-
Content Count
208,466 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“The Horn of Africa will be the first casualty,” opined one dejected Somali, shaking his head. He might have been talking about terrorism, or climate change, or the famines that have more than once devastated his region. Instead he was referring to a toxic new contagion imported from the Middle East—the Gulf crisis that, since 2017, has pitted Saudi Arabia, the United Arab Emirates (UAE), Egypt and Bahrain against Qatar and its ally Turkey. That feud is now infecting the Horn, a neighborhood already fighting to cure its own long-standing ills. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- A senior leader of militant group al-Shabab surrendered to Somali government forces on Saturday, an official said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Ku Saabsan Shantii Madaxweyne ee Somaliland (18 May 1991 – 18 May 2018) Xukuumadihii shanta ahaa ee kala dambeeyey xukuumad kastaa waxna waa ay wanaajineysey, waxna way xumayneysey. Tolow se kee baa badnaa tognida iyo tabnaanta? waa arrin u baahan daraasayn mug leh, aan se maan-fur kooban ku sameeyo 28 sannadood ka mid muddo-xileedyadii madaxweynayaashii kala dembeeyey. 1. Tuur, AHN, 1991 – 1993 wakhtigii ugu xumaa ayuu ku soo beegmay oo ay wax waliba sagxadda qaniinsan yihiin, wax se uu guuleystey in dadka oo wax wada leh ku simo labadii sannadood ee muddo- xileedkiisa oo xukunkiina wareejiyo, isaga oo sharcigii yaalley u hoggaansan. Dhaliishiisa ugu weyni waa in uu hub-ka-dhigis ku samayn kari waayey ciidamo beeleedyadii, unkina kari waayey haykal iyo hay’ado-dawladeedkii loo baahnaa iyo in uu markii la beddeley uu ka noqday aaminsanaantii qarannimadii Somaliland, olole colaadeedna galay. Waxana la ogaa in Tuur markii horeba aanu iimaansanayn gooni isu taagga Somaliland. 2. Cigaal, AHN, 1993 – 2002 waxa u qabsoomay wax weyn oo qiimo leh, cid kale oo kastaa oo xilligaas saaxadda ka muuqateyna aanay fulin karteen. Waxa uu rukunka u taagey oo yagleelay qalfoofkii haykalka iyo hay’adaha dawladnimo, sida dastuur, hub-ka-dhigis ciidan beeleedyadii, samaynta ciidan qaran, calanka, lacag iyo astaamihii qaranka. Waxa uu ku guuldarraystay xoolayntii iyo ka shaqaysiintii hay’adahaas isaga oo lahaa haddana aqoon maamul oo hore. Dagaallo sokeeye uu ka soo doogey oo uu ka badbaadey ayaa ahaa isir weyn oo suura geliyey dib u nabadayn iyo degganaan, waa uu se geeriyoodey, isaga oo aan muddo-xileedkiisii dhammaysan, hawlo waaweyna horyaalliin. Waxa aan ka mid ahay dadka aaminsan in hoggaamintiisa fashil ku soo socdey marka la eego sidii uu dhaqmayey ee kelitalisnimadu ku badnayd ee kursi ilaashiga ku salaysnayd, isaga oo ka faa’iideysanaya goldaloolooyinkii dastuurka uu sameeyey oo u dhignaa sidii shaadh uu isagu is le’ekaysiiyey ama uu isku tolay oo inta uu dunida joogo nin kale aanu gashan karin. Qaybi oo xukun ayuu caan ku ahaa, mana oggolaadeen in uu abuurmo xisbi uu hoggaaminayo nin adag oo isaga hunjaalliyi kara ama loodin kara. Waxa aan odhan karaa geeridu Cigaal waxa ay u ahayd asturaad marka laga tago in ajashiisu gashay. 3. Riyaale 2002 -2010 waxa uu ahaa madaxweyne nabadeed oo doobir badan. Waxa uu Somaliland ka tallaabiyey meel Cigaal inuu ku fashil lahaa dad badani ila qabi karaan. Waa dhammaystirkii aasaaska axsaabta siyaasadda iyo qabashada doorashooyinka golaha degaannada, wakiillada iyo madaxweynaha oo laba jeer ahayd. Waxa uu Riyaale ku fashilmay in uu wax horumar ah oo la taaban karo ka sameeyo noolaynta iyo ka shaqayn siinta kaabayaashii caddilnaa, xoolayntii hay’adaha kale ee dawladnimo iyo yagleelka kuwii maqnaa. Waxa kale oo Riyaale ku wacnaa in isku xidhnaanta gudaha ee xubnaha xukuumaddiisu ay adkaato. Kudlad aad isugu tolan oo dhib iyo dheef wadaag ah ayay ahayd. Xasarad la’aan iyo gobannimo miiggan ayuu xilkii ku wareejiyey, iyada oo kooxi la doonaysey in uu muran ka keeno natiijadii doorashada oo kursiga isku adkeeyo. “Wixii aan wax ka dhisay gacantayda ku burburin maayo” ayaa maguurtada ugu jirta. 4. Siilaanyo 2010 -2017 waxa uu ugu horrayn dhisay xukuumad kooban oo tayo leh. Waxa uu dhawrkii sano ee u horreeyey hirgeliyey mashaariic waaweyn oo aanay cidi hore ugu tallaabsan oo qarannimada noolaynaya, sida beddelidda lacagtii Giinbaarta oo ahayd tii Soomaaliya ee gobollada bariga la adeegsan jirtey, bixintii darajooyinka ciidamada qaranka oo milateri, bileys, asluub iyo ciidamada baddaba ka kooban iyo dhismayaashii iyo dib u hagaajintii xarumaha wasaaradaha, hay’adaha iyo waddooyinka oo ay waddada Ceerigaabo ka dhex ifayso. Waxa uu jebiyey, dhinaca kale, derbigii xadiidka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey ee sida dastuuriga ah Somaliland uga jirey ee ahaa qofkii Soomaaliya soo qaadaa waa dembiile, waxanu furay wada hadallo labada dhinac ah, in kasta oo aanay weli natiijo macne leh ka soo bixin, hsddana waxa furan irriddii wada hadallada. Waxa se uu Siilaanyo ku guuldarraystay in uu hirgeliyo maamul wanaag iyo in uu sharcigu sarreeyo. Qabyaalad, qaraabokiil, naasnuujin ballaadhan iyo musuqmaasuqii awelba jiri jirey ayaa garoomo sii toshay oo halkii ugu sarreeyey gaadhey. Xukuumaddii koobnayd ee tayada lahayd ee uu sameeyey bilowgii ayaa sidii hangaraaraca lugo badan yeelatay oo sida furuqa u tarantay. Xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu markii ay timi talaa faro ka sii haaddey oo dalkuba waxa uu ku dhici gaadhey dalluun dheer. Waxa aan ka mid ahaa dadkii welwelka weyn ka muujin jirey in dalka iyo dawladnimadu ku soo dhacaan hoggaamin la’aan markii ay muuqatey in madaxweynihii la igmaday taladii si tallaabo tallaabo ah uga sii baxayso farahiisa xaaladdiisa caafimaad awgeed. In aanu ahayn nin xukun jacayl derderey dhawr arrimood ayaa u marag ah. Midi waa markii 80 cod lagaga helay doorashadii hore ee Kulmiye in badan oo ka mid ah xisbigiisuna aynu dagaallanno ku taliyeen oo uu door hoggaamiyennimo muujiyey. “Anigu kursi uu dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo” ayaa diiwaanka u gashay”. Mid kale waa in markii uu arkay in xusuustiisu hoos u sii dhacay dambe uu ku tashaday in uu is casilo oo uu mas’uuliyaddii loo igmaday dadkii lahaa u celiyo ee lagu gacan-saydhay ee lagu garbo-duubay in uu muddo-xileedkiisa dhammaysto. Si wacan buu u wareejiyey xilkii markii doorashadii dhacday. 5. Muuse 2017 – 2019 waxa uu ilaa hadda u muuqdaa in uu yahay madaxweynihii ugu liitey ee Somaliland soo mara marka la eego maamulka iyo garashadiisa aqooneed ee hoggaaminta. Waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo tayadeedu liidato. Waxa uu wax ku ballaysimay caddaalad darro, qaraabokiil, naasnuujin qabali ah, musuq, dhul boob caa’ili ah oo waalli ah, sharci jebin, xadhig joogto ah oo aan sifo sharci loo marin iyo kelitalisnimo sii koraysa. Mashruuca Shaqo Qaran ee dhallinyada oo askarnimo uuni ka maqiiqan, welina aan natiijadiisa la gaadhin iyo buugaagta ardayda loo qaybiyey ee lacagta laga bixiyo mooyaane ma arko meel kale oo la taaban karo oo macne buuran leh oo uu sameeyey sannad iyo badhka uu hadda joogey. Xukuumadaha waxqabadkoodu waa inta ay cusub yihiin ee dadku u heellan yihiin. Sannadaha dambe waxa ay quutaan wixii ay qabteen labada sano ee u horreeya. Cirridka se aan arkayo ilko khadda kama soo jeedaan. Waxa aan ka werweraa, wallaahi, in uu muddo-xileedkiisaba la isla gaadhi waayo, Alle kama dhigee, oo kala daadasho timaaddo. Gunaanad Shanta madaxweynenaba waxa dhibaato ku ahayd, ku ah xaqiiqada in ay garan weeyeen meel ay ummadda u dhaqaajiyaan oo waxa dabada u sii jeediyey adduunka oo dhan iyo arrinta Soomaaliya oo ka soo rayn weydey iyada oo intooda badani quuddarraynayeen in Soomaaliya wax la la yeelan karo haddii ay wax ka hagaagaan. Taasina illaa hadda waxba kama soo naaso- cadda. Tuur, Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyaba taas waa ay ka midaysnaayeen, Muusena taasi waa ay ka soo if ifaysaa marka la eego sida uu Farmaajo ula xidhiidho iyo sida uu marka uu dadka la hadlayo uu giirka isaga kiciyo. Isagaa (Muuse) marna la xidhiidha Farmaajo si dhuumasho ah, marna inoo caaya si qaawan marka dadka la joogo meel banyaal ah. Taasi waa dhalliil weyn oo hoggaamineed oo waxa maqan kudhacii ay dadka madaxweynayaasheennu ugu sheegi lahaayeen runta qaawan ee hor yuuban ama kartidii ay ku iimaansan lahaayeen Somaliland, una sameeyaan aragti iyo qorsho himilo dhow iyo tu dheer leh oo Somaliland oo aan meel kale naawilayn lagu hoggaamiyo. Mar walba shanta madaxeeyne waxa maamulkooda ka dhex muuqata hoggaamin xumaan iyo karti la’aan aragti abuureed. Hoggaan dadkii la yidhi adigu hoggaami isagu dadkii dabo socda! Fiiri gaar ah: waa aan hubaa in madaxweyne kasta aan tago tognaan uu lahaa ama tabnaan uu lahaa, waayo anigu si guud baan u eegay ee ma helin daraaso hore looga sameeyey oo la xigan karo, aniguna wakhti uma helin aan daraasayn baalla fidsan ku sameeya, 18 May xuskeeda uun bay intani ku timi. Waa iga maan-carin munaasibadda 28-aad ee xuska 18 May ku saabsan. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
On a bright sunny Saturday on May 18, Somaliland people celebrated the 28th anniversary of our independence, with parades across the country and saluting those heroes who scarified their own blood for our freedom. Source: Hiiraan Online
-
Corrupt Kenyans will neither be allowed into the US nor pay for their children's education there, US ambassador to Kenya Kyle McCarter said in Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Puntland ka raali galiyay hadalkii gafka ahaa ee uu ujeediyay. Qoraal laga soo saaray Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliya uu raali gelin buuxda uu siinaayo shacabka & Ardayda Puntland. Goodax Barre ayaa hadalkii uu ugu gafay Puntland wuxuu ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Deeganada Maamulka Puntland, arrintaasi oo sababtay in Puntland si wayn uga caroodaan. Goobjoog News Halka ka aqriso Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii koowaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxyeelada ka dhalatay. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in qaraxa Koowaad oo dhawaaqiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho uusan geysan waxyeelo badan. Waxay sheegtay in qaraxa uu ahaa NOAH laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasi oo la dhigay barxad ku taala dhabarka dambe ee Iskaashatooyinka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. “Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne” ayay tiri Sakiyo. “Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayay hadalkeeda kusii dartay. Sidoo kale waxay sheegtay in la qabtay ku dhawaad seddex ruux oo lagu tuhmayo inay raad ku lahaayeen qaraxii xooganaa ee caawa dhacay, waxaana qabtay ciidamada Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A massive dust storm hits Dire Dawa, in eastern Ethiopia and surrounding areas. According to local reports, the storm lasted for few hours. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad. Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim. Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020. Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax kale ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo noqonayo qaraxii labaad oo caawa salaadii Maqrib kadib laga maqlo magaalada Muqdisho. Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muna oo ku dhow Beerta Nabadda, waxaana uu ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Qaraxaasi kadib waxaa qarax kale laga maqlay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka iskuul Jabuuti oo ku yaala degmada Wadajir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa labaad lala eegtay gaari nooca xabadda aysan karin iyo gaari Cabdi Bille ahaa oo marayay agagaarka Iskuul Jabuuti. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay caawa magaalada Muqdisho. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The United Nations is warning of a major humanitarian crisis in Somalia, which is again in the grip of drought. Source: Hiiraan Online
-
Qarax xoogan oo inta badan laga maqalay dagmooyinka qaar ee magaalada ayaa cawa waxa uu ka dhacay dagmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir. Qaraxa ayaa ahaa gaari nuuca raaxada ah ayaa Afurkii caawa kadib ku qarxay dhabarka dambe ee xarunta Iskaashatada oo ku taalla Degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir. Gaarigan ayaa si gaar ah ugu qarxay inta u dhaxeysa Beerta Nabada iyo Guriga Hooyooyinka oo ku dhaw Baraha Kontorool ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Hay’adaha ammaanka ayaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay in gaariga qarxay uu ahaa NOHA islamarkaana la dhigay meel gawaarida lagu dhaqo oo ay ka soo hor jeedaan goobo ganacsi. Ilaa hadda si dhab ah looma oga bartilmaameedka Qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, maadaama weli goobta ay ku sugan yihiin Hay’adaha ammaanka. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka dhejiska, islamarkaana hada ay wadaan baaritaanada la xiriira weerarkan. Todobaadkii tagay ayay aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday xarunta Degmada Wartanabadda, halkaasi oo ay ku waxyeeloobeen masuuliyiin iyo dad shacab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax gaari oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka dhacay Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay agaaarka Hoteelka Munno oo ku yaalo meel aan sidaasi uga fogeeyn Beerta Nabadda oo masaafo aad u yar u jirto madaxtooyada Villa Soomaaliya. Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi waxaana uu dhacay xili ay dadku ay afurkii u fadhiyeen. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Muno oo ku yaal kasoo horjeedka Beerta Nabadda oo ku taal meel aan sidaas uga fogeyn villa somalia. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxa ahaa mid lagu xiray gaari marayey Agagaarka Hotel Muna inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Weli lama helin faahfaahin ku saabsan qaabka uu qaraxa u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay. Ciidamada Boosliska ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la xiray jidadka soo galo. Wixii faahfaahin ah la soco daqiiqado kadib inshaa Allah
-
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May. Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo shalay lagu qabtay caasimada Hargeysa. Gudoomiye Ciro ayaa qoraalkiisa ku yidhi:- Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay. Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo! Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn. Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! GUUL & GOBANNIMO. Boramanews Qaran News
-
Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadalkii uu shalay ku sheegay in imtixaanka shahaadiga Puntland uu fashilmay. Qoraal galabta ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in xog qaldan lagu siiyay in madaxweynaha Puntland shalay ku dhawaaqay in la jabsaday imtixaankii shahaadiga Puntland isaguna uu sidaasi u sheegay balse ay habbooneyd in uu hubsado warkaasi. Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku boodiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland isagoo caddeeyay in uu xukuumadda iyo shacabka Puntland ku garab taaganyahay hawlaha imtixaanka. Hoos ka akhriso qoraalkiisa PUNTLAND POST The post Goodax oo raalli-gelin ka bixiyay beentii uu shalay ka sheegay imtixaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle Wasiirka oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalkii uu Jowhar ka sheegay oo ahaa inuu Fashilmay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Shalay Furmay. Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintaas in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay garab taagan tahay Ardayda iyo waalidiinta Puntland uuna u rajeenayo inuu Alle u fududeeyo Imtixaanka u socdo. Raali gelinta Wasiir Goodax Barre ayaa imaaneyso kadib markii Dowladda Puntland ay Wasiirka ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas ama uu keeno caddeyn. Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ku tilmaamay hadalada Goodax Barre, “mid isaga ku kooban,” wuxuuna ka dalbaday caddeymo. “Hadii uu caddeynta keeni waayo, waxay ka dhigan tahay xumaan uu u qabo Puntland iyo ardaydeeda,” ayuu Wasiir Cabdullaahi daba dhigay hadalkiisa. Hadalka uu Wasiir Goodax sheegayo in lasoo gaarsiiyey ayaa ahaa hadal uu Madaxeynaha Puntland sheegay markii uu furayey Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Puntland markaas oo uu sheegay in la jabsaday xafiis kamid ah kuwa ay yaaleen Imtixaanaadka balse si dhaqso ah loo badalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay Xaalado Bani-aadamnimo oo ka taagan Dalka Soomaaliya, taasi oo ay sababtay Abaar mar kale ku dhufatay halkaasi. Abaarta sababtay Xaaladaha Bani-aadamnimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ku sheegtay inay Aabbo u tahay Roob yaraan, Roob yaraantaasi oo keentay in dalagyadii Dadku beerteen ay ba’aan, halka Xoolihiina ay baad la’aan u madhanayaan. Laba Milyan oo Soomaali ah ayaa Qarka u saaran Macaluul, haddii aanay si deg-deg ah u helin Kaalmo, sida Qaramada midoobay sheegtay. “Xaaladda Soomaaliya, aad bay werwerkeeda u leedahay..” ayuu yidhi, Justin Brady oo ah Madaxa Xafiiska hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay oo u warramay Telefiishanka Aljazeera Magaalada Muqdisho oo ay hore u joogeen 2.5 Milyan Qof oo Abaaraha iyo Colaaduhu barakiciyeen Gobollada kale ee Soomaaliya ayaa waxa haddana ku soo biiraya Boqollaal kun oo Qoys oo Abaarta hadda jirtaa soo baro-kicisay, kuwaasi oo ay ka baaba’een adeegyada Bulsho. Dadkan oo u baahan gargaar bani-aadamnimo oo deg-deg ah. Source
-
Qalabkii lagu dhisi lahaa dekeda Garacad ayaam maanta waxaa la gaarsiiyay degmada Garacd waxaana sii galbiyay ciidamada amniga Puntland. Qalabkan ayaa ah mid casri ah [...] Source
-
A raging drought in Somalia could leave some 2.2 million people — nearly 18 percent of the country’s population — in severe hunger during the July-September period. The warning came through a special FAO alert on Somalia, indicating that the number of hungry people in the Horn of Africa nation is this year expected to be 40 percent higher than the estimates made at the beginning of the year. “Rains in April and early May can make or break Somalis’ food security for the whole year as they are crucial for the country’s main annual harvest in July, following the Gu rainy season,” said Mario Zappacosta, FAO senior economist and lead of the Global Information and Early Warning System. The agency also raised concerns of acute malnutrition as well as the number of acutely malnourished children being admitted to therapeutic feeding centers since the beginning of the year The worrying number of animals in very poor health conditions due to low body weight and drought-induced diseases is also a red flag for the agency. “Herders in the worst drought-affected areas such as central Galgaduud and in northern Bari and Sanaag regions have been forced to slaughter the offspring of their goats and sheep as they don’t have enough fodder and water for all their animals, and try to save the milk-producing female livestock,” said FAO Somalia representative Serge Tissot The projection is based on data gathered by FAO experts — including sophisticated analyses of rainfall, temperatures, water availability and vegetation health — that point to the worst drought in years. View the full article