Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,496
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegey Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd iyo Dhitadii uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani. PUNTLAND POST The post Deni oo booqday Qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Qoysas Danyar ah oo degan wasaaraddii hore ee Caafimaadka Soomaaliya ayuu saameeyay qaraxii shalay ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ee degmadda Boondheere. Dadkan oo ah kuwo ay hooseyso noloshoodu ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii shalay, kadib markii ay dad badan kaga dhaawacmeen, islamarkaana ay Guryihii ka burbureen. Dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha Gargaarka ayey ka codsadeen in ay la soo gaaran Gurmad iyo Kaalmo kala duwan. Qaraxyadda Ka dhaca magaaladda Muqdisho inta badan waxaa ay saameyn ku yeeshan Nolaoha dad danyar ah. Qaraxii shalay waxaa ku dhintay Tobanaan Ruux, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen Dadka Geeriyooday waxaa ku jiray Saraakiil Ciidan iyo Madax horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceyneysa ciddii ka dambeysay weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Magaalada Makka Al Mukarama ee dalka Sacuudi Carabiya. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa ay caddeyneysaa in beegsiga Xaramka ee xurmadda leh uu yahay mid daan daansi ah oo aan la aqbali karin . Xukuumadda Soomaaliya waxa ay muujineysaa in weeraradaasi gantalada ah ay u aragto fal dembiyeed iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobaha barakaysan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May. Labadaasi gantaal waxaa kii u horeeyay lagu qarxiyay hawada Magaalada Dhaa’if,kaas oo ku jiheysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay hawada Magaalada Jidda. View the full article
  4. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay shalay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayey ku sheegeen in ay laba xubnood oo ka tirsan Daacish ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ay Arbacadii shalay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool degaannadaasi. Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in duqeytaasi ay ahayd tii shanaad ee lala beegsado Daacishta ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April xilligaasi oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn cirka ah ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn Maraykanku ka fuliyay gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle isaga hor imaan doono degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga saddexaad ee wareega koowaad tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Hodan ladii labadii kulan ee la soo dhaafay waa laga soo badiyay halka , Kaxda kulankii 1-aad ay guul gaartay, kulankii labaadna laga soo badiyay. Tartamayaasha difaacaya labada degmo ayaa haatan isu diyaarinaya barnaamijka Caawa,, basle waxaa laga war sugi doonaa degmada badisa Hodan iyo Kaxda ee G/Banaaidr. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa abaal marin qaali ku bixinaya shirkadaha Ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  6. A Chinese envoy on Wednesday asked the international community to provide more support for Somalia in security capacity building and humanitarian and socio-economic development aid. Source: Hiiraan Online
  7. Somalia’s aid community has been caught off guard by severe drought conditions and growing food insecurity, and now says time is ticking to raise awareness of a looming crisis. “This is a little bit of an unanticipated shock,” said Justin Brady, head of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs in Somalia. The country has persistently suffered from poor rainfall but experts were expecting an average rainy season this year. While there has been raining in recent weeks, the season is coming to an end, with the country only having seen a fraction of its expected precipitation — due in part to cyclones in the Indian Ocean that prevented rains from moving north. This has put 1.7 million people in danger of acute food shortages, while a total of 4.9 million do not have access to enough food. “At the beginning of the season, we were told it could be delayed by a week or two, and then it became clear that it was more than just a delay and the whole rainy season was in jeopardy,” Brady said, adding that UNOCHA had even deployed staff to help with the emergency response in Mozambique, thinking they had the capacity to provide support elsewhere but had to recall them when the situation deteriorated. “The idea now is to raise awareness — not just internationally but within the country — and make sure everyone understands that we are approaching a crisis; while not necessarily on the same level as 2017, we could approach it,” Brady said. Six years after famine claimed over 210,000 lives, 2017 marked three consecutive seasons of failed rains for the country. Another famine was avoided, but the cyclical droughts and water scarcity have prevented Somalia from rebuilding its agricultural capacity and continue to threaten with hunger and malnutrition. Richard Desgagné, communication and prevention coordinator of the International Committee of the Red Cross’ Somalia delegation, said consequences could be more serious this time because communities haven’t had time to recover. According to a report by the Food Security and Nutrition Analysis Unit and Famine Early Warning System Network, if rainfall remains below average through June, widespread crop failure may result in deficits of over 50%, livestock will be lost, and there will be worsening of food security leading to increased displacement. With the crisis arriving unexpectedly, humanitarians said the international aid community’s eyes were elsewhere. “There’s been very little coverage up until now, mostly because of the cyclone” that hit southern Africa in March, Desgagné said. “The [spot]light has not been on the Horn of Africa.” The U.N. has said $710 million is required by the end of the year to avoid a crisis. But aid workers say that, so far, commitments haven’t been high enough. “We must strengthen our efforts and increase resources in responding to the needs of families and minimize human suffering,” said Nasra Ismail, director at the Somalia NGO Consortium. “Without an urgently scaled-up response, the impact of this drought will be severe.” Brady emphasized that investment isn’t just needed for humanitarian aid but development efforts too, calling the current health system unsustainable and dysfunctional given its reliance on humanitarian groups for everyday services. “Humanitarian funding and solutions are not a replacement for a health sector, so we really need to see resources coming from the development side to allow the health sector to function properly,” he said. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta Albaabka hore ee Wasaaradda Warfaafinta laga celiyey inuu gudaha u galo wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamid ah wariyaasha waqtiga badan kusoo jiray Saxaafadda, isla markaasna soo shaqeeyey waqti adag oo ay soo martay Saxaafadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa waxaa bartiisa facebook ku xaqiijiyey isla wariye Cabdullaahi Kulmiye oo soo qoray in saaka ay ilaalada wasaaradda u sheegeyn inuusan xarunta geli karin, maadaama uu amarkaas bixiyey sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla. Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayaa sheegay in inkasta oo amarkaas uu kasoo baxay Al-Cadaalla haddana aysan ciidamada ilaalada heysan waraaq, wuxuuna sheegay inay ciidamada u sheegeyn in arrintaan afka looga sheegay ayna fulinayaan amarkaas. Shabakadda Caasimadda Online oo baaritaan ku sameysay sababta keentay arrintaan ayaa ogaatay in Cabdullaahi Kulmiye lagu heysto fikrado uu Bartiisa Facebook kusoo qoro oo uu ku dhaleeceeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow. Sidoo kale Cabdullaahi ayaa bartiisa Facebook soo qoray warbixino uu dhalaceyn ugu soo jeediyey Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan qeybta SONNA. Haddaba Cabdullaahi xaq ka u leeyahay in Iridda laga celiyo? Sida dastuurka dalka uu qabo qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu cabiro fikiriisa shakhsiyadeed isagoo aan qof u gefin ama aan ku xad gudbin sharafta shakhsiyadeed, waxaana muuqato inuu Wariye Cabdullaahi ciqaab ku muteysanayo sababata uu fikirkiisa u cabiray. Sidoo kale waxaa qalad ah in Shaqaalaha dowladeed laga celiyo iridda, iyadoo aysan jirin dambi ay kusoo oogtay maxkamad ama ana la marin hanaanka lagu saxo qaladaadka ama shaqaalaha lagula xisaabtamo. Qofka Shaqaalaha ah marka uu qalad galo wuxuu muteystaa ciqaabo kala duwan, balse ma jirto ciqaab ka bilaabato in qofka laga celiyo alabaabka Shaqadiisa, in qof dhan oo soo shaqo tagay laga celiyo albaabka wasaaradda . Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in Cabdullaahi Kulmiye Caddoow uu kamid yahay Wariyaasha usoo halgamay Saxaafadda isla markaasna uu naftiisa halis u geliyo inuu shacabkiisa u adeego, waxaana qalad weyn ah in maanta looga tago meel cidlaa isla markaasna loo diido inuu Wasaaradda galo iyadoo aysan jirin fal dambiyeed lagu soo eedeeyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Dhoobley (SMN) – Dagaalyahanno Xarakada Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Diif oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland. Al Shabaab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankan oo 60 KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in durbaba Al Shabaab halkaasi ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo xoogan. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay Ciidanka Jubbaland ay dib uga soo gurteen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maamihii dambe waxaa gobollada Jubbooyinka ee socdeen howlgallo iyo dhaqaqaaqyo ka dhan Al Shabaab. View the full article
  10. Maanta waxaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa kadib markii la qabtay nin doonayey inuu isku qarxiyo munaasabad halkaasi ka socotay. Maamulka Ahlu-sunna ayaa dhigayey munaasabad lagu maamuusayo shuhadad uga dhintay dagaallada ay la galeen xarakada Al-shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Ninkan oo uu askari isku duubey ayaa la qabtay, kadibna laga qaadey wixii qarxayey, waxaana haatan la sheegayaa in lagu xiray saldhigga magaalada. Sawirro: Source: goobjoog.com
  11. The suicide attack was aborted in Guri-El town in Galgadud region in Somalia on Thursday. A middle-aged man strapped with suicide vests posing as a poet was arrested by Ahlu Sunna Wal-Jama forces before he attempted to detonates his explosives. According to sources the man wanted to take the microphone saying he wants to eulogies ASWJ leaders. He was wearing a suicide vest and was wrestled to the ground, detained by the security forces in as he tried to blow himself up at a parade to commemorate Sufi fighters who died fighting Al-Shabaab. He was heading towards VIPs when intercepted by guards. More than ten people were killed and scores others were wounded following suicide car bomb attack in the Somali capital, Mogadishu on Wednesday View the full article
  12. The Republic of Somaliland has celebrated its 28th Anniversary of National Day in Addis Ababa. Somaliland’s Ambassador to Ethiopia, Salan Hassan Abdilleh, during the occasion said that the 18th of May has a huge significance for Somaliland not only because it’s a self-declared date of independence for 28 years, but also as inspirational date and hope to endear and envisage for the future of the country. The Ambassador added that Somaliland is keen to strengthen long outstanding ties with Ethiopia in economy, trade, security, military and educational cooperations at highest level. The relationship between Somaliland and Ethiopia is strong and growing in areas of security, economic, trade and educational cooperation, it was noted. Ethiopia is using Berbera port for some of its import and export businesses. In partnership with foreign investors, specifically from the United Arab Emirates, Berbera Port was inaugurated at a cost of USD 442 million. Ethiopia obtained a 19 percent share of the port in 2017. It was envisioned that the new port will be used as a regional trading hub. Ethiopian Airlines, some private universities and other businesses are working in Somaliland, it was noted. In the 28 years since, Somaliland has continued to call for recognition. It has maintained stability and held elections. It has its own flag, parliament, currency, national identity. It has also developed on various economic and social measures. Although not recognized as a sovereign state, Somaliland declared its independence from Somalia on May 18, 1991. Source Walta Qaran News
  13. Guriceel (SMN): –Munaasabad weyn oo loogu duceynayey Askartii Ahlu sunna Waljamaaca ee ku geeriyootay Dagaaladii Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ee Goboladda dhexe ayaa Maanta ka dhacday Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Xafladan ayaa waxaa Dhoolatus Militari ku soo Bandhigay Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladgoboleedka Galmudug. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu kamid yahay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka qeyb galay Xafladaasi. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uduceeyay Ciidamada uga dhintay Dagaaladii Al Shabaab iyo iyaga ee ay kula wareegeen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Sheekh Shaakir waxaa uu Shacabka Deeganadaasi ugu baaqay in ay ilaaliyaan Nabadgalyada dhiiga badan loo soo daadiyey, isagoo Madasha ka cafiyey oo amarna ku bixiyey in Xabsiyadda Maamulkaasi laga siidaayo dadka Danbiyadda fudud galay, Munaasabadda Ducada awgeed. Dhanka kale Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu isku miidaamin rabay qeybta ay Mas’uuliyiintu ka joogeen Xafladaasi. Laamaha Amniga ayaa sheekay Ninka uu qaraxu ku xirnaa inta aysan qaban ka hor in ay ka shakiyeen, islamarkaana ay markii danbe qabteen. Wararka ka imaanaya Degmadda Guriceel waxaa ay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbiyey Xabsiga Magaaladaasi, islamarkaana ay hadda ku socoto Baaritaano kala duwan. View the full article
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacayo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale. Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.5km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaheeda. “Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha. “Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuur galay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu”. Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka wabixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale. “Madaxweyne Deni ayaa la kulmay gudiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Washington)-Pentagon-ka Maraykanka ayaa Aqalka Cad ka doonayo ogolaanshiyo Kumanaan Askari ugu diro Bariga dhexe oo ay ka jirto Cabsi laga qabo IRAN, sida laga soo xigtay Madax ka mid ah Dawladda Maraykanka. Pentagon-ka ayaa doonaya inuu illaa 10.000 kun oo Milletariga Maraykanka geeyo Bariga dhexe, waxaanu fasax ka doonaya Aqalka Cad, laakiin illaa hadda ma jiro go’aan kama dambays ah oo arrinkaa lagu fasaxay. Xogo laga helay Madaxda Maraykanka ayaa sheegaya in aan la garanayn in Aqalka Cad Fasaxi doono 10 kun oo Askari iyo in Qayb ka mid ah tirada la codsaday lagu ogolaan doono kulan dhacaya Khamiista Maanta. Wargeyska The National oo ayaa sheegaya in ujeeddada Ciidammadan loo doonayo in loo geeyo Bariga dhexe aanay ahayn in loo jawaabo IRAN, balse ay tahay in la taageero Amniga guud ee Mandaqadda Bariga dhexe, waxayna Ciidammadani noqon doonaan kuwo difaaca weerarrada Gantaallada iyo inay hubiyaan in Maraakiibta halkaa marayaan yihiin kuwa IRAN, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada IRAN oo kor u sii kacaya. ka sakow, Ciidammada uu Pentagon-ka codsaday, waxa Maraykanku uu bariga dhexe ugu diray diyaaradaha waaweyn ee wax duqeeya, taasi oo qayb ka ah qorshe uu Maraykanku ku cabsi gelinayo IRAN. Source
  16. (SLT-Asmara)-Munaasibadi loogu dabaal degayo Maalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea oo ku beegan 24-ka May ayaa dabaal degyo balaadhan laga dhigi doonaa dalka Eritrea iyo meelo badan oo caalamka ah. Dabaaldeganmaalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea ayaa noqonaysa sanad guuradii 28th ee ka soo wareegtay maalintii ay Madaxbanaanida dalkaasi. Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in todobaado ay ka socon doonaan dalka Eritrea munaasibadaha lagu xusayo maalinta madaxbanaanida dalkooda, iyagoo ay jidadka dalka Eritrea ay mari doonaan dad tiro badan, ciidamo iyo xataa Geel lagu soo xardhay calanka dalkaasi. Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in muwaadiniin ku labisan midabacada calanka dalkaasi ay mari doonaan jidadka caasimada Asmara. Dalka Eritrea ayaa waxa gumaystay laba dal oo Yurub ah Talyaaniga ayaa dalka Eritrea gumaystay (1889 – 1941) halka dalka England (1941 – 1952), waxaana dalka INgiriisku uu ka tagay markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in gobolka Ertritrea ay ka madaxbanaan tahay dalka Ethiopia sanadkii 1952-kii. Hase yeeshee 1991-kii ayaa dagaal xornimo oo dadku ay galeen waxa ay xornimadooda kala soo noqdeen dalka Ethiopia oo ay ka go’een. Hase yeeshee sanadkii 1993-kii ayaa Afti madaxbanaanida dalka Eritrea oo la qaaday oo ay Qaramada Midoobay lug ku lahayd uu dalka Eritrea ay ku heshay in si caalami ah loogu aqoonsado dal Madaxbanaan. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale ayaa sheegay inay soo qabanayaan ninkii maalintii shalay dilka ka geystay deegaanka Ceel-Afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex. Cabdiraxmaan Aar ayaa Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la hor-geeyay C/raxmaan Aar, waxay dhageystay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah. Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayaa in dib Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto. Wiilkan loo haysto in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee saaka Maxkamada la hor-geeyay, ayaa wuxuu ahaa Guddoomiye urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-___Duhur-23052019.mp3 View the full article
  20. Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ayaa maanta la horkeenaya Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” oo loo haysto in uu ku labistay dhar calanka Soomaaliya ka samaysan. Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay 7 maalmood oo Rumaan ah ( xabsi ku sii hayn) u jartay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar, oo ciidamada Boolisku Hargeysa ku xidheen isagoo gashan dhar Calanka Soomaaliya ka samaysan. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa baraha Bulshada ayaa si wayn loogu hadal hayay xadhigga nin dhallinyaro ah oo lagu xidhay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xidhay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah. Source
  21. (SLT-Nairobi)-Madaxa golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka magaalada Garissa Mr Aden Bare Ducaale ayaa sheegay in xilka aan laga qaadi doonin wasiirka Amniga Kenya. Mr Ducaale oo warbaahinta kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi Khamiista maanta, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in xildhibaano ka tirsan xisbiga Jubulle ay qorsheynayaan xil ka xayuubinta Fred Matiangi. Wasiirka amniga ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta gudaha Kenya ay hadal heysay in uu ka mid yahay mas’uuliyiin Imaaraadka uu ku eedeynayo in ay qeyb ka ahaayeen lacago dahab been abuur ah looga qaatay ganacsato u dhashay Carabta. Xildhibaanka Garissa ayaa meesha ka saaray arintaan waxaana uu sheegay in aysan jirin mooshin ka dhan ah Matiangi hadii uu soo baxana uu noqon doono shaqsiga ugu horeeya ee difaaci Doona. Maalintii isniinta ee todobaadkaan ayey aheyd markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo wasiirka amniga Fred Matiangi lagu eedeyay in imaaraadka ay u iibgeeyeen dahab aan sax Aheyn. Aden Bare Ducaale ayaa ah afhayeenka xisbiga haya talada Kenya ee Jubulle gaar ahaan garabka madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto. Source
  22. Guriceel (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulkaas ay qabteen Nin doonayay in uu is qarxiyo. Ciidamada Galmudug ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalka Al-shabaab ku qabanayay magaalada xilliga Ninkaas la qabanayay. Waxaa kulanka ku sugnaa Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari). Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray. “Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay. Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.
  23. Ciidanka Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa sida la sheegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qabtay nin doonayey in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munaasabad ay dhiganayeen Ahlusunna. Ninka ismiidaaminta doonayey oo ka soo gudbay baaritaannada ayaa gudaha u galay hoolkii munaasabaddu ka socotay oo ay fadhiyeen madaxda u sarraysa Ahlusunna balse waxaa sida la sheegayo u qarxi wayday jaakaddii uu isku miidaamin laha waxana markiiba qabtay ciidanka ilaalinayey amniga goobta. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay kala furan qaraxyadii ku rakibnaa ninkaasi doonayey in uu isku miidaamiyo hoolka munaasabadda. Munaasabadda maalinta Shuhadada ay u bixiyeen Ahlusunna ayey ku xusaan dagaal-yahanno kaga geeriyooday dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Nin isku qarxin lahaa madaxda Ahlusunna oo la qabtay appeared first on Puntland Post.
  24. Shaqada goolhaya ma ahan mid fudud waxa ay ka mid tahay tan ugu adag ay qabtaan dadka bartay xirfadan qubarada ciyaaraha waxa ku sheegaan in goohayaha uu kaalin weyn ay ku lee yihiin ciyaaraha kubbadda cagta. Macalimiinta farsamada u qaabilsan goolhayaasha Xiriirka kubbadda cagta ayaa da’daal badan ku bixinaya horomarinta goolhayaasha dalka,iyagoo tababaro kala duwan siiya dhallinyarada shabaqa u ilaalisa kooxaha kubbadda cagta iyo heerar kala duwan ee xulka Qaranka Soomaaliya. Xasan Faarax Axmed waxa uu ka tirsanyahay macalimiinta inta uga badan tababarka siiya goolhayaasha kubbadda cagta Soomaaliya waxa uu Goobjoog u sheegay in goolhayaasha uu saaranyahay waajib adag maadaam ay kaalin weyn ku lee yihiin isku xirka kooxda oo dhan. Goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta oo tababar adag ku sameeya garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa inoo sheegay in xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu da’daal badan ku bixiyo aqoonta iyo kor u qaadida goolhayaasha si ay ula jaanqaadan dhigooda qaarada Afrika iyo kuwa caalamka. Cabdi Wali ColaadQanyare (Gaatamow) oo horay ugu soo ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Muqdisho City Club ayaa qeexay in goolhayaasha kubbadda cagta ay waqti kasta la baro wixii ku soo kordhay caalamka iyagana laga rabo wixii lagu tababaray in ay ku dabaqaan tartamada ay ka qeybgalayaan gudaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Goolhayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  25. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Shalay Ka Dhacay Deegaanka Ceelafweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source