-
Content Count
208,470 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Dhimashada ayaa la sheegay inay gaadhay illaa 12 qof oo ay ku jiraan askar, sarkaal ciidan iyo dad kale oo rayid ahaa, sidoo kale dhaawaca ayaa gaadhay in ka badan 10 ruux. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho. Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxa ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal ee Somaliland. Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ahaa La Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa uu ahaa dadka ugu khabiirsan ee dowladda Soomaaliya, soona shaqeeyay illaa xilligii Aadan Cadde. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aankii ay Kenya dal-ku-galkeeda ugu diidday mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, Halkan hoose ka akhriso qoraalkan Source
-
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxayA khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay waddada xiriirisa Ex Koontarool Afgooye iyo Xoosh ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari nuuca Baradada aah oo la sheegay in ay laheyd hay’ad Samafal. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah howlwadeenada hay’addaasi. Ma cadda u jeedada rasmiga ah ee loo bartilmaameedsaday shaqsigaasi, hase ahaatee waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Illaa iyo haddase ma jiro wax faah faahin ah oo ay Saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Inta badan waxaa weerarada ceynkan oo kale ah sheegta Al Shabaab, waxaana qaraxan uu ku soo aadayaa, xilli barqanimadii maanta qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug. Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Gaalkacayo Ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
An explosion near Somalia’s old parliament building in Mogadishu sent smoke and dust billowing into the sky on Wednesday, local news outlets reported. The blast happened in the south-east of the city, in Mogadishu’s old town and near the coast, according to a member of Somalia’s parliament. Abdirizak Mohamed, the former minister of internal security and an MP, said two members of parliament fleeing the explosion sought shelter in his house. One of them lost a member of staff and another was taken to hospital, he wrote on Twitter. Somalia’s old parliament building is opposite the “Monument of the Unknown Soldier” where other reports said the blast took place. Pictures showed the aftermath of a blast, with smoke rising into the air. It is not clear who is responsible for the bombing and there has been no official confirmation. Car bombs and suicide attacks are a relatively frequent occurrence in Mogadishu, which is battling an insurgency from militant group Al Shabab with the help of an international task force. Attackers often go after ministries or hotels in the Somali capital. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Labadani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga saddexaad ee degmooyinka oo caawa la guda gelayo. Howlwadaag iyo Baraawe ayaa tartamadii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay ka soo hooyeen natiijooyin wax ku ool ah. Degmada Howlwagaag labadii kulan ee la soo dhaafay waxa ay ka soo badisay Kaxda iyo Hodan, waxaana taasi ka dhigan tahay in marna aan dhinaceeda dhulka la dhigin. Sidoo kale degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose labadii kulan ee u dambeysay waxa ay guul ka gaartay dhiggeeda Hodan, marana waxaa ka soo badiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka aqooneedka Shabelle, balse waxaa laga dhowr sugi doonaa cida caawa hantin doonta guusha. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa abaal marin qaali ku bixinaya shirkada Ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Inkabadan 10 qof ayaa Ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax Gaari oo uu la socday Nin isi soo miidaamiyay oo ka tirsanaa Al Shabaab. Gaariga Qarxay ayaa lagu dhuftay Kolonyo ay la socotay Gaashaanle Faay Cali Raage oo loo maleynayo in Bartilmaameedka weerarku iyadu ahaa , waxaana weerarku dhacay xilli Ciidamo ku sugnaa Kontaroolka Daljirka daahsoon ay xaqiijinayeen Aqoonsigeeda. Waxaana ku dhintay weerarka sida ilo Goob Joogayaal ah Shabelle u xaqiijiyeen Gaashaanle , Faay Cali Raage , Seygeeda oo isna Milatariga Somalia ka tirsanaa iyo ilaaladii la socotay , oo uu ka badbaaday kaliya Askari ay u dhiibtay ID-geeda si uu ugu geeyo ciidamada Kontaroolka ku sugan ayna u xaqiijiyaan. Sidoo kale waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay Xildhibaan Shabeel oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo meesha wax ka dhaceen ka ag dhawaa. Waxyeelada ugu badan qaraxaasi ayaa waxaa ay ka soo gaareen dad shacab ah oo degan Dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo ah Barakacayaal. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaabayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta “Al Shabaab ayaa weerar Ismiidaamin ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan DFS oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira Khasaaro soo gaaray Masuuliyiintaasi” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al Shabaab. Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo uu sheegay in lala beegsaday dad barakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey ehellada ay dadkoodu waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaasi waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo. Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada xoogan ee Al Shabaab ay ka fuliyaan M/ Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin ka hortaga weeraradaasi. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jiraan Xarakada Al Shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono dagaalkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-22052019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti. Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar. Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Kenya u dirtay qoraal ay jawaabeyso go’aankii ay Visa-ha ugu diiday iyo joojinta duulimnaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Qoraalka oo ay heshay Caasimada Online ayaa u dhigna asidan: Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
wararka naga soo gaarayo degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya inuu goordhow ka dhacay Qarax inta u dhaxeyso X control Afooye iyo Isgooyska Xoosh. Qaraxa ayaa ahaa qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxa uuna haleelay gaari ciidanka boliiska ay wateen oo goobta marayay ahaa nuuca Cabdi bilaha loo yaqaano, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah iyo ciidankii qaraxu haleelay. inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday halka sedex kale ay dhaawacmeen oo ka mid ah uu yahay ciidamada booliska Soomaaliya. ciidama oo goobta soo gaaray ayaa riday rasaas mana jiraan wax qasaaraa oo ka dhashay,ciidamada ayaana ka sameeyay goobta baaritaan ayagoo goobta lagu baadi doonayo dadkii qaraxa ku aasay , ilaa iyo haddana majiraan cid loo soo qabtay. Qaraxaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii Labaad oo maanta ka dhaca kudaha magaalada Muqdisho, ayadoo saakay barqadii uu qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeyso taalada Daljirka Daahsoon iyo xabsigii hore ee Godka Jilacow. Goobjoog News . inta Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Wafdi balaadhan oo ka socday Somaliland ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, kuwaasi oo halkasi ku yeeshay kulamo kala duwan. Wafdigan ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Wafdigan ayaa waxay kulamo la yeeshen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ee ku sugan magaalada Nairobi. Mas’uuliyiinta wafdiga reer Somaliland ayaa waxay warbixino ku aadan doorashooyinka siiyen safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, UK iyo kuwo kale oo saaxiib la ah Somaliland. Waxa kale oo ay safiiradaasi u sheegen sida Somaliland ay uga go’antahay inay sii wado horumarinta, maamulida iyo diyaarinta doorashooyin ku dhaca waqtigii loo cayimay. Dhinaca kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland shacabkeedu ay markale u qalmaan in la qabto doorasho si wanaagsan u dhacda, taasi oo gacan ka geysan karta degenaashaha iyo horumarka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono” Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xidhiidha iibsashadeeda habka S-400. Source
-
(SLT-Yemen)-Telefishinka Al-masirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda xuutiyiinta ayaa saaka baahiyey inay diyaarad nooca Darooniska ku weerareen Garoonka magaalladda Najraan ee K/Glabeed ee Sacuudiga, kuna dhow xuduudka Yemen. Xuutiyiinta waxay sheegteen inay Diyaaradaasi la beegsadeen Hangar ay yaalleen Diyaarado Dagaal, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyn loo adeegsaday Diyaaradda Darooniska. Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Millateri ee Sacuudiga weli kama ayna hadlin sheegashadda cusub ee Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Garoonka Diyaraadaha ee Najraan. Shalay ayey ahayd, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Diyaarad Daroon ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Najraan oo 840-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh. Afhayeenka Isbhaysiga Scauudiga, Kolonel Turki Al-maaliki waxa uu Kooxda Xuutiyiinta uga digay inay la kulmi doonaan fal-celin aad u xoog badan. Source
-
(SLT- Virginia)-Xeerbeegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi gaystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykank, isaga oo jirdil gaystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii. Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yusuf Cabdi Cali oo ah nin horay kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugnan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jir dilay. Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda. Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay. “Waxaan Mareykanka u tagay inaan maxkamad la tiigsado ninkii isku dayay inuu Soomaaliya igu dilo” Salaasadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf ku heshay in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in kabadan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah. Farxaan oo dacwaddan markii u horraysay ku soo oogay Yuusuf sannadkii 2014kii ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda. “Aad iyo aad baan ugu farxay go’aanka maxkamadda,” Ayuu yidhi Farxaan. Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987. Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la waydiin jiray, la jir dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay. Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yiri Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan. Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horraysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha kornaylka loo soo jeediyay ee sheegaya in uu dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayay dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Marka warbixintaas la baahinayo Kornaylku wuxuu ku noolaa Canada wuxuuna waardiye ka ahaa Toronto. Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu kornaylku uu amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke. Waxyar ka dib Kornaylka ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas. Wasaaradda amniga gudaha oon la xidhiidhnay jawaab degdeg ah kama bixin arrintaas. Source
-
An explosion near Somalia's old parliament in Mogadishu sent a pile of smoke and dust billowing into the sky on Wednesday, local news outlets reported. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho. Maareeye ayaa sheegay in qaraxaasi ay la bartilmaameedsadeen Al-Shabaab dad barakacayaal ahaa oo daganaa wasaarada hore ee caafimaadka. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo. Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Al-Shabaab qaraxyada shacabka u soo maleegayaan bishaan Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Al-shabaab. Puntland Post The post Wasiir Maareye” Al-Shabaab barakacayaal ayeey Muqdisho ku qarxiyeen” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaadhi loo adeegsaday oo maanta barqadii lagu dhuftay Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow. Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa Shan qof oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu ka dhacay. Dadka dhintay waxaa ku jiray Sarkaalad lagu magacabo Faay Cali Raagge iyo Saygeeda oo wada socday, islamarkaana gaadhi ay saarnaayeen goobtaasi maraayay. Sidoo kale askar ka tirsan Ciidammada dowladda ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaasi oo qaarkood la socday ama ilaalo u ahaay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidkii ay la socdeen meesha uu taagnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay. Qaraxan gaadhiga loo adeegsaday ee maanta barqadii ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Magaalada si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada amniga ay ku jireen xaalad feejignaan Sare ah. Source
-
Guddiga milatariga ee maamula Suudaan ayuu caddaadis ku sii badanayaa si ay dib ugu billaabaan wadahadalladii ay kula jireen hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, ka dib markii uu hakaday galinkii hore ee salaasad. Maraykanka, UK iyo Norway ayaa ka digay in haddii xukuumad aan rayid ahayn ay talada qabato ay arrintaasi carqaladayn karto calaaqaadka ay Suudaan la leedahay dawladaha reer Galbeedka. Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sidoo kale taageerayaashooda ku booriyay in ay isu diyaariyaan dibadbaxyo hor leh iyo shaqo joojin, balse wali wakhti umaysan qaban. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan ayaa ka dhacay Koontarool Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo kala ah askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad barakacayaal ah oo daganaa kaamam ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon. Askarta qaraxaan ku dhintay waxaa kamid ah Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsaneyd ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in wadatay gaari Cabdile ah xiliga uu qaraxa ka dhacay goobta waxaa la sheegay in seeygeedii uu la dhintay. Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay In qaraxan ay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel, Xildhibaan Shabeel waxa soo gaaray dhaawac fudud,halka Maryan Cariir ay ku weeysay askari ilaalo u ahaa. Puntland Post The post Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sucuudi carabiya ayaa qorshaynaysaa inay dil ku fuliso saddex wadaad oo caan ka ah dalkaasi, kuwasoo lagu soo eedeeyay arrimo argagixiso. Wadaadan oo kala ah Salman al-cawdah, Cawwad al-Qarni and Caoli al-Cumari ayaa dilka lagu fulin doonaa bisha barakaysan ee Ramadan ka dib sida laga soo xigtay ilo dowladda iyo mid ka mid ah qoysaska culumada la haysto. Shiikh Salmaan Alcowda oo aqoonyahan iyo wadaad caan ka ah Sucuudiga ayaa la xiray bishii September 2017, kadib markii uu ka horyimid xayiraadii ay Xulufada Sucuudiga iyo Imaraadku ay ku soo rogeen wadanka Qadar. Labada wadaad kale ayaa la xiray isla bishii September ee Sanadkii 2017 Saddex Wadaad oo maxkamad Sugayaal ah oo lagu hayaa xabsi ku yaal Magaaladda Rayaad.Maxkamadayntooda ayaa la filayay inay bilaabato Bishan May 1deedii, hase Yeeshee dib loo dhigay iyadoo la sheegin waqtiga dib loo qaban doono Maxkamada. Source