Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa xoojisay culeysyada siyaasadeed ee ay ku hayso Dalka Somalia, kuwaasoo jawaabo ka bixin dowladda Somalia ee xilligan talada haysa, sida joojintii duullimaadyadii tooska ahaa ee ay diyaaraduhu ku tegi jireen Nairobi. Hay’adda socdaalka Kenya ayaa shalay u diidday xildhibaanno iyo wasiir ku xigeen ka tirsan dowladda federaalka Somalia inay fiisooyin ugu dhufato baasaboorradooda, iyagoo markaas kaddib qaarkood ay ku gudbeen baasaboorro ay ka haysteen dalalka ay deggen yihiin, halka kuwo kalena ay tan iyo xalay ku xayirnaayeen garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi. Xildhibaanada iyo wasiirrada xukuumadda oo wata baasaboorka gaarka ah ee Dublamaasiga ayaa waxay fiisooyinka ah dal-ku-galka ka qaadan jireen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, iyadoo taallaabadan ay qaaday Kenya ay tahay middii ugu horreysay nooceeda. Tallaabadan oo aysan weli wax war ah kasoo saarin Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxay noqotay mid maanta si aad ah looga hadal hayo, iyadoo la sugayo jawaabta ay dowladdu ka bixiso. Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa toddobaad ka hor joojisay duulimaadkii ay sida tooska ah ugu tegi jireen Nairobi diyaaradaha ka duulka Muqdisho, taas oo noqotay culeys lasoo darsa dadka Soomaaliyeed ee u safra Nairobi. Dowladda Somalia ayaan tallaabadaas wax jawaab ah ka bixin, waxaana ay imaanaysaa iyadoo horay xukuumadda Kenya ay u soo cayrisay danjirhii u joogay Somalia magaalada Nairobi, inkastoo goor-dambe heshiis laga gaaray uuna dib ugu laabtay. Inkastoo aan la xaqiijin kari sababta Dowladda Kenya ay tallaabooyinkaan u qaadayso, ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan in ay dalbanayso in Somalia ay dib uga soo celiso maxkamadda ICJ dacwadda la xiriirta muranka badda oo ay Kenya u aragtay in looga awood roon yahay. Xukumadda Kenya ayaa horay ugu dhaqaaqday ficillo ka dhan ah DF intii ay jirtay Dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, iyadoo dowladdii xilligaas ay uga jawaabtay inay joojiso Qaadka ama Jaadka, taasoo Uhuru Kenyatta ku qasabtay inuu Muqdisho uuna Xasan Sheekh la galo heshiis dib loogu soo celinayo jaadka iyo xiriirka labada waddan. Ugu dambeyn, Dowladda hadda jirta ayaan u muuqan mid jawaab cad ka bixin doonta falalka siyaasadeed ee Kenya, waxaase dad badan ay sheegeen in Kenya aysan maanta u baahnayn Somalia, balse ay iyadu u baahan tahay. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo culeys saaraysa Somalia iyo Dowladda oo aan wax jawaab ah ka bixin appeared first on Puntland Post.
  2. Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, sida ay werisay warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda ku xiran ee FANA, ayaa daabacday sawirrada dadka cashada ka qeyb-galay oo xiran suudad, islamarkaana fadhiya kuraas lagu deday ubaxyo. “Halkii kursi ee cashada waxaa lagu qiimeeyey 5 milyan oo birr” ayey tiri warbiixnta Fana. 5 milyan oo birr waxay u dhigantaa ku dhowaad 173,000 oo dollar. Xafladda ayaa waxaa loo qabtay in lacag loogu ururiyo mashruuc saddex sano soconaya oo uu wado Abiy, kaasi oo sare loogu qaadayo sumcadda caasimadda. Mashruuca oo lagu badinayo goobaha doogga leh ee caasimadda, ayaa waxaa masaafe dhan 56 km oo isku wareeg ah looga hir-gelinaya, geedo, beero, darjiinooyin, marinno ay maraan baaskiilada iyo goob lagu socdo oo ku xirmaya webiyada magaalada Mashruuca ayaa ku kacaya hal bilyan dollar. Illaa iyo hadda lama yaqaan tirada rasmiga ah ee dalka ka qeyb-galay cashada iyo cidda ay ahaayeen. Source
  3. (SLT-Washington)-Aqalka Cad ayaa amray in mid ka mid ah raggii horay ugala soo talin jiray dhanka sharciga uusan hortagin guddiga aqalka congress-ka, waase haddii uu kala hadlayo wax ku saabsan baaritaankii uu waday Robert Mueller. Guddiga Caddaaladda ee uu hoggaanka u hayo xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo saaray amar sharci ah oo ay ku dalbanayaan in Donald McGahn uu horyimaaddo Talaadada. Mid ka mid ah xubnaha guddiga ayaa sheegay in haddii uusan McGahn hor iman guddiga ay markaas bixin doonaan amar baaritaan loogu samaynayo in Trump uu u qalmo in xilka laga qaado. McGahn ayaa Mueller u sheegay in Trump uu si isdaba joog ah isugu dayay in uu qaso baaritaankii lagu hayay. Waaxda Caddaaladda iyo Aqalka Cad ayaa labaduba baahiyay war qoraal ah Isniintii, iyaga oo ku dooday in McGahn aysan u oolin in uu wax caddaymo ah bixiyo, McGahn ayaa horay qareen ugu soo noqday Trump. Mar dambana qareenka McGahn ayaa sheegay in macmiilkiisu uu ixtiraami doono talada madaxweynaha. Baaritaankii labada sano qaatay ee Mueller ayaan go’aamin in Trump ay wada shaqayn dhexmarin Ruushka intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee madaxweynenimada Maraykanka ee sannadkii 2016, balse wuxuu diiwaangaliyay toban jeer oo ay macquul tahay in madaxweynuhu uu isku dayay in uu caddaaladda hor istaago. Aqalka Cad muxuu yidhi? Sarah Sanders oo ah xoghaya arrimaha saxaafadda ee Aqalka Cad ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uusan jeclayn warbixinta gunaanadka u ah baaritaankii Mueller “ayna doonayaan in ay dib u soo celiyaan inkastoo arrintaasi aysan ahmiyad lahayn”. Iyadoo soo xiganaysa tilmaamaha waaxda caddaaladda ayay warsaxaafadeed keeda ku sheegtay “Qareenkii hore ee madaxweynaha laguma qasbi karo in uu hortago guddiga, isla markaasna McGahn lagu booriyay in uu taladaas u hoggaansamo.” Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in McGahn aysan ahayn in uu hortago guddiga. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Steven Engel ayaa sheegay “in ay dhici karto in dastuuriyan congressku uusan u yeeri karin kaaliyayaasha sare ee madaxweynaha si ay u horyimaadaan ama ugu makhraati furaan.” Balse Guddiga Caddaaladda Jerrold Nadler ayaa sheegay in Trump uu isku dayayo in uu hor istaago macluumaad wax u dhimi kara oo ku saabsan in uu caddaaladda hor istaagay. Source
  4. (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa dal ku gal u diidey xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaalaiya, kuwas oo muddo saacado ah ku xannibnaa garoon ku yaalla Kenya, sida ay ila wareedyo u sheegeen VOA. Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa warar ay VOA heshay ay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan oo loo diidey dal ku galka ay xubnaha diblumaasiyiinta ay ka qaataan garoomada Kenya. Cismaan Libaax oo VOA la hadlay ayaa sheegey in arrintaasi ay jirto, balse uusan diyaar u aheyn in uu bixiyo wareysi. Waxa uu sidoo kale sheegey inay sugayaan dayaaraddii dib ugu celin laheyd Soomaaliya. Warka qaar ayaa sheegaya in ay xubnahani ay u socdeen ka qayb galaka shir saaka ka furamaya Nairobi oo ay si wada jir ah uga qayb galayaan QM, Midowga Yurub, IGAD, Soomaaliya, Itoobiya iyo dalka Kenya. Dowlada Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacadadan ay lakulmeen xubnaha dowladda Soomaaliya matalayay. Source
  5. Somaliland: Delegation From Two Political Parties In Nairobi To Meet With Parliamentarians. Hargeisa,(Qaran news)- A delegation from two of Somaliland’d political parties, Kulmiye and UCID are in Nairobi to meet with Kenyan parliamentarians and members of the various political parties. The delegation led by deputy chair of Kulmiye and Home Minister, Mohamed Ahmed Kahin, includes, the UCID chair, Faisal Ali Warabe, and Ahmed Dhere, Abdi-asis Samale from Kulmiye. The delegation has met with the Kenyan parliamentary majority leader, Aden Duale, to discuss areas of mutual interest and parliamentary cooperation between Somaliland and Kenya. Kenya has recently expressed an interest in having a diplomatic presence in Somaliland, in the form of a consulate and several Kenyan parliamentarians attended the May 18th celebrations in Somaliland, along with members of the Kenyan Press. Somaliland has considerably increased it’s engagement with the Kenyan political establishment, partly due to the sterling efforts of the Somaliland representative in Kenya, Bashe Awil and his deputy, Shermarke Ahmed. The visit to Kenya by the Kulmiye/UCID delegation is seen as part of the growing alliance between the two political parties in Somaliland. Waddani, Somaliland’s main opposition party, has criticized the trip as an attempt to persuade the international donors that a two party parliamentary and local councils elections can take place in Somaliland in December of this year, in contravention of the constitution. Qaran News
  6. Muqdisho (PP) ─ Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka. Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka. Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G. Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka. Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda. Ugu dambeyn, Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka. PUNTLAND POST The post Shirkadda Google oo billaabaysa mashruuc Internet-ka lagu gaarsiiyo Miyiga Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Somaliland: Waddani, ” Bihi Administration Misled United Kingdom Envoy” Hargeisa,(Qaran news)-The acting chair of Waddani, Somaliland’s main opposition party,Representative Abdikadir Jirde, has accused the administration of President Muse Bihi Abdi ” of misleading the United Kingdom envoy, Ambassador Ben Fender, on his recent visit to Somaliland, that there had been an all party agreement regarding the proposed parliamentary seats and division between the regions”. Acting chair, Abdikader Jirde remarked in a press briefing that no such agreement had been reached between the parties and ” the assertion by the administration that all the stakeholders had agreed to contest the prospective parliamentary elections using the current 82 seat model, is a lie”. According to the acting Waddani chair, no such meetings had taken place and a consensus was not reached. Waddani has stressed that the recent joint agreement by the two other political parties, Kulmiye and UCID, is an attempt to hijack the political process, circumvent the constitution and to try convince the international partners that a two party election contest can take place in Somaliland. “This can never and will never happen” stated, Abdilkader Jirde, acting chair of Waddani, in his press briefing, which also included a severe criticism of the trip to Kenya by a delegation from Kulmiye and UCID, ” It is a sales pitch to the donors that a two party elections is possible in Somaliland, and an obvious ploy to sell-out our democratic principles”, concluded, Representative Jirde. Somaliland’s three political parties are at loggerheads regarding the scheduled parliamentary and local council elections in December. Qaran News
  8. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo roon-dooyin ah ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidanku ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Hodan iyo Howlwadaag. Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga degmooyinkaasi. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ayaa si aad ah u xoojiyay amniga Caasimadda oo ay haatan ka socdaan howlgallo ballaaran. View the full article
  9. Somalia is at a crossroads in the promotion and protection of women’s rights. The Provisional Constitution, agreed upon in 2012, is currently being revised. In 2020, Somalis are to adopt their new constitution through a public vote. In 2020–21, they will participate in the first one-person one-vote elections in the country in decades, and new electoral laws to govern these and future polls are starting to be drafted. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku baratamay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Labadaani koox oo ku wada jiray Group-ka C ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan aad loogu riyaaqay. Tartamayaasha Bargaan oo la yimid dar dar xoogan ayaa waxa ay la yimaadeen 14 dhibcood, halka Waabarina ay keensatay 4 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Dhanka kale waxaa caawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Afgooye iyo Xamar Jajab. Labadaasi degmo oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka ayaa kala matali doono gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  11. After working in a garage for two years in Uganda, Abdi Khabor had saved up only $7,000, it was not enough to take him to Europe. Source: Hiiraan Online
  12. Opportunities for Peace in Kismayo, Somalia, is the latest in our series of ‘Local Voices for Peace’ reports, the aim of which is to raise the profile of civil society perspectives on peace and conflict. Source: Hiiraan Online
  13. CONCORD, N.H. — A Somali immigrant was freed Monday morning in New Hampshire, more than two years after being detained by immigration officers, after the American Civil Liberties Union filed a lawsuit. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia's security forces held two suspects including the driver of the explosive-laden vehicle that went off in Somali capital Mogadishu on Sunday evening. Source: Hiiraan Online
  15. Safo Ahmed could have worked for one of Kenya’s top law firms but chose to join the Norwegian Refugee Council instead. Now she offers her legal expertise to those who need it the most. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay muddo kordhin uu sheegay inay doonayaan madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay helaan fursad labo sano oo dheeraad ah oo ay doonayaan inay ku darsadaan, taasina aysan ka soconeyn dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in madaxda dalka ay durba soo jeedintooda ku aadan in muddada loo kordhiyaa ay u direen qaar kamid ah madaxda dalalka caalamka. Bisha Febraayo ee sanadka 2021 ayuu sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, haddii taasi aysan dhicina in dalka uu yeelan doono 10 madaxweyne. “Waxaan og nahay inay doonayaan muddo kordhin inay sameeyaan madaxda hadda talada haya, taasina suuragal maaha, oo waxayba hadda Proposal u direen dalalka caalamka iyaga oo u sheegaya in muddo kordhin loo sameeyo” “7 Febraayo 2021 haddii doorasho aysan ka dhicin dalkaan wuxuu yeelan doonaa 10 Madaxweyne”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble. Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa walaac ka muujinaya muddo kordhin ay sheegeen inay doonayaan inay sameyn karaan madaxda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Kismaayo ( SMN):- Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamada Ethiopia, talaabadan ayaa waxaa ay timid kadib markii ay cabasho muujiyeen Musharraxiinta u tartamaya Doorashada maamulkaasi. Xubnahan quud dareynaya hoggaanka Jubbaland ayaa tilmaamay marka ay ka dagayaan Garoonkaasi in lagu handado, mararka qaarna ay Ciidamada ilaalada ka haya ay ula macaamilaan, si aan wanaagsanayn, sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan wax Olole ah ka sameysan karin gudaha magaalada Kismaayo. Sidoo kale Macluumaad hoose oo ay Shabelle heshay ayaa tilmaamaya Ciidamadda Ethiopia in ay la wareegi doonaan Dekedda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, iyo Deegaanadda Kale ee Maamulkasi ka arimiyo. Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Freincisco Madiera ayaa qorshuhu yahay in uu maanta safar ku gaaro magaaladaasi. Dhawaan ayey aheyd markii ay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo isku xabadeeyeen Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwo ilaalo u ah Musharrax Madaxweyne ee maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar, waxaana Halkaasi ka dhashay khasaaro kooban. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ayaa lagu eedeeyay in uu marooqsadey doorashada uu hadda xilkeeda ka sii dhamaanayo’ waxaa ayna hadda u egtahay in qorshahaasi la iskaga daba yimid oo arrintu sidii hore ay ka duwanaan doonto. View the full article
  18. Muqdisho ( SMN):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. View the full article
  19. Soomaaliya waxay horumar ka sameyneysaa dhismaha dowladnimada laakiin waxay wali la tacaaleysaa inay wax ka qabato xagjirnimada, argagixisada, dagaallada sokeeye, xasillooni darrida siyaasadeed iyo musuqmaasuqa sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loona gudbiyey golaha ammaanka isagoo intaas ku daray in caqabadahaan ay muujinayaan jilcanaanta horumarrada illaa hadda gaaray. Kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, weerarro argagixiso iyo macluul, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad ku-meel-gaar ah sannadkii 2012kii illaa haddana waxaa laga shaqeynayey sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida. Laakiin Guterres ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka ay wali jilicsan tahay. Wuxuu intaas ku daray in intii u dhaxeysay bartamihii December iyo horraantii May Alshabaab ay weerarro xooggan ku qaadeen xarrumo ciidan, saraakiil dowladda ka tirsan, ciidammada ammaanka iyo sidoo kale baarar caan ah iyo hoteello sida uu sheegay xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Guterres wuxuu sheegay in bilihii March iyo April ay aad sare ugu kaceen weerarrada ka dhacay Muqdisho iyadoo qaraxyada lagu xiro gawaarida ay si maalinle ah u dhacayeen. Bishii March ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka dhaceen 77 qarax, Guterres wuxuu sidoo kale xusay inay kor u kaceen weerarrada loo adeegsado hoobiyaha taasoo caddeyneysa ayuu yiri sida Alshabaab ay u horumariyeen awoodda ay ku weerari karaan bartilmaameedyadooda. Xoghaye Guterres wuxuu sheegay in weerarrada loo adeegsado Ismiidaaminta ay wali iyaguna socdaan. Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyey inay jiraan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo iyo tiro duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday saldhigyo ay Alshabaab ku tababartaan kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen goobo ay iska soo abaabulaan. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-21052019.mp3 View the full article
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa lagu waramayaa inay dhalinyaradii ugu badnaa ay ka Afduubteen deegaanada gobolka Galgaduud, kadib culees kaga yimid dhaqdhaqaaqyo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Galmudug. Dadka deegaanka Ceel Maygaag iyo Xiindheere ayaa xaqiijiyay Al Shabaab in dhalinayaro badan ay ka kaxeysteen deegaano dhowr ah, iyaga oo la aaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Al Shabaab ayaa doonaya inay u dagaalamaan dhalinyaradaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana cabsi ay soo wajahday dhalinyarada ku nool deegaanada Miyiga ee gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug ayaa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay deegaano Hoos taga degmada Xarardheere, arintaasi ayaana sababtay cabsi soo wajahday Al Shabaabka ku sugan Xarardheere. Deegaano dhowr ah ayaa lagu waramayaa inay isaga baxeen Al Shabaab, waxaana ay isku urursanayaan degmada Xarardheere, iyaga oo cadaadis xoogan dareemaya. Ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo laga kaxeeyay ku dhawaad shan tuulo ayaa la sheegay in la geeyay deegaano hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Waalidiinta deegaanada Galgaduud ayaa sheegay in lagu wargeliyay inaysan diidi karin inay dhalinyaradooda ka barbar dagaalamaan Al Shabaab. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  22. NAIROBI (HOL) - Three Somalia officials are currently stranded at the Jomo Kenyatta International Airport in Kenya, after they were denied access for lack of Visas. Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, sida xogaha aan ku heleyno. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa magaalada Kismaayo inay la wareegeen amaanka garoonka, iyadoo aanan la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay kaga baxeen. Balse warar aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada Kenya ay kaga baxeen garoonka diyaaradaha inay bixiyeen taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Kenya laga saarayo guud ahaan Jubbada Hoose. Sidoo kale waxaa soo baxaya in ciidamada Kenya saaka laga saaray saldhig ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo saldhigyo kale oo ku yaala Jubbada Hoose. Magaalada Kismaayo waxaa ku kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay amaanka garoonka in si weyn loo adkeeyo, islamarkaana musharixiinta la tartameysa madaxweyne Axmed Madoobe ay si nabad ah ku tagaan magaalada Kismaayo. Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubbaland, waxaana qorshaha uu yahay inay adkeeyaan amaanka guud ahaan magaalada KIsmaayo. Tallaabadaaan Ciidamada Ethiopia ay kula wareegeen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan Garoonka Kismaayo ay ku dagaalameen Ciidamo uu wato musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ilaalada Garoonka,waxaana musharixiinta qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayaan in uu caburin ku haayo. Xogaha kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Maanta tagayaan Magaalada Kismaayo, iyaga oo la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe cusub oo doorasho looga qabanayo degaanada maamulka Galmudug dhamaadka sanadkaan 2019 oo ku egyahay muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xukuumadda Soomaaliya ay la heshiisay islamarkaana ay lacago badan ku bixisay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug ,si ay go’aan uga gaaraan doorashada Galmudug. Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug aadna ugu dhow Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna ku heshiiyeen Xildhibaanada shiraan kadibna ay go’aano ka soo saaraan xaaladda Galmudug. Xubnahaan Xildhibaanada oo aad ugu dhow Kheyre islamarkaana la dhacsan sida uu wax kuwado ayaa abaabulaya kulamo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Galmudug ,waxayna wadaan qorshe madaxtooyada looga soo dhiibay si meesha looga saaro Madaxweyne Xaaf lamana oga sida ay ku suurta geli doonto arimahaan hadda ka socda Villa Somalia. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Caasimada Online ayaa sheegay in barnaamijkaan uu ka socdo Muqdisho, islamarkaana ay qayb ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi isagoo ka digay cawaaqibkii ka dhasha Shirka Galmudug ee Muqdisho laga abaabulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. 18 qof ayaa dhimatay markii xarrakada Alshabaab ay weerar ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla koofurta Soomaaliya. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah 14 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab iyo 4 askari kuwaasoo ka mid ahaa askartii gacanta ku hayey saldhiggaan ciidan oo ku yaalla gobolka Bakool. Alshabaab ayaa saldhiggaan ku qaadday weerar culus sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Xarrakada Alshabaab ayaa kasoo weeraray saldhigga dhawr jiho ka hor intii aysan cagta marin fariisinkaan ciidan sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bakool. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ugu dambeyn dib la isaga caabbiyey Alshabaab dibna looga qabsaday saldhigga. Xarrakada Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dishay 10 askari iyagoo qabsaday saldhigga islamarkaana ka qaatay agab milatari. Alshabaab oo gacan-saar la leh ururka Alqaeda ayaa weerarro joogto ah ku qaadda saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaaliyaasha ee AMISOM. Source: goobjoog.com