-
Content Count
208,466 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Horta Heego waa ayo? Tixdan koobani waxa ay ka mid tahay qoraallo ka warramaya Heegada Muuse Bixii iyo cidda hormoodka ka ah xukuumadda dhexdeeda iyo dibaddeedaba. Tixdan oo soo baxday 20.05.2019. Waxa ay qeexaysaa hab-dhaqanka Heego iyo foolxumadiisa. Waa jeedal iyo shaabuug ku laba dhacaya oogada yo dareenka Heego iyo canbuuleysigeeda. Tixdu uma aqoonsana Heego in ay tahay reer. Sinaba marka la eego dhaqan xumidooda, boobkooda iyo dhacooda hantida ummadda iyo isku naasnuujintooda reerna uma aanoobo, wax se eeddu dusha ka saaran tahay madaxweynaha Somaliland oo samaynteeda leh, isku hallayna ay ka haystaan. Waa gardarro garab og oo ku sarkhaansan awoodda la siiyey iyo mashaariic isugu fuutinta wadaaggeeda. Waxa kale oo u aanooba wasakhnimadaa ciddii ugu sacabba tunta ee ku taageerta ama lufluf yar oo sandareerto ah oo ay ka helaan awgii ama sababo kale oo indha-garasho caaddifadeed ay kow ka tahay. Tixdu waxa ay si toos u karbaashaysaa hoggaanka Heego iyo abaabulayaasheeda in gudo ku sheeggan iyo dibad ku sheellan ba oo qof qof loo garanayo, dhowaanna ay suurto gal tahay in dhaayaha bulshada la soo hor dhigi doono marka loo baahdo, haddii uu Alle idmo. Waxa ay tidhi: Heego waa dhufays qodan Dalqadaa gun dheerta ah Dhaayahoodu weeyaan Dhaadmada dareenkana Waxa dira dhanqalankiyo Dhuunigii calool gala. Waxa ay dhabqinayaan Dhaantadii la tumi jirey Waa dhaqan gurracanoo Waxa badan dhibkoodoo Dheeftoodu waa cudur Xaaraan la dhabaqsado. Waa dhidar xabaal dedan Ugu dhacaya meydkoo Dhooqo soo qufaayoo Dhaaddantii walaalnimo Wada dhalashadeedii Dab dhexdooda gelinoo Isku dhidhin tolweynaha. Dhoohantaa ku badanoo Waa wada dharaar maal Dhuuni-qaata-yaal iyo Waa wada dhegweyn iyo Dhullax iimo badan iyo Dhurwaa maalintii ciya. Dhiillo huursan weeyaan Dhegxumaantu waw wehel Garashadu dhibaatiyo Dhaawacooda weeyaan Isu dhiganta waayaha Samo kuma dhabriiraan. Inta dhoof ku maqaniyo Inta degel ku magac dheban Waxa loo dhammeeyaa Mashaariic dhan qudha jira Dhiib dhiibashadu tahay Dhaban qaawan sararaha. Dhalanteedka beentaa Ugu filan dhaqaaloo Dhawrsanaantu waw cadow Dhaqan iyo xishood ma leh Dhaxal duugga hadha iyo Dhito waa ka garanuug. Marna waa dhamiijiyo Dhurde hayjad joogiyo Dhuuryada hamuunta leh Dhurruq maalinweyn kacay Dhaylo dubato naaxdoo Bahalnimo u dhuratoo Nuugaysa dhiig gacal. Ri’yahaa dhaqaaq socod Dhaameelka loo ruxo Orod dhabaabaceeyoo Geesaha dhexdoodiyo Isku riixa dhinacyada Dhabtu waa hunguri xumo. Qaran lagu dhillaystiyo Dhaldhalaalka suuqaa Uga dhigan kitaaboo Dhulku waa in-araggood Ma dhaafaan duleedkiyo Dhamastay ku ababeen. Dawladnimo dhankeedii Sharci adag dhiskiisiyo Dhaabadaynta xeerkiyo Cadli dhawristiisana Dheri saaran oogtiyo Dhuxushay ka jecel yiin. Weli geed dhillowyahan Dhulka hoose kama bixin Dheecaan yaalla kama qado Dhir kaluu ku maran yahay Dhalankooda yeeshaa Dheeraad ka doonaa. Dhaadhaanku faan badan Irbadse dhuub ma gelin karo Wuu hadaaq dhurmaayoo In uu dhaarto mooyee Hadal kama *****n karo Afka dheer ma xidhi karo. “Dheeraad nin haystoo Aqalkiisu dhalo yahay Nabad iyo ku dhaqankeed Hadduu tuuryo dhaafsaday Jiitamaa dhammaysee Maan dhadhaabka xaabsado”. Dhagar lama sahaayoo Lama dhacayo nabarkee Dhugtu waa dareen kicin Inaan dheelli-tire jirey Dhufayskiisa ugu galo Ninka dheesha ku qarribey. Dhubuq dhubuq horreetana Dhabannahays dambaysaa Dhuuxow yarow hareer taal Immisaa nin dhumuc weyn Dhukanoo is waal badan Dhaar-jiidh badnaa jabay! Dhacarsigu lur badanaa Dhaaxay ayaamuhu Waayuhu dhirbaaxeen Dhabandaadyo mamayoo Dhacadiid u jiifsaday Siiyeen dhunkaal suna. Tixdu waa dhambaal iyo Hadal dhoomo culus sida Maaha dhego-barjayn iyo Dhasalaalaq bood bood Daymo dhacan leh weeyoo Dhahar loogu talo galay. Runta oo la dhalanrogo Been baa ka dhalatoo Dheehii wacnaa baa Dadnimada ka dhaca oo Inaan sharafi sii dhiman Dhawaaqeedu weeyaan! Maxamed Baashe Xaaji Xasan, London 20.05.2019. mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wajahaya cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caasimada Online u sheegaya in wasiirka uu wajahayo cadaadis aan yareyn iyo su’aalo badan oo ay weydiinayaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirka ayaa waxaa heesta eedeymo waa-wayn oo gaf ah islamarkaana ay soo gudbiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalbaday in xilka laga qaado Wasiir Goodax oo ay sheegayn in aysan la shaqayn karin islamarkaana uu u gafay 2 jeer bil gudaheed. Laba jeer ayaa looga yeeray xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, waxaana la-waydiiyay halka uu ka keenay fashilka ku yimid imtixaanka Puntland waxa uuna u sheegay in uu helay xog qaldan. Xukuumaddaa Soomaaliya ayaa ku amartay wasiirka in uu raali gelin ka bixiyo hadalkii ahaa “waa fashilmay imtixaanka Puntland” taas oo sababtay in uu raali gelin deg deg ah bixiyo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhowaan xilka laga qaadi doono wasiirka waxbarashada Soomaaliya. Xil ka qaadista ayaa la filayaa in lagu aadiyo markii uu soo dhamaado imtixaanka, sidoo kale waxaa laga yaabaa in lagu aadiyo markii uu ku dhawaaqo natiijada imtixaanka la qaadi doono 27-ka bishaan. Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sidaan oo kale la aaminsan-yahay in uu sababsaday hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa tayada waxbarashada Soomaaliya waxaana la filayaa in Wasiir Goodax-ne uu sababsado hadaladii uu jeediyay ee ku aadanaa Puntland iyo qal-qalka ka jira imtixaanka Soomaaliya ee sanad dugsiyeedka 2018-2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
For over a decade, a dozen states and multilateral organizations have invested considerable time, effort, equipment, and hundreds of millions of dollars to build an effective Somali National Army (SNA). So far, they’ve failed. Source: Hiiraan Online
-
Horta Heego waa ayo? Tixdan koobani waxa ay ka mid tahay qoraallo ka warramaya Heegada Muuse Bixii iyo cidda hormoodka ka ah xukuumadda dhexdeeda iyo dibaddeedaba. Tixdan oo soo baxday 20.05.2019. Waxa ay qeexaysaa hab-dhaqanka Heego iyo foolxumadiisa. Waa jeedal iyo shaabuug ku laba dhacaya oogada yo dareenka Heego iyo canbuuleysigeeda. Tixdu uma aqoonsana Heego in ay tahay reer. Sinaba marka la eego dhaqan xumidooda, boobkooda iyo dhacooda hantida ummadda iyo isku naasnuujintooda reerna uma aanoobo, wax se eeddu dusha ka saaran tahay madaxweynaha Somaliland oo samaynteeda leh, isku hallayna ay ka haystaan. Waa gardarro garab og oo ku sarkhaansan awoodda la siiyey iyo mashaariic isugu fuutinta wadaaggeeda. Waxa kale oo u aanooba wasakhnimadaa ciddii ugu sacabba tunta ee ku taageerta ama lufluf yar oo sandareerto ah oo ay ka helaan awgii ama sababo kale oo indha-garasho caaddifadeed ay kow ka tahay. Tixdu waxa ay si toos u karbaashaysaa hoggaanka Heego iyo abaabulayaasheeda in gudo ku sheeggan iyo dibad ku sheellan ba oo qof qof loo garanayo, dhowaanna ay suurto gal tahay in dhaayaha bulshada la soo hor dhigi doono marka loo baahdo, haddii uu Alle idmo. Waxa ay tidhi: Heego waa dhufays qodan Dalqadaa gun dheerta ah Dhaayahoodu weeyaan Dhaadmada dareenkana Waxa dira dhanqalankiyo Dhuunigii calool gala. Waxa ay dhabqinayaan Dhaantadii la tumi jirey Waa dhaqan gurracanoo Waxa badan dhibkoodoo Dheeftoodu waa cudur Xaaraan la dhabaqsado. Waa dhidar xabaal dedan Ugu dhacaya meydkoo Dhooqo soo qufaayoo Dhaaddantii walaalnimo Wada dhalashadeedii Dab dhexdooda gelinoo Isku dhidhin tolweynaha. Dhoohantaa ku badanoo Waa wada dharaar maal Dhuuni-qaata-yaal iyo Waa wada dhegweyn iyo Dhullax iimo badan iyo Dhurwaa maalintii ciya. Dhiillo huursan weeyaan Dhegxumaantu waw wehel Garashadu dhibaatiyo Dhaawacooda weeyaan Isu dhiganta waayaha Samo kuma dhabriiraan. Inta dhoof ku maqaniyo Inta degel ku magac dheban Waxa loo dhammeeyaa Mashaariic dhan qudha jira Dhiib dhiibashadu tahay Dhaban qaawan sararaha. Dhalanteedka beentaa Ugu filan dhaqaaloo Dhawrsanaantu waw cadow Dhaqan iyo xishood ma leh Dhaxal duugga hadha iyo Dhito waa ka garanuug. Marna waa dhamiijiyo Dhurde hayjad joogiyo Dhuuryada hamuunta leh Dhurruq maalinweyn kacay Dhaylo dubato naaxdoo Bahalnimo u dhuratoo Nuugaysa dhiig gacal. Ri’yahaa dhaqaaq socod Dhaameelka loo ruxo Orod dhabaabaceeyoo Geesaha dhexdoodiyo Isku riixa dhinacyada Dhabtu waa hunguri xumo. Qaran lagu dhillaystiyo Dhaldhalaalka suuqaa Uga dhigan kitaaboo Dhulku waa in-araggood Ma dhaafaan duleedkiyo Dhamastay ku ababeen. Dawladnimo dhankeedii Sharci adag dhiskiisiyo Dhaabadaynta xeerkiyo Cadli dhawristiisana Dheri saaran oogtiyo Dhuxushay ka jecel yiin. Weli geed dhillowyahan Dhulka hoose kama bixin Dheecaan yaalla kama qado Dhir kaluu ku maran yahay Dhalankooda yeeshaa Dheeraad ka doonaa. Dhaadhaanku faan badan Irbadse dhuub ma gelin karo Wuu hadaaq dhurmaayoo In uu dhaarto mooyee Hadal kama *****n karo Afka dheer ma xidhi karo. “Dheeraad nin haystoo Aqalkiisu dhagax yahay Nabad iyo ku dhaqankeed Hadduu tuuryo dhaafsaday Jiitamaa dhammaysee Maan dhadhaabka xaabsado”. Dhagar lama sahaayoo Lama dhacayo nabarkee Dhugtu waa dareen kicin Inaan dheelli-tire jirey Dhufayskiisa ugu galo Ninka dheesha ku qarribey. Dhubuq dhubuq horreetana Dhabannahays dambaysaa Dhuuxow yarow hareer taal Immisaa nin dhumuc weyn Dhukanoo is waal badan Dhaar-jiidh badnaa jabay! Dhacarsigu lur badanaa Dhaaxay ayaamuhu Waayuhu dhirbaaxeen Dhabandaadyo mamayoo Dhacadiid u jiifsaday Siiyeen dhunkaal suna. Tixdu waa dhambaal iyo Hadal dhoomo culus sida Maaha dhego-barjayn iyo Dhasalaalaq bood bood Daymo dhacan leh weeyoo Dhahar loogu talo galay. Runta oo la dhalanrogo Been baa ka dhalatoo Dheehii wacnaa baa Dadnimada ka dhaca oo Inaan sharafi sii dhiman Dhawaaqeedu weeyaan! Maxamed Baashe Xaaji Xasan, London 20.05.2019. Fiiro gaar ah: si farshaxannimo leh falanqayntu kuu furan, hana bixin mawduuca, haddii kale far baa taagan. Tu san. Maxamed Baashe Source
-
Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wadda dalka Yemen, ayaa qorsheeyay inay Weerarro ku qaadaan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ah Dawladaha ugu tunka weyn Xulafada Duqaymaha ka wada Yemen. Wakaalad Wararka tabisa oo Xuutiyiintu Maamulaan ayaa sheegtay in Jabhadda shiicada ah ee Xuutiyiintu ay qorsheeyeen inay illaa 300 oo Gantaal ay la beegsadaan Meelaha muhiimka ah ee Sucuudiga iyo Imaaraadka. Meelaha Xuutiyiintu doonayaan inay beegsadaan ayaa waxa ka mid ah Talisyada Ciidammada Sucuudiga iyo Imaraaadka, si la mid ah sida Imaaraadka Iyo Sucuudigu u duqeeyaan Saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen, sidaa waxa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Saba news. Warka ah in Xuutiyiintu diyaariyeen inay 300 Gantaal ku weerarraan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa soo baxay Maanta, ka dib markii Isniinta Maanta qalabka hubka ka hor-tagaa ee Sucuudigu uu burburiyey Gantaalo Xuutiyiintu ku soo tuureen Magaalada Tarif iyo Jeddah. Duqaymahan hadda ku bilaabmay Sucuudiga iyo Imaaraadka, ayaa waxa ka sii horreeyay diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo weerarray goobaha Shidaal soo saarka ee Sucuudiga iyo Laba Markab oo shidaal ah oo marayey Xeebta Imaaraadka, kuwaasi oo Sucuudigu lahaa. Xuutiyiinta oo la tuhunsan yahay inay Taageero dhanka saanadda Ciidanka ah ka helaan IRAN ayaa tallaabooyinka ay hadda wadaan waxay u muuqdaan inay kaga aar-gudanayaan Duqaynaha Sucuudiga iyo Xulafadiisa Imaaraadku ka mid yahay ka wadaan Dalka Yemen, sida uu ka warramay The National. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay bam gacmeed caawa lagu weeraray goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen xubno lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro bam gacmeed ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caawa lala eegtay ciidamada dowladda. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiye Xuseen ayaa shaacisay in ciidamada ay qabteen ruux bam gacmeed ku weeraray xarun ciidamada booliska ku sugnaayeen oo ku taala xaafadda Taleex ee degmada Hodon. Waxay sheegtay in dadka la qabtay ay ahaayeen kuwo ku eedeysan inay tuureen bam gacmeedyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay ciidamada qabteen ruux bam gacmeed ku weeraray suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Labada Bam ayay Zakiya sheegtay inaysan geysan wax khasaaro ah. “Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa bakaaro ee degmada Howlwadaag Labada fal wax qasaaraha ah kama dhala” ayay tiri Zakiya Xuseen. Xalay ayay aheyd markii Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho ( SMN):-Kooxo Hubeysan ayaa caawa Guddoomiye waaxeed waxa ay ku dileen Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye waaxeedka la dilay oo ka tirsanaa Maamulka degmada Howlwadaag ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Xasan Gaab , waxaana uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku soo qaadeen kooxo Bastoolado Ku hubeysan. Ninkaan ayaa horay Guddoomiyaha dhalinyarada uga soo noqday maamulka degmada Howlwadaag.. Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Ammaanka iyo maamulka degmada Howlwadaag ay ka soo saareen dilka Marxuumkaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Shacabka gobolka Sool ku booriyey inay Nabadgalyadooda ilaashadaan, maaddaama oo ay wakhtigii hore Gobollada kale ee dalka uga hadheen Nabadgalyo darro. Wasiirka oo khudbad u jeediyey Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood oo uu kala qayb-galay Xuska 18-ka May ayaa yidhi “Adduunku dhinicii horumarka ayuu u socdaa, inama anfacayso haddaynu nahay reer Sool iyo reer Awdal in xuska 18-ka May Maalin walba Tashuush la innagu furo oo Calan yar oo buluug la inagal dhex ordo adeer caqli gal maaha.” Wasiirku wuxuu sheegay “Soomaaliya markay jirtay, Sool iyo Awdal halkay maanta joogaan may gaadhsiisnayn, Laamiyo maydaan lahayn, Guryaha Sool Maanta ka dhisan maydaan lahayn, halkaynu Maanta taaganahay iyo halkaynu Maalintaa taagnayn way kala fog tahay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddaad reer Sool tihiin waxa idiinka baahan yahay inaad nabadgalyadiina ilaashataan, waxa la rabaa inaad Gobollada kale gaadhaan, waxa Gobollada kale idinka rabay waa Nabadgalyo darrada, mar walba waxa la leeyahay Sool waxa ka jirta nabadgalyo darro, waa maxay sababta ay nabadgalyo-darradu u imanaysaa, maxaa khaldan, waxaan idiin leeyahay ha aaminina siyaasiga, Anigana ha ahaatee Siyaasiyiinta ha aaminina, Waayo? Siyaasigu dan gaar ah ayuu leeyahay..” Source
-
San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Google ayaa Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc muhiim ah oo internet-ka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog ee dalka. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Cabdi Sheekh Axmed ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka. Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada. Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internet-ka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka. Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G. Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internet-ka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka. Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda. Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
The Council of Ministers of Ethiopia approved the bill against terrorism, after extensive deliberation to insert some amendments, said today a statement from the Office of the Prime Minister. Source: Hiiraan Online
-
More than 200 people paid an eye-watering $173,000 (150,000 euros) to attend a dinner thrown by Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, to raise funds to beautify the capital Addis Ababa, state media reported Monday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, May 20 (Reuters) - Somalia passed a petroleum sector law on Monday, paving the way for exploration in its waters that could potentially transform the troubled country's economy if hydrocarbon riches are found. Source: Hiiraan Online
-
More than 200 people paid an eye-watering $173,000 (150,000 euros) to attend a dinner thrown by Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, to raise funds to beautify the capital Addis Ababa, state media reported Monday. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhis lagu samaeynayo Isbitaalka Xooga Qaranka kaas oo ku burburay dagaaladii dalka soo maaray inta lagu guda jiro sanadkan 2019 ka. Isbitaalka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn ayaa waxaa hadda ciidamada lagu daweeyaa qeyb ka mid ah oo dayactir lagu sameeyay taas oo ah 20% marka loo eego dhismaha ka kooban yahay iyo dhulka uu ku fadhiyo Isbitaalka Xoogga Qaranka. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Sasan Maxamed Cali (Amar danbe) oo booqday isbitaalka ayaa sheegay in sanadkaan 2019ka guud ahaan la dhisi doono isbitaalka waxa uuna sheegay in lala kaashanayo hay’ado caalamiya. “ kadib markii annaga aan meel waliba u galnay waxaa aan rajeynaynaa iney noo suura gasho inaan dhisno Isbitaal ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga Qaranka Soomaaliyeed” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in dhismaha hadda lagu shaqeeyo ay tahay qeyb yar oo isbitaalka oo ay dayactirtay dowladda Taliyaaniga , lakiin waxa uu xusay in baahida ciidanka ayna ku filneyn qeybtaan. “ Marka aan ka hadleyno Dhismaha Isbitaalka Xooga Qaran, qeybtaan waa kumeel gaar inta hadda dhisan waxaa nagu taageeray AU da Taliyaaniga, waxana qalabeeyaya Madaxwynaha” Dhanka kale wasiirka wasaaradda Gaashaandigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu samaynayo Isbitaalka. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney taageeraal dhismaha Isbitaalka Xoogga Qaranka xoolahooda iyo xoogoodaba ay ku taageeraan dhismaha” Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim. Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020. Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxayna Xaliimo yarey ay sheegtay inay Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso. “Waxa laga codeynaya meel alaala, meeshii la tagi karo oo cod laga bixin karo, markaa Somaliland-na wey galeysa qodobkaas, Soomaaliya oo dhana waxa laga dhigay hal meel, qabiilo lama dooranayo, qof degmo ka socdana lama dooranayo” ayey tiri Xaliimo yarey. Waxayna intaas kusii dartay “Waxa la dooranaya xisbi, xisbigaasna wuxuu ka furanyahay sagaal gobol oo Soomaaliya kamid ah, ha ahaato Somaliland ama ha ahaato Somalida kale”. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sidoo kale sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, balse la rabo inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad u faahfaahiyey sababihii keenay inuu baxo Imtixaankii Dugsiyada oo ay Wasaaradda qaadeysay. Goodax Barre ayaa sheegay in Imtixaanka ay ku bixiyeen juhdi farabadan inuusan banaanka u bixin isla markaasna ay Kaamirooyin ku xireyn halkii lagu daabacayey sidoo kalana ay meel kasta oo la geynayo ay Mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu Imtixaankaas ka baxay Xarunta Balanballe, wuxuuna sheegay in faahfaahinta arrintaas laga sugayo Ciidamada Booliska oo hadda ku guda jiro Baaritaano dheeri ah. Wasiirka ayaa sheegay in ninka Imtixaanka bixiyey uu horey ula shaqeyn jiray Wasaaradda isla markaasna uu ahaa nin lagu kalsoon yahay balse wuxuu sheegay inay arrintaan tahay mid la xiriirta dhanka Siyaasadda. Sidda uu sheegay Booliska, Imtixaanka waxaa sanadkan laga dusiyey magaaladda Balanballe ee hoostagta maamul goboleedka Galmudug. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay Jamaaludiin Axmed Xirsi, oo 29-sano jir ah, uu maamulka kala kulmay “cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed”. “Waan ka soconayaa colaado siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka, waxaan u arkaan in tani ay tahay mid siyaasadeysan. Ninka lasoo xiray oo aan aad ugu kalsooneen, waxaan aaminsanahay in cadaadis dhaqaale iyo mid kale uu kala kulmay maamulka, inkasta oo aan jeclayn in aan ka hordhaco baaritaanka hay’addaha amaanka,” ayuu Goodax Barre u sheegay Barnaamijka Wacitaanka Dhageysataha ee VOA-da. Waxaa jiro Khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Dowladda Dhexe, wuxuuna Khilaafkaan taagnaa muddo badan. Goodax Barre si cad uma sheegin siyaasadda ka dambeyso bixinta Imtixaanka iyo inay xiriir la leedahay Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulka Galmudug. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa shaaciyey in Imtixaanka cusub uu qabsoomayo waqtigii loo mudeeyay oo ah 27-da bishaan illaa iyo 31-da. Hoos ka dhageyso codka Goodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Goodax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A boat carrying football players and fans has capsized in Lake Albert in western Uganda, local media reports say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Jadwalka cusub ee Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka. Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2018-2019 ayaa waxaa uu bilaaban doonaa Maalin Isniin ah oo Taariikhdu tahay 27-ka Bisha May ee 2019,isla markaana Imtixaankan ayaa waxaa uu yahay mid ku celis ah,kadib markii uu fashilmay midkii horey loo qaaday. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa horey u kansalay Imtixaankii ay ardayda galeen muddo 3 Maalin ah kadib markii la faafiyey qishka dhammaan maadooyinka ay soo diyaarisay Wasaaradda. Ardayda imtixaanka gashay oo ka careysay hadalkii Wasiirka ayaa dibad baxyo rabshado wato ka sameeyey Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada dalka waxayna dalbeyn in xilka laga qaado Wasiir Gooddax. Sidoo kale maamul Goboleedyada qaar ayaa dood ka keenay imtixaanka Dowladda ee la kansalay, waxayna sheegeyn inay iyaga diyaarsan doonaan imtixaanka dugsiyada, waxaana maamuladaas kamid ah Hirshabelle inkastoo wafdi ay hoggamaaminayeen Wasiirka Waxbarashada iyo midka Amniga ay gaareen halkaas si loo xaliyo Khilaafka. Jadwalkaas cusub oo ay soo saartay Wasaaradda ayaa muujinayo in la xaliyey Maamul Goboleedyadii dooda qabay marka laga reebo Puntland oo markii hore diiday haddana uu u socdo imtixaan uu maamulkaas usoo diyaariyey ardayda deegaanada Puntland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso jadawalka cusub: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com