-
Content Count
208,469 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxaa Looga Hadli Doonaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maanta oo Arbaco ah ayeey xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay kulan ka mid ah kuwooda caadiga ah ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta Koowaad ee wax ka bedalka sharciga Iibka Qaranka oo maanta la horgeynayo golaha shacabka. Kulanka ayaa la filayaa in si habsami leh u qabsoomo, iyadoo Isiintii ay xildhibaannadu meelmariyeen sharciga Batroolka dalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Nasra Ismail on the barriers to increased female leadership
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Many in the global development and humanitarian aid sectors are calling for increased female leadership to create an environment — humanitarian and development sector — that works for everybody, but “there’s a lot of work to do to ensure leaders of all shapes, colors, and backgrounds are able to thrive,” said Nasra Ismail, deputy director of the Somalia NGO Consortium, a voluntary coordination mechanism of NGOs. Source: Hiiraan Online -
Somaliland: Defence Forces Repulse Attempted Incursion By Puntland Militia Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Defence Forces dealt a heavy blow to a militia from the Puntland region in neighbouring Somalia, which has left at least three militia members dead and several vehicles destroyed. According to reliable sources, the incident occurred when a militia led by the minister of education of Puntland attempted to infiltrate the area known as Dhamala Cagare. Our sources confirm that the Somaliland Justice Minister, Abdirisak Ali Abdi was visiting the area as part of the May 18th anniversary celebrations, and his military escorted engaged the militia from Puntland. As a result of the engagement, the militia, which according to reports consisted of at least 15 mounted vehicles, known as “technicals”, suffered heavy losses and fled back towards the border between Somaliland and Somalia. It has been the tactic of all previous and it would now appear, the current Puntland administration to try and disrupt the celebrations of the 18 of May in the border areas between Somaliland and Somalia. Meanwhile, as a gesture of goodwill during the Holy month of Ramadan and as part of the 28th anniversary of Somaliland’s reclamation of sovereignty, President Muse Bihi Abdi gave an amnesty to all the Puntland prisoners captured in the skirmishes in Tukuruq, Sool. Qarannews Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu jeediyay hadal u muuqday dardaaran iyo digniin ku wajahan Soomaalida ku ganacsada meelaha ka baxsan Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa fariintiisa waxay kusoo aaday maalmo kadib iyadoo baraha Bulshada la isla dhex marayay Muuqaal ay duubeen Dad Kenyan ah oo sheegaya in haddii dacwadda dhanka Badda laga guuleysto ay halis gali karto Nolosha iyo ganacsiga Soomaali badan ku leeyihiin Kenya. Wasiir Beyle Ma jirto cid uu si Toos ah ula hadlay, balse wuxuu digniintiisa ku muujiyay in ganacsatada Soomaaliyeed ee joogta meel ka baxsan Soomaaliya inay ka fakaraan amaanka ganacsigooda iyo dhaqaalaha ay dhiganayaan Bangiyada kala duwan. Fariintaasi ayaa u muuqata mid ku socota ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana durba Kenya ay xertay xawaalado badan oo ku yaala gudaha dalka Kenya, taasi oo caqabad kale noqoneysa. Fariinta Wasiir Beyle ayaa laga dheehan karayaa inay jiraan Qataro laga yaabo inay la kulmaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, haddii xaalka uusan wax iska badalin. Soomaali badan ayaa ganacsiga ugu badan ku dhex leh magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafada Islii oo Dhismooyin iyo dukaamo waaweyn ay ku leeyihiin Soomaalida. Cabsi ayaa hadda soo wajahday Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, waxaana muuqanaysa in digniin wasiir Beyle ay soo if baxayso iyadoo la isku dayaayo in la boobo hantida Umadda Soomaaliyeed. Wasiir Beyle ayaa ganacsatada kula dardaarmay inay kusoo laabtaan dalkooda Hooyo islamarkaana ay maalgashadaan, waxaana uu sheegay in daararaha waaweyn ee ka dhisteen meel ka baxsan dalkooda inaysan ahmiyad u laheyn maadaama ay joogaan dal aan dalkooda aheyn. Hoos ka dhageyso Fariinta wasiirka Maaliyadda xukuumadda SOomaaliya.. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Wasiir-Beyle-“Maalqabeenada-qurba-joogta-waa-inay-ka-taxadaraan-amaanka-xisaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
NEW YORK - New Yorkers of all colors, races, and religions on Monday rallied in support of U.S. Congresswoman Ilhan Omar, who has long been a victim of anti-Semitism allegations ever since she criticized a major lobbying firm working for Israel. Source: Hiiraan Online
-
7 Kenyan Towns Blacklisted By The UK in New Travel Advisory
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Kenyan tourism industry suffered a major blow on Tuesday after the UK issued a fresh travel alert cautioning it's citizens against travelling to 7 major towns within the country. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa kahadlay go’aanada dowladda Kenya maalmahaan ugu dambeeyay ka qaadaneysay Soomaaliya. Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay todobaadyadii ugu dambeeyay qaadatay Talaabooyin saameyn ku leh Shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda aysan wax jawaab ah ka bixin go’aamada ay qaadatay dowladda Kenya, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay madaxda inay jawaab ka bixiyaan. Aqriso Qoraalka Xildhibaan Fiqi:- Dawladda Kenya tallaabooyin iyo go’aanno is-xigxiga ayey qaaday maalmihii u danbeeyey oo saamaynaya dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaa la sheegayaa xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil sare oo dawladda Soomaaliya ka mid ah oo loo diiday visahii Kenya ay ku geli lahaayeen oo qaarkood markii baasabooradii Soomaaliga ahaa loogu diiday visaha la soo baxey baasabooro dalal kale oo sidaas saaxiibadood oo la heysto uga tagay. Wax jawaab ah illaa iyo hadda lagama hayo xukuumaddii iyo madaxweynaheenii bajaajlayda banaan baxaysay ugu goodinayey inuu gacan bir ah ku qaban doono, ama GALMUDUG daawada u qorayey. Maanta ayaa gacan bir ah ama daawaynba ay u baahan tahay dhaqdhaqaaqyadq Kenya ka soo cusboonaaday! Kenya tallaabooyinka dheeriga ah ee ay qaaday waxey rabtaba ha ula jeedee waa kuwo xaaladda labada dal uga sii daraya, waa ayna ku qaldan tahay, waxayna u muuqaal eg-yihiin in ay ka quusteen kiiskii maxkamadda yaalay ayna fureen wado kale oo culeys saarid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay hadallo sheegaya in saraakiil ka tirsan garoonka magaalada Nairobi ay u diideen saddex qof oo Soomaali ah kuwaasoo haystay Passporka Diblomaasiga dal-ku-galka Kenya maalintii Isniinta. Saraakiisha laanta socdaalka ayaa ka dalbaday saddexdaan qof ee haystay passporka diblomaasiga inay fiisaha dalka Kenya kasoo qaataan safaaradda Kenya ee Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Monica Juma ayaa ka gaabsatay inay ka war-bixiso arrintan iyadoo sheegtay inaysan xog badan ka hayn arrintan laakiin sheegtay in qof dal-ku-gal sharci ah haysta oo loo diiday Kenya inaysan jirin. U diiditaanka saraakiishan Soomaalida ah dal-ku-galka Kenya ayaa loo arkay in markale uu dib u soo laabtay qilaafkii u dhaxeeyey Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay jirto in wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal inay ku heshiiyeen bishii hore in la xasiliyo xiriirka labada dal kaddib murankii diplomaasiyadeed ee taagnaa muddada laba bilood ah kaasoo ka dhashay xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaan xaqiijineynaa rabitaankeenna xooggan oo aan ku xasilineynno xiriirkeenna waana mid aan ku heshiinnay, tillaabada ugu horreysa waxay ahayd in labadeenna safiir ay ku laabtaan saldhigyadooda,” Waa qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda. Xasaradda u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Febraayo kaddib markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Amb Macharia Kamau uu u yeeray safiirka Kenya ee Soomaaliya jooga isagoo sabab uga dhigay inay la tashanayaan safiirkooda sidoo kalena safiirka Soomaaliya lagu war-geliyey inuu dalkiisa ku laabta oo uu la soo tashado dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay sii xoojiso dagaalka siyaasadeed ee ay ku hayso dowladda Soomaaliya, ayada oo aad usoo dhoweysanaysa Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Qorshahan oo qeybo badan ayaa waxaa ugu horreyn doona, in dalka Kenya laga mamnuuco dhammaan xawaaladaha Soomaalida, marka laga reebo xawaaladda Dahabshiil oo laga leeyahay Somaliland. Xawaaladda Dahabshiil, ayaa ilo-wareedyo Kenyan ay sheegeen inay tahay wax ay xukuumadda Nairobi ugu yeertay “mid aan cadow ahayn.” Xawaaladaha kale ee Soomaalida, oo qaar badan oo ka mid ah maanta baaritaan lagu sameeyey islamarkaana si kooban loo xiray, ayaa laga leeyahya Koonfurta, waxaana xiristooda ay qeyb ka tahay cadaadiska Kenya ay saareyso dowladda iyo shacabka Soomaalida. Waxaa taas xigi doono in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Nairobi, isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Uhuru Kenyatta uu qorsheynayo inuu booqado magaalada Hargeysa, ka hor dhammaadka sanadkan. Tallaabooyinkan oo idil ayaa waxaa kasii horeeyey in bishii tagtay Kenya ay sheegtay inay safaarad ama xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman keeda Muqdisho ka furaneyso Nairobi. Cadaadiska dowladda Kenya ay saareyso Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu qasbo inay ka laabato dacwadda maxkamadda ICJ taalla ee badda Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal ka gasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa raadineysa daraf saddexaad soo faro-geliya khilaafka kala dhaxeeya Kenya, xilli xukuumadda Nairobi ay sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay mas’uuliyiin Visa loo diiday iyo xawaalado la galay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay xiriir la sameysay daalka Mareykanka, UK iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, kana codsatay inay gacan ka gaystaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda labada dhinac. Dalalkan ayaa la sheegay inay aad uga walaacasan yihiin, islamarkaana aysan dooneyn inay ku lug yeeshaan muranka labada dhinac, sababo la xiriira xaladda oo aad u adag, ayna rumeysan yihiin inaysan jirin qaab labada dhinac la isugu soo dhoweyn karo. Sababta ugu weyn ayaa ah, Kenya oo dooneysa in kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah laga laabto, iyo Soomaaliya oo aan ogoleyn inay arrintaas wax wada-hadal ah ka gasho. Sababta dowladda Soomaaliya u raadisay dhex-dhexaadinta ayaa lagu macneeyey inaysan jirin jawaab macquul ah oo u muuqata inay arrintan ka bixin karto, iyo ayada oo ka cabsi qabta in go’aan kasta oo ay qaadato ay xiisadd kasii darto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
UNITED NATIONS — The top United Nations diplomat for Libya warned Tuesday that the country is on the verge of descending into a full-scale civil war, as a warlord general from the east continues to try to capture the capital from the internationally-recognized government. Source: Hiiraan Online
-
Dadka raba in ay Villa Somalia si adag uga dagaalanto daandaansiga Kenya waa in ay ogaadaan in taasi aysan dhici karin, waa haddii uusan is bedel dhanka aragtida ah dhicin. Sabab. Villa Somalia qorshaheeda ayaa ah in ay raalli geliso dowladaha deriska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya si ay u gaarto ujeeddooyin sidaasadeed oo dalka gudihiisa ah! Soo xusuuso Qalbi Dhagax oo muwaaddin ahaa in Itoobiya loo gacan geliyay si loo raali geliyo maamulka Itoobiya. Sida aan hadda ka hor qoraal dheer oo caddeymo CIA wata aan ku soo bandhigay, qorshaha Villa Somalia waa in ay raalli geliso Kenya iyo Itoobiya wax walba oo ay ku qaadato si ay uga adkaato mucaaradkeeda gudaha ah. Raalli gelintii Itoobiya waa guuleysatay, oo soo xusuuso garabka ay Villa Somalia ka heshay Itoobiya si loo maquuniyo maamulka Koonfur Galbeed iyo af duubkii Mukhtaar Roobow. Siyaasad ahaan, iyo dhaqaale ahaanba jug weyn oo ay Kenya Soomaaliya qaran ahaan u geysan karto oo aanan u geysan karin waqtiga fog ma jirto. Kenya saameyn dhaqaale oo ka weyn midda Imaaraatka nagu ma laha, sidoo kale diblomaasiyan kuma dhamma xoog UN-ka Nicholas Haysom ee PNG-da lagu garaacay laakiin waxaa jirta jug ay gaarsiin karto qorshaha maquuninta gudaha ah ee ay Villa Somalia uga baahan tahay. Villa Somalia waxay baahi weyn u qabtaa Kenya si ay uga taageerto maquuninta Axmed Madoobe, si ay taasi u hesho Kenya waxay doonnaysaa in arrinta badda iyo arrimo kale laga furdaamiyo. Qofkii shalay muwaaddin ku bedeshay raali ahaanshaha Itoobiya, wax weyn ugu ma fadhido ku raalli gelijlnta Kenya qeyb ka mid ah badda, laakiin indhaha Soomaalida ayaa soo wada taagan, oo waa og yihiin in Soomaalida ay nafta muwaaddinka iyo xuquuqdiisa ay kaga dhiidhin og yihiin dhul iyo biyo. Yoolka laga leeyahay qorshaha maquunninta waa u gogol xaaridda waddo sahlaysa in kala guurka 2020/2021 hal xafiis go’aan uu ka gaaro, kaddibna xafiiskaas iyo shaqaalihiisaba ay sii joogaan! Si ay shacabka Soomaaliyeed ula saftaan hoggaankooda, waa in marka xasaradaha noocaan ah ay jiraan la ilaabo ajande gaar ah, inta talada la ballaariyo ay waddaniyad hoggaan noqoto. Uma jeedno! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
1 – 16/02/2019: Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay Safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya sababo ay ku sheegtay in ay qoonsatay shirki London. 2 – 18/02/2019: Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal. 3 – 06/03/2019: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday Kenya si xal loogu helo xiriirka Diplomacy yada ee Kenya xumeysay. 4 – 19/03/2019: Ciidamada Kenya oo isga baxay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo si culees amni usaarto dowladda Soomaaliya, Busaar ayaa noqoneysa Saldhiggii u danbeeyay ee Ciidanka Kenya ay baneeyaan, iyagoo hore u baneeyay Saldhigyadoodii Faxfaxdhuun, Ceel Cade iyo Baardheere. 5 – 27/03/2019: Ciidamada Kenya ayaa burburiyay xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow taa oo ay sidoo kale uga gol leedahay muujinta caradeeda. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. 6 – 03/04/2019: Wasiirada arimaha dibadda kenya Iyo Soomaaliya oo ku kulmay nairobi ayaa ku heshiiyay sidii dib loogu soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo. 7 – 20/04/2019—30/04/2019: Taariikho kala duwan oo kubeegan 10 ka beri ee aan kor kusoo xusay dhexdooda ayey safiirada ku kala laabteen safaaradahoodi. 8 – 10/05/2019: Dowlada kenya ayaa amartay in 10-ka May laga bilaabo ay diyaaradaha ka baxa Muqdisho mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. 09 – 14/05/2019: Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay lacag $3M ah ku bixisay kiiska badda halka sanadkaan ay qorsheyneeso in ay kordhiso. 10 – 18/05/2019: Aqoonyahanno Kenyan ah ayaa bilaabay kicinta shacabka kenya iyagoo sheegaya in kenya isku keeni karin in ay Soomaaliya dagaal lagasho maalka Iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ay kenya ku dhaqanna lanabad galiyo taa oo umuuqata in lagu baneysanaayo maalka iyo nolosha soomaalida dagan kenya. 11 – 18/05/2019: Wafdi ka socda dalka Kenya ayaa tagay Hargeysa, iyagoo ka qayb-galay xuskii 18-May taa oo muujineysa nooc aqoonsi ah oo ay kenya siineyso Somaliland. 12 – 19/05/2019: Wafdi iyana kasocda Somaliland oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyana gaaray Kenya waxayna la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale. 13 – 20/05/2019: Dowlada Kenya ayaa bilowday in ay udiido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee Garoonka looga dhufanaayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada federalka iyo Maamul Goboleedyada. 14 – 20/05/2019: Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya iyo labo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayey kenya ku xayirtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi. 15 – 21/05/2019: Ciidamada Kenya ayaa gudaha ugalay illaa shan xawaaladood oo ay kamid yihiin Dahabshiil, Amal, TAAJ iyadoo tallaabadan lala xiriirinayo amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya laguna baarayo Bangiyo iyo shirkado kale oo Soomaaliyeed. FG: Qorshayaasha Dhiman oo kenya wali ku dhaqaaqin 1- Rashiid Cabdi oo horey uga tirsanaa ururka xasaradaha dunida ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay wuxuu ku sheegay, in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu socdaal rasmi ah ku tagi doono dalka Kenya, halka la filayo in Madaxweynaha Kenya uu isna socdaal ku yimaaddo Hargeysa inta lagu gudo jiro sannadkan. 2- Dowlada Kenya ayaa qorsheynaysa iny albaabada isugu dhufato dhowaan xerada qaxootiga caalamka ugu weyn oo ay ku nool yihiin inku dhow rubuc milyan ruux. Sida ay daabacday wakaalada wararka AFP oo aragtay dukumiintiyada ku saabsan xirista xeradan qaxootiga oo soddon sano jirsatay ayaa sheegaya in bisha August ee sanadkan ay dooneyso dowlada Kenya inay xirto Dhadhaab, Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo sawirada weerar ismiidaamin u bilowday oo ka dhacay saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkaasi ayaa ahaa mid ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana kadib xigay rasaas ay ridayeen koox ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni. Muuqaalka waxaa ka muuqanaya askar ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo lagu qabtay dagaalka iyo waxyeelada ciidamada maamulka Jubbaland kasoo gaartay weerarka muddada saacadda ku dhow ka socday saldhiga Baar Sanguuni. Waxaa sidoo kale Muuqaalka ay Al-Shabaab kusoo bandhigeen maxaabiista iyo rasaas ay kala baxeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni, iyadoo kadib ay dib kaga baxeen. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro sidaasi oo kale ah ku qaaday saldhigyo badan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa iyo arrimo kale. Faysal oo socdaalkiisa ay ku wehlinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay in warbixin u gudbiyaan dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka. Faysal Cali, ayaa waxa kale oo uu eedeymo u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdirxamaan Cirro, oo uu sheegay inuu Beesha caalamka kula taliyey in aanay wax lacag ah ku bixin doorashada Somaliland. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrimahaas, ayaa wuxuu yiri “Waxaanu u nimid inaanu waddamada naga taageera Doorashooyinka aynu uga soo warramaynay horumarka aanu ka gaadhnay Wada-hadalladii axsaabta iyo arrintii Komiishanka”. “Waxa Nairobi hore u yimid Cabdiraxmaan oo wararka aanu helnay sheegen inuu war xun siiyey Dadka oo uu dadka dalka ka bajiyey, waxaanuna u sheegaynaa in aanay Somaliland ka jirin wax xumaan ah iyo qabaa’il is dilaya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Cabdiraxmaan Cirro haddii uu shaqsi ahaan yiraahdo yaan doorashada la gelin in dadku diyaar u yahay inay doorashada galaan, markaa Cabdiraxmaan ayaanu tusaynay in xalka Somaliland aanu oolin Nairobi ee uu Somaliland dhexdeeda yaallo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo la hadlayey shacabka ku dhaqan G/Sool, ayaa waxa uu sheegay in goboladaasi ay ragaadisay nabad-galyo darro balaadhadan. Wasiir Seed ayaa shacabka Sool ugu baaqay inay ilaashtan nabad-galyadooda, lana tartamaan gobolada kale ee dalka ee horumarka ku talaabsaday. Seed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan reer Sool aysan aaminin siyaasiyiinta u imaada, isagoona ku sababeeyay hal arrin, wuxuuna yiri “Aduunku dhinicii horumarka ayuu u socdaa, inama anfacayso haddaynu nahay reer Sool iyo reer Awdal in tashuush la innagu furo oo calan yar oo buluug la inagala dhex ordo adeer caqli gal maaha”. “Soomaaliya markay jirtay, Sool iyo Awdal halkay maanta joogaan may gaadhsiisnayn, Laamiyo maydaan lahayn, Guryaha Sool maanta ka dhisan maydaan lahayn, halkaynu maanta taaganahay iyo halkaynu Maalintaa taagnayn way kala fog tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddaad reer Sool tihiin waxa idiinka baahan yahay inaad nabadgal-yadiina ilaashataan, waxa la rabaa inaad Gobollada kale gaartaan, waxa Gobollada kale idinka reebay waa Nabad-galyo darrada, mar walba waxa la leeyahay Sool waxa ka jirta nabadgalyo darro”. “Waa maxay sababta ay nabadgalyo-darradu u imanaysaa, maxaa khaldan, waxaan idiin leeyahay ha aaminina siyaasiga, Anigana ha ahaatee Siyaasiyiinta ha aaminina, waayo Siyaasigu dan gaar ah ayuu leeyahay.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa mar kale ka aloosantay gobolka Sanaag kadib markii shalay ciidamada Somaliland ay weerar kedis ah ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayey wasiirka Waxbarashada Puntland oo marayay Damalla Xagarre. Cutubyo ka tirsan ciidanka Difaaca Puntland oo xalay guure kaga baxay gobollada Bari iyo Karkaar ayaa saaka ku sii jeeda degaanka Damalla Xagarre ee ay shalay ku dagaallameen labada dhinac Sidoo kale Somaliland ayaa xalay soo rartay cutubyo ka tirsan ciidankeeda oo fadhiyay degaanka Dararweyne oo qiyaastii 60km galbeed kaga beegan Damalla Xagarre. Cutubyada laga keenay degaanka Dararweyne ayaa sida la sheegayo Somaliland ku xoojisay ciidankeeda hore u joogay degmada Yubbe iyo tuulada Biya-guduud ee isla gobolkaasi Sanaag. Xaaladda gobolka Sanaag ayaa saaka ku waaberiisatay jawi colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in uu halkaasi ka qarxo dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo xalay isku guuray appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal gelinkii dambe ee shalay ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka lagu magacaabo Damalla Xagarre oo ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag. Dagaalka oo bilowday kadib markii ciidamada Somaliland weerar ku kedis ah ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayey wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labadii dhinac ee dagaallamay ah. Ilo’ kala duwan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen 4 askari oo labada dhinaca halka ay ku dhaawacmeen 6 askari oo kale balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyadu intaas ka badan yihiin. Wefdiga wasiirka Waxbarashada Puntland ee la weeraray ayaa kormeer ku samaynayey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag sida ay sheegeen xubno la socda wefdigaasi. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Khasaaraha kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaallamay Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Qaran News