Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,466
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey munaasabadda xuska 18-ka May ayaa iclaamiyay in maamulkiisu sii daynayo maxaabiistii Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland. Biixi ayaa sidoo kale Puntland ka codsaday in ay sii dayso maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii Tukaraq ee ku xiran xabsiyada Puntland si colaadda labada dhinac looga gudbo nabad iyo xasilooni waarta. “Waxaan doonayaa in aan iclaamiyo in aan diyaar u nahay in aan sii dayno maxaabiistii lagu soo xiray dagaalkii Tukaraq ee halkaan ku xiran iyaguna ay soo wareejiyaan wixii ay naga hayaan” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Wuxuu sheegay in aysan jirin sabab maxaabiistaasi ay xabsiyada ugu sii jiraan sidaasi darteedna uu qaatay go’aan ah in la is weydaarsado maxaabiista labada dhinac ee lagu kala qabtay dagaalkii Tukaraq iyadoo lala kaashanayo hay’adda Laanqeyrta Cas. “Waxay nala tahay in ay xabsi ku jiraani in aanay waajib ahayn sidaasi darted waxaan codsanaynaa iyaguna in ay diyaariyaan waxay hayaan aynu hay’adihii ku shaqa lahaa ee hore inooga dhexaynayey ee Laanqeyrta Cas ay ahayd in aynu arrintaasi dhammayn xagayagana waa ka diyaar” ayuu sii raaciyay Biixi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Somaliland ay doonayso nabad iyo xasilooni ay kula noolaato Puntland iyo in la soo celiyo xiriirka labada dhinac islamarkaana aan khilaaf dambe ka dhex dhicin sida uu hadalka u dhigay. Dagaalladii Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo askarta labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale maxaabiisna lagu kala qabsaday. PUNTLAND POST The post Somaliland oo iclaamisay in ay maxaabiis weydaarsanayso Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Saudi Gazette report Riyadh — Custodian of the Two Holy Mosques King Salman has called emergency summits of Gulf and Arab leaders in Makkah on Ramadan 25 (May 30) to discuss ways to enhance regional security and stability in the wake of the attacks on commercial vessels in UAE territorial waters and on two Saudi pumping stations by Iranian-backed terrorist Houthi militias. This was announced by an official source at the Ministry of Foreign Affairs. These attacks have serious consequences on regional and global peace and security as well as the stability of global oil supply and markets, the source said Qaran News
  3. Afhayeenkii Hore ee Puntland Quraan Jecel oo Ka Hadlay Hadalka Goodax Barre, waxaana uu yiri: “Hadalka Wasiir Goodax Barre ee ah Imtixaankii Puntland waa fashilmay [...] Source
  4. Jawaab: Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi. Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh. Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood. Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka. Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa. Gooni Isu-Taagga. Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya. Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale. Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo. Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah. Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland. Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah. Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno. Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. Waxaa Qoray Yuusuf Garaad Cumar. Qaran News
  5. Wasiirka wWxbarashda DF Cbdullaahi Goodax Bare ayaa maant xili uu Magaalada Jowhar ugu khudbaynayay Atday iyo walidiin Xanaqsn ayuu ku beer laxawsadey hadal been ah [...] Source
  6. Madaxweynaha Soomaaliland oo xalay ka khudbaynayay Xaflada 18 may ee Soomaaliland ayaa ku baaqay in Soomaaliland ay diyaar utahay inay nabad galyo kula noolaato wdamada [...] Source
  7. Australia’s ruling conservative coalition won a surprise victory in the country’s general election on Saturday, defying opinion polls that had tipped the centre-left opposition party to oust it from power and promising an end to the revolving door of national leaders. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweyne Biixi mar walba khudbado fiican iyo hadal macaan wuu jeediya, laakiin waxa ka dhiman ficilkii qodobaasi uu sheegay lagu fulin lahaa, waynu aragnay sanad iyo badh wasiiradii uu soo cugtay inay kaliya ku qanacsan yihiin wasiir balse wax muuqdo oo la qabto wali lama hayo. Sanadkii 2018-kii wax la taaban karo oo la qabtay ma jirto, lacagtii 34% ee horumarinta loogu tallogalay wax lagu qabtay anigu ma hayo, meel ay martay iyo xisaabtay lama sheegin, sanadkii labaad badhtankiisii baynu maraynaa illaa hadda wax buuran oo la qabtay ma jirto marka laga reebo barnaamijka shaqo qaran. Maanta waxay ahayd inuu ku faanno waxyaalo waaweyn oo la qabtay, hadii aanay jirin sababta u dhici wayday waayo wasaarad walba wax baa loo xil saaray miisaaniyad way leedahay, waa in wasiirka lala xisaabtama oo la waydiiyaa maxaad waxaas u qaban wayday,laakiin wasiiiradii wali waan ku qanacsanahay ee shacabow ku qanca ama ha ku qancina idinkay idiin taallaa ayey u eekaanaysa xaaladda jirta. Hadii wax la qabanayo marka kowaad cidii fulin lahaa waa in la helaa, marka labaad waa in isla xisaabtan cad oo shay waliba wuxuu ku baxay la helaa, agaasimaha shaqo qaran inuu ka duwan yahay wasiirada waxa marag ma doon ah in muddo laba bilood gudahood ku qabtay shaqo weyn oo ay dadku si weyn usoo dhoweeyeen, wasiiradii sanadka iyo badhka joogayna dadku way saluugsan yahay wax lagu amaanna may qaban. Qofka shaqo qaran udireysa marka hore waxa lagu qiimeeyaa waayo aragnimo, hal abuurnimo iyo go’aan qaadasho, hadii intaas laga weeyi daal uun baa la korodhsanayaa. Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  9. Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may. Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen. Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya. Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran. Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman. Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine) Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa ka jawaabay hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ee ahaa inuu imtixaanka Puntland fashilmay. Maxamed Cali Farmayeeri ayaa sheegay in Imtixaanaadka Puntland ay si habsami leh u socdaan, isla markaana ay maalinkii 1aad kusoo gabagaboobeen si wanaagsan. ”Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhamaan hawl wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa ” Ayuu yiri Agaasimuhu. Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in hadda Puntland ay hiigsaneyso waxbarashada qaaradda Africa islamarkaana ay ka gudbeen deegaanada kale ee Soomaalida. Wuxuu u mahadceliyay dhalinyarada dhigatada iskuulada kala duwan ee deegaanada Puntland, isaga oo sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii waxbarashada loosoo tayeyn lahaa. Warka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare oo ku sugan Jowhar uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland Fashilmeen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Puntland-oo-ku-dhawaaqday-in-aysan-la-tartameyn-Soomaaliya-ee-Afrika-u-socoto.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. “Hambalyo dhammaan shacabwayenaha Jamahuuriyadda Somaliland meel walba oo aad ka joogtaaan dunida munaasibadda 28aad ee lasoonoqoshada madaxbannaanida Somaliland. Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan ciidamadda kala duwan ee qaranka, qoysaskooda iyo caruurtoodaba, waxaan leeyahay sannadguuro wacan. Waxaan Hambalyo U dirayaa dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, Somaliland waa qaran isku tashaday, gaamuray oo gaadhay horumar iyo badhaadhe intii uu jiray, ilaahayna waxaan u waydiin inuu u sii adkeeyo, sannadka sannadkiisana inagu gaadhsiiyo Ictiraaf buuxa iyo barwaaqo. Waxaan dadkayga iyo dalkayga aan jeclahay uga soo ducayn Xaramka barakaysan iyo agagaarka Kacbada oo aan cibaado u joogo, waxaan leeyhay guulaysta. Ramadaan kariim. Xirsi Cali Xaji Xasan Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Source
  12. (SLT-)18 May maad wax ka tiraahdid? ayay si soo-jeedin oo kale ah ii weydiiyeen saaxiibbo aan qaddariyo. Jawaab: Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi. Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh. Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood. Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka. Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa. Gooni Isu-Taagga. Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya. Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale. Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo. Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah. Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland. Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah. Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno. Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. Source
  13. A United Nations report has revealed that Somali Islamist insurgents are making their own explosives to mount more frequent and deadly attacks. The findings are a blow for internationally backed efforts to fight the al Shabaab insurgency, which has repeatedly carried out attacks in East Africa and launched dozens in Somalia this year despite a dramatic increase in U.S. air strikes. “For the first time, post-blast laboratory analyses … indicate a clear shift in al Shabaab construction methods, away from the use of military-grade explosives and towards HME (home-made explosives,” said a confidential report by the U.N. panel of experts on Somalia, which was seen by Reuters. “Information from a range of Explosive Ordnance Disposal (EOD) experts suggests a probable connection between the development of HME by al Shabaab and the recent increased frequency of major attacks in Mogadishu.” The analysis was based on at least 20 attacks since July 2018, the report said. It specify who did the analysis, but footnotes cited the U.N. Mine Action Service, the U.S. Federal Bureau of Investigation and experts who were not named but only identified by the dates on which they were interviewed. The U.N. panel declined to comment, and the two organisations did not respond to questions from Reuters. Somali government officials could not be reached for comment. Lt Col Charles Imbiakha, spokesman for the African Union peacekeeping force AMISOM, said it could not comment because it had not seen the report. Al Shabaab, which wants to rule Somalia in line with a strict interpretation of sharia law, has carried out at least 19 attacks with vehicle-borne bombs that have killed more than five people in Mogadishu since September, the report found. Change of tactics Hitherto, the insurgency has mostly relied on military-grade explosives, laboriously harvested by specialists from ordnance such as mines or mortars captured from soldiers or peacekeepers. But the attacks have become more frequent, or in some cases more dramatic – most notably the truck bomb that killed more than 500 people in October 2017 at a junction where street vendors were selling petrol. Experts have long suspected that that bomb may have used some home-made explosives, but no evidence had been made public. The U.N. panel report also does not offer evidence but notes that al Shabaab would have needed explosives from approximately 6,000 mortars to carry out a blast of that size. It said al Shabaab bombmakers were now mixing highly explosive nitroglycerine with ammonium nitrate or potassium nitrate – both used in fertilisers – and charcoal, although it did not say where they were being obtained. A raid on an underground site in Mogadishu last month recovered components and chemicals that included aluminium paste, which can enhance the thermal effect of a detonation, the report said. There are no public statistics on bombings in Somalia. The U.S. Joint Improvised-Threat Defeat Organization, part of the Pentagon, said it did not track bombings and the Somali government does not release statistics. REUTERS
  14. Nimca Kalif Ahmed, 17, has been reported missing from her home in Limassol, police said on Saturday about the Somali teen, last seen on May 17. Source: Hiiraan Online
  15. The train had crossed the frontier on Chinese-built rails between Ethiopia and Djibouti. Barren escarpments and acacia trees were flowing past the windows. Behind lay Ethiopia and a disclaimer at the ticket booth warning passengers to travel at their own peril. Source: Hiiraan Online
  16. Nairobi -- Authorities in the breakaway state of Somaliland should immediately release television reporter Abdirahman Keyse Mohamed, also known as Tungub, and investigate the police officer who fired a shot that injured the journalist during his arrest, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  17. According to the World Health Organization (W.H.O), the cumulative total number of suspected cholera cases since the beginning of this outbreak in December 2017 is 7235, including 46 associated death cases. Source: Hiiraan Online
  18. It seems as if The Weeknd can't catch a break when it comes to Starboy. The singer, whose real name is Abel Makkonen Tesfaye, has been attached to a number of lawsuits centered around his hit record. Recently it was announced that three songwriters from the U.K. were suing Tesfaye over "A Loney Night," a track featured on Starboy, alleging that it sounds identical to their single, "I Need To Love." They're reportedly suing for $150,000 and unspecified damages. Source: Hiiraan Online
  19. MINNEAPOLIS (WCCO) — An Eden Prairie man will spend time behind bars for pulling a gun on a group of teenagers at a local McDonald’s. The incident happened last November at a McDonald’s in Eden Prairie. Source: Hiiraan Online
  20. Sharmarke Issa to lead city's public housing agency's governing board. Source: Hiiraan Online
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu fashilmay Imtixaanka ardayda Puntland maanta ay u fariisteen. Goodax Barre oo ka hadlaayay Magaalada Jowhar ayaa sheegay imtixaankaasi inuu yahay mid fashilan sida uu hadalka dhigay. “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay, wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre Arday gaaraysa 15,800 Arday ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga deeganada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo furay Imtixaankaasi ayaa sheegay dowladda Somaliya looga baahan yahay inay wax ka barato habka nidaaminta imtixaanaadka ee Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya ayaa ku fashilantay qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka kadib qishka Imtixaanka oo Suuqyada lagu arkay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com