-
Content Count
208,480 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
LONDON — Increasingly isolated, Prime Minister Theresa May backed down Thursday from plans to seek Parliament’s support for a Brexit bill already rejected by much of her Conservative Party, as expectations rose that she would cave in to demands that she resign and let a new leader try to complete the U.K.’s stalled withdrawal from the European Union. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii ugu dambeeyay Al-Shabaab waxay fursad muhiim u ah arkeyn in ay weeraraan xarumaha degmooyinka ee Dowladda Hoose Xama,r waxaana halkaasi ku dhamaada dad badan oo maras ah iyo shaqaalaha Dowladda ee Gobalka Banaadir. Iyadoo ay qatartaas jirto Maamulada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo Maamulka Gobalka Banaadir kama muuqato feejignaan amni iyo u diyaar garow qatarta kooxdaan caadeysatay leynta dadka shacabka ah. Goobaha halista ugu jira weerarada Al-shabaab ee aan diyaar-garowga ka muuqan waxaa kamid ah xarunta maamulka degmada Kaaraan oo 90% dayacan. Xarunta degmada waxay ku taala laamiga isgoyska degmada Kaaraan halka loo yaqaano (Isgoyska Jiira Wacbuudhan) ma jirto wax difaac ah oo ay leedahay haba-yaraadee waxa uuna gaarigii ka leexda laamiga uu ku tagayaa darbiga degmada oo dhamaad ah. Sidoo kale degmada malahan Ciidamo ilaaliya oo banaanka fadhiya. Waxybaaha kale ee aan ku aragnay halkaasi waxaa kamid ah Gudaha degmada waxaa maalintii taga, dad aan ka yareyn 150-200 oo qof oo u badan haweenka nadaafadda, dad shaqa u doonta, shaqaalaha degmada iyo bulsho kale. Degmada waxay leedahay laba waardiye oo kala ah gabar iyo wiil oo baara dadka galaya degmada waxayna taas kuu muujineysaa halista degmada ka jirta. Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online halkaasi ku aragtay waxaa kamid ah Albaabka degmada waxaa ku ganacsada haween badan oo ku hor iibiya qaad iyo qudrad, sidoo kale waa rug ay shacabka hor istaagaan oo laga raaco gaadiidka u soo safra degmada Xamar Wayne ee gobalka Banaadir. Degmada Kaaraan kuma jirto goobaha go’doonka la geliyay ee la sheegay in amnigooda la sugayo, waxa uuna gaarigii ka yimaada Shabeelooyinka iyo duleedyada magaalada uu tagi karaa xarunta degmada isagoo aan soo marin baro Kontarool, waana sababta keentay in aan ka digno halista amni ee degmada. Al-Shabaab ayaa mid kamid ah sadexdii qarax ee ugu dambeysay waxay ku weerarayn xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo shacab iyo shaqaale dowladeed isugu jira, sidaas darteed maxaa diidaya in Al-Shabaab ay weeraraan xarunta degmada Karaana hadii ay dayacantahay ? Sidoo kale, hore waxay u weerarayn xarumaha degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag iyo Hodan halkaas oo lagu waayay carruur iyo dumar. Waxaa muuqata in aysan hey’adaha amaanka iyo dowladda wali cashir ka baran qatarta Al-Shabaab, hadii ay bartaynna waxaa muqata in ay dayacayaan boqolaal bir-magayda ah. Caasimada Online ka hor inta aysan daabicin warbixintaan waxay la wadaagtay mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan iyo hey’adaha amaanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska waxaana laga joogaa muddo dhowr ah waana sababta keentay in halkaan ku daabacno maadaama magaalada Muqdisho ay wajahayso halis amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A Tanzanian man facing six terrorism charges has been jailed by a Lamu court for 110 years. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The UN Development Programme (UNDP) on Thursday welcomed its new resident representative for its country program in Somalia, Jocelyn Mason, to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Sudan's public prosecutors have called for the dismissal of the director of the National Intelligence and Security Service after agents prevented police from arresting former security chief Salah Abdallah, known as Salah Gosh. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallama xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka xarrakada Al-Shabaab sida ay sheegayaan ilo milatari oo arrintaan si dhaw ula socday. Dagaalyahannadan oo si dhuumasho ah uga soo baxdsay kooxda ayaa sheegay inay kala kulmeen ciqaab iyadoo lagu marmarsiyoonayo sababo aad u jilicsan islamarkaana la geeyo aagga hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda. “Waxay u isticmaalaan dagaalyahannada Kenyanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ahba wax lagu ciyaaro iyagoo ku qasba qaraxyada ismiidaaminta ah, dagaalka lugta ee aagga hore ama loo dilo sababo la xiriira inay cadowga u jaajuusayeen” Waxaa hadalkaan laga soo xigtay dagaalyahanno dib uga soo laabtay xarrakada Al-Shabaab. Dagaalyahannadan Kenyanka ah ayaa u sheegay milateriga Kenya inay badankood kasoo baxsadeen magaalada Jilib iyo Bu’ale kuna sii jeedaan Lakta Belt. Kooxdan ayaa raadineysa inay gooni uga goosato Al-Shabaab islamarkaana ay sameeyaan koox madax-bannaan oo sii wadda jihaadka caalamka sida ay sheegeen. Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhawaan la dilay taliyeyaal saameyn xooggan ku lahaa xarrakada Al-Shabaab oo kasoo jeeda Kenya iyo ajaanib kale. “Dilalka loo geysanayo taliyeyaasha saameynta leh ee kasoo jeeda Kenya ayaa ku dhaliyey walaac xooggan dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaa jira walaac haysta dagaalyahannada Kenyanka ah ee Al-Shabaab kaddib dhimashadii Ahmed Iman Ali oo ku magac dheeraa Abu Zinira kasoo ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana soo jeeday dalka Kenya,” Sida uu sheegay dagaalyahan dib uga soo goostay Al-Shabaab. Iman ayaa ka mid ahaa taliyeyaal lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Bu’ale dabayaaqadii bishii March ee sannadkan. Ka hor dhimashada Iman wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab kuwaasoo si gaar ah ugu qaabbilsanaa saxaafadda iyo baahinta hadallada kooxda. “Geerida Iman waxay hoos u dhigtay niyadda dagaalyahannada ajaanibta ah ee Al-Shabaab ka tirsan waxayna yareysay in la helo dagaalyahanno kale.” Sida uu sheegay dagaalyahan kasoo baxsaday Al-Shabaab. Dagaalyahankan magaciisa qariyey ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Kenyan ah inay gaarayaan qoysaskooda si dib loogu celiyo dalka Kenya. Tiro badan ayaa horey dib uga soo laabtay Al-Shabaab kuwaasoo hadda la dhaqan celinayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay saldhigyo ciidamada Jubbaland ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo. Al Shabaab waxay sheegteen in dagaalka uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Baar iyo deegaanka Buula Gaduud, waxayna sheegeen inay xubnaha ururka Al Shabaab weerarkaasi ay ku qaadeen kolonyada madaxweynaha Jubbaland. Balse Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Jubbaland oo ay kaga hadleen warka kasoo baxay Al Shabaab. Axmed Madoobe ayaa gaaray Saldhigyada ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo, isaga oo sheegay inay diyaar u noqdaan weeraro la qorsheynayo in lagu qaado Al Shabaab. Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa abaabul dagaal ka wada deegaanada maamulka Jubbaland, madaxweynaha Jubbaland ayaana iclaamiyay dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab. Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday deegaanka Baar-sanguuni,. Axmed Madoobe ayaa saraakiisha uu la kulmay kala hadlay sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab. Deegaano ka tirsan labada Gobol ee Jubbooyinka ayaa waxaa maamula Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Seddex Culumo oo dhex dhexaad ah isla markaasna Sunni ah ayaa la filayaa inay Dowladda Sacuudiga daldalaad ku sameyso kadib markii ay dhawr jeer maxkamad kasoo muuqdeyn iyagoo lagu eedeynayo inay argagixiso yihiin. Culimadaan seddexda ayaa waxay qorsheeneysaa Sacuudiga inay daldalaad ku sameyso marka ay dhamaato Bisha Barakeysan ee Ramadan sida ay ku warameyn illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ay kamid yihiin qaraabada mid kamid ah Culimada dilka ku xukuman sida ay qortay Middle East Eye. Culimada la daldali rabo waxaa kamid ah Sheikh Salman Al-Odah oo ah Shiikh si weyn aragtiyadiisa Diiniga ah looga yaqaan adduunka oo dhan. Shiikh Odaah ayaa la xiray Bishii September ee Sanadkii 2017 markaas oo uu Twitterkiisa kusoo qoray duco aheyd inuu Alle isfaham iyo isku soo dhawaansho dhex dhigo Isbaheysiga ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka iyo Dowladda Qatar oo la go’doomiyey. Sidoo kale labada wadaad ee lala daldali rabo ayaa kala ah Awad Al-Qarni oo ah Wadaad Sunni ah isla markaasna ah Qoraal wax badan soo bartay iyo Ali Al-Omari oo ah Wariye Caan ah, waxaana labadaan la xiray September 2017. Seddexda wadaad ee la daldali rabo ayaa macaamiil fiican ku leh baraha Bushada, Barta Twitterka ee Carabiga ee uu leeyahay Odah ayaa wuxuu leeyahay Macaamiil gaarayo illaa 13.4 Million, sidoo kale taageeayashiisa ayaa sameeyey Hashtag saameyn leh oo lagu qoray #freesalmanalodah oo la sameeyey markii la xiray kadib. Sidoo kale TV-ga Dhallinyarada loogu talagalay oo uu leeyahay Odah ayaa leh macaamiil aad u badan, waana arrinta cabsida ku abuurtay Sacuudiga oo ka cabsaneysa inuu ku kiciyo kacwoon ka dhaco dalkaas. Laba Sarkaal oo ka tirsan Dowladda Sacuudiga ayaa si kala gooni gooni ah u xaqiijiyey in seddexdaan wadaad ee la toogan rabo dhawaan ay sugayeen inay kasoo muuqdaan maxkamadda Dambiyada ee Riyadh, waxaana dhageysiga dacwadaas loo ballansanaa 1-dii Bishaan May balse dib ayey u dhacday iyadoo aan waqti kale loo qaban. Dowladda Sacuudiga ayaa ku caan baxday inay si hoose u daldasho ama u toogato dadka kasoo horjeedo oo ay is leedahay kacdoon ayey kugu kicin karaan, waxayna ku aasaan meel aan la garaneyn. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sharciga shidaalka ee todobaadkan ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, qodobkiisa 9aad waxaa uu sheegayaa iney waxba kama jiraan tahay heshiisyada shidaalka ee ay saxiixeen maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012. Qodobka 9aad: Shirkadaha Batroolka Horey uga Haystey Heshiis Dawladda Soomaaliya Dhamaan heshiisyada la xiriira batroolka ee lala saxiixday maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012, waa waxba kama jiraan. Dhamaan heshiisyadii ay wada saxiixdeen shirkadaha ajnebiga iyo Dawladda Soomaaliya wixii ka horeeye 1991 waxaa loo tixgelinayaa inay yihiin heshiisyo jira iyagoo tixgelin wanaagsan la siinayo. Baaritaan la sameysay ayaa waxaa lagu ogaadey in sharciga uu baabi’inayo heshiisyo ay horay u galeen TFG-da Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo dhammaan qansaraasyo la saxiixday shirkado ajnabi ah inta u dhaxeysay 1991-2013-kii. TFG-da Sheekh Shariif: Shirkad lagu magacaabo Tembo Petrolium ayaa sanadkii 2012-kii waxaa ay gorgortan la gashay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo dooneysey ceelal shidaal oo ku yaala Jubbaland, lama oga inuu saxiix dhacay, laakin wada hadalka xilligaas waxa auu gaaray meel fiican. Somaliland: Somaliland waxa ay ilaa hadda saxiixdey 4 qandaraas oo shidaal laga soo bilaabo sanadkii 2008 illaa 2013-kii. Shirkaddii ugu dambeysey ee heshiiska lala saxiixay waa tan Yemen laga leeyahay ee magaceedu yahay Ansan Wikfs taasi oo la siiyey ceelasha kala ah 14aad, 15aad iyo 7aad, waxayna bixisey $1.8 milyan doolar oo canshuur ah. Shirkadaha kale waxaa ka mid ah: Genel Energy Plc, RAK Gas LLC oo laga leeyahay Imaaraadka, tan Oslo, Norway ku taala ee DNO International ASA iyo mid Shiino laga leeyahay oo macdanta qoda. Puntlnad: Heshiiskii shidaal ee ugu horeeyey waxa ay Puntland saxiixday sanadkii 2005 kaasi oo lala galay shirkadda Range Resources , taasi oo markii dambe heshiiska loo balaariyey lagana dhigey mid wax soo saar sanadkii 2007-dii, halkii markii hore uu ahaa baaris oo kaliya. Markani waxaa bah wadaag la noqdey shirkadda kale ee Canmex Holdig oo laga leeyahay jasiiradda Barmuuda ee Canada, waxaa kale oo qandaraas kale ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ION si ay u samayso sahan xagga badda ah, una soo uruuriso macluumaadka kheyraadka shidaalka ee gunta badda ku jira Xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaa jiray safaro uu maamulkiisa ugu baxay Mareykanka iyo meelo kale, laguna saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin warshada sifeeye shidaalka. Galmudug : Shirkad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Liberty Petroleum oo ay leeyihiin labo nin oo walaalo ah, midkoodna uu markii dambe uu xildhibaan ka noqdey aqalka Congresska, Maraykanka oo lagu kala magacaabo Trent Franks iyo Lane Franks ay heshiis shidaal la saxiixday madaxweynihii Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid bishii Feberaayo sanadkii 2013-kii. Heshiiskani meesha lagula galay shirkadda waxaa horey dowladdii Siyaad Barre ay ugu saxiixday shirkadda Shell ee Holland laga leeyahay. Idaacadda Goobjoog
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya. Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha. Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.
-
Dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudaha iyo dibeddaba waxaad ogaataan Kenya ma ahan cidda ay la dagaalameyso Hoggaanka Dalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, waxaay la dagaalameyso, duulaanna ku tahay waa dhulka Soomaaliyeed. Waxaan in badan soo aragnay, welina arkeynaa kuwo dadka Soomaaliyeed si xun wax ugu fasira iyagoo oranaya Kenya waxaay u jeeddaa Madaxweyne Farmaajo! Taas waa Feker sadiif ah, Aadna u liita, waayo waxaa la isku haystaa waa dhaxalkii iyo Hantidii ummadda Soomaaliyeed, Mustaqbalkii Jiilasha Soomaaliyeed kuwa jooga iyo kuwa soo socda. Bal haddii aan soo qaadanno Soomaaliya iyo Kenya maxaay isku hayaan, yaa gardaran? Kuwa Kenya u hiilinanaya ee sheeganaya iney yihiin Siyaasiin, kuwo hadda Xil haya, kuwo horey xil u soo qabtay sheeganaya iney Soomaali yihiin maxaay ka mudan yihiin ummadda Soomaaliyeed? Kenya waxaay si cad oo bareedh ah ama bareer ah u sheegatay iney leedahay qayb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana u fududeeyey shaqsiyaad Markaas xilal sare ka hayey dowladdii Soomaaliya ee Markaas jirtey. Markii Soomaaliya ay dacwaaddii u gudbisey Maxkanadda Caddaakadda Caalamiga ah, Kenya waa waalatay waana Miyir Beesha waxaayna Soomaaliya ula soo baxday Dhaqanno xun kana fog Diplomacy – yadda iyo Qawaaniinta Caalamiga ah, hab dhaqankaas xun oo u muuqda waxa la yiraahdo ” JUNGLE LAW” waxyaabo aad looga yaqyaqsado in dowlad sidaa u dhaqanto waayo waxaa idinkugu filan markii ay Safiirkeeda inta u yeeratay, islamarkaana Safiirkii Soomaaliya inta cayrisey tiri waxaan u dirnay inuu la tashi u aado waddankiisa! Waa Waxyaabaha ugubka ku ah Qawaaniinta Caalamiga iyo Diplomacy – yadda, waxaayna noqon doontaa Arrin Taariikhda Diplomacy gasha oo laga dhigo Jaamacadaha! Kenya kuma ekaan badda soomaaliya, waxaad duulaan ku soo qaaday dhulka Berriga ah ee Soomaaliya, iyadoo Derbi ka dhisaneysa gudaha Soomaaliya inta xaduud beenaadkii Gumeysigu sameeyey soo dhaaftay gudaha u soo gashay Soomaaliya. Kenya waxaay la guuxeysaa iney Dhul iyo badda soomaaliya kuna yaalla Meesha ay ka arrimiyaan Maamulka ay Kenya ka sameysatay Kismaayo. Kenya waxaay u oggolaatay dad wax ma garato ah oo siyaasiin sheegta iney ku qabsadaan shirar Nairobi, shirarkaas oo loogu talagalay iney dowladda Soomaaliya wax qabadjeeda daciifiyaan iyadoo Kenya ka dhigatay hubkii ay soomaaliya kula dagaalami laheyd. Kenya waxaay ka duuleysaa Maahmaahdii aheyd LAFO MAROODI IYAGAA LA ISKU JEBIYAA! Soomaaliya xaq bay u leedahay iney dacwad ka furato IJC( Maxkanadda Caddaaladda Caalamiga ah). Caqliga Kenya Waa baad iyadoo ka faa’iideysaneysa dhibaatada uu u keenay Soomaaliya, islamarkaana ay sameysatay dad wax magarato ah oo iyada danaheeda u adeega. Soomaalidu waxaay tiraahdaa Sac Ninkii lahaa Sayneynta kaga taagan yahay Ma KACO. Kenya iney Soomaaliya u aragto meel ay iska maamulan karto oo aan laheyn Maamulan kara waxaa tusaale kugu filan. Shirkii Warlords kii Soomaalida loogu qabtay Waddanka Kenya ee loogu magac daray Dib u Heshiisiinta dadkii Soomaalida ahaa ee ka qayb galeyna la oran karey lameentii Soomaaliya waayo waxaa shirka ku jirey ma aheyn Warlords kaliya ee waxaa qayb ka ahaa soomaali badan sida Aqoon yahanno, ururada Bulshada +Warlords intaas oo la isku daray wuxuu shirkaas socday LABA SANO IYO Bolilo! Waxaay aheyd waxaan Adduunka ka dhicin in dad la leeyahay dib u Heshiisiin baa loo sameynayaa in waqti intaas le’eg oo aan loo kala kiciin bal adigu qiyaas Ninkii ku maamulayey waqtiga intaa dhan muxuu kugu qaymeynayaa? Wuxuu isku arki karaa inuu yahay mid ku leh, islamarkaana aan laheyn Maskax iyo Aqoon uu isku maamulo, waddankuna yahay mid BAYLAH AH ( No Man Land). Kenya iyo waddamo badan waxaay qaadan la’yihiin, Maskaxdoodana Geli la’a, waddankaan waqti intaas le’eg dhinac kasta laga burburiyey si kastaba loo dulleystay. Inuu jiri karo kana soo dhexbixi karo Soomaali oranaya Soomaaliya Soomaali baa iska leh, annaga ayey ayey Talada waddanka naga naga Go’daa, cid kale nooma yeerineyso, Aayaha waddanka Soomaaliya waxaay ka Go’daa Soomaali. Madaxweyne Farmaajo maalintii Caleemo saarkiisa hadal waddamo badan iyo Soomaaliga Liita ay aad u dhibsadeen baa wuxuu ahaa sidaan ” waddamada deriska nala ah waxaa naga dhexeeya Ixtiraam, Arrimahooda Gudaha Faragelin mayno, Annaguna waxaan ka Rajeynaynaa Sidaas oo Kale” Hadal kaas wuxuu waddamo badan ku noqday wax aad u xanuun badan waayo inuu soomaaliya xaaladda ay ku jirtey ka soo dhex baxo Hoggaamiye noocaas ah kuma aysan fekerayn marnaba weliba waqti dhow, kuma aysan Fekerin in Dadka Soomaaliyeed waqti dheer ku soo jireen dhibaato Iyo dullinimo xadkii ka baxday, islamarkaana dadka Soomaaliyeed u baahdeen ISBEDEL. Soomaaliyey Haddii ay Maskaxda idin kaga jirto Kenya iyo kuwo kale oo aan dooneyn in Soomaaliya yeelato Dowlad matasha ummadda Soomaaliyeed. Waxaay u jeedaan Madaxweyne Farmaajo Walaahi waxaad ku nooshihiin Riyo Been ah. Waxaad maqashiin kuwo soomaaliya ka soo noqday oo Media la taagan Dowlad xoog leh waan soo Aragnay uma baahnin! Qofka sidaa ku fekeraya yuu u shaqaynayaa waa Kenya, waayo adigoon meel kale aadin Soomaaliya waxaa Deris la ah Kenya, Ethiopia iyo Jibouti, Seddexdaas Waddan haba kala System Duwanaadeen, laakiin waxaa ka jira dowlado xoog leh. Marka Soomaaliya siyaasiga sheeganaya islamarkaana oranaya Soomaaliya uma baahna Dowlad Xoog leh, waxaa mudan in la isweydiiyo yuu u shaqaynayaa, ma Aqoontiisaa heerkaas aan dhaafsiisneyn. Soow lama oran karo wuxuu Afhayeen u yahay hadalkii Madaxweynihii hore Kenya yiri Kenya iyo Ethiopia ma doonayaan iney Soomaaliya ka dhalato Dowlad Xoog leh! Soomaali Maryooleeyna iyaga oo sheeganaya iney yihiin siyaasiin waxaa loo soo dhiibey feker ah Soomaaliya uma baahna dowlad Xoog leh. W/Q: Dr Dahir Nur Jama ( Dr Trueman) jaadaa28@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Afartii carruur ah ee Puntland ku noolba mid keliya ayaa cunto ku filan hela sida ay muujisay qiimayn cusub ay samaysay hay’adda Save The Children oo shalay la soo bandhigay. Tani ayaa ka dhigan in afartii carruur ahba saddex kamid ah ay u nugul yihiin saamaynta abaar kale oo la filayo in ay gobolka burburiso bilaha soo socda. Qiimayntan oo hay’adda Save The Children samaysay bishii Maaj ee sannadkan 2019 balse la soo bandhigay Khamiistii shalay ayaa lagu sheegay in qoysaska laga sameeyay xog-uruurinta boqolkiiba 73% carruurtoodu ay maalintii wax cunaan laba jeer ama wax ka yar. Qoysaska ayaa sheegaya in cuntada oo qaaliyowday iyo xoolihii oo abaar u le’day ay natiijo u noqotay hoos u dhaca ku yimid helidda cuntada. Ku dhowaad kala bar kamid ah dadka xog-uruurinta laga sameeyay ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay uu hoos u dhac ku yimid xaddiga cuntada ay helayaan. Sidaasi darted qoysaska ayaa raashin ka soo amaahanaya qoys kale ama saaxiibo iyagoo yaraynaya wakhtiyada ay cuntada samaystaan maalintii si ay u sii noolaadan kadib markii cunta la’aan daran soo wajahday. Save The Children ayaa ka digaysa in haddii aan si deg deg ah sare loogu qaadin dhaqaalaha lagu bixinayo adeegyada naf-badbaadinta ah ee bulshooyinka abaartu saamaysay ay xaaladdu inta ka sii xumaan doonto. Halkan ka akhriso warbixinta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Save The Children: Afartii carruur ah ee Puntland ku noolba mid keliya ayaa cunto ku filan hela appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaalouya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur, isaga oo magacaabay mid cusub. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayuu ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 2ka May, 2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Somalia’s population, international partners must be energized to sustain country’s ‘upward trajectory,’ says senior UN official The country had made significant progress on its economic and security sector reforms NEW YORK, United States of America, May 23, 2019/ — Despite Somalia’s persistent security threats, recurrent political crises, capacity constraints and the difficulties in navigating political obstacles to its reform agenda, the Horn of Africa country remains on a “positive trajectory,” the UN Security Council was told on Wednesday. Briefing the Council, Raisedon Zenenga ,the Deputy Head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), reported that the country had made significant progress on its economic and security sector reforms. There had also been progress on the inclusive politics agenda as well, including the constitutional review process and preparations for the universal suffrage elections. “The Federal Government has decided to apply the same rigorous approach to bring accountability and transparency to the security sector,” he said, noting, among other recent steps, the completion in March of biometric registration of all Somali National Army soldiers. All 16,000 soldiers registered were now receiving their salaries directly into their bank accounts. “This has cut out middle men, reduced corruption, and ensures regular payment of salaries to military personnel. It also paves the way for rightsizing the National Army,” said Mr. Zenenga. In parallel with these security sector reforms, the Federal Governments had launched military operations in Lower Shabelle region to advance the Transition Plan, degrade Al Shabaab in strongholds that are contiguous to Mogadishu and thereby halt the recent increase in Al Shabaab attacks in the capital. Yet, Somalia continued to grapple with significant challenges, he said, explaining that the Federal Government’s reform efforts have encountered “inevitable” resistance. The economic reforms and security sector reforms entail dismantling a war economy that had flourished for decades. “There are many vested interests which pose obstacles to increased accountability. Taking on these vested interests requires not only the determination, which the Federal Government has shown, but an inclusive approach of building relationships with all stakeholders to demonstrate that the reforms will yield benefits for the whole nation,” Mr. Zenenga stressed. He also noted that the dialogue between Somalia and Somaliland, which also has implications for the completion of the constitutional review process, remains stalled. “We are, however, encouraged by ‘Somaliland’ President Muse Bihi’s remarks on 18 May expressing his readiness to promote peace with Puntland, including through the exchange of prisoners, and to cooperate with Somalia on issues related to security, trade and education.” Recalling that UNSOM began the new year facing a security crisis as a result of the mortar attack on the UN compound on 1 January, and a political crisis as a result of the expulsion of the Special representative of the Secretary-General Nicholas Haysom on the same day, Mr. Zenenga said the two incidents had severely disrupted the Mission’s engagement with the Federal Government of Somalia and had also elevated the security risk level for UN personnel and left our staff deeply demoralized. While the Mission had immediately prioritized the safety and security of its staff while concentrating political efforts on mending relations with the Federal Government, Mr. Zenenga underscored that a lasting solution to the continuing security threat “will come from denying Al Shabaab the space and opportunities to prepare and launch attacks.” Despite such challenges, he said Somalia has “immense opportunities” to make further progress in the coming months. He set out the following prescription for making headway: The federal and sub-federal levels must agree to work together in a spirit of consensus. Parliament must focus on passing priority legislation in a timely manner; All national stakeholders need to collaborate effectively in responding to the imminent drought and avert a famine; and Key relationships, including with national stakeholders, international partners and regional powers, both in the Horn of Africa and in the Gulf should be nurtured. “The trajectory is upward, and we can all work together to energize Somalia’s population and their international partners towards reform and progress,” he concluded. Somalia’s humanitarian situation ‘among the most protracted in the world’ Also briefing the Council, UN Deputy Emergency Relief Coordinator Ursula Mueller, said that ongoing armed conflict and violence, as well as recurrent climatic shocks continue to drive humanitarian needs in Somalia. Governance challenges and underdevelopment compound fragility and make it difficult for communities to develop robust coping mechanisms. She said that the 2019 Humanitarian Response Plan, launched in January, identified 4.2 million Somalis – one third of the population – in need of life-saving assistance and protection. This shows a decline in needs from 2017, when famine was averted, raising hope that resilience activities led by the Government and development partners could make further gains. “However, current humanitarian indicators across the country are showing a deterioration,” said Ms. Mueller, spotlighting three areas of concern: the severe drought conditions that have spread from northern and central areas throughout the country following two failed rainy seasons; the situation of internally displaced persons; and protection concerns. “We must act now to avert a major humanitarian crisis. Humanitarian partners stand ready to deliver aid to those most in need and are capable of rapidly scaling up response, as was proven during famine prevention efforts in 2017,” said, but cautioned that significant funding shortfalls are constraining response and leading to a reduction in assistance in critical areas, including health, nutrition, food security, and water, sanitation and hygiene. “I believe I was invited to brief you today to draw attention to the elevated risk of a major humanitarian crisis unfolding on the horizon. The immediate scale up of humanitarian response is essential to mitigate the impact of the drought and to prevent further breaking up of communities that continue to be fragile from the drought in 2017,” she said. She encouraged the international community to urgently increase support for life-saving drought response efforts and to protect gains made in 2018, and added that it was here hope that immediate resources will be received to help us prevent a dramatic crisis from escalating. Distributed by APO Group on behalf of United Nations (UN). View multimedia content SOURCE United Nations (UN) Qaran News