-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xiisadda ka taagan gobolka Sanaag iyo dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaasi, iyadoo lagu waramayo in ciidamo maleeshiyaad ah ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Sanaag. Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa kulan deg deg ah ka leh xiisadda kasoo cusboonaatay deegaanada gobolka Sanaag, iyaga oo kulankooda kadib soo saari doono waxyaabaha kasoo baxa. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Maleeshiyaadka ah ay la wareegeen deegaanka Badhan iyo deegaano kale oo hoostaga, waxaana ciidamadaasi la sheegay inay ka amar qaadanayaan Puntland. Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dhawaan tegay deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,hayeeshee waxaa dagaal kala hortegay Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,taas oo keentay in maleeshiyaad hubeysan ay deegaankaas tagaan. Kulanka golaha wasiirada ayaa waxaa warbixin looga dhegaysan doonaa xubno uu kamid yahay wasiirka waxbarasahda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo xilli uu kormeer kujirey ay ciidanka Somaliland isku ku dagaalameen deegaamo kuyaal duleedka Ceerigaabo. Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag waxaa isku heysta Maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana marar qaarkood ka dhac dagaalo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan labada dhinac oo isku haysta cida maamulaysa. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Militant group Al Shabab exploded a suicide car bomb and killed at least nine people, including Somalia’s former foreign minister, near the presidential palace in the capital on Wednesday, police said. Former foreign minister Hussein Elabe Fahiye, who was an advisor to the current president, was among those killed in the blast. Another 13 people were wounded and most of the casualties were soldiers. Al Shabab said in a statement it had targeted a convoy escorting officials and lawmakers heading to the presidential palace. “A car bomb blast struck at a checkpoint near Daljirka; there are some casualties including members of the security forces,” said security official Abdukadir Ahmed after the attack in the south of the city. “I saw the bodies of three people among them a military woman,” said witness Mohamed Saney. “Several vehicles were destroyed in the blast and ambulances rushed to the scene to collect wounded people.” “In the past, I was wounded in this area, and again today my daughter has been killed in this attack which also destroyed my home. This is terrible,” witness Madey Ahmed said. Amid the crumpled vehicles and tangled metal roofing, a small corps of yellow-vested workers carried bodies and began sweeping the dusty street. Al Shabab militants have been fighting for more than a decade to topple the government. They fled positions they once held in Mogadishu in 2011, and have since lost many of their strongholds. But they retain control of large rural swathes of the country and continue to wage a guerrilla war against the authorities. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay sharciga Baatroolka ee dhowaan ay ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona sheegtay in sharcigaasi uusan sinaba u quseyn maamulkeeda. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo ka hadlayey arrintaasi, ayaa waxa uu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid lagu cunaqabateynayo Somaliland oo ay u arkaan dagaal dhaqaale. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay markasta caqab ku tahay horumarka Somaliland, isagoona sheegay in sharcigaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn shirkadaha batroolka ee maamulkoodu la galay heshiisyada. “Wixii Soomaaliya ay qabsaneyso ee shacabkeeda ugu daneynayso oo ay isku raacsanyihiin, anagu waxba kama qabnee waanu ku hambalyeeynayna, laakiin waa Soomaaliya, wad ogtihiin oo caalamkuna wuu ogyahay Somaliland xoriyadeedii 1991-kii ayey lasoo noqotay, Somaliland Federaalka Soomaaliya kuma jirto, markaa sharciyan iyo siyaasiyan labadaba Somaliland kuma jirto” ayuu yiri Wasiir Jaamac Cigaal. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waa kayaan jira oo heshiisyo la gala Caalamka, wey isku dayeen inay bur-buriyaan ama la dagaalaman heshiisyada caalamka ee hore loo galay, Dowladan daala-dhaceysa ee Farmaajo wey isku deyday inay la dagaalanto horumarka u soo kordhaya Somaliland iyo heshiisyada ay gashayba, iyadoo malaha isleh cunaha goo ha baqtiyaane, laakiin wey u socon weyday”. Wasiirka ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee lagu dhisayo Xeerkaasi, aysan Somaliland waxba uga jirin, isagoona ka dhawaajiyey in marka hore Koonfurta Soomaaliya ay sameysato wax ay iyagu u dhanyihiin. Sharciga Batroolka ee Somaliland ay iska fogeysay ayaa waxa hore muran badan ka keenay maamuul goboleedyada dalka, kuwaasi oo si cad uga horyimid. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Puntland and Galmudug states of Somalia have jointly agreed to cooperate on security following a high-level meeting in Galkayo on Wednesday. The leaders of the Puntland and Galmudug state, Said Abdullahi Dani and Ahmed Duale Gelle have held talks in northern part Galkayo town. According to the communique issued late Wednesday, the leaders discussed wide ranges issues affecting both states. Among the issues discussed is security, means to resolve recently clashes in villages on the border of the states and politics. The two leaders agreed to work on enhancing both states and collaborate against challenges facing the states. Both sides accepted the completion and implementation of security agreements which previously inked by the states. The communique called for immediate mediation of rival clans in the villages on the border. A joint ministerial committee from both sides to work on security and political issues will be formed, according to the communique. Galkayo is divided into two zones, where the northern portion forms part of Puntland state, while its southern part is governed by the Galmudug administration. View the full article
-
Sharciga shidaalka ee todobaadkan ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, qodobkiisa 9aad waxaa uu sheegayaa iney waxba kama jiraan tahay heshiisyada shidaalka ee ay saxiixeen maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012. Qodobka 9aad: Shirkadaha Batroolka Horey uga Haystey Heshiis Dawladda Soomaaliya Dhamaan heshiisyada la xiriira batroolka ee lala saxiixday maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012, waa waxba kama jiraan. Dhamaan heshiisyadii ay wada saxiixdeen shirkadaha ajnebiga iyo Dawladda Soomaaliya wixii ka horeeye 1991 waxaa loo tixgelinayaa inay yihiin heshiisyo jira iyagoo tixgelin wanaagsan la siinayo. Haddaba, Goobjoog News baaritaan ay sameysay waxaa lagu ogaadey in sharciga uu baabi’inayo heshiisyo ay horay u galeen TFG-da Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo dhammaan qansaraasyo la saxiixday shirkado ajnabi ah inta u dhaxeysay 1991-2013-kii. TFG-da Sheekh Shariif: Shirkad lagu magacaabo Tembo Petrolium ayaa sanadkii 2012-kii waxaa ay gorgortan la gashay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo dooneysey ceelal shidaal oo ku yaala Jubbaland, lama oga inuu saxiix dhacay, laakin wada hadalka xilligaas waxa auu gaaray meel fiican. Somaliland: Somaliland waxa ay ilaa hadda saxiixdey 4 qandaraas oo shidaal laga soo bilaabo sanadkii 2008 illaa 2013-kii. Shirkaddii ugu dambeysey ee heshiiska lala saxiixay waa tan Yemen laga leeyahay ee magaceedu yahay Ansan Wikfs taasi oo la siiyey ceelasha kala ah 14aad, 15aad iyo 7aad, waxayna bixisey $1.8 milyan doolar oo canshuur ah. Shirkadaha kale waxaa ka mid ah: Genel Energy Plc, RAK Gas LLC oo laga leeyahay Imaaraadka, tan Oslo, Norway ku taala ee DNO International ASA iyo mid Shiino laga leeyahay oo macdanta qoda. Puntlnad: Heshiiskii shidaal ee ugu horeeyey waxa ay Puntland saxiixday sanadkii 2005 kaasi oo lala galay shirkadda Range Resources , taasi oo markii dambe heshiiska loo balaariyey lagana dhigey mid wax soo saar sanadkii 2007-dii, halkii markii hore uu ahaa baaris oo kaliya. Markani waxaa bah wadaag la noqdey shirkadda kale ee Canmex Holdig oo laga leeyahay jasiiradda Barmuuda ee Canada, waxaa kale oo qandaraas kale ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ION si ay u samayso sahan xagga badda ah, una soo uruuriso macluumaadka kheyraadka shidaalka ee gunta badda ku jira Xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaa jiray safaro uu maamulkiisa ugu baxay Mareykanka iyo meelo kale, laguna saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin warshada sifeeye shidaalka. Galmudug : Shirkad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Liberty Petroleum oo ay leeyihiin labo nin oo walaalo ah, midkoodna uu markii dambe uu xildhibaan ka noqdey aqalka Congresska, Maraykanka oo lagu kala magacaabo Trent Franks iyo Lane Franks ay heshiis shidaal la saxiixday madaxweynihii Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid bishii Feberaayo sanadkii 2013-kii. Heshiiskani meesha lagula galay shirkadda waxaa horey dowladdii Siyaad Barre ay ugu saxiixday shirkadda Shell ee Holland laga leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in malayshiya-beeleed hubaysan ay saaka isku horfadhiyaan degmada Ceel Afweyn ee gobolkaasi Sanaag. Xiisad u dhexaysa laba beelood oo marar hore halkaasi ku dagaallamay ayaa sida la sheegayo dib u soo laabatay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay xalay dad shacab ah ku weerareen nawaaxiga degmada Ceel Afweyn. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkii xalay oo ay geysteen malayshiyaad ka soo jeeda mid kamid ah beelahaasi balse weli xog sugan lagama hayo. Malayshiyaadka labada beelood ayaa hadda isku horfadhiya togga lagu magacaabo Masle oo dhow degmada Ceel Afweyn waxaana laga qabsi qabaa in dagaal halkaasi ka qarxo. PUNTLAND POST The post Weerar ka dhacay Ceel Afweyn iyo malayshiyaad isku horfadhiya appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo maalmihii ugu dambeeyay sii xoogeysaneysay, iyo go’ankooda dhabta ah. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn sheegay in labada dowladood looga baahan yahay inay cadeeyay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya labada dowladood. Isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu wanaagsanaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan inay dib u wanaajiyaan xiriirka labadooda u dhaxeeya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday inay Kenya ka qanciso halka cilada ka jirto, waxaana uu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in mowqifka Jubbaland ee khilaafka labada dowladood uu yahay inay ka xun yihiin. “Waad og tahay sanadihii ugu dambeeyay labada dowladood xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay, waxaa la rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka qanciso shacabka Soomaaliyeed sida dhabta ah ee ay wax u jiraan”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Kenya dhankeeda looga baahan yahay inay cadeyso waxyaabaha keenay inuu xumaado xiriirka labada dowladood u dhaxeeyay sanadihii ugu dambeeyay. Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo aan weli xal loo helin,hayeeshee dad badan ay ku baaqeen in wadahadal wax walba lagu dhameeyo. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka Jubbaland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Jubbaland.mp3Caasimada Online Xafiiska JUbbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay kooxo hubeysan degmada Dharkeenleey ay ugu geysteen laba qof oo la sheegay inay ahaayeen dad Shacab ah. Dadka Deegaanka ayaa shabelle u xaqiijiyay Rag ku hubeysnaa Bastoolado inay agagaarka Xaaji gaabow ee degmadaasi ku dileen Laba Ruux oo wada socday,kuwaaas oo mid ka mid ah ay aheyd haweeneey. Dableyda dilka geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxsadeen Goobta uu dilku ka dhacay. Sidokale Dadka deegaanka waxaa ay Radio shabelle u Sheegeen in labada qof ee la dilay,ahaayeen Ganacsato aad looga yaqaano degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ciidamo gaarey goobta dilka ayaa baaritaano sameeyay Idaacadda Shabelle oo la xiriirtay Maamulka Degmadda Dharkenley ayeysan u suurtagalin in ay hesho macluumad dheeraad ah oo ku saabsan dilalkaasi. Dhinaca majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN): – Waxaa sii kordhaya tirada dadka wax ku noqday qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyadoo xogihii u dambeeyay ay sheegayaan in tirada dhimasho ay gaartay 12qof, dhaawacuna uu intaa ka badan yahay. Dadka ku dhintay Qaraxaasi waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda federaalka Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaana geeridiisa ka taciyeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta inaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” Qaraxan oo ay masuuliyadiisa sheegatay Xarakadda Alshabaab ayaa wuxuu ka dhacay Bar Kontorool oo ciidamo ay ku lahaayeen afaafka xabsigii hore ee Godka Jilicow ee degmadda Boondheere ee Muqdisho. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibada ee Federaalka Axmed Ciise Cawad iyo howlwadeenada Wasaaradda ayaa ka taciyeeyay Geerida Wasiir Ceelaabe View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magacyada xubno katirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku dileen qarax Shalay barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay. Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ay ku dhinteen kuna dhaawaceen xildhibaano, wasiir hore iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka iyo wasaaradaha dowladda Qaarkood. Waxay sheegeen inay qaraxaasi ku dhaawaceen dadka kale ah:- Xildhibaan Ahmed Ismaaciil Shabeel Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir Xildhibaanad Maryan Cariif Sidoo kale ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dileen askar badan oo ilaalo u aheyd xildhibaanada iyo masuuliyiinta kala duwan ee ku sugnaa Goobta, iyaga oo sheegay in shan kamid ah ciidamada ilaalada u aheyd xildhibaan Maryan Cariif ay ku dileen Goobta. Wasiirkii hore ee Arrimada Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye ,Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Fanax, Yuusuf dheere Sargaal Nabadsugida ah , Tabane Agaasimha Wasaarada Qorsheynta iyo Faadumo Cali Raage oo aheyd sarkaalad sare ayay Al Shabaab sheegeen inay ku dileen qaraxii ka dhacay agagaarka Godka Jilacow. Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo tan iyo bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasi oo ay masuuliyadiisa Sheegtaan ururka Al Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qaraxaasi laga hortagay. Dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa kamid ah dad rayid ah oo degen guryo barakacayaasha dagaan oo ku dhow goobta ciidamada amaanka gaadiidka ku baaraan. Caasimada Online Xafiika Muqdisho Caasimada@live.com
-
Galkacyo (SMN): – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee Xukuumadda TAYAYN IYO TIIGSI ku doonayso horumarinta dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaaran u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo wafdiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf “Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Wafdigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug Kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo in danaha dowladda Kenya ee Soomaaliya uu halis sii galayo, islamarkaana ay ugu wacan tahay dowladda Soomaaliya. Maqaal dheer oo uu wargeyska The Star kaga hadlay xiisadda cusub ayaa wuxuu si qoto dheer kaga hadlay hardanka dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ee la xiriira cidda maamuleysa Jubbaland. Wargeyska The Star ayaa baahiyay in taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo heysta Baasaboorka dalka Kenya uu wadahadal kula jiray bilihii ugu dambeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladaha Ethiopia iyo Eritrea. Ujeedada Kulankaasi ayaa wargeyska wuxuu ku sheegay inay tahay in ciidamo ka socdo labada dowladood oo aan ka mid aheyn AMISOM lagu wareejiyo amaanka garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaalada Kismaayo, sida wargeyska uu qoray. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan AMISOM, islamarkaana Maamulka Jubaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya, Taliye ku xigeenka NISA, saraakiil ka tirsan NISA oo kala ah Cabdullahi Kulane iyo Zakariye Ismaaciil ayuu Wargeysku sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Jubaland looga saari lahaa Kenya. Dhinaca kale Wargeyska ayaa sheegay in Itoobiya oo ka faa’ideysaneysa fursad ay ku heli karto Dekadda Kismaayo ay aqbashay go’aankan. Marka la yimaado warbixinta uu wargeyska qoray ma jiro cadeymo kale oo arintaan muujinaya inay socdaan qorshahaasi, waxaana laga yaabaa inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda Kenya ee dhanka warbaahinta ku heyso dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallama xarrakada Alshabaab ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka xarrakada Alshabaab sida ay sheegayaan ilo milatari oo arrintaan si dhaw ula socday. Dagaalyahannadan oo si dhuumasho ah uga soo baxdsay kooxda ayaa sheegay inay kala kulmeen ciqaab iyadoo lagu marmarsiyoonayo sababo aad u jilicsan islamarkaana la geeyo aagga hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda. “Waxay u isticmaalaan dagaalyahannada Kenyanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ahba wax lagu ciyaaro iyagoo ku qasba qaraxyada ismiidaaminta ah, dagaalka lugta ee aagga hore ama loo dilo sababo la xiriira inay cadowga u jaajuusayeen” Waxaa hadalkaan laga soo xigtay dagaalyahanno dib uga soo laabtay xarrakada Alshabaab. Dagaalyahannadan Kenyanka ah ayaa u sheegay milateriga Kenya inay badankood kasoo baxsadeen magaalada Jilib iyo Bu’ale kuna sii jeedaan Lakta Belt. Kooxdan ayaa raadineysa inay gooni uga goosato Alshabaab islamarkaana ay sameeyaan koox madax-bannaan oo sii wadda jihaadka caalamka sida ay sheegeen. Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhawaan la dilay taliyeyaal saameyn xooggan ku lahaa xarrakada Alshabaab oo kasoo jeeda Kenya iyo ajaanib kale. “Dilalka loo geysanayo taliyeyaasha saameynta leh ee kasoo jeeda Kenya ayaa ku dhaliyey walaac xooggan dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaa jira walaac haysta dagaalyahannada Kenyanka ah ee Alshabaab kaddib dhimashadii Ahmed Iman Ali oo ku magac dheeraa Abu Zinira kasoo ahaa sarkaal ka tirsan Alshabaab kana soo jeeday dalka Kenya,” Sida uu sheegay dagaalyahan dib uga soo goostay Alshabaab. Iman ayaa ka mid ahaa taliyeyaal lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay xero Alshabaab ay ku leeyihiin Bu’ale dabayaaqadii bishii March ee sannadkan. Ka hor dhimashada Iman wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Alshabaab kuwaasoo si gaar ah ugu qaabbilsanaa saxaafadda iyo baahinta hadallada kooxda. “Geerida Iman waxay hoos u dhigtay niyadda dagaalyahannada ajaanibta ah ee Alshabaab ka tirsan waxayna yareysay in la helo dagaalyahanno kale.” Sida uu sheegay dagaalyahan kasoo baxsaday Alshabaab. Dagaalyahankan magaciisa qariyey ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Kenyan ah inay gaarayaan qoysaskooda si dib loogu celiyo dalka Kenya. Tiro badan ayaa horey dib uga soo laabtay Alshabaab kuwaasoo hadda la dhaqan celinayo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN): – Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay usoo baxdey wareega 8 dhamaadka Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii ay xalay tartanka oo lagu gudajiray iskaga baxdey Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, sababo laxiriira Isgaarsiinta ay kala socdeen oo go’day. Gudiga Tartanka oo isku dayey in uu sameeyo xal ay Tartankooda kusii wadan karaan inta ka harsan Tartamayaasha labadda Degmo ayeysan u suurta galin, maadama ay Baraawe garwaaqsatay in dhibcaha laga horeeyo. Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Xalay ee Tartanka Degmadda Howlwadaag oo labaddii kulan ee hore tartanka guul ka gaartay ayaa hadda usoo gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka. Caawa waxaa fooda isdari doona Tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo kawada tirsan Groupka A waxaa ayna Degmaddii soo baxda wareega 8 dhamaadka kula midoobi doonta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-23052019.mp3 View the full article
-
The small-business owner sold food products in bulk to support his family while paying his way through university. His education, ambition and management skills landed him a job in regional government, where he worked his way to the top job. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi. Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah. Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Masuuliyiinta ka socotay dhanka Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin. Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha hoggaanka u haaya iibinta 50 Blocs oo ka mid ah dhulka laga helay Shidaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in malaayiin lacag ah ay siiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Caasimada Online ayaa ogaatay in intii u dhaxaysay 20-ka Febraayo 2019 ilaa May 11-keeda ee 2019 ay labadaan Shirkadood bixiyeen lacag ku dhow 8 milyan oo dollar, lacagtaas oo toos loo siiyay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Lacagtaan ayaa ku timid dalab ka soo baxay dowladda Soomaaliya, iyadoo u sababeysay in dhaqaalo xumi heysato Dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga jartay deeqihii dibadda tan iyo markii ay eryeen Nicholas Haysom, sida ay ogaatay Caasimada Online. Lacagta ay codsatay Dowladda Soomaaliya waxay kaloo qayb kamid ah ku sheegtay in ay u isticmaali doonto fududeynta taaba gelinta Sharciga Batroolka si wada-ogol ugu meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku sheegtay in looga maarmi karo dowlad gobaleedyada. Shirkadahaan ayaa 2 jeer kala bixiyay lacagahaan iyagoo fulinaya dalabka dowladda Soomaaliya. Qof ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xogtaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay in habeenno badan uu kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya xili saq dhexe ah kulamadaas oo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday. Kulankii ugu dambeeyay waxa uu dhacay 7-dii bishaan waana markii la bixiyay lacagtii ugu dambeysay ee Shirkadahaan. Waxaa la aaminsan yahay in lacagtaasi lugu kala iibsaday codka Baarlamaanka si loo Ansixiyo Sharciga Batroolka Soomaaliya. Shirkadah Spectrum iyo Som Oil and Gas ayaa lacag badan u huraya barnaamijka ku saabsan Batroolka Soomaaliya si ay uga gaaraan guulo wanaagsan iyo rabitaankooda ku aadan Kheyraadka Badda ee Soomaaliya iyadoo laga faa’ideysanayo kala qob qobnaanta Soomaali. Damaca Shirkadahaan waxa uu soo bilaawday Xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ilaa hadda ayeyna Madaxweyne walba iyo Raysal Wasaare kasta kala hadlayeen batroolka Soomaaliya, laakiin hogaamiyaashii hore kuma dhiiran in ay rabitaankooda u yeelaan ilaa Soomaali ay ka heshiiso arimaha dhaxyaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Reuters) - Somalia has criticized neighboring Kenya for deporting two Somali lawmakers and a minister after authorities in Nairobi blocked them from entering the country. Source: Hiiraan Online
-
U.S. Travelers Can Now Use ePassport Lines at U.K. Airports
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Getting through Heathrow just got a whole lot easier for travelers from 7 countries. Source: Hiiraan Online