Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,466
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda 18-May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qayb-geli lahaayeen maalintooda. Xubnaha wafdiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka reer Somaliland uga sideen mas’uuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale xubnaha wafdiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xiriir wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qayb-galka dabbaal-degga maalinta 18-May. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey. Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuquraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Somaliland. Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah wafdiyo kala duwan oo Somaliland u yimid ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo maalintii shalay aheyd laga xusay dhamaan deegaanada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga ula hadlay madaxda dalkaasi Soomaaliya, iyo dalalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in Sii Daynaya Maxaabiistii Puntland Ee Tukaraq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha WADDANI Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Soonku waxa uu caawiyaa daawaynta kansarka iyo ka hortaggiisaba, waa sida ay tibaaxayaan cilmibaadhisaha sanadadan danbe ay soo saarayaan saynisyahanadu”. Cimibaadhso cusub ayaa sheegaya, in soonku ka dhigo unugyada qaba kansar in ay si’fiican uga jaawaaban daawooyinka loo qaato kansarka. Sido kale, soonku waxa uu caawiyaa habka difaaca jidhka si’uu ula dagaalamo kansarka. Si kastaba ha ahaate, cilmi baadhayaashu waxay caddeeyeen in soonku hoos u dhigo kansarka, isagoo yaraynaya tamarta ay helayaan unugyada qaybsamayaa. Sidoo kale, soonku waxa uu ka hortag fiican u yahay xanuunada buurnida iyo macaanka oo aakhirka sabab u noqda kansar. Tusaale: cilmibaadhsi la sameeyey 2017, waxaa lagu sameeyey dad qaba macaanka, gaar ahaan, type-2-diabetes. Dadkaasi waxay soomeen 24 saac saddeex jeer halkii todobaadba muddo ku simman 4 bilood. Afar bilood ka dib, dadkaas soommanaa waxa uu miisaankoodii hoos u dhacay 17.8%. Sidoo kale, waxaa yaraaday baahida ay uqabaan in ay qaataan kiniinka macaan, iyagoo heerka glucoskooduna hoos u dhacay. Cimi baadhayaasha casriga ahin waxay aaminsanyihiin in Soonku kaalin wayn ka qaadan doono xakamaynta kansarka. Hasayeeshee, weli lama haayo cilmi baadhis dhab ahaan qeexaysa daawada rasmiga ee kansarku inuu noqon doono soonka. Maalinkasta jidhka aadamuhu waxa uu ku jiraa meerto-nololeed ku dhisan burburin iyo dib-u-cusboonaysiin. Jidhka aadamuhu waxa uu ka koobanyahay 15 taraalyan oo unugyo ah. Ugu horrayn, unuggu waa aasaaska hab-nololeedka aadamaha, waa qaabdhiskeedka ugu yar ee suurto gelinaaya nolosha noolaha oodhan. maalinkastana waxaa la faafreebaa malaayiin unugyo ah. Kolkasta oo jidhku burburiyo unugyo, waxaa la unkaa beddelkooda oo tiro ahaan iyo tayo ahaan ba u dhigma. Tusaale ahaan, halka unug ee la burburiyo waxaa laga reebaa unug kale oo nuqul ahaan ay isku dhigmaan qaab ahaan iyo tiro ahaan ba. Ujeedka nuqul looga reebayo unuggii la buburiyey waa in labada unug astaan iyo shaqo ahaan ba is-dheellitirayaan, unuga barbilawga ahina qaban karo dhammaan shaqooyinkii unugii hore haayey. Inta lagu jiro isbeddel unugeedkan waxaa dhaca khaladaad. Inkastoo hab-is-dhammaystiraya uu jidhku haga hortago khalad kastoo dhici kara inta lagu jiro qaybsan unugeedka, hadana khaladkaasi waa mid ku imaan kara unugga inta qaybsan kani socdo. Si kastaba ha ahaatee, khaladaad yimid awgeed intii lagu hawlanaa unug qaybsameedka, waxaa halkaas ka bilaabmaysa halis caafimaad. Halis taasina waxay horseedaysaa unug-qaybsameed aan xaddi lahayn. Kana madaxbanaan habka isku dheellitiranka unugii la buburiyey iyo ka samaysmaya. Welibana aan laga soo saarin khaladaadkii ku yimid xilligii la unkaayey unuga cusub. Unugaas cusubina waxa uu s’ lama filaana –oo aan lahayn xakamayn jidheed, bilaabayaa xaalad iska reebid nuqullo aad u badan. Habkan unugga cusubi iskaga reebo nuqullo aad u badan oo aanu jidhku u baahnayn waxaa loo yaqaannaa xanuunka kansarka(tumor). Tumor ama kanserku waxa uu qaybsamaa laba qaybood; benign tumor( buro) iyo malignant tumor( buro kansar ah). Haddaba, muxuu yahay faraqa u dhexeeyaa? Benign tumor waxay ku kortaa kolba nudda ay ka soo baxdo. Mararka qaarna waxay noqotaa buro korriinkeedu weynyahay, lehna astaamo halis ah, xatta keeni karta dhimasho degdega, inkasto buradani badanaa aanay saa u sii khatar badnayn. Tusaale, fibroid tumor, waa buro ku yagleelanta makaanka haweenka, waana nooc kamid ah burooyinka benign tumors ee ku samaysma jidhka aadamaha. Buradani waxay keentaa dhiigid, damqasho joogto ah oo laga dareemo makaanka. Hasayeeshee, buradani ma dhaafto makaanka dumarka. Is la sidan ayey dhammaan benign tumorsku ugu eegyihiin kobta ay ka soo baxaan. Malaha awoodda ay ku gaadhaan unugyada dhiigga, ama goob kale oo ay ku faafaan. Dhinaca kale, malignant tumor waxay leeyihiin awoodda ah in ka gudbaan nudayaasha ay ka so unkamaan iyaga oo raacaya dhiigga, gaadhayana xubno kale oo jidhka ka mid ah. Isla bartaasna waxay ka yagleelaan kansar is na faafaya khatartiisuna badantahay. Habkan faafidda bilaa xad ah, waxaa looyaqaannaa “metastatis”, waa astaanta lagu yaqaanno kansarka faafa. Habka kale duwanaanshaha ee benign tumor(burooyinka) iyo malignant tumor( burooyin kansareedka) marka la eegayo, gaar ahaan, xagga baadhista muuqaalkooda, iyadoo la adeegsanayo Microscope-ka waxaa jira faraq kale duwanaansho oo laxaad leh. Buro-kansareedku(malignant tumor) waxa uu u muuqdaa mid muuqaal ahaan burooyin ka dhalangeddisan unugyada jidhka, halka burooyinka(benign tumors) waxbadan aanay kaga geddisanayn unugyada jidhka ee qaybsanka joogtada ku jira. Kansarku, waa koox ku dhaw boqol xanuun, bar kasta oo jidhka aadamaha ku dhaca, si’ fiicanna ugu eeg xanuunada faafa ee ay noolayaashu keenaan. Kala-saaridda kansarka iyo xanuunada noolayaashu keenaan waxaa lagu ogaan karaa shaybaadh degdega intaanu xanuunku faafin. Kansarka waxaa loogu magac daraa kolba xubinta ama nudayaasha uu ku dhaco. Tusaale; kansarka sambabada kudhaca(lung cancer) ee sameeya faafis (metastatis), kama danbaystana gaadha beerka, waxaa loo bixinayaa “kansar sambabeed gaadhay beerka”. Sidoo kale, kansarka haleela naasaha (breast kancer), aakhirkana ku faafa maskaxda, is na waxa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee ku faafay maskaxda”. Dhammaan kansarku waxa uu ku kale geddisanyahay goobaha uu ku dhaco. Sidaa darteed, daawayntiisa iyo la socodkiisuna waa kale duwanyahay. Sii-noolaansha qofka uu ku dhacaana wuu kale geddisanyahay. Tusaale; qofka uu kansarku ku dhacaa waxa uu qabaa xanuun kansar ah , keligiina u gaar ah. Habka la-socdkiisa iyo daawayntiisuba la mid maaha qofka kale ee is na kansarka qaba. Sababaha keena kansarka: waxyaabaha keena kansarka waxaa loo yaqaannaa kaarsinoojins(cancinogens). Kansarka waxaa keena dhawr asbaabood oo is-biirsaday mid ka mid ah ama koox isku lammaan: 1. Asbaabo nololeed sida da’da, jinsiga, hiddasidayaal la kale daxlo, iyo nooca maqaarka qofka. Sidoo kale, waxaa kamid ah: bakteeriada keenta gaastariga, fayraska keena jooniska, iyo Epstein-Bar virus oo sababa kansarka cunaha. 2. Sababo degaan, sida raajooyinka, iyo taawarada isgaadhsiinta. 3. Sababo shaqeed sida, kiimikooyinka, walxaha(radio-active) soo daaya shucaaca sida biraha iyo macdanaha dhulka laga soo faqo, hadhaaga warshadaha, iyo kiimikooyinka caagaaga laga farsameeyo(vinyl chloride). 4. Asbaabo la xidhiidha nolosha. Tusaale: tubaakada, alkoolada, shucaaca cadceeda, kiimikooyinka cuntada qaar sida (nitrateka iyo haydarocarbons) ee lagu warshadeeyo marka la cabbaynayo. Sidaa looga hortaaga kansarka: Ma jiro sababo cayiman oo daawo ka ah ka hortagga kansarka. Laakiinse, hawlwadeennada caafimaadku waxay ku taliyaan dhawrkan sababood. a. Joojinta qiijinta tubaakada, tubaakadu waxay sababtaa kansarka ugu badan ee ku dhaca hawa mareenka. Joojinteeduna waxay ka hortagtaa dhammaan kansarka ay keento tubaakadu. b. Cunista cunto-dheellitiran. Waa cuntooyinka u badan khudaarta iyo kuwa ka soo baxa dhulka ee baalka leh. c. Jimicsi. Jimicsigu waxa waxa uu jidhka ka saaraa walxa qashinka ah ee ka yimid burburinta kiimikooyinkii jidhku aanu u baahnayn. d. Qofka oo yeesha miisaan dhammaystiran. Markasta oo miisaanka qofku bato waxaa ku so derriyey jaaniska uu u qaadi kark kansar. e. Iyo qofka oo markasta isticmaala qalabka jidhkiisa ka ilaaliya shucaaca, kiimikooyinka iyo dareeraha ay la socdaan walxaha kansarka keena, marka uu ka shaqaynayo warshadaha.Sadam osman kaabashBiomedical Scientist.Fekerka aqoonyahankaHargeisa, SomalilandDegmada: Maxamed Mooge. sadamkabash99@gmail.com Source
  5. Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may. Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen. Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya. Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran. Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman. Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine) Source
  6. (SLT-Scotland)-Xijaabka ayaa lagu daray Dirayska ay xidhaan Ciidammada Booliska ee Scotland, waxaana Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska ku jiraa fasax u haystaan inay Madaxa ku xidhaan ama inay iska daayaan. Sidaasi waxa loo yeelay in Dumarka lagu dhiiri-geliyo inay ka qayb-qaataan shaqada Ciidammada Booliska, sida uu daabacay The Telegraph. Xilligii hore, Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska Scotland ku jiraan may xidhan karaynin Xijaabka, balse hadda wuxuu si caadi ah qayb uga yahay Dirayska Ciidanku xidhaan. Markii rasmi ahaan Go’aankan loogu dhawaaqay waxa soo dhaweeyay Ururka Muslimiinta ku jira Booliska Scotland, Ururkaasi oo Magaciisa loo soo gaabiyo (SPMA), SPMA waa urur la aasaasay sannadkii 2010, si uu isugu xidho Bulshooyinka Muslimiinta ah ee Scotland “Tani waa Tallaabo Wanaagsan oo loo qaaday Jihada saxda ah, waanan ku faraxsanahay in Booliska Scotland uu qaadayo Tallaabooyin waxtar leh..”ayuu yidhi, Madaxa ururka Muslimiinta Booliska Scotland ku jira, Fahad Bashir Saraakiisha aan Muslimka ahayn ee Booliska Scotland ayaa sheegay in go’aanka lagu ogolaaday in Dumarka Muslimka ah ee Boolisku ku jiraa ay xidhan karaan Xijaabku uu keenayo in Boolisku is dhex-galo, kala faa’iido xirfado iyo khibrad taageerta fulinta adeegyada Boolisku u hayo Shacabka ku dhaqan Scotland. Source
  7. If you ever travel to Somaliland, you will see every characteristic of nationhood. The country has its own flag, a police force, military, currency, passport, and other effective government institutions. The country also has two chambers of parliament, a Lower House and an Upper House. But there is one big problem, despite operating like an independent country, no country in the world recognises Somaliland as an independent nation. Somaliland is celebrating 28 years of independence since it broke away from the rest of Somalia. For those 28 years, it has been struggling to gain recognition from the international community. In spite of remaining stable, no single country has offered to recognise the self-declared republic in the Horn of Africa. Lack of recognition has not stopped this country, of over 4 million people, from celebrating its independence. Every May 18th, its people take to the streets to celebrate freedom from Somalia which it left in 1991 when clan militias toppled President Siyad Barre. Somaliland was not always yearning for independence; it was an independent nation for five days in the 1960s after it gained independence from Britain before it chose to join southern Somalia and become a united country. Somaliland’s regional profile continues to grow. This year’s celebrations have attracted government representatives from the east Africa region. Only Somalia was absent. Ethiopia, Kenya, Djibouti and Uganda sent representatives to Hargeisa to witness Somaliland’s 28th independence anniversary. A delegation from Uganda’s parliamentary committee on Foreign Affairs is in Somaliland. The committee’s chairman, Hood Katuramu, said it is time his country and the African Union recognise Somaliland. “If we are talking about Pan-Africanism, which Uganda prides itself to be leader in this push, I think time is ripe for us to recognise and start working with Somaliland,” Katuramu said in Hargeisa. Unlike countries in the eastern Africa region, Somaliland boasts that it is a ‘democratic powerhouse.’ It has held successful presidential elections since 2003, where the candidates have accepted the results of the election and congratulated the winner. Last year, it held a presidential election. Although the ruling party won that election, the incumbent President Mohamud Silanyo did not contest to seek a second term in office, although the constitution allows him to do so, a rare in Africa. And in 2010, the incumbent president, Riyale Kahin conceded defeat and handed over power to the opposition candidate. Somalia is still struggling to stabilise the country and the president is elected by members of parliament who were selected by clan elders. In Kenya, presidential elections are a matter of life and death where incumbents ‘never lose’ an election, and election-related violence is common. Sudan just overthrew its leader, Omar al-Bashir who ruled the country for 30 years. Uganda and Djibouti have presidents-for-life, sort of. Presidents Yoweri Museveni and Ismail Guelleh came to power in 1985 and 1999 respectively. Ethiopia has just got a reformist leader after decades of dictatorship. Although Somaliland could be termed a success story, a country which runs smoothly without any international support, it faces several challenges. Because of lack of recognition, it qualifies for loans from international agencies like the World Bank and the International Monetary Fund for infrastructural development. However, its battered economy heavily relies on diaspora remittances and livestock export to the Gulf. Unemployment is so rampant among its youth that some of them risk their lives crossing the Mediterranean, trying to reach Europe for a better life. Through its pursuit of nationhood, the self-declared republic has curtailed freedom of expression. Since its establishment, Somaliland has jailed dozens of journalists and artists, accusing them of advocating for the unity between itself and Somalia. There have been several attempts by foreign nations to reconcile Somaliland with Somalia, for the former to rejoin the latter. But talks have stalled since President Mohamed Farmajo of Somalia was elected in February 2017. Somaliland is also engaged in a border dispute with Puntland, which is a federal member state of Somalia, in the Sool and Sanaag regions. Analysts believe lack of engagement could lead to a deterioration between the two. “Two years have gone by without meaningful dialogue between Hargeisa and Mogadishu. Tensions continue to rise. A military standoff in the Sool and Sanaag regions risks developing into a shooting war between Somalia and Somaliland,” Rashid Abdi, a Horn of Africa analyst and a former Crisis Group researcher told 7Dnews. “It is imperative for the two to engage in dialogue. An amicable settlement will have huge benefits. It will help stabilise northern Somalia. Somaliland’s military and intelligence machinery can be harnessed in the struggle to defeat al-Shabab in southern Somalia,” Abdi said. To defer a solution achievable now to a future date, Abdi warned, is simply to create context for Somaliland’s recognition. Somaliland, at the moment, will have to wait for a long time to realise its dream of being an independent nation. Africa Qaran News
  8. (SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May. Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan. Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay “khatar” uga imaanaysa Iran. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku saabsan yahay “dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka”. Ilo wareedyada ayaa intaas ku daray in baaqaan uu imaanayo “ayadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen labo xarumood oo kuwa shidaalka ah oo Sacuudigu leeyahay”. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore shaacisay in afar kamid ah doonyaheeda ay waxyeello soo gaartay xilli ay marayeen meel u dhow biyaha Imaaradda Fujayrah. Sacuudiga ayaa asna caddeeyey in laba doomood oo ay leedahay, ay kamid ahaayeen doonyaha waxyeelladu soo gaartay. Illaa iyo hadda lama oga in Xuutiyiinta, oo dagaal kula jira isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiya ee ku sugan Yemen, ay ka dambeeyeen weerraradaas ka dhacay biyaha Imaaraadka. Imaaraadku wax faahfaahin ah kama bixin nooca uu ahaa weerarka iyo waliba cidda ka dambaysay. Maalmo uun kadib weerarkaas ayaa xarumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay qaraxyo lala beegsaday, Xuutiyiinta ayaana dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday diyaarado aan duuliye lahayn oo gantaallo ku ganay, waxay sidoo kale weerar ku qaadeen diyaarado marayey hawada Imaaraadka Carabta. Source
  9. Ciidanka Difaaca Cirka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay burburiyeen Gantaalo ay Millateriga Israa’iil ka soo ganeen Xuduudka ay ka haystaan. Duqeyntan ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kadib, markii ay Wakaalladda Wararka Syria ee SANA sheegtay inay Ciiddanka Difaaaca ee Syria toogteen tiro ka mid ah Gantaalo laga soo ganay dhulalka ay Israel ka haysato Koonfurta dalka Syria. Milliteriga Suuriya waxay Gantaaladaasi kaga hor tagaeen hawdaa sare ee Gobalka Quneytara, halkaasi oo ay ku yaallaan Saldhigyo Milliteri. Source
  10. (SLT-Australia)-Xisbiga haya talada Australia ee Liberal-led conservative ayaa guul ka gaadhay doorashada baarlamaaniga ee Sabtidii shalay ah ka dhacday Dalkaasi. Arintaan ayaa timid kadib markii sida la filayay uusan wax guulo ah aanu la imaan xisbiga Mucaaradka ah ee Shaqaalaha. Ma cadda in isbaheysiga haya talada uu u baahnaan doono wada xaajood uu la galo xisbiyada kale si loo soo dhiso dowlada Cusub. Ra’isul wasaare Scott Morrison, oo intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada balan qaaday in uu dhimayo canshuurta dowlada, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha Australia ayaa sheegay in uu aaminsanaa marwalba Guusha uu gaaray Xisbiga haya Talada. Morrison ayaa intaa raaciyay in dowladiisa ay u shaqeysay muwaadiniinta Australians ee sida adag u Shaqeeyay. Si kastaba ha ahaatee dowlada cusub ayaa la filayaa in ay bilowdo guryo iyo lacagaha howlgabka ay u kordhiso dadka da’da ah ay nolol wanaagsan u Helaan. Source
  11. (SLT-Burco) Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dagaal xagga war baahinta loo marinaayo la gashay Proff. Axmed Ismaciil Samatar oo Wali ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyagoo dhibsaday doodihii uu Gobolada ku qabtay ayaa waxa markale weerar qaawan ku qaaday Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada . Marwo Hinda Jaamac oo ka hadlaysay magaalada Burco ayaa weerar aflagaado ah ku casharisay Proff. Samatar . Hoos ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hindiya)-Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha, kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas. Xilli ay sii kordhayaan danbiyada nacaybka ku saleysan ee lala beegsanayo Muslimiinta dalkaas oo ku abtirsada diinta 2aad ugu weyn dalkaas, ayaa kooxaha u dooda xuquuqda aadmuhu ay ka digeen dulqaad la’aanta loo hayo dadka laga tirada badan yahay, dulqaad la’aantaas oo aad ugu sii badanaysa dal ay Hinduugu ku badan yihiin. Jayshree Bajoria oo ah cilmi baare iyo la-taliye Hay’adda xuquuqda aadamaha ee HRW ayaa sheegtay in ay jirto amni darro sii kordhaysa iyo cabsi ay qabaan dadka laga tirada badan yahay ee India, gaar ahaan Muslimiinta iyo Dalits-ka. Iyada oo u waramaysa Idaacadda VOA ayey sheegtay in dawladdu ay ku guuldarreysatay ilaalinta dadka, isla markaana ay si sax ah u baarto weerarada ay qowleysatadu u geysanayaan dadka haysta diimaha laga tirada badan yahay iyo bulshooyinka la takooro, weeraradaas oo ay inta badan geystaan kooxo sheegta inay dawladda taageeraan. Source
  13. Waxaan halkaan ku soo koobaynaa dhowr cashar oo kookooban oo aan ku cabirayno waxyaabaha laga baran karo hanaanka hay’adeheenna Dowladda iyo sida ay u shaqeeyaan. Cashiradaani waxaa ay fikir guud ka bixinayaan xaalka ama heerka hay’adaha Dowladda, caqabadaha soo foodsaara badanaa, xalalka caqabadahaas, sida ugu haboon ee looga hortagi karo ama loo xalinkaro, sidoo kale fursadaha muuqda iyo kuwa dahsoon ee ay ka faa’iideysan karaan hay’adaha dowliga ah. Qoraalkaani si toos ah iyo si dadban midna uma taabanayo hay’ad dowladeed iyo shakhsi ama ashkhaas gaar ah kuwaas oo lagu xusay magacyadooda halkaan. Sidaa daraadeed ma jirto cid si khaas ah loogula jeedo. Waxaan kaliya soo gudbineynaa waaya’aragnimadeena intii yareyd ee aan howlaga qaranka ku dhex jirnay. Casharka koobaad; Taariikhdu waxay na bartay in nidaamka dowladnimada aan lagu baran fasallada diraasada iyo jaamcadaha midna, laakiin ay tahay howl u baahan ku dhex korid, khibrad iyo fahan, ayna ku adagtahay qof aan kusoo dhex barbarian amaba aan kusoo dhex jirin nidaamka dowladda inuu fahmo alifka nidaam-dowladeedka. Tani waa sababta keenta inay cuuryaamaan hay’adaheenna dowladda oo ay inta badan hogaanka u qabtaan dad aan ku soo dhex jirin nidaamka dowladeed, fahamkooda baahida hay’adduna uu koobanyahay. Dadka nuucaas ahi waxa ay inta badan afka ka sheegaan in ay is badal samaynayaan, laakiin is badalkooda kuma dhisna cilmi iyo fahan waxaana hal beeg u noqda inay qof ka qaadaan xil mid kalena u dhiibaan, iyaga oo aanan darsin xaggee wax ka halaysanyihiin iyo xagay cilladu kaga jirtaa nidaamka. Casharka labaad; Waxuu na baray in dhismaha nidaam fadhiya uu u baahayahay aragti kahor farsamo, ayna sahlantahay in farsamo la helo haddii aragtidu sugantahay lana yaqaanno meesha loo socdo. Badanaa way adagtahay in horay loo socdo haddii aysan aragtidu sugnayn hogaankuna uusan fahamsanayn meesha loo socdo si kaste oo fasramooyin cajiib ah la isugu keeno. Qorshe kaste wuxuu marka hore ka dhashaa aragti, arigtada ayaana loo sameeyaa u jeedooyin iyo himilooyin, himilooyinka ayaana ay ka dhashaan shaqa howleedyo leh waqtiyo xadidan iyo ashkhaas mas’uul ka ah. Hadaba, haddii ay aragtidii maqantahay wixi ka soo haray waxay noqonayaan ku tijaabi iyo in aan la hardanno dhagxaanta, Casharka sadexaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in inta badan hogaanka Hayadaha dowladda ay isaga qasantahay micnaha erayada iyo shaqada hoggaan, maamul iyo maamrayn (Leadership and Management). Sidaas darted waxaa badanaa la arkaa in madaxda ugu saraysa hay’adaha dowladda ay ku mashquulaan shaqooyinka loogu tala galay in ay qabtaan maareeyayaasha mashaariicda halka ay waqtigooda galin lahaayeen jeexidda siyaaddo guud, hagidda qorshayaasha, iyo ilaalinta nidaamka iyo sharciyada. Casharka afraad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in haddii la rabo isla xisaabtan dhab ah in la sameeyo aan laga bilaabin hoos (top-downapproach) balse laga bilaabo kor (bottom-up approach). Tusaale, macne badan ma samaynayso in askari ama shaqaale hoose oo geystay fal kooban oo gurracan la xisaabiyo kadibna la xukumo iyadoo ama la xiro ama shaqada laga eryo islamarkaana uu jiro taliye, agaasime ama wasiir geysanaya fal gurracan oo ka saameynbadan kan uu geystay askari ama shaqaale hoose. Sidaa darteed, waxuu xalku yahay in marka horeba la saxo nidaamkii fududeeyay in takri fal uu dhaco lana xisaabiyo dadka majaraha u hayo nidaamkaas isaga ah. Casharka shanaad; Waxuu na baray nidaamka dowladdu in nidaamyada kala duwana iyo hay’adaha ay dowladi ka koobantahay, ha noqdaan kuwa adeeg bixin, siyaasada, cadaalad ama amniba, aysan kala maarmin, hal mid oo ka mid ahna ay adagtahay in si kaligiis ah loo dhiso. Tusaale nidaamka adeeg bixin caafimaad, kama maarmo maaliyad iyo nidaam maaliyad oo dhisan si loo helo maal-galin adeeg caafimaad oo la isku halayn karo. Sidoo kale, adeeg caafimaad iyo mid maaliyadba kama maarmaan nidaam amni oo sugan si adeegga loo gaarsiiyo meel kaste oo bulshadu ku nooshahay. Saddexdaas nimaad midkoodna kama maarmo nidaam iyo adeeg garsoor iyo cadaalad si la isula xisaabtamo, loona xisaabiyo cid kaste oo ku tagri fal samaysa. Nidaamyadaas dhammaantood kama maarmaan nidaam wax barasho oo hagaagsan si loo helo xirfadleyaal caafimaad, dhaqaale, amni, garsoor iyo macalimiin wax tababara oo gudan karo shaqadooda sameynna kara cilmi baaris hagta toosinta nidaamyada dawladeed ee adeeg bixin. Casharka lixaad; Waxaan ka baranay in aysan hay’adaha dowladdu ku shaqayn karin niyad wanaag oo kaliya iyo aaminaad shaqsi ee uu u baahanyahay in loo jeexo sharci iyo nidaam kala haga qof kastana xaquuqdiisa iyo waajibaadka lagu leeyahay qeexa, isla markaana leh hal beegyo lagu cabiro shaqo gudashada iyo howl fulinta. Casharka todobaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in aysan qiimo badan soo kordhinayn siyaasado iyo qorshayaal qurqurux badan oo lagu qoro buugaag iskifaalaha/shelfigana la galiyo hadii aysan marka koobaad matalaynin baahida rasmiga ah ee bulshadu qabto isla markaan aysan ku salaysnayn mudnaanta sida ay u kala horreeyaan. Marka labaadna aan laga fakarin habkii, agabkii iyo cidii dhaqangelinlahayd intaba. Inta badan qorsheyaashaas quruxda badan, waxuu waqtigoodu dhamaadaa iyaga oo in wax laga fuliyo iska daaye la halmaamo in uu jiray qorshe, siyaasad ama sharci magacaas leh. Casharka sideedaad: Waxaan ka barannay hanaanka hay’adaha dowladda in marka shaqo qaran la hirgelinayo ay kaliya suurtogeli karto shaqadaasi kaliya hadii dhammaan inta ku lug leh aysan shaqadaas qaran ka lahayn dano gaar ah oo ay kaliya ulajeedada howshaas eegaan. Dadka howsha dowladeed loo igmaday oo howlaha ka eega danta guud oo kaliya waxaa ay soo dhoweynkarta qabsoomidda iyo dhameystirka howsha. Tusaale, hadii la doonayo in la dhiso xarun dowladeed waxaa qasab ah in dadka ka shaqeynayaahi ay ku talogalaan in aysan shaqadaas iyaka damac ka gelin ama aysan iyaku isku dulmin ama aysan cid kale ku dulmin. Hadii mid ka mid ah ulajeedooyinka aan kor kusoo xusnay ay meesha soogalaan waxaa sidoo kale soo galaya meesha caqabado kale. Howlo badan oo dowlada u qabsoomi lahaay ayaa u fashilma, u xayirma ama uu waqti badan uga lumaa dadka gacanta kuhaayo oo dano shakhsiyadeed ama mid kooxeed ka leh darteed. Cashirka sagaalaad: Waxaan sidoo kale ka baranay la shaqeynta hay’adaha dowladda in ay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee soo foodsaara hay’adaha dowlada lacag la’aan iyo lacag badni. Waxaa mararbadan dhacda in ay hay’ad dowladeed shaqeynweyso qarash la’aan ama qarash yari darteed. Sababta ay qarash la’aantu caqabad u tahay waa mid sahlan oo lawada fahmi karo maadaama dalkeenu uu kasoo kabano dagaal sokeeye oo muddo dheer uu kusoo dhexjiray sidaa darteedna kaabayaasha dhaqaale aan wali si wanaagsan looga faaiideysan sidoo kale kaalmada bini’aadannimo ay iska xadidantahay. Lakiin waxaa sidoo kale dhacda in hay’ad dowladeed la yiraahdo soo sheego qarash aad ku shaqeysid kadibna hay’addu ay gudbiso dhaqaale cayiman. Dhaqaalahaas marka la helo waxaa lagalaa “mawjado lacag badni ah” kuwaas oo keeni karta ku takrifal iyo in loo isticmaalo qarashaadkii suntanaa si aan waafaqsanayn nidaamkii lagu soo helay. Isticmaalka qarashkaas suntan waxaa dabataal xisaabcelin iyo baaritaanno ay badanaa qabtaan hay’ado madaxbanaan. Marka la ogaado in aan sidii saxda ahayn loo isticmaalay qarashkii la siiyay hay’adda waxaa timaada in aan dib dambe loo aaminin isla markaana aan si toos ah ayaka loogu dhiibin qarash ay baahidooda sidii ay doonaan ugu maareeyaan. La soco qaybta danbe W/Q: Dr. Axmed Aadam Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin nabadeed u diray maamul Goboleedka Puntland. Hoos ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay sababta Guddoomiye Cirro Madaxaeynugu Ugu Soo hadal qaaday Xuska 18 May . Hoos ka DAAWO Source
  16. Garowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay xukunkii maxkamadda gobolka Nugaal ay ka qaadatay dadkii loo heystay falkii kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caaisho Ilyaas. Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qoyska ay kasoo jeedaan dhalinyarada la xukumay ay qaateen racfaan ka dhan ah xukunka maxkamadda gobolka Nugaal. Qoyska ayaa shaaciyay inaysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda gobolka Nugaal, taasi oo keentay inay racfaan qaataan, sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen. Ehelada Marxuumad Caaisho Ilyaas waxay cadeyeen in ay ku qanacsan yihiin xukunka ay gaartay Maxkamaddaha Puntland, si kasta oo ay kooxda kale u qaataan Racfaana ay ku qanacsan yihiin wixii sharcigu uu siiyo. Dambiilayaasha Maxkamaddu ku heshay dambiga Eheladooda qaar kamid ah oo ka hadlay magaalada Burtinle ayaa dhawaan sheegay in aysan aqoonsaneyn go`aanka maxkamadda iyo DNA-ga laga qaaday oo ay sheegeen in ay tahay mid aan shareecadu ogoleyn. Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa dhawaan xukun ku riday seddex ruux oo lagu helay dambiga loo heystay, waxaana maxkamadda ay u riday dil toogasho iyadoo la sii daayay dhalinyaro kale oo dambiyo lagu waayay. Ehelada Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa cadaalad daro ay ka cabanayaan waxay kaga guureen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Caasimada online Xafiiska Nugaal Caasimada@live.com
  17. Saddex ardey oo walaalo ah ayaa goordhow ku dhaawacmay deegaanka Ajibka oo ka tirsan Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Ardeydan ayaa saarnaa gaari la rasaaseeyey, waxaana xabad heshay Hodan Daahir halka Safiyo iyo Zakariye oo isla ilmo Daahir ay qaabab kale ku dhaawacmeen, waxaa kale oo la sheegayaa 2 kale oo iyagana halkaasi ku dhaawacmay. “Eedo, Hodan xabad ayaa ku dhacday, laakin Safiyo gaariga ayey iska tuurtay, Zakariyana taayar ayaa kor maray ayaa la ii sheegay” sidaasi waxaa tiri eedadood oo la hadashay Goobjoog News. Ardeydan oo da’ ahaan isku dhow ayaa ku jiray dugsiga sare, iyaga oo dhameyn lahaa sanadka dambe, waxaa ayna dhiganayeen iskuulka Al-anwaar. Caruurta ayaa hadda waxaa la dhigay isbitaal Shaafi kadib markii laga soo qaaday isbitaalka Madiina oo horay loo dhigay. Gaariga waxaa rasaaseeyey askar halkaasi isbaaro u taalo, qaraabada ardeyga ayaa sheegaya iney dhici karto in lacag laga rabay gaariga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhowaaqay iney diyaar u yihiin siideynta maxaabiistii ay ka qabteen ciidanka Puntland, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wuxuu sheegay in ay doonayaan ka shaqeynta nabadda iyo walaalnimada ayna dhanka Puntland ka codsanayaan iney siidaayaan maxaabiista ay iyana ka hayaan Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrintan ay ka shaqeyn doonto Laanqeyrta cas, loona baahan yahay madaxda Puntland in tallaabadan nabadda ah ay dhankooda ka qaadaan. “Waxaan idiin wadnaa nabad iyo walaalnimo iyo inaan xasilooni ku wada noolaanno, waxaan rajeeneynaa in khilaaf dambe aanay dhaxdeenna ka dhicin..waxaan diyaar u nahay oo nabadda aan ka bilaabeynaa inaan siideyno maxaabiistii aan ku xirnay Tukaraq oo aan halkaan ku hayno, iyana ay soo wareejiyaan wixii ay inaga hayaan, annaga xaggeena waa naga diyaar idinkana taas ayaan idin ka codsaneynaa, taasi waa baaq aan u dirayo madaxda Puntland” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Somaliland iyo Puntland oo aan weli heshiis ahayn ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in mid kamid ah ciidamada dowladda uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen arday Walaalo ahaa oo ku sugnaa degmada Wadajir. Gaariga ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob gaadiidka lagu baaro oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa rasaasta askariga uu gaariga ugu furay. Seddex kamid ah ardayda gaariga saarnaa oo walaalo ahaa ayaa la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta askariga uu furay, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho. Waxa magacyada seddexda walaalaha ah lagu kala sheegay Hodan daahir, Safiyo daahir iyo Sakariye daahir, waxaana xiliga la dhaawacayay ay ku sugnaayeen bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadda Wadajir ee Muqdisho. Waalidiinta ardaydaan ayaa sheegay in dhaawacyadooda ay u muuqdan kuwo aan halis aheyn, waxaana la dhigay xarun caafimaad oo lagu dabiibayo. Ma jiro war kasoo baxay dhanka laamaha amaanka oo ay kaga hadlayaan dhaawaca la sheegay in askari katirsan ciidamada amaanka uu u geystay seddex ruux oo ku sugnaa degmada Wadajir. Saddexda arday oo da’ ahaan isku xigta,waxaana waalidkood ay sheegeen in sanadka dambe ay dhamaynayeen waxbarashada dugsiga sare, waxa ay dhiganayeen dugsi gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Al-anwaar. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. MINNEAPOLIS - A man who pleaded guilty tp pulling a gun on a group of young Somalis inside a McDonald's in a Minneapolis suburb has been sentenced. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa si kulul wuxuu kaga hadlay xaaladda ammaanka ee deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo, gaar ahaan qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay. Waxa uu sheegay in dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo muhiim ah oo shaqooyin adag u hayey maamulka K/galbeed. Lafta-gareen ayaa sheegay in ciidamada ammaanka u diyaar garoobaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada maamulkaasi. Dhanka kale, wuxuu shacabka ku dhaqan K/galbeed ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si maamulkiisa uga adkaado Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay qarixii khasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Bay. C/casiis Lafta-gareen ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Baydhabo wuxuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Bardaale oo uu ka mid yahay Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa golaha deegaanka Berdaale isla markaana ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Somalia. Sidoo kale, Lafta-gareen ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed, wuxuuna balan-qaaday inuu wax badan u qaban doono ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas. Dhanka kale, Ciidanka dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ka dig-toonaadaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab, wuxuuna ka dalbaday shacabka inay ciidamada kala shaqeeyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Qaraxii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Koonfur-galbeed oo C/llaahi Sh. Maxamed Sh. Mukhtaar lagu magacaabi jiray. Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa deegaannada ay ka taliyaa qaybo ka mid ah maamula Al-shabaab, iyadoo degmooyin dhawr ah ay ku jiraan go’doomin ay gelisay Al-shabaab, taasoo uu maamulku wax ka qaban waayay. DHAGEYSO: Hadalka Madaxweynaha Koonfur-galbeed uu ka jeediyay Baydhobo https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/05/Madaxweyne-Laftagareen.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Dagaal ku baaqay – kana hadlay Qaraxii Bardaale appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay xukuumadda Somalia in ciidamada ka socda dalka Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Somalia. Xildhibaannadan ayaa qaarkood waxay sheegeen in Kenya ay si toos ah ugu xad-gudubtay madax-bannaanida Somalia, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dalka ka baxaan, haddii kalena uu cawaaqib xun ka dhalan doono sii joogitaankooda Somalia. “Ciidamada Kenya waxay si toos ah ugu soo xad-gudbaan gudaha Somalia, iyagoo dhibaatooyin u geystay shacabka iyo hantida gudaha dalka ku taalla, sidaa daraadeed wax burburintooda waxaa ka weyn xad-gudubka dhanka madax-bannaanida ah ee ay ku sameynayso Somalia,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo dalbaday in ciidamada Kenya laga saaro dalka. Sidoo kale, Waxaa iyadana isla arrintaan ka hadashay xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo sheegtay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin aan loo meel-dayin ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana ay burburiyaan xarumaha ay shirkadaha Soomaalida ku leeyihiin gobolka Gedo. “Ma jirto cid la xisaabtanka ciidamada Kenya, sidaa daraadeed waxaan si deg-deg ah uga dalbanaynaa dowladda federaalka ah inay go’aan dhaqso ah ka gaarto joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia,” ayay tiri xildhibaanada oo intaas ku dartay inaan loo dul-qaadan doonin dhibaatooyinka ay ciidanka Kenya ka wdaan gobolka Gedo iyo gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya. Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isagana wuxuu si adag uga hadlay joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dowaldda Kenya inay ciidamadeeda si dhaqso ah ugala baxdo gudaha Somalia. “Waxaan dowladda Somalia ka dalbanayaa inay qorto warqad deg-deg ah oo looga dalbanayo ciidamada Kenya inay ka baxaan Somalia, waayo dalkeena waxay ku hayaan dibaato aan xad lahayn,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow. Ugu dambeyn, Tiro kale oo xildhibaanno oo shalay ka qayb-galay kulankii ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka Somalia ayaa waxay si adag uga hadleen dhibaatada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Somalia, iyagoo dalbaday in ciidanka Kenya laga saaro Somalia, kuwaasoo ka tirsan ciidanka ka socda Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ku baaqay in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM laga saaro Dalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  24. Hey’adda caafimaadka adduunka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shuban biyoodka uu soo ritay dad ka badan 7235, oo ay ku jiraan ilaa 46 u dhimatay. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in tan markii la hirgeliyey talaalka afka ah ee loo yaqaano (OCV), la xakameeyey faafitaanka cudurka gaar ahaan gobollada Jubaland, Hirshabelle iyo South West State. Gobolka Banaadir ayaa faafitaankiisa lagu sababeeyey la’aanta biyo nadiif ah, gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin barakacayaasha. Goobjoog News Source: goobjoog.com