Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,466
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe. Fariin uu soo dhigay boggiisa Ttwitterka Axaddii shalay ayuu ku yiri Madaxeyne Trump “Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka Jirintaanka Iran. Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadaladdii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo. Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu Trump ku jawaabay “ma rajeynayo” Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Iran. Source
  2. (SLT-Khartoum)-Waxaa magaalda khartuum ee dalka Suudaan, dib uga bilowday wadahadalo u dhaxeeya golaha xilliga kala guurka maamulaya dalkaasi iyo hogaamiyeyaasha mucaardka. Golaha ayaa wadaxaajoodka hakiyay seddax maalmood ka hor, waxayna dalbadeen in dibadbaxaaashu ay qaadaan jidgooyooyiin ay dhigteen meelo ku yaalla caasimad. Dibadbaxaaysha ayaa rajo cusub ka qaba wadahadalada dib u bilowday. Labda dhinac ee wada-xaajoonaya, ayaa dib uga wada hadlaya sida ugu haboon ee Suudaan lagu maamuli doono, iyada oo loo marayo xukunka rayidka. Horey ayay ugu heshiiyeen in ay sii socon doonto seddex sano, mucaaradkuna waxay yeelan doonaan saddex meelood labo meel golaha sharci dajinta. Laakiin arrinta ugu xiisaha badnayd ayaa ahayd samaynta golaha sare ee go’aan qaadashada, golo ka madaxabannaan. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa doonaya aqlabiyad cad – 8 ka mid ah 11-xildhibaan – laakiin militariga ayaa ka cagajiidaya in ay awoodda gacantooda ka baxdo. Dibadbaxayaasha ayaa ku sii nagana doona waddooyinka, ilaa ay ka helaan waxa ay doonayaan oo ah dowlad rayid ah. Dibadbaxayaasha ayaa markii hore dalbanayay in xilka uu ka dago madaxwayne Al-Bashiir ,balse markii ay militariga shaaciyeen in ay awoodda la wareegeen ayay mar kale ku baaqeen dowlad rayid ah. Waxay dibadbaxyada Sudan ka dhasheen qiimaha maciishada dalkaasi oo cirka isku shareertay iyo qiimaha lacagta dalkaasi oo si aad ah hoos ugu dhacday. Source
  3. Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax xooggan lala beegsaday gaadhi Bus oo marayay agagaarka magaalada Giza, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Masar. Saraakiisha amniga ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay dhaawaca soo gaadhay Dalxiisayaashaan. Muuqaalo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya ruux dhaawac qaba oo dhiig badan ka qubanayo. Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay iska yareyd dadka dalxiisayaasha ah ee imaanaya dalka Masar. Dalxiiska oo dhaqaalo fara badan ay ka sameyso xukuumada Qaahira ayaa waxaa saameyay weeraro lagu qaaday dadka ajnabiga ah tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweyne Xusni Mubaarak sanadkii 2011-dii. Weerarkaan ayaa sidoo kale noqonaya midkii labaad oo mudo ka yar lix bilood lagu qaado gaari ay la socdaan dad dalxiisayaasha ku sugan Masar. Source
  4. (SLT-Washington)-Shirkadda weyn ee Maraykanka laga lee yahay ee Google ayaa diidey in ay dib u cusbooneysiin u samayso Android-ka ay isticmaasho shirkadda Shiinaha laga lee yahay ee Huawe. Sida ay qortey Jariidada The Guardian go’aanka Google macnihiisu waa Huawei fursad uma heli doonto barnaamijyada Gmail, Youtube iyo Google Play telefoonada ay sameyn doonto. Go’aankan ayaa ah dharbaaxo kulul oo wejiga looga dhuftey shirkadda Huawei, waxaana uu daba socdaa go’aanka Dowladda Maraykanku ka qaadatey Shirkadda Shiineyska ah ee Huawei. Shirkadda Huawei ayaa la geliyey liiska madow todobaadkii hore, taas oo macnaheedu yahay in shirkadaha Maraykanku aaney wax ganacsi ah la sameyn karin Huawei, iyaga oo aan haysan wax oggolaansho ah. Huawei ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka Google, Huawei weli waxay haysataa isticmaalka Android oo ah il ama xog furan, laakiin Google waxa uu dib ula noqdey dhamaan taageerada dhanka farsamada. Shirkadaha kale ee Intel, Qualcomm, Xlinx iyo Broadcom ayaa ka baxay heshiiskii ay kula jireen Huawei, sida ay qoreyso warbaahinta Bloomberg. Warkan weyn ayaa ah mid la xiriira siyaasadda, tiknoolajiyadda iyo weliba ganacsiga, kadib markii shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha ay noqotey midda tiknoolajiyadda ugu weyn dalka Shiinaha, sidoo kale waxaa la sugaayey in ay noqoto shirkadda ugu weyn caalamka ee soo saarta Telefoonada sanadkan 2019. Maraykanka ayaa Huawei ku eedeeyey basaasnimo. Dalalka Maraykanka iyo Shiinaha waxaa u dhexeeya dagaal ganacsi oo marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya. Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo shacabka. 48-saac ee u dambeeyay ayaa waxa isbitaalka Hargeysa la keenay labo ruux oo meyd ah, sida Caasimada Online u sheegen qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalku, labadan ruux ayaa loo dilay qaab qorsheysan. Labadan ruux ee meydka ahaa ee isbitaalka la geeyay ayaa midkood waxa laga soo saaray ceel-biyood ku yaala koonfurta Hargeysa, halka ruuxa kalena lagu dilay guri ku yaala Xaafada Ibraahin kood-buur oo meydkiisa laga soo qaaday, kuwaasi oo ay qoysaskoodu noo sheegen in lagu dilay shirqool. Waxa sidoo kale dhowaan isla magaalada hargeysa gudaheeda lagu khaarijiyey Nin ka howl-gali jirey shirkada korontada ee Sompower. Muddooyinkii u dambeeyaya ayaa waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland kusoo badanayey dilalka qorsheysan, kuwaasi oo inta badan lagu bartilmaamsado dad shacab ah iyo weliba shaqaale ka howl-gala shirkadaha gaarka loo leeyahay. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dilalkaas qaar kamida usoo qab-qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qaar kamida laamaha amnigu, inkasta oo ay weli warbixin rasmiya aysan bulshada la wadaagin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan gaari NOAH ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay agagaarka Barxadda Iskaashatooyinka. Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay iyaga ka dambeeyeen masuuliyadda qaraxa ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay la eegteen masuuliyiin. Waxay Al Shabaab sheegteen in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bille ahaa oo ay sheegeen inay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobolka Banaadir, balse ma aysan sheegin waxyeelada ka dhalatay. Taasi badalkeeda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan geysan qaraxa, islamarkaana uu ahaa gaari barxad banaan la dhigay oo halkaasi ku qarxay. Sidoo kale taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay inay qabteen wadadihii gaarigaasi iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxa ka dhacay dhabarka dambe ee barxadda iskaashatooyinka. Al Shabaab ayaa shaaciyay in tan iyo bishaan Ramadaan inay magaalada Muqdisho ka fuliyeen dilal badan iyo qaraxyo ay la eeganayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday baaritaano ay kaga hortagayaan falalka ka dhanka ah amaanka oo Al Shabaab ay ka geysan karaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun ku riday Laba katirsan Maleeshiyada Alshabaab oo kala ah Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:- “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen Xukunsaneyaal:- 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe. 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo. MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha. MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha. MAXKAMADDU, MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo uu ka hor qoray garsooraha hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa, Sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa markale xukun dil ah ku riday labo eedeysano oo ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa dacwadaan dib u dhageysatay kadib markii ay racfaan labada ruux ay ka qaateen xukun horey maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka siday ku riday kaasi oo ahaa dil toogasho. Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ayaa horey xukun dil ahaa loogu riday balse markale ayay racfaan ka qaateen xukunka lagu riday. Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u qornaa Sidatan. “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen Xukunsaneyaal:- 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 jir ah ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo. MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha. MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha. MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo uu ka hor qoray garsooraha hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsanaa Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa, Sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay ciidanka amnigana gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon. MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenka difaaca Racfaanlayaasha. MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA WAXAA U CADAATAY IN: 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay. WAXAYNA KU RAACDAY Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa DIL TOOGASHO AH, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN):– Taliye ku xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Guuto Zakiyo Xuseen Axmed ayaa Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Internetka waxaa ay ku shaacisay Ciidamaddu in ay soo qabteen Nin waday sida ay tilmaamtay Gaari Xalay ku qarxay Nawaaxiga Iskaashatada Gaadiidka ee Degmadda Xamarweyne. Taliye Zakiyo ayaa sidoo kale sheegtay in gacanta lagu dhigay 2 Ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lugleeyihiin qaraxaasi, waxaa ayna hoosta ka xariiqday in aysan jirin wax qasaaro Nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi. Dhanka kale Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi ka dhacay Degmadda Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaa ayna tilmaameen in ay beegsadeen Gaari nooca Dagaalka ah. Ciidamadda Dowladda ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Magaaladda Muqdisho ka waday Baaritaano la xiriira falalka wax u dhimaya Amniga Caasimadda Dalka. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xaliimo Ismaaciil Yareey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyina madaxa Banaan ayaa shaacisay inay baarlamaanka ka codsaneyso in guddigooda loo dhiso Meel ka duwan halka ay iminka ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in amaan ahaan goobta ay degen yihiin inuu wanaagsan yahay, balse caqabada kaliya ee ay qabaan inay tahay inaysan la kulmi karin xisbiyadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Waxay intaasi ku dartay in qorshahooda uu yahay inay helaan deegaan ama goob ay kula kulmi karaan dhamaan xisbiyada kala duwan iyo bulshada rayidka. Dhanka kale waxa ay sheegtay in Madaxda Maamul Goboleedyada in aysan ku dhawaaqi karin Doorashooyinka, cidda looga dambeynayo inay doorashada ku dhawaaqaana ay tahay guddigooda. Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa ku shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob ammaankeeda aad loo adkeeyo, isla markaana ay adag tahay in dadka ay galaan waqti waliba, maadaama Madaxda Dalka ay degen yihiin. Guddoomiyaasha xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa horey sidaan oo kale u sheegay inay ku adag tahay inay la kulmaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Waxaa sidoo kale ay horey kaga dalbadeen inay kasoo guuraan madaxtooyada dhexdeeda, maadaama madaxtooyada aysan suuragal aheyn inay galaan xisbiyada ka dhisan dalka gudahiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. A car bomb exploded in the Somali capital Mogadishu on Sunday evening, police and witnesses said. The explosion of the explosive-laden vehicle occurred near El-Gabta junction in Mogadishu’s Hamarweyne district, a police officer, who demanded anonymity said. “So far we know that the car was parked near El-Gabta junction. We will establish more details on the incident,” the officer said. Liban Farah, a local resident, told the media that he heard a huge blast in Hamarweyne district but did not know if there were casualties. The blast Sunday came at a time when Mogadishu is on high alert as police forces blocked the main roads of the capital to prevent possible attacks by militants. There was no immediate claim of responsibility for the latest bombing but al-Qaida-linked al-Shabab conducted similar attacks in the past. View the full article
  12. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan yeelanaya xaruntooda. Ajendaha kulanka waa 3 qodob. 1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa. 2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka. 3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa ay Xukun ku riday laba Eedeeysane,kuwaasi oo kala ah Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 jir ah,isla markaana lagu eedeeyay dembiyo kala duwan. Go’aanka maxkamada ayaa u qornaa:- “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen Xukunsaneyaal:- 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe. 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo. MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha. MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha. MAXKAMADDU MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo uu ka hor qoray garsooraha hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa, sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay ciidanka amnigana gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon. MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenaka difaaca Racfaanlayaasha. MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA WAXAA U CADAATAY IN: 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay. WAXAYNA KU RAACDAY Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa DIL TOOGASHO AH, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida. Puntland Post The post Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday eedeeysanayaal appeared first on Puntland Post.
  14. There are people who do not understand the difference between what they know and what they think they know. It is bad when this kind of people are officially appointed to a position of paramount importance to national economy stimulus. Somaliland national Bank does not principally and practically have the abiliy to regulate fluctuations of foreign currencies exchanges. First the Bank is and evidently has been commercially idle and economically bankrupt since Somaliland secession. Second Somaliland citizens have do not deposit their money in Somaliland Bank. Third the Bank has no international commercial.relationships with the internationa foreign Banks. Dollar is a powerful money in the management of economics. The devaluation of dollar, whether overt or covert, always hurts those who hold and have. It does not totally affect economically the country that owns and controls it. Nor the local business men who import commodities from the outside. The consumers are the people who always suffer. There is the expectation of a considerable decrease of the prices of consumable commodities, in the event that Somaliland shilling will move up, because of the wide exchange rate disparity between the dollar and the local currency. But the point must be made that this expectation is unrealisable of one variable – the failure of the government to monitor the commodity price in local markets. Somaliland Bank officials are not very clear about the people they hurt and those they help these days with their continuous baseless dollar devaluation. The cost of one cup of tea has not come down since the beginning of the year 2016. Statistically speaking the prices of all consumable commodities are still hiking up, giving the overall indication that there is no government institution that cares public welfare. It is time for Somaliland Bank director to ask what sort of economy you intend to want to build. Somaliland people, particularly those who depend on remittance from abroad, need a great budget, not a great burden. By: Jama Falaag As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Hargeisa, Somaliland. Qaran News
  15. Muqdisho (SMN):– Xaliimo Ismaaciil ibrahim Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in uu Gudigu Wado Taraasad Ku salaysan Goobaha Codbixinta ee Doorashadda Sanadka 2020ka. Gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Gudigu wado Daraasad ku salaysan goobaha loo xulan karo in ay Codbixintu ka dhacdo, iyadoo Tirakoob iyo Asteyn hordhac ah uu ku sameeyay Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka qaranka Deegaanadda Dalka ee noqon kara Xarumo loo asteyn karo Diiwaangelinta Codbixiyaha, islamarkaana loo isticmaali karo Xarumo Codbixinta, wuxuuna hada Guddigu ku hawlan yahay hubinta xarumaha noqon kara goobo diiwangelin oo dhab ah, kuwaasoo laga heli karo adeegyadda muhiimka u ah Diiwaangelinta sida Amniga, Adeegyadda aasaasiga, ah iyo gaaritaankooda, sida ay ka dhawaajisay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim. Hadalkan ayaa imaanaya xili ay Xaliimo Ismaaciil ibrahim Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka hortagtay Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Parlamanka Dalka oo wax ka waydiinayey arimaha Doorashooyinka iyo shaqada kale ee Guddiga Doorashooyinka. View the full article
  16. Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa faqidaad ku sameeyay khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Munaasibada 18 May. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan. 8-Sanno Axmed Siilaanyo oo aha Guddoomiyhii KULMIYE Madaxweyne Daahir Rayaale Munaasibad 18 May kalama qayb galin, Madaxweyne Muuse Biixi 2-sanno ayuu Hoggaamiyihii Mucaaridku aanu agtiisa fadhiisan qayladaas deg dega ah lama filayn… Xuska 18 May oo mucdiisi maanta Hargaysa laga xusay nabad ayay ku soo dhammatay Alxamdulillaah. Aniga iyo Muwaadin kastaaba halku joogay ayuu ku xusay… Waxaan midh ka odhanayaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Maanta 18 May uu jeediyay.. 1 .. Madaxweyne Biixi muddada Xilka uu hayay oo hadda baarka la gashay sannad iyo sideed bilood, wuxuu ku qiray khudbadiisi kana horena Waddanka intuu Xilka hayay uga muuqatay in dhaqaale la’aani Xukuumadiisa ay hayso, isagoo sababta ugu wayn ee taasi ku timina ku sheegay dhoofkii Xoolaha Nool oo is taagay, in kasta oo Xukumadihii ka horeeyayba aanu Dhoofka Xooluhu socon. Muddada labada sanno ku dhaw waxqabad muuqda oo KOW iyo LABA la yidhaahdo oo u qabsoomay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ma soo bandhigin Madaxweynahu, marka laga reebo, Goobo Caafimaad oo hore u jiray oo la rinjiyeeyay, mashruuca shaqo Qaran oo aan wali midha dhalkiisa bulshadu dareemin waxna aan ka badalin busaaradii iyo shaqo la aantii Dhalinyaradda haysay. 2… Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi khudbadiisu waxay u muqanaysay sidii marar hore dhacay qorshe la’aan aanu qorshe u dajisan ka lahayn arrimaha maarayntoodu isaga iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ay u taalo. “Haddii aynu ganacsatadeena iyo dhammaanteen aynu isu tagno, hadaynu Dawladaha wax maal gashada u yeedhano, dhammaanteen hadaynu isugu tagno “ Weedhahaasi waxay kamid ahayeen halqabsigii Madaxweynaha iyadoo hoggaamiye ahaan ay ka mudnayeen waxaas waanu ka qabanay waxaana noo qorshaysan taas iyo taas aragtidaas hoggaamineed kama muuqan.. 3. Gebo gebadii Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada. Madaxweynaha waxa ka muuqatay nuglaansho badan oo xagga Mucaaridka ah gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo uu jidh dubaaxshi ka muujiyay. In kasta oo madaxda Xisbiga WADDANI munasibadii 18-ka May si culus uga qayb galeen haddana wuxuu tabaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxman Cirro. Xiligii Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha aha oo lagu tilmaamo xilligii Mucaaridada ugu adagi Somaliland soo martay, ma jirin munaasibas qudha oo Guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo kala qayb galay Madaxweyne Rayaale … Isaga iskadaayo xitaa sarakiisha Xisbiga KULMIYE kama qayb gali jirin.. Kaaga darane Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu hasta hadda Xisbigii UCID oo muxaafid max-lal ah, walow aanu Xisbi ahaan u jirin hadana magac ahaan u jira, wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin UCID oo sidan ka xooganayd xitaa ma wada haysan waayo Cabdiraxmaan Cirro oo Golaha Wakiilada Gudoonshe ka aha wuxuu la hayay Dhanka Isbadal doonkii Mucaaridkii wakhtigaas halka Faysal Cali Waraabe inta badan u wehel yeeli jiray Madaxweyne Daahir Rayaale , hadana marka la eego doorashooyinkii uu galay iyo siduu KULMIYE ugu babac dhigay iyo cabanaanta Muuse Biixi ee maantu waa kaaf iyo kala dheeri. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kama hadal Heshiiskii Khaatumo ee Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo galeen, halku ku danbeeyay iyo wuxuu ku diidanyahay, kama hadal saami xumada Xukuumadiisa iyo in aanay bulshada dhex u ahayn oo aan ummadda Somaliland iska dhex wada arkin, iyadoo Madaxweynihii, Taliyayaashii Ciidamadda Qalabka sida, Maxkamadii Sare, Maaliyadii iyo dhammaan ilihii dhaqaalaha ee Dalka Beesha Madaxweynuhu sadbursiimo u heshay, kama hadal caqabada ugu wayn ee Doorashooyinka la sugaayo hortaagan oo ah saami qaybsigii Gobolada oo isaga laga sugaayo, kamuu hadal halkuu ku danbeeyay Xukunkii Deg Dega aha ee Gobolka Sanaag, kama hadal Xabisaada Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool iyo Dastuurka u fasaxay inuu Wali Xabsiga ka hayo, kama hadal qaybsanaanta Bulshada uu hoggaamiyo haysa iyo xalka uu amuurtaas gamuurantay u hayo.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Sweden .. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdsho ku yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, waxaana ay ku ansixin doonaan xeerar kala duwan. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta u codeynayo sharciyo kala duwan, halka qaarkood sharciyada la marsiinayo aqrinta labaad ee sharciyadaasi. Ajandayaasha horyaala xxildhibaanka baarlamanka maanta shiraya ayaa kala ah:- 1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa. 2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka. 3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka. Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa iyo wax ka badalka sharciga Doorashooyinka. Sharciga Batroolka ayaa ah sharci ay murun badan ka keeneen maamul goboleedyada dalka, waxaana maanta xildhibaanada ay ka yeelaan dood adag iyagoo kadib u codeynayo sida qorshaha uu yahay. Sharciga Dhismaha guddiga Musuq maasuqa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Cadaalada ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana maanta la filayaa in xildhibaanada baarlamaanka ay u codeeyaan. Sharciga doorashooyinka iyo sharciga Batroolka ayaa kamid ahaa sharciyadii adkaa ee la isku mari waayay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxaana maamulada ay ka hor yimaadeen sharigaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN):– Iyadoo uu si xiiso leh usocdo Tartanka bisha Ramadaan ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa xalay waxaa loolan adag wada galay Degmooyinka Shibis iyo Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Tartamayaasha ka kala socdey labadda Degmo ee Wadajir iyo Shibis ayaa soo bandhigay Ciyaar ay xamaasadeedu aad u sareysay, oo laga dheehan karay Aqoon, Hufnaan, iyo Anshax. Degmadda Wadajir oo Guul daro la hoyatay ayaa Tartankii Xalay la timid Dhibco Gaarayey 6, halka Dhigeedda Tartanka ee Shibis ay Haleeshay 12 Dhibcood, Taasoo ah Calaamad muujinaysa in ay gaartay Guul Weyn. Gudoomiyaha Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Tartanka ee Xalay. Tartanka Idaacadda Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirkadaha Ganacsiga ee Becco iyo Cocacola. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-20052019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, heshiis culus ayaa wuxuu dhex maray Ganacstada Suuqa Bakaaraha iyo Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka. Guddi ka socdo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa kulan culus la qaatay xubno ka socday Xarakada Al-Shabaab kadib markii ay ganacsatada gudbiyeen cabasho ku aadan inuu hoos u dhacay ganacsigii Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Ganacsatada ayaa Al-Shabaab ku eedeeyey inay sabab yihiin hoos ku dhaca ku yimid Ganacsiga Suuqa Bakaaraha kadib markii ay badiyeen dilalka ay ka geystaan taasoo keentay in dadkii Lacagta lahaa ee Dibadaha ka imaaneyey iyo kuwa hey’adaha u shaqeeyo ay iska joojiyeen inay wax kasoo iibsadaan Suuqa Bakaaraha. Ganacsatada ayaa Al-Shabaab hor dhigay laba qodob: 1) inay iska joojiyaan Ganacsiyada ay ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha isla markaasna ay u wareegsadaan Suuqyada kale Magaalada ku yaal . 2) iyo inay Joojiyaan dilalka ay ka fuliyaan Suuqa Bakaaraha ee loo geysto dadka aan hubeyneyn. Ganacsatada ayaa ku dooday inay Al-Shabaab siiyaan Canshuur sidaas darteedna aysan macquul aheyn inay Canshuur bixiyaan xilli ganacsigooda uu aad hoos ugu sii dhacayo. Dood dheer iyo is qabqabsi kadib Al-Shabaab iyo Ganacsatada Suuqa ayaa gaaray heshiis culus oo ku saabsan howglada ay Xarakada ka sameyso Suuqa dhexdiisa. Labada Dhinac ayaa ku heshiiyey inay Al-Shabaab joojiso dilalka ay ka fuliso Suuqa Bakaaraha si dadka ka cabsado inay Al-Shabaab ku dilaan Suuqa ay ugu suurtagasho inay usoo ganacsi tagaan suuqa. Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyey inaan Suuqa lagu dhex dili karin wax aan ka aheyn Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya isla markaasna wato hubkiisa, waxaana mamnuuc ah xataa in la dilo Askariga marayo Suuqa dhexdiisa ee aan wadan wax qori ah. Al-Shabaab ayaa ballan qaaday dhankooda inaysan mar kale Suuqa Bakaaraha ku dili doonin dadka rayidka ah ee la shaqeeyo Dowladda iyo Hey’adaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgalo. Heshiiskaan ayaa noqday midkii ugu muhiimsanaa ee dhexmaro Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Xarakada Al-Shabaab oo dhiig farabadan ku daadiyey Suuqaas. Qaar ka tirsan Ganacsatada heshiiskaas la gashay Kooxda Al-Shabaab ayaa Caasimadda Online u sheegay inay rajo fiican ka qabaan fulinta heshiiskii ay la galeen Kooxda Al-Shabaab oo looga bartay inaysan khasaarin jaanis ay ku helaan dadka ay doonayaan inay dilaan. Illaha aan xogta ka helnay ma heysan noo sheegin halka uu ka dhacay kulankaas oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan Saxaafadda loo sheegin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kusoo gabagaboobay Shir aad muhiim u ah oo lagaga hadlayay xaalada wadanka Itoobiya. Kulankan oo kadhacay Xafiiska [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Dagaal culus oo saacado qaatay ayaa ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool, gaar ahaan fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab weerar qorheysan ay ku qaadeen. Walow aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay, haddana dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayeen, mudada uu dagaalka socday. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in seddex kamid ah ciidamada dowladda oo ku sugnaa difaaca hore ee goobta la weeraray ay ku geeriyoodeen dagaalka, islamarkaana kuwo kale ay dhaawacyo soo gaareen. Dhanka Al Shabaab lama oga khasaaraha gaaray, mana jiro saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo si faahfaahsan kaga helay dagaalka ka dhacay degmada Waajid. Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen Saldhiga Koonfureed ee degmada Waajiid, oo ay ciidamada Millateriga Saldhig ku leeyihiin, hayeeshee ay iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen. Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, sidoo kalena ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibaatooyinka ka jira Muqdisho ma ahan wax lagu soo koobi karo qoraal iyo hadal midna waxayna mareysaa 8 sano kadib nolashii ugu adkeyd oo halis gelisay nolasha dad badan oo dagan Gobalka Banaadir. Ma sahlana xaaladda magaalada waxaana xog ogaal ka ah qof kasta oo ku nool Gobalka Banaadir oo aan u baahneen in looga sheekeeyo balse waxaan soo qaadan doonaa 4-ta qodob ee ugu wayn mushkiladda ka taagan Gobalka Banaadir ee sababi karta kacdoon dadweyne. Qof kasta oo ku nool Gobalka Banaadir ayaa wajahaya 4-taan qodob kuwaas oo hadda gaaray meeshii ugu sareysay lagana yaabo in maalmaha soo socdo magaalada uu ka dhaco isbadal dadweyne. Wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhan waa xiran yihiin mana jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo magaalada Muqdisho, waxayna dantu ay kaliftay in dadku ay lugeeyaan waa dhibaatada 1-aad ee Kacdoonka sababi karta. Amaan laguma helin Xirnaanshiyaha Muqdisho waxaana maalin walba dhaca dilalka iyo Qaraxyada Al-Shabaab. Dad badan ayaa is weydiinaya wixii laga faa’iday xiraanshiyaha mar hadii ay dilalkii socdaan waana sababta 2aad ee dhalin karta kacdoonka. Ciidamada Booliiska oo dadka Shacabka ah laaya. Mar kasta Booliiska waxay dilaan dad shacab ah oo dhalinyaro muruq maal ah mana jirto cid Maxkamad soo saarto si cadaaladda loo waafajiyo. Arintaan ayaa horseedi karta kacdoon dadweyne waxaana cadaalad darrada looga deyriyay qur’aanka kariimka ah. Maciishadda ayaa aad u qaaliyowda, sidoo kale waxaa istaagay intii yareed oo shaqo ah oo dalka ka jirtay waxaana saameeyay xiraanshiyaha wadooyinka. Nolasha waa adkaatay mar hadii aysan jirin shaqo maciishadiina qaaliyowday hore ayaana dalal badan sababsay arimahaan oo kale. Afartaan qodob waxay si deg deg ah u horseedi karaan kacdoon dadweyne oo noqon doona nuuciisa kii ugu horreeyay oo dalka ka dhaca inta taariikhada la xasuusto. Boqolaal qof ayaa gaadiidkooda iska xareeyay markii ay waayeen meel ay maraan waxaana loogu sii daray amni darro iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen oo ay kala kulmayaan Booliiska Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku qanacsan sida ay u wax socdaan mana jirto wax rajo ah ay oo shacabka ka qabaan dhanka dowladda oo ku saabsan xaaladda Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com