-
Content Count
208,461 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu shalay jeedinayay wuxuu kusoo hadal qaaday dalab uu u dirayay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaaladii dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwasi oo sababay inay dad badan iska dilaan islamarkaana maxaabiis ay ku kala qabsadaan. Madaxweyne Biixi, wuxuu ka daldbaday madaxweynaha Puntland inuu sii daayo maxaabiista kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku xiran xabsiyada Puntland, kuwaasi oo badankood lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool. Wuxuu sheegay in Puntland iyo Somaliland ay wadaagaan xuduud dheer oo gaareysa 500KM, islamarkaana dadka halkaasi degen yihiin kuwo doonaya inay nabad ku wada noolaadaan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhankooda sii deyn doonaan maxaabiista kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ee ay ku qabteen dagaaladii labada maamul dhex maray. Labada maamul ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dagaalamay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana dadka ku dhintay ay u badnaayeen ciidamada u dagaalamayay labada maamul. Somaliland ayaa shalay u dabaaldegtay sanadguuradii 28aad ee markii ay sheegatay madaxbanaanida ka soo wareegtay. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-19052019-ok.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladaha guud ahaan ka jira deegaanada maamulkaasi. Ugu horeyn Lafta Gareen wuxuu ka hadlay qarax ka dhacay degmada Bardaale oo xubno maamulkiisa kamid ah ku dhinteen, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay qaraxaasi oo saraakiil ay ku dhinteen. Madaxweynaha Lafta Gareen ayaa sheegay in dadka Koofur Galbeed ay dhibaato kala kulmaan Ururka Al Shabaab, taasina ay ku qasbeyso inay diyaariyaan Jawaabta ka dhanka ah Al Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay galaan feejignaan iyo heegan ay kaga hortagayaan weerarada Al Shabaab qorsheynayaan inay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi. Dagaal ayuu ku baaqay in lala galo Ururka Al SHabaab oo ka dagaalama deegaanada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in guud ahaan ciidamada iyo maamulada degmooyinka inay u midoobaan la dagaalanka Al Shabaab. “Waxaan ugu baaqayaa ciidamada in meel kastaa oo ay joogaan sidii looga hortagi lahaa dhagar qabayaasha isku diyaariyaan, sidii meel kasta oo ay joogaan loogu tagi lahaa ayaan kula dardaarmayaa, waa inay heegan galaan oo ay ka feejignaadaan dhagaraha Al Shabaab”ayuu yiri Lafta Gareen. Qarax ka dhacay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku geeriyooday Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo Kamid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale, halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta K/Galbeed oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed Sheekh Muqtaar. Caasimada Online Xafiska K/Galbeed Caasimada@live.com
-
Just as elsewhere in the world, the traditional rural-urban political lines are being scrambled. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaq nuuciisa kii ugu horreeyay muddo ka badan 10 sano ayaa ka curtay magaalada Muqdisho, kaas oo ah in hogaanka dhaqanka ay qaataan go’aano ka dhan ah Dowladda dalka maamusha waxaana xaalad aan looga baran sanadihii dambe. Laba jeer kulamo loo dhanyahay ayey ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horreeyay kulamo kale oo gaar gaar ahaa kuwaas oo dhamaantood la qabtay 3-dii bil ee ugu dambeysay. Dhamaan kulamaan waxay ku saleesnaayeen cabasho ay ka qabaan 3 qodob oo ah dhib ka jira magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sababtay dowladda Soomaaliya islamarkaana la sheegay in ay ka diiday odayaasha in ay waan-waan kala gasho. Odayaasha waxay ka cabayaan 3 qodob kale. Xaaladda go’doonka ah ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Muqdisho, taas oo sababtay maciishadda oo aad u qaaliyowda iyo isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha oo go’ay. Xirnaanshiyaha iyo go’aadnka magaalada oo aan lagu heli amaan, Muqdisho oo go’doon ah wali waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo waana sababta 2aad ee dulqaadka ka dhamaysay waxgaardka. Shacabka Muqdisho waa bulshada kaliya ee bixisa Canshuurta dastuuriga ee dalka, hadana waa bulshada kaliya ee aan heysan matalaad siyaasadeed. Ku sii darso waa bulshada kaliya oo ay dowladda ku soo rogtay go’doonka waana sababta 3-aad ee sababtay qayla dhaanta odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Gobalka Banaadir. Waxaa la aaminsan yahay in waxgaradka Muqdisho ay qaadan doonaan go’aano culus oo curyaamin kara dowladda Soomaaliya kuwaas oo saameen dhaqaale iyo mid siyaasadeed dalka geliya. Go’aanada la filayo in ay qaataan ayaa waxaa kamid ah. Waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan dhismaha maamul Gobaleed matala dadka daga Gobalka Banaadir oo aan laheyn maqaam siyaasadeed iyo maamul danahooda ka shaqeeya. Taas oo xanuun iyo guul darro ku ah hogaanka Farmaajo oo Muqdisho kaliya saameen dowaldeed ku leh. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan joojinta Canshuurta ay siiyaan dowladda Soomaaliya oo aysan waxba kala soo dagin Dekadda Muqdisho ilaa amar dambe. Taas oo dhabar jab dhaqaale ku ah Xukuumadda Kheyre. Dhismaha Ciidamo MADANI ah oo degaanka ilaaliya iyagoo qayla dhaantooda la wadaagaya beesha Caalamka iyo daneeeyaasha Soomaaliya sida aan ku helnay Warbixino aan ka soo xiganay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka. Arimahaan ka taagan magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay u arkaan dab lagu sii qabtay xasilooni darrada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya iyo guul darrooyinka tusbax furtay ah ee uu wajahayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
“Mueller’s report reveals that President Trump engaged in specific actions and a pattern of behavior that meet the threshold for impeachment,” Justin Amash wrote. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa shalay ka bilowdey gobolada Dowladda Puntland ee Soomaaliya Imtixaankii shahaadiga ah oo ay ardey ka badan 15 000 u fariisteen, Imtixaanka waxaa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), ma ahan markii u horeysey sidaan si lamid ah sanadkii hore May/2018 waxaa Imtixaanka shahaadiga ah u fariistey 15 000 oo ardey kuwaas oo ku kala galay 100 goobood, waana nidaam Puntland ku soo dhaqmeysey sanadihii u danbeeyey. Waa arin aad loogu farxo in gobolada Puntland oo Dowladda Federaalka ah ka horeeyey, oo ah gobolo xasiloon ay hal mar Imtixaan u fariistaan 15000 oo ardey si nabad ah ku dhacdey, aysan jirin wax caqabado ah oo looga cabsi qabo. Waxaa nasiib darro ah hadalo aan loo meel dayin dhaawac ku ah kumaankun ardey iyo waalidiintood, meel ka dhac ku ah dowladnimada iyo wada shaqeynta, iska horkeenaya bulshada iyo Dowaldda federaalka ah ka soo baxaan Wasiirka Waxbarashada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, hadaladaas oo uu ku qarinayo fashilka ku yimid shaqadii loo igmadey. Haddaba si loo fahmo hadalada dhaawaca ah ee ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada waxaa muhim ah in giraanta dib loo celiyo. DIB U SOO NOOLAANSHAHA DALLADAHA WAXARASHADA Dalladaha Waxbarashadu waxay ahaayeen awood aad u xoog badan ee dalka ka jirta, taas oo la dhihi karo waxayba sababtey dhalashadii Dowladdii uu Madaxweynaha ka noqdey Xassan Sheekh Maxamuud. Xilligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole waxaa si weyn Puntland u wiiqdey awoodii Dalladaha Waxbarashada ee qaadi jirey Imtixaanaadka, waxaana awooduudu ku ururtey gobolada koonfureed, laakiin Dowladdii Cabdiweli Cali Gaas si tartiib ah waxaa dib u soo noolaadey awoodii Dalladaha Waxbarashada kuwaas oo mar kale laga dareemay Puntland. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay in ardeyda ka qayb-qaadanaya Imtixaanka shahaadiga ah ay gelayaan laba Imtixaan mid kuwa Dalladaha ah iyo mid Wasaaradda Waxbarashadu qaadeyso, arrintan oo noqotey mid dad badan ka yaabisey laakiin ahayd wax horey u dhici jirey, waxaana la aaminsan yahay in Dalladaha Waxbarashadu ay saameyn ku lee yihiin Wasiir Goodax Barre. Bishii Abril 2019 Wasiirka Waxbarashada ee XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu ku dhawaaqey in Imtixaankii Wasaaradiisu qaadi lahayd ay Puntland diidey sidaas darteed uu hoosta ka xariiqayo in aysan aqbali doonin shahaadada dugsiyada Puntland. Arrintan ayaa cirka isku shareertey, Goodax Barre naftigiisa ayaa yiri hadalkayga si khaldan ayaa loo fasiray, inkasta oo fasirada uu bixiyey ay kaba sii darneyd tii hore, waxaana arrintan dhex galay Xildhibaanada Aqalka sare oo aan wax natiijo ah soo saarin. Dooda ugu adag ayaa ahayd Imtixaan caynkee ah ayaa Goodax Puntland ka qaadayaa haddiiba aanu dalku lahayn manhaj mideysan, ardeyna imtixaan loogama qaadi karo manhaj aanu dhigan sidoo kale waxaa meesha ku dhumaya macnaha federaalka iyo awoodaha ay lee yihiin Dowlad Goboleedyadu, iyo doodo kale oo ka culus. QOFKASTA SIDUU U GOGLADO AYUU U SEEXDAA. Iyada oo aan laba gaarin imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee Puntland ee Wasiirka Waxbarashadu ka digaayey, ayuu bilaabey kuwii uu doonaayey in dalka oo dhan laga qaado marka Somaliland laga reebo, laakiin nasiib darro Imtixaankasta waxaa lagu faafiyey isaga oo sidiisi ah Internetka. Goodax oo goroda laad-laadinaya waxa uu tegey Telefeshanka Qaranka waxaana uu ka sheegay in Imtixaanaadkii la fashiliyeysidaas darteed la joojiyey gebi ahaantoodba arrintan waxay keentay caro weyn oo ay qaadaan ardeyda kumaankunka ah ee u fariistey Imtixanaadka, waxaana ay u soo baxeen dariiqyada, waxay sheegeen in dhibaato ay wax-ku-bartaan, subax la arko iyaga oo labisan jidka laga celiyo oo waddooyinka loo xiro madax kale oo caalamka ka socota oo imaaneysa, taas oo ay u dheertahay qaraxyada iyo dilalku, duruuf adag ay wax ku bartaan midda uu sameeyey Wasiirka Waxbarashadu aysan sinaba u qaban. Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu u gefey Shaqaalihii wasaaradiisa, Waalidiinta Ilmaha dhalay iyo ardeyda qudhooda markii uu jawaab ka bixinaayey cabashadooda iyo go’aanka uu gaarey. KADAR OO DIBI DHAL Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay hadal kale oo qarax weyn dhaliyey “Bombshell”, Isaga oo raba in uu qanciya bulshada ku dhaqan magaaladii Xildhibaanimada looga soo doortey ee Jowhar oo si weyn uga caraysan Imtixaanka fashilmey ee la joojiyey, ” Saacadan aan idinla hadlaayo Puntland imtixaan ayey qaadooysaa waana fashilmey”, hadalkan ayaa ah mid bensiin ku sii shidaya dabkii uu horey u shiday ee ahayd in “Shahaadosuur” ay noqon doonto warqadaha Puntland, marka si fiican loo fasiro Wasiirku waxa uu ka wadaa waa Imtixaan aan diidey ayey qaadayaan waana fashil. Wasiirkii ka horeeyey Goodax Barre oo magciisu ahaa Cabdiraxmaan Daahir Cismaan waxa uu xilkiisi ku waayey markii uu duray jaamacadaha Soomaaliya, kadibna ay qaylo-dhaan ka soo yeertey Dalladaha Waxbarashada, HADABA Goodax Barre muxuu kaga duwan yahay Cabdiraxmaan Daahir Barre, maadaama uu 16 000 oo ardey ah doonayo in uu mustaqbalkooda mugdi geliyo, waxa uu uga duwan yahay waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waa Xildhibaan qaylo badan oo halka uu taageersan yahay si ba’an u difaaca, si kale waa taageerayaasha u weyn ee Xukuuumadda Baarlamaanka ka dhex difaaca ilaa uu saaxibadiisa iyo jaalayaashiisa al-Shabaab inay yihiin ku dhiirado. KHEYRE LABA HAKALA DOORTO Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo laba jeer booqdey Puntland waxa uu ogyahay taageerada uu ku lee yahay, gaar ahaan dhalinyarada sidaas darteed, waxa uu samaynayo Cabdullaahi Goodax Barre haddii aanu ku garab taagneyn waa in uu tallaabo ka qaado, waa in uu kala doorto Kumaankun dhalinyarada ah ee taageersan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, 16 000 oo ardey maahan wax mustaqbalkooda lagu ciyaari karo rajo beelna lagu ridi karo. Cabdullaahi Goodax Barre ma qaadi karo masuuliyadda Wasaaradda Waxbarashada, waxaana la gudboon Raysalwasaare Kheyre in uu odayga u wareejiyo Wasaarad kale oo uu ka bixi karo HADDII KALE waxaa caddaaneysa in rayslawasaare Kheyre iyo xukuumadiisuba ay ku taageersan yihiin hadalada dhaawaca ah iyo damaca ah in Wasiir Goodax uu ku ciyaaro mustaqbalka 16000 oo ardey ah. PUNTLAND MAXAA LA GUDBOON? Bishii Abril 2019 markii uu Goodax Barre ku dhawaaqey in shahaadooyinka Puntland aysan aqoonsan doonin waxaa u jawaabey qofkasta si ka baxsan xirfadda siyaasadeed, haddaba si arrinta loo adkeeyo waa in madaxtooyada Puntland ay soo fara gashataa arrinta mowqif adagna ay ka qaadataa, Madaxweynaha Puntland isla habeenkii xalay waxa uu la xiriiray Raysalwasaare Kheyre, waxaana uu dalbadey faah-faahin waxa ka soo baxaya Goodax Barre ma ahan wax caadi ah, waa arin wanaagsan laakiin waxaa habboon in kor loo sii qaado loo yeero 42 Xildhibaan ee Puntland Dowladda federaalka ah ku metala ayna moqif adag ka wada qaataan arrintan. Ugu danbeyntii Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa la gudboon in uu dib ula noqdo hadaladiisa dhaawaca ah, waxaa muuqata in lagala caal waayey in uu caddaalad iyo sinaan ugu adeego dhamaan bulshada in uu fahmo nidaamka federaalka ee dalku qaatey in Waxbarashada aan la siyaasadeyn laguna ciyaarin mustaqbalka ardeyda Soomaaliyeed, mar haddii uu ku fashilmey shaqadii uu Puntland kula diriray waxaa la gudboon in uu wasaarad middaan ka shaqo fudud raadsado ama halkii uu ku wacnaa ee baarlamaanka Mikrofoonkiisi la dhex istaago. Waxbarashada Soomaaliya waxay u baahan tahay hormarin dhinac kasta ah, waxaa habboon in dalka loo sameeyo manhaj mideysan, si ardeyda Soomaaliyeed dhamaantood u geli karaan hal Imtixaan oo mideysan, in meesha laga saaro Imtixaanada Dalladaha Waxbarashada, taas waxaa ka horeeya in marka hore la helo jawi xasiloon, qalabi wanaagsan oo diyaar ah iyo guddiyadii ka shaqeyn lahaa arrintaas. W/Q: I. Haji Said Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si aad ah uga carrooday hadalkii kasoo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ee ku aadanaa imtixaanaadka dugsiyada Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Cabdulaahi Goodax Bare ayaa sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland oo shalay si rasmi ah loo daahfuray, isaga oo yiri “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay.” Hadalka Goodax ayaa sida la sheegay aad uga yaabiyey ugana carreysiiyey madaxweyne Deni, maadaama aysan jirin inta la ogyahay imtixaan fashilmay oo baahay. Deni ayaa la sheegay inuu xiriir deg deg ah la sameeyey ra’iisul wasaare Kheyre kana dalbaday in wasiir Goodax sharraxaad buuxda ka bixiyo hadalkiisa “dhaawaca xooggan ku ah sharafta imtixaanka Puntland.” Deni ayaa sida la sheegay hadalka Goodax u arkay mid ku talo-gal loogu dhaawacayo imtixaanka Puntand, maadaama Puntland kaga guuleysatay Goodax dooddii horey u dhex-martay labada dhinac, kadib markii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto Imtixaanaadka wasaaradda waxabarshada Soomaaliya. Puntland oo markii horey ku dooday inaysan aamini karin hanaanka dowladda Soomaaliya ayaa warkeedu rumoobay markii uu fashiilmay imtixaankii dowladda oo suuqyada laga helay, waxaana hadalka Goodax loo arkay mid lagu xumeynayo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay boqor Salmaan Cabdicasiis uu ku baaqay in laba shir-madaxeed oo deg deg ah ay yeeshaan, waddamada Khaliijka iyo dalalka Carabta 30-ka bishan May ee socota, si looga arrinsado weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta. Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga, ayaa baahisay in labada shir-madaxeed lagu qaban doono magaalada Makka, si looga arrinsado halista uu wajahayo amniga gobolka iyo kan caalamkuba, kadib weerarkii lagu qaaday maraakiibtii ganacsiga Imaaraatiga ee marayay biyaha dalkooda iyo weerarkii malayshiyaadka Xuutiyiinta ee Iraan taageerto ay ku beegsadeen goobaha shidaalka laga soo saaro ee boqortooyada Sacuudiga. Xuutiyiinta ayaa talaadadii la soo dhaafay qaaday, weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ku beegsadeen bar-tilmaameedyo ku yaalla dalka Sacuudiga, iyagoo adeegsaday todoba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn. Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, weerarka ayaa lagu beegsaday laba goobood oo shidaalka laga soo saaro, ayna leedahay shirkadda ARAMCO, kuwaasi oo ku yaalla degaanno 220km iyo 380km galbeed ka xiga caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad. Laba maalmood ka hor weerarkaasi, afar markab oo ganacsi ayaa hawla arbushaad ah la kulmay meel u dhow Imaarada Fujeera ee waddanka Imaaraatka Carabta. Sidoo kale wasiirka Tamarta dalka Sacuudiga ayaa sheegay in laba kamid ah maraakiibtooda shidaalka qaada ay la kulmeen weerar noocaasi oo kale ah. Xaaladda gobolkaasi ayaa murugtay, kadib markii khilaaf ka dhex abuurmay dalalka Iraan iyo Maraykanka, iyadoo dowladda Maraykanku ay xayiraad ku soo rogtay shidaalka ay soo dhoofiso Iraan, ayna sii xoojisay cuna-qabateynta saaran dalkaasi, iaydoo sii dheertahay maraakiibta diyaaradaha xambaara oo Maraykanku gobolka u diray,si uu u kordhiyo cadaadiska Iraan. Halkan ka akhriso warbixinta oo Af-carabi ku qoran PUNTLAND POST The post Boqorka Sacuudiga oo ku baaqay shirar deg deg ah appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland waxaa ay muddo badan u sheegaysay shacabkeeda in ay baadi goob ugu jiraan aqoonsi caalami ah in ay u helaan maamulka u dhisan iyadoo wakiilo dhammaystiran ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida Aqalka sare, Golaha wasiirada, Danjireyaasha Federaalka, Guddiyada madaxa bannaan ee Federaalka iyo shaqaalaha Federaalka ee Hay’adaha dowliga ah ka shaqeeya. Shacabka ku nool Somaliland waxaa waajib ku ah in ay isweydiiyaan cidda sida dhabta ah ugu matasha aayo ka talintooda rasmiga ah? Wakiillada Federaalka ku matala Somaliland ayaa sheeganaya in ay si dhab ah u matalaan shacabka Somaliland, saxiixa metelaadda oggolaanshana ka haysta odayaasha beelaha dega Somaliland, islamarkaana maamulka Hargaysa dood iyo eedba ka qabin wakiillada Federaalka ee Soomaliland ku matala. Maamulka Hargaysa waxaa u dub dhexaad u ah Odayaasha dhaqanka ee beelaha deggan Somaliland, odayaasha beelaha waxaa ay u taagan yihiin xalinta khilaafyada ka mugga weyn siyaasiyiinta iy xisbiyadaba, waxaana xaqiiq ah in ismari-waa badan ee hore uga dhex dhacay xisbiyada ay xalliyeen Odayaasha dhaqanka Somaliland, sharciyadda uu haysto maamulka Somaliland waxaa ay ku tiirsan tahay garbaha Odayaasha dhaqanka beelaha Somaliland. Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaliland deggen waxaa ay soo wakiisheen siyaasiyiin ku matesha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wakiillada Soomaalilnd u jooga Muqdisho waxay haystaan oggolaansho lamid ah kan Hargaysa ka shaqeeya ee Odayaasha ducadooda ku howlgala. Maamulka siyaasadda ee Hargaysa waxaa quseeya oo kaliya amniga iyo xasilloonida kajirta deegaannada ay maamulaan, qadiyadda madax banaanida Somaliland waxaa weli si buuxda u aqbalin Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaliland. Masiirka shacabka ku nool deegannada Somaliland kuma xirna calanka buluugga ah ee laga mamnuuco Hargaysa ee wuxuu ku xiran yahay in si run ah oo dhammaystiran looga guuro Muqdisho siyaasad ahaan islamarkaana Odayaasha dhaqanka beelaha Somaliland iyo dhammaan siyaasiyiinta u dhashay Soomaliland ee jooga Hargaysa in siwadar ah u caddeeyaan in aanan lagu matalin dhammaan hay’adaha Federaalka ah Soomaaliya isla markaana siyaasiyiinta Muqdisho joogana kala noqdaan aqoonsiga matalaadda Somaliland. Waddada loo maro kalataga Soomaliland iyo Soomaaliya waa wado cad oo fudud isla markaana u sahlan haddii ay dhab ka tahay Somaliland in ay ka go,do Soomaaliya inteeda kale, laakiin waxaa ka muuqata Soomaliland in aysan diyaar u ahayn wadadaas, Somaliland waa in ay ka maarantaa ka qayb galka siyaasadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ay odayaasha dhaqanka beelaha ay hoggaaminayaan hannaanka kala tagga Soomaaliya iyo Somaliland. Waa in Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, iyo Xukuumada Somaliland ay si cad ugu sheegaan Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in aysan kulaheyn wakiillo ku metala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Danjireyaasha Federaalka iyo Guddiyada madaxa bannaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, tillaabtan ayaa ah caddeyn dhab ah in Somaliland ay ka go,an tahay madax banaanida ay doonayso 28 sanno in ay hesho isla markaana aaney dooneynin ka qab galka saammi qaybsiga siyaasadda Soomaaliya. W/Q: Abdirizak Yusuf Gure Abdirizak.guure@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir ayaa u muuqata in ay ku jirto xaaladii ugu adkeyd ee dhanka amaanka markii loo eego sanadihii ugu dambeeyay. Dilalka Al-shabaab ayaa saa’id ku noqday degmada, waxaana habeenadii ugu dambeeyay lagu dilay ku dhowaad 5 qof oo shaqaale Dowladeed ah. Dilalka ayaa waxaa fuliya rag ku hubeysan Bastoolado oo kadibna ka baxsanayay gacanta Ciidamada. Dhamaan dilalkii degmadaasi ka dhacay ayaa laga geestay hal Xaafad oo muhiim ah islamarkaana ah istiraatiiji, waxaana ku badan shaqaalaha Dowladda iyo dadka nolasha dabaqadda dhexe ama ladan. Xaafadda ay dilalka ka dhaceen ayaa lagu magacaabaa “Xaafadda Isbitaalka Soomaali Jarmal” waxay ku dhowdahay Isgoyska degmada oo ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya ku leeyihiin bar-kontarool oo lagu baaro gaadiidka iyo dadweynaha. Waa Xaafadda ama Waaxda ugu guryaha qaalisan markii loo eego Xaafadaha kale ee degmada waxaana halkii qol la kireeyaa lacag u dhaxeysa 100$ – 150$, waana sababta ay muhiim Xaafadaasi ugu tahay shaqaalaha Dowladda iyo dadka kale u shaqeeya hey’adaha gaarka loo leeyahay ama kuwa qurbaha ka yimid. Wali si sax ah looma oga in Al-Shabaab ay dagan yihiin Xaafadaasi balse dad badan ayaa qaba in Al-Shabaab ay ku xoogan Xaafadaasi oo aysan kaga imaanin dibadda. Waxaa lagu qiimeeyay raga wax dila waxay aad u kala yaqaanaan luuq-luuqyada degmada waana ku baxsadaan dilka kadib. Sidoo kale waxay aad u yaqaanaan dadka ay dilaan waana sababta labaad ee dhalisay shakiga ah in degmadaasi Al-Shabaab daganyihiin. Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ayaa 2 wiil oo dhalinyaro ah ka soo qabtay maqaayad ku taala halka ay dilalka ugu badan ka dhacaan ee Xaafadda Isbitaalka Soomaali Jarmal, ilaa hadana waxay ku jiraan gacanta hey’adaha amaanka. In Al-Shabaab ay wax ku dilaan degmada Boondheere, markii aad Muqdisho joogto waxay u dhigantaa iyadoo ay Al-Shabaab madaxtooyada wax ku dileen, sababtoo ah Boondheere waa aagga ay ku xoogan-tahay dowladda, sidoo kale waa degmada ay u soo amaan doontaan dadka cabsida qaba ee ka soo guura degmooyinka kale ee Gobalka Banaadir. Waxay u muuqataa in Boondheere ay lumineyso intaas oo dhan hadii aysan dowladda Soomaaliya qaadin tilaabo deg deg ah oo wax looga qabanayo amaanka degmada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka mudada badan ka taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay xisbiga Waddani oo isagu ka biyo diidan komishanka doorashooyinka, isla markaana raba in la kala diro. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu baaq u direy xisbiga Waddani iyo taageerayaashooda, wuxuuna yiri “Waxaanu aqbalnay in Komiishanka cusub oo doorashada qabto, marka Komiishankii hore uu wakhtigiisu dhamaado, waxaanuna diyaar u nahay inaanu ka qayb-qaadano oo aanu weliba tanaasul badan u samayno wax kasta oo Xisbiyada Mucaaradka ahi tabanayaan oo doorashadu inagu qabsoonto”. “Waxaan ugu baaqaynaa xisbiga Waddani oo ah xisbi Sharaf iyo Karaamo mudan iyaga iyo taageerayaashooda, Walaalayaal waa inaad doorashada ka soo qayb-gashaan, wixii aad naga codsateen waanu dhamaynay, gaar ahaan Guddoomiyaha oo si gaar ah u diiddan doorashada waxaanu leenahay waxay dantu ku jirtaa in taageerayaashaadu ka soo qayb-galaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka.” Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweyne Biixi “Waxa kale oo aanu ku dhiiri-gelinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga sharafta mudan ee Waddani inuu maalin keliya ka soo qayb-galo sannad-guurada 18-ka May. Waxaanu bogaadinaynaa Xisbiga Ucid oo ahaa Xisbigii noogu doodda adkaa ee waxaas oo dhan na ogolaysiiyey, aad iyo aad baan ugu bogaadinaynaa Geesinimadooda”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Puntland: Fashilku Goodax Barre keliya ayuu goonni ku yahay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan oo saaka wareysi siinayey idaacadda Radio Daljir, ayaa gebi ahaanba beeniyay hadalkii wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo shalay magaalada Jowhar ka sheegay in uu fashilmay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Puntland. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay, in imtixaankii shahaadiga Puntland uu sidii loogu tala-galay u socdo, isagoo xusay in maalintii kowaad ee shalay uu ku dhammaaday si guul iyo sharaf leh, islamarkaana aysan jirin hal meel oo dhibaato laga soo sheegay dhammaan goobihii imtixaanka. “Adeer wax ka jiraa ma jiraan, wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddayn” ayuu yiri wasiirka Puntland isagoo sii raaciyay” Puntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii kowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharafleh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto”. Dhinaca kale, wasiirka waxbrashada Puntland ayaa sheegay in uusan jirin, wax xiriir ah oo ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu su’aal geliyay halka wasiir Goodax uu ka keenay fashilka uu ku tilmaamay imtixaanka Puntland? Halkan ka dhegayso codka wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland: Fashilku Goodax Barre keliya ayuu goonni ku yahay appeared first on Puntland Post. -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan muhiim ah caawa kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada. Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka Mudug kan Degmada Xarfo qaarkamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madxatooyada. Madaxweyne Deni oo bulshada magaalada la hadlay ayaa ku booriyey horumarka isku-tashiga ah ee ay ugu midaysan yihiin inay ku horumariyaan degmadooda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu diyaar u tahay inay kala qayb qaadato dedaalka ay ku foogan yihiin maamulka Xarfo iyo shacabka magaaladaasi. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shacabka Xarfo la hadlayey ayaa sheegay in Xukuumaddiiso wax qabadyadii ugu horeeyey ee ay qabato ay ahayd dhisidda iyo deegamaynta ay Dowladdu ku bilowday xereda Tababarka ciidanka Puntland ee Abqaale, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta qalbiga furan ee ay kala kulmeen isaga iyo waftigiisa bulsho weynta Xarfo. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Madxaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Bulshada Degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey munaasabadda xuska 18-ka May ayaa iclaamiyay in maamulkiisu sii daynayo maxaabiistii Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland. Biixi ayaa sidoo kale Puntland ka codsaday in ay sii dayso maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii Tukaraq ee ku xiran xabsiyada Puntland si colaadda labada dhinac looga gudbo nabad iyo xasilooni waarta. “Waxaan doonayaa in aan iclaamiyo in aan diyaar u nahay in aan sii dayno maxaabiistii lagu soo xiray dagaalkii Tukaraq ee halkaan ku xiran iyaguna ay soo wareejiyaan wixii ay naga hayaan” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Wuxuu sheegay in aysan jirin sabab maxaabiistaasi ay xabsiyada ugu sii jiraan sidaasi darteedna uu qaatay go’aan ah in la is weydaarsado maxaabiista labada dhinac ee lagu kala qabtay dagaalkii Tukaraq iyadoo lala kaashanayo hay’adda Laanqeyrta Cas. “Waxay nala tahay in ay xabsi ku jiraani in aanay waajib ahayn sidaasi darted waxaan codsanaynaa iyaguna in ay diyaariyaan waxay hayaan aynu hay’adihii ku shaqa lahaa ee hore inooga dhexaynayey ee Laanqeyrta Cas ay ahayd in aynu arrintaasi dhammayn xagayagana waa ka diyaar” ayuu sii raaciyay Biixi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Somaliland ay doonayso nabad iyo xasilooni ay kula noolaato Puntland iyo in la soo celiyo xiriirka labada dhinac islamarkaana aan khilaaf dambe ka dhex dhicin sida uu hadalka u dhigay. Dagaalladii Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo askarta labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale maxaabiisna lagu kala qabsaday. PUNTLAND POST The post Somaliland oo iclaamisay in ay maxaabiis weydaarsanayso Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Saudi Gazette report Riyadh — Custodian of the Two Holy Mosques King Salman has called emergency summits of Gulf and Arab leaders in Makkah on Ramadan 25 (May 30) to discuss ways to enhance regional security and stability in the wake of the attacks on commercial vessels in UAE territorial waters and on two Saudi pumping stations by Iranian-backed terrorist Houthi militias. This was announced by an official source at the Ministry of Foreign Affairs. These attacks have serious consequences on regional and global peace and security as well as the stability of global oil supply and markets, the source said Qaran News
-
Jawaab: Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi. Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh. Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood. Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka. Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa. Gooni Isu-Taagga. Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya. Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale. Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo. Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah. Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland. Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah. Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno. Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. Waxaa Qoray Yuusuf Garaad Cumar. Qaran News