-
Content Count
208,470 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin Falkii ay Kenya ku badashay isu socda Soomaaliya Iyo Kenya. Bishaan horaanteedii ayay Kenya soo [...] Source
-
Sharma’arke Axmed Waaberi Sharma’arke Axmed Waaberi oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska gobolka Bari, gaar ahaanna saldhiga lagu magacaabo Mijir ee magaalada Boosaaso ayaa caawo lagu dilay gudaha Boosaaso. Askariga ayaa ku dhintay rasaas ay dableey hubaysan ku fureen, gaari nooca Brobox loo yaqaanno ah oo ay saarnaayeen isaga iyo askar kale, xilli uu fiidnimadii caawo marayay isgooyska Banaadir ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale mid kamid ah 2 askari oo gaariga la saarnaa, ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray rasaasta ay fureen dableyda hubaysan oo aan haybtooda la garan. Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay dilka askariga iyo cid sheegatay midna balse Booliiska ayaa hawlgallo baaritaan ah ka wadaa aga’gaarka dilkaasi ka dhacay. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
ALEXANDRIA, Va. — A jury has found a northern Virginia man who once served as a colonel in the Somali Army responsible for torturing a man more than 30 years ago as part of a government campaign to repress its perceived enemies. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa inay xirto toban ka mid ah xawaaldaha Soomaalida ee dalkaas ka howl-gala, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Qaar badan oo ka mid ah xawaaladaha ayaa maanta baaritaan lagu sameeyey xarumahooda xaafadda Islii, islamarkaana si kooban loo xiray, kadibna dib loo fasaxay. Si kastaba, go’aan rasmi ah oo la filayo in dowladda Kenya ay soo saarto ayaa lagu shaacin doonaa in la xirayo xawaalado badan, ayada oo lagu eedeyn doono qaladaad maaliyadeed oo u diidaya inay dalka Kenya ka howl-galaan. Waxaa la filayaa in Dahabshiil laga reebo xawaaladaha la xirayo. Sida aan xogta ku helnay, eedeymaha Kenya ay u adeegsan doonto inay xirto xawaaladaha ayaa waxaa ka mid ah inay maal-geliyaan aragagixisada, islamarkaana u hoggaansami waayeen sharciyada dalka. Hoggaamiyayaasha Soomaalida Kenya ayaa isku dayaya inay yareeyaan dhaawaca xooggan ee tallaabadan ay gaarsiin karto dhaqaalaha Islii, balse ma cadda waxa ay sameyn karaan. Cadaadiska dowladda Kenya ay saareyso Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu qasbo inay ka laabato dacwadda maxkamadda ICJ taalla ee badda Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal ka gasho. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ayna wada xaajood ku aadan sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee laga Afduubtay Mandera ayna la gali doonin Ururka Al-Shabaab. Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya Monica Juma oo kulan la qaadatay talaadada maanta madaxa arimaha siyaasada dibeda ee midowga Yurub Frederica Mogherini, ayay sheegtay in Kenya wada xaajood lacag madax furasho ah ay la gali doonin kooxda Afduubka ka Danbeysay. Ms Juma ayaa intaa raacisay in Kenya ay wado howlgalada lagu badbaadinayo labada dhakhtar ee u dhashay Cuba. Dr Herera Corea iyo Dr Landy Rodriguez ayaa 12-kii April la afduubtay xilli ay ku sii jeedeen Cisbitaalka magaalada Mandera. Weerarka lagu afduubtay howlwadeenadan caafimaad ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka maamulka ee kenya oo loo yaqaan AP-da. Todobaadkii hore ayay aheyd markii odayaal Kenya ay u soo dirtay gudaha dalka ay sheegeen in kooxda afduubka geysatay ay dalbanayaan madax furasho dhan 150 million oo Dolar ka Mareykanka. Dhakhaatiirtaan ayaa la sheegay in ay badqabaan sidoo kalena adeeg caafimaad ay u sameeyaan bulshada ku nool deegaanada ismaamulka Jubbaland oo Al-Shabaab Maamulaan. Source
-
On November 14 2018 the United Nations Security Council passed a unanimous resolution 2444 (2018) under Chapter VII of the UN Charter in which it lifted the arms embargo, travel ban, assets freeze and targeted sanctions previously imposed on Eritrea, which the Council had imposed via resolutions 1907 (2009), 2023 (2011), 2060 (2012) and 2111 (2013). The lifting of the sanctions was as a result of new political developments in the horn in which Ethiopia’s Abiy Ahmed and Eritrea’s Isaias Afwekri agreed to bury their differences and restore diplomatic relationships. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-London)-Shirkad Maraykan ah ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku horumarinayso diyaarad u socota shan saacadood oo ah xawaaraha codka, taas oo New York iyo London ku geyn doonta 90 daqiiqo ama ka yar. Shirkadda Aerospace Hermeus Corporation, oo fadhigeedu yahay Atlanta, ayaa sheegtay in ay ka heshay maalgelin ka timid maalgelinta abuurka iyo maalgashadayaasha gaarka ah si ay u diyaariyaan diyaarad u soconeysa shan jeer oo ka dhakhso badan, xawaaraha codkeeda. Haddii mashruuca uu ku guulaysto, waxay isku beddeli kartaa duulimaadyada ganacsiga ee transatlantic. Iminka, safarka hawada u dhexeeya magaalooyinka London iyo New York wuxuu qaataa wax ka badan toddoba saacadood. Kuwa Sameeyey Diyaaradan ayaa rajeynaya in diyaaradu ay awood u yeelan doonto in ka badan 4,600 Mayl inay jarto, iyada oo xawaare dhan 3,300 mayl soconaysa saacaddiiba. “Waxaan safar ku tagnay si aan u horumarino kaabayaasha caalamiga ah ee gaadiidka caalamiga ah, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah isbarbardhigga xawaaraha, iyada oo si xoog leh u kordhinaysa xawaaraha socdaalka masaafada fog,” AJ Piplica, co-founder iyo agaasimaha guud, ayaa ku sheegay bayaan ku soo baxay website-ka shirkadda. Aasaasaha Hermeus ayaa ka mid ahaa shaqaalihii hore ee SpaceX, Elon Musk oo bilaabay gantaalaha, iyo Blue Origin, Jeff Bezos ‘ Dhamaan afar aasaas oo wada shaqeeya ayaa ka wada shaqeynayay Generation Orbit, halkaasoo ay ka shaqeynayeen horumarinta qalab casri ah iyo diyaaradda X-Plane ee cusub ee US Air Force. Paul Bruce, oo ah macalin sare oo ka tirsan Waaxda Aeronautics ee College Imperial College London, ayaa soo saaray digniin taxadar leh. “Caqabadda ugu weyn ee duulimaadka isdaba-joogga ah ayaa ah iska-horimaad,” ayuu yidhi. “Waxaan u soo dirnay gawaadhida yaryar, waxaanay u duuliyeen iyaga oo isticmaalaya gawaadhida, oo ah nooca hore ee diyaarad jet.” Tani waa mid tijaabo ah, waxaanu haynaa jid dheer oo aan hore u socono oo aan ku aragno diyaaradaha rakaabka ah. Shirkadda Hermeus maaha ta ugu horeysa ee safar gaaban. Bishii June 2018, Boeing waxay qorsheynaysay qorshe loogu talagalay diyaaradda rakaabka ah. Lockheed Martin iyo Aerion Corporation ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay u abuuri lahaayeen diyaarado isku dhafan. Haddii lagu guulaysto, diyaarad Hermeus waxay noqonaysaa labo jeer ta ugu dhakhsaha badan oo ah Concorde, oo ah diyaarad samaysay duulimaadkii ugu dambeeyay ee bishii October 2003 waxayna u safartay New York iyo London afar saacadood gudahood. Source
-
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug ee Putnland kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in looga hadlo ammaanka magaalada Gaalkacyo oo falal amni liddi ku ah ay ku soo kordheen. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka. “Maanta waxaa uu Madaxweynaha Dowladda Puntland ku qaabiley Madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga” “Nabdoonada aad iyo aad ban ugu mahadcelinayna in ay Madaxweynaha la wadaageen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo, Madaxweynuhu waxaa uu maanta halkaas ka balanqaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda iyo mas’uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada, aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirro ka mid ah Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadlay Dacwad loo haysto Kormayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke). Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ahaa Taliyihii Ciidammadii Soomaaliya ee Fadhigoodu ahaa Magaalada Gabiley sanadihii siddeetamaadkii ayaa loo haystaa inuu Xasuuq ka geystay halkaasi, waxaana Dacwad Maraykanka kaga oogay Dad reer Somaliland ah. Laakiin, Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey Puntland oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa Dacwadda loo haysto Kornayl Tuke ku sheegay mid been abuur ah oo aanu wax dhibaato ah Cidna u geysanin. Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maxkamadda Tuke kaga socota Maraykanka, waxa abuuray dad la abaabulay, Abaabulkaas oo muddo socday. Markaa haddii Soomaaliya Qof aan dambi gelin loo abaabulo dambi iyadoo kuwii dambiga galay la hayo, haddana waxba la odhanin, waa nasiib-darro..” Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey ayaa isaguna sheegay “Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) waa dhibbane, been baa loo abaabulay oo lagu shirqoolay, waa lagu been abuurtay, dad aanu waxba u geysan ayaa arrimahan u buunbuuniyey, arrimahaana kumuu kicin..”ayuu yidhi. Madax-dhaqameed Iyo Xubno kale oo siyaasiyiin oo iyaguna arrintan ka hadlay ayaa iyaguna Dacwaddaasi ka soo horjeedsaday. Telefiishannada CBC oo Kanada laga leeyahay iyo CNN ayaa hore baadhis ugu sameeyay Kiiska loo haysto Kornayl Tuke oo hadda Taksi kaga shaqaysta Maraykanka. Source
-
Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Kenya Amp Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka warqabin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo loo diiday inay Isniintii shalay ay galaan magaalada Nairobi. Ms Juma ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in Mas’uuliyiinta ay soo qaataan dal ku galka ka hor inta ayna Safrin. Waxay tidhi waan safarnaa waxaana ka qaadanaa dal ku gal ka haddii aanad wadanin wey kugu adkaan inaad inaad Safarto. Ugu danbeyn waxay sheegtay in ay aad ula yaabtay markii ay maqashay in mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya looga celiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta dal ku gal la’aan kuwaasi oo ugu dambeyn salaasadii saaka ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Source
-
Wararka laga helaayo Nairobi, ayaa sheegaaya in safiirada dalalka Somaliland ka taageera geedi socodka doorashooyinka iyo demoqraadiya, ay si cad ugu soo bandhigeen wefdiga ka socda xukuumadda iyo xisbiyada KULMIYE iyo UCID in aanay wax gacan ah ka geysanayn doorasho aanay u dhamayn axsaabta dalka. Safiiradu waxa ay walaac ka muujiyeen ka qayb qaadashada doorashooyin dalka u horseedi kara nabadgelyodaro. Sidoo kale waxa ay u bandhigeen wefdiga ka socday labadaa xisbi in loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada ay khuseyso doorashadu ay ka heshiiyaan arrimaha horyaala ee caqabadaha ku ah in doorashadu ay mudadeeda ku qabsoonto. Xubnaha wefdiga ee labada xisbi, ayaa dhinacooda ku dooday inay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka Wakiilada iyo golayaasha deegaanka, islamarkaasina uu xisbul xaakimku la yimid wax alle iyo wixii tanaasulaad ah ee ay xisbiyada mucaaridku dalbadeen, balse uu xisbiga weyn ee WADANI kaga baxay inuu heshiiskii la seexo. Waxa sidoo ay ku eedeeyeen gudoomiyaha xisbiga WADANI inaanu diyaar u ahayn in dalka ay doorasho ka dhacdo. Dhinaca kale waxa hore ugu eedeeyay in xukuumaddu ka gaabisay in dalka doorasho ka qabsoonto gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo u soo jeediyay madaxeeynaha inuu qaato doorkiisa hogaamineed oo uu fududeeyo qabsoomida doorashooyinka, halka uu guddida doorashooyinkana ka codsaday inay is casilaan oo ay ummadda u fududeeyaan. Sidoo kale guddomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADANI mudane Cabdilqaadir Jirde, ayaa shalay soo bandhigay warar aan jirin iyo xogo ay xukuumadu siisay safiirka dalka UK, kaasi oo ay u sheegeen in laga heshiiyay wixii caqabad ah ee horyaalay doorashooyinka oo ay ku jirto saamiqaybsiga kuraasta golayaha wakiilada. Mudane Cabdilqaadir Jirde waxa uu ka digay in laysku dayo qabashada doorasho aanay ku jirin xisbigooda, iyadoo uu hore gudoomiyaha xisbiga Wadani u sheegay in haddii xukuumaddu iska daydo inay qabato doorasho aanay ku jirin aanay taageerayaasha WADANI doorasho la’aan doonin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Kenya ay la socodsiisey isbadal xagga socdaalka la xiriira, gaar ahaan dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah kadib markii ay Kenya soo celisay siyaasiyiin Soomaaliyeed, sidaasi waxaa sheegaya Agaasimaha Socdaalka. Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xafiiskiisa aan lala soo sameyn wax xiriir ah oo arrinkan ku saabsan. “Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, waxaa sidaasi yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ayaa laga soo xigtay iney sheegeen inuu jiro isbadal xagga socdaalka ah gaar ahaan dadka sita baasaboorada diblomaasiga ah, kuwaas oo laga dalbaday iney fiiso ka soo qaataan safaaradda ay Kenya ku leedahay Soomaaliya. “Wey ogyihiin sharciga iyo isbadallada, mana isbadalin arrinkaas” sidaasi waxaa The Standard u sheegay ilo ka tirsan waaxsa Socdaalka. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeisa,(Qaran news)- The Somaliland government has issued a strongly worded response to a ludicrous statement made by the chair of the federal government of Somalia’s elections commission, Marwo Halimo Ibrahim. Speaking to the media, the Somaliland minister of Information and Public Guidance, Mohamed Muse Dirie stated “the assertion by the chair of the Somalia’s election commission that candidates from Somaliland who will take part in the prospective “national elections” slated for 2020, should submit their names, is not only offensive, but delusional”. Minister Dirie declared “In the event that the administration in Mogadishu can even hold one person, one vote elections in the scant territory they presume to control is a fallacy, and not based on the reality on the ground. It is disturbing to hear such silly statements such as the one as made the chair of the elections commission in Somalia” The minister concluded “It is in the interest of the region and all the Somali speaking administrations, that Mogadishu must get it’s own house in order first, and reach an agreement with all the “federal” administrations, before they can even mention Somaliland. How are we expected to hold talks with people who are living in a fantasy world, when all we do is wish them all the best, peace, secuirty and progress and all they wish Somaliland is the opposite? Please, have some respect for Somaliland” Qarannews Qaran News