-
Content Count
208,470 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo maalmihii ugu dambeeyay sii xoogeysaneysay, iyo go’ankooda dhabta ah. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn sheegay in labada dowladood looga baahan yahay inay cadeeyay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya labada dowladood. Isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu wanaagsanaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan inay dib u wanaajiyaan xiriirka labadooda u dhaxeeya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday inay Kenya ka qanciso halka cilada ka jirto, waxaana uu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in mowqifka Jubbaland ee khilaafka labada dowladood uu yahay inay ka xun yihiin. “Waad og tahay sanadihii ugu dambeeyay labada dowladood xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay, waxaa la rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka qanciso shacabka Soomaaliyeed sida dhabta ah ee ay wax u jiraan”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Kenya dhankeeda looga baahan yahay inay cadeyso waxyaabaha keenay inuu xumaado xiriirka labada dowladood u dhaxeeyay sanadihii ugu dambeeyay. Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo aan weli xal loo helin,hayeeshee dad badan ay ku baaqeen in wadahadal wax walba lagu dhameeyo. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka Jubbaland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Jubbaland.mp3Caasimada Online Xafiiska JUbbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay kooxo hubeysan degmada Dharkeenleey ay ugu geysteen laba qof oo la sheegay inay ahaayeen dad Shacab ah. Dadka Deegaanka ayaa shabelle u xaqiijiyay Rag ku hubeysnaa Bastoolado inay agagaarka Xaaji gaabow ee degmadaasi ku dileen Laba Ruux oo wada socday,kuwaaas oo mid ka mid ah ay aheyd haweeneey. Dableyda dilka geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxsadeen Goobta uu dilku ka dhacay. Sidokale Dadka deegaanka waxaa ay Radio shabelle u Sheegeen in labada qof ee la dilay,ahaayeen Ganacsato aad looga yaqaano degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ciidamo gaarey goobta dilka ayaa baaritaano sameeyay Idaacadda Shabelle oo la xiriirtay Maamulka Degmadda Dharkenley ayeysan u suurtagalin in ay hesho macluumad dheeraad ah oo ku saabsan dilalkaasi. Dhinaca majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN): – Waxaa sii kordhaya tirada dadka wax ku noqday qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyadoo xogihii u dambeeyay ay sheegayaan in tirada dhimasho ay gaartay 12qof, dhaawacuna uu intaa ka badan yahay. Dadka ku dhintay Qaraxaasi waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda federaalka Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaana geeridiisa ka taciyeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta inaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” Qaraxan oo ay masuuliyadiisa sheegatay Xarakadda Alshabaab ayaa wuxuu ka dhacay Bar Kontorool oo ciidamo ay ku lahaayeen afaafka xabsigii hore ee Godka Jilicow ee degmadda Boondheere ee Muqdisho. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibada ee Federaalka Axmed Ciise Cawad iyo howlwadeenada Wasaaradda ayaa ka taciyeeyay Geerida Wasiir Ceelaabe View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magacyada xubno katirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku dileen qarax Shalay barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay. Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ay ku dhinteen kuna dhaawaceen xildhibaano, wasiir hore iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka iyo wasaaradaha dowladda Qaarkood. Waxay sheegeen inay qaraxaasi ku dhaawaceen dadka kale ah:- Xildhibaan Ahmed Ismaaciil Shabeel Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir Xildhibaanad Maryan Cariif Sidoo kale ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dileen askar badan oo ilaalo u aheyd xildhibaanada iyo masuuliyiinta kala duwan ee ku sugnaa Goobta, iyaga oo sheegay in shan kamid ah ciidamada ilaalada u aheyd xildhibaan Maryan Cariif ay ku dileen Goobta. Wasiirkii hore ee Arrimada Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye ,Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Fanax, Yuusuf dheere Sargaal Nabadsugida ah , Tabane Agaasimha Wasaarada Qorsheynta iyo Faadumo Cali Raage oo aheyd sarkaalad sare ayay Al Shabaab sheegeen inay ku dileen qaraxii ka dhacay agagaarka Godka Jilacow. Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo tan iyo bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasi oo ay masuuliyadiisa Sheegtaan ururka Al Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qaraxaasi laga hortagay. Dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa kamid ah dad rayid ah oo degen guryo barakacayaasha dagaan oo ku dhow goobta ciidamada amaanka gaadiidka ku baaraan. Caasimada Online Xafiika Muqdisho Caasimada@live.com
-
Galkacyo (SMN): – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee Xukuumadda TAYAYN IYO TIIGSI ku doonayso horumarinta dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaaran u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo wafdiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf “Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Wafdigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug Kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo in danaha dowladda Kenya ee Soomaaliya uu halis sii galayo, islamarkaana ay ugu wacan tahay dowladda Soomaaliya. Maqaal dheer oo uu wargeyska The Star kaga hadlay xiisadda cusub ayaa wuxuu si qoto dheer kaga hadlay hardanka dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ee la xiriira cidda maamuleysa Jubbaland. Wargeyska The Star ayaa baahiyay in taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo heysta Baasaboorka dalka Kenya uu wadahadal kula jiray bilihii ugu dambeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladaha Ethiopia iyo Eritrea. Ujeedada Kulankaasi ayaa wargeyska wuxuu ku sheegay inay tahay in ciidamo ka socdo labada dowladood oo aan ka mid aheyn AMISOM lagu wareejiyo amaanka garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaalada Kismaayo, sida wargeyska uu qoray. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan AMISOM, islamarkaana Maamulka Jubaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya, Taliye ku xigeenka NISA, saraakiil ka tirsan NISA oo kala ah Cabdullahi Kulane iyo Zakariye Ismaaciil ayuu Wargeysku sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Jubaland looga saari lahaa Kenya. Dhinaca kale Wargeyska ayaa sheegay in Itoobiya oo ka faa’ideysaneysa fursad ay ku heli karto Dekadda Kismaayo ay aqbashay go’aankan. Marka la yimaado warbixinta uu wargeyska qoray ma jiro cadeymo kale oo arintaan muujinaya inay socdaan qorshahaasi, waxaana laga yaabaa inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda Kenya ee dhanka warbaahinta ku heyso dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallama xarrakada Alshabaab ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka xarrakada Alshabaab sida ay sheegayaan ilo milatari oo arrintaan si dhaw ula socday. Dagaalyahannadan oo si dhuumasho ah uga soo baxdsay kooxda ayaa sheegay inay kala kulmeen ciqaab iyadoo lagu marmarsiyoonayo sababo aad u jilicsan islamarkaana la geeyo aagga hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda. “Waxay u isticmaalaan dagaalyahannada Kenyanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ahba wax lagu ciyaaro iyagoo ku qasba qaraxyada ismiidaaminta ah, dagaalka lugta ee aagga hore ama loo dilo sababo la xiriira inay cadowga u jaajuusayeen” Waxaa hadalkaan laga soo xigtay dagaalyahanno dib uga soo laabtay xarrakada Alshabaab. Dagaalyahannadan Kenyanka ah ayaa u sheegay milateriga Kenya inay badankood kasoo baxsadeen magaalada Jilib iyo Bu’ale kuna sii jeedaan Lakta Belt. Kooxdan ayaa raadineysa inay gooni uga goosato Alshabaab islamarkaana ay sameeyaan koox madax-bannaan oo sii wadda jihaadka caalamka sida ay sheegeen. Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhawaan la dilay taliyeyaal saameyn xooggan ku lahaa xarrakada Alshabaab oo kasoo jeeda Kenya iyo ajaanib kale. “Dilalka loo geysanayo taliyeyaasha saameynta leh ee kasoo jeeda Kenya ayaa ku dhaliyey walaac xooggan dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaa jira walaac haysta dagaalyahannada Kenyanka ah ee Alshabaab kaddib dhimashadii Ahmed Iman Ali oo ku magac dheeraa Abu Zinira kasoo ahaa sarkaal ka tirsan Alshabaab kana soo jeeday dalka Kenya,” Sida uu sheegay dagaalyahan dib uga soo goostay Alshabaab. Iman ayaa ka mid ahaa taliyeyaal lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay xero Alshabaab ay ku leeyihiin Bu’ale dabayaaqadii bishii March ee sannadkan. Ka hor dhimashada Iman wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Alshabaab kuwaasoo si gaar ah ugu qaabbilsanaa saxaafadda iyo baahinta hadallada kooxda. “Geerida Iman waxay hoos u dhigtay niyadda dagaalyahannada ajaanibta ah ee Alshabaab ka tirsan waxayna yareysay in la helo dagaalyahanno kale.” Sida uu sheegay dagaalyahan kasoo baxsaday Alshabaab. Dagaalyahankan magaciisa qariyey ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Kenyan ah inay gaarayaan qoysaskooda si dib loogu celiyo dalka Kenya. Tiro badan ayaa horey dib uga soo laabtay Alshabaab kuwaasoo hadda la dhaqan celinayo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN): – Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay usoo baxdey wareega 8 dhamaadka Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii ay xalay tartanka oo lagu gudajiray iskaga baxdey Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, sababo laxiriira Isgaarsiinta ay kala socdeen oo go’day. Gudiga Tartanka oo isku dayey in uu sameeyo xal ay Tartankooda kusii wadan karaan inta ka harsan Tartamayaasha labadda Degmo ayeysan u suurta galin, maadama ay Baraawe garwaaqsatay in dhibcaha laga horeeyo. Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Xalay ee Tartanka Degmadda Howlwadaag oo labaddii kulan ee hore tartanka guul ka gaartay ayaa hadda usoo gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka. Caawa waxaa fooda isdari doona Tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo kawada tirsan Groupka A waxaa ayna Degmaddii soo baxda wareega 8 dhamaadka kula midoobi doonta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-23052019.mp3 View the full article
-
The small-business owner sold food products in bulk to support his family while paying his way through university. His education, ambition and management skills landed him a job in regional government, where he worked his way to the top job. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi. Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah. Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Masuuliyiinta ka socotay dhanka Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin. Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha hoggaanka u haaya iibinta 50 Blocs oo ka mid ah dhulka laga helay Shidaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in malaayiin lacag ah ay siiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Caasimada Online ayaa ogaatay in intii u dhaxaysay 20-ka Febraayo 2019 ilaa May 11-keeda ee 2019 ay labadaan Shirkadood bixiyeen lacag ku dhow 8 milyan oo dollar, lacagtaas oo toos loo siiyay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Lacagtaan ayaa ku timid dalab ka soo baxay dowladda Soomaaliya, iyadoo u sababeysay in dhaqaalo xumi heysato Dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga jartay deeqihii dibadda tan iyo markii ay eryeen Nicholas Haysom, sida ay ogaatay Caasimada Online. Lacagta ay codsatay Dowladda Soomaaliya waxay kaloo qayb kamid ah ku sheegtay in ay u isticmaali doonto fududeynta taaba gelinta Sharciga Batroolka si wada-ogol ugu meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku sheegtay in looga maarmi karo dowlad gobaleedyada. Shirkadahaan ayaa 2 jeer kala bixiyay lacagahaan iyagoo fulinaya dalabka dowladda Soomaaliya. Qof ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xogtaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay in habeenno badan uu kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya xili saq dhexe ah kulamadaas oo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday. Kulankii ugu dambeeyay waxa uu dhacay 7-dii bishaan waana markii la bixiyay lacagtii ugu dambeysay ee Shirkadahaan. Waxaa la aaminsan yahay in lacagtaasi lugu kala iibsaday codka Baarlamaanka si loo Ansixiyo Sharciga Batroolka Soomaaliya. Shirkadah Spectrum iyo Som Oil and Gas ayaa lacag badan u huraya barnaamijka ku saabsan Batroolka Soomaaliya si ay uga gaaraan guulo wanaagsan iyo rabitaankooda ku aadan Kheyraadka Badda ee Soomaaliya iyadoo laga faa’ideysanayo kala qob qobnaanta Soomaali. Damaca Shirkadahaan waxa uu soo bilaawday Xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ilaa hadda ayeyna Madaxweyne walba iyo Raysal Wasaare kasta kala hadlayeen batroolka Soomaaliya, laakiin hogaamiyaashii hore kuma dhiiran in ay rabitaankooda u yeelaan ilaa Soomaali ay ka heshiiso arimaha dhaxyaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Reuters) - Somalia has criticized neighboring Kenya for deporting two Somali lawmakers and a minister after authorities in Nairobi blocked them from entering the country. Source: Hiiraan Online
-
U.S. Travelers Can Now Use ePassport Lines at U.K. Airports
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Getting through Heathrow just got a whole lot easier for travelers from 7 countries. Source: Hiiraan Online -
Kismayao (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay diideyn in ay ka baxaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda magaalada Kismaayo kadib dalab uga yimid howlgalka AMISOM. Saraakiishaan oo mid ka mid ah ka tirsan la-taliyaasha sare ee dhanka amaanka ee Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay warqad u qoreen Taliska AMISOM una sheegayn in aysan ka bixi doonin Kismaayo iyagoo ku micneeyay dalab uga yimid Axmed Madoobe. “Saraakiisha waxay qoreen Warqad ay ku cadeynayaan in aysan hada ka bixi karin goobaha loo cayimay sababta waxay ku sheegayn in uu ka dalbaday Axmed Madoobe una baahan yihiin in la siiyo waqti ilaa sanadka cusub” ayuu yiri Sarkaal aan la hadlanay oo ka tirsan Jubbaland. “Ujeedada socdaalka wakiilka Midowga Africa ee talaadadii waxay aheyd sidii arintaasi loogala hadli lahaa Axmed Madoobe waxaana jira qodobo ay ku heshiiyeen” ayuu yiri Sarkaalkaan aan la hadalnay. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaba aragti ah in hadii ay Ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo ay halis ku jirto damaciisa siyaasadeed ee hogaanka Jubbaland sanado kale. Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa u aragta in ay khasaare xoog leh wajihi doonto hadii ay Ciidamadeeda baneeyaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda Kismaayo oo ah 3 rug ee ugu muhiimsan Kismaayo islamarkaana ay dagan yihiin Ciidamada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Waxaan wada ognahay in xadhigii siyaasadeed ee ka dhaxeeyeeyay Dalkeena iyo Kenya uu maalinba maalinka ka dambaysa sii wiiqmayo ayadoo lawada ogyahay halka uu salka ku hayo culayska siyaasadeed ee Kenya saartay dalkeena. Waxaan wada ognahay inay Kenya mar horaba ku tala gashay inay diidmo qayaxan kala hortagto go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ oo guul siin kara soomaaliya. Kenya waxay wadaa qorshe ah ku qabso ku qadi mayside waana sababta ka dambaysa inay dhawr jeer oo hore ku fashilantay inay madaxda somalida ka dhaadhiciso inay hawsha qaab hoose kuwada dhamaystaan, taasoo noqon karta in biyaha badda ee muranku ka taaganyahay loo kala qaato 60% oo soomaaliya qaadato halka Kenya 40% qaadanayso. Go aankaas wuxuu u muuqdaa mid Kenyaaku kaga hortagyaan inay bad la’aan kusoo dhacaan maadaama hadii soomaliya ku guulaysato kiiskan ay Kenya kusoo dhacayso bad yari taasoo la micno ah in maraakiibta doonaya inay ku xidhaan dekedaha Mombasa iyo Lamu ee Kenya fasax kasoo qaataan soomaaliya iyo Tansania oo ah labada wadan ee xuduud badeedka ay wadaagaan Kenya. Maxaa Xilligaan kusoo aadiyay Buuqa iyo Muranka Kenya Bilowday? Waxaa soo dhawaaday xilligii lagu dhawaaqi lahaa natiijada gal dacwadeedka arinta badda ee taal maxkamada ICJ. Waxay kaloo Kenya sii ogtahay inaysan marnaba ku guulaysan Karin kiiskan, sidaa daraadeed Kenya waxaa hortaal labo daran mid dooro. 1: Inay iska aamusto go aanka maxkamadana aqbasho sidaasna ku noqoto wadan aan xorriyad badeed buuxda haysan. Iyo 2: Inay ka gilgilato arintaas una marto dariiqo kasta oo ay wax ku dhacsan karto. Waana mida danbe halka Kenya ka duulayso. xilligaan Kenya waxay qorshaynaysaa inay sii laba jibaarto cadaadiska diblimaasiyadeed ee ay ku hayso dawlda curdankaa ee soomaaliya oo ay isleedahay way u nuglaan kartaa cadaadis siyaasadeed ka awood wayni haduu qabsado. Waxay Kenya quudaraynaysaa inay arintu faraha ka baxdo kolkaasna soomaaliya ku dhaqaaqdo go’aamo lagu degdegay ama xamaasadi ka danbayso taasoo keeni kara in arintu gaarto in lasoo dhex galo labada dale ee jaarkaa, waana halkaas meesha Kenya u socotaa waxayna doonayaan in lasoo dhex galo arintana lagu dhameeyo xaal mastuur. Maxaa Dawlada Iyo Shacabka Soomaaliyeed La Gudboon lagana filan karaa? Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad shucuurtoodu deg deg ku kacdo waxay mar damcaana haday gacmaha is qabsadaan waqti yar kaga jawaab bixin kara. Waxaa taas lagu ogaaday xilligii wadanku kujiray gumaysiga oo dadka soomaaliyeed inyar maahee intooda badan gacmaha isu qabsadeen siday wadanka u xorayn lahaayeen. Maanta oo wadankeenu uusan lahayn dawlad awood badan leh ama ku filan difaaca dalka waxaan shacabka soomaaliyeed oo aan kamid ahay ka fili karaa inay garab istaagaan dawladooda mucaraad iyo muxaafad, yar iyo wayn, aqoonyahan iyo jaahil, askari iyo shibil dhamaan ayadoon loo kala hadhin waxaa waajib nagu wada ah inaan garab istaagno dawladeena kuna caawino sidii loo difaaci lahaa sharafta iyo karaamada qarankeena. Maantoo kale maahan maalin la yiraahdo hebel mucaarad baan ku ahay iyo isku siyaasad maahin, maantoo kale maahan maalin la fiirsho cida hogaanka dalka haysa qabiilkeeda, maatoo kale maahan maalin la fiirsho dhulka la isku haysto qabiilka dagan, maantoo kale maahan maalin cadawga lala kala safto daba dhilifna loo noqdo. Maanta oo kale waa maalintii xoriyada aan u dagaalamaynay waa maalintii awoowayaasheen iyo ayeeyooyinkeen u hureen dhiigooda si aan inagu xoriyad ugu noolaano. Dawlada somaaliya waxaan ka filli karaa inay daganaan iyo bisayl siyaasadeedkii kol hore ay muujisay ay mar labaad muujiso kana digtoonaato damin kasta oo lagu budhbudhin karo ama lagu carqaladayn karo jawaabta kasoo bixi karta maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ. Madaxda soomaaliyeed waxaa la gudboon inay la tashiga badiyaan ee aysan qol mugdi ah isku soo xidhin lana aamusin masiirka ummadeed ee ay ay alle hortiisa kaga dhaarteen. Maantoo kale waxay ku qurux badnaan lahayd in madaxda dalka hogaamisaa meel iska dhigaan kala duwanaanta siyaasadeed iyo is nacaybka dhex yaal iyaga iyo mucraadka iskuguna yeedhaan dhamaan wax garadka, aqoonyahanka, dhalinyarada, siyaasiyiinta xisbiyada hogaamisa, hogaamiyayaasha maamul goboleedyada, saraakiisha ciidanka ee khibrada fog leh, diblimaasiyiinta dibad jooga ah ee aan dawlada ka tirsanayn iyo madaxdii hore ee dalka soo martay. Kolkay intaas oo soomaali ah hal miis iskugu gayso lana wadaagto meesha wax marayaan iyo qorshaha dawlada uga dagsan arinta hortaal kana codsato in kala duwanaanshaha siyaasadeed ama qabiil meel la iska dhigo laguna mintido difaacida qaranka.waxay taasi horseedi kartaa isku duubni mug wayn oo sababi kadha in guul siyaasadeed iyo mid difaacba lagu gaaro iyo in kalsoonida shacabka iyo dawladu noqdo mid aan la loodin Karin. Furasad Dahabiga ah ee Hortaala Soomaalida, maka faaidaysan doonaa mise waan dayici doonaa? Waxaan shaki kujirin in daadaansiga Kenya uu sabab u yahay awood yarida iyo kala qoqobnaanta dhex taala soomaaliwayn. Wuxuu dalku u qaybsanyahay dhawr maamul goboleed oo mid walbaa dantiisa gaadhkaa fiirsanayo shisheeyana u loogayo dalka, qaarkoodna inay go’ayaan ku dhawaaqeen iyo caasimadii oo kaligeed la daalaa dhacaysa hagardaamada iyo qaraxyada Al-shabaab iyo jilaafooyinka shisheeyaha aan doonayn in Xamar mar labaad noqoto caasimadii ummada soomaaliyeed ee nuurkeedu Africa wada gaadhi jiray. Dhawrkaas qodob iyo kuwo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sababay in dalkeenu horumar balaadhan gaadhi waayo cadawguna ku dhiirado dhaca xoolihiisa. Hadaba maanta oo dalkeenu ku suganyahay khatar amni mid difaac, boob hantidiisa lala damacsanyahay iyo hagardaamooyin kale oo badan waxay dhamaantood noqon karaan fursado ay naadir tahay in la iska indha tiro. Daandaansiga badeed ee Kenya iyo xulufadeedu wadaan waxay soomaalida u horseedi kadhaa waa-cusub oo ifaya, kacdoon shacab iyo dawlad isku duuban oo wada jir uga dhiidhiya hujuumka cadawga. Waxay fursadani noqon kadhaa mid soomaalida midaysa mar labaad kana saarta kala qaybsanaanta iyo is nacayba. Waa tii Abwaankii soomaaliyeed gabayga ku lahaa “Hadii labo dhurwaa hilib dhex maro waaku diriraane’’ ‘Ase waxay hishiiyaan markuu dhidir u muuqdaaye’’ Hadii soomaalidu noqotay waraabahaas oo kale oo ay hishiin waayeen barwaaqada dalkooda taalana kawada faa’idaysan waayeen ugu yaraan waa inaysan waraabahaas ka caqli xumaan ee ay hishiiyaan markay dhidirka(Kenya) kusoo socda oo xoolohooda inuu dhaco raba arkaan. Fariin ku socota aqoonyahanka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan: Aqoonyahanku waa hantida maguurtadaa ee dal kastaa leeyahay, waa midhaha guusha ee dal kastaa ku faano waa badbaadiyaasha dalka markuu xaalad cakiran galo, waa hindisayaasha qorshayaasha badbaadada qaranka. Waa miidii ummada waana kuwa dalkaan samata bixin kara haday adeegsadaan aqoontooda iyo caqligooda meelna iska dhigaan qabiilka iyo siyaasada. Aqoonyahanka soomaaliyeedoow kama liidataan kuwa Kenya ee u tafa xaytay inay dalkooda usoo dhiciyaan badeena, dhamaan wargaysayda,Tv-yada, baraha bulshada iyo meelaha lagu qabto dood cilmiyeedyada waxaad ku arkaysaa aqoonyahan Kenyan ah oo dadkooda fahamsiinaya qaabka dawladooda ay u garab istaagi lahaayeen, iyagoo dadkooda fahamsiinaya siday xaqa ay ku doodayaan u dhacsan lahaayeen, waxaad arkaysaa inay mar horaba diyaariyeen maskaxda shacbka reer Kenya kana dhigeen shacab u diyaarsan dagaal kasta oo Kenya la gasho Somalia. Maxaa aqoonyahankeena ka hortaagan inay ficilkaas mid lamid ah ama ka xoog badan la yimaadaa wadankoodana difaacaan? Waxaan aaminsanahay in aqoonyahanka somaalidu ka karti iyo dadnimo yarayn kenyanka balse ay naga wadanisanyihiin. Gabagabadii waxaan shacabka sharafta badan ee somaaliyeed ugu baaqayaa inay dalkooda difaaciisa u midoobaan dawladoodana garab istaagaan Kala qaybsanaanta iyo isnacaybkana iska saaraan kana faaidaystaan fursadan dahabigaa ee kenyanku na soo hordhigeen. Wabilaahi Tawfiiq. W/Q: Dr. Ali Abbas Yusuf Gaalkacyo, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Moscow (Caasimada Online) – Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono” Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Dawladda Federaalka waxay isniintii ka gudubtay caqabadii ugu weynayd ee dhanka horumarinta shidaalka lagu tuhmo Soomaaliya. Lagu tuhmo ayaan lee yahay, ma jiraan ceelal la qoday oo shidaal ka soo burqaday ama shidaal ganacsi gali kara lagu arkay bad iyo berri ba, laga soo billaabo dhammaad kii 50 meeyadii illaa maanta. Ilaa hadda shidaal ka la sheego, waa qiyaas ku salaysan inuu jiro sistam shidaaleed: lakabyo dhagaxeed dherer iyo mug badan leh oo ay ku jiraan dhagaxda khayraadka dhala – shale ama sandstone, iyo dhagaxda kaydinaya shidaalka sida sandstones(quartz sand or arkosic sandstone), iyo carbonates sida limestone ama dolomite). Waxaa kaloo muhiim ah inuu jiro qaab-dhismeed dhulka dhex diisa ka jiro, oo suurta gelinaya inuu kaydiyo shidaalka: anticlines, faults, iyo siriqyo-lakabeed (traps). Dhinaca kale, dushaa waa inuu daboolaa kaydka shidaaleed dhagaxaan sida shale ama cusubo dusha ka dahaarta. Intaas dhammaan tood waa lagu arkay Soomaaliya. Dhammaan intaasi Soomaaliya way ka jiraan; waana laga helaa. Maxaa xiga oo la sammayn karaa si shidaalka loo soo saaro? Waxaa xiga qodaal, laakiin shirkadaha shirkadaha qodo shurudahaan ayay u baahan yihiin in Soomaaliya ay ka jirto: Xasilooni siyaasadeed iyo inay jirto xukuumado la saadaalin karo (predictable governments). Inuu ka jiro Soomaaliya jawi siyaasadeed, dhaqan-dhaqaaleed oo u sahlaya shirkadaha inay maal gashtaan (dhaqaale furan – liberalised economy, iyo waddan aan lahayn musuqmaasuq, ama musuqa uu yar yahay. Inay jiraan siyaasado, sharciyo iyo xeerar-hoosaadyo ku aaddan sahlidda hawlaha shidaalka iyo inuu shidaalka waddanka inuu lee yahay qaab-dhismeed ka la yaqaano, oo kala soocaya hawlaha: Wasaarad ku kooban siyaasad sammayn, dul-ka-hagid (oversight), Hayadda Nidaaminta hawlaha shidaalka, iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka. Mid kasta waa inay dheeshaa kaalinta saxa ah, shaqadana laysku qabsanin. Hawsha sida ay u socoto waxaa daba-gal shirkadaha ku sammaynaya Hay’adda Nidaaminta Shidaalka. Shirkadaha waxay rabaan inay galaan heshiis iyaga faa’iido badan ugu jirto. Soomaaliya dhawaan waxay sammaysay Heshiis Model ah oo loo yaqaan Heshiiska Soo-saar Wadaagga oo shirkad kasta dan ka leh Soomaaliya inay ka soo saarto shidaal lagula heshiinayo. Heshiis kan wuxuu suurta gelinayaa inuu soo jiito shirkadaha (attractive and competitive); isla markaana wadanka maslaxa diisa ay ku jirto. Dawladda Soomaaliya maxay ka rabtaa shirkadaha inay ku sifoobaan? Shirkadda lala saxiixdo Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement) inay muddo lix bilood ah ku shaqo gali karto. Shirkadda waa inay wadataa shirkadaha kale ee shaqada la geli kara; haddii kale way iska fadhinayaan sannado badan iyagoo raadinaya shirkad lamaane ah oo la wadaagta shaqada. Shirkadda heshiiska la galaysa waa inay tahay shirkad taariikh wanaagsan leh, oo lagu yaqaano hawlaha shidaalka inay waddamo kale ka fulisay si dhib la’aan ah. Waa inay leedahay khibrad xoog leh, dhinaca ka sahqaynta badda. Shirkadda waa inay awood dhaqaale (financial capability) ay hawlaha shidaalka ku fuliso lee dahay iyadoo dhaqaale yari hawsha u istaagaynin. Soo-saarka shidaalka badda moolka ah aad buu qaali u yahay. Shirkadda waa inay awooddaa inay bixin karto lacag rahan ah (Bank Guarantee) ka dhimanaysa haddii shaqadii ceel-qodidda ama hawsha 3-D seismikada aan la qabanin. Shirkadda waa inay leedahay awood farsamo (technical capacity) oo badda mool ka ah ay kaga soo saari karto shidaal. Shirkado tiro yar ayaa awooda hawsha inay ka qodaan shidaal bad aad mool u ah. Shirkadahee diayaar ah oo Soomaaliya sahan, shidaal-qodid iyo soo-saar ka sammayn kara iminka? Shell-ExxonMobil: Waa shirkad weyn (Consortium) ah oo heshiis la gashay the Democratic Republic of Soomaaliya sannad kii 1988; waxayna kula heshiisay Soomaaliya inay ka baarayso, soo-saarayso shidaal badda aan moolka ahayn ee berriga u dhow ee u dhexaysa Bandar Bayla iyo Marka. Heshiis kaasi waxuu ahaa nooca concession ka, wuxuuna u baahan yahay in loo beddelo nooca Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA). Hadda waxay bixisaa Shell-ExxonMobil tabarrada si kor loogu qaado awoodaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo lacaga ijaarka ku aaddan halkii km2. Isku darka Shell-ExxonMobil, shirkaddan waxay tahay shirkadda dunida ugu weyn ee shidaal soo saarta. Waana shirkado laga lee yahay USA (ExxonMobil) iyo Netherlands (Shell). Shirkadda Soma Oil and Gas (u xuubsiibatay magaca Coastline Energy Corporation) waa shirkad hormuud ka noqotay hawlaha shidaalka Soomaaliya goor Soomaaliya shidaal keed aan la hadal haynin. Waxay ka hawl-gashay baaristii ugu horraysay lagu sahminayo badda Soomaaliya. Xogaha shidaaleed ee la ogaaday hadda waxay qeyb-weyn ka dheeshay Soma Oil and Gas. Shirkaddii hore waxaa gatay dad kale oo magaca ka beddelay, laakiin waxaan la ogeynin awoodeeda dhaqaale, farsamo iyo khibradeeda (markaan Google adeegsaday). Soma Oil and Gas waxay la gashay Soomaaliya heshiis ah inay sammayso baaris; laguna siiyo maalgelinta ay ka sammayso dhinaca baarista balookyo shidaaleed oo 12 ah. Heshiis kaasi waxaa galay Mudane Cabdirisaaq oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah, waagii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka talinayay Soomaaliya. Hadda waxaa la joogaa goortii Coastline Energy la siin lahaa xirmooyin (Block yadii and PSA yadii). Tirada block yada la siin doono, waxay u taallaa dawladda Raiisul Wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre; laakiin waxaa jira heshiis u baahan in la xurmeeyo. Shirkaddaan waa Reer Galbeed (Share ugu badan qofka leh ayay ku xiran tahay). Liberty Petroleum (ama Petro Quest) waa shirkad heshiis la gashay Galmudug tii hore, xoogaa yar oo maaliyad ah ayaa kaga baxday shirkadda Soomaaliya. Dhowr jeer ayay wada-hadallo la gashay Wasaaradda Batroolka oo la diyaarisay Heshiis PSA ah oo aan la saxiixin oo qabyo looga tahay. Shirkadda Liberty Petroleum waxay xiisaynaysaa badda Galmudug iyo tan Baraawe, ee Koofur Galbeed. Waa shirkad Mareekan ah. Waxaa kaloo jira shirkado tiro badan oo xiiso iyo xawaare xoog leh ku socda oo raba inay ka qeyb galaan tartarnka qandaraas yada lagu furay London bishii February. Shirkada haasi. Shirkada haasi waxay isugu jiraan Reer Galbeed, India iyo China. Haddii lagu guulaysto sannad kan heshiisyo PSA ah in shirkado lala galo, waxaa hubaal noqon doonto in Soomaaliya ay leedahay shidaalka lagu tuhmayo iyo in kale. Waxayna kala caddaan doontaa ka gadaal marka la qodo ceelal dhowr ah. Waxaa kaloo ka soo gali doona lacago intay baarista iyo ceel-qodidda socoto iyo dhaqdhaqaaq shirkado Soomaaliyeed oo la jaan-qaadi doona Shirkadaha Shidaalka baaray. Dhinaca kale dhalin yaro ayaa shaqo ka heli doonta. Gunaanad hawshii ansaxinta Sharciga Shidaalka ee shalay wuxuu gundhig u noqonayaa hawlo kale oo soo raaci doona oo lagu sahminayo, lagu qodayo shidaalka iyo lagu hormarin doono khayraadka Soomaaliya. Waa iftiin yar oo rajo ah oo ka soo dhex-muuqday muddo badan oo taneel mugdi ah la dhex marayay.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay inay suura-gal tahay in shacabka Hargeysa mar dambe looga taliyo Xamar. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo gooni isu-taaga ay Somaliland weli la baadi-goobeyso ictiraaf. Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la oran jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi ‘Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaasi oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi'”. “Markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18-may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa” “Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta, hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato” “Maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan ‘Geel-jire’, ayaa Guddoomiyaha xisbiga Waddani ka difaacay eedeymo uga yimid Madaxweyne Muuse Biixi. Geel-jire ayaa sidoo kale waxa uu naqdiyay qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay shacabka hargeysa munaasibadii 18-May, taasi oo uu ku tilmaamay khudbad xisbi oo olole doorasho ku jira. Siyaasi Geel-jire oo wareysi gaar siinayey mid kamida telefishanada soomaalida, ayaa waxa uu ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri “Khudbada madaxweynaha waxaan ahaa dadkii ka rajaynayay in Madaxweynuhu fursadan ka faa’iidaysto oo uu jeediyo khudbad maalinta qaranka u qalanta oo kalgacal ku dheehanyahay oo dadka ururinaysa oo midayneysa oo isu soo dhawaynaysa quluubta shacabka oo kooban”. “Waxaan barteyda facebooka ku soo qoray wada jir ka hadal madxweyne oo ku tun-tuunso wada jirka umadda iyo niyad wanaaga khudbadaada soo socota, laakiin markaan dhagaystay nasiib darro kamaan helin wixii aan ka sugayay aniga iyo dad kaleba, waxaanay u eekayd khudbad xisbi oo xisbi olole ku jira, waxay ahayd khudbad aan waxba ka qaban kala qaybintii dadka ku dhacday iyo tabashooyinkii jiray”. “Madaxweynuhu wuxuu ka bilaabay bilowga khudbadiisa heestii waabaa beryay oo laba bayt ah, wuxuunan carabka ku sii xejiyay kuwii ‘Kuwii ka baydhee, bahdooda ka leexday waa baaba’ooda.’ inuu qaybtaas dambe jeclaa ayaad moodaysay”. Wuxuuna intaas ku daray “Xisbi dhan (Waddani) oo ilaa 10 qof oo madaxdooda ahi fadhiday oo guddoomiyihii ku jiro muu magacaabin inay fadhiyaan, iyagoo fadhiya ayuu guddoomiyahoodii eeddo halkaas uga jeedinayay dadkana wuxuu lahaa taageerayasha Waddani iyo inta kale ayuu u kala qaybinayay”. “Madaxweynuhu muu lahayn umadda Somaliland ee uu masuulka ka wada yahay, iskumuu wada qaadin ee dad kala jaada ayuu tilmaamay oo qaarna taageerayasha Waddani yihiin inta kalena dad kale yihiin”. “May ahayn khudbadii dadka isu keeni lahayd, ee dadkan isu soo dhawayn lahayd, waxa kale oo iiga muuqatay arrinta doorashada inaanu si daacad ah uga waramin ee mawqifkii isaga iyo xisbigiisa kulmiye iyo UcId wada gaadheen ayuun buu ka dhigay tanaasul uu isagu sameeyay” “Mana ahayn tanaasul ee waa mawqif uu gaadhay oo wixii ay Waddani doonayeen kamuu jawaabin, markaas anigu wax alaale wax ay soo kordhisay oo ahinaynu ahayn sidii maalintii ka horaysay aynu ahayn, wuxuun baa faraq ah dadka dabaal degayay ee waddaniyada jecel ee aynu ka mid nahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa hogaamiyaha cisbiga Ucid eng Faysal CLi waraabe. Kulankaasi oo ahaa mid qarsoodi ah ayaan si dhab ah loo ogeyn waxa looga hadlay. Siyaasiinta mucaaradka ah oo kusugan Nairobi ayaa ka wada kulamo kula duwan. Puntland Post The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasiirka Arimaha gudaha Iyo Feysal Cali Waraabe oo Kulmay appeared first on Puntland Post.