Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,457
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarfo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay bulshda degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Slået op af Puntland State House i Søndag [...] Source
  2. Gaalkacyo (SMN) -Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qeybaha kala duwan ee bulashada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ku dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Intaasi kadib Madaxweyne Deni waxaa loo galbiyay waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah . Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doonaa ammaanka guud ee Mudug iyo arrimaha dib u heshiisiita gobolkaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Saciid Cabdullaahi Deni ku tagay magaaladan, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka Shabeellaha Hoose si uu uga wada xaajoodo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid albabaabada u xiran ayaa la sheegay in looga hadlay guulihii ay dhowaantan ka gaareen Ciidamada dowladda iyo AMISOM al-Shabaab, oo laga saarey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Francisco Madeira, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale uu dib u eegay xaaladda gobolka qabsashada tuulooyinka istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Bariire. “Waxaan ku faraxsanahay horumarka la gaarey, waan sii wadeynaa inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Madeira. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Sabiid 2-dii April, iyadoo 3-dii bishaan May ay qabsadeen Bariire oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana 60-KM dhanka galbeed uga began magaaladda Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa howlgallo military ka wadey mudooyinkii dambe gobollada qaar ee dalka, kaasi oo ujeedkiisa ay Xukuumadda ku sheegtay in dagaalayahanada Al Shabaab looga saarayo goobaha ay hadda ku sugan yihiin. View the full article
  4. The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire convened a high-level meeting to review joint operations against Al-Shabaab and evaluate progress on the transfer of security responsibilities to the Somali Security Forces in line with the Somali Transition Plan. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdusho (SMN) – Labadan degmo oo ku wada jira Group-ka C ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Shibis ayaa kulankii hore barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale degmada Wadajir ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay dhiggeeda degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale xalay oo ay wada baratameen Warta Nabadda iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay galeen barbar dhac, kadib markii ay kala keensadeen mid 10 dhibcood. Tartanka Shabelle oo weli lagu guda jiro wareegiisa koowaad ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana si toos barnaamjika uga dawaan kartaa boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
  6. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Weftiga Madaxweynaha ayaa intaanay soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale weftiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u balaadhan kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda “DAARU SALAAM” waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan”. “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa weftiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha dawladda Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani. “Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa” “Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Burco ) Munaasibadiii Ugu Balaadhnay Abid Oo Lagusoo Bandhigay Buug Laga Qoray Madaxwaynihi Hore Ee Somaliland Axmed Silaanyo Source
  8. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-190519.mp3 View the full article
  9. Garowe (SMN) – Xilli ay shalay u fariisteen Imtixaanada mideysan ee Shahaadiga ah 15,800 oo ka mid ah ardayda deegaanada Puntland ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, isaga oo ku sugan magaalada Jowhar, islamarkaana ka warbixinayay go’aankii ay qaadatay wasaaraddiisu waxaa uu cod dheer ku sheegay in Imtixaanaadkii ka bilowday Puntland in ay fashilmeen. Wasiir Goodax ayaa sheegay dalalka dariska ah in ay ku dhacdo arrimo sidan oo kale ah, islamarkaana wax caadi ah ay tahay. Hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada. Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland C/laahi Xasan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta maamulkaasi ayaa ka warbixiyay, sida ay u socdaan Imtixaanaadka maamulkaasi. Dhinaca kale waxa uu gaf ku sheegay hadalkii wasiir Goodax Barre, wuxuuna ugu baaqay in uu raali gelin ka bixixiyo, haddii ay taasi dhici weydana ay gudbinayaan madaxda Qaranka, sida Madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka. Dhawaan ayey aheyd markii dibadda u baxday sirtii Imtixaanka dowladda, arrintaasina waxaa ay dhalisay in dadku ay uga doodaan baraha ay bulshadu ku xariirto iyo meelaha kale, iyadoona dibadbaxyo ay dhigayeen arday badan ay ka kala dhaceen Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka. View the full article
  10. In a restaurant in Eastleigh, a noisy Nairobi suburb, Shariff Omar, a Kenyan Somali, reaches for a brown folder. Source: Hiiraan Online
  11. Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay maanta Al Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Rag ka tirsan Al Shabaab ayaa weeraray fariisimo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa weerar kale ku qaaday deegaanada Buufow iyo Lambar Lixdan oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa beegsaday xarumo Milatari oo ku yaalla gudaha deegaanadaasi. Weerarka saddexaad ayaa la sheegay in sidoo kale lagu qaaday degmada Qryooley oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Dhanka kale Al Shabaab oo ka hadlay iska hor imaadyadaasi ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen fariisin Ciidan oo ku taalla Sabiid. Al Shabaab ma shaacin, haddii uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray dagaalladaasi is xig xigay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari ay ka socdaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ee K/Galbeed Soomaaliya. View the full article
  12. Sida ay u dhalatey Dowladaan waxaa Maalinba maalinta ka dambeysa Muqdisho sii galeysey Go’doon Dhinaca Nolosha Bal ila fiiriya Qodobadaan 1- Waxaa laga Xirey Wadooyinkii oo dadka iyo Gaadiidka isku socon La’ yihiin. 2-waxaa laga Xirey Hayadihii Gargaarka. 3- waxaa adkaatey soo gelitaanka Gawaarida Xamuulka ee keenayey Khudaarta’ Dhuxusha’ Caanaha,Dhagaxa iyo Xoolaha. 4- Waxaa loo Fududeyn waayey qaadashada Baasapoorka oo muddo Dheer sugayaan 5- waxaa Dhibaato Cariiri ah lala kulmaan Xurunta CID iyo Gobolka Banaadir marka la qaadanay Warqada Dambi la’aanta, Dhalashada iyo Sugnaanta waxayna qaarkood dadka Bixiyaan Laaluush si ay Waraaqahaas u helaan. 6- Waxaa ku adkaatey in ay ka baxaan Garoonka Diyaaradaha markay VISO Sax dadka wataan waxaana markasta laga reebaa Diyaaradaha iyadoo kuwa baxana laaluush laga qaataa. 7- Dilal Joogta ah oo ay geysanayaan Askarta Dowladda. 8- Gawaaridii Xamuulka oo ka soo bixi waayey Dekedda soona geli waayey. 9-Dadkii Bukaanka ahaa ama Haweenkii Foolanayey oo Isbitaalada gaari Waayey. 10-Canshuur Dheeraad iskana Socota oo laga qaado Bulshada Muqdisho. 11- Dadkii oo Kireysanayey Guryaha oo Sharuudo adag la hordhigey waxaana lagu khasbey in ay Degmada Tagaan 12-Marka ay Madaxda Baxayaan ama Dhoofayaan oo isku socodka lagu Giijiyo 13-Diyaaradii Gobolada aadi jirey Canshuur Dheeraad ah lagu soo rogey iyadoo Diyaaradaha Jubba iyo Daalo oo qarka u saaran In ka Fariistaan Shaqada markii Howshoodii lagu Farageliyey. 14- Waxaa Halkii Gawaari dhigasha ee garoonka lagu soo rogey Kiro iyadoo markii hore Dhibaato ku qabey. 15- Xajkii Sanadkaan oo isna Jahwareer la geliyey Dadkiina ay aamin la’ yihiin cid lacagtooda ku aaminaa waxaan loogu soo darey Wax la yiraahdo VIP XAJ Dadka Maanta Muqdisho ku nool waxay qaarkood Taagan yihiin in ay u Wanaagsaneyd markii Dowlad la’aanta ahayeen Hadii Dowladii sidaa Shacabkeeda u Dhibaateyneyso marka Dadka Muqdisho ilaah baa u Maqan Amiin Yuusuf Khasaaro Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. African Union Mission in Somalia (AMISOM) senior leadership held a meeting with leaders of the Lower Shabelle region to exchange views on how they can strengthen the fight against al-Shabab. The closed-door consultative meeting was held on Saturday followed recent operational successes recorded against al-Shabab, the AU mission said in a statement on Sunday. Francisco Madeira, special representative of the chairperson of the African Union Commission to Somalia, said the meeting also reviewed the situation following the capture of strategic towns of Sabiid and Bariire. “We are happy with the progress and we will continue to work jointly, in coordination with our partners. The governor is in control, and we support him and his administration,” Madeira said. Somali Security Forces and AMISOM troops liberated the town of Sabiid on April 2. On May 3, the forces also liberated Bariire town. The agricultural-rich Bariire, which lies about 60 kms west of the Somali capital, Mogadishu, is one of the strategic areas located in Lower Shabelle region along River Shabelle. The meeting also reviewed the progress made in recent operations, the challenges and the way forward, the statement said. The military offensive to liberate Sabiid and Bariire is part of the implementation of the revised AMISOM Concept of Operations (CONOPS) 2018-2021 and the Somalia Transition Plan. The CONOPS, which aims to provide a structure for AMISOM operations from 2018-2021, marks the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from Somalia. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa halkaasi ka sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee Maamulka Puntland ee Shalay ka bilowday degaanadasi uu fashilmay, ayna dhacdo in imtixaannaadu ay suuqa galaan. Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo xiganayey hadal Shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Putland Siciid Deni xilli uu furay imtixaanka dugsiyada Sare ee Puntland. isagoo sheegay in mid kamida maadooyinkii imtixaanka Shalay ay suuqa gashay, balse ay degdeg u bedeleen, laakiin warka Wasiir Goodax ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray isagoo ahaa mid ku wajahan imtixaanka Puntland. Wasiir Goodax Barre ayaa si weyn loogu cambaareeyay go’aankii uu joojiyey imtixaankii wasaaradiisa ee suuqa galay, waxaana uu ku dooday in 120 goobood oo imtixaanka lagu qaaday uu hal meel oo kaliya ka baxay. Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in imtixaanka dowladda la gaarsiiyo maamulka Puntland oo diiday inuu qeyb ka noqdo imtixaanka dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya. Dadka qaar ayaa hadalka Goodax Barre ee ku aadan Imtixaanka Puntland ku micneeyey inuu weli ka xanaaqsan yahay go’aankii ay Puntland ku diiday inay ka qeybgasho Imtixaanka ay Dowladda Dhexe qaadeyso. Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay inuu hadalkaas ka keenay maadaama uu fashilmay imtixaankii Wasaaradda horeyna ay Puntland u sheegtay inaan la isku haleyn karin uu hadda rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo fashilin lahaa Imtixaanka Maamulkaas. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa galay xaalad siyaasadeed oo aad u adag, wuxuuna wajahayaa cadaadis badan oo kaga imaanayo Maamul Goboleedyada iyo ardaydii uu Imtixaanka ka joojiyey. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has chaired a multi-agency security meeting between his government and international security partners on Saturday. The meeting commended the recent gains by Somali National Army against the armed group al-Shabaab which saw the liberation of strategic towns in Lower Shabelle region. The troops seized Sabiid, Barire and Canoole towns during recent operations. The security forum discussed plans to deploy contingents of Somali Police Force in the liberated areas to maintain law and order while initiating projects to enhance essential government services to the affected population. Senior government officials, including members of parliament, have recently visited the areas. President Mohamed Abdullahi Farmaajo toured Sabiid shortly after troops pushed out the armed group late last month. The Federal Government of Somalia distributed foods to the liberated villages during this holy month of Ramadan. View the full article
  16. A member of the Somali parliament has called for the pull-out of all Kenyan soldiers from the country, accusing the KDF of vandalizing telecommunications masts on the border. Dahir Amin Jesow, an outspoken lawmaker said Kenyan forces are helping Safaricom in the trade battle with Somalia’s telecom companies providing phone services in border areas. The call comes as Somalia’s leading service provider, Hormud says a $1.9 million loss caused by the vandalism allegedly carried out by Kenya. KDF was blamed for destroying Satellite dishes in Khadijo-Haji village near Bula Hawa town, telecommunication mast in Bardhere district, mast in Elbade town in Gedo, satellite dishes in Elwak, mast, and engine in Dhobley, and masts near Qoqani town. View the full article
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda 18-May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qayb-geli lahaayeen maalintooda. Xubnaha wafdiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka reer Somaliland uga sideen mas’uuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale xubnaha wafdiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xiriir wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qayb-galka dabbaal-degga maalinta 18-May. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey. Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuquraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Somaliland. Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah wafdiyo kala duwan oo Somaliland u yimid ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo maalintii shalay aheyd laga xusay dhamaan deegaanada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga ula hadlay madaxda dalkaasi Soomaaliya, iyo dalalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in Sii Daynaya Maxaabiistii Puntland Ee Tukaraq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha WADDANI Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Soonku waxa uu caawiyaa daawaynta kansarka iyo ka hortaggiisaba, waa sida ay tibaaxayaan cilmibaadhisaha sanadadan danbe ay soo saarayaan saynisyahanadu”. Cimibaadhso cusub ayaa sheegaya, in soonku ka dhigo unugyada qaba kansar in ay si’fiican uga jaawaaban daawooyinka loo qaato kansarka. Sido kale, soonku waxa uu caawiyaa habka difaaca jidhka si’uu ula dagaalamo kansarka. Si kastaba ha ahaate, cilmi baadhayaashu waxay caddeeyeen in soonku hoos u dhigo kansarka, isagoo yaraynaya tamarta ay helayaan unugyada qaybsamayaa. Sidoo kale, soonku waxa uu ka hortag fiican u yahay xanuunada buurnida iyo macaanka oo aakhirka sabab u noqda kansar. Tusaale: cilmibaadhsi la sameeyey 2017, waxaa lagu sameeyey dad qaba macaanka, gaar ahaan, type-2-diabetes. Dadkaasi waxay soomeen 24 saac saddeex jeer halkii todobaadba muddo ku simman 4 bilood. Afar bilood ka dib, dadkaas soommanaa waxa uu miisaankoodii hoos u dhacay 17.8%. Sidoo kale, waxaa yaraaday baahida ay uqabaan in ay qaataan kiniinka macaan, iyagoo heerka glucoskooduna hoos u dhacay. Cimi baadhayaasha casriga ahin waxay aaminsanyihiin in Soonku kaalin wayn ka qaadan doono xakamaynta kansarka. Hasayeeshee, weli lama haayo cilmi baadhis dhab ahaan qeexaysa daawada rasmiga ee kansarku inuu noqon doono soonka. Maalinkasta jidhka aadamuhu waxa uu ku jiraa meerto-nololeed ku dhisan burburin iyo dib-u-cusboonaysiin. Jidhka aadamuhu waxa uu ka koobanyahay 15 taraalyan oo unugyo ah. Ugu horrayn, unuggu waa aasaaska hab-nololeedka aadamaha, waa qaabdhiskeedka ugu yar ee suurto gelinaaya nolosha noolaha oodhan. maalinkastana waxaa la faafreebaa malaayiin unugyo ah. Kolkasta oo jidhku burburiyo unugyo, waxaa la unkaa beddelkooda oo tiro ahaan iyo tayo ahaan ba u dhigma. Tusaale ahaan, halka unug ee la burburiyo waxaa laga reebaa unug kale oo nuqul ahaan ay isku dhigmaan qaab ahaan iyo tiro ahaan ba. Ujeedka nuqul looga reebayo unuggii la buburiyey waa in labada unug astaan iyo shaqo ahaan ba is-dheellitirayaan, unuga barbilawga ahina qaban karo dhammaan shaqooyinkii unugii hore haayey. Inta lagu jiro isbeddel unugeedkan waxaa dhaca khaladaad. Inkastoo hab-is-dhammaystiraya uu jidhku haga hortago khalad kastoo dhici kara inta lagu jiro qaybsan unugeedka, hadana khaladkaasi waa mid ku imaan kara unugga inta qaybsan kani socdo. Si kastaba ha ahaatee, khaladaad yimid awgeed intii lagu hawlanaa unug qaybsameedka, waxaa halkaas ka bilaabmaysa halis caafimaad. Halis taasina waxay horseedaysaa unug-qaybsameed aan xaddi lahayn. Kana madaxbanaan habka isku dheellitiranka unugii la buburiyey iyo ka samaysmaya. Welibana aan laga soo saarin khaladaadkii ku yimid xilligii la unkaayey unuga cusub. Unugaas cusubina waxa uu s’ lama filaana –oo aan lahayn xakamayn jidheed, bilaabayaa xaalad iska reebid nuqullo aad u badan. Habkan unugga cusubi iskaga reebo nuqullo aad u badan oo aanu jidhku u baahnayn waxaa loo yaqaannaa xanuunka kansarka(tumor). Tumor ama kanserku waxa uu qaybsamaa laba qaybood; benign tumor( buro) iyo malignant tumor( buro kansar ah). Haddaba, muxuu yahay faraqa u dhexeeyaa? Benign tumor waxay ku kortaa kolba nudda ay ka soo baxdo. Mararka qaarna waxay noqotaa buro korriinkeedu weynyahay, lehna astaamo halis ah, xatta keeni karta dhimasho degdega, inkasto buradani badanaa aanay saa u sii khatar badnayn. Tusaale, fibroid tumor, waa buro ku yagleelanta makaanka haweenka, waana nooc kamid ah burooyinka benign tumors ee ku samaysma jidhka aadamaha. Buradani waxay keentaa dhiigid, damqasho joogto ah oo laga dareemo makaanka. Hasayeeshee, buradani ma dhaafto makaanka dumarka. Is la sidan ayey dhammaan benign tumorsku ugu eegyihiin kobta ay ka soo baxaan. Malaha awoodda ay ku gaadhaan unugyada dhiigga, ama goob kale oo ay ku faafaan. Dhinaca kale, malignant tumor waxay leeyihiin awoodda ah in ka gudbaan nudayaasha ay ka so unkamaan iyaga oo raacaya dhiigga, gaadhayana xubno kale oo jidhka ka mid ah. Isla bartaasna waxay ka yagleelaan kansar is na faafaya khatartiisuna badantahay. Habkan faafidda bilaa xad ah, waxaa looyaqaannaa “metastatis”, waa astaanta lagu yaqaanno kansarka faafa. Habka kale duwanaanshaha ee benign tumor(burooyinka) iyo malignant tumor( burooyin kansareedka) marka la eegayo, gaar ahaan, xagga baadhista muuqaalkooda, iyadoo la adeegsanayo Microscope-ka waxaa jira faraq kale duwanaansho oo laxaad leh. Buro-kansareedku(malignant tumor) waxa uu u muuqdaa mid muuqaal ahaan burooyin ka dhalangeddisan unugyada jidhka, halka burooyinka(benign tumors) waxbadan aanay kaga geddisanayn unugyada jidhka ee qaybsanka joogtada ku jira. Kansarku, waa koox ku dhaw boqol xanuun, bar kasta oo jidhka aadamaha ku dhaca, si’ fiicanna ugu eeg xanuunada faafa ee ay noolayaashu keenaan. Kala-saaridda kansarka iyo xanuunada noolayaashu keenaan waxaa lagu ogaan karaa shaybaadh degdega intaanu xanuunku faafin. Kansarka waxaa loogu magac daraa kolba xubinta ama nudayaasha uu ku dhaco. Tusaale; kansarka sambabada kudhaca(lung cancer) ee sameeya faafis (metastatis), kama danbaystana gaadha beerka, waxaa loo bixinayaa “kansar sambabeed gaadhay beerka”. Sidoo kale, kansarka haleela naasaha (breast kancer), aakhirkana ku faafa maskaxda, is na waxa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee ku faafay maskaxda”. Dhammaan kansarku waxa uu ku kale geddisanyahay goobaha uu ku dhaco. Sidaa darteed, daawayntiisa iyo la socodkiisuna waa kale duwanyahay. Sii-noolaansha qofka uu ku dhacaana wuu kale geddisanyahay. Tusaale; qofka uu kansarku ku dhacaa waxa uu qabaa xanuun kansar ah , keligiina u gaar ah. Habka la-socdkiisa iyo daawayntiisuba la mid maaha qofka kale ee is na kansarka qaba. Sababaha keena kansarka: waxyaabaha keena kansarka waxaa loo yaqaannaa kaarsinoojins(cancinogens). Kansarka waxaa keena dhawr asbaabood oo is-biirsaday mid ka mid ah ama koox isku lammaan: 1. Asbaabo nololeed sida da’da, jinsiga, hiddasidayaal la kale daxlo, iyo nooca maqaarka qofka. Sidoo kale, waxaa kamid ah: bakteeriada keenta gaastariga, fayraska keena jooniska, iyo Epstein-Bar virus oo sababa kansarka cunaha. 2. Sababo degaan, sida raajooyinka, iyo taawarada isgaadhsiinta. 3. Sababo shaqeed sida, kiimikooyinka, walxaha(radio-active) soo daaya shucaaca sida biraha iyo macdanaha dhulka laga soo faqo, hadhaaga warshadaha, iyo kiimikooyinka caagaaga laga farsameeyo(vinyl chloride). 4. Asbaabo la xidhiidha nolosha. Tusaale: tubaakada, alkoolada, shucaaca cadceeda, kiimikooyinka cuntada qaar sida (nitrateka iyo haydarocarbons) ee lagu warshadeeyo marka la cabbaynayo. Sidaa looga hortaaga kansarka: Ma jiro sababo cayiman oo daawo ka ah ka hortagga kansarka. Laakiinse, hawlwadeennada caafimaadku waxay ku taliyaan dhawrkan sababood. a. Joojinta qiijinta tubaakada, tubaakadu waxay sababtaa kansarka ugu badan ee ku dhaca hawa mareenka. Joojinteeduna waxay ka hortagtaa dhammaan kansarka ay keento tubaakadu. b. Cunista cunto-dheellitiran. Waa cuntooyinka u badan khudaarta iyo kuwa ka soo baxa dhulka ee baalka leh. c. Jimicsi. Jimicsigu waxa waxa uu jidhka ka saaraa walxa qashinka ah ee ka yimid burburinta kiimikooyinkii jidhku aanu u baahnayn. d. Qofka oo yeesha miisaan dhammaystiran. Markasta oo miisaanka qofku bato waxaa ku so derriyey jaaniska uu u qaadi kark kansar. e. Iyo qofka oo markasta isticmaala qalabka jidhkiisa ka ilaaliya shucaaca, kiimikooyinka iyo dareeraha ay la socdaan walxaha kansarka keena, marka uu ka shaqaynayo warshadaha.Sadam osman kaabashBiomedical Scientist.Fekerka aqoonyahankaHargeisa, SomalilandDegmada: Maxamed Mooge. sadamkabash99@gmail.com Source
  21. Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may. Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen. Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya. Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran. Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman. Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine) Source
  22. (SLT-Scotland)-Xijaabka ayaa lagu daray Dirayska ay xidhaan Ciidammada Booliska ee Scotland, waxaana Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska ku jiraa fasax u haystaan inay Madaxa ku xidhaan ama inay iska daayaan. Sidaasi waxa loo yeelay in Dumarka lagu dhiiri-geliyo inay ka qayb-qaataan shaqada Ciidammada Booliska, sida uu daabacay The Telegraph. Xilligii hore, Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska Scotland ku jiraan may xidhan karaynin Xijaabka, balse hadda wuxuu si caadi ah qayb uga yahay Dirayska Ciidanku xidhaan. Markii rasmi ahaan Go’aankan loogu dhawaaqay waxa soo dhaweeyay Ururka Muslimiinta ku jira Booliska Scotland, Ururkaasi oo Magaciisa loo soo gaabiyo (SPMA), SPMA waa urur la aasaasay sannadkii 2010, si uu isugu xidho Bulshooyinka Muslimiinta ah ee Scotland “Tani waa Tallaabo Wanaagsan oo loo qaaday Jihada saxda ah, waanan ku faraxsanahay in Booliska Scotland uu qaadayo Tallaabooyin waxtar leh..”ayuu yidhi, Madaxa ururka Muslimiinta Booliska Scotland ku jira, Fahad Bashir Saraakiisha aan Muslimka ahayn ee Booliska Scotland ayaa sheegay in go’aanka lagu ogolaaday in Dumarka Muslimka ah ee Boolisku ku jiraa ay xidhan karaan Xijaabku uu keenayo in Boolisku is dhex-galo, kala faa’iido xirfado iyo khibrad taageerta fulinta adeegyada Boolisku u hayo Shacabka ku dhaqan Scotland. Source
  23. If you ever travel to Somaliland, you will see every characteristic of nationhood. The country has its own flag, a police force, military, currency, passport, and other effective government institutions. The country also has two chambers of parliament, a Lower House and an Upper House. But there is one big problem, despite operating like an independent country, no country in the world recognises Somaliland as an independent nation. Somaliland is celebrating 28 years of independence since it broke away from the rest of Somalia. For those 28 years, it has been struggling to gain recognition from the international community. In spite of remaining stable, no single country has offered to recognise the self-declared republic in the Horn of Africa. Lack of recognition has not stopped this country, of over 4 million people, from celebrating its independence. Every May 18th, its people take to the streets to celebrate freedom from Somalia which it left in 1991 when clan militias toppled President Siyad Barre. Somaliland was not always yearning for independence; it was an independent nation for five days in the 1960s after it gained independence from Britain before it chose to join southern Somalia and become a united country. Somaliland’s regional profile continues to grow. This year’s celebrations have attracted government representatives from the east Africa region. Only Somalia was absent. Ethiopia, Kenya, Djibouti and Uganda sent representatives to Hargeisa to witness Somaliland’s 28th independence anniversary. A delegation from Uganda’s parliamentary committee on Foreign Affairs is in Somaliland. The committee’s chairman, Hood Katuramu, said it is time his country and the African Union recognise Somaliland. “If we are talking about Pan-Africanism, which Uganda prides itself to be leader in this push, I think time is ripe for us to recognise and start working with Somaliland,” Katuramu said in Hargeisa. Unlike countries in the eastern Africa region, Somaliland boasts that it is a ‘democratic powerhouse.’ It has held successful presidential elections since 2003, where the candidates have accepted the results of the election and congratulated the winner. Last year, it held a presidential election. Although the ruling party won that election, the incumbent President Mohamud Silanyo did not contest to seek a second term in office, although the constitution allows him to do so, a rare in Africa. And in 2010, the incumbent president, Riyale Kahin conceded defeat and handed over power to the opposition candidate. Somalia is still struggling to stabilise the country and the president is elected by members of parliament who were selected by clan elders. In Kenya, presidential elections are a matter of life and death where incumbents ‘never lose’ an election, and election-related violence is common. Sudan just overthrew its leader, Omar al-Bashir who ruled the country for 30 years. Uganda and Djibouti have presidents-for-life, sort of. Presidents Yoweri Museveni and Ismail Guelleh came to power in 1985 and 1999 respectively. Ethiopia has just got a reformist leader after decades of dictatorship. Although Somaliland could be termed a success story, a country which runs smoothly without any international support, it faces several challenges. Because of lack of recognition, it qualifies for loans from international agencies like the World Bank and the International Monetary Fund for infrastructural development. However, its battered economy heavily relies on diaspora remittances and livestock export to the Gulf. Unemployment is so rampant among its youth that some of them risk their lives crossing the Mediterranean, trying to reach Europe for a better life. Through its pursuit of nationhood, the self-declared republic has curtailed freedom of expression. Since its establishment, Somaliland has jailed dozens of journalists and artists, accusing them of advocating for the unity between itself and Somalia. There have been several attempts by foreign nations to reconcile Somaliland with Somalia, for the former to rejoin the latter. But talks have stalled since President Mohamed Farmajo of Somalia was elected in February 2017. Somaliland is also engaged in a border dispute with Puntland, which is a federal member state of Somalia, in the Sool and Sanaag regions. Analysts believe lack of engagement could lead to a deterioration between the two. “Two years have gone by without meaningful dialogue between Hargeisa and Mogadishu. Tensions continue to rise. A military standoff in the Sool and Sanaag regions risks developing into a shooting war between Somalia and Somaliland,” Rashid Abdi, a Horn of Africa analyst and a former Crisis Group researcher told 7Dnews. “It is imperative for the two to engage in dialogue. An amicable settlement will have huge benefits. It will help stabilise northern Somalia. Somaliland’s military and intelligence machinery can be harnessed in the struggle to defeat al-Shabab in southern Somalia,” Abdi said. To defer a solution achievable now to a future date, Abdi warned, is simply to create context for Somaliland’s recognition. Somaliland, at the moment, will have to wait for a long time to realise its dream of being an independent nation. Africa Qaran News
  24. (SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May. Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan. Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay “khatar” uga imaanaysa Iran. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku saabsan yahay “dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka”. Ilo wareedyada ayaa intaas ku daray in baaqaan uu imaanayo “ayadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen labo xarumood oo kuwa shidaalka ah oo Sacuudigu leeyahay”. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore shaacisay in afar kamid ah doonyaheeda ay waxyeello soo gaartay xilli ay marayeen meel u dhow biyaha Imaaradda Fujayrah. Sacuudiga ayaa asna caddeeyey in laba doomood oo ay leedahay, ay kamid ahaayeen doonyaha waxyeelladu soo gaartay. Illaa iyo hadda lama oga in Xuutiyiinta, oo dagaal kula jira isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiya ee ku sugan Yemen, ay ka dambeeyeen weerraradaas ka dhacay biyaha Imaaraadka. Imaaraadku wax faahfaahin ah kama bixin nooca uu ahaa weerarka iyo waliba cidda ka dambaysay. Maalmo uun kadib weerarkaas ayaa xarumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay qaraxyo lala beegsaday, Xuutiyiinta ayaana dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday diyaarado aan duuliye lahayn oo gantaallo ku ganay, waxay sidoo kale weerar ku qaadeen diyaarado marayey hawada Imaaraadka Carabta. Source