-
Content Count
208,469 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe cusub oo doorasho looga qabanayo degaanada maamulka Galmudug dhamaadka sanadkaan 2019 oo ku egyahay muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xukuumadda Soomaaliya ay la heshiisay islamarkaana ay lacago badan ku bixisay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug ,si ay go’aan uga gaaraan doorashada Galmudug. Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug aadna ugu dhow Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna ku heshiiyeen Xildhibaanada shiraan kadibna ay go’aano ka soo saaraan xaaladda Galmudug. Xubnahaan Xildhibaanada oo aad ugu dhow Kheyre islamarkaana la dhacsan sida uu wax kuwado ayaa abaabulaya kulamo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Galmudug ,waxayna wadaan qorshe madaxtooyada looga soo dhiibay si meesha looga saaro Madaxweyne Xaaf lamana oga sida ay ku suurta geli doonto arimahaan hadda ka socda Villa Somalia. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Caasimada Online ayaa sheegay in barnaamijkaan uu ka socdo Muqdisho, islamarkaana ay qayb ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi isagoo ka digay cawaaqibkii ka dhasha Shirka Galmudug ee Muqdisho laga abaabulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
18 qof ayaa dhimatay markii xarrakada Alshabaab ay weerar ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla koofurta Soomaaliya. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah 14 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab iyo 4 askari kuwaasoo ka mid ahaa askartii gacanta ku hayey saldhiggaan ciidan oo ku yaalla gobolka Bakool. Alshabaab ayaa saldhiggaan ku qaadday weerar culus sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Xarrakada Alshabaab ayaa kasoo weeraray saldhigga dhawr jiho ka hor intii aysan cagta marin fariisinkaan ciidan sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bakool. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ugu dambeyn dib la isaga caabbiyey Alshabaab dibna looga qabsaday saldhigga. Xarrakada Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dishay 10 askari iyagoo qabsaday saldhigga islamarkaana ka qaatay agab milatari. Alshabaab oo gacan-saar la leh ururka Alqaeda ayaa weerarro joogto ah ku qaadda saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaaliyaasha ee AMISOM. Source: goobjoog.com
-
The Greek island of Samos is known for its picturesque landscapes. It also hosts a darker reality: one of the so-called hotspots, or registration centers for migrants, set on the Greek islands of the North Aegean sea. Source: Hiiraan Online
-
Wararka dhiillada wato ee Iiraan iyo Maraykanku hawada isu marinayeen baryahaan waa kuwo tusayo colaadda kasoo iftiimayso Bariga Dhexe. Aqoonyahanno badan iyo dadka ka faalloodo siyaasadda dunidu waxay si aan kala go’ lahayn diiradda u saarayeen cabsida ka aloosan Bariga Dhexe. Hasa yeeshee waxaan ahmiyad la mid ah la siin midda laga yaabo inay ka gugacdo Bariga Afrika. Dowladda Kiinya waxay in muddo ah diyaar garow xooggan oo dhinacyo badan leh ugu jirtay dagaal ay ku qabsato dhul Soomaaliyeed oo cusub. Waxay ballaarisay tababaridda cidamadeeda, kor u qaadidda tayada ciidankeeda lugta iyo casriyaynta hubkeeda iyo waliba diyaarinta maskaxda shacabkeeda. Sanadki hore waddamada ku yaal Bariga Afrika waxay hub iibsasho ku bixiyeen adduun gaarayo saddex bilyan oo doolar. Kenya ayaa hoggaaminayso waddamadaan. Sanadki tagay 80 milyan oo doolar ayay ku kordhisay qarashaadkeeda hub aruursiga. Guud ahaan qarashka dalalkaan ay ku bixiyaan is hubaynta 36.5% waxaa leh Kenya oo noqotay dalka ugu hub iibsiga badan dalalka Bariga Afrika. Maraykanka ayay ka heleen 12 ah gawaarida gaashaaman ee loo yaqaan Bastion armoured personnel carriers (APCs). Waxay sidoo kale soo iibsatay diyaaradaha qummaatiga ku kaco iyo hub kale oo casri ah. Waxay xoojisay ciidamadeeda badda waxayna howl galisay maraakiib si gaar ah u joogto biyaha ay Soomaaliya xoogga ooga qabsatay. Hasa yeeshee waxaa intaas oo dhan oo ka daran habka ay maskaxda shacabkeeda ugu diyaarinayso dagaal qaraar oo daba dheeraado. Ololaha shicibka Kenya loogu diyaar garaynayo dagaal waxaa hoggaanka u hayo idaacaha iyo aqoonyahannada dalkaas. Shicibka Kiinya oo qaatir ka taagan dagaalki koobnaa ee ay dowladdoodu ku qaadday jamhadda yar ee Shabaab ayay adag tahay in la laqsiiyo dagaal ballaaran oo dhul lagu qabsado. Dowladda oo arrintaas og ayaa hadalka u dhigayso sifo ay dadku naftooda u huri karaan duullaankana uga raalli noqon karaan. Istaatiyada ay isticmaalayso dowladda Kiinya ayaa ah in Soomaaliya ay qabsatay dhul ay iyadu leedahay iyadoo adeegsanayso guumayste caddaan ah. Waxaa la isu ekaysiiyay guumaystihii ree Yurub iyo waxa ay Kiinya ugu yeeryay boobka biyaheeda. Dowlado soomaaliya dhib ma ogiye aysan dheef ku qabin ayaa dadka Kiinya loo sheegay inay biyahooda Soomaaliya siinayaan. Muuqaalka kore ayaa ka mid ah kuwii ugu yaabka badnaa ee siday farriimaha colaadeed ee lagu kicinayo shicibka Kiinya sidoo kalana lagu bannaysanayo boobka dhulka Soomaaliya. Muuqaan oo soconayo 12 daqiiqo ayaa waxaa ka hadlayo aqoonyahanno reer Kiinya ah oo da’ yar. Dhammaan inta meesha ka hadashay waxay isku raaceen inay dhimasho ka xigaan inay ka baxaaan biyaha Soomaaliya ee dalkoodu xoogga ku haysto. Maxkamadda caalamiga ee ay dhawaan qaadi doonto dacwada badda ayay u sawireen xero guumayste oo lagu qaybinayo biyaha Kiinya. Hadalkaan wuxuu sidaa labo farriimood. Tan koowaad waa inaysan ku qanci doonin natiijada kasoo baxdo maxkamaddaas taasoo tilmaamayso inay ogyihiin in laga xugmin doono waxa la isku hayo. Farriinta labaad ayaa ah in shicibka Kiinya loo sheego inaysan jirin dood u dhaxayso Soomaaliya iyo Kiinya ee ay jirto dood u dhaxayso ree Yurub rabo inay qabsadaan biyaha Kiinya iyagoo isticmaalayo Soomaaliya iyo Kiinya oo is difaacayso. Qodob kale oo meeshaan laga sheegay ayaa ah sheegasho dhul cusub iyo tuhun la qabay oo carrabka lagu dhuftay. Deegannada Jubaland oo dhan ayay Kiinya ku doodaysaa inay iyadu leedahay xaqna tahay inay u dagaalanto. Tani waa hayi kicin shicib iyo furid jiho cusub oo laga dagaal galo oo cadaadis lagu saaro Soomaalida uu dagaalku daashaday ee dhulkeedi iyo dadkeediba horay loo qaatay. Haddii Jubaland la isku hayso ma bad baa warkeed jiraa. Tallaabooyinka kale ee ay kiinya qaadday si ay ugu guulaysato dagaalka ay qaadi doonto ayaa waxaa ka mid ah qoridda ciidamo Soomaali ah oo iyada ka amar qaato kuwaas oo sal dhigan doono gudaha Soomaaliya iyagoo difaacayo Kiinya. Ceelwaaq ayaa laga billaabay qoridda ciidamadaan oo hadda si dardar leh uga socdo. Qorshaha ayaa ah inay xuduudka dhinaca Soomaaliya ah lagu teedo ciidamo Soomaali ah oo Kiinya mushaar ka qaato hoosna tago Juabaland. Ciidamadaan waxay ka hor tagi doonaan kacdoon shicib iyo cid walba oo isku daydo inay hor istaagto darbiga la sargooyay loolka badda la isku hayo. Si kooban, dowladda Kiinya iyo madaxya-weynteedu (elites) way ogyihiin inaysan lahayn biyaha la isku hayo loogana guulaysan doono dacwada dhawaan dhici doonta. Sidaa darteed waxay u diyaar garoobeen dagaal qaraar oo ay ku haystaan dhulka Soomaaliyeed ee ay qabsadeen. Soomaalida ayaan dhinaceeda warba u hayn middayaha loo soofaysanayo iyo duullaanka qaawan ee lagu kor diyaarinayo. WQ: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
UN chief: Somalia making progress but must tackle extremism
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
UNITED NATIONS – U.N. Secretary-General Antonio Guterres says Somalia is making progress toward building a functioning state but must tackle violent extremism, terrorism, armed conflict, political instability and corruption. Source: Hiiraan Online -
Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, received on Monday in Mogadishu the High Representative of the European Union for Foreign Affairs and Security Policy, Vice-President of the European Commission, Ms. Federica Mogherini, who arrived in the Somali capital on a working visit leading a large multi-faceted delegation. Source: Hiiraan Online
-
Somali news outlets reported late Monday that Kenya had denied a number of lawmakers access into the country, the latest round of a diplomatic standoff between the two neighbours. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya Faarax Macallim Maxamed ayaa banaanka soo dhigay shirqoolo ay Dowladda Imaaraadka Carabta ka wado dalka Kenya kaasoo ka dhan ah Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeyey inay dalka Kenya ka dhigteen meel ay ka fuliyaan qorshahooda ku aadan deganaansho la’aanta dalka Soomaaliya oo ah dalka Islaam ah oo ku yaalo Geeska Africa. Faarax ayaa si cad u sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si toos ah ugu adeegsaneyso dowladda Kenya sidii loo dhibaateyn lahaa Midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya. Faarax oo bartiisa Twitterka qoraal soo dhigay ayaas sheegay in Magaalada Nairobi si weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyada sirdoonka Imaaraadka Carabta oo halkaas ka falo arrimo hagardaamo ku ah Soomaaliya. Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inay ka hor tagto falalka ay Sirdoonka Imaaraadka Carabta ka wadaan dalkeeda taasoo ah dagaal qabow oo lagu hayo Soomaaliya. Ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay muranka Badda ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in kiiskaas uu hor yaalo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo madaxbaanida xuduudeed ee dhamman dalalka ku yaalo Geeska Africa. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhibaato xoog leh ku heyso Dalka Soomaaliya, waxayna saldhigyo Militari ka sameysatay gudaha Soomaaliya, sidoo kalana waxay la wareegtay Dekado aysan ogolaansho uga heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa hagardaameyso Dowlad kasta oo ay u aragto inay saameyn ku yeelan karto dekadaheeda maadaama ay halkaas ka hesho lacago Malaayiin Dollar ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa kala baxay wiil uu dhalay Fanaanka wayn ee Cabdi Tahliil Warsame, kaas oo muddo dheer ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho. Wiilka lala baxay ayaa lagu magacaabaa Maslax Cabdi Tahliil Warsame, waxayna goob joogayaal ay Caasimad Online u sheegay in Ciidamada ay guurigiisa ugu galeen kadibna ay ka kaxeesteen. Ma jiraan wax faah faahinno ah oo laga hayo sababta ay ciidamada u ka xaysteen Maslax balse Gabar la dhalatay Maslax Cabdi Tahliil ayaa Caasimada Online u xaqiijisay arrintaan. Ciidamada dowladda ayaa habeenada Muqdisho ka waday howl-gallo, ayada oo ay jireen dhallinyaro dhowr ah oo guryahooda ama goobo kale sida maqaayado laga kaxaystay. Dadka la kaxaysto ayaa waxaa inta badan soo gala tuhunno amni, balse lama oga in xariga Maslax ay sidoo kale la xiriiro xaalad amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug. Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Jama Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka. “Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Deni ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira“. “Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in Dowladdu wax badan ka qabanayso baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga” Ayuu yirin Afhayeenka Dowladda PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Isimada iyo Culimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay sharciga Kheyraadka dalka oo uu sheegay inuu yahay Sharci lagu xalaaleysanayo Shidaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Sharcigaasi uu yahay mid lagu xalaaleynayo qandaraasyo loo saxiixay Shirkado Shidaal oo baraya dalka, isagoo cadeeyay inaan sharcigaasi lagu siri karin ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu sheegay inaan heshiis laga gaarin awood Qeybsiga iyo Khayraadka dalka, laakiin xukuumadda Soomaaliya ay hadda dadaal badan ku bixisay sidii sharcigaasi loo meel marin lahaa. Dadaalka xukuumadda iyo waqtiga la geliyay sharcigaasi ayuu sheegay inay habooneyd in lagu bixiyo qabyo tirka Dastuurka, hagaajinta siyaasadda Dalka iyo xaaladaha amaan ee Soomaaliya. “Shacabka Soomaaliyeed laguma siro sharci shidaal oo lagu xalaalaynayo qandaraasyo shirkado ajnabi ah lala galo, iyadoo xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka sidan tahay, iyadoo dastuurka dalka la dhamaystirin, heshiisna laga gaarin qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka”. “Dadaalka, hantida iyo waqtiga ay xukuumadu gelinayso meelmarinta qandaraasyada shidaal, ha u weeciso xasilinta amniga iyo siyaasada dalka iyo qabyo tirka dastuurka”ayuu yiri Mr Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka dalka UK ee Soomaaliya, Ben Fender. waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay arrima militari appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey. Marwo Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso. Waxay sidoo kale sheegtay in looga baahan-yahay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha doorashadaas uga qeyb galeysa. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo maanta xafiiskiisa Hargeysa kula hadlayay warbaahinta, ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalkaasi, wuxuuna yiri “Gabadha Guddoomiyaha u ah Komishanka Doorashooyinku waxay tiri Musharraxiinta Somaliland ee doorashada Soomaaliya ka qayb-qaadanaysaa Liiskooda ha soo gudbiyaan, waa wax layaab leh in illaa halkaa la inoo soo doolaalo tago, waxaanse u malaynayaa inantu kaskeeda ayuunbay hadashay”. “Waxaan leeyahay Somaliland iska daayoo Hir-shabeele oo Jawhar Caasimad u tahay ayeydaan Doorasho ka qaban karin, Muqdisho gudaheeda ayayna ka qaban karin, maantana waxay tidhi Musharraxiinta Somaliland ha isa soo diwaangeliyaan, naga xishooda ayaanu leenahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wada-hadaladii aanu idinla furnay ayaa mar-marka qaar khalad noqonaya, idinkoo Shan ah in mid keliya nala hadasho, odhan maayo ma jiro Wada-hadalladaasi oo Dawladdayadii way qaadatay, hase-yeeshee qaabkaasi qaab roon muu ahayn”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa markii u horeysay sheegay in war been ah loo sheegay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya oo dhawaan safar ku imaaday caasimada Somaliland. Waddani ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay Safiirka u sheegtay intii uu ku sugnaa Hargeysa in la xaliyay khilaafkii ka taagna qabsoomida doorashooyinka, oo ilaa hadda ay isku mari la’yihiin. Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Wadani, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo maanta warbaahina kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri “Safiirkii Ingiriiska ee noo yimid waxa la siiyey war been ah oo ah dadkii diidanaa waxay naga ogolaadeen in sidii hore lagu galo, miyaad maqasheen Shir la isugu yimid oo Odayaal loo yeedhay ama gobol gobol loola shiray oo saami-qaybsiga lagala shiray miyaad maqasheen?, waa war been ah, waa waxyaabaha dadka iska horkeena”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ninka maqla maanta in laga been abuurtay ee la yiri reer Awdal baa ogolaaday, reer Hargeysa ayaa ogolaaday oo Madaxweynuhu wuxuu haystaa ogolaansho ah in doorashada sidii hore lagu galo, sow doorashaduba innaga sadhoobi mayso, annagu waxaanu leenahay waar Dadka xaqiiqo ha lagu dhaqo oo beenta ha laga daayo”. Khilaafka xisbiyada u dhaxeeya ee ku aadan doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid in badan soo noq-noqday, oo ilaa hadda laga gaarin is-afgarad buuxa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Guushii 2017 Kulmiye : Maxamed Baashe Maxaa Geeyey Heego? Maxamed Baashe Xaaji Xasan waa aqoon yahan wayn oo sugaan dhaadhi ah ayna u dheertahay aftatahanimo wayn oo hadalka wadadiisa ku arooriyo. Waaa aqoontii (Role model) dayartu murtida iyo xikamada wadooyinka u jeexay ay u mari lahayid. Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed Baashe maanta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah miyaanay ayaan daro ahayn marka aqoon daraddii ay aqoontii hogaanka u qabto? saw ma aha tii la yidhi – Waa “Duni Akhiro Samaan”. Su’aasha ayaa ah marku xaal halkaa marayo side bulshadeedna kuwa xaqa ku taagan iyo kuwa beenta loo sheegay la isgu soo dhawayn karaa? Maxay ahyid Guushii Kumiye ee Maxamed Baashe? Akhriste la soco in Maxamed Baashe waxa u ahaa raggii ugu fadalo cadaa olalihii doorashada Kulmiye ku guulaystay 2017, waxanan uga markaahti kacayaa: 1. Inuu ahaa aqoon yahan tageerada uu bulshada ku leeyahay u isticmaalay in Kulmiye guulaysto; 2. Waxaa u ka mid ahaa ragii aan UK kaga hawlagalay oo wakhtibadan u huray in qulubta qurba jooga lagu xidho tageerada Kulmiye; 3. In u ahaa raggii ku dagaalamay codkasta oo dadka Kulmiye tageersani codeeyo oo Hargeeysa abaabulka kaga jiray cadceeda oo kulul dadka gaadiidka saarayay meeshii kaadhka ka qaateen, Berbera, Burco, iyo Ceerrigaabo iyo meelo ka durugsan; 4. Waxa u ahaa raggii meel walba u maray tuulo iyo magaalo in Kulmiye guulaysto aan marna ka caajisin in maddaxwayne Muuse Biixi guulaysto; 5. Waxa uu ahaa raggii aan seexan malmihii ugu dameeyey ee doorashada ee sacad sacad u la socoday tirintii codku soo dhacayeen oo goob kasta oo degmo doorasho codadka muraaqibintu soo turayeen isku gayn jiray. Maxamed juhidiggii uu galieyey tageerda, Madadaxwayne Muuse Biixi lama soo koobi karo. Runtii waxayna ahayid nasiib daro in aan Maxamed xil aan loo magaacabin. Waayo nin uga mudna ma jirin, waxaanu isku arkayey in dadkiisa iyo dalkiisa uga faaidayn doono aqoontiisa. Markaa suaashada jawataasi ayaa ah in aanay marna mudnayn, xaqana ahyn in ninkii guusha dhaliyey ee wadada ugu adag waliba u soo maray laga fadalo mid aan taariikh ku lahyn. Balse Maxamed marna ma ahayn in Kalmada Heego ee Ciyaalo Farmaajo u cadaysto isticmaalkeeda iyo inuu qaranka inuu la beegsado eedaymo aanu cadayntooda haynin oo malo awaal ah. Jawaabtaasi waa tayda taaduse maxay tahay? Guul Somaliland Axmed Cabdi Ciise isseahmed@hotmail.com Qaran News
-
SOMALILAND 28 SANNO KADIB, GUULAHA IYO GUULDAROOYINKA JIRRA. Si maan-fur ah oo garaadsan qoraalkan, waxa aan ugu lafa-gurayaa in yar oo kor-xaadis ah sooyaalkii dowladnimo ee S.land oo xeerin iyo xurmayn ba huwan. Waxa aan gundhig qoraalka ku bilaabayaa in kala taagnaanta iyo dhugasho yaraanta tagtada, taaganta iyo timaadadu ay sabab u tahay fahan daradda nidaamka dowladnimo. Gorfaynta aan ku eekeeyo tagtadii cimrigii dowladnimo ee S.land, Dheeliga 28 sanno Jirka ah, Guulaha iyo Guuldarooyinka aanay wali xalka iyo xakamaha u helin. Dunida aynu joogno dowladnimada noloshu waa u tiir dhexaad iyo lafdhabar ; waa mid lagu hirto, liibaano, lagu kala badbaado; waa mid wakhti, maal iyo muruq ba la geliyo si libin iyo tub/ jiho ummadeed loo gaadho. Waa sababta keentay inaan u qalin-qaato soo koobida sooyaal dheer oo aynu soo marnay. Hordhac – 26, Jan, 1991-kii waxaa hilfaha loo laabay taliskii Kacaanka Oktoobar, halkaas waxaa ku soo af-jarmay 21 sano oo Madaxwayne MSB uu ka talinayay Somaliya. Maalintaa wixii ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday dowladii dhexe oo guud ahaan mulkiyadda maamulka gacanta ku haystay, waxaa qori caaradii xukunka lagaga tuuray taliskii milatariga ahaa, waxaa cagta la mariyay, raad kasta oo qaranku lahaa, taladu waxa ay gacanta u gashay jabhadihii xukuumadda ka soo horjeeday. Goboladda Togdheer iyo Maroodi-jeex waxaa badi gacanta ku dhigay Jabhadii SNM, halka Gobollada Koonfureed jabhado kala duwan kala qaqabsadeen. Jabhad kasta oo hubaysan iyo maleeshiyo beeleed kastaa waxa xidhatay deegaankii ay gaarka u lahayd. Markii meesha laga saaray dowladii dhexe, ayna burburtay Goboladda Waqooyi waxa ay ku dhawaaqeen inay gooni-uga baxeen Midowgii Goboladda Koonfureed, lana soo noqdeen xornimadoodii daleed iyo dhuleed. Muddo dheer oo shirar ah oo la falanqaynayay xaalada guud, marxalada gaar ahaaneed iyo ta caamka waxa ay isla qaatay in dib xoriyadiii asqowday 1960-kii ee midowgii goboladda waqooyi iyo koonfur dib loola soo noqdo. Bishii shanaad 1991-kii waxaa geyiga Soomaalida lagaga dhawaaqay Somaliland oo dib u curasho ah. Maadaama oo ay ahayd dal xornimada qaatay 26 June 1960-kii oo lix cisho ka dib 01 July 1960-kii la midoobay Jamhuuriyaddii Soomaalida. kor-xaadiskaa taariikheed kadib 28 sano oo ay Somaliland gooni u madax banaanayd waxay gaadhay guulo sareeya, waxay hirgelisay hay’ado dowladeed oo shaqeeya oo taabo-galiyey amni, xasilooni iyo kala dambayn. Somaliland in kasta oo aysan ictiraaf caalami ah helin, waxa ay ku talaabsatay guulo lagu faani karo. Guulo 1. Somaliland waxa ay rukunada u taagtay haykal iyo hay’adaha dowladnimo, sida dastuur, calan, lacag, ciidan, axsaab, dhamaan sumadaha iyo astaamaha dowladnimo. 2. Somaliland waxa ay sal-dhigtay aasaaska axsaabta siyaasadda, qabashada doorashooyinka (One Man One Vote) ah ee golayaashada Deegaanka, Wakiiladda iyo Madaxtooyadda. 3. 28 sanno gudaheed waxaa hirgalay mashaariico waaweyn oo aan hore loogu talaabsan oo qiimaha dowladnimada iftiimiyay sida wadooyinka, goobaha waxbarashada, caafimaadka, ceelasha, maxkamadaha, saldhigyada iyo xarumaha addeega maamulka. 4. SL waxa ay qiyam iyo haybad u yeeshay ciidamada, waxaana la bixiyay darajooyinka ciidamada milateri, bileys, asluub iyo qaybaha kale ee ciidamadda. 5. xarakaadka siyaasadeed ee xisbiyadda, tartanka iyo loolanadda siyaasadeed ee heerarka kala duwan ee doorashooyinka. Guuldarooyin 1. Goboladda Bari wali waxa ka jira colaado iyo ciidan beeleedyo u abaabulan hab-qabiil kuwaas oo xasiloonidda nolosha, amniga iyo kala dambaynta khatar ku ah. 2. Si garaadsan, qiiro kala saraysaa qaranimo ma dhaqdo. Dal, waxaa dhismihiisa iyo dhidbidiisa qaranimo gudbi kartaa bulsho Ka siman dareenka hoose. Nasiib darro S.Land weli kuma aysan guulaysan hirgelinta waddaniyad sinta niyada dadka ku dhaqan Lowyacaddo ilaa Taleex. – Dabcan, qayb ka mid ah Bulshada markaad hoos u dhugato dareenka waddaniyadda iyo aragtidooda, waxaad dareemaysaa in maankooda ay ku duuggan tahay qiiro waddaniyadeed oo ka saraysa dareenka waddaniyadeed ee qaybo ka mid dadwaynaha ku uuman S.land. – Somaliland uma baahna dareen caadifeed ee waxa ay u ooman tahay samaynta aragti quman oo bulshadu si siman ugu istareexsan tahay, waddaniyad miisaaman oo mugeedu dalnimo ku fadhiyo. 3. baadigoobka ictiraaf caalami ah, waxaa cad in somaliland ku guuldaraysatay inay gobolka Geeska Afrika iska daa adduun-weynaha e ay ka kasbato gacan-qabad siyaasadeed. Wali siyaasadda arrinaha dibadu waxa ay la mutaxan tahay dood-rakhiisa oon dunida iyo gobolka ba aan ka gadmayn. 4. Sharciga oo sareeya iyo maamul wanaaga ay cadaaladu ugu mudan tahay ayaa ah dabka dowladnimada nooleeya. Somaliland 28 sanno way ku liidataa dhowrista, fulinta iyo ilaalinta saraynta sharciga iyo maamul wanaaga. 5. Marka aad jaleecdo wadadii 28 sanno la soo maray rubuc qarnigan, waxa ay muujinaysaa in dhabada lagu taagan yahay aanay Somaliland marnaba gaadhsiinayn yoolkii iyo himiladii la sawiray ee GOONI ISU TAAGA, waxa ay hadda u eegtahay badeecad aan ku iibsameyn qaabka ay u taal suuqa. 6. Qabyaaladda, qaraabokiilka, sad-bursiga, naas-nuujinta iyo sinaan la’aanta fursadaha waxbarasho (Scholorship), shaqo iyo manfaca dowladnimo ayaa ah waxa xadhkaha goostay ee sababi kara kala-irdhow bulsho. 7. Nidaamkii Somaliland lagu yagleelay ee beelaha deegaan-wadaagta ahi isku darsadeen ee xilligii adkaa lagaga soo baxay habka wax-isku-darsiga iyo wada samaysashada hal nidaam dowladeed, oo u muuqda in hal beeli isku wada fuuqsatay manficii qaranimo iyo dowladnimo. Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn way sii durkayaan ilaa in badani fogaadeen oo jabhado iyo maamulo yabyabeen. Waxa kale oo dareen tabasho aad u wayn ka oogan yahay Goboladda Awdal, Gabilay iyo Salal oo aanay in badani imika u sii laab dayn. 8. Maanta 28 sano kadib waxa jirta kala qaybsanaan weyn oo sababi karta dib-u-dhac baahsan. Beesha Isaaq oo tiirasha udub dhexaadka u ah yagleelka Somaliland waxa ay u kala qaybqaybaan tahay reero, jilibo iyo raasas manfaca Isaaqnimo u wada ruclaynaya. WQ Bashir Maxamed Bashir Borama, Awdal Basiirmaxamed653@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan warar naga soo gaaray halkaas. Wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cusmaan Libaax, Senator Zamzam Daahir iyo Senator Ilyaas Xasan Cali ayaa ku sugan caawa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, kadib markii loo diiday dal ku-galka ama Visaha dalkaasi. Caasimada Online ayaa ogaatay in labadaan mas’uul ay hadda ku xayiran yihiin garoonka magaalada Nairobi maadaama aysan jirin diyaarad caawa dib ugu soo celineysa Muqdisho, islamarkaana loo diiday inay galaan gudaha dalka Kenya. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Kenya ay maanta diiday dal ku-galka ama Visa-ha On Arrival ee Garoonka looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka. Labadaan mas’uul ayaan wadan baasabooro dalal kale ah, si ay ugu baxsadaan sidii wasiirkii ka horreeyay maanta ee ay arrintan ku dhacday uu sameeyey, waxaana la sheegayaa in laga reebay rakaabkii kale ee la socday. Dowladda Kenya ayaa maanta soo rogtay amarro cusub oo dhanka socdaalka ah kuwaas oo halis ku ah siyaasiinta Soomaalida iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Sidoo kale ma jiro war ka soo baxay mas’uuliyiinta ay dhibaatadaan qabsatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa sare u qaadday cadaadiska ay ku hayso dowladda Soomaaliya ayada oo diiday in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay dalkeeda soo galaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta garoonka Jomo Kenyatta International ee magaalada Nairobi ay wasiirada iyo xildhibaanada Soomaalida ah u diideen Visaha dalkaas. Mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee wata basaaboorada service-ka ama diblomaasiga ayaa hore loo siin jirey dal-ku-galka waddaankaas, marka ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi (Visa on Arrival). Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya maanta loo diiday inuu ka qaato dalku-galka ama viisaha garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi, markii uu yimid, sidii horey u dhici jirtay. Wasiirka loo diiday dal-ku-galka Kenya ayaa markii uu arrintan qasabtay waxa uu isticmaalay baasaboor shisheeye ah oo uu watay, taasoo markii dambe loo oggolaaday in uu galo magaalada Nairobi. Go’aankan yaabka leh, ee ay qaadatay dowlada Kenya, ayaa saameyn ku yeelan kara boqolaal xildhibaano iyo wasiiro Soomaaliyeed ah, oo hore garoomada diyaaradaha dalka Kenya uga heli jiray Visa-ha dalkaas marka ay yimaadaan,, taasi oo sahli jirtay in mas’uuliyiinta Soomaalida ay xiliga ay doonaan u safraan Nairobi, oo qaarkood xarunba u ahayd, oo inta badan au degan yihiin. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaan wax jawaab ah ka bixin go’aanka dowladda Kenya. Dhowaan ayaa dowlada Kenya waxa ay dib u soo celisay go’aankeedii hore ahaa in aysan diyaaradii ka soo duusho dalka Soomaaliya aysan toos uga soo deign magaalada Nairobi ayna soo marto magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya. Dowladda Kenya ayaa xaalad naf la caari ah mareysa iminka, xilli ay aad usoo dhowaatay ku dhowaaqista natiijada laga sugaayay Maxkamada Caalamiga ah ee ku saabsan khilaafka Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Kenya ay u muuqataa mid fileyso guul-darro. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com