-
Content Count
208,498 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
It is time for the Somali government to ask the African Union (AU) that Kenyan Defense Forces (KDF) are no longer needed to be part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib go’aanadii kala duwanaa ee kasoo baxayay maalmahaan dowladda Kenya, ayaa hadda waxaa muuqata in xaaladda ay cirka isku sii shareertay, iyadoo xogo la helayo ay xaqiijinayaan in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan cusub oo ka dhan ah Nairobi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in shirarkii kala duwanaa ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in shirarkaasi loo wareejiyo magaalooyinka Kampala, Kigali iyo Addis Ababa, waxaana go’aankaasi uu yahay mid hadduu dhaqan galo saameyntiisa leh. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in go’aankaasi ay isku raaceen golaha wasiirada xukuumadda Soomaalya kadib kulankii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana wasaarad walbaa laga doonayaa inay amarkaasi ku wargelisaa hay’adaha ay bah wadaagta yihiin. Seddexdaasi magaalo ayaa loo sheegay wasiirada inay ku wargeliyaan hay’adaha ay la shaqeeyaan inay u wareegaan oo ay ka wareegtaan magaalada Nairobi oo saldhig u ah hay’ado badan oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya. Midowga Yurub ayaa ka carooday talaabada dowladda Kenya ku xanibtay xubno ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gali lahaa shir ka dhacayay magaalada Nairobi, waxaana la ogeyn saameynta go’aanka cusub ee dowladda Soomaaliya uu yeelan doono. Xiisada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii Kenya go’aano isdaba joog ah ka qaadatay arimo Soomaaliya saameynaya, waxaana ay dooneysaa inay cadaadis ku saarto dowladda Soomaaliya oo muuqata inay ku guuleysan rabto dacwada dhanka badda ee taala maxkamadda ICJ. Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada Ahlu Sunna gaar ahaan kuwooda loo yaqaan Al-Ashcariya ayaa ku guuleystay inay qabtaan nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu isku qarxiyo Xaflad ay lahaayeen Ahlu Sunna Wal-Jameeca taasoo loogu dabaal dagayey 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii Al-Shabaab laga saaray Guriceel iyo Dhuuusamareeb. Arrintaan ayaa hadal heyn weyn ka dhalisay Baraha Bulshada iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaa waxaa kamid ah sababta aysan Ciidamada Dowladda ugu suurtagelin inay ka hor tagaan qaraxyada ay Al-Shabaab soo maleegaan, iyadoo la ogyahay in Ciidamada Dowladda ay tiro ahaan iyo tababarka ay qaataan ka badan yihiin kuwa Ahlu Sunna Wal-Jameeca ee ku sugan Deegaanada Galgaduud. Dadka Falanqeeyo arrimaha Ciidamada ayaa aamisan in Sababta ay Ciidamada Ahlu Sunna uga tayo fiican yihiin kuwa Dowladda marka laga hadlayo u babac dhigista Kooxda Al-Shabaab ay sabab u tahay waxyaabaha soo socdo: 1) Caqiiqada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inaysan laheyn caqiido diin iyo mid waddan, taasina ay keentay inaysan iska celin kooxda Al-Shabaab ee ciidamadeeda kusoo tababartay inay janada galayaan haddii ay ku dhintaan dagaalka. Waxaa taas tusaale kaaga filan in Ciidamada Dowladda intooda badan aysan dukan, cibaadeysan, sidoo kalana waxaa arkeysaa iyadoo Bishii Ramadaan lagu jiro wax iska cunayo biyana cabayo. Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa markii horeba ciidanka u galay markii ay waayeen wax kale oo noloshooda waxtar u leh oo ay qabtaan, maadaama aysan sumcad ku dhex lahayn bulshada, oo ay ahaan jireen maleeshiyo daadka dhaca. Sidoo kale kuma xirno Alle, sababtoo ah aad ayey u yar tahay weliba dadka way yaabaan markay arkaan askari ka tirsan Dowladda oo dukanayo, taasna waa qeyb weyn oo kamid ah nasiib darada heysato Ciidamada Dowladda. Macquul maahan in Askari aan Alle ku xirneyn, og inuusan wax fiican sii hormarsan uu ogolaado inuu dhinto ama uu isku dhigo nin rabo inuu is qarxiyo sababtoo ah wuxuu ogyahay waxa ka horeeyo inaysan aheyn wax fiican marka la hor tago Alle Subxaanahu Watacaalaa. Taas badalkeeda Ciidamada Ahlu Sunna u diiwaan gashan waa Xirtii kitaabada ku raacanayey Galgaduud ee loo diiday inay cidaabeystaan sidaasna go’aan ku gaaray inay isaga celiyaan Al-Shabaab taasina ay keentay inay Al-Shabaab cabsi iyo walweli dareemaan marka ay wajahayaan Ciidamada Ahlu Sunna oo u dagaalamayo Caqiido ah inay Janada Galayaan. Ciidamada Ahlun Sunna intooda badan marka aad aragto waxaa ka muuqato Sunada, halka Ciidamada Dowladda ay wajiyadooda yihiin kuwa Mugdi iyo Madow ah taasina ay sabab u tahay cidaabo la’aanta. 2) Maandooriyaal 99% Ciidamada Dowladda waxay isticmaalaan Maandooriyaasha qeybahooda kala duwan, taasina waxay keentay inaysan laheyn wax mas’uuliyad ah oo ay iska saarayaan Dalka iyo Dadka Shacabka ah. Halka Ciidamada Ahlu Sunna intooda badan amaba dhammaantood aysan isticmaalin maandooriye taasna ay ka saaciday inay si niyad ah uga hor tagaan Kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku guuleystaan inay nabad ka dhigaan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb oo la ogyahay in Al-Shabaab dhiig badan looga daadiyey, Ugu dambeyntii si ay ciidamada Dowladda u noqdaan kuwa u diyaarsan iska celinta Al-Shabaab iyo xreynta Soomaaliya waa in marka hore laga dhiso Caqiiqada isla markaasna lasoo saaro Ciidamo ku xiran Alle kana soo baxo waajibaadka uu Alle saaray ee lagu adoonsaday. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
NAIROBI — The Somali government says it's not ready to take any action that could threaten its relationship with its neighbor Kenya. The announcement comes amidst simmering tensions over potential offshore oil deposits and an incident where Somali government officials and diplomats were denied entry to Kenya this week. Source: Hiiraan Online
-
Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta kulan uu ku dhex maray Siyaasiga caanka ah ee Raila Odinga iyo Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi. Mas’uuliyiintan ka socday Somaliland oo kala ahaa Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku wehlinayey wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa waxay kulan kula yeeshen Raila Odinga xafiiskiisa ku yaal Capital Hill Square ee magaalada Nairobi. Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo sidii ay iskaga kaashan laahayen arrimaha ganacsiga iyo isku socodka bulsho ee Somaliland iyo Kenya. Wafdigan ka socda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxay kulamo kala duwan la yeelanayeen dhinacyo badan oo ku sugan Nairobi. Wafdigan ayaa sidoo kale waxay kulan aan hore loo shaacin la qaaten Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo isaguna ku sugan magaalada Nairobi, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabadaha xiligan hortaagan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aan weli dib u furmin muddo ka badan labo sano. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
BARCELONA — Somalia’s aid community has been caught off guard by severe drought conditions and growing food insecurity, and now says time is ticking to raise awareness of a looming crisis. Source: Hiiraan Online
-
KUWAIT CITY (Xinhua) -- Kuwaiti Emir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah on Thursday condemned a car bomb attack in Somalia's capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Despite Somalia’s persistent security threats, recurrent political crises, capacity constraints and the difficulties in navigating political obstacles to its reform agenda, the Horn of Africa country remains on a “positive trajectory,” the UN Security Council was told on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Former Somali minister Fahiye killed in suicide car bombing
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Police in Somalia say former foreign minister Hussein Elabe Fahiye was among five people killed when a car bomb exploded Wednesday. Source: Hiiraan Online -
Foreigners fighting alongside the al Shabab in Somalia are increasingly frustrated with the militant’s group treatment of their kind, military sources have said. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland: Two Different Men, Two Different Human Beings, Two Different Actions The two men featured in these photos were both officers in the armed forces of the late Siyad Barre regime in Somalia. Ahmed Mohamed Hassan was an Air Force pilot who flew Mig jets, Yusuf Abdi Ali, aka Colonel “Tuke” was the head of the 5th Brigade in Gabiley, Somaliland. Both men were trained at great expense by the defunct Somali Republic to serve and protect their citizens. In 1988, at the height of the civil war in the defunct Somali Republic, Pilot Ahmed Mohamed Hassan was given orders to attack the city of Hargeisa which was at that time under attack by fighters from the Somali National Movement, SNM. Because, the SNM soldiers were inside the city, it was difficult to separate between legitimate military targets and civilians. However, this did not stop the forces of the Barre regime from indiscriminately shelling the city. The jet fighter pilot, a man of incredible integrity and humanity, took off as instructed and instead of dropping his bombs on the city, headed out to the Red Sea, dropped his bombs into the sea and flew on to Djibouti, where he landed safely, and sought asylum. Today, he lives in Europe and recently paid a visit to Somaliland. The other man, Col. Yusuf Abdi Ali, aka “Tuke” engaged in sadistic torture of civilians, from dragging victims behind vehicles until they were shredded to bits, to burning the remains of the dead and dying, to summary executions and unspeakable torture methods against the people of Gabiley. Col. “Tuke” was recorded on video issuing the infamous order “only the crows should be left alive in the city”, hence the nickname, “Tuke”, meaning crow in Somali. After the war, and the fall of the Barre regime, he fled to Canada, only to be confronted by the very same people he had terrorized and tortured. His asylum application was revoked and he was deported from Canada. Colonel “Tuke” haunted by his actions in Somalia fled to the United States of America. He worked as a security guard and later as a taxi driver. But, justice continued to follow and finally, this week in a court in the state of Virginia he was found guilty of torture in a civil case. He will most likely have his status in the United States revoked and deported back to Somalia. Two men, two different human beings, two different actions. One man, Ahmed Mohamed Hassan, was an officer and a professional, who took the honorable course of action. Yusuf Abdi Ali was neither an officer nor a professional, who took the dishonorable course of action. One man, Ahmed Mohamed Hassan, was a brave person, the other was and remains a coward. The people of Somaliland will always remember both men and their different actions. Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii golaha wasiirradda Somaliland, ayaa maanta waxa lagaga hadlay xaalada nabad-galyo daro ee kasoo cusboonatay deegaanada Gobolka Sanaag, iyadoona baaq nabadeedna loogu direy Puntland. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo lagu faah-faahinayey kulankaasi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan: Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu Baaq Nabadgelyo U Direen Maamulka Puntland. Wasiirka ayaa golaha wuxuu u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda. Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday. Ugu dambeyntii xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland. Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland. Waxay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Kadib markii Maanta barqadii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay nin doonayay in uu is qarxiyo xilli ay halkaasi Munaasabad ka socotay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay falkaasi Maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in Ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii sanado ka hor Ahlu-Suna iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Galgaduud, hase yeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen. Waxa uu sheegay in markaas kadib mid ka mid ah askarta uu baaritaano ku sameeyay, intaasi kadibna lagu arkay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa. Mar Wasiirka wax laga weeydiiyey halka Ninkaasi uu ka yimid ayuu sheegay in uu ka yimid dhinaca Koonfurta Soomaaliya, balse haatan degmada Guriceel uu kasoo galay dhinaca degmada Ceebuur ee isla Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in ninkaasi baaritaano dheeraad ah lagu haayo, isla markaana saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo bandhigi doono. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Saadaq-Sheekh-yuusuf-Ibarahim.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa cambaareysay weerar fashilmay oo ciidamada Somaliland ay ku soo qaadeen wasiirka Waxbarashada Puntland xilli uu ku sugnaa degaanka Damalla Xagarre oo ka tirsan degmada Ceerigaabo isagoo kormeer ku samaynayay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo degaankaasi ka socday. War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda Puntland ee maanta ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay ciidamada Hargeysa ku soo qaadeen degaanka Damalla Xagarre si ay khalkhal u geliyaan qabsoomidda imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland wakhtigaasi socday. Xukuumadda Puntland ayaa bogaadisay kaalinta mugga leh ee shacabka degaanka Damalla Xagarre ay ku garab istaageen wefdiga wasiirka Waxbarashada Puntland islamarkaana ay ku fashiliyeen weerarkii Somaliland ku soo qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland. Sidoo kale xukuumadda Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dhammaan ardayda reer Puntland oo maanta uu si guul ah ugu soo dhammaaday imtixaanka shahaadiga ah iyadoo bogaadisay wasaaradda waxbarashada iyo laamaha amniga ee ka qeyb qaatay sugidda amniga imtixaanka. PUNTLAND POST The post Puntland oo cambaareysay weerarkii fashilmay ee Somaliland ku qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka. Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda. Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday. Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland. Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada. Source
-
PRESS RELEASE Rwanda: Dr Kasonde Mwinga, New WHO Representative in Rwanda presents credentials to the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation The Minister accepted the credentials and welcomed Dr Mwinga to Rwanda FREETOWN, Sierra Leone, May 23, 2019/ — The newly appointed Representative of the World Health Organization (WHO) to the Republic of Rwanda, Dr Kasonde Mwinga, presented her credentials to the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Dr Richard Sezibera, on the 22 of May 2019. The Minister accepted the credentials and welcomed Dr Mwinga to Rwanda. In her remarks, the WHO Representative congratulated the Government of Rwanda for its various achievements in the health sector. She particularly commended Rwanda’s visionary leadership, its culture of being results focused and its use of innovative solutions to improve health and wellbeing. She indicated that the past success in achieving Millennium Goal Targets is a good stepping-stone towards the Sustainable Development Goals. Dr Mwinga acknowledged the Government’s good collaboration with WHO. She assured the Minister that WHO would continue to collaborate in health matters in alignment with national priorities. She indicated that WHO’s work in Rwanda will focus on promoting health and wellbeing, protection from health emergencies and Universal Health Coverage. The WHO Representative pledged her full support to fulfill key health priorities and promote health in other sector policies to accelerate attainment of the SDGs. The Rwandan Minister of Foreign Affairs and International Cooperation stated that the country has enjoyed good working relations with WHO across the three levels of the Organization. In Rwanda, health is the pillar for all development and is placed high on the national agenda by His Excellency the President of the Republic of Rwanda. The Minister indicated that the broad scope of the SDGs necessitates working across sectors and engaging the communities in addressing the determinants of health. He pointed out that decentralization, the Community Health Workers initiative, Performance Based Financing and the Community Based Health Insurance scheme continue to play a significant role in strong ownership and good performance of the health sector in Rwanda. He commended the WHO Director General’s message to countries on the adoption of Universal Health Coverage as a means to ensuring “no one is left behind”. Dr Sezibera reiterated his full support to WHO and invited Dr. Mwinga to work with the Ministry of Health as the line Ministry as well as support collaborative capacities with other health contributing sectors. Dr Mwinga was appointed as the new World Health Organization (WHO) Representative in Rwanda from 1 May 2019. She joined WHO in 2001 and has served in various capacities in several countries. Dr Mwinga is a pediatrician and public health specialist. Her previous roles include Team Leader in WHO India and Acting WHO Representative, Eritrea. She has worked in WHO African Regional Office, in Brazzaville and in WHO Zambia. Before joining WHO, she worked as a paediatrician/lecturer in Zambia. She holds a Master in Public Health from the University of Alabama at Birmingham in the United States, Health Management postgraduate certificate from Birmingham University in the United Kingdom and medical degrees (MBChB, MMed –Paed and B.SC.HB) from the University of Zambia. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
-
Kadib markii uu fashilmay Imtixaankii Shahaadiga aha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale halis amni soo foodsaartay ardayda Soomaaliyeed ee gelaysa imtixaanka ku celiska ah ee dowladda. Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho oo carruurtoodu mar kale u fariisanaya imtixaanka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyo walwal ku aaddan in qaraxyo waaweyn lala beegsado goobaha ardaydu ku gelayaan imtixaanka shahaadiga ah. Waalidiintaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ammaanka carruurtooda markii ay galayaan imtixaanka dowladda 27-ka May ee sanadkaan 2019 kadib markii ay kordheen qaraxyada Al-Shabaab. Dhowr xarumood oo lagu galayo imtixaanka dowladda ayaa halis ugu jira weeraro argagixiso, waxaana qaarkood ku bur bureen qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho. Dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kowneyn, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane iyo xarunta Jaamacadda City oo ku dhow taalada Daljirka Daahson, Iskuulka Yaasiin Cusmaan oo ku yaala nawaaxiga Xaawa Taako iyo Xarunta Jaamacadda umadda oo ku dhow Ex Baarlamaan oo dhamaantood imtixaanka Dowladda lagu galo ayaa todobaad gudahiis la wareeray goobo ka agdhow, waxaana laga cabsi qabaa in Al-shabaab mar kale weerarro ismiidaamin ah ku qaaddo. Sidoo kale, Iskuulka Finti UNA Oktoobar oo ku yaala degmada Waaberi iyo Iskuulka Fifteen May ayaa kamid ah goobaha ay cabsida ka jirto oo dhowaan la qarxiyay xarunta degmada ee u dhow. Waxaa jira gooba kale oo iyana bar tilmaameed noqon kara nawaaxigooda oo halis gelin kara amaanka ardayda Soomaaliyeed. Sanad ka hor ayaa qaraxyo ka dhacay meel u dhow Ex Baarlamaan iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya waxaa ku dhintay macalimiin iyo arday kuwaasi oo ku jiray imtixaanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo meel kasta dhagxaan lagu jiray iyo goobaha qaar oo Ciidamo la fariisiyay. PUNTLAND POST The post Halis amni oo soo foodsaartay ardayda gelaysa imtixaanka Shahaadiga dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Kuwaiti Emir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah on Thursday condemned a car bomb attack in Somalia’s capital Mogadishu. In a cable of condolences sent to Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, the emir voiced Kuwait’s condemnation of the criminal act that targeted innocent people. He wished swift recovery for the injured in the attack. At least four people were killed and 12 others injured in a car bomb attack in Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday morning, police and medical sources said. View the full article