-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Dadka mas’uuliyiinta ahaa ee qarixii maanta ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa haatan ahaa la-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana xilal kala duwan uu kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, isaga oo soo shaqeeyay xilli adag. Qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa saraakiil ciidan, askar iyo shacab intaba. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa tiri in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil iyo xildhibaano kusii jeeday madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanadii uu dambeeyay ee qaadatay Dowladda Kenya,kuwaasi oo hoos u dhigay xiriirka Labada dal. “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Puntland Post The post Dowlada Soomaalia oo war ka soo saartay go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post.
-
At least one person was killed and several others wounded in a remote-controlled landmine explosion in the outskirts of Mogadishu, the Somali capital on Wednesday. A witness confirmed to Radio Shabelle that the IED blast was targeted a vehicle belonging to a local NGO, killing a driver. The incident took place on a road linking Ex-control junction and Hoosh village. It’s unclear why the NGO’s car was blasted and there was no immediate claim of responsibility for the attack which occurred just after a huge car bomb killed several at a security checkpoint in Mogadishu. Al-Shabaab continues to carry out attacks in the capital despite losing swathes of territory in the country to Somali and African Union forces [AMISOM]. View the full article
-
Waxaa maanta qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horay u soo noqday xildhibaan, soona qabtay dhowr wasaaradood. Tan iyo xiliggii dowladdii Siyaad Barre waxaa uu ku caan ahaa wasaaradda qorsheynta, wasiir ayuu marar badan ka noqday iyo sidoo kale la-taliye. Burburkii kadib, waxaa uu madax ka ahaa guddiga loo saaray arrimaha dastuurka, xilligaas waxaa dalka joogay ciidamada ka socday Qaramada midoobey. Shirkii Carte ee dib u heshiisiinta iyo dhismihii dowladda Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa uu xukuumaddii Xasan Abshir ka noqday wasiirka iskaashiga caalamiga ah. Shirkii Mbagathi ee Kenya kadib, waxaa uu ahaa xildhibaan, waxaa kale uu wasiirka agoonta iyo naafada ka noqday xukuumaddii Cali Geedi, isla xukuumaddii Geedi markii ay dib u soo noqotay waxaa uu mar kale ka noqday wasiirka qorsheynta. Xukuumaddii ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka ahaa wasiirka dalxiiska, warshadaha iyo ganacsiga. Ugu dambeyntii waxaa uu 2009-kii, xukuumaddii ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka dib u dhiska 2017-kii, waxaa uu u tartamay kursiga aqalka sare, laakin waa looga adkaadey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
AMNESTY INTERNATIONAL PRESS RELEASE 22 May 2019 UN: Catastrophic failure as civilians ravaged by war violations 70 years after Geneva Conventions The UN Security Council must mark the 70th anniversary of the Geneva Conventions this year by ending its catastrophic failure to protect millions of civilians around the world whose lives and livelihoods are routinely ravaged by violations of the laws of war, Amnesty International said today. Tomorrow (23 May), the Security Council will hold an open debate on the protection of civilians in armed conflict – 20 years after this goal was first added to its agenda. “Twenty years after the UN Security Council pledged to do its utmost to protect civilians in armed conflict, and 70 years since the Geneva Conventions sought to shield civilians and others from the types of atrocities committed during the Second World War, the picture is incredibly grim,” said Tirana Hassan, Crisis Response Director at Amnesty International. “The great military powers cynically boast about ‘precision’ warfare and ‘surgical’ strikes that distinguish between fighters and civilians. But the reality on the ground is that civilians are routinely targeted where they live, work, study, worship and seek medical care. Parties to armed conflict unlawfully kill, maim and forcibly displace millions of civilians while world leaders shirk their responsibility and turn their backs on war crimes and immense suffering. “Russia, China and the United States continue to abuse their veto power by blocking draft resolutions that aim to prevent or stop atrocities from taking place. Every time this happens, they are putting innocent people living in these danger zones at grave risk.” In recent years alone, Amnesty International has documented a blatant disregard for civilian protection and international humanitarian law in armed conflicts where four of the five permanent members of the UN Security Council are parties – Russia, the USA, the UK and France. The fifth, China, has actively shielded neighbouring Myanmar as it carried out war crimes, crimes against humanity and possibly genocide. The disastrous failure to protect civilians has been evident in the US-led Coalition’s blitzing of Raqqa, Syria, that left more than 1,600 civilians dead; in Russian and Syrian forces’ wanton destruction of civilian infrastructure and lives in Aleppo, Idlib and elsewhere – forcing mass displacement of millions and amounting to war crimes and crimes against humanity; and in the war in Yemen where the Saudi Arabia/UAE-led coalition, backed by Western arms, has killed and injured thousands of civilians in unlawful attacks and fuelled one of the world’s worst humanitarian crisis. Somalia remains another of the world’s worst human rights and humanitarian crises. All parties to the conflict, including the USA, have violated both international human rights and humanitarian law. Despite ramping up air strikes in its secretive war in Somalia over the past two years, the USA failed to admit a single civilian casualty until an Amnesty International investigation prompted it to. Israel has repeatedly targeted civilians and civilian objects during military operations in Gaza since 2008, causing great destruction and loss of human life. Between March 2018 and March 2019, Israel used lethal force against Palestinian protesters, killing at least 195 people, including medics, journalists, and children. Palestinian armed groups have fired indiscriminate rockets into civilian neighbourhoods in Israel, causing several fatalities. In South Sudan and elsewhere, conflict-related sexual violence and gender-based violence are occurring at shocking levels. Witnesses and victims of a brutal government-led offensive in April-July 2018 in the north of the country described how civilians, including women, children, older persons and persons with disabilities were deliberately killed by gunfire, burnt alive in their homes, hung from trees and rafters and run over with armoured vehicles. Civilians were hunted down while fleeing into nearby wetlands, or rivers, as soldiers shot indiscriminately into areas where people were hiding and carried out attacks on islands where they had sought refuge. The UN Assistance Mission in Afghanistan (UNAMA) reported a record high number of civilian casualties in 2018, with 10,993 people killed or injured Just last week, in Libya, Amnesty International documented how a fresh offensive on Tripoli has been marked by indiscriminate attacks and assaults putting the lives of civilians, including vulnerable detained refugees and migrants, at risk. Nor is the record of the United Nations itself unblemished. In South Sudan, the Central African Republic, and elsewhere, UN peacekeepers have failed, on multiple occasions, to protect civilians facing deadly violence. A particularly reprehensible problem is that of sexual exploitation and abuse, with civilian women and girls being raped and assaulted by the very peacekeepers who are supposed to protect them. Especially vulnerable people like children, older persons and persons with disabilities have also been targeted in particular ways in conflict – such as militaries and armed groups recruiting child soldiers or brutally assaulting those less able to flee during attacks on civilian populations. Despite international treaties prohibiting their use, some states and armed groups continue to use inherently indiscriminate weapons like cluster munitions and landmines, which have been banned under international law for their impact on civilians. Others, such as Syria and Sudan have also used chemical weapons, which have no place in warfare. Last year, the UN Refugee Agency decried the record-breaking figure of 68.5 million people displaced worldwide by armed conflict and other forms of violence. “Seventy years on from the Geneva Conventions, to have almost 70 million human beings displaced by wars and other violence reflects the catastrophic failure of world leaders to protect them,” said Tirana Hassan. “World leaders have all but abandoned civilians to the ravages of war. This week’s open debate in the Security Council must yield more than just posturing and empty promises. Concrete action is needed to reverse course, effectively protect civilians, stop war crimes and end impunity.” Qaran News
-
Waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo soo noqday wasiirkii arimaha dibada Soomaaliya dowladii Xasan Sheekh Maxamuud. Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa hadda ahaa latiliye katirsan wasaarada arimaha dibada Soomaaliya. Sidoo kale Xuseen Ceelaabe Faahiye xilal ka soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirkii Arimaha dibada oo ku dhintay qarixii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
La ye, “Kenya waxa ay xannibtey dal-ku-galkii waddankeeda ee madaxda xukuumadda DFS iyo wakiillada Soomaaliya”! Taas beddelkeeda waxa ay kor u qaadaysaa meeqaamkii xidhiidka Somaliland. Somaliland waa u fursad weyn, waxana la yidhaahdaa cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa, in kasta oo aanan anigu Soomaaliya cadow u aqoon, aan se u aqaan waddan aannu walaalo nahay, lkn se is diiddooyin iyo khilaafyo laga gun-gaaandhi karaa na dhex yaallin. 28 sannadood oo ay Somaliland gaar u taagnayd oo ay aqoonsi doon ahayd uma ay muujin Kenyi il naxariiseed iyo wax yuhuun ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed ku saabsan wixii ka horreeyey intii uu soo baxay damaca Kenya ee xeebaha Soomaaliya. Waa ay iska caddahay waxa uu daarran yahay beerlaxawsiga Kenya ee Somaliland oo waa baqe-ku-maal (black mailing) ama suxul maroojin ku aaddan Soomaaliya si ay u ruxruxdo, uguna cagajugleyso. Hase yeeshee arrintu intaas waa ay ka gundheer tahay marka la eego jiritaanka qaab-dhismo-siyaasadeed ee gobolka. Labada waddan ee Kenya iyo Itoobiya waxa ku maqan dhulal dad Soomaali ahi ay deggan yihiin oo hadda labadaas waddan ka mid ah. Haddii Kenyo isku daydo dalbaalladhsi ama in ay xoog ku qaadato mitir xeebaha Soomaaliya ka ah waxa dhici kacdoon Soomaalida inteeda kale ku taageeri doonaan Muqdisho. Dhinaca kale, Kenya waa ay ku adkaan doontaa in ay Somaliland si sahlan aqoonsi rasmi ah u siiso. Waayo? 1. Waxa ay Kenya og tahay in Soomaalida maamulkeeda hoos tagtaa hanqalka la soo kici oo ay dalban aayo-ka-tashi iyo madaxbannaani. 2. In intaas oo kale iyo ka badanna ay la oogsan doonaan Soomaalida Itoobiya oo bilaabi dhaqdhaqaaq xooggan oo aayo-ka-tashi ah. 3. Mawqifka AU oo arrintaas ay adag tahay in ay aqbalaan, gaar ahaanna Itoobiya oo ah waddan saamayn weyn oo siyaasadeed, milateri iyo dhaqaaleba gobolka iyo AU ku leh, arrintuna aad khusayso, una horseedi karto kala daadasho dalkeeda ku timaadda iyo Kenya oo aan lahayn awood ay ku caabbiyi mawqifyada Itoobiya iyo AU, eegaysana degganaanta siyaasadeed ee waddankeeda. Anigu waxa aan u arkaa in Somaliland wixii fursad ah ay ka faa’iidaysan karto, hase yeeshee haddii ay aqoonsi qudha uun xooggeeda isugu geyso iyada oo aan la qiimayn qodobbada sare oo ah run jirta waxa lumi kara fursado kale oo aqoonsi ka fudud oo laga faa’iidaysan karo. “Si hadday u noqon weydo Si kalaa u waaceen ah”! Mohamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
-
A car bomb exploded near a checkpoint in Somalia capital Mogadishu on Wednesday, May 22, killing at least 10 people and wounding 12 others, officials said. The bombing was claimed by Islamist militant group al-Shabaab, which said in a statement it had targeted a convoy escorting officials and lawmakers heading to the presidential palace. “A car bomb blast struck at a checkpoint near Daljirka, there are some casualties including members of the security forces,” said security official Abdukadir Ahmed after the attack in the south of the city. Abdikadir Abdirahman, director of Aamin ambulance service, told AFP two people were killed and twelve others wounded in the blast. Other witnesses said they had seen three killed. “I saw the bodies of three people among them a military woman,” said witness Mohamed Saney. “Several vehicles were destroyed in the blast and ambulances rushed to the scene to collect wounded people.” Al-Shabaab is fighting to overthrow the internationally backed government in Somalia, but has also carried out attacks in neighboring Kenya, which has deployed troops as part of the African Union Mission in Somalia. The Shabaab were chased out of Mogadishu in 2011 by the 22,000-strong African Union mission AMISOM, and have had to abandon most of their strongholds, but they still control vast rural areas and remain the key threat to peace in Somalia. On April 17, the group claimed responsibility for a car bomb in Mogadishu that killed four people. The bomb detonated along the busy Maka Al-Mukarama road despite a recent increase in police checkpoints in the capital. On March 28, a car bomb ripped through a restaurant on the Maka Al-Mukarama road, killing 15 people just days after Shabaab gunmen attacked a complex housing government ministries, killing 11 people including the deputy labour minister. There have also been several smaller blasts in the capital. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Dhimashada ayaa la sheegay inay gaadhay illaa 12 qof oo ay ku jiraan askar, sarkaal ciidan iyo dad kale oo rayid ahaa, sidoo kale dhaawaca ayaa gaadhay in ka badan 10 ruux. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho. Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxa ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal ee Somaliland. Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ahaa La Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa uu ahaa dadka ugu khabiirsan ee dowladda Soomaaliya, soona shaqeeyay illaa xilligii Aadan Cadde. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aankii ay Kenya dal-ku-galkeeda ugu diidday mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, Halkan hoose ka akhriso qoraalkan Source
-
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxayA khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay waddada xiriirisa Ex Koontarool Afgooye iyo Xoosh ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari nuuca Baradada aah oo la sheegay in ay laheyd hay’ad Samafal. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah howlwadeenada hay’addaasi. Ma cadda u jeedada rasmiga ah ee loo bartilmaameedsaday shaqsigaasi, hase ahaatee waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Illaa iyo haddase ma jiro wax faah faahin ah oo ay Saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Inta badan waxaa weerarada ceynkan oo kale ah sheegta Al Shabaab, waxaana qaraxan uu ku soo aadayaa, xilli barqanimadii maanta qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug. Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Gaalkacayo Ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
An explosion near Somalia’s old parliament building in Mogadishu sent smoke and dust billowing into the sky on Wednesday, local news outlets reported. The blast happened in the south-east of the city, in Mogadishu’s old town and near the coast, according to a member of Somalia’s parliament. Abdirizak Mohamed, the former minister of internal security and an MP, said two members of parliament fleeing the explosion sought shelter in his house. One of them lost a member of staff and another was taken to hospital, he wrote on Twitter. Somalia’s old parliament building is opposite the “Monument of the Unknown Soldier” where other reports said the blast took place. Pictures showed the aftermath of a blast, with smoke rising into the air. It is not clear who is responsible for the bombing and there has been no official confirmation. Car bombs and suicide attacks are a relatively frequent occurrence in Mogadishu, which is battling an insurgency from militant group Al Shabab with the help of an international task force. Attackers often go after ministries or hotels in the Somali capital. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Labadani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga saddexaad ee degmooyinka oo caawa la guda gelayo. Howlwadaag iyo Baraawe ayaa tartamadii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay ka soo hooyeen natiijooyin wax ku ool ah. Degmada Howlwagaag labadii kulan ee la soo dhaafay waxa ay ka soo badisay Kaxda iyo Hodan, waxaana taasi ka dhigan tahay in marna aan dhinaceeda dhulka la dhigin. Sidoo kale degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose labadii kulan ee u dambeysay waxa ay guul ka gaartay dhiggeeda Hodan, marana waxaa ka soo badiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka aqooneedka Shabelle, balse waxaa laga dhowr sugi doonaa cida caawa hantin doonta guusha. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa abaal marin qaali ku bixinaya shirkada Ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Inkabadan 10 qof ayaa Ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax Gaari oo uu la socday Nin isi soo miidaamiyay oo ka tirsanaa Al Shabaab. Gaariga Qarxay ayaa lagu dhuftay Kolonyo ay la socotay Gaashaanle Faay Cali Raage oo loo maleynayo in Bartilmaameedka weerarku iyadu ahaa , waxaana weerarku dhacay xilli Ciidamo ku sugnaa Kontaroolka Daljirka daahsoon ay xaqiijinayeen Aqoonsigeeda. Waxaana ku dhintay weerarka sida ilo Goob Joogayaal ah Shabelle u xaqiijiyeen Gaashaanle , Faay Cali Raage , Seygeeda oo isna Milatariga Somalia ka tirsanaa iyo ilaaladii la socotay , oo uu ka badbaaday kaliya Askari ay u dhiibtay ID-geeda si uu ugu geeyo ciidamada Kontaroolka ku sugan ayna u xaqiijiyaan. Sidoo kale waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay Xildhibaan Shabeel oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo meesha wax ka dhaceen ka ag dhawaa. Waxyeelada ugu badan qaraxaasi ayaa waxaa ay ka soo gaareen dad shacab ah oo degan Dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo ah Barakacayaal. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaabayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta “Al Shabaab ayaa weerar Ismiidaamin ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan DFS oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira Khasaaro soo gaaray Masuuliyiintaasi” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al Shabaab. Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo uu sheegay in lala beegsaday dad barakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey ehellada ay dadkoodu waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaasi waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo. Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada xoogan ee Al Shabaab ay ka fuliyaan M/ Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin ka hortaga weeraradaasi. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jiraan Xarakada Al Shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono dagaalkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-22052019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti. Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar. Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Kenya u dirtay qoraal ay jawaabeyso go’aankii ay Visa-ha ugu diiday iyo joojinta duulimnaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Qoraalka oo ay heshay Caasimada Online ayaa u dhigna asidan: Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah. Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin. Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
wararka naga soo gaarayo degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya inuu goordhow ka dhacay Qarax inta u dhaxeyso X control Afooye iyo Isgooyska Xoosh. Qaraxa ayaa ahaa qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxa uuna haleelay gaari ciidanka boliiska ay wateen oo goobta marayay ahaa nuuca Cabdi bilaha loo yaqaano, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah iyo ciidankii qaraxu haleelay. inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday halka sedex kale ay dhaawacmeen oo ka mid ah uu yahay ciidamada booliska Soomaaliya. ciidama oo goobta soo gaaray ayaa riday rasaas mana jiraan wax qasaaraa oo ka dhashay,ciidamada ayaana ka sameeyay goobta baaritaan ayagoo goobta lagu baadi doonayo dadkii qaraxa ku aasay , ilaa iyo haddana majiraan cid loo soo qabtay. Qaraxaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii Labaad oo maanta ka dhaca kudaha magaalada Muqdisho, ayadoo saakay barqadii uu qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeyso taalada Daljirka Daahsoon iyo xabsigii hore ee Godka Jilacow. Goobjoog News . inta Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Wafdi balaadhan oo ka socday Somaliland ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, kuwaasi oo halkasi ku yeeshay kulamo kala duwan. Wafdigan ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Wafdigan ayaa waxay kulamo la yeeshen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ee ku sugan magaalada Nairobi. Mas’uuliyiinta wafdiga reer Somaliland ayaa waxay warbixino ku aadan doorashooyinka siiyen safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, UK iyo kuwo kale oo saaxiib la ah Somaliland. Waxa kale oo ay safiiradaasi u sheegen sida Somaliland ay uga go’antahay inay sii wado horumarinta, maamulida iyo diyaarinta doorashooyin ku dhaca waqtigii loo cayimay. Dhinaca kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland shacabkeedu ay markale u qalmaan in la qabto doorasho si wanaagsan u dhacda, taasi oo gacan ka geysan karta degenaashaha iyo horumarka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com