-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono” Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xidhiidha iibsashadeeda habka S-400. Source
-
(SLT-Yemen)-Telefishinka Al-masirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda xuutiyiinta ayaa saaka baahiyey inay diyaarad nooca Darooniska ku weerareen Garoonka magaalladda Najraan ee K/Glabeed ee Sacuudiga, kuna dhow xuduudka Yemen. Xuutiyiinta waxay sheegteen inay Diyaaradaasi la beegsadeen Hangar ay yaalleen Diyaarado Dagaal, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyn loo adeegsaday Diyaaradda Darooniska. Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Millateri ee Sacuudiga weli kama ayna hadlin sheegashadda cusub ee Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Garoonka Diyaraadaha ee Najraan. Shalay ayey ahayd, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Diyaarad Daroon ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Najraan oo 840-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh. Afhayeenka Isbhaysiga Scauudiga, Kolonel Turki Al-maaliki waxa uu Kooxda Xuutiyiinta uga digay inay la kulmi doonaan fal-celin aad u xoog badan. Source
-
(SLT- Virginia)-Xeerbeegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi gaystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykank, isaga oo jirdil gaystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii. Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yusuf Cabdi Cali oo ah nin horay kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugnan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jir dilay. Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda. Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay. “Waxaan Mareykanka u tagay inaan maxkamad la tiigsado ninkii isku dayay inuu Soomaaliya igu dilo” Salaasadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf ku heshay in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in kabadan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah. Farxaan oo dacwaddan markii u horraysay ku soo oogay Yuusuf sannadkii 2014kii ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda. “Aad iyo aad baan ugu farxay go’aanka maxkamadda,” Ayuu yidhi Farxaan. Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987. Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la waydiin jiray, la jir dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay. Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yiri Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan. Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horraysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha kornaylka loo soo jeediyay ee sheegaya in uu dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayay dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Marka warbixintaas la baahinayo Kornaylku wuxuu ku noolaa Canada wuxuuna waardiye ka ahaa Toronto. Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu kornaylku uu amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke. Waxyar ka dib Kornaylka ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas. Wasaaradda amniga gudaha oon la xidhiidhnay jawaab degdeg ah kama bixin arrintaas. Source
-
An explosion near Somalia's old parliament in Mogadishu sent a pile of smoke and dust billowing into the sky on Wednesday, local news outlets reported. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho. Maareeye ayaa sheegay in qaraxaasi ay la bartilmaameedsadeen Al-Shabaab dad barakacayaal ahaa oo daganaa wasaarada hore ee caafimaadka. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo. Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Al-Shabaab qaraxyada shacabka u soo maleegayaan bishaan Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Al-shabaab. Puntland Post The post Wasiir Maareye” Al-Shabaab barakacayaal ayeey Muqdisho ku qarxiyeen” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaadhi loo adeegsaday oo maanta barqadii lagu dhuftay Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow. Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa Shan qof oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu ka dhacay. Dadka dhintay waxaa ku jiray Sarkaalad lagu magacabo Faay Cali Raagge iyo Saygeeda oo wada socday, islamarkaana gaadhi ay saarnaayeen goobtaasi maraayay. Sidoo kale askar ka tirsan Ciidammada dowladda ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaasi oo qaarkood la socday ama ilaalo u ahaay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidkii ay la socdeen meesha uu taagnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay. Qaraxan gaadhiga loo adeegsaday ee maanta barqadii ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Magaalada si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada amniga ay ku jireen xaalad feejignaan Sare ah. Source
-
Guddiga milatariga ee maamula Suudaan ayuu caddaadis ku sii badanayaa si ay dib ugu billaabaan wadahadalladii ay kula jireen hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, ka dib markii uu hakaday galinkii hore ee salaasad. Maraykanka, UK iyo Norway ayaa ka digay in haddii xukuumad aan rayid ahayn ay talada qabato ay arrintaasi carqaladayn karto calaaqaadka ay Suudaan la leedahay dawladaha reer Galbeedka. Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sidoo kale taageerayaashooda ku booriyay in ay isu diyaariyaan dibadbaxyo hor leh iyo shaqo joojin, balse wali wakhti umaysan qaban. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan ayaa ka dhacay Koontarool Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo kala ah askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad barakacayaal ah oo daganaa kaamam ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon. Askarta qaraxaan ku dhintay waxaa kamid ah Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsaneyd ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in wadatay gaari Cabdile ah xiliga uu qaraxa ka dhacay goobta waxaa la sheegay in seeygeedii uu la dhintay. Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay In qaraxan ay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel, Xildhibaan Shabeel waxa soo gaaray dhaawac fudud,halka Maryan Cariir ay ku weeysay askari ilaalo u ahaa. Puntland Post The post Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sucuudi carabiya ayaa qorshaynaysaa inay dil ku fuliso saddex wadaad oo caan ka ah dalkaasi, kuwasoo lagu soo eedeeyay arrimo argagixiso. Wadaadan oo kala ah Salman al-cawdah, Cawwad al-Qarni and Caoli al-Cumari ayaa dilka lagu fulin doonaa bisha barakaysan ee Ramadan ka dib sida laga soo xigtay ilo dowladda iyo mid ka mid ah qoysaska culumada la haysto. Shiikh Salmaan Alcowda oo aqoonyahan iyo wadaad caan ka ah Sucuudiga ayaa la xiray bishii September 2017, kadib markii uu ka horyimid xayiraadii ay Xulufada Sucuudiga iyo Imaraadku ay ku soo rogeen wadanka Qadar. Labada wadaad kale ayaa la xiray isla bishii September ee Sanadkii 2017 Saddex Wadaad oo maxkamad Sugayaal ah oo lagu hayaa xabsi ku yaal Magaaladda Rayaad.Maxkamadayntooda ayaa la filayay inay bilaabato Bishan May 1deedii, hase Yeeshee dib loo dhigay iyadoo la sheegin waqtiga dib loo qaban doono Maxkamada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ka dhacay bar Kontarool oo ku taala Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga oo lagu magacaabo Faadumo Cali Raage iyo askar la socotay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa ayaa sheegay in ruux Naftii halige ah uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo kaxeynayay gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya. “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil, xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al Shabaab. Dhacdada Xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxii maanta ayaa ahaa in gaariga Cabdi Bille ee ay la socotay Faadumo (Faay Cali) uu ka badbaaday kaliya askariga Kaarka Aqoonsiga u geynayay ciidamada ku sugnaa barta Kontaroolka. Qaraxa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo. Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda saacadihii ugu dambeeyay ay adkeynayeen amaanka waddoyinka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A huge car bomb explosion reported in Mogadishu, near Daljir monument on Wednesday morning. At least one person was killed and ten people were wounded, according to the police and eyewitnesses. Among the injured is Somali lawmaker who sustained minor injuries. Al-Shabaab which is known to carry out attacks against Somali government targets mainly in the capital Mogadishu has claimed the responsibility of the blast. View the full article
-
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo goordhaw ka dhacay bar kontorool, afaafka hore ee godka Jilicow ee degmada Boondheere. Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah Faay Cali Raage, oo ahayd sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo seygeeda oo asna ka tirsanaa ciidamada. Waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ah askari ka tirsanaa ilaalada Xildhibaan Maryam Cariif, iyaga oo sidoo kale uu xildhibaan kale oo golaha shacabka ah soo gaaray dhaawac fudud. Dhankeeda hey’adda gargaarka Aamin Ambulance ayaa sheegtay 10 dhaawac ah, oo ay ku jiraan 2 haween iyo cunug yar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya is flexing its diplomatic muscles in its row with Somalia, which it accuses of continuing to violate its territorial waters rich in hydrocarbons by launching investment programmes in the disputed area. Source: Hiiraan Online
-
Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay nawaaxiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari, wuxuuna ku qarxay koontarool ku dhow xarunta godka Jilacow dhanka Taalada Daljirka Daahsoon, sidey inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, iyadoo ciidamadii halkaasi joogay ay rideen rasaas badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax loo adeegsaday gaari aayaa goordhow ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo si weeyn looga maqlay dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi. Qaraxa ayaa kadhacay bar fariisin oo ciidamada oo ciidamada dowlada ay ka waardiyeeyaan madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Qaraxan oo inta badan jugtiisa laga maqlay M/Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka taallada Daljrka Daah-soon ee degmada Boondheere. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray bar koontarool oo ku taalla halkaasi. Sidoo kale Gaariga qarxay ayaa waxaa dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in lagu dhuftay Cabdi Bile ay lahaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. Khasaare kala duwan ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
Virginia (SMN) – Xeerbeegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi gaystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykank, isaga oo jirdil gaystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii. Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yusuf Cabdi Cali oo ah nin horay kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugnan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jir dilay. Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda. Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay. Talaadadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf ku heshay in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in kabadan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah. Farxaan oo dacwaddan markii u horraysay ku soo oogay Yuusuf sannadkii 2014kii ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda. “Aad iyo aad baan ugu farxay go’aanka maxkamadda,” Ayuu yiri Farxaan. Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987. Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la waydiin jiray, la jir dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay. Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yiri Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan. Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horraysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha kornaylka loo soo jeediyay ee sheegaya in uu dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayay dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Marka warbixintaas la baahinayo Kornaylku wuxuu ku noolaa Canada wuxuuna waardiye ka ahaa Toronto. Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu kornaylku uu amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke. Waxyar ka dib Kornaylka ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas. Xigasho Bbc View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Rasaas ayaa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana qaraxa uu ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Goob ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku baaraan gaadiidka adeegsada wadada aada Madaxtooyada ayuu qaraxa ka dhacay, waxaana kadib ciidamada dowladda ay rideen rasaas badan. Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa loo ogolaaday iney qaadaan dadka dhaawacyada kasoo gaareen qaraxa ka dhacay agagaarka Godka Jilacow. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi loo malaynayaa in lala eegtay masuuliyiin goobta marayay, waxaana labo u kala go’ay gaari Cabdi Bille ahaa, iyadoo la waayay askartii saarneyd. Ku dhawaad seddex ruux oo dhaawac ah iyo dhimashada labo ruux ayaa goobta lagu arkay, walow aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa maanta dhacay. Xalay ciidamada dowladda ayaa la dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaano ay sameynayeen, waxaana jirtay cabsi laga qabay weeraro Al Shabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale jiray digniino dhanka amaanka ah oo lala wadaagay ha’adaha amaanka, taasi oo la xiriirta qaraxyo Al Shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan magaalada Muqdisho. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa digniin kasoo saartay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Kenya, kuwaasi oo la sheegay inay ka jiraan xaalado qatar ah, iyadoo muwaadiniinta UK looga digay inay u safraan magaalooyin dhowr ah oo Kenya ku yaala. Dowladda UK ayaa shaacisay inay digniintaasi ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada Ururka Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Afduubka ay u geystaan dadka ajaaniibta. Bishii November ee sanadkii hore waxaa Kenya laga afduubtay Haweeney u dhalatay Talyaaniga, iyadoo 12-kii Bishii April ,waxaa Mandheera lagu afduubtay labo Dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba. Iyadoo digniintaasi ay soo saareen dowladda UK ayaa haddana dowladda Kenya waxay shaacisay inay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay kusoo furanayaan dadka ajaaniibta ah ee la afduubtay. Dowladda UK ayaa warbixinteeda dhinaca amaanka ku sheegtay in Magaalooyinka kala ah; Nairobi, Mombasa, Malindi, Narok, Naivasha, Nanyuki iyo Meru. Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiiniinteeda in ay ku dhex safraan gudaha Kenya halkaas oo ay ka dhici karaan weerarro argagixiso,afduub dil ku dambeeya iyo weerarro kale. Arintaan ayaa waxay niyadjab ku riday waaxda Dalxiiska dowladda Kenya, waxaana waaxda dowladda Kenya ay sheegtay inay digniintaasi aysan dhayalsan doonin. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Xaaladda taagan ee waddankeena iyo dowladda aan deriska nahay ee Kenya waxaad moodaa inay tahay boog kor un laga dhayayo oo la hoos laga dhayeynin maahmaaj ayaa tiraahda“Milil guudkii lama dhayo“. Arriman in muddo ayay taagnaayeen sida cadna lagama gaarin xal waara ama heshiis iyo is afgarad qodobaysan. Xaaladdu ayadoa cakiran aadna loo kala fogyahay, haba yaraate wax waan waan ahina aysan jirin ayaa Madaxweyne Farmaajo si lama filaan ah uga soo duulay xarunta dalka itoobiya magaalada Adis ababa asago gacanta uu ka hayo Abiy Axmed hoggaamiyaha itoobiya. Iyadoo inta badan bulshada soomaaliyeed kulankaas iyo qaabkuu u dhacay ka jiyo diideen waxaa uu qaab baal marsan hannaanka diblomaadiyada Madaxweyne Farmaajo u maray wada hadalkaas. Ayadooy sidaas tahay haddana lama raacin waddo cad oo lagu xalin karo is diidooyinka iyo is maandhaafki siyaadadeed ee muranka dhaliyey iyo waxyaabihii lagu kala tagsanaa, loomana saarin gudiyo labada dhinaca arrimahaas lafa guta si habboon oo waafaqsan hannaanka diblamaasiyadeedba uga wada xaajooda. Wali lama hayo mana la maqal gudi wada xajood oo dowladda soomaaliya u saartey arrinmahan nagala dhaxeeya Kenya iney ka soo talo bixinayaan. Is qoonsiga dhul ama bad laysku qabsado iyo arrimo kaleba dunida oodhan iyo dalalka deriska waa ka dhacaan waxaase jira qaab loo maareeyo loona maamulo. Inkastoo arrinta badda marnaba aysan ahayn mid quman in laga wada hadlo maro hoosteed maxaa yeelay waa kiis maxkamadda caalamka yaal in hoos loo wada hadlaana waxay burineysaa dacwadii aan badda ka geynay ee aan weli xukunkeedu dhicin. Waxaase jira guluf kale oo badan oo Kenya wado kan ayaa la rabaa dowladda Soomaaliya iney muujiso go‘aan cad oo madaxdu dalku ka soo saaraan, Madaxweynaha iyo Ra‘iisalwasaaraha gaar ahaan. Sidoo kale qanjiirooyinka iyo daandaansiga siyaasadeed ayaa la rabaa in falcelin ka habboon laga siiyo Kenya. Haddii Kenya sidan hawsha ku wado mar walbana jugtu soo gaadho dadweynaha iyo laamaha dowladda madaxduna ka gaabsato. Taasi waxay muujineysaa habacsanida hoggaanka dalka iyo waayo aragnimo la‘aantooda aysan ku dhiiran karin iney go‘aan cad ka qaataan gardarada Kenya. Soo jeedin Waxaan soo jeedin lahaa anigoo ku salaynaya aragtideyda arrimahan: Maadaama khilaafka noo dhaxeeya salka ku hayo Badda Soomaaliya, ma aha in dowladdu ka meermeerto ee waa inay caddeysaa mawqifkeeda siyaasadeed, una sheegta Kenya inay ku kalsoonaato wixii ka soo baxa maxkamadda iyo go‘aankeeda. Sidoo kale waa inaysan dowladda soomaaliya marnaba aqbalin cagajugleyn, liidid iyo handadaadaha uga imanaya kenya, sida Safiirka la eryey, Baaritaanka Wajeer, Fiisaha loo diiday diblomaasiyiinta iyo dhaqdhaqaaqa ka dhan ka ah ganactada soomaaliyeed. Wixii aan ahayn badda waxaa quman in laga wada hadlo, si kore oo aan qarsoodi ahayna Kenya loogu sheego. Haddii Kenya diido sidaa waxaa quman inaan: 1.Xuduudaha kala xirano 2. Ganacsiga la joojiyo 3. Ciidankoodu dalka ka baxo 3. Dhammaan xiriirka labada dalna la jaro. Balse haddaan maalin walba aan madaxa hoos u dhigno waxba noma hagagayaaan, gardarada Kenyana ma dhammaaneyso. Haddii dowladda Kenya xal iyo wada noolaansho iyo derisnimo rabto: 1. Waa inaysan siyaasadeyn isku socodka labada waddan 2. In la fududeeyo dal ku galka labada waddan 3. Meeshana laga saaro wada hadal ku saabsan dacwada badda oo loo daayo maxkamadda iyo go‘aankeeda. Wabilaahi Towfiiq W/Q: Cabdulaahi Mahdi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan ayaa waxaa dabley ku hubeysnaa Bistoolado ay ku qaadeen Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo xilligaasi la socday Gaari nuuca raaxada ah. Ugu yaraan halka Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Axmed Waabari, kaas oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse waxaa dhacdada kadib Ciidamada Boolisku howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi. View the full article
-
Dawladda Federaalka waxay isniintii ka gudubtay caqabadii ugu weynayd ee dhanka horumarinta shidaalka lagu tuhmo Soomaaliya. Lagu tuhmo ayaan lee yahay, ma jiraan ceelal la qoday oo shidaal ka soo burqaday ama shidaal ganacsi gali kara lagu arkay bad iyo berri ba, laga soo billaabo dhammaad kii 50 meeyadii illaa maanta. Ilaa hadda shidaal ka la sheego, waa qiyaas ku salaysan inuu jiro sistam shidaaleed: lakabyo dhagaxeed dherer iyo mug badan leh oo ay ku jiraan dhagaxda khayraadka dhala – shale ama sandstone, iyo dhagaxda kaydinaya shidaalka sida sandstones(quartz sand or arkosic sandstone), iyo carbonates sida limestone ama dolomite). Waxaa kaloo muhiim ah inuu jiro qaab-dhismeed dhulka dhex diisa ka jiro, oo suurta gelinaya inuu kaydiyo shidaalka: anticlines, faults, iyo siriqyo-lakabeed (traps). Dhinaca kale, dushaa waa inuu daboolaa kaydka shidaaleed dhagaxaan sida shale ama cusubo dusha ka dahaarta. Intaas dhammaan tood waa lagu arkay Soomaaliya. Dhammaan intaasi Soomaaliya way ka jiraan; waana laga helaa. Maxaa xiga oo la sammayn karaa si shidaalka loo soo saaro? Waxaa xiga qodaal, laakiin shirkadaha shirkadaha qodo shurudahaan ayay u baahan yihiin in Soomaaliya ay ka jirto: Xasilooni siyaasadeed iyo inay jirto xukuumado la saadaalin karo (predictable governments). Inuu ka jiro Soomaaliya jawi siyaasadeed, dhaqan-dhaqaaleed oo u sahlaya shirkadaha inay maal gashtaan (dhaqaale furan – liberalised economy, iyo waddan aan lahayn musuqmaasuq, ama musuqa uu yar yahay. Inay jiraan siyaasado, sharciyo iyo xeerar-hoosaadyo ku aaddan sahlidda hawlaha shidaalka iyo inuu shidaalka waddanka inuu lee yahay qaab-dhismeed ka la yaqaano, oo kala soocaya hawlaha: Wasaarad ku kooban siyaasad sammayn, dul-ka-hagid (oversight), Hayadda Nidaaminta hawlaha shidaalka, iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka. Mid kasta waa inay dheeshaa kaalinta saxa ah, shaqadana laysku qabsanin. Hawsha sida ay u socoto waxaa daba-gal shirkadaha ku sammaynaya Hay’adda Nidaaminta Shidaalka. Shirkadaha waxay rabaan inay galaan heshiis iyaga faa’iido badan ugu jirto. Soomaaliya dhawaan waxay sammaysay Heshiis Model ah oo loo yaqaan Heshiiska Soo-saar Wadaagga oo shirkad kasta dan ka leh Soomaaliya inay ka soo saarto shidaal lagula heshiinayo. Heshiis kan wuxuu suurta gelinayaa inuu soo jiito shirkadaha (attractive and competitive); isla markaana wadanka maslaxa diisa ay ku jirto. Dawladda Soomaaliya maxay ka rabtaa shirkadaha inay ku sifoobaan? Shirkadda lala saxiixdo Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement) inay muddo lix bilood ah ku shaqo gali karto. Shirkadda waa inay wadataa shirkadaha kale ee shaqada la geli kara; haddii kale way iska fadhinayaan sannado badan iyagoo raadinaya shirkad lamaane ah oo la wadaagta shaqada. Shirkadda heshiiska la galaysa waa inay tahay shirkad taariikh wanaagsan leh, oo lagu yaqaano hawlaha shidaalka inay waddamo kale ka fulisay si dhib la’aan ah. Waa inay leedahay khibrad xoog leh, dhinaca ka sahqaynta badda. Shirkadda waa inay awood dhaqaale (financial capability) ay hawlaha shidaalka ku fuliso lee dahay iyadoo dhaqaale yari hawsha u istaagaynin. Soo-saarka shidaalka badda moolka ah aad buu qaali u yahay. Shirkadda waa inay awooddaa inay bixin karto lacag rahan ah (Bank Guarantee) ka dhimanaysa haddii shaqadii ceel-qodidda ama hawsha 3-D seismikada aan la qabanin. Shirkadda waa inay leedahay awood farsamo (technical capacity) oo badda mool ka ah ay kaga soo saari karto shidaal. Shirkado tiro yar ayaa awooda hawsha inay ka qodaan shidaal bad aad mool u ah. Shirkadahee diayaar ah oo Soomaaliya sahan, shidaal-qodid iyo soo-saar ka sammayn kara iminka? Shell-ExxonMobil: Waa shirkad weyn (Consortium) ah oo heshiis la gashay the Democratic Republic of Soomaaliya sannad kii 1988; waxayna kula heshiisay Soomaaliya inay ka baarayso, soo-saarayso shidaal badda aan moolka ahayn ee berriga u dhow ee u dhexaysa Bandar Bayla iyo Marka. Heshiis kaasi waxuu ahaa nooca concession ka, wuxuuna u baahan yahay in loo beddelo nooca Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA). Hadda waxay bixisaa Shell-ExxonMobil tabarrada si kor loogu qaado awoodaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo lacaga ijaarka ku aaddan halkii km2. Isku darka Shell-ExxonMobil, shirkaddan waxay tahay shirkadda dunida ugu weyn ee shidaal soo saarta. Waana shirkado laga lee yahay USA (ExxonMobil) iyo Netherlands (Shell). Shirkadda Soma Oil and Gas (u xuubsiibatay magaca Coastline Energy Corporation) waa shirkad hormuud ka noqotay hawlaha shidaalka Soomaaliya goor Soomaaliya shidaal keed aan la hadal haynin. Waxay ka hawl-gashay baaristii ugu horraysay lagu sahminayo badda Soomaaliya. Xogaha shidaaleed ee la ogaaday hadda waxay qeyb-weyn ka dheeshay Soma Oil and Gas. Shirkaddii hore waxaa gatay dad kale oo magaca ka beddelay, laakiin waxaan la ogeynin awoodeeda dhaqaale, farsamo iyo khibradeeda (markaan Google adeegsaday). Soma Oil and Gas waxay la gashay Soomaaliya heshiis ah inay sammayso baaris; laguna siiyo maalgelinta ay ka sammayso dhinaca baarista balookyo shidaaleed oo 12 ah. Heshiis kaasi waxaa galay Mudane Cabdirisaaq oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah, waagii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka talinayay Soomaaliya. Hadda waxaa la joogaa goortii Coastline Energy la siin lahaa xirmooyin (Block yadii and PSA yadii). Tirada block yada la siin doono, waxay u taallaa dawladda Raiisul Wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre; laakiin waxaa jira heshiis u baahan in la xurmeeyo. Shirkaddaan waa Reer Galbeed (Share ugu badan qofka leh ayay ku xiran tahay). Liberty Petroleum (ama Petro Quest) waa shirkad heshiis la gashay Galmudug tii hore, xoogaa yar oo maaliyad ah ayaa kaga baxday shirkadda Soomaaliya. Dhowr jeer ayay wada-hadallo la gashay Wasaaradda Batroolka oo la diyaarisay Heshiis PSA ah oo aan la saxiixin oo qabyo looga tahay. Shirkadda Liberty Petroleum waxay xiisaynaysaa badda Galmudug iyo tan Baraawe, ee Koofur Galbeed. Waa shirkad Mareekan ah. Waxaa kaloo jira shirkado tiro badan oo xiiso iyo xawaare xoog leh ku socda oo raba inay ka qeyb galaan tartarnka qandaraas yada lagu furay London bishii February. Shirkada haasi. Shirkada haasi waxay isugu jiraan Reer Galbeed, India iyo China. Haddii lagu guulaysto sannad kan heshiisyo PSA ah in shirkado lala galo, waxaa hubaal noqon doonto in Soomaaliya ay leedahay shidaalka lagu tuhmayo iyo in kale. Waxayna kala caddaan doontaa ka gadaal marka la qodo ceelal dhowr ah. Waxaa kaloo ka soo gali doona lacago intay baarista iyo ceel-qodidda socoto iyo dhaqdhaqaaq shirkado Soomaaliyeed oo la jaan-qaadi doona Shirkadaha Shidaalka baaray. Dhinaca kale dhalin yaro ayaa shaqo ka heli doonta. Gunaanad hawshii ansaxinta Sharciga Shidaalka ee shalay wuxuu gundhig u noqonayaa hawlo kale oo soo raaci doona oo lagu sahminayo, lagu qodayo shidaalka iyo lagu hormarin doono khayraadka Soomaaliya. Waa iftiin yar oo rajo ah oo ka soo dhex-muuqday muddo badan oo taneel mugdi ah la dhex marayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com