Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,457
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Difaaca Cirka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay burburiyeen Gantaalo ay Millateriga Israa’iil ka soo ganeen Xuduudka ay ka haystaan. Duqeyntan ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kadib, markii ay Wakaalladda Wararka Syria ee SANA sheegtay inay Ciiddanka Difaaaca ee Syria toogteen tiro ka mid ah Gantaalo laga soo ganay dhulalka ay Israel ka haysato Koonfurta dalka Syria. Milliteriga Suuriya waxay Gantaaladaasi kaga hor tagaeen hawdaa sare ee Gobalka Quneytara, halkaasi oo ay ku yaallaan Saldhigyo Milliteri. Source
  2. (SLT-Australia)-Xisbiga haya talada Australia ee Liberal-led conservative ayaa guul ka gaadhay doorashada baarlamaaniga ee Sabtidii shalay ah ka dhacday Dalkaasi. Arintaan ayaa timid kadib markii sida la filayay uusan wax guulo ah aanu la imaan xisbiga Mucaaradka ah ee Shaqaalaha. Ma cadda in isbaheysiga haya talada uu u baahnaan doono wada xaajood uu la galo xisbiyada kale si loo soo dhiso dowlada Cusub. Ra’isul wasaare Scott Morrison, oo intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada balan qaaday in uu dhimayo canshuurta dowlada, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha Australia ayaa sheegay in uu aaminsanaa marwalba Guusha uu gaaray Xisbiga haya Talada. Morrison ayaa intaa raaciyay in dowladiisa ay u shaqeysay muwaadiniinta Australians ee sida adag u Shaqeeyay. Si kastaba ha ahaatee dowlada cusub ayaa la filayaa in ay bilowdo guryo iyo lacagaha howlgabka ay u kordhiso dadka da’da ah ay nolol wanaagsan u Helaan. Source
  3. (SLT-Burco) Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dagaal xagga war baahinta loo marinaayo la gashay Proff. Axmed Ismaciil Samatar oo Wali ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyagoo dhibsaday doodihii uu Gobolada ku qabtay ayaa waxa markale weerar qaawan ku qaaday Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada . Marwo Hinda Jaamac oo ka hadlaysay magaalada Burco ayaa weerar aflagaado ah ku casharisay Proff. Samatar . Hoos ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hindiya)-Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha, kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas. Xilli ay sii kordhayaan danbiyada nacaybka ku saleysan ee lala beegsanayo Muslimiinta dalkaas oo ku abtirsada diinta 2aad ugu weyn dalkaas, ayaa kooxaha u dooda xuquuqda aadmuhu ay ka digeen dulqaad la’aanta loo hayo dadka laga tirada badan yahay, dulqaad la’aantaas oo aad ugu sii badanaysa dal ay Hinduugu ku badan yihiin. Jayshree Bajoria oo ah cilmi baare iyo la-taliye Hay’adda xuquuqda aadamaha ee HRW ayaa sheegtay in ay jirto amni darro sii kordhaysa iyo cabsi ay qabaan dadka laga tirada badan yahay ee India, gaar ahaan Muslimiinta iyo Dalits-ka. Iyada oo u waramaysa Idaacadda VOA ayey sheegtay in dawladdu ay ku guuldarreysatay ilaalinta dadka, isla markaana ay si sax ah u baarto weerarada ay qowleysatadu u geysanayaan dadka haysta diimaha laga tirada badan yahay iyo bulshooyinka la takooro, weeraradaas oo ay inta badan geystaan kooxo sheegta inay dawladda taageeraan. Source
  5. Waxaan halkaan ku soo koobaynaa dhowr cashar oo kookooban oo aan ku cabirayno waxyaabaha laga baran karo hanaanka hay’adeheenna Dowladda iyo sida ay u shaqeeyaan. Cashiradaani waxaa ay fikir guud ka bixinayaan xaalka ama heerka hay’adaha Dowladda, caqabadaha soo foodsaara badanaa, xalalka caqabadahaas, sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama loo xalinkaro, sidoo kale fursadaha muuqda iyo kuwa dahsoon ee ay ka faa’iideysan karaan hay’adaha dowliga ah. Qoraalkaani si toos ah iyo si dadban midna uma taabanayo hay’ad dowladeed iyo shakhsi ama ashkhaas gaar ah kuwaas oo lagu xusay magacyadooda halkaan. Sidaa daraadeed ma jirto cid si khaas ah loogula jeedo. Waxaan kaliya soo gudbineynaa waaya’aragnimadeena intii yareyd ee aan howlaga qaranka ku dhex jirnay. Casharka koobaad; Taariikhdu waxay na bartay in nidaamka dowladnimada aan lagu baran fasallada diraasada iyo jaamcadaha midna, laakiin ay tahay howl u baahan ku dhex korid, khibrad iyo fahan, ayna ku adagtahay qof aan kusoo dhex barbarian amaba aan kusoo dhex jirin nidaamka dowladda inuu fahmo alifka nidaam-dowladeedka. Tani waa sababta keenta inay cuuryaamaan hay’adaheenna dowladda oo ay inta badan hogaanka u qabtaan dad aan ku soo dhex jirin nidaamka dowladeed, fahamkooda baahida hay’adduna uu koobanyahay. Dadka nuucaas ahi waxa ay inta badan afka ka sheegaan in ay is badal samaynayaan, laakiin is badalkooda kuma dhisna cilmi iyo fahan waxaana hal beeg u noqda inay qof ka qaadaan xil mid kalena u dhiibaan, iyaga oo aanan darsin xaggee wax ka halaysanyihiin iyo xagay cilladu kaga jirtaa nidaamka. Casharka labaad; Waxuu na baray in dhismaha nidaam fadhiya uu u baahayahay aragti kahor farsamo, ayna sahlantahay in farsamo la helo haddii aragtidu sugantahay lana yaqaanno meesha loo socdo. Badanaa way adagtahay in horay loo socdo haddii aysan aragtidu sugnayn hogaankuna uusan fahamsanayn meesha loo socdo si kaste oo fasramooyin cajiib ah la isugu keeno. Qorshe kaste wuxuu marka hore ka dhashaa aragti, arigtada ayaana loo sameeyaa u jeedooyin iyo himilooyin, himilooyinka ayaana ay ka dhashaan shaqa howleedyo leh waqtiyo xadidan iyo ashkhaas mas’uul ka ah. Hadaba, haddii ay aragtidii maqantahay wixi ka soo haray waxay noqonayaan ku tijaabi iyo in aan la hardanno dhagxaanta, Casharka sadexaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in inta badan hogaanka Hayadaha dowladda ay isaga qasantahay micnaha erayada iyo shaqada hoggaan, maamul iyo maamrayn (Leadership and Management). Sidaas darted waxaa badanaa la arkaa in madaxda ugu saraysa hay’adaha dowladda ay ku mashquulaan shaqooyinka loogu tala galay in ay qabtaan maareeyayaasha mashaariicda halka ay waqtigooda galin lahaayeen jeexidda siyaaddo guud, hagidda qorshayaasha, iyo ilaalinta nidaamka iyo sharciyada. Casharka afraad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in haddii la rabo isla xisaabtan dhab ah in la sameeyo aan laga bilaabin hoos (top-downapproach) balse laga bilaabo kor (bottom-up approach). Tusaale, macne badan ma samaynayso in askari ama shaqaale hoose oo geystay fal kooban oo gurracan la xisaabiyo kadibna la xukumo iyadoo ama la xiro ama shaqada laga eryo islamarkaana uu jiro taliye, agaasime ama wasiir geysanaya fal gurracan oo ka saameynbadan kan uu geystay askari ama shaqaale hoose. Sidaa darteed, waxuu xalku yahay in marka horeba la saxo nidaamkii fududeeyay in takri fal uu dhaco lana xisaabiyo dadka majaraha u hayo nidaamkaas isaga ah. Casharka shanaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in nidaamyada kala duwana iyo hay’adaha ay dowladi ka koobantahay, ha noqdaan kuwa adeeg bixin, siyaasada, cadaalad ama amniba, aysan kala maarmin, hal mid oo ka mid ahna ay adagtahay in si kaligiis ah loo dhiso. Tusaale nidaamka adeeg bixin caafimaad, kama maarmo maaliyad iyo nidaam maaliyad oo dhisan si loo helo maal-galin adeeg caafimaad oo la isku halayn karo. Sidoo kale, adeeg caafimaad iyo mid maaliyadba kama maarmaan nidaam amni oo sugan si adeegga loo gaarsiiyo meel kaste oo bulshadu ku nooshahay. Saddexdaas nimaad midkoodna kama maarmo nidaam iyo adeeg garsoor iyo cadaalad si la isula xisaabtamo, loona xisaabiyo cid kaste oo ku tagri fal samaysa. Nidaamyadaas dhammaantood kama maarmaan nidaam wax barasho oo hagaagsan si loo helo xirfadleyaal caafimaad, dhaqaale, amni, garsoor iyo macalimiin wax tababara oo gudan karo shaqadooda sameynna kara cilmi baaris hagta toosinta nidaamyada dawladeed ee adeeg bixin. Casharka lixaad; Waxaan ka baranay in aysan hay’adaha dowladdu ku shaqayn karin niyad wanaag oo kaliya iyo aaminaad shaqsi ee uu u baahanyahay in loo jeexo sharci iyo nidaam kala haga qof kastana xaquuqdiisa iyo waajibaadka lagu leeyahay qeexa, isla markaana leh hal beegyo lagu cabiro shaqo gudashada iyo howl fulinta. Casharka todobaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in aysan qiimo badan soo kordhinayn siyaasado iyo qorshayaal qurqurux badan oo lagu qoro buugaag iskifaalaha/shelfigana la galiyo hadii aysan marka koobaad matalaynin baahida rasmiga ah ee bulshadu qabto isla markaan aysan ku salaysnayn mudnaanta sida ay u kala horreeyaan. Marka labaadna aan laga fakarin habkii, agabkii iyo cidii dhaqangelinlahayd intaba. Inta badan qorsheyaashaas quruxda badan, waxuu waqtigoodu dhamaadaa iyaga oo in wax laga fuliyo iska daaye la halmaamo in uu jiray qorshe, siyaasad ama sharci magacaas leh. Casharka sideedaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in marka shaqo qaran la hirgelinayo ay kaliya suurtogeli karto shaqadaasi kaliya hadii dhammaan inta ku lug leh aysan shaqadaas qaran ka lahayn dano gaar ah oo ay kaliya ulajeedada howshaas eegaan. Dadka howsha dowladeed loo igmaday oo howlaha ka eega danta guud oo kaliya waxaa ay soo dhoweynkarta qabsoomidda iyo dhameystirka howsha. Tusaale, hadii la doonayo in la dhiso xarun dowladeed waxaa qasab ah in dadka ka shaqeynayaahi ay ku talogalaan in aysan shaqadaas iyaka damac ka gelin ama aysan iyaku isku dulmin ama aysan cid kale ku dulmin. Hadii mid ka mid ah ulajeedooyinka aan kor kusoo xusnay ay meesha soogalaan waxaa sidoo kale soo galaya meesha caqabado kale. Howlo badan oo dowlada u qabsoomi lahaay ayaa u fashilma, u xayirma ama uu waqti badan uga lumaa dadka gacanta kuhaayo oo dano shakhsiyadeed ama mid kooxeed ka leh darteed. Cashirka sagaalaad: Waxaan sidoo kale ka baranay la shaqeynta hay’adaha dowladda in ay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee soo foodsaara hay’adaha dowlada lacag la’aan iyo lacag badni. Waxaa mararbadan dhacda in ay hay’ad dowladeed shaqeynweyso qarash la’aan ama qarash yari darteed. Sababta ay qarash la’aantu caqabad u tahay waa mid sahlan oo lawada fahmi karo maadaama dalkeenu uu kasoo kabano dagaal sokeeye oo muddo dheer uu kusoo dhexjiray sidaa darteedna kaabayaasha dhaqaale aan wali si wanaagsan looga faaiideysan sidoo kale kaalmada bini’aadannimo ay iska xadidantahay. Lakiin waxaa sidoo kale dhacda in hay’ad dowladeed la yiraahdo soo sheego qarash aad ku shaqeysid kadibna hay’addu ay gudbiso dhaqaale cayiman. Dhaqaalahaas marka la helo waxaa lagalaa “mawjado lacag badni ah” kuwaas oo keeni karta ku takrifal iyo in loo isticmaalo qarashaadkii suntanaa si aan waafaqsanayn nidaamkii lagu soo helay. Isticmaalka qarashkaas suntan waxaa dabataal xisaabcelin iyo baaritaanno ay badanaa qabtaan hay’ado madaxbanaan. Marka la ogaado in aan sidii saxda ahayn loo isticmaalay qarashkii la siiyay hay’adda waxaa timaada in aan dib dambe loo aaminin isla markaana aan si toos ah ayaka loogu dhiibin qarash ay baahidooda sidii ay doonaan ugu maareeyaan. La soco qaybta danbe W/Q: Dr. Axmed Aadam Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin nabadeed u diray maamul Goboleedka Puntland. Hoos ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay sababta Guddoomiye Cirro Madaxaeynugu Ugu Soo hadal qaaday Xuska 18 May . Hoos ka DAAWO Source
  8. Garowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay xukunkii maxkamadda gobolka Nugaal ay ka qaadatay dadkii loo heystay falkii kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caaisho Ilyaas. Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qoyska ay kasoo jeedaan dhalinyarada la xukumay ay qaateen racfaan ka dhan ah xukunka maxkamadda gobolka Nugaal. Qoyska ayaa shaaciyay inaysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda gobolka Nugaal, taasi oo keentay inay racfaan qaataan, sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen. Ehelada Marxuumad Caaisho Ilyaas waxay cadeyeen in ay ku qanacsan yihiin xukunka ay gaartay Maxkamaddaha Puntland, si kasta oo ay kooxda kale u qaataan Racfaana ay ku qanacsan yihiin wixii sharcigu uu siiyo. Dambiilayaasha Maxkamaddu ku heshay dambiga Eheladooda qaar kamid ah oo ka hadlay magaalada Burtinle ayaa dhawaan sheegay in aysan aqoonsaneyn go`aanka maxkamadda iyo DNA-ga laga qaaday oo ay sheegeen in ay tahay mid aan shareecadu ogoleyn. Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa dhawaan xukun ku riday seddex ruux oo lagu helay dambiga loo heystay, waxaana maxkamadda ay u riday dil toogasho iyadoo la sii daayay dhalinyaro kale oo dambiyo lagu waayay. Ehelada Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa cadaalad daro ay ka cabanayaan waxay kaga guureen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Caasimada online Xafiiska Nugaal Caasimada@live.com
  9. Saddex ardey oo walaalo ah ayaa goordhow ku dhaawacmay deegaanka Ajibka oo ka tirsan Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Ardeydan ayaa saarnaa gaari la rasaaseeyey, waxaana xabad heshay Hodan Daahir halka Safiyo iyo Zakariye oo isla ilmo Daahir ay qaabab kale ku dhaawacmeen, waxaa kale oo la sheegayaa 2 kale oo iyagana halkaasi ku dhaawacmay. “Eedo, Hodan xabad ayaa ku dhacday, laakin Safiyo gaariga ayey iska tuurtay, Zakariyana taayar ayaa kor maray ayaa la ii sheegay” sidaasi waxaa tiri eedadood oo la hadashay Goobjoog News. Ardeydan oo da’ ahaan isku dhow ayaa ku jiray dugsiga sare, iyaga oo dhameyn lahaa sanadka dambe, waxaa ayna dhiganayeen iskuulka Al-anwaar. Caruurta ayaa hadda waxaa la dhigay isbitaal Shaafi kadib markii laga soo qaaday isbitaalka Madiina oo horay loo dhigay. Gaariga waxaa rasaaseeyey askar halkaasi isbaaro u taalo, qaraabada ardeyga ayaa sheegaya iney dhici karto in lacag laga rabay gaariga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhowaaqay iney diyaar u yihiin siideynta maxaabiistii ay ka qabteen ciidanka Puntland, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wuxuu sheegay in ay doonayaan ka shaqeynta nabadda iyo walaalnimada ayna dhanka Puntland ka codsanayaan iney siidaayaan maxaabiista ay iyana ka hayaan Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrintan ay ka shaqeyn doonto Laanqeyrta cas, loona baahan yahay madaxda Puntland in tallaabadan nabadda ah ay dhankooda ka qaadaan. “Waxaan idiin wadnaa nabad iyo walaalnimo iyo inaan xasilooni ku wada noolaanno, waxaan rajeeneynaa in khilaaf dambe aanay dhaxdeenna ka dhicin..waxaan diyaar u nahay oo nabadda aan ka bilaabeynaa inaan siideyno maxaabiistii aan ku xirnay Tukaraq oo aan halkaan ku hayno, iyana ay soo wareejiyaan wixii ay inaga hayaan, annaga xaggeena waa naga diyaar idinkana taas ayaan idin ka codsaneynaa, taasi waa baaq aan u dirayo madaxda Puntland” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Somaliland iyo Puntland oo aan weli heshiis ahayn ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in mid kamid ah ciidamada dowladda uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen arday Walaalo ahaa oo ku sugnaa degmada Wadajir. Gaariga ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob gaadiidka lagu baaro oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa rasaasta askariga uu gaariga ugu furay. Seddex kamid ah ardayda gaariga saarnaa oo walaalo ahaa ayaa la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta askariga uu furay, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho. Waxa magacyada seddexda walaalaha ah lagu kala sheegay Hodan daahir, Safiyo daahir iyo Sakariye daahir, waxaana xiliga la dhaawacayay ay ku sugnaayeen bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadda Wadajir ee Muqdisho. Waalidiinta ardaydaan ayaa sheegay in dhaawacyadooda ay u muuqdan kuwo aan halis aheyn, waxaana la dhigay xarun caafimaad oo lagu dabiibayo. Ma jiro war kasoo baxay dhanka laamaha amaanka oo ay kaga hadlayaan dhaawaca la sheegay in askari katirsan ciidamada amaanka uu u geystay seddex ruux oo ku sugnaa degmada Wadajir. Saddexda arday oo da’ ahaan isku xigta,waxaana waalidkood ay sheegeen in sanadka dambe ay dhamaynayeen waxbarashada dugsiga sare, waxa ay dhiganayeen dugsi gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Al-anwaar. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. MINNEAPOLIS - A man who pleaded guilty tp pulling a gun on a group of young Somalis inside a McDonald's in a Minneapolis suburb has been sentenced. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa si kulul wuxuu kaga hadlay xaaladda ammaanka ee deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo, gaar ahaan qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay. Waxa uu sheegay in dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo muhiim ah oo shaqooyin adag u hayey maamulka K/galbeed. Lafta-gareen ayaa sheegay in ciidamada ammaanka u diyaar garoobaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada maamulkaasi. Dhanka kale, wuxuu shacabka ku dhaqan K/galbeed ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si maamulkiisa uga adkaado Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay qarixii khasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay. C/casiis Lafta-gareen ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Baydhabo wuxuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Bardaale oo uu ka mid yahay Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa golaha deegaanka Berdaale isla markaana ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Somalia. Sidoo kale, Lafta-gareen ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed, wuxuuna balan-qaaday inuu wax badan u qaban doono ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas. Dhanka kale, Ciidanka dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ka dig-toonaadaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab, wuxuuna ka dalbaday shacabka inay ciidamada kala shaqeeyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Koonfur-galbeed oo C/llaahi Sh. Maxamed Sh. Mukhtaar lagu magacaabi jiray. Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa deegaannada ay ka taliyaa qaybo ka mid ah maamula Al-shabaab, iyadoo degmooyin dhawr ah ay ku jiraan go’doomin ay gelisay Al-shabaab, taasoo uu maamulku wax ka qaban waayay. DHAGEYSO: Hadalka Madaxweynaha Koonfur-galbeed uu ka jeediyay Baydhobo https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/05/Madaxweyne-Laftagareen.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Dagaal ku baaqay – kana hadlay Qaraxii Bardaale appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay xukuumadda Somalia in ciidamada ka socda dalka Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Somalia. Xildhibaannadan ayaa qaarkood waxay sheegeen in Kenya ay si toos ah ugu xad-gudubtay madax-bannaanida Somalia, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dalka ka baxaan, haddii kalena uu cawaaqib xun ka dhalan doono sii joogitaankooda Somalia. “Ciidamada Kenya waxay si toos ah ugu soo xad-gudbaan gudaha Somalia, iyagoo dhibaatooyin u geystay shacabka iyo hantida gudaha dalka ku taalla, sidaa daraadeed wax burburintooda waxaa ka weyn xad-gudubka dhanka madax-bannaanida ah ee ay ku sameynayso Somalia,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo dalbaday in ciidamada Kenya laga saaro dalka. Sidoo kale, Waxaa iyadana isla arrintaan ka hadashay xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo sheegtay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin aan loo meel-dayin ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana ay burburiyaan xarumaha ay shirkadaha Soomaalida ku leeyihiin gobolka Gedo. “Ma jirto cid la xisaabtanka ciidamada Kenya, sidaa daraadeed waxaan si deg-deg ah uga dalbanaynaa dowladda federaalka ah inay go’aan dhaqso ah ka gaarto joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia,” ayay tiri xildhibaanada oo intaas ku dartay inaan loo dul-qaadan doonin dhibaatooyinka ay ciidanka Kenya ka wdaan gobolka Gedo iyo gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya. Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isagana wuxuu si adag uga hadlay joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dowaldda Kenya inay ciidamadeeda si dhaqso ah ugala baxdo gudaha Somalia. “Waxaan dowladda Somalia ka dalbanayaa inay qorto warqad deg-deg ah oo looga dalbanayo ciidamada Kenya inay ka baxaan Somalia, waayo dalkeena waxay ku hayaan dibaato aan xad lahayn,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow. Ugu dambeyn, Tiro kale oo xildhibaanno oo shalay ka qayb-galay kulankii ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka Somalia ayaa waxay si adag uga hadleen dhibaatada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Somalia, iyagoo dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro Somalia, kuwaasoo ka tirsan ciidanka ka socda Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ku baaqay in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Dalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  16. Hey’adda caafimaadka adduunka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shuban biyoodka uu soo ritay dad ka badan 7235, oo ay ku jiraan ilaa 46 u dhimatay. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in tan markii la hirgeliyey talaalka afka ah ee loo yaqaano (OCV), la xakameeyey faafitaanka cudurka gaar ahaan gobollada Jubaland, Hirshabelle iyo South West State. Gobolka Banaadir ayaa faafitaankiisa lagu sababeeyey la’aanta biyo nadiif ah, gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin barakacayaasha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Xarfo (SMN) – Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah G/ Mudug. Madaxweyne Deni oo xalay ku hoyday degmada Xarfo ee gobolkaasi ayaa kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta degmadaasi. Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha la xariira xoojinta nabad galyada iyo horumarka deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaan in saacadaha soo socda gaari doono degmooyin ay ka mid yihiin Jariiban, Galdogob iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Waa booqashadii ugu horreysay ee Saciid C/laahi Deni uu ku tagay Mudug oo ka mid ah gobollada hoostaga maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online)-18 May maad wax ka tiraahdid? ayay si soo-jeedin oo kale ah ii weydiiyeen saaxiibbo aan qaddariyo. Jawaab: Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi. Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh. Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood. Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka. Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa. Gooni Isu-Taagga. Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya. Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale. Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo. Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah. Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland. Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah. Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno. Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan Aqooneedka Shabelle ku baratamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Wanlaweyn oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Tartan xiiso badan ayey soo bandhigeen labadaani Degmo oo ku wada jira Group-ka B ee is araga labaad wareega koowad ee tartanka. Gudoomiyaha guddiga tartan bisha Ramadaan Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa sheega in min 10 buundo ay kala keensadeen tartamayaasha labadaasi degmo. Tartan Aqooneedka Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirakaddaha Becco iyo Coca-Cola. View the full article
  20. Garowe (SMN) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa ka hadlay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee shalay ka bilowday deegaanada maamulka Puntland. Wasiir Goodax ayaa sheegay in saacado uun, kadib uu fashil ku yimid Imtixaankaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhacdooyin la mid ah kuwaani ay ka dhacaan Wadamada dariska ah. “Imtixaan waa fashilmaa,saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay,wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Madaxweyne Saciid Deni uu daah-furay Imtixaanaada dugsiyada dhexe iyo sare ee dowlad goboleedka Puntland. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo noq noqonayeen gabood fallada ay u geesanayaan Ciidamada Kenya shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala K/Somalia Jeesow ayaa XFS ka dalbaday in gabi ahaan Ciidanka Kenya laga saaro dalka, iyada oo loo marayo Taliska AMISOM. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay in burburinta lagu haayo xarumaha shirkadda Hormuud in laga leeyahay dano ganacsi, si kor loogu qaado ganacsiga shirkadda Safaaricom ee laga leeyahay Dalka Kenya. Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay indhaha ka laabteen wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi. View the full article
  22. Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu shalay jeedinayay wuxuu kusoo hadal qaaday dalab uu u dirayay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaaladii dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwasi oo sababay inay dad badan iska dilaan islamarkaana maxaabiis ay ku kala qabsadaan. Madaxweyne Biixi, wuxuu ka daldbaday madaxweynaha Puntland inuu sii daayo maxaabiista kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku xiran xabsiyada Puntland, kuwaasi oo badankood lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool. Wuxuu sheegay in Puntland iyo Somaliland ay wadaagaan xuduud dheer oo gaareysa 500KM, islamarkaana dadka halkaasi degen yihiin kuwo doonaya inay nabad ku wada noolaadaan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhankooda sii deyn doonaan maxaabiista kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ee ay ku qabteen dagaaladii labada maamul dhex maray. Labada maamul ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dagaalamay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana dadka ku dhintay ay u badnaayeen ciidamada u dagaalamayay labada maamul. Somaliland ayaa shalay u dabaaldegtay sanadguuradii 28aad ee markii ay sheegatay madaxbanaanida ka soo wareegtay. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-19052019-ok.mp3 View the full article
  24. Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladaha guud ahaan ka jira deegaanada maamulkaasi. Ugu horeyn Lafta Gareen wuxuu ka hadlay qarax ka dhacay degmada Bardaale oo xubno maamulkiisa kamid ah ku dhinteen, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay qaraxaasi oo saraakiil ay ku dhinteen. Madaxweynaha Lafta Gareen ayaa sheegay in dadka Koofur Galbeed ay dhibaato kala kulmaan Ururka Al Shabaab, taasina ay ku qasbeyso inay diyaariyaan Jawaabta ka dhanka ah Al Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay galaan feejignaan iyo heegan ay kaga hortagayaan weerarada Al Shabaab qorsheynayaan inay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi. Dagaal ayuu ku baaqay in lala galo Ururka Al SHabaab oo ka dagaalama deegaanada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in guud ahaan ciidamada iyo maamulada degmooyinka inay u midoobaan la dagaalanka Al Shabaab. “Waxaan ugu baaqayaa ciidamada in meel kastaa oo ay joogaan sidii looga hortagi lahaa dhagar qabayaasha isku diyaariyaan, sidii meel kasta oo ay joogaan loogu tagi lahaa ayaan kula dardaarmayaa, waa inay heegan galaan oo ay ka feejignaadaan dhagaraha Al Shabaab”ayuu yiri Lafta Gareen. Qarax ka dhacay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku geeriyooday Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo Kamid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale, halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta K/Galbeed oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed Sheekh Muqtaar. Caasimada Online Xafiska K/Galbeed Caasimada@live.com
  25. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa been abuurasho aan loo meel dayin ku tilmaamay hadalkii yaqyaqsiga lahaa ee kasoo yeeray wasiir Goodax-barre, kaasoo xalay [...] Source