-
Content Count
208,457 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may. Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen. Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya. Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran. Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman. Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine) Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa ka jawaabay hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ee ahaa inuu imtixaanka Puntland fashilmay. Maxamed Cali Farmayeeri ayaa sheegay in Imtixaanaadka Puntland ay si habsami leh u socdaan, isla markaana ay maalinkii 1aad kusoo gabagaboobeen si wanaagsan. ”Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhamaan hawl wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa ” Ayuu yiri Agaasimuhu. Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in hadda Puntland ay hiigsaneyso waxbarashada qaaradda Africa islamarkaana ay ka gudbeen deegaanada kale ee Soomaalida. Wuxuu u mahadceliyay dhalinyarada dhigatada iskuulada kala duwan ee deegaanada Puntland, isaga oo sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii waxbarashada loosoo tayeyn lahaa. Warka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare oo ku sugan Jowhar uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland Fashilmeen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Puntland-oo-ku-dhawaaqday-in-aysan-la-tartameyn-Soomaaliya-ee-Afrika-u-socoto.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
“Hambalyo dhammaan shacabwayenaha Jamahuuriyadda Somaliland meel walba oo aad ka joogtaaan dunida munaasibadda 28aad ee lasoonoqoshada madaxbannaanida Somaliland. Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan ciidamadda kala duwan ee qaranka, qoysaskooda iyo caruurtoodaba, waxaan leeyahay sannadguuro wacan. Waxaan Hambalyo U dirayaa dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, Somaliland waa qaran isku tashaday, gaamuray oo gaadhay horumar iyo badhaadhe intii uu jiray, ilaahayna waxaan u waydiin inuu u sii adkeeyo, sannadka sannadkiisana inagu gaadhsiiyo Ictiraaf buuxa iyo barwaaqo. Waxaan dadkayga iyo dalkayga aan jeclahay uga soo ducayn Xaramka barakaysan iyo agagaarka Kacbada oo aan cibaado u joogo, waxaan leeyhay guulaysta. Ramadaan kariim. Xirsi Cali Xaji Xasan Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Source
-
(SLT-)18 May maad wax ka tiraahdid? ayay si soo-jeedin oo kale ah ii weydiiyeen saaxiibbo aan qaddariyo. Jawaab: Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi. Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh. Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood. Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka. Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa. Gooni Isu-Taagga. Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya. Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale. Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo. Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah. Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland. Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah. Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno. Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. Source
-
A United Nations report has revealed that Somali Islamist insurgents are making their own explosives to mount more frequent and deadly attacks. The findings are a blow for internationally backed efforts to fight the al Shabaab insurgency, which has repeatedly carried out attacks in East Africa and launched dozens in Somalia this year despite a dramatic increase in U.S. air strikes. “For the first time, post-blast laboratory analyses … indicate a clear shift in al Shabaab construction methods, away from the use of military-grade explosives and towards HME (home-made explosives,” said a confidential report by the U.N. panel of experts on Somalia, which was seen by Reuters. “Information from a range of Explosive Ordnance Disposal (EOD) experts suggests a probable connection between the development of HME by al Shabaab and the recent increased frequency of major attacks in Mogadishu.” The analysis was based on at least 20 attacks since July 2018, the report said. It specify who did the analysis, but footnotes cited the U.N. Mine Action Service, the U.S. Federal Bureau of Investigation and experts who were not named but only identified by the dates on which they were interviewed. The U.N. panel declined to comment, and the two organisations did not respond to questions from Reuters. Somali government officials could not be reached for comment. Lt Col Charles Imbiakha, spokesman for the African Union peacekeeping force AMISOM, said it could not comment because it had not seen the report. Al Shabaab, which wants to rule Somalia in line with a strict interpretation of sharia law, has carried out at least 19 attacks with vehicle-borne bombs that have killed more than five people in Mogadishu since September, the report found. Change of tactics Hitherto, the insurgency has mostly relied on military-grade explosives, laboriously harvested by specialists from ordnance such as mines or mortars captured from soldiers or peacekeepers. But the attacks have become more frequent, or in some cases more dramatic – most notably the truck bomb that killed more than 500 people in October 2017 at a junction where street vendors were selling petrol. Experts have long suspected that that bomb may have used some home-made explosives, but no evidence had been made public. The U.N. panel report also does not offer evidence but notes that al Shabaab would have needed explosives from approximately 6,000 mortars to carry out a blast of that size. It said al Shabaab bombmakers were now mixing highly explosive nitroglycerine with ammonium nitrate or potassium nitrate – both used in fertilisers – and charcoal, although it did not say where they were being obtained. A raid on an underground site in Mogadishu last month recovered components and chemicals that included aluminium paste, which can enhance the thermal effect of a detonation, the report said. There are no public statistics on bombings in Somalia. The U.S. Joint Improvised-Threat Defeat Organization, part of the Pentagon, said it did not track bombings and the Somali government does not release statistics. REUTERS
-
Nimca Kalif Ahmed, 17, has been reported missing from her home in Limassol, police said on Saturday about the Somali teen, last seen on May 17. Source: Hiiraan Online
-
The train had crossed the frontier on Chinese-built rails between Ethiopia and Djibouti. Barren escarpments and acacia trees were flowing past the windows. Behind lay Ethiopia and a disclaimer at the ticket booth warning passengers to travel at their own peril. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi -- Authorities in the breakaway state of Somaliland should immediately release television reporter Abdirahman Keyse Mohamed, also known as Tungub, and investigate the police officer who fired a shot that injured the journalist during his arrest, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
-
According to the World Health Organization (W.H.O), the cumulative total number of suspected cholera cases since the beginning of this outbreak in December 2017 is 7235, including 46 associated death cases. Source: Hiiraan Online
-
It seems as if The Weeknd can't catch a break when it comes to Starboy. The singer, whose real name is Abel Makkonen Tesfaye, has been attached to a number of lawsuits centered around his hit record. Recently it was announced that three songwriters from the U.K. were suing Tesfaye over "A Loney Night," a track featured on Starboy, alleging that it sounds identical to their single, "I Need To Love." They're reportedly suing for $150,000 and unspecified damages. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu fashilmay Imtixaanka ardayda Puntland maanta ay u fariisteen. Goodax Barre oo ka hadlaayay Magaalada Jowhar ayaa sheegay imtixaankaasi inuu yahay mid fashilan sida uu hadalka dhigay. “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay, wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre Arday gaaraysa 15,800 Arday ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga deeganada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo furay Imtixaankaasi ayaa sheegay dowladda Somaliya looga baahan yahay inay wax ka barato habka nidaaminta imtixaanaadka ee Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya ayaa ku fashilantay qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka kadib qishka Imtixaanka oo Suuqyada lagu arkay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maanta gebi ahaanba deegaanada Somaliland looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Dabaal-degan ayaa waxa deegaanada Somaliland laga xusaa sanad kastaba hal mar, taasi oo ku beegan maanta oo kale 18-ka May. Bulshada ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa saaka aroortii waxay u dareeren fagaarayaasha lagu xusayey munaasibada 18-May, iyaga oo ku labisnaa calanka Somaliland ee saddexda midab. Munaasibadan ayaa waxa dadweynaha Hargeysa kala qeyb galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadiisa iyo wafdiyo kala duwan oo ka socday dalalka jaarka iyo Marti-sharafta ka kala yimid dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN). Madaxweyne Biixi ayaa halkaa salaan kaga qaatay kumanaan kamid ah Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland oo Gaardis ku soo maray goobta ay ka dhaceysay Munaasibada xusku, isagoona ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay, uguna hambalyeey bulshada xuska 18-ka May. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey oo maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolka Mudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Madaxweynaha ayaa intaanu gaadhin degmada Buurtinle waxa uu sii kormeeray Wershedda dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo wershedda shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha laamiga dhexmara Buurtinle oo horey si casriya, tayonaleh u dhistay wadada halbowlaha ah ee Gaalkacyo. Soo dhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay shacabka reer Buurtinle weftiga Madaxweynaha ku qaabileen, waxaa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhexmarta faras magaalaha. 1km ayaa la dhisay, 3km iyo 600 miter, ayaa Madaxweynaha Puntland balan qaaday in dowladdu dhammaystiridoonto, waxaana uu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay shacabka degmadaasi. “Runtii waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan imaado degmada Buurtinle oo xudun u ah, halbowlena u ah Puntland, waan ku faraxsanahay horumarka ay gaadhay degmadu oo uu ugu horeeyo laamiga maanta aan xadhiga ka jarnay iyo mashariicda kale ee aan ka warqabo ee socota, taasi waxaa lagu gaaray dedaalka iyo wadajirka shacabka iyo maamulku ay sameeyaan” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay maamulka degmada, cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka magaalada, kulanka kadib waxa uu xadhiga ka jaray saldhig cusub oo degmada laga hirteliyey, dhismaha saldhigga waxaa iska kaashaday hay’adda SSF iyo dowladda Puntland. “Marlabaad farxad bay ii tahay in Alle isu soo keen celiyey inagoo guulaysanay, Buurtinle si gaara waxaan uga mahadcelinaynaa mudadii hadda Xukuumadda jirtey oo aan ku baaqnay TAYAYN IYO TIIGSI inay nabaddii tayaysay oo degaanka colaaddii ka jirtey ay soo afmeertay, runtii aad baan uga mahadcelinayaa, sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa inay dhiseen dhisme Laami oo tayaysan” ayuu yiri Madaxweynaha. “Wuxuu wax qabadku hirgelayaa marka la wadajiro, anaga ka dowladd ahaan waxaan balan qaadaynaa inaan bulshada reer Puntland gaar ahaan bulshada reer Buurtinle aan garab istaagayno dhammaan mashariicda ay wado, waxaan dhowaan ka hawlgelidoonna habaynta magaalada, idinkana waxaan idinka codsanaynaa inaad u diyaar garawdaan wax kasta oo wax idiinku hagaagayaan, wadadaas idan Alle inta ka dhiman waan dhammaystiraynaa, waxaan farayaa Kabeco inay dhammaystirto jidka halbowlaha ah ee magaalada” Ayuu sii raaciyay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Mudug, waxaana degmada Xarfo kusoo dhoweeyey mamulka degmada, shacabka magaaladaasi, waxgarad, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiin kale, intaasi kadib Madaxweynaha ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka Abqaale iyo cisbitaalka guud ee magaalada. Weftiga Madaxweynaha ayaa caawa ku negaandoona degmada Xarfo ee gobolka Nugaal. Halkaan ka eeg sawirada soo dhoweynta PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Findland) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay Hadalkii maanta ee Madaxweynaha Somaliland. Qoraal uu umuurtaas kaga hadlaayo ayuu ku yidhi sidan . Waxa aan guud ahaan hambalyo iyo bogaadin weyn u dirayaa shacabkayga Somaliland ee dal iyo dibadba jooga gaar ahaana ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda xuska 18-ka May oo ah maalin qarankani madax bannaanidiisii la soo noqday. Walaalayaal maanta oo ah 18-ka May, waa maalin inagu weyn oo qaranku leeyahay, waa maalin gobonimo ku suntan, waa maalin mudan xurmeyn gaar ah iyo weyneyn, waa maalin aanay xisbiyada qaranku isu muuqan oo ay qaranimadu wax kast ka weyn tahay. Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo! Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! GUUL & GOBANNIMO. Source
-
ADDIS ABABA (APA) - A transnational security threat from terrorism has been re-emerging in the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) region, which requires a new and determined regional approach to counteract the menace, Inter Governmental Authority on Development (IGAD's) offical has said. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta habaaray dowladda Puntland kadib markii saaka degaannada Puntland looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee lagu qaado gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii dalka. Wasiir Goodax oo maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulayaal, macallimiin iyo qaar kamid ah ardaydii u fariistay imtixaankii fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in imtixaankii Puntland ee saaka loo fariistay uu isna fashilmay sidaasi darteedna aysan la yaabin kii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan fashilmay. “Imtixaan waa fashilmaa, saacaddan la joogo Puntland imtixaan ay qaadaysay waa fashilmay, wadamada deriska ah waa ka fashilmaa, adduunkuu ka fashilmaa, laakiin inta aan fashil la’aanta u dhowaanay fiiriya. 104 goobood oo imtixaan lagu qaadayay, in hal keliya waxay ka yartahay 1% (boqolkiiba hal)” ayuu yiri Goodax oo kulankaasi ka hadlayay. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli saaka uu degaannada Puntland wakhti isku mid ah ka bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallad 4aad ee dugsiyada sare, islamarkaana si jawi deggan ah lagu galay maaddooyinka u horreeyay intixaankaasi oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee gudaha Soomaaliya lagu qaaday tan iyo burburkii dalka. Sidoo kale imtixaanka Puntland ee saaka waxaa u fariistay tiradii ugu badneyd ee imtixaan u fariisata degaannada Puntland, tiradaasi oo gaaraysa 15,892 arday. Wasiir Goodax ayaa hore gef iyo aflagaaddo ugu geystay ardayda iyo waalidiinta Puntland isagoo liiday intixaanka ay qaaddo dowladda Puntland balse maalmo kadib ayaa isagu ku fashilmay imtixaankii magaalada Xamar iyo gobollada Koonfurta iyo bartahama Soomaaliya kadib markii uu warbaahinta la soo istaagay in laga xaday imtixaankii oo aan waxba gacanta ugu jirin. PUNTLAND POST The post Goodax: Imtixaankii Puntland wuu fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladd-gobaledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud Farmayeeri iyo Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka Axmed Saahid iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal C/samada Sheikh Xaami iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Den”. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri Madaxweyne Deni” Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka UK in ay Dowlada Federaalku ay si hoose ugu waddo abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada Jubaland oo ay Xamar kasoo abaabulayso. Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay qorshahaas oo hadda ka howl-galaya deegaanada Jubaland. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Bulshada Caalamka iyo Safiirka ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah. Dhana kale, Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay. Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan. Danjirahu Ingiriiska wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog fara galin dhinac walba leh. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan Isgoyska Tarabuunka ku dilay Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto bajaaj uuna dhaawacay muwaadin kale,falkan oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal ay shaqo wadaag ahaayeen eedeysanaha iyo baarihii Kiiska si isku mid ah ayaana loo dhaariyay,waxaana dhammaan dhinacyada dacwadda ay weydiiyeen su’aalo habraaca sharciga ee ay tilmaamayaan. Muumin Cabdullaahi Xuseen ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu kulmiyay dhammaan astaamaha tilmaamaya dil ku talagal ah. Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda oo qaadatay saacado badan. “Dhageysiga la xiriira gar maqalka eedeysane Cali Maxamuud Axmed intaas ayuu ku dhammeystiran yahay,Maxkamadana ayaanna go’aan ka soo saari doonta,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khudbaddii munaasibadda 28 guurada 18 ka May ee madaxweynaha waa aan dhegeystey. In ka badan 98% waxa ay u ekayd khudbaddii sannadlaha ahaan jirey ee madaxweynuhu kaga hadli jirey waxqabadka xukuumaddiisa iyo khudbadihii la jeedin jirey xilliyada lagu jiro ololayaasha doorashooyinka. In ka yar 2% ayuu madaxweynuhu kaga hadlay 18 ka May. Waxa ay ahayd in madaxweynuhu ka hadlo 18 May sida ay ku timi sooyaal ahaan iyo qiimaynta 28 sannadood waxa Somaliland u qabsoomay iyo waxa ka qabyada ah sababta keentay iyo sida u qorshaysan ee uu doonayo in uu qabyadaas gufaynteeda kaga qayb qaato inta uu talada hayo awood ahaan. Dhinac kale marka laga eego, in badan oo la la yaabo ayaa ku jirtey khudbaddaas oo lagu dhalliili karo madaxwrynaha oo qudha ma ahee intii wax ka diyaarinteeda talo ku lahayd. Waxa ka mid ahaa waxyaalaha la yaabka lahaa ee ii muuqday in uu madaxweynuhu yidhaahdo 31% ayay xukuumaddaydu caafimaadkii kor u qaadday, iyada cusbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda la dalaadhacayo dayac iyo deyn uu iska bixin kari waayey. Agaasimaha cusbitaalka ayaa la wadaagey maalin dhoweyd golaha xildhibaannada in cusbitaalku tahli waayey in uu iska bixiyo deyn $288, 000 oo ah dawo iyo mid kale oo ah $135, 000 oo koronto ah iyo in cusbitaalku la ciirciirayo nadaafad darro, dayactir la’aan, biyo la’aan iwm. Horumarka waxbarasheed waxa uu noqday oo madaxweynuhu ku sheegay buugaag arday loo qaybiyey! Saw uma ay dhaanteen in uu ka hadlo horumarka waxbarasho ee dalku ku tallaabsaday 18 May 1991 – 18 May 2019. Ta kale ee khudbadda ku jirtry ee la yaabka lihi waa un uu ka hadlay oo afkiisa la maqlay waxa aan sameeyey maamul wanaag iyo horumar caddaaladeed, isaga sameeyey xukuumad si weyn dhinac uga raran oo tayo xun oo in badan cabasho iyo saluug looga muujiyey, iyada oo xadhigga xaqdarro ee aan sharciga waafaqsanayn oodaha jabsaday, uu banyaal noqday dhul boobka madaxweynaha iyo caa’iladdiisa Hargeysa ka wadaan iyo qaraabakiilka naasnuujineed. In uu arrintaas indhaha ka laliyo ayaa ugu yaraan u asturnaan badnayn, waayo ilko dhiig leh iyo karriin ku yaalla ayay ina sii tustay oo ladh bay soo kicisay! “18 May waxa u dabbaaldegaya Somaliland oo dhan” in uu yidhaahdo waxa ka roonayd runta oo uu yidhaahdo 18 May ayaynu u dabbaaldegeynaa, waayo dhammaan Somaliland uma wada dabbaaldegsyso oo degaanno dhan ayaa dhabarka looga sii jeediyaa mar kasta, taas na in uu si mas’uuliyadi ku jirto uga hadlaa ayay ahayd oo qabyada ku daro, muujiyana sida uu u xallilayo mustaqbalka dhow si loo wada dabbaaldego. Xildhibaan baa 18 ka May u xidhan magaalads Hargeysa (xildhibaan Dhakool), isaga oo xasaanaddii xildhibaannimo huwan oo maxkamadda iyo wakiiladuba ka badheedheen qaadista dacwaddiisa oo maxkamaddu diiddey maaddaama aanay awood sharci u lahayn, guddida joogtada ah ee wakiilladuna sharci jebin xadhiggisa ku sifaysay. Arrinta kala ee af-kala-qaadka ahi waa soo qaadista magaca guddoomiyaha Waddani iyo muxuu iigu iman waayey sida Faysal!! Madaxweyne waxa aad tahay madaxweynihii shanaad ee Somaliland. Cirrona waa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Madaxweyne Faysal kuugu filan guddoomiye xusbi mucaarad oo aad isku sawirto. Cirro waxa uu muujiyey aqoontiisii diblomaasiyadeed, Waddanina waa kaas meel walba ka dabbaaldegaya. Meelo badan oo kale oo la duri karaa waa ay ku badan yihiin khudbadda madaxweynaha, inta la yaab iigu muuqday se aan halkaas ku dhaafo, qoraalkana aan kaga baxo in waxa taas keenayaa ay tahay garashada hoosaysa ee hoggaamineed iyo rakaab xumaantiisa. Waxa na la yidhaahdaa haddii aad doonayso in aanad ogaato garashada hoggaamiye waxa la eegaa aqoonta iyo garashada inta hareerihiisa tuban ee rakaabka u ah. Sidee loo xusay 18 May iyo maxaa dhalliilo ka soo baxay abaabulkeedii? Qormo kale ayaynu ku eegi, haddii uu Alle idmo. Qaran News