Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey. Marwo Xaliimo Yarey ayaa waxay hore u sheegtay in deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso. Waxay sidoo kale sheegtay in looga baahan-yahay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha doorashadaas uga qeyb galeysa. Marwo Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, oo maanta warbaahinta kula hadleysay xarunta Komishanka ee Hargeysa, ayaa waxay si adag uga jawaabtay hadalkaasi, waxayna tiri “Waxaan maanta ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Soomaaliya, hadalkaas oo runtii aan ahayn mid Somaliland munaasib ku ah, deelqaaf weyna ku ah oo ay kaga hadlaysay gabadhaasi doorashooyinka Somaliland, Waxaanu leenahay gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somalia ee hadlay, waxaan u sheegayaa Somaliland inay tahay dal madaxbanaan oo leh guddi doorasho oo madaxbanaan”. “Somaliland doorashooyinkeedu waxay soo qabsoomayeen mudo hada ku dhaw labaatan sanadood oo guddidaa doorashooyinkuna ay mudadaas la soo jaan-qaadayeen oo ay ahaayen kuwa qabanaya mar kasta doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangalintaba, waxaana loo xil-saaray guddi madax-banaan oo guddi heer-qaran ah oo Somaliland ay leedahay, markaa waxaan leeyahay horta taa inaad ogaato ayaa kuu haboonayd horta gudoomiye” ayey tiri Marwo Kaltuun Sheikh. Waxayna intaas kusii dartay “Somaliland waxay leedahay xisbiyo qaran oo ay soo doorteen bulshadoodu oo ku yimid doorasho dadweyne, halka ay gabadhaasi ka leedahay waxaanu ka qaban doonaa doorashooyinka Somaliland oo waxaanu geyn doonaa sanaaduuq oo xisbiyo ay iyadu ku matalayso Soomaaliya ayaa ka hawl-gali doona”. “Waxaan u sheegayaa Somaliland inay leedahay xisbiyo qaran oo aanay u baahnayn dal kalena aan looga soo waaridayn xisbiyo kale”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu hadda istaagay dagaal galabta halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somailand iyo ciidamo Puntland oo galbinayey wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo ka yimid dhinaca degmada Yubbe ay weerar ku soo qaadeen wefdiga wasiirka oo marayay nawaaxiga degaanka Damalla Xagarre ee isla gobolkaasi Sanaag iyadoo labada dhinac ay in ka badan 30 daqiiqo halkaasi ku dagaallamayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii Somaliland ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen dhinaca degmada Yubbe halka wefdigii wasiirka Puntland ay hadda joogan degaanka Damalla Xagarre balse waxaan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalla labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaalkii ka socday Damalla Xagarre oo istaagay appeared first on Puntland Post.
  3. Saaxiibkay Axmed Cabdi Ciise oo aannu marna UCID wada ahayn, markii dambena aannu Kulmiye wada ahayn ayaa maqaal ladhkaas sare leh faafiyey. Qarannews ayaan ka daalacday. Axmed waxa uu ahaa qofkii iga qaaday qaadhaankii ugu horreeyey ee UCID 2003, aniga oo meherad London ku haysta. Waxa uu ahaa xisbiyahay aqoon leh oo dedaal badan, markii dembe ee uu Kulmiye ku biiray na waxa uu sii ambaqaaday dedaalkaas uun. Waa dadka leh awoodda lagu abuuro hawl biyo fadhiya lagu dhaqaajin karo. Inaguma badna dsdka sifadaas lihi. Samaan ama xumaan waxa ay farta u qaadaan kama hadhaan ilaa ay ka sal-gaadhaan. Marka aan qoraalkiisa u soo noqdo waxba ka odhan maayo faallada dheer ee ku saabsan qiimaynta Axmed ku sameeyey qofnimada Maxamed Baashe ee tognaantu carradaas ka badan tahay. Intaas wada togan ee sitimuldhuxda ah gunaanadkeedu waxa uu noqday oo Axmed yidhi, “Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed Baashe maanta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah miyaanay ayaan daro ahayn marka aqoon daraddii ay aqoontii hogaanka u qabto? saw ma aha tii la yidhi – Waa “Duni Akhiro Samaan”. Tan ayaa ku hakasho u baahan. Heegada Muuse oo laga soo dheegtay Heegadii Ina Iley oo hab-dhaqan iyo muunad ba ay wadaagaan waxa aan ka mid ahay dadka magacaas hirgeliyey ee shaanshaan ka tuurtay, bixintiisana waxa leh kasmo wadareedda Somaliland. Jaahaliin anigu cidna ku odhan maayo, weligay se dameeri dhaan raacday isuba qabo in aan noqday. Cidda aan raacayo ee aan wax ka qaadanayo waa cid aan u arkay in keeneen wax ka gadmi kara oo u qalma in la iibsado badeecsdna ha ahaato’e. Cidda aan taageerayo na waxa aan ku qancaa waxa aan ka arko, marka aan ficil ahaan ka waayana waxa furan sidaas ma aha, haddii aan arko in aan sidaas lagu wada socon karinna waxa bannaan waddada. Intaas ka dib, Axmed, oo isu soo dhoweyn u gol lehi waxa uu si ballaadhan u soo bandhigay qaybo ka mid ah kaalintii aan ku lahaa hawshii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheedi iyo sidii tognayd ee aan Muuse Biixi u taageeray oo uu gunaanad uga dhigay Axmed in ay mudnayd in tixgelin la igu siiyo oo xil la ii magacaabo. Axmed been kama uu sheegin doorkaygaas taageero ee ololahaa doorashadii 2017 oo anigaa ba ugu daraya taageeradaydii Muuse Biixi ee xilligii loollanka xisbiga dhexdiisa 2015 aniga oo aan weli Kulmiye ka mid noqon. “Anigu dhan baan ahay oo dhexdhexaad ma noqon karo” in badan baa xusuusan. Xilligaa (2015) ee aan Muuse Muuse Biixi taageerayo Kulmiye ba kama aan mid ahayn. Soo qaado diyaarintii manifeestada xisbiga iyo qorsheyaashii hawl gal iyo fulintooda haddii la guuleysto iyo in kale oo badan oo Axmed qodobbadiisa ka maqan. Run ahaan. Axmedow, hawshaas ballaadhan ee daalka iyo rafaadka lahayd waxa galay dad kumannaan ah oo rag iyo haween lahaa, dhallinyaro iyo waayeel lahaa oo qaarkood iga dedaal badnaaayeen. Tolow dadkaasi ma in xil loo dhiibaa bay u wada socdeen, haddii loo dhiibi waayo na ay muraaradillaacaan oo guushii ay wax ku lahaayeen ka horyimaaddaan bay ahayd?! Wallaahay, marka ay arrimahaasi igu soo noqnoqdaan waa aan argaggaxaa. waayo waxa meel lagaga dhacayaa mabaadi iyo milge bulsho iyo mid qofeedba. “Allow yaa wax suureeya”! Guusha la helo waxa ka culus hanashadeeda. Haddii uu qofku yeesho han aanu hunguri ku jirin oo uu is leeyahay guusha la helay hanashadeeda wax baad kaga tari kartaa waa sax oo waxa uu qofku wax u bartaa in uu bulshadiisu wax ku celiyo, isna ku sharfanaado marka uu ku jiro kaalin ka qaadashada hawadinta hawlahs qarannimo. Haddii hankiisu uu u rumoobi waayo waa okay oo waa laba mid uun: in xil uu isku bilkeedo,/ tijaabiyo loo magacaabo ama waa in uu arkaa in hanashadii guusha oo si habboon faraha ugu jirto. Xitaa haddii xil laguu dhiibo oo halkii lagu socdey laga baydho xilkaasi waa barkumataal. Qofka ujeeddada iyo mabaadida lehi isaga oo aan xil loo dhiibin ayuu ku qancayaa haddii uu hoggaanku cagta hayo jidkii jeexnaa. Haddii se uu qofku arko hanashadii guusha oo lagu ballaysimayo guushaas wax burburin kara ama garasho la’aan ha ka ahaato ama wax kale oo u dagamsani ha jiraane, saw waxa ku horyaallaa ma aha in aad talo dib isugu noqoto? Xal kale marka aad weydo ee dhegihii furnaa ee shalay doorashada ka hor talooyinka lagu maqli awdmaan oo la fur lagu juqaalana, saw talo kale dib isugu moqon maysid? Halgannadii hore gaylan daba socdaa furan. Dorraad iyo shalay guulihii? “Ku soo durug dab qaadkii Iyo weliba deebaaq”! Heego waa ka qayb aafada qaranka Somaliland. Muuqashada ifafaalaheedu waxa uu soo baxay xilligii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheeda. Anigu markaas baan dareemay oo rag kale iyo anigu Muuse iyo hoggaankiisa xisbiga u bandhignay in halistaas wax laga qabto, inta ay goori goor tahay. Tani madal iyo mafag bay leedahay hebello leh. Markii aan arkay in ficiladii iyo hab-dhaqankii Heegadii In Cabdi Ileyna waxa ay ii la muuqatay in kuweennuna la sinji iyo sawrac wadaagaan. Axmedow haddii ay jiraan Ciyaalo Farmaajo na waa Heego kale uun. Dhaqan-xumo waa dhaqan xumo ama madaxtooyada Somaliland ha laga soo abaabulo ama ta Muqdisho ama meel kale’e. Caddaymo badan oo ku saabsan Heegada Muuse iyo sida ay wax kharribaan ee ay qarannimada ugu dhillaystaana waa la wadaa oo msrka ay habboonaato waa loo soo bandhigayaa bulshada ee la soco daaxiibkayow. “Wallee qalin daraalaha Dembi qaranka laga galay Kama qariyo maatida”! Gunaanad Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa iskuma hayno wax shakhsi ah aan anigu ka tirsanayo ama iyagu igu leeyihiin. Wax se yaalla miiska oo shillalka lagu qalayaa wax ka weyn qof iyo qofaf oo ah masiirkii iyo taladii ummadnimo. Isagaana (Muuse Biixi) loo igmaday oo gacanta ku haya. Kolbaba sida uu taas ka yeelo ayaa naga dhaxaysa, sida uu hadda yeelayaana si laga oggolaan karo ma aha. “Nin gar iigu dudayow Dermo haygu kala bixin”! Mohamed Baashe mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo gaaray Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen Tigabu Yilma oo ah nin u dhashay dalka Itoobiya. Waxaa madaxdaan Garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa. Wafdigaan iyo Axmed Madoobe ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Jubaland. Madaxda AMISOM ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inaysan jirin isbadal lagu sameyn doono qaab dhismeedka CIidamada AMISOM ee Jubbaland. Sidoo kale waxay AMISOM shirka jaraa’id ka sheegeyn oo ay Axmed Madoobe u damaanad qaadeen inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin Doorashada dhawaan ka dhici doonto Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen Al-Shabaab. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka. Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen. AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. Wararka ka imaanaya degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in hadda uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Puntland oo marayay degaanka Damalla Xagarre balse weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa maalmahan ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag isagoo kormeer ku samaynayay xarumaha ay ka socdaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  6. Waxa tan iyo ololohii doorashooyinka soo rogaal celiyay eedihii ay la kulmi jireen xukuumadihii Maxadweynayaashii Cigaal,Rayaale iyo xiligii uu xisbiga Kulmiye ololaha ku jiray oo masuuliyiintii xukuumaddii Rayaale ay labada gacmood ee astaanta u ah ku macnayn jireen mid lagu baadi goobaayo midnimadii fashilantay ee aynu Soomaaliyada Muqdisho la galay. Dooda noocan ah ayaan wax faa’ido ah u lahayn qaranka ay siyaasiyiintu isku haystaan hogaamintiisa, waxana inta badan erayadan oo farxad gelinaaya madaxda dalkii aynu kala tagnay ee Soomaaliya isticmaala hadba dhinaca u arka in laga xawli sareeyo, si ay bulshada reer Somaliland uga shaki geliyaan. Dhabahaantii xifaaltanka dhexdeena waxa ka horeeya in shacabweynaha reer Somaliland ay garowsadaan in dedaalka aynu dhexdeena ku bixinayno is eedaynta ay markhaati cad u tahay dooda dhinaca kale ee Soomaaliya inaga soo wajahaysa ee ah in shacabka Somaliland ay u afduuban yihiin kooxo siyaasiyiin ah oo ay kala maqnaashuhu dani ugu jirto. Marka fagaarayasha caalamiga ah laysla tago oo ay Kooxda Xamar hordhigto bulshada caalamka wasiirka Arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin oo ay hareero taagan yihiin Janandii ciidamada oo warbaahinta u sheegay in calankii xidigta cad ee shanta geesood lahaa lagu dhex iibinaayo oo boolisku xoog kaga soo guraayo dadka hoosta ku haysta maxay kula tahay in ay Somaliland ka faa-ideyso oon ahayn in aduunku u arko in madaxbanaanida aynu ku dhawaaqnay loo arko mid aan laysku wada raacsnaayn. Waxaan marnaba la dafiri karayn in dhul aad u baldhaan oo aanu maamulka dawliga ahi gaadhsiisnayn oo bariga dalka ahi aanay dadka degani marna qalbiga u sii deyn jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland, halkii ay ahayd inaynu ka shaqayno fursad kasta oo ay ummaddaasi laabta ugu sii deyn karaan jiritaanka Somaliland, Bal ka waran hadaynu kuwii dhiigooga u soo qubay aynu subax walba kala shaki gelinayno oo ay maanta muuqato in badan oo lagu cariyay inay danba u arkeen in ay waajib tahay in inta sokeeyuhu isku muuqmuuqan lahaa badweynta laga soo wada cabo,goor dhaw hayska soo noqoto “xunyahow, xunku dhalaydii”. boqolaalku inagaga shihiideenee. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan gaar ugu sheegayaa Kornaylada hantiyay taladii dalka inay sare uga koraan siyaasadoodii kaadh ka gubista ahayd oo ay isku arkaan inay maanta iyaga saaran tahay inay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo wiil ka wiil sii xoojisa xorriyaddii ay u soo halgameen, iyaga iyo rag badan oon ka helin magaca iyo dheefta ay maanta ku hayaan oo ay ka guuraan siyaasadan gaaban ee ummadda loogu kal yeelaayo qaar aan aaminsanayn jiritaankooda iyo kuwo ay dhiigooda xushan tahay, haddii midnimada dadku shacabku meesha ka baxdo waxa hubaal ah in aanu askari qori sitaa xadhko ku hayn dooninee dadka niyada iyo qalbiga halaga dhiso Mustafe Shiine Qaran News
  7. Xarunt Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa xaladda xorriyadda hadalka ee Somaliland oo sii xumaanaysa. Waxa hada xabsi ku jira siyaasiyiin, suxufi iyo dad isticmaala baraha bulshada. Maxamed Sidiiq Dhame oo ah gudoomiyaha garabka dhalinayrada ee xisbiga Waddani waxa laga xidhay gurigiisa 1dii May 2019. Waxa lagu xidhay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ga oo uu kaga soo horjeestay Xaalad Degdeg ah oo lagu soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Sida uu u sheegay warbaahinta booliiska Somaliland 2dii May, Dhame waxa lagu haystaa in qoraalkiisu ahaa kicin dadwayne iyo cay loo gaystay madaxda qaranka. Fadhi wada jir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Somaliland wuxuu ku diiday Xaaladda Degdega ah. Dhame waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay rumaan garaysay 4tii May in lagu hayo xabsiga 7 maalmood si baadhitaan loo sameeyo. Markii ay dhamaatay todobadii maalmood laguma soo celin Maxkamadda. Sida uu dhigayo qodobka 47aad ee Xeerka Habka Ciqaabtu, qofka eedaysanaha ah ee xidhan waa in Maxkamadda la horkeenaa todobadii maalmood ba hal mar. Taariikhdu markay ahayd 9 May 2019, waxa booliisku ay ka soo xidheen guriga uu degan yahay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada, lagana soo doorto gobolka Sool. Ma jirin amar maxkamadeed oo booliisku watay markii ay xidheen xildhibaanka. Xadhigiisu wuxuu la xidhiidhay hadal uu jeediyay oo uu kaga soo horjeestay dabaal degga maalinta 18 ka May oo ah maalinta ay ku dhawaaqday Somaliland inay dib ula soo noqotay madax banaanida. Booliisku wuxuu sheegay in hadalka Xildhibaan Dhakool uu yahay mid ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. axa xildhibaanka la horkeenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 10 May. Maxkamaddu way diiday inu rumaan garayso iyada oo sheegtay in xasaanaddu ay u diidayso. Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu waxay diideen codsi lagu dalbay in laga qaado xildhibaanka xasaanadda, waxaayna u soo jeediyeen dawlada inay xildhibaanka xorriyadiisa u soo celiso. Qodobka 49(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.” Qodobka 79aad ee dastuurku wuxuu sidoo kale dhigayaa xubin ka tirsan Baarlamaanka aan “lama hor geyn karo maxkamad,loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.” Maamuuska waxa Goluhu kaga xayuubin karaan xildhibaanka “saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.” “Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada,” sida ku cad qodobka 49 ee Dastuurka. Dacwadda la xidhiidha xildhibaan Dhakool way diiday Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu in laga qaado maamuuska. Iyada oo ay jiraan go’aanada maxkamadda iyo Baarlamaanka, hadana dawladdu weli xadhig ayay ku sii haysaa xildhibaan Dhakool. 13kii May 2019, Booliiska Laascaanood waxaay xidheen Cabdiraxmaan Kayse Maxamed oo ah suxufi ka tirsan Bulsho TV. Markii la xidhayay suxufiga waxa dhaawac soo gaadhsiiyay filidhxabad askari booliis ahi dhulka ugu dhuftay. Suxufigan waxa lagu xidhay waraysiyo uu ka qaaday dad reer Laascaanood ah oo ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool. Dadka kale ee xabsi ugu jira aragtidooda oo ay dhiibteen waxa ka mid ah Jamaal Cabdi Muxumed oo 18kii April loo xidhay qoraal uu Facebook ga soo dhigay oo dhaliilaya Booliiska, Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo xidhay 17kii April qoraal Facebook, iyo Cabdiraxmaan Aar oo 14kii May lagu xidhay Hargeysa dhar ka samaysan calanka Somalia oo uu xidhay. 8dii May 2019, waxa magaalada Laascaanood lagu xidhay afar nin oo loo haystay inay Facebook ga ku qoreen dhaliil ka dhan ah xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood. Waxa la sii daayay 12 May. Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegaya “muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso dadka xidhan iyo inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato aragtiyaha kala duwan. Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: +252 (0)634472011 Source
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo talaado ah ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale. Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira. Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka. Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen. AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Wakiilka midowga Afrika iyo madaxweynaha Jubaland oo isla gartay qodoba muhiima appeared first on Puntland Post.
  9. Kadib markii dowladda Kenya ay dal ku gal u diidey siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo sitay Baasaboorro diblomaasi ah ayaa waxaa dhacday in 3 ka mid ah sheegteen dalal kale, lana soo baxeen Baasaboorro kale! Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta federaalka ah waxaa uu Kenya galay isaga oo kanadiyaan ah, Fowsiyo Abiikar wasiirka caafimaadka iyada oo muwaadin Talyaani ah halka la-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid uu ku galay Baasaboor Holland ah. Arrinta magac dilka ayaa ah iney halkaasi u tageen shir ay ku matalataan dalka Soomaaliya. Waaxda socdaalka dalka Kenya waxaa ay aqoonsantahay iney dalkeeda galeen muwaadiniin Canada iyo Yurub u dhashay, laakin kooxdaas sida dhabta waxaa ay Nairobi u tageen iney matalaan dalka Soomaaliya, shirna ka qeyb galayaan, taasi oo daciif ka dhigeysa mowqifka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, haddii ay ku doodi laheyn in la soo celiyey siyaasiyiin shir halkaasi uga qeyb gali lahaa. Arrintan waxaa ay soo dedejisay sida qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay u sumcad dilaan Baasaboorka Soomaalida, iyaga magacii iyo sharaftii uu lahaa ka doortay iney mid kale adeegsadaan. “Iyaga oo shir ku matalaya Soomaaliya iney Baasaboor kale ku galaan may aheyn, arrintaas waxaa ay ku tusineysaa aaminaad iyo kalsooni la’aan ay u qabaan Baasaboorka Soomaaliyeed, iney soo laabtaan ayey aheyd, oo Kenya lala xisaabtamo, waayo masiirka umadda ayaa ka weyn” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar. Sanadkii hore, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wax xun tahay in siyaasiyiin ay ku jiraan wasiiro ku safraan Baasabooro dalal kale, taasina ay adkeyneyso in dunida lagu qanciyo soo celinta qiimaha iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed. “Mas’uuliyiin dowladeed iney ku safraan Baasaboor kale, ma dhiirigelineyso dadaallada lagu soo celiyo sharafta Baasaboorka Soomaaliyeed”, sidaasi waxaa yiri Maxamed Aadam Koofi Qofka waddaniga ah waa inuu dhowraa sharafta calanka iyo Baasaboorka, si Baasaboorkeenna uu qiimo u yeesho waa in mar hore ay aaminaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Warar la xiriira: Ma Ogin Isbadal Ku Yimid Siyaasadda Socdaalka Kenya, Agaasime Koofi Oo Goobjoog u warammay Nairobi Oo Cadaadinta Muqdisho Gaarsiisey Meel Sare Iyo Villa Somalia Oo Aamusan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Dowladad Kenya ee Xuduuda la wadaagta Soomaaliya, waxaa lagu tuhmayaa in ay ka mid tahay wadamada ka faa,iideystay Burburkii Soomaaliya, walina ku taamaya in Soomaaliya aysan ka dhalan Dowlad Xoog leh oo hanata Dhamaan Dalka Soomaaliya Xuduudihiisa Barriga iyo Badda, iyadoo ka leh dano Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed. Dowladda Kenya waxaa Dalka Soomaaliya ka jooga Ciidan huwan Shaarka AMISOM ee Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta lagu Sheego, iyadoo ujeedada ay uga mid noqotay ay tahay mid u suurta gelineysa dano Siyaasadeed iyo Amni, taas oo u noqotay Dabool ay Soomaaliya kusoo geli karaan Ciidankeedu kana bixi karaan marka ay Doonaan. Haddaba Xiliyadii u danbeysay ee khilaafku Soo kala Dhex galay Dowladda Kenya iyo Soomaaliya waxay Ciidamada Kenya ka baxeen Fariisimo waaweyn oo ay ka deganaayeen Gobolada Jubooyinka, talaabadaas oo ah Cadaadis siyaasadeed ee ay saareyso Dowladda Soomaaliya iyadoo muujineysa in ay ka heyso aagag Dagaal, ujeedadeeduna ay tahay in Soomaaliya ay Sameyso tanaazulaad Dhanka Muranka Badda ee Garqaadkiisu yaallo Maxkamadda Caalamiga ah ICJ, ayna Dooneyso Kenya in lagu Dhameeyo heshiis dhex mara Labada Dowladood iyadoo ka Cabsi qabta go,aanka kasoo bixi doona Maxkamadda ICJ oo ay Soomaaliya ku adkeysaneyso in aysan gorgortan ka baxsan Maxkamadda la geleynin Kenya. Joojinta Duulimaadyada Tooska ah ee Nairobi -Muqdisho Waxaa jiray heshiisyo dhex maray Kenya iyo Soomaaliya oo lagu fududeynayo isu socodka Duulimaadyada ee Labada Dal, waxaana Bilowday fulinta heshiisyadaasi, iyadoo ay Kenya bilowday Duulimaadyo toos ah ee Labada Caasimaadood ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Diyaaradaha u Socda Nairobi baaritaan lagu marsiin jiray garoonka Diyaaradaha Wajeer soo Saacado qaadan jiray. Kenya ayaa u aragtay joojinta Safarada Tooska meel ay ka Cadaadin karto Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday horraantii Bishan May in ay Joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi Muqdisho, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay Go,aan Siyaasadeysan. Tallaabooyinka Kenya ayaa u muuqata mid ka gudubtay Heer Shacab una Gudubtay Heer Diplomaasiyadeed ka dib Markii Garoonka Diyaaradaha Nairobi lagu xayiray Waziiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya loona diiday in Dal ku galka (Visa) loogu dhufto Passportka Diblomaasiga ee ay sitaan mas,uuliyiinta Dowladda Soomaaliya, taas oo u muuqata tallaabo muujineysa in Kenya aysan wax Qiimeyn ah haba yaraatee u heynin Dowladda Soomaaliya. Maxay tallaabooyin ah oo ay Qaaday Soomaaliya? Waa Su,aal meesha taal marka la eego talaabooyinka Diblomaasiyadeed ee Dowladuhu qaadaan ka dib markii dal kale uu qaado Tallaabo Diblomaasiyadeed oo wax yeeleysa Danaha Dalkaasi, balse Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ka gaabsaneyso Dowladda Kenya marka laga Reebo Qoraallo aan Xanaf laheyn uusana ka muuqan go,aan u dhigma kan ay Kenya qaaday oo kasoo baxayay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, arrinkaas oo loo fasiran karo in Dowladda Soomaaliya ay gabtay mas,uuliyadii ka saarneyd Dalka, ayna tahay in Dalka laga daafaco Dhibaatooyinka lasoo gudboonaada Dhan walba. Danaha uga Xiran Soomaaliya Kenya ? 1-Qaxooti Badan oo Soomaali ah laguna qiyaaso 1 Million oo ku nool Kenya kuna Leh Ganacsi aad u ballaaran, iyo kuwo ku nool Xeryaha Qaxootiga. Danaha Kenya uga Xiran Soomaaliya 1-Dhoofinta Qaadka oo ay Kenya usoo Safriso Dalka Soomaaliya oo ah suuqa Kaliya oo u furan Kenya oo ay ka heshoo Maalintii lacag Dhan $4 Million oo Doolar, Dhanka Soomaaliyana ay ka hesho Canshuur kumanaan Doollar ah . 1-Ciidamada Kenya ee Ka tirsan Amisom oo Mushaar ku qaata Joogistooda Soomaaliya oo askrigii uu qaato Lacag Dhan $1000 Dollar. Fal Celinta Soomaaliya Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay eegto Muga ama inta ay la egyihiin Danaha ay weyneyso haddii uu si Rasmi ah u joogsado Xiriirka kala Dhaxeeya Kenya. Haddaba Danaha Dhaqaale ee Labada Dal ay kala leeyihiin markii la is barbar dhigo waxaa soo baxeysa in Kenya ay Faa,iido Badan ku qabto Soomaaliya, Haddii uu Joogsado Xiriirka Labada Dal ay Kenya Dhibaato ku tahay marka loo eego Dhibaatada Soomaaliya ay kala kulmeyso. Marka dib loo milicsado Tallaabooyinkii ay Dowladda Soomaaliya horay u qaaday waxaa ka muuqda in Soomaaliya ay aad isku Dajineyso, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo Wada Hadalo u tagay Nairobi ka dib soo jeedintii Ra,iisul Wasaaraha Ethiopia Dr.Abi Axmed kaas oo u muuqda mid aan dan ugu Jirin Badda ay raadineyso Kenya oo Haddii ay Xuduud Badeed kala Dhaxeyso La filan karay in uu maro Dhanka Kenya, Balse Doonaya in uu Sambaatiyo ka sameysto Soomaaliya oo Leh Dekedo u Dhow Xuduudeed Itoobiya uuna La gaari karo Heshiisyo ay Ethiopia ku adeegsaneyso Dakadaha Soomaaliya . Sida ka muuqata Tallaabooyinka Kenya waa kuwo ay ku daandaansaneyso Soomaaliya iyadoo dooneysa in ay ku jawaabto Go,aano lagu Deg degay oo Qaldan Dhanka Diblomaasiyadda, maadaama Soomaaliya ay kenya ay ku Fadeexoday Ceyrintii Safiirka Soomaaliya iyo la Bixitaanka Safiirkooda Soomaaliya oo aysan Soomaaliya Siin Jawaab Kulul balse ay Bixisay Jawaab miisaaman oo aan xanaf laheyn, taas oo aduunka tustay Bislaashada iyo Xasiloonida Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Tallaabooyinka La Gudboon Soomaaliya 1-in iyadoo aan Xiisadda Gaarsiineyn Heer Goysmo ay Cabasho u Gudbiso Safiirka Kenya ee Soomaaliya tallaabadii Xayiraadda Mas,uuliyiinta Soomaalida ee Garoonka Nairobi, isla markaana Wada tashi ugu yeerto Safiirkeeda u fadhiya Kenya. 2-in ay Dacwad u Gudbiso Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD maadaama Kenya ay Jabisay heshiis Laba geesood ah, isla markaana Xayirtay Diblomaasiyiin Dal Daris ah, Taas oo keeni karta in Kenya ay la Kulanto Canaan Siyaasadeed. 3-in ay ka Codsato IGAD in Ciidanka Amisom ee Kenya laga saaro Dalka Soomaaliya maadaama uu yahay Ciidan Siyaasadeed oo loo adeegsanayo Cadaadis Siyaasadeed. Dhibaatooyinka Soomaaliya uga imaan karta Qaadista Talaabooyinkaas. 1-Talaaabada 1aad ee Cabasho u Gudbinta Safiirka Kenya Soomaaliya wax dhibaato ah uma keeni karto, Balse waxaa dhici karta in Wada tashi ugu yeerashada Safiirka Soomaaliya ay Kenya u fasirato Goyn Xiriirka Diblomaasiyadeed, Sidaas darteedna Qodobka hore uu Haboon yahay. 2- u Gudbinta Dacwad Midowga Afrika iyo IGAD wax dhibaato ah Soomaaliya ugama imaan karaan, waxayna u badan tahay in ay ku faa,iido maadaama ay tahay Xaq ay leedahay Soomaaliya oo Macquul ah. 3-Codsiga ka saarita Ciidanka Kenya ee AMISOM waa Tallaabo Soomaaliya u keeni kara faa,iideyo in ay joogsato Cadaadiska ay Kenya ka dhiganeyso Ciidankooda, Sidoo kalana Midowga Afrika u arki karo Tallaabo Soomaaliya ay ugu geftay Guud ahaan Ciidanka Amisom, waana in la isku barbar dhigaa Labadaas Faa,iidadooda iyo Khasaaraha waxaana wanaagsan in la qaato kan Dhibka yar ee ah in aan La qaadin talaabadaas sida ay aniga igula Muuqato, Maadaama Dowladda Soomaaliya ay tabar yartahay aysana ka maarmin AMISOM. Gabagabadii waxaa meesha yaalla Dhib Culus oo Gaaray Karaamada iyo qaranimada Soomaaliya Dowlad iyo Shacab, waxaana muhiim ah in Lasoo celiyo lagana hor mariyo Dan Kasta, waxaana waajib ah in laga bixiyo Tallaabo Diblomaasiyadeed oo mizaaman isla markaana Laga fekeray. W/Q: Bashiir Maxamed Maalin Mr.bashiir088@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Somali Journalists Syndicate (SJS) calls Somaliland’s Supreme Court to quash charges against journalist Abdimalik Muse Oldon and release him unconditionally. Source: Hiiraan Online
  12. Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee dalka Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi usheegay in sababta loo soo tarxiilay xildhibaanada iyo wasiirada katirsan dowladda Farmaajo ay ahayd [...] Source
  13. The Ministry of Foreign Affairs has ruled out ransom negotiations with Al Shabaab militants in Somalia to secure the release of two Cuban doctors abducted from Mandera in April. Cabinet Secretary Monica Juma, however, said an operation was ongoing to rescue the two doctors. “We believe that we’ll secure their release in the ongoing security operation but as a matter of polity, the government does not negotiate the ransom. We’re hopeful that we shall retrieve the doctors safely back home,” the CS assured during a joint media briefing with European Union (EU) High Representative Foreign Affairs and Security Policy, Federica Mogherini on Tuesday. She was responding to reports that the Somali-based militant group had demanded a $1.5 million ransom for the release of the doctors who were attached to Mandera County Referral Hospital. The doctors – a general practitioner and a surgeon – were abducted on April 12 while commuting to work. In her remarks during bilateral talks with the visiting envoy, CS Juma commended the EU’s efforts towards peace in Somalia through the Counter-terrorism Law Enforcement Project – Horn of Africa and Yemen. She appealed for EU support to Kenya’s bid to have Al Shabaab listed as a terrorist organization under the United Nations Security Council (UNSC) Resolution 1267 of 1999. “In combating global terrorism and sustaining the painful gains, we urge you to support Kenya in listing the Al Shabaab as a terrorist organization under the United Nations Security Council Resolution (UNSC) 1267,” she urged. Juma’s call for the listing of the Somali-based militant group under Resolution 1267 follows the abduction of two Cuban doctors attached to the Mandera County Referral Hospital on April 12 by al-Shabaab militants, a move the foreign ministry termed as a flagrant violation of international humanitarian law. Resolution 1267 was crafted on October 15, 1999, following repeated acts of aggression by the Taliban and groups linked to it. UNSC had noted a significant rise in the illicit production of opium, and the Taliban’s capture of the Consulate-General of the Islamic Republic of Iran and murder of Iranian diplomats in Mazar-e-Sharif. View the full article
  14. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda gobolkaasi. Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka. Madaxweyne Xaaf oo maanta gaaray Gaalkacyo ayaa ayaa sheegay in kulanka uu la qaadanayo dhiggiisa Deni ay ka soo saari doonaan War Murtiyeed. Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriiy xoogan iyo wada shaqeyn ku aadan nabad galyada gobolka ay wadaagaan ee Mudug. View the full article
  15. Ciidamada amniga ee dowladda Kenya ayaa goor dhawayd waxa ay albaabada isugu laabeen dhamaan xawaaladii Soomaalida ee ku yaalay magaalada Nayroobi ee caasimada Kenya,marka laga [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Qirtay Inay Ku Fashilmeen Xal U Helida Sicir-bararka Saamaynta Xun Ku Yeeshay Bulshada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan bisha barakeysan ee Ramadaan ku madlan degmooyinka waa weyn weyn Afgooye iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Lada degmo ayaa ku wada jira Group-ka D is araga labaad wareega koowaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle. Degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose ayaa tartankii hore guul ka soo gaartay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dhanka kale degmada Xamar Jajab ayaa kulankii hore bar bar dhac la soo gashay dhiggeeda degmada Cabdicasiis. Balse la arki doonee caawa degmada awood roonaata Afgooye iyo Xamar Jajab oo kala matalaya gobollada dariska ah ee Shabeelaha Hoose iyo Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay arday maqalka la’ oo wax ka barata Iskuul ku yalla degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Ardaydan oo tiro ahaan gaaraya illaa iyo 37 ruux ayaa waxa ay madaxda Hormuud Foundation TelecoM ku booqdeen xarunta Iskuulkaasi. Sidoo kale Hormuud ayaa u ballan qaaday ardayda iyo maamulka Iskuulkani in ay garab taagnaan doonto, islamarkaana ay u fidin doonto taagreero joogta ah. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/war-mutawakil-hormuud.mp3 View the full article
  19. New York (SMN) – Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale. Warbixnta ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million. Sannadkii 2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million. Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah. GOLAHA AMMAANKA oo u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka dayn cafinta dalka. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn. Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC). Warbixnta golaha amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. View the full article
  20. Ciidamada Booliska ee degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya qalab laan ka haysata Saldhiga Booliska ee degmada ,iyadoo aysan jirin qolol lagu xiro [...] Source
  21. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigga dhexe ee degmada Gaalkacayo iyo qeybta Booliska Gobolka Mudug. Saraakiil katirsan ciidamada Booliska [...] Source
  22. Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qaatay siyaasad ah horomarinta iyo fursad siinta dhalinyarada wax barata hadana jecel kasoo muuqashada ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya sanadii 2016 markii ugu horeesay xiriirka waxa uu bilaabay tartanka iskuulada oo ay ka qeyb galeen ilaa 12-iskuul oo ku yaala Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab waxa uu sheegay in ganacsatada looga baahan yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta jiilka cusub ee mustaqalka la doonayo in ay wax badan ka badalaan kobaca kubbadda cagta Soomaaliya. Saddex sano oo barnaamijka horomarinta dhalinyarada laga her geliyay caasimada Muqdisho madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxa ay Goobjoog u sheegeen in iminka ay diyaarinayaan qorshaha iyo dhisidda xiriiradda iyo kooxaha kubbadda cagta Maamul Goboleedyad si dhallinyarada gobolada ay iyagana u helaan horomarinta kubbadda cagta. April 2018 17 ijir Soomaaliya ee ka qeyb galay tartankii kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi ayaa waxa ay galeen kaalinta 2aad ka dib markii xulka Tanzani ay guulo daro 2-0 ka kulmeen,yoolkeed taa fursad ceeynkee ayuu Ciyaartooyda kasoo baxaysa u yihiin kooxaha iyo Xulalka kala duwan ee kubbadda cagta Soomaaliya. Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn ula dhacsan abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta,iyagoo Soomaaliya ku amaanay juhdigii da’yarta laga bixiyay dhalinyarada laga arkay tartankii 17-jirada Bariga iyo baratamaha Afrika 2018 waxayna balan qaadeen in ay arikan ay tahay mida kaliya uu wadanka kasto ku gaaro guul waaweyn ee dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha dalkiisa iyo caalamka. Halkan ka daawo Warbixin ku saabsan Xiriirka Kubbadda Cagta dadaalka uu ku bixinao da’yarta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  23. Khataraha ka iman kara dadka degan dhulka jilicsan ee jeex-jeexyada iyo dooxyada yaryar ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa mar kasta khatar ugu jira in waxyeelo ka soo gaadho roobabka ka curtay Somaliland. Alle inaguma keenee Aduunka waxa ka jira isbadal ku yimid cimilada, taas oo dalal badan ku keentay roobaba intii hore ka badan, Fatahaado xoog leh, Dhul soo go’ay iyo dhiiqo wada socda oo saamayn xoog leh ku yeesha nolosha dadka. Halka meelo kalena ay ka dhaceen roobab la’aan daba dheer oo sababta abaar iyo biyo iyo baad la’aan dadka iyo duunyadaba ku keena macaluul iyo abaaro farabadan. Waxaana la ogyahay in aduunka mudooyinkii u dambeeyey meelo badan ay ka da’ayeen roobab dabaylo iyo duufaano wata, kuwaas oo bilihii u dambeeyey waxyeelo badan gaadhsiiyey dalal ku yaala Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Tanzania iyo Mozambique. Sanadadii u dambeeyey waxa uu kor u kac ku imanayey qiimaha Guryaha magaalada Hargeysa, waxaana lagu qiyaasaaba in qoysaska qaar ay kirada guryaha ku bixiyaan kala badh dakhliga soo gala bishii, xaaladan kirada guryaha ee caasimada Hargeysa ka taagan ayaa loo sababaynayaa dhawr arimood oo ay ka mid yihiin cashuuraha kala duwan ee guryaha laga qaado oo sanad kasta korodha, taas oo sababtay in dadka kireeya guryuhuna ay iyaguna si la mid ah ay kordhiyaan kirada guryaha. Magaalada Hargeysa meelaha qaar waxa jira baahi badan oo loo qabo guryo qiimo jaban oo qoysasku ay degaan, Waxaanay sheegayaan dadka qorshayaasha dhulka iyo guryaha ku xeeldheeri inkastoo guryeyn iyo guryo dhisid xooglihi ay jirto oo caasimada Hargeysi ay dhinac kasta u fidayso, ayaa hadana waxa jira farqi u dhexeeya Kirada Guryaha iyo koboca tirada bulshada u baahan guryo qiimo jaban oo ay ku noolaadaan. Hase yeeshee guryaha qiimaha jaban ayaa laga heli karaa oo kaliya koonayaasha magaalada Hargeysa, balse waxa wax la iska waydiin karaa walow ay yihiin guryo qurqurux badan oo hada uun farta laga qaaday in la isku halayn karo dhul ahaan halka ay ku yaalaan. Waxaanay taasi ay kaliftay in dadku wakhti xaadirkan aanay eeginba dhulka ay iibsanayaan iyo halka ay guryaha ka dhisanayaan inay doox iyo jeexjeex tahay toona, kuwaas oo khataro badan la kulma xiliyada ay roobabka waaweyni ay ka da’aan caasimada Somaliland ee Hargeysa. Tirada Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka sii dambaysa sii kordhaya, waxaana tirada dadka kordhayaa ay keentay in loo baahdo Guryo iyo meelo ay ku noolaadaan. Hadaba waxa xiligan roobabku ay da’ayaan loo baahan yahay in Xukuumadu ay xil iska saarto badbaadada dadka degan goobaha aan ku haboonayn inay degaan, isla markaana laga fikiro in aan dadka loo sharciyeyn meelo aan ku haboonayn in guri laga dhiso. Source
  24. Mudqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee ay hantidoodu taallo dalka dibaddiisa, wuxuuna ugu baaqay in ay xaqiijiyaan ammaanka dhaqaalahooda. Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dhegtu u taagnaato, wuxuuna tibaaxay in halka kaliya ee hantidooda ku nabad geli karto ay tahay gudaha dalkooda, isagoo kula dardaarmay in ay ku soo guryo noqdaan dalkooda Hooyo. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli uu muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana hadda muuqata in khilaafkaas oo awal ku koobnaa dhinaca xiriirka Diblumaansiyadda ee labadda dal, in uu u sii gudbay dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga. Kenya ayaa shalay u diiday in ay garoonka Joma Kenyatta ka baxaan wafdi ka socday DFS oo dalka Kenya u tagay ka qeyb galka shir ka furmi lahaa caasimadda dalkaasi ee Nairobi, waxaana dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article