeyey. 3. Dhaqaalaha Qaranka Somaliland waxa quudiya oo qadoodiga ka ilaaliya bahda wax-soo-saarka oo muruq iyo maskax u adeegsada siday dadkooda baahida uga saari lahayeen, kuwaas oo kala ah beeralayda, xoolo dhaqatada, kalluumaysatada, iyo warshadlayda dalka. Qarankan waxaa saldhig adag oo dhaqaale u abuura, horumar dhaqaale oo dhinacyo badan lehna gaadhsiiya bahda ganacsiga oo adeegsanaya Suuqa Xorta ah (Free Market), iyaga oo raacaya qorshaha Qaranka ee ay soo diyaariyeen Wasaaradaha wax-soo-saarka, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Baanka Dhexe. Nolosha dadkeenu waxa ay u qaybsan tahay sidatan: – Dadkeenu 65% waa xoola dhaqato, – 20% waxay ku tiirsan yihiin beeraha, – 3% waa kalluumaysato, – Inta soo hadhayna waxa ay ku tiirsan yihiin adeegyada ganacsiga iyo warshadaha fudud, – Dadkeena waxa lagu qiyaasaa maanta in 50% ay ku nool yihiin magaalooyinka, – Halka 50% na miyiga joogaan, – Tirada dadkeenu sannadkii waxay korodhaa 3.3%, – Tiradda guud ee dadweynaha dalkeena waxa maanta lagu qiyaasaa 3.8 Million. Toban sanno kadib, tiradda dadkeenu waxay kor u dhaafi doontaa 5 Million, – Qulqulka reer miyigu uu ku soo galayo magaalooyinku sannadkiiba waa 5%. – Taasi waxa ay u baahan tahay in qorshe qaran laga fikiro toban sano ka bacdi sida uu dalkeennu noqonayaayo. Xukuumaddu waxay qorshaynaysaa mustaqbalka sidii loogu diyaar garoobi lahaa magaalooyinka sii ballaadhanaya iyo tirada dadka ee sii kordhaysa, si loogu helo adeeg hufan. Xukuumaddu waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii adeegga bulshada ee maanta kor loogu qaadi lahaa. Taasina waxay u baahan tahay in wacyiga dadweynaha kor loo qaado, qof waliba fahmo in uu wakhtigiisa iyo dhaqaalihiisa kaga qayb-qaato kor u qaadidda adeega bulsho ee maanta iyo mustaqbalka. Muwaadin ogow Xukuumaddu qorshay keentaa, cududda fulisaana waa muwaadinka. Dhulka sannadkii oo dhan la beeri karo ee Somaliland waxa lagu qiyaasaa Saddex Boqol iyo Konton Kun oo Hector, laakiin hadda waxaynu ka beeranaa 3%. Qaran ahaan himilladeenu waxa weeyi in sannadka 2022 la beero 15% ka mid ah dhulkeena beeraha ku haboon. Dhulkeena waa in loo beero hab casri ah, xoolaha noolna loo dhaqo hab casri, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalka. 3.1. Khayraadka Dalka Waxa la sahamiyay khayraadka kala duwan ee dalka sida shidaalka iyo macdanta, sahankaasi wuxuu sheegayaa rajo aad iyo aad u saraysa oo qeexaysa inuu dalkeenna ku duugan yahay khayraad badan oo gali doona ganacsi weyn, innagana horumar dhaqaale inna gaadhsiin kara. Waxa aynnu u baahannahay inaynnu la nimaadno dedaalkii dadka lacagta iyo aqoonta geliya wax soo saarka macdanaha iyo Baatroolka inaynnu la nimaadno oo aynnu ku kasbanno, taasina innaga ayey inagu xidhan tahay oo cid kale kuma xidhna, waxana la inooga baahan yahay inaynnu noqono dal ammaan ah, midaysan isku kalsoon, horumarkiisa raadinaya, cidda u timaadda iyo xoolahooduna ay ammaan ka helaan. Taasina waxa ay inooga digaysaa khilaafaadka dhexdeenna ah, mucaariddada mararka qaarkood iskaga qaldanta qofkaad tartamaysaan iyo qaranka in la dumiyo, mucaaridkana waa loo baahan yahay oo waa miisaankii siyaasadda, waana inay dhaliilaan xukuumadda oo yidhaahdaan dedaal ma aha mucaaridku inuu yidhaahdo qarankaba halla dumiyo, haddaan kursiga waayo, taasina waa Xaaraan. 3.2. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta shacabka, waxay awood u yeesheen in ay hoos u dhigaan sicir-bararka. 18 May 2018-kii sicir-bararku waxa uu ahaa 19.2%. 18-ka May 2019-ka, Sicir-bararka waxa hoos loogu soo dhigay 7.7%. Halkaana waxa ka muuqata in Shillinka Somaliland uu xoogaystay oo uu qiimihiisu kor u kacay 24%. Taas oo keentay daganaansho dhaqaale. Waxa aynu rajaynaynaa in marka Xooluhu innoo furmaan dhawaan Idam Alle, in dhaqaalaheenu kor u sii koco, suuqa sarrifka lacaguhuna xasillooni ku nagaado. 3.3. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha – Waxa la bilaabay dhismaha iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, si ay u noqoto Deked weyn oo casri ah oo la tartami karta Dekedaha kale ee Gobolka iyo Adduunkaba. – Waxa qorshuhu yahay in casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera qayb laxaad leh ka qaadato shaqo abuurka dhallinyarada JSL, isku xidhka iyo Iskaashiga Dhaqaale ee Gobolka Geeska Afrika. – Waxa la bilaabay dhismaha jidka ganacsi ee muhiimka ah ee Berbera Corridor, oo hal-bowle u ah Iskaashiga Dhaqaale ee Gobolka. – Waxa sidoo kale Madaarka Caalamiga ah ee Berbera isticmaali doona Shacabka iyo Alaabooyinka Ganacsi ee laga rarayo Dekedda Berbera, si loo dhiirigaliyo ganacsiga iyo isku-socodka dadka Gobolka Geeska Afrika. 4. Amniga Ciidammada kala duwan ee Somaliland waa tiir-dhexaadka nabad-gelyada iyo amniga dhismaha Qarankeena curdinka, oo leh cadow badan. Xukuumaddu iyada oo taas aqoonsan waxay ku talaabsatay: – Daryeelka, Qalabaynta iyo kor u qaadka mooralka Ciidanka. – Kor u qaadista tababarrada iyo aqoonta Ciidamadda. – Dhammaystirka Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida. Xeerkaas oo hadda la yaalla Golaha Baarlamaanka. Ummadda Somaliland way og-tahay mudnaanta iyo xaq-dhawrka ay leeyihiin Ciidmmada Qalabka-sida, waxaanay u hayaan abaal weyn. Qaranka Somaliland wax walba waa uu u hurayaa dhismaha, daryeelka iyo xaq-siinta Ciidammada Qalabka-sida. Dhammaanteen, waxa aynu og-soonahay in Ciidammada Qaranku ku dhintaan iyaga oo nabadaynaya iska-hor imaadka beelaha iyo iyaga oo ka hortagaya dambiilayaasha amniga khal-khalinaya. Intaa waxa u dheer iyaga oo ka difaaca dalka cadow si toos ah iyo si dadbanba u soo weerara. Dawlad iyo dadweynaba innaga oo aad uga damqanayna Ciidammada ku dhimanaya nabadaynta dhexdeena ah iyo ka hortaga dambiilayaasha, dawlad iyo dadweynaba waa in aan arrintaa meel uga soo wada jeedsanaa, oo gacan adag wax kaga qabano. Qaranka Somaliland u dulqaadan maayo in cadow innagu dhex dhuuntay waxyeeleeyo nabadda iyo dagannaanshaha ummadda. Xukuumad ahaana dagaal adag baanu ka galaynaa arrintaa. 5. Doorashooyinka Sida aad la socotaan, Qaranka Somaliland waxa uu ku dhismayaa doorashooyinka oo wakhtigoodii lagu qabto, Dib-u-dhaca doorashooyinku waa dhibaato siyaasadeed oo wiiqi karta midnimadeenna. Mudnaantu waa in aan ka baxno qabyaaladda oo aan dhisno Qaran dimuqraadi ah oo isku maamula doorasho xor iyo xalaal ah. Labada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa – In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka, waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanau aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii. Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo muujiyey xil-kasnimo iyo in uu diyaar u yahay doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI in uu u soo diyaar garoobo doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii, wax Allah iyo wixii aad naga codsateenna waannu dhammaynay, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirto in taageerayaashaadu kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee goleyaasha Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka. Waxa kale oo aannu ku dhiirrinaynaa guddoomiyaha xisbiga sharafta mudan ee WADDANI inuu mar kaliya kasoo qaybgalo maalinta sannad-guurada 18-ka May. 6. Siyaasadda Arrimaha Dibedda Siyaasadda Arrimaha Dibedda waxa tiir-dhexaad u ah daris-wanaag, is-xaq-dhawr, Iskaashi dhaqan-dhaqaale, iyo ilaalinta nabad-kuwada-noolaanshaha Gobolka iyo Adduunkaba. Somaliland waxa ay u fidinaysaa gacan walaalnimo iyo saaxiibtinimo dhammaan dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba. Waxaannu xoojinay Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee ku jihaysan Qaarada Afrika. Waxaannu u aragnaa in baadi-goobka ictiraafka Somaliland xooggiisa la saaro dalalka Afrika iyo Golayaasha Afrika. Waxaan u caddaynayaa Afrika in Somaliland tahay dal ku dhisan xuduudihii gumaysiga, taas oo waafaqsan Axdiga iyo Sharciga u yaalla Ururka Midowga Afrika, buuxiyeyna dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal jiraa in uu yeesho. Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dar-dargalinayo xidhiidhka Beesha Caalamka oo dhan. Waxaad la socotaan wufuudda tirada badan iyo diblomaasiyiinta ku soo qul-qulaysa dalkeena. Arrimahaasi waxa ay marag u yihiin dar-dar-galinta iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda. 6.1. Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Somalia. Somalialand waxay go’aansatay siyaasadda ah in mushkiladda lagu xalliyo si nabad ah iyo wada- hadal. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh. Dadka maanta Muqdisho ka taliya waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano ee aynnu midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah. Lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa, danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas dal noqdaan laba dal oo walaalo ah. Somaliland waxay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay door-bidaysaa in mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu qabto fagaare caalami ah. 6.2. Iskaashiga Dalalka Gobolka. Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay door weyn ka qaataan isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay aaminsan-tahay, kuna shaqaynaysay intii ay jirtay Iskaashi, Is-xaq-dhawr iyo Daris-wanaag. Somaliland is-beddelka ka socda geeska Afrika ee Dimuqraaddiyad leh, ee horumar dhaqaale leh ee is-kaashi leh cidna magan ugama aha ee waxay ka qaybgalaysaa iyada dal xor ah oo Somaliland la yidhaahdo ah. Somaliland waa Qaran madax-bannaan iyo Xaqiiqo ka jirta Gobolka Geeska Afrika. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa dhammaan go’aammada iyo isbeddelka ka socda Gobolka. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay wiiqaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beeg-sanayo Gobolka Geeska Afrika. Dhawaan waxa aynnu maqalnay in la samaynayo ciidamada nabadgelyada badda Cas, waxan la yaabahannahay ragga Isteraatajiisteyaasha ah ee fikradda leh ee gobolka katirsan ee doonaya inay badda cas nabadgelyadeeda xoojiyaan ee Somaliland ah dalka xeebta ugu badan ee badda cas, Somaliland marka laga tixgelin waayey xaggee baa loo wadaa, mise Somaliland cid baa xoog kaga qaadaysa xuquuqdeeda. Arrinta nabad-gelyada Badda Cas ee hadda la hindisayo in ciidammo loo dhiso, waxaannu u aragnaa in Somaliland ka tahay tiir-dhexaad, sababtoo ah Somaliland waxay ku leedahay qayb weyn Badda Cas. Somaliland qaybta ay ku leedahay Badda Cas waxay dhan-tahay 850 Km, iyada oo kaliya ayaana ka arimisa. Sidaas darteed, dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jira Badda Cas, Somaliland waa in ay miisaankeeda ku yeelataa. Geba-gabo Shacabka xariirta ah ee Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay adkaystaan nabad-gelyadooda, midnimadooda iyo qaran-nimadooda, isla markaana, waa in ay u hilaadiyaan ubadkooda mustaqbal ifaya, caalamkana nabad-gelyo kula noolaadaan, cadowgoodana iska caabiyaan. Allaa Mahad Leh Qaran News
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobollada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Deni , oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri ku daray madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay intii ay socdeen howlaha diyaarinta Imtixaanka Magaalo ka tirsan Puntland in si qasab ah lagu jabsaday Imtixaanka,isla markaana si deg deg ah lagu bedelay si ardayda aysan u heli wax qish ah. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay M/ Muqdisho ayaa meel mariyay labo heshiis oo muhiim ah. Kulankan oo ahaa kii 15-aad ee Kalfadhiga Shanaad ayaa waxaa guddoomiyay C/weli Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka. Golaha ayaa cod u qaaday heshiiskii wadaaga Kheyraadka ee Baydhabo, waxaana ogolaatay 140, mana jirin wax diiday, waxaa ka aamusay 5 Mudane. Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay heshiiska caalamiga ah ee dadka naafada ah. Heshiiskan waxaa u codeeyay illaa 144 Mudane, ma jirin wax diiday, waxaana ka aamusay hal Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Muudey. Kulanka ayaa weli socda, waxaana xildhibaanadu ay ka doodayaan arrima la xariira burburinta Ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda Hormuud. View the full article
  21. Garoowe, May, 18, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada [...] Source
  22. Jowhar (Caasimadda Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somaliya, kadib markii Hirshabelle ay qaadatay go’aan ah in Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiga Sare ay qaadanayso ka maamul ahaan. Wafdiga Jowhar gaaray ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaalle . Wafdiggaan ayaa garoonka Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Waare. Ujeedka booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii xal looga gaari lahaa qaadista imtixaanka dugsiyada sare oo dhowaan ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka ay baabi’isay. Wasiirada Dowladda ka socda ee tagay Jowhar ayaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxda Maamulka Hirshabelle si loo xaliyo tabashada Maamulka ee dhanka Imtixaanaadka. Hirshabelle ayaa deeganada Maamulkeeda ka soo saartay Kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada ka socda ee deeganada Maamulkaasi ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in si aad ah loo xoojiyay amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa la galiyay heegan buuxa, waxaana howlgallo iyo baaritaano ay ka wadaan gudaha magaaladaasi. Arrintan aya salka ku heysa booqasho la filayo in gobolka Mudug uu ku tago Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni. Safarkan ayaa noqonayo kii koowaad ee uu Madaxweyne Deni ku tagayo hgobolkaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaamiyaha maamulkaasi. View the full article
  24. Mandheera (SMN) – Ugu yaraan 3 ruux ayaa lagu dilay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal dib markale uga soo cusbonaaday shalay deegaan hoostaga magaaladda Mandheera, kaas oo u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxay ka soo kala jeedaan labo beel oo isku haya Dhul Daaqsin iyo Ceelal Biyo laga cabo oo ku yaalla tuulada Banisa. Cali Roobo oo ah guddoomiyaha magaaladda Mandheera ayaa sheegay inay socdaan dedaallo lagu joojinayo dagaalka, islamarkaana lagu heshiisiinayo labada beelood ee degan Banisa. Beelahani ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo dagaalka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kuwaas oo inta badan ku dagaalama Dhulka Biyaha iyo dDaqsinka leh marka la gaaro xilliyada kuleylaha. Maamulka Mandheera ayaa xiray dad lala xiriirinaya in ay huriyeen colaad beeleedka ka socda Dhulka Miyiga ah ee hoostaga magaaladaasi. View the full article