Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,480
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa jimcaha maanta shaacisay in ay si rasmi ah xilka isaga casilayso 7-da bisha June ee soo socota si loo doorto ra’iisul wasaare cusub. Mrs May oo u hadlaysay si caadifad ka muuqato ayaa sheegtay in ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay ka bixitaanka boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub balse dadaalkaasi mira-dhali waayay. Waxay sheegtay in ay ka qoomayneyso in iyadoo dadaalka intaasi le’eg ku bixisay ay haddana fulin wayday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dalka Uk. Mrs May ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay xubnaha xisbigeeda muxaafidka ah oo ka horjeestay tallaabooyinkeedii u dambeeyay ee la xiriiray fulinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee boqortooyada Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Theresa May oo shaacisay wakhtiga ay is casilayso appeared first on Puntland Post.
  2. Jawaabta ay ka bixisay dowladda Soomaaliya ficilladii xumaa ee Kenya ku kacday waxay Soomaalidu kala hortagtay falcelin taban. Ilaa shalay qaar badan oo asxaabtayda ka mid ah waxay go’aanki dowladda ku tilmaamayeen mid ihaano iyo dulli Soomaali ku riday. Anigu taas lidkeeda ayaan qabaa. Waxaan aamminsanahay in go’aan fiican oo caqli, aqoon iyo ilbaxnimo ku dhisan ay dowladdu qaadatay. Waayo muhiimmaddu waa inaad yoolkaada gaarto jidkaad doonta u mare. Diblomaasiyadda tan ugu wacanna waa inaad taqaan tabartaada. Will Rogers ayaa laga hayaa “diblomaasiyaddu waa inaad eyga si dabacsan ula cayaarto inta aad ka helayso dhagax aad ku dhufato”. Hadalka Will Rogers waxaa ficil ahaan horay ugu sameeyay guul weyna ku gaaray hoggaamiyihii caanka ahaa ee Khaalid Fiqi Xasan Allaha u raxmadee. Muddo haatan laga joogo qiyaasti 250-300 oo sano ayaa gobalka Gedo waxaa yimid qoysas beeshaMareexaan ka dhashay oo deegaan doon ah. Dadki ay u yimaadeen soo dhaweyn kalama kulmin. Waxay wajaheen xaalad adag xag amni iyo mid nololeedba. Dil iyo dhac ayaa joogta looga dhigay. Ihaano, dhago hadal iyo dharbaaxo ayaa loo joogteeyay. Wuxuu xaal sidaa ahaadaba wuxuu dhibki soo gaaray odaygii beesha oo la oran jiray Khaalid Fiqi Xasan kaasoo willkiisi barqo cad ableey beerka lagu jaray. Shir dag dag ah ayaa la isugu yimid si looga arrinsado dhibka cusub. Intii badnayd dadki geedka yimid waxaa haysay xamaasad iyo caro. Waxay si aan kala har lahayn isugu raaceen inaan sidatan lagu sii jiri karin sidaas darteed dagaal aargoosi ah la qaado. In nala wada dilo ama aan dib ugu qaxno halkii aan nimid ayaa dhaanto waxa aan ku noolyahay ayay ku celceliyeen. Allaha u Raxmadee Khaalid oo ahaa diblomaasi caaqil aragti fog leh ayaa warki ugu danbayn qaatay. Wuxuu yiri “ninki wiilkiisa la dilay soo aniga maaha” haa ayaa loogu jawaabay. Inaad ii aartaan soo ma rabtaan? Haa ayaa hal cod lagu yiri. Xoolo aan kuwii wiilkayka dilay u geeyo i siiya ayuu yiri. Maxaa kuugu wacan dullinimadaan aad qaayibayso ayaa lagu yiri? Wuxuu yiri “Inti wiil maanta dhashay hal naas geed ii gaarayo mid iga maqanna ii imaanayo ayaan la sugayaa”. Sidaas ayaa mag loogu geeyay raggii dhagarta qabay ee filayay duullaan aargoosi ah inuu kusoo socdo. Markuu u yimid Khaalid wuxuu ku yiri wiilkaygi ayaa disheen xoolahaanna waxaan idinkugu keenay inaad dhiiggiisi idin gaaray aad isaga mayrtaan iskana kaaya daysaan. Iyagoo ka yaabban fulaynimada (sideey iyaga la ahayd) Khaalid iyo raggiisi ayay ku heeseen Ayadoon la is daarin hadduu diyo keenay marki la is daaro dad nool buu keeni. Riyadii Khaalid waxay rumowday qiyaasti 150 sano ka dib. Iyadoo wali dhib iyo colaad joogta ah lagu noolyahay laakiin sidii hore laga xoog badan yahay ayaa waxaa dhacay jabkii daraawiisheed. Marki ciidanki Sayidku kala qaxay oo qolaba meel afka saartay ciidan xooggan oo daraawiish ka tirsanaa kana soo jeeday beesha Marreexaan ayaa Gedo usoo jihaystay. Ciidankaan oo watay hub casri ah markuu Gedo soo gaaray waxaa is rogtay kafaddii dagaalka. Haddii awal hubku ahaa waran, billaawe iyo qaanso iyo leeb ciidankaan wuxuu la yimid Maadhiin iyo kow-iyo-tobanle 20 mitir ka fog wax ka dilo. Waqti yar gudahiis dhulkii wuxuu isu baddalay sidii uu rabay Khaalid Fiqi xasan. Waxaa xaqiiq ah haddii ficil aargoosi ah maalinti wiilka la dilay la qaadi lahaa in aanan marnaba si buuxdo Gedo dhul Mareexaan u noqoteen haddanba laga tirtirin. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo labada qaddiyadood isma laha. Mid waa dad yar oo dhul aysan lahayn doonayay midna waa dhul lagu soo duulay oo dal dhan ka dhaxeeyo. Marki aad eegto xaaladda dadlkeenu maanta ku jiro iyo sida uu dadkeennu yahay labada xaaladood waa isku jaad. Kow, muran kama jiro inay Kenya maanta naga xoog badan tahay xag ciidan iyo xaag maaliyadeedba. Dhulka la isku hayo maraakiibteeda ayaa hoganayso innaguna ma lihin maraakiib weerarto. Labo, ciidankeedu wuxuu joogaa dalkeenna isaga ayaana ah midka ilaalinayo xudeedka aan isku hayno oo hadda ciidan aan keeda ahayn iyo ku iyada u shaqeeyo mooyee mid kale ma joogo xuduudka. saddex, maanta inta badan madaxda iyo ganacsatada soomaaliyeed Kenya oo burbur gaaro ayaa ooga daran Soomaaliya oo dhul badeed lumisa. Dhammaan shirkadaha soomaalida maal badan ayaa Kenya ooga jiro ilaa haatanna maalgalin ayay ku wadaan. Sidaa darteed ma aqbali karaan dagaal ay u arkayaan inuu maalkooda waxgaarsiin doono marki dhabta loo tago. Afar dhulka iyo biyaha la isku hayo waxaa hadda ku magacaaban maamul Kenya ay dhistay oo danaheeda ka shaqeeyo. Hadalkii maanta kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan waa mid si cad noo tusayo safka uu maamulka Jubaland gali lahaa hadduu dagaal qarxo. Dhabti hadalki Maxamud Sayid waa mid tusaale u ah in qaar badan oo ka mid ah madaxda Soomaalidu aysanba ka warqabin dhulkooda la qaatay. Dadka noocaas waligood waa jireen. Maalinta aan kasoo sheekaynay ee geedka loo fadhiyay wixii laga yeeli lahaa Booran iyo dilkii wiilka Khaalid, waxaa jiray nin geedka fadhiyay oo aamusnaa intuu hadalku socday oo dhan. Marki uu Khaalid hadalki gooyay ee la yiri ha la dareero ayuu gacanta taagtay oo yiri hadal ayaan qabaa. Waxaa la is yiri amuu talo cusub keenaa. Wuxuu yiri “tolow wiilkaan ina Muxumed Garweyne ah iga qabta. Habayn walba saar aan xirtay ayuu iga dhabqiyaa. Haddii aad iga qaban waydaan labo gudub ayaan ka dhigi”. Waxa tolkiis dhib u yaal oo xaalku marayo ma qaxnaa mise waa dhimannaa isagu waxay u joogtaa saar ayaa la iga bannaday. Maxamuud Sayid iyo kuwa la jaalka ah maanta halkaas ayay u joogtaa. Tusaale kale oo qiimo badan waxaa noo ah sida shiinuhu ka yeelay badda loo yaqaan South-China Sea. In badan dhulbadeedkaan waxaa Shiine ka qabsaday dowlado yar yar oo ree Galbeed gacan ka helayay. Shiine markii uu soo xoogaystay, maxadiisu waxaa caqabad u noqotay sidii ay ka yeeli lahaayeen baddaan. Haddii ay ku duulaan waxay ogaayeen in dagaalka ay soo gali doonaan Maraykan iyo xulufadiisa taaso aysan markaas u birdhigi karin. Waxay doorbideen inay iska indha-tiraan. Madexweyne walba oo yimaado shacabka Shiinaha ayaa waydiin jiray goorma ayaa la soo dhicin doonaa badda naga maqan iyaguna waxay ku jawaabi jireen wali waxaan dhalan fici soo dhicin lahaa. konton sano ayaa sidaas ku dhammaatay. Maanta ayay Shiine u muuqatay inuu leeyahay awood uu ku soo ceshan karo dhulka ka maqan wuxuuna habayn modow ciidan keenay meelihii la isku hayay. Sidaas darteed dowladda oo og inta aan soo sheegnay uma furna booto, hanjabaad iyo abuurid xaalad keento xariir xumaado oo u baahdo dhexdhexaadin iyo gacan saddexaad taaso ah midda Kenya u ordayso. Sida saxda aniga ila ah waa in af wanaagsan lagu hadlaa, la is dabciyaa la isuna muujiyaa in aynu nabad doonayno ilaa aan ka gaarno maalin aan awood nagu filan leenahay ama xukunka ICJ uu dhaco ama laga fursan waayo isdifaacid hubaysan. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: Humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka [...] Source
  4. Theresa May has said she will quit as Conservative leader on 7 June, paving the way for a contest to decide a new prime minister. Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe. Dikreetada ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur. Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan. Agaasimaha cusub ee isbitaalka iyo xubnaha kale ee la magacaabay ayaa sida qorshaysan xilka la wareegi doona maalinta berriya oo Sabtiya. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay appeared first on Puntland Post.
  6. By Liban Obsiye *The writer is the Chief Policy Coordinator of the Ministry of Finance of Somalia and a former senior adviser at the Ministry of Foreign Affairs. MOGADISHU Ever since President Recep Tayyip Erdogan’s first visit to Somalia in 2011, when he was Turkey’s prime minister, the relations between Somalia and Turkey has blossomed and strengthened. The two countries started regular high-level discussions, exchange of delegations and cooperation in international forums, including the United Nations. Turkey, no doubt, was the pioneer that first saw a promise in Somalia’s desperate plight, and today a strong bond of diplomatic and economic friendship that also addresses security issues exists between them. While all this was predictable from the sustained positive engagement at the highest levels of both the Somali and Turkish governments and private sectors, what surprises many observers is the strong people-to-people relations, which have also developed. Many observers saw the rapid development of the strong relationship between Somalia and Turkey as an infatuation that would end as quickly as it began, during which both sides would become consumed by their own internal struggles. Yet, despite both nations facing their own unique sets of challenges, cooperation remains strong, with people-to-people relations leading the way. Today, Turkish businessmen and aid workers drive around freely in Mogadishu with its main hospital, ports and humanitarian agencies all staffed by Turks, living among the Somali people. Moreover, Turkish goods, foods and service providers are sought after in Somalia and many traders are responding to this positively through cross- border investments, and in some cases through small joint ventures. Where once Somalis only focused on importing from China and Middle Eastern countries, today the focus is on buying Turkish for quality and design. Many shops in Mogadishu openly advertise that their goods are real Turkish goods and even name their shops after Turkish cities as if authenticating their products. The Somali diaspora and other diasporas with whom Turkey has strong relations are also buying Turkish products, including home furniture, food and clothes, more in their host countries, which contributes to the success of Turkish businesses’ successful entry into and survival in many European markets. Turkish companies are starting to become household names with Somali consumers everywhere. Somalis are global entrepreneurs and Turkey has many world-leading developed product markets such as textile, food and clothing. This creates a perfect business opportunity for both sides. While trade data is unreliable at best for now, the increase in Turkish products in Somali shops, homes and offices indicates that Turkish soft power is clearly working in Somalia. Furthermore, many Somalis, both diaspora and otherwise, have relocated to Turkey to live, work and establish businesses. While most are concentrated in Istanbul, the commercial hub, many others have settled in Ankara and other smaller cities. An increasing number of Somalis are now buying property in Turkey and have invested in businesses there too. Today, Istanbul has five Somali restaurants and this is a sign of not just investment, but an intention to settle and integrate from the Somali people, who are traditionally nomadic. Even for those that have not relocated to Turkey, it remains a popular tourist and health and well-being destination, which means even more cultural exchange and trade for Turkish businesses. What attracts most of these newcomers to Turkey is the opening up of the economy, the availability of visas from Somalia, the opportunity to invest and the ease with which they can purchase affordable homes while having European-standard services like education and health readily available. Moreover, the Somali people’s feelings of respect and gratitude towards Turkey make their relocation easier and rewarding. To illustrate this, the Global Somali Diaspora’s 3rd International Conference will take place in Istanbul in a short while, and this is the second time Turkey will be hosting the event. Somalis are now starting to learn Turkish and it is slowly but surely becoming a second language of choice in Somalia alongside Arabic and English. The Turkish schools in the country are seen as the best for education and opportunities, and the reliable annual Turkish academic scholarships are encouraging students to focus more on the Turkish language to increase their chances of success. There are currently over 2,000 Somali students pursuing university-level education in various Turkish academic institutions. As trade ties deepen between Somalia and Turkey, the Turkish language will no doubt take on further significance. Turkey took a chance on Somalia when many in the world had turned their backs on what was then considered as a failed state. Today, through the popularity of Turkish soap operas, food, goods and services, including higher education, Turkey’s reward for its vision and patience is clear. In Somalia, like many places across Africa and the developing world, Turkish soft power is working and producing tangible results for both sides. * Opinions expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect the editorial policy of Anadolu Agency. Source: Anadolu
  7. Washington (CNN) – The US targeted ISIS fighters in Somalia for the fifth time since mid-April, killing two terrorists in an airstrike Wednesday, US Africa Command said in a statement. “Our efforts to locate and eradicate ISIS leaders who control a range of activities — from operations to financing and communications — is hitting at the heart of the organization and disrupting their ability to continue their terrorist activities,” Rear Adm. Heidi Berg, the director of intelligence of US Africa Command, said in a statement Thursday. The recent series of strikes against ISIS-Somalia have taken place in the Golis Mountains, located in the northern part of the country. US Africa Command said in April that a strike in the same area killed the organization’s second in command. There have been 37 US airstrikes in Somalia so far this year, mostly targeting the al Qaeda affiliate al-Shabaab, compared to 47 strikes in all of 2018. The US estimates that ISIS-Somalia commands about 150 fighters, making it one of the smaller affiliates of the terror group. The Pentagon has about 500 to 600 personnel in Somalia, where they primarily advise local troops battling al-Shabaab. Source: CNN
  8. -(SLT-Hargaysa)Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa ka waramay sida ay haatan isku yihiin Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu ka mid yahay iyo socdaal diyaaradeed oo Hargeysa ilaa Nayrobi ah oo ay isku sii lug dareen guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro. Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa sheegay inuu daacad u yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxaanu sida oo kale sheegay inuu si xor ah uga hadlaayo dhamaan dhacdooyinka u baahan ka hadalka, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Iilig oo ka tirsan tilifishanka HCTV, waxaanu ugu horayntii ka hadlay isaga iyo Cabdiraxmaan-cirro oo sii wada raacay diyaarad ka baxday Hargeysa oo ku socotay Nayrobi, waxaanu yidhi ” Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nayroobi aniguna Nayroobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay, madaarkii Addis ayaanu ku degnay halkii diyaaradaha lagu badalaayay, dad kale oo baayac mushtar ah oo aanu halkaas isku baranay oo Kiiniya degan laakiin reer Somaliland ah intayadiiba halkii baanu ku sheekaysanay, ilaa diyaaradii noo timi waanu sii sheekaysanay oo markii danbena hudheel ayaanu ku wada degnay waxbadan waanu ka sheekaysanay,intaanu roobku da’in ayuu ahaa oo abaaraha jira iyo khatarta soo socota, waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu suaalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay.” Waxa uu meesha ka saaray in kulamadii ay hore u yeesheen gudddoomiye Cirro iyo kulankooda Nayroobiba aanay la xidhiidhin siyaasad iyo wax la sii qorsheeyay. Waxaanu dhanka kale ka hadlay xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay hadda sida ay isku yihiin oo wax laga waydiiyay , waxaanu yidhi ” Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa waxaan rajaynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin, waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganay iyo ku jirniinka xisbiga laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray.” Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo iyo dad gaar ah oo uu sheegay inay isa siiyeen xukunka Soomaaliya. Warbixintiisa dheer ayuu ku sheegay in isbadal la doonayo in laga sameeyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka gaar ah ee is lahaysiiyay xukunka dalka inay ka dambeeyaan dib u dhaca dalka ku yimid. Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble. Dalkaan waxaad moodaa iney reero gaara isi siiyeen. Ka soo billow 1960kii ilaa iyo maantadan la joogo, haddii laga talinaayo ayagaa ka talinaayay oo isku bed beddelaayay, haddii la boobaayay ayagaa boobay, haddii colaad la huriyay ayagaa huriyay, haddii dhibaato la geysteyna ayagaa geystay. Haddana wexey rabaan iney sii taliyaan, iney sii boobaan, iney colaad sii huriyaan iyo iney dhibaato sii geystaan. Weliba sidii odeygii reerka ka bireeyay rida dherigana ka jabiyay ayey aamisan yihiin iney yihiin dad wanaagsan. Haddaad u sheegtid oo aad tiraahdid war sow waxaa oo dhibaato ah kama eydaan shaqeyn, wuxuu ku leeyahay reerka dad fiicanna waa ku jiraa. Haddaa tiraahdo war hebel baa idinka soo baxay oo wuu tala xumaa, haddana hebel kalaa idinka soo baxay wuuna tala xumaa, mid saddexaad oo idinka soo baxayna wuu tala xumaa ee ma adinkaa maalin walba la idinku nasiibsanayaa, sow dad kale ma jiro? Wuxuu kuu arkayaa inaad reerkooda neceb tahay, cuqdad buuna kuu qaadayaa. Reerkiisa iney dalka ka taliyaan ayuu rabaa ee wax dan ah kama laha dhibaatadii ku soo gaartay. Waxaa la yiraahdaa in hal ficil sameyntii lagu celceliyo ayadoo la filaayo in jawaab tii hore ka duwan la helo waa nooc waallida ka mid ah. In reerihii dalka taladiisa soo qabtay lagu celceliyo xukunka lana fisho dhaqan ka duwan wixii la soo arkayay 1960kii ilaa iyo waqtiga la joogo waa nooc ka mid ah waallida Soomaaliya ka jirta. Wexey weliba u sameysteen maahmaah oraneysa: nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga. Waa maahmaah been ah oo micnaheeda uu yahay aanoo talo xun haddana aan kuu sii taliyo. Waxaa ayadana been cad ah oo weliba islamnimadana ka fog maahmaahda ah “rag iska celi iyo Rabbi ka cabso meel islama galaan’. Laa xowla walaa quwata illaa billah. War been ku fara weynaa oo dulmi qiil u sameysan ogaa. Maahmaah nadiif ah waxaa ahaan laheyd ‘ragga waa la iska celiyaa Rabbina waa laga baqaa’. Mar haddii la ogyahay iney dhibaato soo jireen ah jirto, in is beddel laga fisho kuwii isbeddelka keeni waayay ma aha, in isbeddelka la baryana maaha ee waa in la dhaliyo. Waxaan aaminsanahay iney dhamaatay sheekadii aheyd kistaan hoo ee i dooro aan ku cunee. Sidoo kalana waxaan aaminsanahay inaan dib loo dooran doonin qof iyo reer la tijaabiyay oo lagu noqnoqday oo lagu hungoobay. Waxaan ku talinayaa xukunka iyo talada dalka in la baahiyo, Soomaalida lixdanka sano aamusneydna in la tijaabiyo, hana loo guntado is beddel dhab ah inuu ka dhaco Soomaaliya doorashada na soo aadan ee 2020/2021. Waxaan hubaa shakhsiyaadkii la soo arkay iyo reerahooda kuwo ka liita ineysan imaan doonin. Enough is enough! Kuwa Soomaali sidaan biday nasta ha la yiraahdo. 2020/2021 waa inuu is beddel dhab ah dhacaa, min xildhibaan ilaa iyo madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Kismaayo ( SMN):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo shalay booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay halkaas kula hoyday Ciidamada Maamulkiisa ee ay is horfadhiyaan Al Shabaab. Mudane Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen deegaanada uu booqday dhawaana la bilaabi doono howlgalo Cusub oo lagu xoraynayo deeganada kale ee Gobolka sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan. Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta afartan iyo Sadexaad guutada kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kale. View the full article
  11. 24/05/2019 PRESS RELEASE UK Government allocates £8 million to drought response in Somalia The UK government is providing £8 million ($10 million) for humanitarian support to Somalis affected by the current drought. Our funds will go towards providing food security, nutrition, clean water, basic health services and livestock vaccination; this extra support will provide a significant boost to those affected by the drought. Many thousands of families have not had time to recover from the 2017 drought and are already facing another crisis. Two failed rains and harsh weather conditions during the dry Jilaal season (January-March) has led to water scarcity, crop failure and an accelerated decline in livestock productivity. The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Somalia estimated 5.4 million Somalis are now projected to be food insecure by July; of which, at least 2.2 million are likely to be acutely food insecure. A spike in drought-induced displacement continues as rural communities flee to urban areas – nearly 45, 000 people have moved so far this year. Severe acute malnutrition rates among children are increasing rapidly, particularly among internally displaced people. On 20 May aid agencies in Somalia launched a Drought Response Plan which called for urgent and sustained resources to avert a major crisis. The plan seeks $710 million to provide critical, life-saving assistance to 4.5 million drought-affected Somalis in the most severely affected areas this year. Head, DFID Somalia, Phil Evans, DFID said: “The drought is affecting millions of Somalis, many of whom have had to leave their homes and livelihoods in desperate search of basic necessities. This funding will provide life-saving assistance to thousands of Somalis living in desperate conditions. “The number of people at risk will continue to grow if nothing is done. We have learnt lessons from the past and know that acting early saves lives and makes sense.” Qaran News
  12. (SLT-Hargaysa) Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo waraysi siiyay Telefeeshinka Universal ayaa ka hadlay sharcigii dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaliya ee Shidaal soo saarista. Hoos ka DAAWO Source
  13. Guriceel ( SMN):-Degmadda Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa shalay lagu qabtay nin doonayay in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munasabad lagu xusayay dadkii ku geeriyoday dagaaladii Al-Shabaab lagula galay gobolka iyadoo Ahlu sunna ay maalintan oo kale xusto. Kaddib markii la qabtay Ninkaan oo xirnaa jaakadda qaraxa waxaa bilowaday xalay baaritaanno dad hor leh lagu soo qab qabtay kuwaas oo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen falkii shalay dhacay. Saraakiisha Booliska ee Guriceel ayaa sheegay in eedeysanayashan ay ku socdaan baaritaanno kaddib la hor geyn doono sharcigga. View the full article
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019. View the full article
  15. Guriceel (PP) ─ Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug, ayaa saakay ka billaabay hawl-gallo magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay shalay ku qabteen nin doonayay inuu isku qarxiyo goob uu kulan weyn uga socday mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo waddooyinka soo gala degmada Guriceel, iyagoo ka wada halkaas baaritaanno, kuwaasoo qayb ka ah hawlaha lagu sugayo amniga guud ee degmada. Sidoo kale, Waxaa la sheegayaa in ciidamada Galmudug ay ilaa shan qof oo kale u qabteen Qaraxii shalay fashilmay, dadkaas oo lagu tuhmayo inay wax ka abaabuleen qaraxa, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowlad-goboleedka Galmudug. Degmada Guriceel ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana la arkayaa ciidammo meel walba taagan, isla markaana baaritaanno adag sameynaya, waxaana meelaha qaar la sheegay inay u diidayaan inay gaadiidku maraan. Ugu dambeyn, Weerarkii shalay fashilmay ayaanay jirin weli cid sheegatay, balse mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay inuu ahaa weerar ay ka dambeysay Al-shabaab ayna doonaysay inay dad badan ku disho. PUNTLAND POST The post Xaalad adag oo ka jirta degmada Guri-ceel iyo ciidammo baaritaanno ka wada halkaas appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenkii hore. Guddoomiye ku xigeenka cusub ayaa lagu magacaabaa, Ibraahim Cumar Mahad-Alla [Ibraahim dheere], waxaana xilka laga qaaday Xuseen Maxamed Nuur oo ka mi ahaa mas’uuliyiintii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka gobolka Banaadir muddo sannad ka hor ah. Madaxweynaha Somalia oo wareegtadiisu ay soo baxday xalay saqdii dhexe ayuu wuxuu ku sheegay in markii uu arkay kartida uu mas’uulkan cusub u leeyahay hawlaha maamulka iyo maaliyadda uu u magacaabay xilkan cusub. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mas’uul ay si weyn isugu dhawaayeen marwada 1-aad ee dalka, iyadoo dhawr jeer oo hore ka hor-timid in xilka laga qaado Xuseen Maxamed, balse xil ka qaadistan ayaa waxay noqotay mid kadis ah. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka cusub oo horay ugu guul-darreystay in loo doorto xubnaha aqalka hoose ee doorashoodu ay ka dhacday Cadaado ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhaw ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre. Lama oga in xika loo magacaabay uu yahay mid uu dabada ka riixayay RW Khayre iyo in kale, waxaase la sheegay in RW Khayre iyo mas’uulka xilka laga qaaday uu u dhexeeyay khliaaf gaamuray, basle xilliyadii dambe ay u muuqdeen inay isku soo dhawaanayaan. Guddoomiye ku xigeenka xilka la qaaday ayaanay jirin wax xil ah oo loo magacaabay, lama oga halka uu xaalkiisa ku dambeyn doono xilliyada soo socda, maadaama uu horay u ahaa agaasimihii Isbitaalka Digfeer ka hor intii aan loo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Dadka falanqeeya siyaasadaha kala duwan ee Somalia ayaa waxay tallaabadan ku tilmaameen furfur ku billowday maamulka gobolka Banaadir ee xilligan talada haya, iyadoo aan la ogeyn tallaabooyinka soo socda. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeen cusub oo xalay loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  17. PRESS RELEASE Africa Oil & Power 2019 to Show How Energy Will Generate Jobs, Economic Growth in AfricaAfrica Oil & Power 2019 to Show How Energy Will Generate Jobs, Economic Growth in Africafrica Oil & Power (AOP) announces its 2019 theme #MakeEnergyWork CAPE TOWN, South Africa, May 23, 2019/ — Africa Oil & Power 2019 (www.AOP2019.com) is the official conference of South Africa’s Department of Energyand will welcome 20+ African petroleum and power ministers. AOP announces its 2019 theme #MakeEnergyWork.The theme will showcase the energy sector as a key driver of economic growth, jobs and opportunity for Africa’s people and private sectors. ‘Africa’s Energy Conference’ bridges traditional and alternative energy, fossil fuels and renewables, and petroleum and power to foster intra-African investment. Now the official conference of South Africa’s Department of Energy, the flagship Africa Oil & Power (AOP) conference returns to Cape Town on October 9-11, with 20+ petroleum and power ministers to speak on the theme #MakeEnergyWork. As the sole platform taking an integrated approach to oil, gas and power and economic growth, AOP drives tough conversations as Africa sees massive advancements in its power sector and moves to develop historic oil and gas discoveries. Under the #MakeEnergyWork theme, AOP 2019 will show how oil, gas and power can generate greater opportunities for the people of African nations and stimulate sustainable economic growth. In 2018, Africa’s oil and gas sector saw an oil production rate of 8.1 million bpd, gas production of 7.95 trillion cubic feet, and LNG exports of 41 million tons per annum (10 percent higher than in 2017), predominantly from Nigeria, Algeria, Egypt and Equatorial Guinea. Oil and gas licensing rounds were launched in 16 countries. The electrification rate in Africa is 43 percent. Despite important advances made in rural areas, this highlights the opportunity that still remains to build and finance energy infrastructure to bring power to 600 million people. Renewable energy holds great promise, particularly in South Africa. The Renewable Energy Independent Power Producer Procurement program has so far seen the procurement of over 100 IPP projects. In eight years the program has created 38,701 full time jobs and contributed over $14 billion in private sector investment in South Africa, according to Minister of Energy Jeff Radebe. “Since our inception, Africa Oil & Power has been a platform for building alliances and facilitating the deals that drive African energy sectors and economies forward,” said Guillaume Doane, CEO of Africa Oil & Power. “The opportunity provided by oil, gas and power, in all their forms, is critical to discussions on how to grow African economies, to maximize in-country value and equip populations for evolving job markets. Energy is at the center of any conversation on African economic growth and transformation, which is why the #MakeEnergyWork theme is so exciting.” At this year’s 2019 conference and exhibition, Africa Oil & Power will welcome 1,200 delegates over three days, with more than 20 ministers and dignitaries to speak on the main stage. An expanded exhibition hall will host pavilions dedicated to South Africa’s energy sector, technology and digitization, renewable power, oil and gas services, and more. In 2018 Africa Oil & Power’s Cape Town conference hosted ministers and ministerial delegations from South Africa, South Sudan, Congo-Brazzaville, Somalia, Equatorial Guinea, Gambia, Ivory Coast, Senegal, and Zambia, as well as the secretaries general of OPEC, the African Petroleum Producers’ Organization, the International Energy Forum and the Gas Exporting Countries Forum. Over three days, almost 100 speakers and panelists addressed delegates from all over the continent on the theme Energy Coalitions. Learn more about Africa Oil & Power’s 2019 flagship event and book your space at www.AOP2019.com Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference. Qaran News
  18. NEW DELHI (Reuters) - Indian Prime Minister Narendra Modi will hold talks on Friday to form a new cabinet to tackle a stuttering economy and other challenges facing his second term after winning a big majority. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Wargeyska The standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheeko dheer uu ka qoray xiriirka mugdiga uu hareeyay maalmahan ee Somalia iyo Kenya waxa uu ciwaan uga dhigay “Muxuu yahay saska ay Kenya ka qabto Soomaaliya?”. Sheekadan ayaa lagusoo hadal qaaday in Xukuumadda Nairobi ay walaac ka qabto deyn cafinta loo sameynayo dalka Soomaaliya, booqashadii taliyaha ciidamada Africom ee Mareykanka Soomaaliya ku tagay kol hore , Ciidamada DANAB ee lasoo baxaya cududda xooggan iyo kulankii RW Kheyre uu la yeeshay Madax sare oo ka socotay Bank-ka adduunka, hay’adda IMF iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka. Wargeyska ayaa sheegay lacagaha deyn ahaanta looga cafinayo Soomaaliya ay gaarayaan $5 billion (Shan bilyan oo doolar” . Warbixinta ayaa lagu xusay in Kenya ay aad ula yaabantahay sababta dalkan ka baxaya colaadaha sokeeye sidaan oo dhan loogu siinayo muhiimadda. Dhinaca kale Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa qeybta kartuunka waxa uu kusoo bandhigay sawirro loo ekeysiiyay Madaxweynayaasha labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ee Kenyatta iyo Farmaajo. Madaxweynaha Kenya sawirka u muuqanaya ayaa loo xiray Qiimiis madow ah, Cimaamad iyo Cigaal. Miiska u dhexeeyo ayaa la hoos dhigay Fuusto lagu qoray “Oil” oo uu micnaheedu noqonaya “Shidaal”, waxaana lugaha dul saartay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. sawirkan ayaa u muuqanaya in lagusoo koobay nuxurka isfahmi waa ee ka dhexeeya labadan dowladood Xaaladda ayaan la saadaalin karin sida ay noqon doonto, walow dowladda Soomaaliya ay soo saartay war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa Iney ka xuntahay talaabooyinka aan farxad gelin ay Dowladda Kenya ku dhaqaaqday. W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo-saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019. Source: goobjoog.com
  21. PRESS RELEASE UAE Embassy distributes food aid to needy households in Egypt The aid falls within the longstanding relations between the peoples of the two sisterly countries ABU DHABI, United Arab Emirates, May 23, 2019/ — A number of eligible households in Al Giza governorate, Egypt, have benefited from sizable food baskets distributed by the Sharjah Charity House in collaboration with the UAE Embassy in the Egyptian capital. The aid falls within the longstanding relations between the peoples of the two sisterly countries, said Saleh Al Saadi, an advisor at the UAE embassy, He hailed the latest aid contributions by the Sharjah Charity House as reflective of its strategy aimed at reaching out to the underprovided in various Egyptian villages through charity and developmental aid, including support for small-scale and micro enterprises. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  22. Golaha Waiilada JSL oo Kulan hawleed wadatashi Laba maalmood ah u qabtay Xeerka Maydhista Lacagaha. Golaaha Wakiilada ayaa kulan wadatashi ah u qabtay (Public Consultation WorkSHOP) Xeerkan oo lagu soo martiqaaday daneyayaasha iyo inta uu saamayn doono dhaqan galkiisu ayaa talooyin dheeraada lagu waydiistay si ay waxtar iyo talo badsi ugu noqoto Xeerka Maydhista lacagaha oo akhriskii 3aad galay hor yaalanagole weynaha. kulankan ayay goob joog ka ahaayeen badiba xubnaha gudida dhaqaalaha ee Golaha iyo gudoomiyaha gudidaas Mudane Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) iyo xoghayaha guud ee Golaha wakiilada mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaane waxa kale oo ka soo qayb galay gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraaahim (Baqdaadi) Agaasimaha guud ee wasaarada Maalgashiga, Agaasimaha Waaxda Financial Sector-ka ee wasaarada Maaliyada, ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo madaxda xawaaladaha iyo baananka gaarka loo leeyahay. Gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim iyo Gudomiyaha gudida dhaqaalaha ayaa ka soo qayb galayaashii shirka ka dalbaday in ay si wanaagsan u contribute gareeyaan qodobo dheeraad ah oo xeerkan kaabis loogu sameeyey, isla markaaana u sheegay inay mar labaad uga maarmi waayeen inay bulshada iyo hay’addaha maaliyada talo urursi kale kala sameeyaan. Gudoomiyaha Gudoida Dhaqaalaha Cumar Sanweyne Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Ayaanle iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo gudida dhaqaalaha ka tirsan ayaa faahfaahin ka bixiyey iyo sharaxaad kooban asbaabta keentay in mar kale bulshada wax laga waydiiyo. waxaana halkaas qodob qodob iyo nuxurka xeerka ka soo qayb galayaasha ugu sameeyey faahfaahin dheeraada Labada Lataliye ee Dhanka Sharciga ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo soo naaqishay Xeerka. wadatashigan Bulsheed ee loo qabtay xeerka oo laba maalmood qaatay 22-23 May 2019 ayaa si habsami leh loogu soo xidhay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Saleebaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL Qaran News
  23. Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada, iyadoo rasaasta labada dhinac is weydaaranayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay mid kamid ah askarta ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo la sheegay inuu ilaalo u ahaa taliyaha ciidamada Booliska. Ma jirto faahfaahin maamulka Puntland ay ka bixiyeen weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerar xalay ka dhacay magaalada. Magaalada Boosaaso waxaa kusoo kordhaya Amni darada, iyadoo labadii bil ee ugu dambeysay ay ka dhaceen weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo kooxo hubeysan ay geysanayaan. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana weerarkaasi ku dhintay askari ka tirsan ciidamada maamulka Puntland. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo ka dagaalama deegaanada Buuralayda ah ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  24. Gedo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo dad Shacab ah ku dagalaameen bartamaha degmada, sida saraakiil ku sugan Ceelwaaq ay xaqiijiyeen. Israsaaseyn ka dhacday degmada ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii Shacabka degmada ay ka hor yimaadeen qorshe ciidamada Kenya damacsanaayeen oo ah inay qalab dhismo dhex marsiiyaan degmada. Qalabkaasi dhismaha ah ayaa ah mid ciidamada ay doonayeen inay ku jeexaan goob la doonayo in lagu balaariyo dhismaha darbiga Kenya ay dooneyso inay ka dhisto dhanka xuduuda Soomaaliya. Korneyl Aadan Xersi oo kamid ah saraakiil ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay rasaasta ku fureen shacabka is hor istaaga ku sameeyay qorshaha ay damacsanaayeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in rasaasta ciidamada Kenya ay ridayeen aysan geysan wax khasaaro ah, isaga oo amaanay shacabka ka hor yimid qorshaha ciidamada Kenya. “Waxay ula tageen gacan iyaga oo muujiaya inay sharafta iyo cisiga difaacayaan, waxaa kusoo biiray shacab kale, rasaas ayaa ciidamada Kenya ku rideen shacabka laakiin wax khasaaro ah ka geysan, wali aaga waxaa ku sugan ciidamada Kenya” “Waxay ciidamada Kenya doonayeen inay qalabka dhismaha dhex dhigaan degmada, iyaga oo doonaya inay darbi cusub dhisaan, waxay doonayaan inay ka leexdaan xuduudii gumeystaha iclaamiyay”ayuu yiri KorneylAadan Xersi. Kenya ayaa dooneysa inay dhisto darbi weyn oo dhanka xuduuda ah, waxaana marar badan arintaasi ka hadlay masuuliyiinta dowladda, iyadoo aysan joojin Kenya dhismaha darbiga dhanka xuduuda. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com