Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,480
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii golaha wasiirradda Somaliland, ayaa maanta waxa lagaga hadlay xaalada nabad-galyo daro ee kasoo cusboonatay deegaanada Gobolka Sanaag, iyadoona baaq nabadeedna loogu direy Puntland. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo lagu faah-faahinayey kulankaasi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan: Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu Baaq Nabadgelyo U Direen Maamulka Puntland. Wasiirka ayaa golaha wuxuu u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda. Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday. Ugu dambeyntii xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland. Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland. Waxay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad ayaa Si Adag Ugu Jawaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. NAIROBI, Kenya – Kenya has downplayed reports of deteriorating relations with Somalia over a maritime border dispute terming the recent decision by airport officials to turn away a Somali delegation as a purely immigration matter. Source: Hiiraan Online
  4. Guriceel (Caasimada Online) – Kadib markii Maanta barqadii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay nin doonayay in uu is qarxiyo xilli ay halkaasi Munaasabad ka socotay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay falkaasi Maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in Ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii sanado ka hor Ahlu-Suna iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Galgaduud, hase yeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen. Waxa uu sheegay in markaas kadib mid ka mid ah askarta uu baaritaano ku sameeyay, intaasi kadibna lagu arkay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa. Mar Wasiirka wax laga weeydiiyey halka Ninkaasi uu ka yimid ayuu sheegay in uu ka yimid dhinaca Koonfurta Soomaaliya, balse haatan degmada Guriceel uu kasoo galay dhinaca degmada Ceebuur ee isla Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in ninkaasi baaritaano dheeraad ah lagu haayo, isla markaana saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo bandhigi doono. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Saadaq-Sheekh-yuusuf-Ibarahim.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dowladda Puntland ayaa cambaareysay weerar fashilmay oo ciidamada Somaliland ay ku soo qaadeen wasiirka Waxbarashada Puntland xilli uu ku sugnaa degaanka Damalla Xagarre oo ka tirsan degmada Ceerigaabo isagoo kormeer ku samaynayay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo degaankaasi ka socday. War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda Puntland ee maanta ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay ciidamada Hargeysa ku soo qaadeen degaanka Damalla Xagarre si ay khalkhal u geliyaan qabsoomidda imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland wakhtigaasi socday. Xukuumadda Puntland ayaa bogaadisay kaalinta mugga leh ee shacabka degaanka Damalla Xagarre ay ku garab istaageen wefdiga wasiirka Waxbarashada Puntland islamarkaana ay ku fashiliyeen weerarkii Somaliland ku soo qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland. Sidoo kale xukuumadda Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dhammaan ardayda reer Puntland oo maanta uu si guul ah ugu soo dhammaaday imtixaanka shahaadiga ah iyadoo bogaadisay wasaaradda waxbarashada iyo laamaha amniga ee ka qeyb qaatay sugidda amniga imtixaanka. PUNTLAND POST The post Puntland oo cambaareysay weerarkii fashilmay ee Somaliland ku qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka. Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda. Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday. Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland. Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada. Source
  7. PRESS RELEASE Rwanda: Dr Kasonde Mwinga, New WHO Representative in Rwanda presents credentials to the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation The Minister accepted the credentials and welcomed Dr Mwinga to Rwanda FREETOWN, Sierra Leone, May 23, 2019/ — The newly appointed Representative of the World Health Organization (WHO) to the Republic of Rwanda, Dr Kasonde Mwinga, presented her credentials to the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Dr Richard Sezibera, on the 22 of May 2019. The Minister accepted the credentials and welcomed Dr Mwinga to Rwanda. In her remarks, the WHO Representative congratulated the Government of Rwanda for its various achievements in the health sector. She particularly commended Rwanda’s visionary leadership, its culture of being results focused and its use of innovative solutions to improve health and wellbeing. She indicated that the past success in achieving Millennium Goal Targets is a good stepping-stone towards the Sustainable Development Goals. Dr Mwinga acknowledged the Government’s good collaboration with WHO. She assured the Minister that WHO would continue to collaborate in health matters in alignment with national priorities. She indicated that WHO’s work in Rwanda will focus on promoting health and wellbeing, protection from health emergencies and Universal Health Coverage. The WHO Representative pledged her full support to fulfill key health priorities and promote health in other sector policies to accelerate attainment of the SDGs. The Rwandan Minister of Foreign Affairs and International Cooperation stated that the country has enjoyed good working relations with WHO across the three levels of the Organization. In Rwanda, health is the pillar for all development and is placed high on the national agenda by His Excellency the President of the Republic of Rwanda. The Minister indicated that the broad scope of the SDGs necessitates working across sectors and engaging the communities in addressing the determinants of health. He pointed out that decentralization, the Community Health Workers initiative, Performance Based Financing and the Community Based Health Insurance scheme continue to play a significant role in strong ownership and good performance of the health sector in Rwanda. He commended the WHO Director General’s message to countries on the adoption of Universal Health Coverage as a means to ensuring “no one is left behind”. Dr Sezibera reiterated his full support to WHO and invited Dr. Mwinga to work with the Ministry of Health as the line Ministry as well as support collaborative capacities with other health contributing sectors. Dr Mwinga was appointed as the new World Health Organization (WHO) Representative in Rwanda from 1 May 2019. She joined WHO in 2001 and has served in various capacities in several countries. Dr Mwinga is a pediatrician and public health specialist. Her previous roles include Team Leader in WHO India and Acting WHO Representative, Eritrea. She has worked in WHO African Regional Office, in Brazzaville and in WHO Zambia. Before joining WHO, she worked as a paediatrician/lecturer in Zambia. She holds a Master in Public Health from the University of Alabama at Birmingham in the United States, Health Management postgraduate certificate from Birmingham University in the United Kingdom and medical degrees (MBChB, MMed –Paed and B.SC.HB) from the University of Zambia. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  8. Kadib markii uu fashilmay Imtixaankii Shahaadiga aha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale halis amni soo foodsaartay ardayda Soomaaliyeed ee gelaysa imtixaanka ku celiska ah ee dowladda. Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho oo carruurtoodu mar kale u fariisanaya imtixaanka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyo walwal ku aaddan in qaraxyo waaweyn lala beegsado goobaha ardaydu ku gelayaan imtixaanka shahaadiga ah. Waalidiintaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ammaanka carruurtooda markii ay galayaan imtixaanka dowladda 27-ka May ee sanadkaan 2019 kadib markii ay kordheen qaraxyada Al-Shabaab. Dhowr xarumood oo lagu galayo imtixaanka dowladda ayaa halis ugu jira weeraro argagixiso, waxaana qaarkood ku bur bureen qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho. Dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kowneyn, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane iyo xarunta Jaamacadda City oo ku dhow taalada Daljirka Daahson, Iskuulka Yaasiin Cusmaan oo ku yaala nawaaxiga Xaawa Taako iyo Xarunta Jaamacadda umadda oo ku dhow Ex Baarlamaan oo dhamaantood imtixaanka Dowladda lagu galo ayaa todobaad gudahiis la wareeray goobo ka agdhow, waxaana laga cabsi qabaa in Al-shabaab mar kale weerarro ismiidaamin ah ku qaaddo. Sidoo kale, Iskuulka Finti UNA Oktoobar oo ku yaala degmada Waaberi iyo Iskuulka Fifteen May ayaa kamid ah goobaha ay cabsida ka jirto oo dhowaan la qarxiyay xarunta degmada ee u dhow. Waxaa jira gooba kale oo iyana bar tilmaameed noqon kara nawaaxigooda oo halis gelin kara amaanka ardayda Soomaaliyeed. Sanad ka hor ayaa qaraxyo ka dhacay meel u dhow Ex Baarlamaan iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya waxaa ku dhintay macalimiin iyo arday kuwaasi oo ku jiray imtixaanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo meel kasta dhagxaan lagu jiray iyo goobaha qaar oo Ciidamo la fariisiyay. PUNTLAND POST The post Halis amni oo soo foodsaartay ardayda gelaysa imtixaanka Shahaadiga dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Kuwaiti Emir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah on Thursday condemned a car bomb attack in Somalia’s capital Mogadishu. In a cable of condolences sent to Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, the emir voiced Kuwait’s condemnation of the criminal act that targeted innocent people. He wished swift recovery for the injured in the attack. At least four people were killed and 12 others injured in a car bomb attack in Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday morning, police and medical sources said. View the full article
  10. The US targeted ISIS fighters in Somalia for the fifth time since mid-April, killing two terrorists in an airstrike Wednesday, US Africa Command said in a statement. “Our efforts to locate and eradicate ISIS leaders who control a range of activities — from operations to financing and communications — is hitting at the heart of the organization and disrupting their ability to continue their terrorist activities,” Rear Adm. Heidi Berg, the director of intelligence of US Africa Command, said in a statement Thursday. The recent series of strikes against ISIS-Somalia have taken place in the Golis Mountains, located in the northern part of the country. US Africa Command said in April that a strike in the same area killed the organization’s second in command. There have been 37 US airstrikes in Somalia so far this year, mostly targeting the al Qaeda affiliate al-Shabaab, compared to 47 strikes in all of 2018. The US estimates that ISIS-Somalia commands about 150 fighters, making it one of the smaller affiliates of the terror group. The Pentagon has about 500 to 600 personnel in Somalia, where they primarily advise local troops battling al-Shabaab. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho islamarkaana carruurtooda mar kale u fariisanaya imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa qaba walaac xoog leh oo dhanka ammaanka ah. Waalidiintaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin amaanka carruurtooda markii ay galayaan imtixaanka Dowladda 27-ka May ee sanadkaan 2019 kadib markii ay kordhayn qaraxyada Al-Shabaab. Dhowr xarumood oo lagu galayo imtixaanka Dowladda Soomaaliya ayaa halis ugu jira weeraro waxayna qaarkood ku bur bureen qaraxii ugu dambeeyay waana sababta keentay in ay waalidiinta walaac muujiyaan. Dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kownayn, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane iyo xarunta Jaamacadda City oo ku dhow taalada Daljirka, Iskuulka Yaasiin Cusmaan oo ku yaala agagaarka Xaawa Taako, Xarunta Jaamacadda umadda oo ku dhow Ex Baarlamaan oo dhamaantood imtixaanka Dowladda lagu galo ayaa todobaad gudahiis la wareeray goobo ka agdhow, waxayna waalidiin badan qabaan in mar kale la wareero. Sidoo kale Iskuulka Finti Una Oktoobar oo ku yaala degmada Waabari iyo Iskuulka Fifteen May ayaa kamid ah goobaha ay cabsida ka jirto oo dhawaan la qarxiyay xarunta degmada oo u dhaw. Waxaa jira goobo kale oo sidaan oo kale bar tilmaameed noqon kara nawaaxigooda oo halis gelin kara amaanka ardayda Soomaaliyeed. “Halis amni ayaa jirta goobaha imtixaanka lagu galayo waa meelo dhowr jeer ay weeraro ka dhaceyn, hadii ay wax dhacaan ardayda wixii ka badbaada waa sasayaan” ayey tiri Haweeney wiilkeeda uu sanadkaan imtixaanka Dowladda galayo. Sanad ka hor ayaa qaraxyo ka dhacay meel u dhaw Ex Baarlamaan iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya waxaa ku dhintay Macalimiin iyo Arday kuwaas oo ku jiray imtixaanka Dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareysatay sugidda amaanka magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo meel kasta dhagxaan lagu jiray iyo goobaha qaar oo Ciidamo la fariisiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegey Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd iyo Dhitadii uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani. PUNTLAND POST The post Deni oo booqday Qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Qoysas Danyar ah oo degan wasaaraddii hore ee Caafimaadka Soomaaliya ayuu saameeyay qaraxii shalay ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ee degmadda Boondheere. Dadkan oo ah kuwo ay hooseyso noloshoodu ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii shalay, kadib markii ay dad badan kaga dhaawacmeen, islamarkaana ay Guryihii ka burbureen. Dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha Gargaarka ayey ka codsadeen in ay la soo gaaran Gurmad iyo Kaalmo kala duwan. Qaraxyadda Ka dhaca magaaladda Muqdisho inta badan waxaa ay saameyn ku yeeshan Nolaoha dad danyar ah. Qaraxii shalay waxaa ku dhintay Tobanaan Ruux, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen Dadka Geeriyooday waxaa ku jiray Saraakiil Ciidan iyo Madax horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceyneysa ciddii ka dambeysay weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Magaalada Makka Al Mukarama ee dalka Sacuudi Carabiya. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa ay caddeyneysaa in beegsiga Xaramka ee xurmadda leh uu yahay mid daan daansi ah oo aan la aqbali karin . Xukuumadda Soomaaliya waxa ay muujineysaa in weeraradaasi gantalada ah ay u aragto fal dembiyeed iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobaha barakaysan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May. Labadaasi gantaal waxaa kii u horeeyay lagu qarxiyay hawada Magaalada Dhaa’if,kaas oo ku jiheysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay hawada Magaalada Jidda. View the full article
  15. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay shalay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayey ku sheegeen in ay laba xubnood oo ka tirsan Daacish ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ay Arbacadii shalay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool degaannadaasi. Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in duqeytaasi ay ahayd tii shanaad ee lala beegsado Daacishta ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April xilligaasi oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn cirka ah ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn Maraykanku ka fuliyay gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle isaga hor imaan doono degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga saddexaad ee wareega koowaad tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Hodan ladii labadii kulan ee la soo dhaafay waa laga soo badiyay halka , Kaxda kulankii 1-aad ay guul gaartay, kulankii labaadna laga soo badiyay. Tartamayaasha difaacaya labada degmo ayaa haatan isu diyaarinaya barnaamijka Caawa,, basle waxaa laga war sugi doonaa degmada badisa Hodan iyo Kaxda ee G/Banaaidr. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa abaal marin qaali ku bixinaya shirkadaha Ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  17. A Chinese envoy on Wednesday asked the international community to provide more support for Somalia in security capacity building and humanitarian and socio-economic development aid. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia’s aid community has been caught off guard by severe drought conditions and growing food insecurity, and now says time is ticking to raise awareness of a looming crisis. “This is a little bit of an unanticipated shock,” said Justin Brady, head of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs in Somalia. The country has persistently suffered from poor rainfall but experts were expecting an average rainy season this year. While there has been raining in recent weeks, the season is coming to an end, with the country only having seen a fraction of its expected precipitation — due in part to cyclones in the Indian Ocean that prevented rains from moving north. This has put 1.7 million people in danger of acute food shortages, while a total of 4.9 million do not have access to enough food. “At the beginning of the season, we were told it could be delayed by a week or two, and then it became clear that it was more than just a delay and the whole rainy season was in jeopardy,” Brady said, adding that UNOCHA had even deployed staff to help with the emergency response in Mozambique, thinking they had the capacity to provide support elsewhere but had to recall them when the situation deteriorated. “The idea now is to raise awareness — not just internationally but within the country — and make sure everyone understands that we are approaching a crisis; while not necessarily on the same level as 2017, we could approach it,” Brady said. Six years after famine claimed over 210,000 lives, 2017 marked three consecutive seasons of failed rains for the country. Another famine was avoided, but the cyclical droughts and water scarcity have prevented Somalia from rebuilding its agricultural capacity and continue to threaten with hunger and malnutrition. Richard Desgagné, communication and prevention coordinator of the International Committee of the Red Cross’ Somalia delegation, said consequences could be more serious this time because communities haven’t had time to recover. According to a report by the Food Security and Nutrition Analysis Unit and Famine Early Warning System Network, if rainfall remains below average through June, widespread crop failure may result in deficits of over 50%, livestock will be lost, and there will be worsening of food security leading to increased displacement. With the crisis arriving unexpectedly, humanitarians said the international aid community’s eyes were elsewhere. “There’s been very little coverage up until now, mostly because of the cyclone” that hit southern Africa in March, Desgagné said. “The [spot]light has not been on the Horn of Africa.” The U.N. has said $710 million is required by the end of the year to avoid a crisis. But aid workers say that, so far, commitments haven’t been high enough. “We must strengthen our efforts and increase resources in responding to the needs of families and minimize human suffering,” said Nasra Ismail, director at the Somalia NGO Consortium. “Without an urgently scaled-up response, the impact of this drought will be severe.” Brady emphasized that investment isn’t just needed for humanitarian aid but development efforts too, calling the current health system unsustainable and dysfunctional given its reliance on humanitarian groups for everyday services. “Humanitarian funding and solutions are not a replacement for a health sector, so we really need to see resources coming from the development side to allow the health sector to function properly,” he said. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta Albaabka hore ee Wasaaradda Warfaafinta laga celiyey inuu gudaha u galo wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamid ah wariyaasha waqtiga badan kusoo jiray Saxaafadda, isla markaasna soo shaqeeyey waqti adag oo ay soo martay Saxaafadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa waxaa bartiisa facebook ku xaqiijiyey isla wariye Cabdullaahi Kulmiye oo soo qoray in saaka ay ilaalada wasaaradda u sheegeyn inuusan xarunta geli karin, maadaama uu amarkaas bixiyey sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla. Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayaa sheegay in inkasta oo amarkaas uu kasoo baxay Al-Cadaalla haddana aysan ciidamada ilaalada heysan waraaq, wuxuuna sheegay inay ciidamada u sheegeyn in arrintaan afka looga sheegay ayna fulinayaan amarkaas. Shabakadda Caasimadda Online oo baaritaan ku sameysay sababta keentay arrintaan ayaa ogaatay in Cabdullaahi Kulmiye lagu heysto fikrado uu Bartiisa Facebook kusoo qoro oo uu ku dhaleeceeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow. Sidoo kale Cabdullaahi ayaa bartiisa Facebook soo qoray warbixino uu dhalaceyn ugu soo jeediyey Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan qeybta SONNA. Haddaba Cabdullaahi xaq ka u leeyahay in Iridda laga celiyo? Sida dastuurka dalka uu qabo qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu cabiro fikiriisa shakhsiyadeed isagoo aan qof u gefin ama aan ku xad gudbin sharafta shakhsiyadeed, waxaana muuqato inuu Wariye Cabdullaahi ciqaab ku muteysanayo sababata uu fikirkiisa u cabiray. Sidoo kale waxaa qalad ah in Shaqaalaha dowladeed laga celiyo iridda, iyadoo aysan jirin dambi ay kusoo oogtay maxkamad ama ana la marin hanaanka lagu saxo qaladaadka ama shaqaalaha lagula xisaabtamo. Qofka Shaqaalaha ah marka uu qalad galo wuxuu muteystaa ciqaabo kala duwan, balse ma jirto ciqaab ka bilaabato in qofka laga celiyo alabaabka Shaqadiisa, in qof dhan oo soo shaqo tagay laga celiyo albaabka wasaaradda . Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in Cabdullaahi Kulmiye Caddoow uu kamid yahay Wariyaasha usoo halgamay Saxaafadda isla markaasna uu naftiisa halis u geliyo inuu shacabkiisa u adeego, waxaana qalad weyn ah in maanta looga tago meel cidlaa isla markaasna loo diido inuu Wasaaradda galo iyadoo aysan jirin fal dambiyeed lagu soo eedeeyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dhoobley (SMN) – Dagaalyahanno Xarakada Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Diif oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland. Al Shabaab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankan oo 60 KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in durbaba Al Shabaab halkaasi ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo xoogan. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay Ciidanka Jubbaland ay dib uga soo gurteen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maamihii dambe waxaa gobollada Jubbooyinka ee socdeen howlgallo iyo dhaqaqaaqyo ka dhan Al Shabaab. View the full article
  21. Maanta waxaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa kadib markii la qabtay nin doonayey inuu isku qarxiyo munaasabad halkaasi ka socotay. Maamulka Ahlu-sunna ayaa dhigayey munaasabad lagu maamuusayo shuhadad uga dhintay dagaallada ay la galeen xarakada Al-shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Ninkan oo uu askari isku duubey ayaa la qabtay, kadibna laga qaadey wixii qarxayey, waxaana haatan la sheegayaa in lagu xiray saldhigga magaalada. Sawirro: Source: goobjoog.com
  22. The suicide attack was aborted in Guri-El town in Galgadud region in Somalia on Thursday. A middle-aged man strapped with suicide vests posing as a poet was arrested by Ahlu Sunna Wal-Jama forces before he attempted to detonates his explosives. According to sources the man wanted to take the microphone saying he wants to eulogies ASWJ leaders. He was wearing a suicide vest and was wrestled to the ground, detained by the security forces in as he tried to blow himself up at a parade to commemorate Sufi fighters who died fighting Al-Shabaab. He was heading towards VIPs when intercepted by guards. More than ten people were killed and scores others were wounded following suicide car bomb attack in the Somali capital, Mogadishu on Wednesday View the full article
  23. The Republic of Somaliland has celebrated its 28th Anniversary of National Day in Addis Ababa. Somaliland’s Ambassador to Ethiopia, Salan Hassan Abdilleh, during the occasion said that the 18th of May has a huge significance for Somaliland not only because it’s a self-declared date of independence for 28 years, but also as inspirational date and hope to endear and envisage for the future of the country. The Ambassador added that Somaliland is keen to strengthen long outstanding ties with Ethiopia in economy, trade, security, military and educational cooperations at highest level. The relationship between Somaliland and Ethiopia is strong and growing in areas of security, economic, trade and educational cooperation, it was noted. Ethiopia is using Berbera port for some of its import and export businesses. In partnership with foreign investors, specifically from the United Arab Emirates, Berbera Port was inaugurated at a cost of USD 442 million. Ethiopia obtained a 19 percent share of the port in 2017. It was envisioned that the new port will be used as a regional trading hub. Ethiopian Airlines, some private universities and other businesses are working in Somaliland, it was noted. In the 28 years since, Somaliland has continued to call for recognition. It has maintained stability and held elections. It has its own flag, parliament, currency, national identity. It has also developed on various economic and social measures. Although not recognized as a sovereign state, Somaliland declared its independence from Somalia on May 18, 1991. Source Walta Qaran News
  24. Guriceel (SMN): –Munaasabad weyn oo loogu duceynayey Askartii Ahlu sunna Waljamaaca ee ku geeriyootay Dagaaladii Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ee Goboladda dhexe ayaa Maanta ka dhacday Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Xafladan ayaa waxaa Dhoolatus Militari ku soo Bandhigay Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladgoboleedka Galmudug. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu kamid yahay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka qeyb galay Xafladaasi. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uduceeyay Ciidamada uga dhintay Dagaaladii Al Shabaab iyo iyaga ee ay kula wareegeen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Sheekh Shaakir waxaa uu Shacabka Deeganadaasi ugu baaqay in ay ilaaliyaan Nabadgalyada dhiiga badan loo soo daadiyey, isagoo Madasha ka cafiyey oo amarna ku bixiyey in Xabsiyadda Maamulkaasi laga siidaayo dadka Danbiyadda fudud galay, Munaasabadda Ducada awgeed. Dhanka kale Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu isku miidaamin rabay qeybta ay Mas’uuliyiintu ka joogeen Xafladaasi. Laamaha Amniga ayaa sheekay Ninka uu qaraxu ku xirnaa inta aysan qaban ka hor in ay ka shakiyeen, islamarkaana ay markii danbe qabteen. Wararka ka imaanaya Degmadda Guriceel waxaa ay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbiyey Xabsiga Magaaladaasi, islamarkaana ay hadda ku socoto Baaritaano kala duwan. View the full article