Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,461
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Corrupt Kenyans will neither be allowed into the US nor pay for their children's education there, US ambassador to Kenya Kyle McCarter said in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Puntland ka raali galiyay hadalkii gafka ahaa ee uu ujeediyay. Qoraal laga soo saaray Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliya uu raali gelin buuxda uu siinaayo shacabka & Ardayda Puntland. Goodax Barre ayaa hadalkii uu ugu gafay Puntland wuxuu ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Deeganada Maamulka Puntland, arrintaasi oo sababtay in Puntland si wayn uga caroodaan. Goobjoog News Halka ka aqriso Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii koowaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxyeelada ka dhalatay. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in qaraxa Koowaad oo dhawaaqiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho uusan geysan waxyeelo badan. Waxay sheegtay in qaraxa uu ahaa NOAH laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasi oo la dhigay barxad ku taala dhabarka dambe ee Iskaashatooyinka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. “Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne” ayay tiri Sakiyo. “Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayay hadalkeeda kusii dartay. Sidoo kale waxay sheegtay in la qabtay ku dhawaad seddex ruux oo lagu tuhmayo inay raad ku lahaayeen qaraxii xooganaa ee caawa dhacay, waxaana qabtay ciidamada Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. A massive dust storm hits Dire Dawa, in eastern Ethiopia and surrounding areas. According to local reports, the storm lasted for few hours. Source: Hiiraan Online
  5. Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad. Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim. Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020. Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax kale ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo noqonayo qaraxii labaad oo caawa salaadii Maqrib kadib laga maqlo magaalada Muqdisho. Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muna oo ku dhow Beerta Nabadda, waxaana uu ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Qaraxaasi kadib waxaa qarax kale laga maqlay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka iskuul Jabuuti oo ku yaala degmada Wadajir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa labaad lala eegtay gaari nooca xabadda aysan karin iyo gaari Cabdi Bille ahaa oo marayay agagaarka Iskuul Jabuuti. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay caawa magaalada Muqdisho. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. The United Nations is warning of a major humanitarian crisis in Somalia, which is again in the grip of drought. Source: Hiiraan Online
  8. Qarax xoogan oo inta badan laga maqalay dagmooyinka qaar ee magaalada ayaa cawa waxa uu ka dhacay dagmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir. Qaraxa ayaa ahaa gaari nuuca raaxada ah ayaa Afurkii caawa kadib ku qarxay dhabarka dambe ee xarunta Iskaashatada oo ku taalla Degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir. Gaarigan ayaa si gaar ah ugu qarxay inta u dhaxeysa Beerta Nabada iyo Guriga Hooyooyinka oo ku dhaw Baraha Kontorool ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Hay’adaha ammaanka ayaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay in gaariga qarxay uu ahaa NOHA islamarkaana la dhigay meel gawaarida lagu dhaqo oo ay ka soo hor jeedaan goobo ganacsi. Ilaa hadda si dhab ah looma oga bartilmaameedka Qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, maadaama weli goobta ay ku sugan yihiin Hay’adaha ammaanka. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka dhejiska, islamarkaana hada ay wadaan baaritaanada la xiriira weerarkan. Todobaadkii tagay ayay aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday xarunta Degmada Wartanabadda, halkaasi oo ay ku waxyeeloobeen masuuliyiin iyo dad shacab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Qarax gaari oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka dhacay Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay agaaarka Hoteelka Munno oo ku yaalo meel aan sidaasi uga fogeeyn Beerta Nabadda oo masaafo aad u yar u jirto madaxtooyada Villa Soomaaliya. Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi waxaana uu dhacay xili ay dadku ay afurkii u fadhiyeen. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muno oo ku yaal kasoo horjeedka Beerta Nabadda oo ku taal meel aan sidaas uga fogeyn villa somalia. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxa ahaa mid lagu xiray gaari marayey Agagaarka Hotel Muna inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Weli lama helin faahfaahin ku saabsan qaabka uu qaraxa u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay. Ciidamada Boosliska ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la xiray jidadka soo galo. Wixii faahfaahin ah la soco daqiiqado kadib inshaa Allah
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Dowlihii Hore Ee wasaaradda kalluumaysiga Mahdi Cismaan Buuri ayaa si adag u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May. Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo shalay lagu qabtay caasimada Hargeysa. Gudoomiye Ciro ayaa qoraalkiisa ku yidhi:- Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay. Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo! Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn. Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! GUUL & GOBANNIMO. Boramanews Qaran News
  13. Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadalkii uu shalay ku sheegay in imtixaanka shahaadiga Puntland uu fashilmay. Qoraal galabta ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in xog qaldan lagu siiyay in madaxweynaha Puntland shalay ku dhawaaqay in la jabsaday imtixaankii shahaadiga Puntland isaguna uu sidaasi u sheegay balse ay habbooneyd in uu hubsado warkaasi. Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku boodiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland isagoo caddeeyay in uu xukuumadda iyo shacabka Puntland ku garab taaganyahay hawlaha imtixaanka. Hoos ka akhriso qoraalkiisa PUNTLAND POST The post Goodax oo raalli-gelin ka bixiyay beentii uu shalay ka sheegay imtixaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Burco) Qaabka Looga Dabaal Degay Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May Degmada Qoryaale Ee Gobalka Togdheer. (SLT-Burco) Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle Wasiirka oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalkii uu Jowhar ka sheegay oo ahaa inuu Fashilmay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Shalay Furmay. Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintaas in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay garab taagan tahay Ardayda iyo waalidiinta Puntland uuna u rajeenayo inuu Alle u fududeeyo Imtixaanka u socdo. Raali gelinta Wasiir Goodax Barre ayaa imaaneyso kadib markii Dowladda Puntland ay Wasiirka ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas ama uu keeno caddeyn. Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ku tilmaamay hadalada Goodax Barre, “mid isaga ku kooban,” wuxuuna ka dalbaday caddeymo. “Hadii uu caddeynta keeni waayo, waxay ka dhigan tahay xumaan uu u qabo Puntland iyo ardaydeeda,” ayuu Wasiir Cabdullaahi daba dhigay hadalkiisa. Hadalka uu Wasiir Goodax sheegayo in lasoo gaarsiiyey ayaa ahaa hadal uu Madaxeynaha Puntland sheegay markii uu furayey Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Puntland markaas oo uu sheegay in la jabsaday xafiis kamid ah kuwa ay yaaleen Imtixaanaadka balse si dhaqso ah loo badalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Muqdisho)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay Xaalado Bani-aadamnimo oo ka taagan Dalka Soomaaliya, taasi oo ay sababtay Abaar mar kale ku dhufatay halkaasi. Abaarta sababtay Xaaladaha Bani-aadamnimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ku sheegtay inay Aabbo u tahay Roob yaraan, Roob yaraantaasi oo keentay in dalagyadii Dadku beerteen ay ba’aan, halka Xoolihiina ay baad la’aan u madhanayaan. Laba Milyan oo Soomaali ah ayaa Qarka u saaran Macaluul, haddii aanay si deg-deg ah u helin Kaalmo, sida Qaramada midoobay sheegtay. “Xaaladda Soomaaliya, aad bay werwerkeeda u leedahay..” ayuu yidhi, Justin Brady oo ah Madaxa Xafiiska hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay oo u warramay Telefiishanka Aljazeera Magaalada Muqdisho oo ay hore u joogeen 2.5 Milyan Qof oo Abaaraha iyo Colaaduhu barakiciyeen Gobollada kale ee Soomaaliya ayaa waxa haddana ku soo biiraya Boqollaal kun oo Qoys oo Abaarta hadda jirtaa soo baro-kicisay, kuwaasi oo ay ka baaba’een adeegyada Bulsho. Dadkan oo u baahan gargaar bani-aadamnimo oo deg-deg ah. Source
  17. Qalabkii lagu dhisi lahaa dekeda Garacad ayaam maanta waxaa la gaarsiiyay degmada Garacd waxaana sii galbiyay ciidamada amniga Puntland. Qalabkan ayaa ah mid casri ah [...] Source
  18. A raging drought in Somalia could leave some 2.2 million people — nearly 18 percent of the country’s population — in severe hunger during the July-September period. The warning came through a special FAO alert on Somalia, indicating that the number of hungry people in the Horn of Africa nation is this year expected to be 40 percent higher than the estimates made at the beginning of the year. “Rains in April and early May can make or break Somalis’ food security for the whole year as they are crucial for the country’s main annual harvest in July, following the Gu rainy season,” said Mario Zappacosta, FAO senior economist and lead of the Global Information and Early Warning System. The agency also raised concerns of acute malnutrition as well as the number of acutely malnourished children being admitted to therapeutic feeding centers since the beginning of the year The worrying number of animals in very poor health conditions due to low body weight and drought-induced diseases is also a red flag for the agency. “Herders in the worst drought-affected areas such as central Galgaduud and in northern Bari and Sanaag regions have been forced to slaughter the offspring of their goats and sheep as they don’t have enough fodder and water for all their animals, and try to save the milk-producing female livestock,” said FAO Somalia representative Serge Tissot The projection is based on data gathered by FAO experts — including sophisticated analyses of rainfall, temperatures, water availability and vegetation health — that point to the worst drought in years. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kontan maalmood ayaa maanta u buuxsantay markii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu ku dhawaaqay in Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee falalka amni darra ka geesta Muqdisho markii uu amaanka faraha ka baxay. 50 maalmood kadib waa sidee xaaladda Muqdisho maxaana laga dhaxlay howlgalkii Ciidamada booliiska. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee howlgalka wada waxay ku guuleesteen in ay yareeyaan weeraradii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab inkastoo ay wali qaraxyadu ka dhacaan goobo muhiim ah oo ku dhow Xafiisyada muhiimka ah ee Dowladda. Sidoo kale waxay ku guulesteen in ay soo qabtaan keydad hub ah oo ay Al-Shabaab lahaayeen iyo rag dilal fuliyay sida uu shaaciyay Taliska Booliiska Soomaaliya. Ciidamada Booliiska kuma guuleysan in ay joojiyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxayna wali kooxihii wax beegsan jiray ay dilal ka fuliyaan degmooyinka Gobalka Banaaadir. Dilalka Al-Shabaab ee Muqdisho waxaa ku soo biiray dilal kale oo aan ka tira iyo xanuun yareyn oo ay fuliyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee loo xilsaaray badbaada Shacabka waana mid kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka ka socda Muqdisho. Sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka 50 maalmood qaatay waxaa kamid ah, in Muqdisho aan la isu gudbin 50 cesho, Banaanbaxyo waa-wayn oo sababay khasaare naf iyo maalba oo ay dhigayn wadayaasha Moota Bajaajta, maciishadii oo qaaliyowday kadib markii gaadiidka soo gala Muqdisho la joojiyay, kuwa gudahana ay ay magaalada isaga gudbi waayeen. Boqolaal dhalinyaro ah oo ay shaqadooda istaagtay kuwaas oo Garaashyada Muqdisho ku xareeyay gaadiidkii ay ku shaqayn jirayn ee Tagaasida, Shacabka muqdisho oo ay daruufta ku liftay in ay lugeeyaan ama bajaaj ku kireestaan lacag ka badan intii marka hore ku bixi jirtay, dhagxaan waa-yeen oo lagu gooyay wadooyin dhismahooda lacag badan gashay si bilicda loo soo celiyo , rajo la’aan iyo qayla dhaan aan jawaab laheyn ayaa kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka Muqdisho ka socda maalmihii ugu dambeeyay. Todobaadyadii las oo dhaafay waxaa magaalada ka bilaawaday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho ee matala beelaha daga Gobalka Banaadir kuwaas oo dowladda ku eedeeyay in cunaqabatayn ay ku soo rogtay Muqdisho islamarkaana aysan jirin wax amni ah oo lagu helay. Ma jirto waxyaabo laga faa’iday cadaadiska saaran magaalada Muqdisho oo dadweynaha ku qasbi kara in ay u dulqaataan xirnaanshiyaha wadooyinka Muqdisho, sidaas darteed, waa in dowladda ay dib isugu laabato hadii ay xaaladda noqon waysay sidii loo baahnaa. Kulankii ugu dambeeyay oo adayaasha ku yeeshaan Muqdisho waxaa dowladda loogu qabtay 48 saac in ay kaga jawaabto baaqyada odayaasha iyo waxgaradkii ay hadii ay dhici waysana ay yeelan doonaan kulamo kale oo ay go’aan uga gaaarayaan go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo dhibaato daran ka dhaxlayaan kudhawaad 4-ta Milyan ee kunool Muqdisho Sheekooyinka kale ee lagu arkayo magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa kamid ah in aysan shaqaynin dhamaan aqoon-siyada Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada, Saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa kamid ah dadka wadooyinka laga xirtay. Maskaxda dad badan oo ku nool magaalada ayaa waxaa ka guuxaya 50 cesho oo go’doon ah kadib, dhiiggii dadka Shacabka ah wali daadanaya, nolasha dadka oo adkaatay, dowladda oo dhagaha ka fuurasatay qayla dhaanta waxgaradka, hab dhaqanka Ciidamada oo aan wanaagsaneen, dhalinyaro badan oo shaqa la’aan, dil iyo hanjabaad ka dhaxlayhowlgalka socda waa maxay waxa xiga ee arimahaan ka dhalan kara hadii aysan dowladda sidaan wax ka badalin? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Weftiga Madaxweynaha ayaa [...] Source
  21. Burco:(SL-T)Wasaarada Shaqo Galinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Oo Deeq Raashina U Qaybisay Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Magaalada Burco. Source
  22. Safiirka dalka Ingiriiska ayaa kismaayo kula kulmay madaxweynaha maamulka Jubalanad Axmed Madoobe,waxayna ka wada hadleen arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin ladagaalanka Al-shabaab. Madaxweyne [...] Source