-
Content Count
208,466 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kontan maalmood ayaa maanta u buuxsantay markii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu ku dhawaaqay in Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee falalka amni darra ka geesta Muqdisho markii uu amaanka faraha ka baxay. 50 maalmood kadib waa sidee xaaladda Muqdisho maxaana laga dhaxlay howlgalkii Ciidamada booliiska. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee howlgalka wada waxay ku guuleesteen in ay yareeyaan weeraradii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab inkastoo ay wali qaraxyadu ka dhacaan goobo muhiim ah oo ku dhow Xafiisyada muhiimka ah ee Dowladda. Sidoo kale waxay ku guulesteen in ay soo qabtaan keydad hub ah oo ay Al-Shabaab lahaayeen iyo rag dilal fuliyay sida uu shaaciyay Taliska Booliiska Soomaaliya. Ciidamada Booliiska kuma guuleysan in ay joojiyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxayna wali kooxihii wax beegsan jiray ay dilal ka fuliyaan degmooyinka Gobalka Banaaadir. Dilalka Al-Shabaab ee Muqdisho waxaa ku soo biiray dilal kale oo aan ka tira iyo xanuun yareyn oo ay fuliyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee loo xilsaaray badbaada Shacabka waana mid kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka ka socda Muqdisho. Sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka 50 maalmood qaatay waxaa kamid ah, in Muqdisho aan la isu gudbin 50 cesho, Banaanbaxyo waa-wayn oo sababay khasaare naf iyo maalba oo ay dhigayn wadayaasha Moota Bajaajta, maciishadii oo qaaliyowday kadib markii gaadiidka soo gala Muqdisho la joojiyay, kuwa gudahana ay ay magaalada isaga gudbi waayeen. Boqolaal dhalinyaro ah oo ay shaqadooda istaagtay kuwaas oo Garaashyada Muqdisho ku xareeyay gaadiidkii ay ku shaqayn jirayn ee Tagaasida, Shacabka muqdisho oo ay daruufta ku liftay in ay lugeeyaan ama bajaaj ku kireestaan lacag ka badan intii marka hore ku bixi jirtay, dhagxaan waa-yeen oo lagu gooyay wadooyin dhismahooda lacag badan gashay si bilicda loo soo celiyo , rajo la’aan iyo qayla dhaan aan jawaab laheyn ayaa kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka Muqdisho ka socda maalmihii ugu dambeeyay. Todobaadyadii las oo dhaafay waxaa magaalada ka bilaawaday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho ee matala beelaha daga Gobalka Banaadir kuwaas oo dowladda ku eedeeyay in cunaqabatayn ay ku soo rogtay Muqdisho islamarkaana aysan jirin wax amni ah oo lagu helay. Ma jirto waxyaabo laga faa’iday cadaadiska saaran magaalada Muqdisho oo dadweynaha ku qasbi kara in ay u dulqaataan xirnaanshiyaha wadooyinka Muqdisho, sidaas darteed, waa in dowladda ay dib isugu laabato hadii ay xaaladda noqon waysay sidii loo baahnaa. Kulankii ugu dambeeyay oo adayaasha ku yeeshaan Muqdisho waxaa dowladda loogu qabtay 48 saac in ay kaga jawaabto baaqyada odayaasha iyo waxgaradkii ay hadii ay dhici waysana ay yeelan doonaan kulamo kale oo ay go’aan uga gaaarayaan go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo dhibaato daran ka dhaxlayaan kudhawaad 4-ta Milyan ee kunool Muqdisho Sheekooyinka kale ee lagu arkayo magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa kamid ah in aysan shaqaynin dhamaan aqoon-siyada Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada, Saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa kamid ah dadka wadooyinka laga xirtay. Maskaxda dad badan oo ku nool magaalada ayaa waxaa ka guuxaya 50 cesho oo go’doon ah kadib, dhiiggii dadka Shacabka ah wali daadanaya, nolasha dadka oo adkaatay, dowladda oo dhagaha ka fuurasatay qayla dhaanta waxgaradka, hab dhaqanka Ciidamada oo aan wanaagsaneen, dhalinyaro badan oo shaqa la’aan, dil iyo hanjabaad ka dhaxlayhowlgalka socda waa maxay waxa xiga ee arimahaan ka dhalan kara hadii aysan dowladda sidaan wax ka badalin? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Deegaanada Somaliland ayaa shalay waxa looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Dabaal-degaas ayaa waxa sanad kasta laga xusaa deegaanada Somaliland, kaasi oo ku beegan maalinta 18-ka May, balse muddo 28-sano kadib, Somaliland ma helin wax aqoonsi ah, iyadoo ku naaloneysa nabad-gelyo balaadhan iyo geedi socodka dimuquraadiyada. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay bixiyey wareysi gaara ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin siyaasada Somaliland iyo ictiraaf raadinta. Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in maalinta 18-ka May ay tahay maalin qaran oo qiimo weyn ku leh bulshada reer Somaliland. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland loo aqoonsan laayahay habacsani gudaheeda ah oo ay sababtay jabhadii SNM, ee uu ka tirsanaa Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Maanta waa maalmaha u qiirada badan, waad ogtahay dhibaatadii ka dhacday dalka, magaalo qudha oo dhisnayd majirto, marka in maalintaas la xuso way mudnayd. Hadda kahor waxaan sheegay oo aan oran jiray, markii ay laba sano jirtay Somaliland, hadaad sanadka maanta ah joogtaan ictiraaf waad helaysaane adkaysta”. “Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah, Markii jabhadi waddan qabsato, waa in ay waddankaas gacanta ku dhigto, oo ay hay’adaha dalka dhisto oo markay dhowr iyo toban sano joogto hadhow Dimuquraadiyad loo baddalaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyadii ay daryeel waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ka dagtay, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii lagasoo kabtayna siyaasad loo dhan yahay ma aanay samayn”. Guddoomiye Faysal ayaa wuxu ugu dambeyntiina uu sheegay in aanay jirin siyaasad wax ku ool ah oo ay leedahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in waqtigiiba uga dhamaaday khilaafad iyo dhaliilo joogta ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) -Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qeybaha kala duwan ee bulashada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ku dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Intaasi kadib Madaxweyne Deni waxaa loo galbiyay waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah . Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doonaa ammaanka guud ee Mudug iyo arrimaha dib u heshiisiita gobolkaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Saciid Cabdullaahi Deni ku tagay magaaladan, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka Shabeellaha Hoose si uu uga wada xaajoodo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid albabaabada u xiran ayaa la sheegay in looga hadlay guulihii ay dhowaantan ka gaareen Ciidamada dowladda iyo AMISOM al-Shabaab, oo laga saarey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Francisco Madeira, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale uu dib u eegay xaaladda gobolka qabsashada tuulooyinka istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Bariire. “Waxaan ku faraxsanahay horumarka la gaarey, waan sii wadeynaa inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Madeira. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Sabiid 2-dii April, iyadoo 3-dii bishaan May ay qabsadeen Bariire oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana 60-KM dhanka galbeed uga began magaaladda Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa howlgallo military ka wadey mudooyinkii dambe gobollada qaar ee dalka, kaasi oo ujeedkiisa ay Xukuumadda ku sheegtay in dagaalayahanada Al Shabaab looga saarayo goobaha ay hadda ku sugan yihiin. View the full article
-
Muqdusho (SMN) – Labadan degmo oo ku wada jira Group-ka C ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Shibis ayaa kulankii hore barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale degmada Wadajir ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay dhiggeeda degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale xalay oo ay wada baratameen Warta Nabadda iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay galeen barbar dhac, kadib markii ay kala keensadeen mid 10 dhibcood. Tartanka Shabelle oo weli lagu guda jiro wareegiisa koowaad ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana si toos barnaamjika uga dawaan kartaa boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Weftiga Madaxweynaha ayaa intaanay soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale weftiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u balaadhan kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda “DAARU SALAAM” waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan”. “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa weftiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha dawladda Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani. “Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa” “Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-190519.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Xilli ay shalay u fariisteen Imtixaanada mideysan ee Shahaadiga ah 15,800 oo ka mid ah ardayda deegaanada Puntland ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, isaga oo ku sugan magaalada Jowhar, islamarkaana ka warbixinayay go’aankii ay qaadatay wasaaraddiisu waxaa uu cod dheer ku sheegay in Imtixaanaadkii ka bilowday Puntland in ay fashilmeen. Wasiir Goodax ayaa sheegay dalalka dariska ah in ay ku dhacdo arrimo sidan oo kale ah, islamarkaana wax caadi ah ay tahay. Hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada. Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland C/laahi Xasan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta maamulkaasi ayaa ka warbixiyay, sida ay u socdaan Imtixaanaadka maamulkaasi. Dhinaca kale waxa uu gaf ku sheegay hadalkii wasiir Goodax Barre, wuxuuna ugu baaqay in uu raali gelin ka bixixiyo, haddii ay taasi dhici weydana ay gudbinayaan madaxda Qaranka, sida Madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka. Dhawaan ayey aheyd markii dibadda u baxday sirtii Imtixaanka dowladda, arrintaasina waxaa ay dhalisay in dadku ay uga doodaan baraha ay bulshadu ku xariirto iyo meelaha kale, iyadoona dibadbaxyo ay dhigayeen arday badan ay ka kala dhaceen Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay maanta Al Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Rag ka tirsan Al Shabaab ayaa weeraray fariisimo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa weerar kale ku qaaday deegaanada Buufow iyo Lambar Lixdan oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa beegsaday xarumo Milatari oo ku yaalla gudaha deegaanadaasi. Weerarka saddexaad ayaa la sheegay in sidoo kale lagu qaaday degmada Qryooley oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Dhanka kale Al Shabaab oo ka hadlay iska hor imaadyadaasi ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen fariisin Ciidan oo ku taalla Sabiid. Al Shabaab ma shaacin, haddii uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray dagaalladaasi is xig xigay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari ay ka socdaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ee K/Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
Sida ay u dhalatey Dowladaan waxaa Maalinba maalinta ka dambeysa Muqdisho sii galeysey Go’doon Dhinaca Nolosha Bal ila fiiriya Qodobadaan 1- Waxaa laga Xirey Wadooyinkii oo dadka iyo Gaadiidka isku socon La’ yihiin. 2-waxaa laga Xirey Hayadihii Gargaarka. 3- waxaa adkaatey soo gelitaanka Gawaarida Xamuulka ee keenayey Khudaarta’ Dhuxusha’ Caanaha,Dhagaxa iyo Xoolaha. 4- Waxaa loo Fududeyn waayey qaadashada Baasapoorka oo muddo Dheer sugayaan 5- waxaa Dhibaato Cariiri ah lala kulmaan Xurunta CID iyo Gobolka Banaadir marka la qaadanay Warqada Dambi la’aanta, Dhalashada iyo Sugnaanta waxayna qaarkood dadka Bixiyaan Laaluush si ay Waraaqahaas u helaan. 6- Waxaa ku adkaatey in ay ka baxaan Garoonka Diyaaradaha markay VISO Sax dadka wataan waxaana markasta laga reebaa Diyaaradaha iyadoo kuwa baxana laaluush laga qaataa. 7- Dilal Joogta ah oo ay geysanayaan Askarta Dowladda. 8- Gawaaridii Xamuulka oo ka soo bixi waayey Dekedda soona geli waayey. 9-Dadkii Bukaanka ahaa ama Haweenkii Foolanayey oo Isbitaalada gaari Waayey. 10-Canshuur Dheeraad iskana Socota oo laga qaado Bulshada Muqdisho. 11- Dadkii oo Kireysanayey Guryaha oo Sharuudo adag la hordhigey waxaana lagu khasbey in ay Degmada Tagaan 12-Marka ay Madaxda Baxayaan ama Dhoofayaan oo isku socodka lagu Giijiyo 13-Diyaaradii Gobolada aadi jirey Canshuur Dheeraad ah lagu soo rogey iyadoo Diyaaradaha Jubba iyo Daalo oo qarka u saaran In ka Fariistaan Shaqada markii Howshoodii lagu Farageliyey. 14- Waxaa Halkii Gawaari dhigasha ee garoonka lagu soo rogey Kiro iyadoo markii hore Dhibaato ku qabey. 15- Xajkii Sanadkaan oo isna Jahwareer la geliyey Dadkiina ay aamin la’ yihiin cid lacagtooda ku aaminaa waxaan loogu soo darey Wax la yiraahdo VIP XAJ Dadka Maanta Muqdisho ku nool waxay qaarkood Taagan yihiin in ay u Wanaagsaneyd markii Dowlad la’aanta ahayeen Hadii Dowladii sidaa Shacabkeeda u Dhibaateyneyso marka Dadka Muqdisho ilaah baa u Maqan Amiin Yuusuf Khasaaro Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
African Union Mission in Somalia (AMISOM) senior leadership held a meeting with leaders of the Lower Shabelle region to exchange views on how they can strengthen the fight against al-Shabab. The closed-door consultative meeting was held on Saturday followed recent operational successes recorded against al-Shabab, the AU mission said in a statement on Sunday. Francisco Madeira, special representative of the chairperson of the African Union Commission to Somalia, said the meeting also reviewed the situation following the capture of strategic towns of Sabiid and Bariire. “We are happy with the progress and we will continue to work jointly, in coordination with our partners. The governor is in control, and we support him and his administration,” Madeira said. Somali Security Forces and AMISOM troops liberated the town of Sabiid on April 2. On May 3, the forces also liberated Bariire town. The agricultural-rich Bariire, which lies about 60 kms west of the Somali capital, Mogadishu, is one of the strategic areas located in Lower Shabelle region along River Shabelle. The meeting also reviewed the progress made in recent operations, the challenges and the way forward, the statement said. The military offensive to liberate Sabiid and Bariire is part of the implementation of the revised AMISOM Concept of Operations (CONOPS) 2018-2021 and the Somalia Transition Plan. The CONOPS, which aims to provide a structure for AMISOM operations from 2018-2021, marks the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa halkaasi ka sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee Maamulka Puntland ee Shalay ka bilowday degaanadasi uu fashilmay, ayna dhacdo in imtixaannaadu ay suuqa galaan. Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo xiganayey hadal Shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Putland Siciid Deni xilli uu furay imtixaanka dugsiyada Sare ee Puntland. isagoo sheegay in mid kamida maadooyinkii imtixaanka Shalay ay suuqa gashay, balse ay degdeg u bedeleen, laakiin warka Wasiir Goodax ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray isagoo ahaa mid ku wajahan imtixaanka Puntland. Wasiir Goodax Barre ayaa si weyn loogu cambaareeyay go’aankii uu joojiyey imtixaankii wasaaradiisa ee suuqa galay, waxaana uu ku dooday in 120 goobood oo imtixaanka lagu qaaday uu hal meel oo kaliya ka baxay. Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in imtixaanka dowladda la gaarsiiyo maamulka Puntland oo diiday inuu qeyb ka noqdo imtixaanka dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya. Dadka qaar ayaa hadalka Goodax Barre ee ku aadan Imtixaanka Puntland ku micneeyey inuu weli ka xanaaqsan yahay go’aankii ay Puntland ku diiday inay ka qeybgasho Imtixaanka ay Dowladda Dhexe qaadeyso. Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay inuu hadalkaas ka keenay maadaama uu fashilmay imtixaankii Wasaaradda horeyna ay Puntland u sheegtay inaan la isku haleyn karin uu hadda rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo fashilin lahaa Imtixaanka Maamulkaas. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa galay xaalad siyaasadeed oo aad u adag, wuxuuna wajahayaa cadaadis badan oo kaga imaanayo Maamul Goboleedyada iyo ardaydii uu Imtixaanka ka joojiyey. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has chaired a multi-agency security meeting between his government and international security partners on Saturday. The meeting commended the recent gains by Somali National Army against the armed group al-Shabaab which saw the liberation of strategic towns in Lower Shabelle region. The troops seized Sabiid, Barire and Canoole towns during recent operations. The security forum discussed plans to deploy contingents of Somali Police Force in the liberated areas to maintain law and order while initiating projects to enhance essential government services to the affected population. Senior government officials, including members of parliament, have recently visited the areas. President Mohamed Abdullahi Farmaajo toured Sabiid shortly after troops pushed out the armed group late last month. The Federal Government of Somalia distributed foods to the liberated villages during this holy month of Ramadan. View the full article
-
A member of the Somali parliament has called for the pull-out of all Kenyan soldiers from the country, accusing the KDF of vandalizing telecommunications masts on the border. Dahir Amin Jesow, an outspoken lawmaker said Kenyan forces are helping Safaricom in the trade battle with Somalia’s telecom companies providing phone services in border areas. The call comes as Somalia’s leading service provider, Hormud says a $1.9 million loss caused by the vandalism allegedly carried out by Kenya. KDF was blamed for destroying Satellite dishes in Khadijo-Haji village near Bula Hawa town, telecommunication mast in Bardhere district, mast in Elbade town in Gedo, satellite dishes in Elwak, mast, and engine in Dhobley, and masts near Qoqani town. View the full article