Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,496
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guriceel ( SMN):-Degmadda Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa shalay lagu qabtay nin doonayay in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munasabad lagu xusayay dadkii ku geeriyoday dagaaladii Al-Shabaab lagula galay gobolka iyadoo Ahlu sunna ay maalintan oo kale xusto. Kaddib markii la qabtay Ninkaan oo xirnaa jaakadda qaraxa waxaa bilowaday xalay baaritaanno dad hor leh lagu soo qab qabtay kuwaas oo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen falkii shalay dhacay. Saraakiisha Booliska ee Guriceel ayaa sheegay in eedeysanayashan ay ku socdaan baaritaanno kaddib la hor geyn doono sharcigga. View the full article
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019. View the full article
  3. Guriceel (PP) ─ Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug, ayaa saakay ka billaabay hawl-gallo magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay shalay ku qabteen nin doonayay inuu isku qarxiyo goob uu kulan weyn uga socday mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo waddooyinka soo gala degmada Guriceel, iyagoo ka wada halkaas baaritaanno, kuwaasoo qayb ka ah hawlaha lagu sugayo amniga guud ee degmada. Sidoo kale, Waxaa la sheegayaa in ciidamada Galmudug ay ilaa shan qof oo kale u qabteen Qaraxii shalay fashilmay, dadkaas oo lagu tuhmayo inay wax ka abaabuleen qaraxa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowlad-goboleedka Galmudug. Degmada Guriceel ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana la arkayaa ciidammo meel walba taagan, isla markaana baaritaanno adag sameynaya, waxaana meelaha qaar la sheegay inay u diidayaan inay gaadiidku maraan. Ugu dambeyn, Weerarkii shalay fashilmay ayaanay jirin weli cid sheegatay, balse mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay inuu ahaa weerar ay ka dambeysay Al-shabaab ayna doonaysay inay dad badan ku disho. PUNTLAND POST The post Xaalad adag oo ka jirta degmada Guri-ceel iyo ciidammo baaritaanno ka wada halkaas appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenkii hore. Guddoomiye ku xigeenka cusub ayaa lagu magacaabaa, Ibraahim Cumar Mahad-Alla [Ibraahim dheere], waxaana xilka laga qaaday Xuseen Maxamed Nuur oo ka mi ahaa mas’uuliyiintii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka gobolka Banaadir muddo sannad ka hor ah. Madaxweynaha Somalia oo wareegtadiisu ay soo baxday xalay saqdii dhexe ayuu wuxuu ku sheegay in markii uu arkay kartida uu mas’uulkan cusub u leeyahay hawlaha maamulka iyo maaliyadda uu u magacaabay xilkan cusub. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mas’uul ay si weyn isugu dhawaayeen marwada 1-aad ee dalka, iyadoo dhawr jeer oo hore ka hor-timid in xilka laga qaado Xuseen Maxamed, balse xil ka qaadistan ayaa waxay noqotay mid kadis ah. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka cusub oo horay ugu guul-darreystay in loo doorto xubnaha aqalka hoose ee doorashoodu ay ka dhacday Cadaado ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhaw ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre. Lama oga in xika loo magacaabay uu yahay mid uu dabada ka riixayay RW Khayre iyo in kale, waxaase la sheegay in RW Khayre iyo mas’uulka xilka laga qaaday uu u dhexeeyay khliaaf gaamuray, basle xilliyadii dambe ay u muuqdeen inay isku soo dhawaanayaan. Guddoomiye ku xigeenka xilka la qaaday ayaanay jirin wax xil ah oo loo magacaabay, lama oga halka uu xaalkiisa ku dambeyn doono xilliyada soo socda, maadaama uu horay u ahaa agaasimihii Isbitaalka Digfeer ka hor intii aan loo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Dadka falanqeeya siyaasadaha kala duwan ee Somalia ayaa waxay tallaabadan ku tilmaameen furfur ku billowday maamulka gobolka Banaadir ee xilligan talada haya, iyadoo aan la ogeyn tallaabooyinka soo socda. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeen cusub oo xalay loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  5. PRESS RELEASE Africa Oil & Power 2019 to Show How Energy Will Generate Jobs, Economic Growth in AfricaAfrica Oil & Power 2019 to Show How Energy Will Generate Jobs, Economic Growth in Africafrica Oil & Power (AOP) announces its 2019 theme #MakeEnergyWork CAPE TOWN, South Africa, May 23, 2019/ — Africa Oil & Power 2019 (www.AOP2019.com) is the official conference of South Africa’s Department of Energyand will welcome 20+ African petroleum and power ministers. AOP announces its 2019 theme #MakeEnergyWork.The theme will showcase the energy sector as a key driver of economic growth, jobs and opportunity for Africa’s people and private sectors. ‘Africa’s Energy Conference’ bridges traditional and alternative energy, fossil fuels and renewables, and petroleum and power to foster intra-African investment. Now the official conference of South Africa’s Department of Energy, the flagship Africa Oil & Power (AOP) conference returns to Cape Town on October 9-11, with 20+ petroleum and power ministers to speak on the theme #MakeEnergyWork. As the sole platform taking an integrated approach to oil, gas and power and economic growth, AOP drives tough conversations as Africa sees massive advancements in its power sector and moves to develop historic oil and gas discoveries. Under the #MakeEnergyWork theme, AOP 2019 will show how oil, gas and power can generate greater opportunities for the people of African nations and stimulate sustainable economic growth. In 2018, Africa’s oil and gas sector saw an oil production rate of 8.1 million bpd, gas production of 7.95 trillion cubic feet, and LNG exports of 41 million tons per annum (10 percent higher than in 2017), predominantly from Nigeria, Algeria, Egypt and Equatorial Guinea. Oil and gas licensing rounds were launched in 16 countries. The electrification rate in Africa is 43 percent. Despite important advances made in rural areas, this highlights the opportunity that still remains to build and finance energy infrastructure to bring power to 600 million people. Renewable energy holds great promise, particularly in South Africa. The Renewable Energy Independent Power Producer Procurement program has so far seen the procurement of over 100 IPP projects. In eight years the program has created 38,701 full time jobs and contributed over $14 billion in private sector investment in South Africa, according to Minister of Energy Jeff Radebe. “Since our inception, Africa Oil & Power has been a platform for building alliances and facilitating the deals that drive African energy sectors and economies forward,” said Guillaume Doane, CEO of Africa Oil & Power. “The opportunity provided by oil, gas and power, in all their forms, is critical to discussions on how to grow African economies, to maximize in-country value and equip populations for evolving job markets. Energy is at the center of any conversation on African economic growth and transformation, which is why the #MakeEnergyWork theme is so exciting.” At this year’s 2019 conference and exhibition, Africa Oil & Power will welcome 1,200 delegates over three days, with more than 20 ministers and dignitaries to speak on the main stage. An expanded exhibition hall will host pavilions dedicated to South Africa’s energy sector, technology and digitization, renewable power, oil and gas services, and more. In 2018 Africa Oil & Power’s Cape Town conference hosted ministers and ministerial delegations from South Africa, South Sudan, Congo-Brazzaville, Somalia, Equatorial Guinea, Gambia, Ivory Coast, Senegal, and Zambia, as well as the secretaries general of OPEC, the African Petroleum Producers’ Organization, the International Energy Forum and the Gas Exporting Countries Forum. Over three days, almost 100 speakers and panelists addressed delegates from all over the continent on the theme Energy Coalitions. Learn more about Africa Oil & Power’s 2019 flagship event and book your space at www.AOP2019.com Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference. Qaran News
  6. NEW DELHI (Reuters) - Indian Prime Minister Narendra Modi will hold talks on Friday to form a new cabinet to tackle a stuttering economy and other challenges facing his second term after winning a big majority. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online)-Wargeyska The standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheeko dheer uu ka qoray xiriirka mugdiga uu hareeyay maalmahan ee Somalia iyo Kenya waxa uu ciwaan uga dhigay “Muxuu yahay saska ay Kenya ka qabto Soomaaliya?”. Sheekadan ayaa lagusoo hadal qaaday in Xukuumadda Nairobi ay walaac ka qabto deyn cafinta loo sameynayo dalka Soomaaliya, booqashadii taliyaha ciidamada Africom ee Mareykanka Soomaaliya ku tagay kol hore , Ciidamada DANAB ee lasoo baxaya cududda xooggan iyo kulankii RW Kheyre uu la yeeshay Madax sare oo ka socotay Bank-ka adduunka, hay’adda IMF iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka. Wargeyska ayaa sheegay lacagaha deyn ahaanta looga cafinayo Soomaaliya ay gaarayaan $5 billion (Shan bilyan oo doolar” . Warbixinta ayaa lagu xusay in Kenya ay aad ula yaabantahay sababta dalkan ka baxaya colaadaha sokeeye sidaan oo dhan loogu siinayo muhiimadda. Dhinaca kale Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa qeybta kartuunka waxa uu kusoo bandhigay sawirro loo ekeysiiyay Madaxweynayaasha labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ee Kenyatta iyo Farmaajo. Madaxweynaha Kenya sawirka u muuqanaya ayaa loo xiray Qiimiis madow ah, Cimaamad iyo Cigaal. Miiska u dhexeeyo ayaa la hoos dhigay Fuusto lagu qoray “Oil” oo uu micnaheedu noqonaya “Shidaal”, waxaana lugaha dul saartay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. sawirkan ayaa u muuqanaya in lagusoo koobay nuxurka isfahmi waa ee ka dhexeeya labadan dowladood Xaaladda ayaan la saadaalin karin sida ay noqon doonto, walow dowladda Soomaaliya ay soo saartay war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa Iney ka xuntahay talaabooyinka aan farxad gelin ay Dowladda Kenya ku dhaqaaqday. W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo-saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019. Source: goobjoog.com
  9. PRESS RELEASE UAE Embassy distributes food aid to needy households in Egypt The aid falls within the longstanding relations between the peoples of the two sisterly countries ABU DHABI, United Arab Emirates, May 23, 2019/ — A number of eligible households in Al Giza governorate, Egypt, have benefited from sizable food baskets distributed by the Sharjah Charity House in collaboration with the UAE Embassy in the Egyptian capital. The aid falls within the longstanding relations between the peoples of the two sisterly countries, said Saleh Al Saadi, an advisor at the UAE embassy, He hailed the latest aid contributions by the Sharjah Charity House as reflective of its strategy aimed at reaching out to the underprovided in various Egyptian villages through charity and developmental aid, including support for small-scale and micro enterprises. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  10. Golaha Waiilada JSL oo Kulan hawleed wadatashi Laba maalmood ah u qabtay Xeerka Maydhista Lacagaha. Golaaha Wakiilada ayaa kulan wadatashi ah u qabtay (Public Consultation WorkSHOP) Xeerkan oo lagu soo martiqaaday daneyayaasha iyo inta uu saamayn doono dhaqan galkiisu ayaa talooyin dheeraada lagu waydiistay si ay waxtar iyo talo badsi ugu noqoto Xeerka Maydhista lacagaha oo akhriskii 3aad galay hor yaalanagole weynaha. kulankan ayay goob joog ka ahaayeen badiba xubnaha gudida dhaqaalaha ee Golaha iyo gudoomiyaha gudidaas Mudane Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) iyo xoghayaha guud ee Golaha wakiilada mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaane waxa kale oo ka soo qayb galay gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraaahim (Baqdaadi) Agaasimaha guud ee wasaarada Maalgashiga, Agaasimaha Waaxda Financial Sector-ka ee wasaarada Maaliyada, ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo madaxda xawaaladaha iyo baananka gaarka loo leeyahay. Gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim iyo Gudomiyaha gudida dhaqaalaha ayaa ka soo qayb galayaashii shirka ka dalbaday in ay si wanaagsan u contribute gareeyaan qodobo dheeraad ah oo xeerkan kaabis loogu sameeyey, isla markaaana u sheegay inay mar labaad uga maarmi waayeen inay bulshada iyo hay’addaha maaliyada talo urursi kale kala sameeyaan. Gudoomiyaha Gudoida Dhaqaalaha Cumar Sanweyne Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Ayaanle iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo gudida dhaqaalaha ka tirsan ayaa faahfaahin ka bixiyey iyo sharaxaad kooban asbaabta keentay in mar kale bulshada wax laga waydiiyo. waxaana halkaas qodob qodob iyo nuxurka xeerka ka soo qayb galayaasha ugu sameeyey faahfaahin dheeraada Labada Lataliye ee Dhanka Sharciga ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo soo naaqishay Xeerka. wadatashigan Bulsheed ee loo qabtay xeerka oo laba maalmood qaatay 22-23 May 2019 ayaa si habsami leh loogu soo xidhay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Saleebaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL Qaran News
  11. Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada, iyadoo rasaasta labada dhinac is weydaaranayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay mid kamid ah askarta ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo la sheegay inuu ilaalo u ahaa taliyaha ciidamada Booliska. Ma jirto faahfaahin maamulka Puntland ay ka bixiyeen weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerar xalay ka dhacay magaalada. Magaalada Boosaaso waxaa kusoo kordhaya Amni darada, iyadoo labadii bil ee ugu dambeysay ay ka dhaceen weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo kooxo hubeysan ay geysanayaan. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana weerarkaasi ku dhintay askari ka tirsan ciidamada maamulka Puntland. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo ka dagaalama deegaanada Buuralayda ah ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Gedo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo dad Shacab ah ku dagalaameen bartamaha degmada, sida saraakiil ku sugan Ceelwaaq ay xaqiijiyeen. Israsaaseyn ka dhacday degmada ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii Shacabka degmada ay ka hor yimaadeen qorshe ciidamada Kenya damacsanaayeen oo ah inay qalab dhismo dhex marsiiyaan degmada. Qalabkaasi dhismaha ah ayaa ah mid ciidamada ay doonayeen inay ku jeexaan goob la doonayo in lagu balaariyo dhismaha darbiga Kenya ay dooneyso inay ka dhisto dhanka xuduuda Soomaaliya. Korneyl Aadan Xersi oo kamid ah saraakiil ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay rasaasta ku fureen shacabka is hor istaaga ku sameeyay qorshaha ay damacsanaayeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in rasaasta ciidamada Kenya ay ridayeen aysan geysan wax khasaaro ah, isaga oo amaanay shacabka ka hor yimid qorshaha ciidamada Kenya. “Waxay ula tageen gacan iyaga oo muujiaya inay sharafta iyo cisiga difaacayaan, waxaa kusoo biiray shacab kale, rasaas ayaa ciidamada Kenya ku rideen shacabka laakiin wax khasaaro ah ka geysan, wali aaga waxaa ku sugan ciidamada Kenya” “Waxay ciidamada Kenya doonayeen inay qalabka dhismaha dhex dhigaan degmada, iyaga oo doonaya inay darbi cusub dhisaan, waxay doonayaan inay ka leexdaan xuduudii gumeystaha iclaamiyay”ayuu yiri KorneylAadan Xersi. Kenya ayaa dooneysa inay dhisto darbi weyn oo dhanka xuduuda ah, waxaana marar badan arintaasi ka hadlay masuuliyiinta dowladda, iyadoo aysan joojin Kenya dhismaha darbiga dhanka xuduuda. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  13. LONDON — Increasingly isolated, Prime Minister Theresa May backed down Thursday from plans to seek Parliament’s support for a Brexit bill already rejected by much of her Conservative Party, as expectations rose that she would cave in to demands that she resign and let a new leader try to complete the U.K.’s stalled withdrawal from the European Union. Source: Hiiraan Online
  14. ESPN's Brian Windhorst went on Pardon The Interruption Thursday and claimed Los Angeles Lakers forward LeBron James is recruiting a few stars to play alongside him next season. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii ugu dambeeyay Al-Shabaab waxay fursad muhiim u ah arkeyn in ay weeraraan xarumaha degmooyinka ee Dowladda Hoose Xama,r waxaana halkaasi ku dhamaada dad badan oo maras ah iyo shaqaalaha Dowladda ee Gobalka Banaadir. Iyadoo ay qatartaas jirto Maamulada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo Maamulka Gobalka Banaadir kama muuqato feejignaan amni iyo u diyaar garow qatarta kooxdaan caadeysatay leynta dadka shacabka ah. Goobaha halista ugu jira weerarada Al-shabaab ee aan diyaar-garowga ka muuqan waxaa kamid ah xarunta maamulka degmada Kaaraan oo 90% dayacan. Xarunta degmada waxay ku taala laamiga isgoyska degmada Kaaraan halka loo yaqaano (Isgoyska Jiira Wacbuudhan) ma jirto wax difaac ah oo ay leedahay haba-yaraadee waxa uuna gaarigii ka leexda laamiga uu ku tagayaa darbiga degmada oo dhamaad ah. Sidoo kale degmada malahan Ciidamo ilaaliya oo banaanka fadhiya. Waxybaaha kale ee aan ku aragnay halkaasi waxaa kamid ah Gudaha degmada waxaa maalintii taga, dad aan ka yareyn 150-200 oo qof oo u badan haweenka nadaafadda, dad shaqa u doonta, shaqaalaha degmada iyo bulsho kale. Degmada waxay leedahay laba waardiye oo kala ah gabar iyo wiil oo baara dadka galaya degmada waxayna taas kuu muujineysaa halista degmada ka jirta. Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online halkaasi ku aragtay waxaa kamid ah Albaabka degmada waxaa ku ganacsada haween badan oo ku hor iibiya qaad iyo qudrad, sidoo kale waa rug ay shacabka hor istaagaan oo laga raaco gaadiidka u soo safra degmada Xamar Wayne ee gobalka Banaadir. Degmada Kaaraan kuma jirto goobaha go’doonka la geliyay ee la sheegay in amnigooda la sugayo, waxa uuna gaarigii ka yimaada Shabeelooyinka iyo duleedyada magaalada uu tagi karaa xarunta degmada isagoo aan soo marin baro Kontarool, waana sababta keentay in aan ka digno halista amni ee degmada. Al-Shabaab ayaa mid kamid ah sadexdii qarax ee ugu dambeysay waxay ku weerarayn xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo shacab iyo shaqaale dowladeed isugu jira, sidaas darteed maxaa diidaya in Al-Shabaab ay weeraraan xarunta degmada Karaana hadii ay dayacantahay ? Sidoo kale, hore waxay u weerarayn xarumaha degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag iyo Hodan halkaas oo lagu waayay carruur iyo dumar. Waxaa muuqata in aysan hey’adaha amaanka iyo dowladda wali cashir ka baran qatarta Al-Shabaab, hadii ay bartaynna waxaa muqata in ay dayacayaan boqolaal bir-magayda ah. Caasimada Online ka hor inta aysan daabicin warbixintaan waxay la wadaagtay mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan iyo hey’adaha amaanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska waxaana laga joogaa muddo dhowr ah waana sababta keentay in halkaan ku daabacno maadaama magaalada Muqdisho ay wajahayso halis amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. A Tanzanian man facing six terrorism charges has been jailed by a Lamu court for 110 years. Source: Hiiraan Online
  17. Allied Pilots Association says jetmaker’s anti-stall software forced plane into such an aggressive dive pilots could not recover Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (Xinhua) -- The UN Development Programme (UNDP) on Thursday welcomed its new resident representative for its country program in Somalia, Jocelyn Mason, to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. Sudan's public prosecutors have called for the dismissal of the director of the National Intelligence and Security Service after agents prevented police from arresting former security chief Salah Abdallah, known as Salah Gosh. Source: Hiiraan Online
  20. “We have seen the Canadian economy flourish over the past few years.” Source: Hiiraan Online
  21. A suspected Al-Shabaab suicide bomber was dramatically intercepted by security forces at VIP section in Guri-El town where leaders were paying tributes to fighters who have fallen while defending the population against the militants. Source: Hiiraan Online
  22. The U.S. military said it killed two Islamic State fighters Wednesday in Somalia, where there has been an uptick in airstrikes against the militant group in the past month. Source: Hiiraan Online
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallama xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka xarrakada Al-Shabaab sida ay sheegayaan ilo milatari oo arrintaan si dhaw ula socday. Dagaalyahannadan oo si dhuumasho ah uga soo baxdsay kooxda ayaa sheegay inay kala kulmeen ciqaab iyadoo lagu marmarsiyoonayo sababo aad u jilicsan islamarkaana la geeyo aagga hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda. “Waxay u isticmaalaan dagaalyahannada Kenyanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ahba wax lagu ciyaaro iyagoo ku qasba qaraxyada ismiidaaminta ah, dagaalka lugta ee aagga hore ama loo dilo sababo la xiriira inay cadowga u jaajuusayeen” Waxaa hadalkaan laga soo xigtay dagaalyahanno dib uga soo laabtay xarrakada Al-Shabaab. Dagaalyahannadan Kenyanka ah ayaa u sheegay milateriga Kenya inay badankood kasoo baxsadeen magaalada Jilib iyo Bu’ale kuna sii jeedaan Lakta Belt. Kooxdan ayaa raadineysa inay gooni uga goosato Al-Shabaab islamarkaana ay sameeyaan koox madax-bannaan oo sii wadda jihaadka caalamka sida ay sheegeen. Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhawaan la dilay taliyeyaal saameyn xooggan ku lahaa xarrakada Al-Shabaab oo kasoo jeeda Kenya iyo ajaanib kale. “Dilalka loo geysanayo taliyeyaasha saameynta leh ee kasoo jeeda Kenya ayaa ku dhaliyey walaac xooggan dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaa jira walaac haysta dagaalyahannada Kenyanka ah ee Al-Shabaab kaddib dhimashadii Ahmed Iman Ali oo ku magac dheeraa Abu Zinira kasoo ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana soo jeeday dalka Kenya,” Sida uu sheegay dagaalyahan dib uga soo goostay Al-Shabaab. Iman ayaa ka mid ahaa taliyeyaal lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Bu’ale dabayaaqadii bishii March ee sannadkan. Ka hor dhimashada Iman wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab kuwaasoo si gaar ah ugu qaabbilsanaa saxaafadda iyo baahinta hadallada kooxda. “Geerida Iman waxay hoos u dhigtay niyadda dagaalyahannada ajaanibta ah ee Al-Shabaab ka tirsan waxayna yareysay in la helo dagaalyahanno kale.” Sida uu sheegay dagaalyahan kasoo baxsaday Al-Shabaab. Dagaalyahankan magaciisa qariyey ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Kenyan ah inay gaarayaan qoysaskooda si dib loogu celiyo dalka Kenya. Tiro badan ayaa horey dib uga soo laabtay Al-Shabaab kuwaasoo hadda la dhaqan celinayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  24. Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay saldhigyo ciidamada Jubbaland ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo. Al Shabaab waxay sheegteen in dagaalka uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Baar iyo deegaanka Buula Gaduud, waxayna sheegeen inay xubnaha ururka Al Shabaab weerarkaasi ay ku qaadeen kolonyada madaxweynaha Jubbaland. Balse Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Jubbaland oo ay kaga hadleen warka kasoo baxay Al Shabaab. Axmed Madoobe ayaa gaaray Saldhigyada ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo, isaga oo sheegay inay diyaar u noqdaan weeraro la qorsheynayo in lagu qaado Al Shabaab. Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa abaabul dagaal ka wada deegaanada maamulka Jubbaland, madaxweynaha Jubbaland ayaana iclaamiyay dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab. Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday deegaanka Baar-sanguuni,. Axmed Madoobe ayaa saraakiisha uu la kulmay kala hadlay sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab. Deegaano ka tirsan labada Gobol ee Jubbooyinka ayaa waxaa maamula Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com