Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay xidheen qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin dalkaasi. Qaar ka mid ah Shaqaalaha Xawaaladaha ka shaqeeya ayaa xaqiijiyay in Xarumaha Shirkadaha Taaj Iyo Amal ee Magaalada Nairobi ay xidhan yihiin, kadib markii Booliska ay yimaadeen oo ay xidheen. “Walaalow Xawaalada Taaj ayaan rabay in aan lacag ku soo diro balse waxaa la igu yidhi waa la xidhay oo Booliska Kenya ayaa xidhay, wali ma ogi sababta, balse illaa Shan xawaaladooda ayaa la xidhay.” Ayuu yidhi qof doonaayay in Xawaalada Taaj uu lacag ku soo dirsado. Illaa hadda Booliska Kenya kama ay hadlin sababta rasmiga ah ee Ciidamada Booliska ay u xidheen Xarumaha Xawaaladahan. Illaa Shan Xawaaladood ayaa la sheegayaa in Ciidamada Booliska Kenya ay xidheen, islamarkaana ay joojiyeen shaqooyinkii ay qaban jireen. Source
  2. DEG DEG #jabhad Cusub oo Laga Dhawaaqay Magaalada #burco #Shere Slået op af Hon Mohamed Somaali i Mandag den 20. maj 2019 Source
  3. Dalka Kenya ayaa 4-tii bil ee ugu dambeysay waxaa uu kor u qaadey cadaadiska uu ku hayo Soomaaliya, siyaasad iyo ganacsiba. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan shirkadda xawaaladda ee Taaj waxaa xiran xafiiskoodii Nairobi, waxaana baarid lagu wadaa iyaga iyo qaar kale oo halkaasi xarumo ku lahaa. Cadaadiskaas dhanka xawaaladaha waxaa uu qeyb ka yahay mid soo socdey muddo dhowr bil ah, taas oo la doonayo in Soomaaliya ay ugu dambeyntii xal wada hadal ah ka gasho muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Soomaaliya ayaa marar badan iska diiday dalab uga yimid Kenya oo ah in wada hadal laga galo dacwada badda ee hortaallo maxkamadda cadliga taas oo go’aankeeda la filayo in la gaaro inta lagu jiro 2019-ka. May 9, ee sanadkan Kenya ayaa joojisay diyaaradihii toos u tagi jiray Nairobi, iyada oo loo wareejiyey garoonka diyaaradaha ee Wajir, Kenya arrinkaas waxaa ay ku sheegtay sababo amni. March isla sanadkan Kenya ayaa soo ceyrisay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Maxamud Tarsan, una yeeratay safiikeeda, arrintaas ayaa timid kadib shirkii shidaalka ee London. Xiriirka oo xumaadey darted, waxaa arrinta soo dhex galay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wada hadal ay galeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhammaadey natiijo la’aan. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Goobjoog News ayaa xiriirro badan la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, laakin waa ka gaabsadeen iney ka hadlaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-21052019-sx.mp3 View the full article
  5. Isbitaalka Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray cisbitaalka guud ee Gaalkacayo oo dhisme balaaran iyo adeegyo bulsho oo tayo leh ka socdo. [...] Source
  6. (SLT-Washington)-Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah. Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin). Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta. War qoraal ah oo ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”. Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Source
  7. Qaar kamid ah golaha wasiirada ee dowladda Puntland ayaa booqasho ku tagay deegaanka Yube ee gobolka Sanaag. Booqashada wasiiradan ayaa salka ku haysay sidii loo [...] Source
  8. The United Nations on Monday in a statement called for urgent and sustained resources to avert a major humanitarian crisis caused by severe drought. George Conway, the acting deputy special representative for the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said “the drought situation in Somalia has deteriorated rapidly and intensified much earlier than seen over the last decade. Somalia is at a critical juncture, and with sufficient resources, we can reactivate the structures that successfully avoided famine in 2017.” The UN statement said the 2019 Gu rains (April-June) have dismally failed, resulting in a second consecutive below-average rainy season while Somalia is still recovering from the impact of the prolonged 2016-17 drought. Out of 5.4 million expected to be acutely food insecure by July, 2.2 million will be in severe acute food insecurity conditions, a 40 percent increase from January, the statement said. It said except the 2018 Gu (April-June), every rainy season since late 2015 has been below average, leading to increased vulnerability and decreased coping ability. “As we continue to work under the leadership of Somali authorities to rebuild resilience and address the underlying causes of such recurrent crises, it is now critical that everyone, including donors, the private sector, Somalis in-country and in the diaspora, rallies behind these collective response and prevention efforts,” Conway, who is also United Nations resident and humanitarian coordinator for Somalia said. The UN said 710 million U.S. dollars are needed to provide critical, life-saving assistance to 4.5 million drought-affected Somalis in the most severely affected areas between now and end-December. View the full article
  9. Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Kenya ay la socodsiisey isbadal xagga socdaalka la xiriira, gaar ahaan dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah kadib markii ay Kenya soo celisay siyaasiyiin Soomaaliyeed, sidaasi waxaa sheegaya Agaasimaha Socdaalka. Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xafiiskiisa aan lala soo sameyn wax xiriir ah oo arrinkan ku saabsan. “Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, waxaa sidaasi yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ayaa laga soo xigtay iney sheegeen inuu jiro isbadal xagga socdaalka ah gaar ahaan dadka sita baasaboorada diblomaasiga ah, kuwaas oo laga dalbaday iney fiiso ka soo qaataan safaaradda ay Kenya ku leedahay Soomaaliya. “Wey ogyihiin sharciga iyo isbadallada, mana isbadalin arrinkaas” sidaasi waxaa The Standard u sheegay ilo ka tirsan waaxsa Socdaalka. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senators Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Somali Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled has jetted out of the country on his way to Turkey on Tuesday. The Deputy Prime Minister is accompanied by the Governor of the Somali Central Bank, Abdirahman Mohamed Abdullahi and the Director of Mogadishu Port, Ahmed Mohamed Mohamud. Somali Deputy Prime Minister and his delegation will meet senior Turkish government officials during their official visit. Somalia and Turkey share strong diplomatic relations backed by Defense and humanitarian support from Ankara since the first high profile visit of Turkish Prime Minister Now President, Rajab Tayyip Erdogan on August 2011 in Mogadishu. The Turkish embassy in Somalia is one of the biggest diplomatic missions of Ankara in the continent. It also inaugurated military base in 2017 to train and equip Somali armed forces in a bid to support Somali government quest for peace and fight against armed group al-Shabaab. View the full article
  11. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, received today in Mogadishu the Ambassador of the United Kingdom to the Federal Republic of Somalia His Excellency Mr. Benjamin James Fender, during which he discussed enhancing the bilateral relations between the two friendly countries and means of developing cooperation in all fields. The meeting focused on cooperation in the fields of security, military, investment, and economic development, and supporting the majestic efforts of the federal government, which translates people’s aspirations for stability throughout the country to achieve progress and prosperity. View the full article
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa maanta xiray xawaalado ka mid ah kuwa Soomaalida oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in dhowr xawaalad la xiray, hase yeeshee Caasimada Online ayaa xaqiijisay in la xiray xawaaladaha AMAL iyo TAAJ, kuwaas oo ay tageen ciidamada booliiska kadibna amreen in la xiro, ayaga oo baaritaan ka wada gudaha. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan xawaaladahan, oo ay baaritaan ka wadaan weli, lamana oga in baaritaanka kadib dib loo furi doono iyo in kale. Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo xiray xawaaladaha, hase yeeshee waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay dagaal iyo olole xooggan oo ka dhan ah Soomaalida iyo hantidooda oo dowladda Kenya ay waddo. Kenya ayaa xalay Visaha dalkaas u diiday mas’uuliyiin Soomaali ah, kuwaas oo saddex ka mid ah baryey garoonka Jomo Kenyatta, halka qaar ay ku baxsadeen baasabooro ajnabi ah. Kenya ayaa sidoo kale toddobaad ka hor joojisay in duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi kuna amartay inay soo maraan Wajeer. Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaal Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, oo u muuqda mid ay guul-darro uga soo socota. Naga filo faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan xawaaladaha la xiray, insha allah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  13. Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib loogu soo celiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo habeenkii xalay ahaa ku hoyday garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta kadib markii loo diiday iney gudaha u galaan magaalada Nairobi ee Kenya. Xubnaha maanta dib ugu soo noqday Muqdisho waxaa a mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Cismaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Daahir, iyaga oo garoonka Jooma ku xanbnaa in ka badan 15 saac. Goobjoog ayaa xiriir la sameysay qaar ka mid ah mas’uuliyiintan si aan faah faahin badan uga helno sababta loo soo celiyey, hase ahaatee waa inoo suurtageli weysay. Mas’uuliyiintan ayaa sababta ay Kenya u aadeeyn ahayd in halkaasi uga qeybgalaan shir ka furmi lahaa magaalada Nairobi, kaasi oo ay isugu imaanayeen midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo dalal ay Soomaaliya ku jirto. Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ka hadli arrintan kadib markii ay dowladd Kenya iska indho tirtay Baasaboorka diblomaasiga ah ee ay wateen mas’uuliyiintan. Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka xuduudda Badda ah, iyadoo dowladda Kenya isku dayeeyso Boobka qeyb ka mid ah badda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Saddex wasiir iyo la-taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay isu rogay ajaaniib kadib markii loo diiday inay galaan magalaada Nairobi, ayaga oo lasoo baxay baasabooro dalal kale. Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa noqoday Canadian, Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa isu rogtay Talyaani, halka la-taliyaha amniga madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse uu noqday Dutch ama Hollandees. Saddexdan xubnood ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin lix xubnood ah oo dowladda Kenya ay xalay u diiday in baasabooradooda Soomaaliga ah u saarto Visaha dalkaas, markii ay tageen Nairobi, hase yeeshee isku rogay ajaaniib ayaga oo lasoo baxay baasaboorada dalalka kale. Saddex xubnoo ee kale oo kala ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, iyo Zamzam Daahir iyo Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo wata baasbaoor Soomaali ayaa xalay ku baryey garoonka diyaardaaha Jomo Kenyatta ee Nairobi. Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse ayaa galay laba qalad oo ay ka muuqato waddaniyad la’aan iyo naf jecleysi. 1 – Waxay ka tageen qadiyaddooda: Haddii Kenya ay Visaha u diiday baasabooradooda Soomaaliga, waxay ahayd inaysan adeegsan baasbaoor dal kale, oo ay sharfaan kan dalka ay matalaan, kuna adkeystaan inay dalkooda ku laabtaan, haddii Kenya ixtiraami weysay kii waddankooda. Xusuusnow, ma ahayn dad safar shaqsiyeed ku socda, balse waxay ku socdeen safar iyo shaqo dowladeed. 2 – Waxay cidleeyeen saaxibadooda: Waxay meel cidlo ah uga tageen saaxiibadooda iyo walaalahooda Soomaaliyeed ee aan haysan baasaboorada ajnabiga ah, umana muujin wax taageero ah. Waxay ahayd in garoonka kula baryaan, oo ay ku adkeystaan inay wada joogayaan ama wada galayaan gudaha Kenya. Si kastaba, Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse waxa ay u adkeysan waayeen inay hal habeen baryaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, taa beddelkeedna waxay hal habeen oo ay seexdaan hotel ka jeclaadeen qadiyadooda iyo saaxiibadooda. Xubnaha ayaa si kastaba la sheegay inay maanta diideen inay ka qeyb-galaan shirka Nairobi kadib markii si aad ah loo dhaleeceeyey go’aankii ay xalay qaateen ee Soomaalida u arkeen mid aan habooneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Mar Kale Si Qaawan U Weeraray Guddoomiye Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray carwada ganacsatadda ee bisha barakaysan ee Rammadaan, taasi oo lagu qabtay magaaladda Hargeisa. Xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ganacsato tiro badan ayaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay munaasiabadaas carwadda ganacsiga, halkaas ay ay ganacsatadu kusoo bandhigay agabyo kala duwan, islamarkaana fursad u ah macaamiisha kala duwan ee ku xidhan ganacsatada reer Somaliland. Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganacsatadda Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda iyo qawaaniinta qarankan u degsan islamarkaanna ay maciishadda u khafiifiyaan bulshadda reer Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladdii Madaxweyneku-xigeenka “Ganacsatadda waxaan ugu baaqayaa inay ixtiraamaan shuruucda, waxaan ugu baaqaynaa inay bulshadda u naxariistaan oo maciishadda ka khafiifiyaan, sarifkana ay ilaaliyaan, annaguna waxa waajib nagu ah siyaasadii lagu dhiqi lahaa ganacsiga inaanu la nimaadn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa oo soo kormeeray dukaamadda ganacsiga ee carwadaasi lagu soo bandhigay isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ganacsi ee ay qaarkood gaadheen. Source
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaan akhristayaasheena uga cudur daaraneynaa war saaka aan soo daabacnay oo ahaa in Ciidamo Itoobiyaan ah lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee hoos imaado howlgalka AMISOM iyadoo ay taas sabab u aheyd illo wareedyadaan aan warkaan kasoo xiganay. Baaritaan iyo dabagal kadib, Shabakadda Caasimadda Online ayaa soo ogaatay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxay saldhig ku leeyihiin Koontaroolka Kismaayo ee looga baxo Wadada aada Goobweyn. Ciidamadaas ayaa waxay hoos tagaan Ciidamada AMISOM gaar ahaan Sector 2, waxaana taliye u ah Jeneraal u dhashay dalka kenya kaasoo saldhigiisu yahay Dhoobley. Qiyaas ahaan ciidanka Itoobiya ee halkaas ku sugan waxay gaarayaan 240 Askari, oo lagu bedelay Ciidamadii Sierra Leone oo sanadkii 2015 laga saaray Soomaaliya.. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kasoo celisay xubno kamid ah dowladda Soomaaliya kuwaasi oo loo diiday inay gudaha dalka Kenya galaan. Xubnaha loo diiday inay galaan magaalada Nairobi waxaa kamid ah Wasiir ku xigeenka Tamarta Cismaan Libaax Ibraahim, Senetor Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale, kuwaasi oo loo diiday inay helaan VISA on Arrival ka ah oo ay garoonka ku qaadan jireen. Baraha Bulshada ayaad aad looga hadal hayaa arintaan, waxaana jirin ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya, iyadoo la isweydiinayo sababta arintaasi ka dambeysa. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso Khilaafka dhanka biyaha Badda ku saleysan ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, iyo shirka ka dhacayay magaalada Nairobi oo la doonayay masuuliyiintaan in laga baajiyo. Kenya ayaa dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyin farabadan waxaa ay isku dayeysaa inay cadaadis ku saarto in dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya laga laabto, hayeeshee Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in marnaba aan wadahadal laga galeyn. Saacadaha soo socda ayaa la filaya in dowladda Federaalka Soomaliya ayaa war cad kasoo saarto tallaabada ay qaaday dowladda Kenya iyo daandaansiga Siyaasadeed ee xilligaan ay wado. Dowladda Kenya ayaa waxay aad kaga careysan tahay ogaanshaheeda ku aadan inaysan ku guuleysaneyn dacwadda u dhaxeysa labada dowladood ee ku saleysan dhanka Badda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Washington)-Xayiradii socdaalka ee Madaxweynaha Markaykanka, Donald Trump ayaa si guud u saamaysay Soomaalida. Dadka uu arinkani saameeyay waxa ka mid ahaa dad ku nool dalka Kenya. hadalhaynta arinkaas ayaa ku badan bulshada, inta badan dadku waxay qabeen rajooyin ah in ay heli doonaan fursad ay ku tagaan dalka Mareykanka. Sharmarke Cali Jaamac waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool xaafada Islii ee ay Soomalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi. ”Kenya waxan imid sannadkii 2014-kii, dagaallo ayaa ka jiray dalkayga, waxaan u imid halkan in aan la midoobo qoyskaygii oo aan anigu ugu yarahay, Aabahay iyo walaaladay oo jooga dalka Mareykanka gobolka Minasota, maalintaas go’aanka xayiraadu soo baxay, waxay ii ahayd maalin madow”, sidaas waxa BBC-da u sheegay Sharmarke Cali Jaamac Go’aankan siyaabo kala duwan ayuu u saameeyey Soomaalida waqtigaas ku hawlanayd la midoobitaanka qoyasaskooda, gaar ahaan dhalinyarada oo iyagu ah kuwa ugu jecel dhoofitaanka, qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa uu tahriibay si ay Maraykanka ay u gaari lahaayeen. Sharmaarke wuxuu qaatay go’aan taariikhi ah oo noloshiisa u horseeday harumar. ”Waxa ii soo baxday fursad kale oo dahabi ah oo dalka Kenya ah, fursadaas oo ah in aan dib ugu fakaro sidii aan nolol fiican u sameysan lahaa, waayo Soomaaliya kuma noqon Karin, Waalidkay iyo walaalahayna uma tagi karin, waxan bartay xirfadda suuqgaynta oo manta aan noloshayda ku mareeyo farxadna u ah waalidkay iyo anigaba” Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada, hadii ay sida wanaagsan u maareeyaan noloshooda, waxay kaga badbaadaan ku biirista kooxaha dambiilayaasha ah iyo ku dhiirashada tahriibta oo ah dhibaatada ugu badan ee haysata. Dhalinta Soomaalida ee tahriibta, inta badan waxaa la sii mariyaa dalka Koofurta Sudan oo ay uga sii gudbaan dalka Liibiya si ay ugu tallaabaan dhanka Yurub. Fursadan uu helay Sharmaarke waxay tusaale wanaagsan u tahay dhaliyarada, “hadii aad la timaado fikrad ka duwan tan aad ku tahriibayso waxa aad aburan kartaa nolol ka fiican mida aad ku fikirayso in aad ka helayso wadamada galbeedka”. Source
  21. Wasiir kuxigeenkii Tamarta iyo Biyaha xukuumada Federaalka Soomaaliya ahna Senator ka tirsan aqalka sare Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir ayaa saaka lagu soo celiyay magaalada Muqdisho. Masuuliyiintaan ayaa in ka badan 15 saacadood ku xanibnaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, kaddib markii loo diiday Visaha dal ku galka Kenya oo horay wasiirada iyo Xildhibaanada looga dhufan jiray Baasaboorka, marka ay ka degaan Garoonka diyaaradaha Nairobi. Masuuliyiintaan ayaa howlo shaqo ugu socday magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Waxaa sii xumaanaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo kenya. Dowlada Soomaaliya ayaa saacadaha soo socdo lagu wadaa in ay jawaab ka bixiso go’aanka dowlada Kenya ay ku soo cilisay wasiirada iyo xildhibaanada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kenya oo Garoonka Muqdisho ku soo cilisay wasiiro iyo xildhibaano appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (PP) ─ Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay maanta isaga baxeen saldhig ay muddo ku lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul-goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Kismaayo ay la wareegeen amnga garoonka, iyadoo aanan la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay uga baxeen saldhiggaas oo ay ka hawl-galayeen tan iyo markii ay soo galeen Somalia. Sidoo kale, Wararka hoose ayaa sheegaya in amarka ciidanka Kenya ay uga baxeen garoonka diyaaradaha uu bixiyay taliska guud ee AMISOM, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ciidamada ka socda waddanka Kenya laga saarayo guud ahaan Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale waxaa saakay laga saarayaan saldhigyo ay ku lahaayeen Jaamacadda guud ee Magaalada Kismaayo iyo kuwo kale oo ku yaalla qaybo ka mid ah gobolkaas. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Kismaayo kulan ku yeesheen xubno ka socday ciidamada Itoobiya iyo madaxweynaha Jubbaland, kulankaas oo looga hadlay sidoo loo xoojin lahaa amniga guud ee garoonka, isla markaana musharixiinta la tartameysa Axmed Madoobe ay si nabad ah Kismaayo ku tagaan. Dhanka kale, Wararka laga helayo Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in lagu wado inay maanta Kismaayo tagaan saraakiil ka socota AMISOM, kuwaasoo la kulami doona Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe oo qayb ka ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulkaas. Ugu dambeyn, Maagaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho, waxaana muran uu u dhexeeyaa musharraxiinta xilka kula tartamaya Axmed Madoobe, iyadoo dhawaan ay garoonka Kismaayo ka dhacday is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamada Axmed Madoobe oo iyo kuwo uu watay Musharrax C/naasir Seeraar Maax oo horay u ahaa afhayeenka maamulka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Kenya oo laga saaray saldhigyo ay ku lahaayeen Xarunta Jubaland ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Iran)-Dowlada Iiraan ayaa si kulul uga jawaabtay hanjabaad ka soo yeedhay Mareykanka. Wasiirka arrimiha dibadda ee Iiraan ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay joojiyaan hanjabaada ay Iiraan u jeedinayaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa si wayn u qaadacay hadalkii ka soo yeeray madaxwayne Trump ee ahaa “in Iiraan ay baab’in donaan” Mr Zarif ayaa uga digay Mareykanka inay u hanjabaan Iiraan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in madaxwaynaha Mareykanka ay tahay in uu dib u milicsado taariikhda. “Iiraan si geesinimo leh ayay ugu istaagtay iyada oo dhammaan dadkii soo weeraray ay tageen aan is xusmayno” ayuu yiri Mr Zarif. Abaanduulaaha ciidamada Iran Ali Hajilou ayaa dhankisa sheegay in Mareykanka iyo cadawga Iran aysan awood u lahayn in ay dalkooda ay ka adkaadaan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haatan uu Mareeykanka uusan lahayn awood milatari oo u ku weeraro Iran, arrintaasi oo ay sida oo kale toodobaadkii hore ka dhiidhiyeen ciidamada Kacaanka Islaamka ee Iran. Abaanduulaha ayaa sida oo kale sheegay in waqooyiga dalka uu si adag isugu diyaariyay weerar kasta oo kaga yimaadda cadawga Iran. ”Mareykanka waxaa uu Iran kula dagaalamayaa warbaahinta oo uu adeegsanayaa in uu Iran cabsi geliyo.” Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale ku warantay in Iiraan ay kordhisay beekhaaminta Yuureeniyamka oo markii hore la joojiyay ka dib hsehiiskii ay Iiraan la gashay quwadaha waawayn. Hadalka madaxda Iiraan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu soo saaray digniin ku socota Iiraan,isaga oo sheegay in haddii labada dal uu dagaal ka dhex qarxo ay burburin doonaan Iiraan. “Hadii ay Iiraan doonayso in ay dagaalanto waxa ay taasi rasmi ahaan noqon doontaa dhamaadka Iiran,” waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Tweetarka soo dhigay Axaddii. “Mar dambe uma goodin dooonaan Mareykanka!”ayuu intaa ku da Source
  24. (SLT-Riyadh)-Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Bangiga Dhexe ee Suudaan ku shubtay 250 milyan oo doolar, arrintaas oo qayb ka ah gacan qabashada ay u fidinayo dalkaas ay haysato daganaansho la’aanta dhaqaale iyo midda siyaasadeed. Hadiyaddan iyo mid la mid ah oo uga timid dalka Imaaraadka ayaa Suudaan ka caawin doonta wax ka qabashada qayb ka mid ah mashaakilkii dhaqaale ee haysata, balse waxba kama tari doonto waxyaabihii sababay dhaqaale xumida. Arrintan ayaa ah waxtar muddo gaaban ah marka loo fiiriyo mashaakilka taagan. Dadka raba in ay bangiyada lacagta kala baxaan ayaa layman dhaadheer ku jira, qofkastana lacagta ugu badan ee uu la bixi karo waa 40 dooalr, iyadoo uu kulalyl daran jirana dadka ayaa sidoo kale safaf dhaadheer ugu jira shidaalka. Suudaan ayay dhaqaale xumo haysatay tan iyo sannadkii 2011 markaas oo Suudaanta Koonfureed ay raaceen inta badan ceelashii shidaalka. Arrintaasna waxaa uga sii daray xaqiiqada ah in madaxweynihii hore Cumar Xadan Al Bashiir uu dhaqaalihii dalka u isticmaalay waxkaste oo uu ku cimridheeraysan karay. Miisaaniyad badan ayaa la galiyay ammaanka, dhanka kalana wuxuu sameeyay malayshiyaad xoojiya. Wuxuu amaahday waxkaste oo uu awooday, wuxuuna calaaqaad dhaw la samaystay Shiinaha, wuxuu mararka qaar taageero ka heli jiray Qadar oo ay Sacuudiga is hayeen. Bashiir ayaa kumannaan askar ah u diray dagaalka Yemen si ay uga garab dagaalamaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo, isaga oo arrintaas ku badhashay lacago doolar ah. Mudaaharaadyadii dalka Suudaan oo dhan ka dhacay waxaa sii huriyay maceeshaddii iyo shidaalkii oo sare u kacay bishii Diseembar, Bashiir ayaana ugu dambayn xilka laga xayuubiyay bishii hore. Source
  25. Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay isaga baxeyn Garoonka iyo Jaamacadda Magaaladaas. Ciidamadda Kenya ayaa muddo sanado ah ku sugnaa Labadda xarumood,waxayna xalay waqti dambe la sheegay in ay xarumahaas ay faarujiyeen,kadib amar kasoo baxay Saraakiisha Howlgalka AMISOM. Ciidamadda Malatariga Ethopia oo sidoo kale qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay Labadda Xarumood. Dhanka kale warar so baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay sidoo kale ka bixi doonaan Guud ahaan Saldhigyadda Gobolka jubba-da hoose ay ku leeyihiin. Saraakiisha Kenya iyo Madaxweynaha Jubbland Axmed maxamed islaam (Axmed madoobe),ayaa dhawaan kala hadlay in aan culees la saarin Musharixiinta Jubbland,kadib israsaaseyntii dhawaan garoonka kismaayo ku dhexmartay Ilaaladda Musharax Seeraar iyo Kuwa Jubbland. The post Ciidamada Kenya oo isaga baxay garoonka iyo Jaamacada Kismaayo appeared first on Puntland Post.