-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Kosovo, Ivica Dacic ayaa Arbacadii shalay safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Kosovo. Mr. Dacic ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta. Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka walaalnimo ee soojireenka ah iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan labada dal ee Soomaaliya iyo Kosovo. Sidoo kale, ra’iisul wasaare ku xigeenka Kosovo ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya weydiistay in ay dalkiisa ku gacan-siiso sidii uu xubin uga noqon lahaa Qaramada Midoobay, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday dalabkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa Mr. Dacic u xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya xeerarka caalamiga ah. Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheikh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay Kosovo sannadkii 2010-kii. Waddanka yare ee Kosovo ayaa xornimadiisa ka qaatay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin. Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay. Halkaan ka akhriso iyadoo English ah PUNTLAND POST The post Mid kamid ah dalalka Yurub oo ku hungoobay ictiraaf uu weydiistay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qaraxyadii ugu xanuunka badanaa ee waayahaan dembe ka dhaca gobalka Banaadir, ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 ruux oo isugu jira ciidan, saraakiil, mas’uuliyiin kale iyo dad shacab ah. Waxa uu uur-kutaalo xanuun badan ku reebay qoysas badan oo ku waayay xubno muhiim u ahaa ku sii dhax-jirka nolashooda inkastoo waqtiga dhamaaday. Qaraxa ayaa dhacay iyadoo magaalada Muqdisho aysan jirin meel lagu dhaqaaqi karo oo ay meel kasta xirtay dowladda Soomaaliya. Waxa uu ka soo gudbay ugu yaraan 6 kontarool oo ay fariistaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waana sababta keentay tuhunka badan. Gaariga ayaa la sheegay in uu ka soo gubay wadooyinka xiran waxa uuna ka yimid dhinaca Jubba sida ay Caasimada Online u sheegeyn dad goob joogayaal ahaa. Waxa uu ka soo gudbay rugaha kala ah:- Ciidamada fadhiya Isgoyska Sanca Ciidamada fadhiya isgoyska Maana-boolyo agagaarka Iskuul Muqdisho Ciidamada fadhiya ka soo horjeedka Wasaaradda amniga Ciidamada Booliiska ee canshuurta qaada oo gaadiidka oo dhan celiya ee fariista meel u dhaw taalada Daljirka Daahsoon, wadada ku toosan Bangiga dhexe. Ciidamada daggan, dagaan-digga Isgoyska Boondheere, waa hadii uu soo maray dhinaca Boondheere. Ciidamada fadhiya darbiga Taalada Daljirka Daahsoon kuwaas oo ku toosan jid cadde ka yimaada meel ku aadan Isgoyska Jubba kuna soo dhaca Taalada Daljirka, (Dhabarka Dambe ee Iskuulka Sheekh Yuusuf Alkownayn iyo dhabarka dambe ee Wasaaradda Boostada). Xagee ayuu soo maray gaarigaan? Yaa u fududeeyay in uu soo gaaro Godka Jilacow? Maxay qabanayeen Ciidamada aan soo sheegnay ee ku sugnaa goobihii uu ka soo gudbay? Hadii aysan Ciidamada indhahooda qaban kuwa qaraxa wada, maxaa loo dhibayaa dadka shacabka ah? Waa su’aalaha ay qabaan shacabka magaalada Muqdisho. Ma jirto ilaa hadda cid faah faahin karta sababta uu gaarigaan u soo dhaafay dhamaan rugaha aan soo sheegnay mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen hey’adaha amaanka. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa qaba dhibaabtooyin badan oo ay kala kulmayaan wadooyinka xiran qaraxyadana ay toos u gaarayaan bar-tilmaamoodkooda waxayna arimahaan abuureen Shaki laga qabo hey’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya. Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha. Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Warshadda Qalabka Dhismaha Ciidamada Asluubta appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta Afartan iyo Sadexaad Guutada Kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kal Deeganadan oo kal hore laga saaray Kooxda Al Shabaab ayuu Axmed Madoobe sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen, dhawaana la bilaabi doono howlgalo cusub oo lagu xoraynayo deegaanada kale ee Gobolka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan. Goobjoog News e Source: goobjoog.com
-
It is time for the Somali government to ask the African Union (AU) that Kenyan Defense Forces (KDF) are no longer needed to be part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib go’aanadii kala duwanaa ee kasoo baxayay maalmahaan dowladda Kenya, ayaa hadda waxaa muuqata in xaaladda ay cirka isku sii shareertay, iyadoo xogo la helayo ay xaqiijinayaan in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan cusub oo ka dhan ah Nairobi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in shirarkii kala duwanaa ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in shirarkaasi loo wareejiyo magaalooyinka Kampala, Kigali iyo Addis Ababa, waxaana go’aankaasi uu yahay mid hadduu dhaqan galo saameyntiisa leh. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in go’aankaasi ay isku raaceen golaha wasiirada xukuumadda Soomaalya kadib kulankii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana wasaarad walbaa laga doonayaa inay amarkaasi ku wargelisaa hay’adaha ay bah wadaagta yihiin. Seddexdaasi magaalo ayaa loo sheegay wasiirada inay ku wargeliyaan hay’adaha ay la shaqeeyaan inay u wareegaan oo ay ka wareegtaan magaalada Nairobi oo saldhig u ah hay’ado badan oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya. Midowga Yurub ayaa ka carooday talaabada dowladda Kenya ku xanibtay xubno ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gali lahaa shir ka dhacayay magaalada Nairobi, waxaana la ogeyn saameynta go’aanka cusub ee dowladda Soomaaliya uu yeelan doono. Xiisada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii Kenya go’aano isdaba joog ah ka qaadatay arimo Soomaaliya saameynaya, waxaana ay dooneysaa inay cadaadis ku saarto dowladda Soomaaliya oo muuqata inay ku guuleysan rabto dacwada dhanka badda ee taala maxkamadda ICJ. Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada Ahlu Sunna gaar ahaan kuwooda loo yaqaan Al-Ashcariya ayaa ku guuleystay inay qabtaan nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu isku qarxiyo Xaflad ay lahaayeen Ahlu Sunna Wal-Jameeca taasoo loogu dabaal dagayey 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii Al-Shabaab laga saaray Guriceel iyo Dhuuusamareeb. Arrintaan ayaa hadal heyn weyn ka dhalisay Baraha Bulshada iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaa waxaa kamid ah sababta aysan Ciidamada Dowladda ugu suurtagelin inay ka hor tagaan qaraxyada ay Al-Shabaab soo maleegaan, iyadoo la ogyahay in Ciidamada Dowladda ay tiro ahaan iyo tababarka ay qaataan ka badan yihiin kuwa Ahlu Sunna Wal-Jameeca ee ku sugan Deegaanada Galgaduud. Dadka Falanqeeyo arrimaha Ciidamada ayaa aamisan in Sababta ay Ciidamada Ahlu Sunna uga tayo fiican yihiin kuwa Dowladda marka laga hadlayo u babac dhigista Kooxda Al-Shabaab ay sabab u tahay waxyaabaha soo socdo: 1) Caqiiqada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inaysan laheyn caqiido diin iyo mid waddan, taasina ay keentay inaysan iska celin kooxda Al-Shabaab ee ciidamadeeda kusoo tababartay inay janada galayaan haddii ay ku dhintaan dagaalka. Waxaa taas tusaale kaaga filan in Ciidamada Dowladda intooda badan aysan dukan, cibaadeysan, sidoo kalana waxaa arkeysaa iyadoo Bishii Ramadaan lagu jiro wax iska cunayo biyana cabayo. Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa markii horeba ciidanka u galay markii ay waayeen wax kale oo noloshooda waxtar u leh oo ay qabtaan, maadaama aysan sumcad ku dhex lahayn bulshada, oo ay ahaan jireen maleeshiyo daadka dhaca. Sidoo kale kuma xirno Alle, sababtoo ah aad ayey u yar tahay weliba dadka way yaabaan markay arkaan askari ka tirsan Dowladda oo dukanayo, taasna waa qeyb weyn oo kamid ah nasiib darada heysato Ciidamada Dowladda. Macquul maahan in Askari aan Alle ku xirneyn, og inuusan wax fiican sii hormarsan uu ogolaado inuu dhinto ama uu isku dhigo nin rabo inuu is qarxiyo sababtoo ah wuxuu ogyahay waxa ka horeeyo inaysan aheyn wax fiican marka la hor tago Alle Subxaanahu Watacaalaa. Taas badalkeeda Ciidamada Ahlu Sunna u diiwaan gashan waa Xirtii kitaabada ku raacanayey Galgaduud ee loo diiday inay cidaabeystaan sidaasna go’aan ku gaaray inay isaga celiyaan Al-Shabaab taasina ay keentay inay Al-Shabaab cabsi iyo walweli dareemaan marka ay wajahayaan Ciidamada Ahlu Sunna oo u dagaalamayo Caqiido ah inay Janada Galayaan. Ciidamada Ahlun Sunna intooda badan marka aad aragto waxaa ka muuqato Sunada, halka Ciidamada Dowladda ay wajiyadooda yihiin kuwa Mugdi iyo Madow ah taasina ay sabab u tahay cidaabo la’aanta. 2) Maandooriyaal 99% Ciidamada Dowladda waxay isticmaalaan Maandooriyaasha qeybahooda kala duwan, taasina waxay keentay inaysan laheyn wax mas’uuliyad ah oo ay iska saarayaan Dalka iyo Dadka Shacabka ah. Halka Ciidamada Ahlu Sunna intooda badan amaba dhammaantood aysan isticmaalin maandooriye taasna ay ka saaciday inay si niyad ah uga hor tagaan Kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku guuleystaan inay nabad ka dhigaan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb oo la ogyahay in Al-Shabaab dhiig badan looga daadiyey, Ugu dambeyntii si ay ciidamada Dowladda u noqdaan kuwa u diyaarsan iska celinta Al-Shabaab iyo xreynta Soomaaliya waa in marka hore laga dhiso Caqiiqada isla markaasna lasoo saaro Ciidamo ku xiran Alle kana soo baxo waajibaadka uu Alle saaray ee lagu adoonsaday. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
NAIROBI — The Somali government says it's not ready to take any action that could threaten its relationship with its neighbor Kenya. The announcement comes amidst simmering tensions over potential offshore oil deposits and an incident where Somali government officials and diplomats were denied entry to Kenya this week. Source: Hiiraan Online
-
Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta kulan uu ku dhex maray Siyaasiga caanka ah ee Raila Odinga iyo Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi. Mas’uuliyiintan ka socday Somaliland oo kala ahaa Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku wehlinayey wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa waxay kulan kula yeeshen Raila Odinga xafiiskiisa ku yaal Capital Hill Square ee magaalada Nairobi. Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo sidii ay iskaga kaashan laahayen arrimaha ganacsiga iyo isku socodka bulsho ee Somaliland iyo Kenya. Wafdigan ka socda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxay kulamo kala duwan la yeelanayeen dhinacyo badan oo ku sugan Nairobi. Wafdigan ayaa sidoo kale waxay kulan aan hore loo shaacin la qaaten Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo isaguna ku sugan magaalada Nairobi, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabadaha xiligan hortaagan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aan weli dib u furmin muddo ka badan labo sano. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
BARCELONA — Somalia’s aid community has been caught off guard by severe drought conditions and growing food insecurity, and now says time is ticking to raise awareness of a looming crisis. Source: Hiiraan Online
-
KUWAIT CITY (Xinhua) -- Kuwaiti Emir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah on Thursday condemned a car bomb attack in Somalia's capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Despite Somalia’s persistent security threats, recurrent political crises, capacity constraints and the difficulties in navigating political obstacles to its reform agenda, the Horn of Africa country remains on a “positive trajectory,” the UN Security Council was told on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Former Somali minister Fahiye killed in suicide car bombing
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Police in Somalia say former foreign minister Hussein Elabe Fahiye was among five people killed when a car bomb exploded Wednesday. Source: Hiiraan Online -
Foreigners fighting alongside the al Shabab in Somalia are increasingly frustrated with the militant’s group treatment of their kind, military sources have said. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland: Two Different Men, Two Different Human Beings, Two Different Actions The two men featured in these photos were both officers in the armed forces of the late Siyad Barre regime in Somalia. Ahmed Mohamed Hassan was an Air Force pilot who flew Mig jets, Yusuf Abdi Ali, aka Colonel “Tuke” was the head of the 5th Brigade in Gabiley, Somaliland. Both men were trained at great expense by the defunct Somali Republic to serve and protect their citizens. In 1988, at the height of the civil war in the defunct Somali Republic, Pilot Ahmed Mohamed Hassan was given orders to attack the city of Hargeisa which was at that time under attack by fighters from the Somali National Movement, SNM. Because, the SNM soldiers were inside the city, it was difficult to separate between legitimate military targets and civilians. However, this did not stop the forces of the Barre regime from indiscriminately shelling the city. The jet fighter pilot, a man of incredible integrity and humanity, took off as instructed and instead of dropping his bombs on the city, headed out to the Red Sea, dropped his bombs into the sea and flew on to Djibouti, where he landed safely, and sought asylum. Today, he lives in Europe and recently paid a visit to Somaliland. The other man, Col. Yusuf Abdi Ali, aka “Tuke” engaged in sadistic torture of civilians, from dragging victims behind vehicles until they were shredded to bits, to burning the remains of the dead and dying, to summary executions and unspeakable torture methods against the people of Gabiley. Col. “Tuke” was recorded on video issuing the infamous order “only the crows should be left alive in the city”, hence the nickname, “Tuke”, meaning crow in Somali. After the war, and the fall of the Barre regime, he fled to Canada, only to be confronted by the very same people he had terrorized and tortured. His asylum application was revoked and he was deported from Canada. Colonel “Tuke” haunted by his actions in Somalia fled to the United States of America. He worked as a security guard and later as a taxi driver. But, justice continued to follow and finally, this week in a court in the state of Virginia he was found guilty of torture in a civil case. He will most likely have his status in the United States revoked and deported back to Somalia. Two men, two different human beings, two different actions. One man, Ahmed Mohamed Hassan, was an officer and a professional, who took the honorable course of action. Yusuf Abdi Ali was neither an officer nor a professional, who took the dishonorable course of action. One man, Ahmed Mohamed Hassan, was a brave person, the other was and remains a coward. The people of Somaliland will always remember both men and their different actions. Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News