-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacayo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale. Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.5km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaheeda. “Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha. “Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuur galay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu”. Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka wabixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale. “Madaxweyne Deni ayaa la kulmay gudiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Pentagon-ka Maraykanka ayaa Aqalka Cad ka doonayo ogolaanshiyo Kumanaan Askari ugu diro Bariga dhexe oo ay ka jirto Cabsi laga qabo IRAN, sida laga soo xigtay Madax ka mid ah Dawladda Maraykanka. Pentagon-ka ayaa doonaya inuu illaa 10.000 kun oo Milletariga Maraykanka geeyo Bariga dhexe, waxaanu fasax ka doonaya Aqalka Cad, laakiin illaa hadda ma jiro go’aan kama dambays ah oo arrinkaa lagu fasaxay. Xogo laga helay Madaxda Maraykanka ayaa sheegaya in aan la garanayn in Aqalka Cad Fasaxi doono 10 kun oo Askari iyo in Qayb ka mid ah tirada la codsaday lagu ogolaan doono kulan dhacaya Khamiista Maanta. Wargeyska The National oo ayaa sheegaya in ujeeddada Ciidammadan loo doonayo in loo geeyo Bariga dhexe aanay ahayn in loo jawaabo IRAN, balse ay tahay in la taageero Amniga guud ee Mandaqadda Bariga dhexe, waxayna Ciidammadani noqon doonaan kuwo difaaca weerarrada Gantaallada iyo inay hubiyaan in Maraakiibta halkaa marayaan yihiin kuwa IRAN, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada IRAN oo kor u sii kacaya. ka sakow, Ciidammada uu Pentagon-ka codsaday, waxa Maraykanku uu bariga dhexe ugu diray diyaaradaha waaweyn ee wax duqeeya, taasi oo qayb ka ah qorshe uu Maraykanku ku cabsi gelinayo IRAN. Source
-
(SLT-Asmara)-Munaasibadi loogu dabaal degayo Maalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea oo ku beegan 24-ka May ayaa dabaal degyo balaadhan laga dhigi doonaa dalka Eritrea iyo meelo badan oo caalamka ah. Dabaaldeganmaalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea ayaa noqonaysa sanad guuradii 28th ee ka soo wareegtay maalintii ay Madaxbanaanida dalkaasi. Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in todobaado ay ka socon doonaan dalka Eritrea munaasibadaha lagu xusayo maalinta madaxbanaanida dalkooda, iyagoo ay jidadka dalka Eritrea ay mari doonaan dad tiro badan, ciidamo iyo xataa Geel lagu soo xardhay calanka dalkaasi. Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in muwaadiniin ku labisan midabacada calanka dalkaasi ay mari doonaan jidadka caasimada Asmara. Dalka Eritrea ayaa waxa gumaystay laba dal oo Yurub ah Talyaaniga ayaa dalka Eritrea gumaystay (1889 – 1941) halka dalka England (1941 – 1952), waxaana dalka INgiriisku uu ka tagay markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in gobolka Ertritrea ay ka madaxbanaan tahay dalka Ethiopia sanadkii 1952-kii. Hase yeeshee 1991-kii ayaa dagaal xornimo oo dadku ay galeen waxa ay xornimadooda kala soo noqdeen dalka Ethiopia oo ay ka go’een. Hase yeeshee sanadkii 1993-kii ayaa Afti madaxbanaanida dalka Eritrea oo la qaaday oo ay Qaramada Midoobay lug ku lahayd uu dalka Eritrea ay ku heshay in si caalami ah loogu aqoonsado dal Madaxbanaan. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex. Cabdiraxmaan Aar ayaa Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la hor-geeyay C/raxmaan Aar, waxay dhageystay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah. Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayaa in dib Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto. Wiilkan loo haysto in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee saaka Maxkamada la hor-geeyay, ayaa wuxuu ahaa Guddoomiye urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-___Duhur-23052019.mp3 View the full article
-
Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ayaa maanta la horkeenaya Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” oo loo haysto in uu ku labistay dhar calanka Soomaaliya ka samaysan. Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay 7 maalmood oo Rumaan ah ( xabsi ku sii hayn) u jartay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar, oo ciidamada Boolisku Hargeysa ku xidheen isagoo gashan dhar Calanka Soomaaliya ka samaysan. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa baraha Bulshada ayaa si wayn loogu hadal hayay xadhigga nin dhallinyaro ah oo lagu xidhay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xidhay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah. Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxa golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka magaalada Garissa Mr Aden Bare Ducaale ayaa sheegay in xilka aan laga qaadi doonin wasiirka Amniga Kenya. Mr Ducaale oo warbaahinta kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi Khamiista maanta, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in xildhibaano ka tirsan xisbiga Jubulle ay qorsheynayaan xil ka xayuubinta Fred Matiangi. Wasiirka amniga ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta gudaha Kenya ay hadal heysay in uu ka mid yahay mas’uuliyiin Imaaraadka uu ku eedeynayo in ay qeyb ka ahaayeen lacago dahab been abuur ah looga qaatay ganacsato u dhashay Carabta. Xildhibaanka Garissa ayaa meesha ka saaray arintaan waxaana uu sheegay in aysan jirin mooshin ka dhan ah Matiangi hadii uu soo baxana uu noqon doono shaqsiga ugu horeeya ee difaaci Doona. Maalintii isniinta ee todobaadkaan ayey aheyd markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo wasiirka amniga Fred Matiangi lagu eedeyay in imaaraadka ay u iibgeeyeen dahab aan sax Aheyn. Aden Bare Ducaale ayaa ah afhayeenka xisbiga haya talada Kenya ee Jubulle gaar ahaan garabka madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto. Source
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulkaas ay qabteen Nin doonayay in uu is qarxiyo. Ciidamada Galmudug ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalka Al-shabaab ku qabanayay magaalada xilliga Ninkaas la qabanayay. Waxaa kulanka ku sugnaa Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari). Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray. “Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay. Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.
-
Ciidanka Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa sida la sheegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qabtay nin doonayey in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munaasabad ay dhiganayeen Ahlusunna. Ninka ismiidaaminta doonayey oo ka soo gudbay baaritaannada ayaa gudaha u galay hoolkii munaasabaddu ka socotay oo ay fadhiyeen madaxda u sarraysa Ahlusunna balse waxaa sida la sheegayo u qarxi wayday jaakaddii uu isku miidaamin laha waxana markiiba qabtay ciidanka ilaalinayey amniga goobta. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay kala furan qaraxyadii ku rakibnaa ninkaasi doonayey in uu isku miidaamiyo hoolka munaasabadda. Munaasabadda maalinta Shuhadada ay u bixiyeen Ahlusunna ayey ku xusaan dagaal-yahanno kaga geeriyooday dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Nin isku qarxin lahaa madaxda Ahlusunna oo la qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Shaqada goolhaya ma ahan mid fudud waxa ay ka mid tahay tan ugu adag ay qabtaan dadka bartay xirfadan qubarada ciyaaraha waxa ku sheegaan in goohayaha uu kaalin weyn ay ku lee yihiin ciyaaraha kubbadda cagta. Macalimiinta farsamada u qaabilsan goolhayaasha Xiriirka kubbadda cagta ayaa da’daal badan ku bixinaya horomarinta goolhayaasha dalka,iyagoo tababaro kala duwan siiya dhallinyarada shabaqa u ilaalisa kooxaha kubbadda cagta iyo heerar kala duwan ee xulka Qaranka Soomaaliya. Xasan Faarax Axmed waxa uu ka tirsanyahay macalimiinta inta uga badan tababarka siiya goolhayaasha kubbadda cagta Soomaaliya waxa uu Goobjoog u sheegay in goolhayaasha uu saaranyahay waajib adag maadaam ay kaalin weyn ku lee yihiin isku xirka kooxda oo dhan. Goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta oo tababar adag ku sameeya garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa inoo sheegay in xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu da’daal badan ku bixiyo aqoonta iyo kor u qaadida goolhayaasha si ay ula jaanqaadan dhigooda qaarada Afrika iyo kuwa caalamka. Cabdi Wali ColaadQanyare (Gaatamow) oo horay ugu soo ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Muqdisho City Club ayaa qeexay in goolhayaasha kubbadda cagta ay waqti kasta la baro wixii ku soo kordhay caalamka iyagana laga rabo wixii lagu tababaray in ay ku dabaqaan tartamada ay ka qeybgalayaan gudaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Goolhayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceysay gantaal la sheegay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay u rideen dhanka magaalada Makka Al Mukarama. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Allah ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda” Kooxda Xuutiyiinta ayaa beenisay eedeumaha Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah. “Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya
-
(SLT-Hargeysa)-Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa qormo xasaasi ah wuxuu ka qoray beel lagu eedeeyo Soomaaliya iyo cidda ku eedaysa. Muniir Axmed Cigaal oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan: “Ilaa markaan gaashaan qaaday horaanti Sagashamaadki waxan ku kacaamay West Burco Clan waa Soomaliwayn…. Marar badan waxaan is waydiiyay siday Soomaliwayn ku yihiin ma qaybo beeshaas ah ayaa Jubbooyinka la haysta amma degan. Ololihii Doorashadii 2017-kii Kalmadii ugu waynayd ee Murashaxii KULMIYE xanbaartay waxay ahayd “West Burco Clan lagu aamini maayo Jamhuuriyadda Somaliland “ Oo waayo inta yadii tidhina dheg jalaq looma siin, Somaliland ta kale ma lahayn ee Isaaq uunbay ahayeen wixii laha . December 2016-kii ayaanu annagoo ah Waftiga Xisbiga WADDANI waxaanu safar shaqo ku tagnay Caasimadda Dalka KENYA ee Nairobi, Wafti ballaadhan oo Somaliland oo dhan ka kooban ayaanu ahayn sidaad Sawirka ka aragtaan, markiiba waxa la yidhi Siyaasiyiin Soomaliwayn ah ayay Waftigii WADDANI Nairobi kula kulmeen. Dadka suuqu iskamay odhane Murashaxii KULMIYE Muuse Biixi oo hadda Madaxweyne ah ayaa yidhi “Waa In labada Gole Deg Deg isugu yimaadaan khiyaamo Qaran ayaa dhacday waayo Madaxdii WADDANI ayaa Nairobi xubno Soomaaliya ah ku arkay oo kula shiray“. Alle waa ogaa IGAD iyo Midawga Yurub iyo Midawga Afrika iyo Beesha Caalamka Safiiradooda oo Maraykanku ku jiro ayaanu la kulanay. Markii aanu ka hadalnay gaar ahaan aniga Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa la yidhi “idnka Huteelka ayaa laydinka tagay oo Dr. Maxamed Fadal, Guddoomiye Cirro iyo Siyaasi Ismaciil Buubaa ayaa shirka galay .. Waa saddex xubnood oo Waftiga ka mid aha oo isku beel ah. Haddii hadaba maanta Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu si kasta ula kulmaam Farmaajo iyo siyaasiyiinta Soomaliwayn Sharci ka yaala iyo cid ku shaanbadaynaysa ma jirto, bal iska daaye waxa la odhanaya “Qaranka ayay u shaqaynayaan waa Mujaahidiin oo loo war wari maayo”. Guddoomiye Cirro-na markii Soomaliya ay dhaaftay Qatar buu la kulmay ayaa bahalo galin laynooga dhigay . Haddaba Mar haddii waxa waxan isku samaynayaa Isaaq dhexdiisa tahay, siyaasad maha ka sii gundheer xeeshu, Ninka Walalkaa ah ee aad mar hore gacani kaga dhacday arrinkaas ee laga heshiiyay ee Dastuurka aad u wada codayseen ee Halgankii kula halgamay ee hadduu doono ka dhimashada badnaa ee hadana aad Doorasho isagoo kula galayaa tidhi meel aad wada leedihiin ku aamini maayo ee ay ku shaqaysay ee ku dhacay, ee aanad ka raali galin markaad soo baxday ee kursigii timi ee hadana isagoo dhacay oo aad ku fogaysay Calankale & Dalkale ayuu la haysta wali aad ku sii wado ee Xanteena waxba inooma kala qarsoone wali aad leedahay waa Soomaliwayn, ee aadigu aad maalin walba la kulmayso kuwaad isaga ku nabayso waa laba mid uun. In kuwa Soomaliwayn lagu eedaynaayo inay yihiin (Beesha West Burco Clan ) ay iyagu waalan yihiin ileen haddii kale garbay u dhigan la hayeen oo amma waa lagu cadayn laha amma Edab darrada mar danbe loo lama yimadeene iyo in Isaaqa kale waalan yahay oo garan la yahay waar Nimankan ka hadha aad walaalaha tihiin waa labada mid uun, qodob saddexaad ma jiro. . Haddaba amma West Burco Clan ayaa miyirsan oo Gole madalwayn oo Somaliland joogto u dhigan Isaaq, amma Isaaqa kale ayaa miyirsan oo dib isugu noqon labadaa mid ayay noqon doonta, haddii kale waligeen waxaynu ku jirin WADDANI waa qaran dumis iyo Waa Halkii Madaxweyne Muuse Biixi WADDANI iyo tageerayaashiisu ha ku qancaan 18 May iyo wax la mid ah oo Somaliland aanay ku sii jiri karin.. . Ramadaan Kariim Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay gantaalo lagu riday magaalada Makka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya. Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo. Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira. Sanadka soo socda ayay sheegtay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay,isla markaana lagu kala ogaan karo in marka la gaadho sanadka 2020/2021 ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen. Si kastaba hadalkaan kasoo yeedhay dowladda Uk ayaa kusoo aadaya xilli mudo laga joogo in ka badan 5 Bilood ayna Soomaaliya wax Wakiil ah u joogin Qaramada Midoobay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ceydhisay Wakiilkii xiligaas ee Danjire Nicholas Haysom. Source
-
Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan.” Sidaas waxa yidhi suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex ka taagan Xisbiyada Qaranka ee salka ku haya qabsoomida Doorashooda iyo Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Somaliya “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la odhan jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi “Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaas oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi”, markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin, maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18 may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa, Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta,hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato, maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho” Qaran News
-
(SLT- Mississippi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in isaga oo sakhraansan uu tacaddi u gaystay xaaskiisa, isaga oo qoonsaday in ay wakhti dheer ku qaadatay in ay dharka iska bixiso markii uu damcay in uu u galmoodo. Doug McLeod oo 58 jir ah ayaa la xidhay habeenkii Sabtidii, isaga oo loo haysto in uu ku xadgudbay xaaskiisa. Xubnaha ay xisbiga Jamhuuriga ka wada tirsan yihiin ee gobolka ayaa ku baaqay in McLeod uu si degdeg ah isu casilo haddii eedaymaha loo soo jeedinayo ay run yihiin. McLeod oo ah aabo saddex carruur ah dhalay ayaa diiday in uu durba u jawaabo, ka dib markii ay BBC-du la xidhiidhay. Booliisku markii ay tageen gurigiisa oo ku yaalla Lucedale oo 240km u jira caasimadda gobolka ee Jackson, waxay arkeen in McLeod uu sakhraansan yahay, dhalo khamri ahna gacanta ku haysto, sida ku cad warbixinta rasmi ah ee masuuliyiinta, sida uu soo xigtay wargeyska Sun Herald. Waxaa la sheegay in marka McLeod la kaxaynayay uu hadalka kari la’aa “tallaabadana uusan si fiican u qaadi la’aa”. Markay booliisku u sheegeen in loogu yeeray tacaddi uu gaystay waxaa la sheegay in uu yiri “Miyaad igu ciyaaraysaan”. Wargayska Clarion Ledger ayaa sheegay in marka ay askartu tagtay guri xildhibaanka ay ugu tageen xaaska McLeod iyo haweenay kale oo guriga ku dhex jira cabsina ay ka muuqato. Haweenayda kale ayaa booliiska u sheegtay in ay qolka ugu soo gashay xaaska McLeod oo wajiga ka dhiigaysa. Qolkii ayay hoosta ka xidheen wuxuuna billaabay in uu ku garaaco albaabka, isaga oo ku hanjabay in uu nafta ka qaadi doono haddii ayna albaabka ka furin. Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha sanka ka feedhay, uuna qoonsaday in ay durba dharka iska bixinwayday markii uu damaaciyay. Warbixinta booliiska ayaa sheegaysa in dhiig lagu arkay sariirta iyo qolka jiifka ee qoyskaas. Xaaska ayaa sheegtay in ayna u baahnayn gawaadhida gurmadka degdegga ah, gabadheeduna ay cisbitaal gayn karto si ay dhakhtar u aragto. McLeod ayaa lagu sii daayay damaanad 1,000 doolar ah. Source
-
The fight for resources by Somali leaders has put Kenya’s interests at risk, with the Somali Parliament pushing for the withdrawal of the Kenya Defence Forces. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Nairobi)-Iyada oo uu jiro Khilaaf dhinaca Diblumaasiyadda ah oo ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlaayo inuu socdo qorshe la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya, laguna bedelo kuwa Itoobiyaan ah. Warbixinta Wargeyska uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay qorshaha la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya inuu wado Agaasime Ku xigeenka Nabad Suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haysta Baasaboorka dalka Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in la doonaayo Ciidamo Itoobiyaan aanan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom in lagu wareejiyo Dakadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, islamarkaana laga saaro Ciidamada Kenyatigga ee hadda ku sugan. Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay madaxda dowladda inay doonayaan shaqsi ay wataan inay geeyaan Maamulka Jubbaland oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Maamulkaasi. Maqaalka ayaa intaas ku daray in haddii sida Fahad iyo Farmaajo wax u wadaan ay u dhacdo meeshana laga saaro Axmed Madoobe ay danaha Kenya ee Soomaaliya halis galayaan. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan Amisom, islamarkaana Maamulka Jubbaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya. Source
-
(SLT-Moscow)-Xukuumadda Moscow ayaa cadho ka muujisay wakhti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Ruushka ayaa tallaabada ku tilmaamay waxaan la aqbali karin,iyaga oo marka ka jawaabay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabto, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”. sida waxaa yidhi afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, Dmitry Peskov. Wasiirka difaaca Turkey ayaa Arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400. Source
-
(SLT-Nairobi)-Guddiga musuqmaasuq la dagaalanka Kenya ayaa baadhitaan ku sameeyay hantida Ferdinand Waititu oo ah badhasaabka deegaanka Kiambu, arrintaas ayaana loo arkaa mid ahmiyad leh. Waititu ayaa lagu yaqaannaa handadaad iyo dabeecado qalafsan – balse wuxuu xulafo xoog badan la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaas oo isaguna ku tiirsan taageerada siyaasadeed ee uu gobolkaas uga keeno. Warbaahinta gudaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wax ka qorayay hantida Waititu oo ay ka mid yihiin hanti maguurto ah oo uu ku leeyahay magaalooyinka Kiambu iyo Nairobi. Waititu ayaa iska difaacay eedaymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in hantidiisa aysan ku soo galin si sharci darro ah, isla markaasna uu sheegi karo raadkeeda. Madaxweyne Kenyatta ayuu cadaadis isa soo taraya haystaa isaga oo loogu baaqayo in uu hadalka ka gudbo, waxna ka qabto musuqmaasuqa baaxadda wayn ee ay ku kacaan masuuliyiinta dawladda. Hadda guddiga musuqmaasuq la dagaalanka ee magaciisa loo soo gaabiyo EACC ayaau jihaystay mid ka mid ah xulafadiisa, balse waxaa la arki doonaa in arrintaasi ay horseeddo in dacwado lagu soo oogo. Source