Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,498
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-London) Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa ku dhawaaqday maanta inay xilka xafiiska ka degi doonto 7-bisha May . Hoos ka DAAWO Source
  2. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa is dhaafsaday hadallo aflagaado ah iyadoo midkastaa uu su’aal geliyay caafimaadka maskaxeed ee midka kale. Haweeneyda ugu sareysa dimuquraadiga ayaa qoyska Trump iyo kaaliyayaashiisa ka codsatay inay soo farageliyaan arrimaha madaxweynaha “iyagoo u daneynaya dalka”. Donald Trump ayaa ka soo jawaabay, wuxuuna yiri Mrs Pelosi way “waalan tahay”, Haddana markale ayuu haweeneydan laga soo doortay California in ay tahay “qof aan nidaamsanayn”. Khilaafkan wuxuu muujinayaa inuu markale soo cusboonaaday xiriirka xun ee u dhexeeya Aqalka Cad iyo xisbiga Dimuquraadiga. Is dhaafsiga hadalladan adag ayaa ka dhashay markii Trump uu si degdeg ah ku soo afjaray kullan uu la lahaa Mrs Pelosi iyo dhigeeda aqalka Sare, Chuck Schumer oo isna ka tirsan Dimuquraadiga. Kullanka fashilmay oo Trump uu isaga baxay dhowr dhaqiiqo ka dib waxay ahayd inuu sii socdo illaa maalintaas oo dhan. Iyadoo jawaab ka bixineysay arrintaas Khamiistii, Pelosi waxay sheegtay inay aad uga walwalsan tahay caafimaadka madaxweynaha iyo “guud ahaan wanaagga dalka Mareykanka”. Afhayeenka ayaa Mr Trump ku eedeysay in uu qabo “inuu xanaaqa ka tambadiyo”. “”Waan u duceynayaa Mareykanka,” ayay tiri Pelosi. “Waxaan filayaa in qoyskiisa iyo maamulkiisa ama shaqaalihiisa ay arrintan soo faragelin doonaan iyagoo dalka u daneynaya.” “Waxaa suuragal ah inuu u baahan yahay fasax uu ku soo nasto,” ayay hadalkeeda ku sii dartay. Waxay sidoo kale ku kaftantay wax ka bedelka dastuurka ee 25-aad, kaas oo ogol in madaxweynaha xilka laga qaado. Markii weriye uu sidaas u sheegay ayay ku tiri “waa fikrad fiican.” Mrs Pelosi ayaa hab dhaqanka Trump ku tilmaamtay “shakilow”, iyadoo muujineysay sida uu ugu dheggan yahay faylashada maxkamadda una hortaagan yahay inuu marqaati noqdo lataliyihiisii hore. Donald J. Trump @realDonaldTrump In a letter to her House colleagues, Nancy Pelosi said: “President Trump had a temper tantrum for us all to see.” This is not true. I was purposely very polite and calm, much as I was minutes later with the press in the Rose Garden. Can be easily proven. It is all such a lie! Markaa ka dib, Madaxweyne Trump ayaa sheegay, in hadalka Pelosi ee in ah in lala tacaalo xaaladdiisa, uu yahay “hadalka nacasnimada”. “Nancy-da aan fiyoobeen,” ayuu yiri. “Waxaan kuu sheegayaa, muddo dheer ayaan daawanayay, qofkii aan ogaa ma ahan, way lunsan tahay.” Wuxuu sidoo kale sheegay “Waxay ku baabe’eysaa indhaheena hortooda”. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale beeniyay in uu “qeyliyay oo uu buuqay” intuu socday kullankii Arbacada ee uu la yeeshay hoggaanka Dimuquraadiga, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa “qof aad u deggan”. Trump, Pelosi iyo Schumer waxay u kulmeen in ay ka wada hadlaan qarashka ku baxaya horumarinta Mareykanka, taas oo ah meel ay adagtahay in lagala hshiiyo Aqalka Cad. Madaxweyne Trump ayaa shirka ka baxay seddax daqiiqo ka dib. Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu miiska garaacay ka hor intuusan dibadda ugu bixin sida dabeysha. Isla markiiba wuxuu ka soo muuqday masraxa Rose Garden, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka baxayo dhammaan heshiisyada wada shaqeynta uu dimuquraadiga la leeyahay illaa ay ka joojinayaan “baaritaanka ay telefoonkiisa ku hayaan”. Laakiin Khamiistii, xildhibaannada Jamhuuriga ayaa waxa ay sheegeen in Trump uu saxiixay dhaqaale lagu bixinayo arrimaha gurmadka oo gaaraya $19.1 oo Bilyan oo dollar, oo hal milyan oo ka mid ah lagu bixin doono Puerto Rico. Khilaafyada adag ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dhinac waxa qeyb ka ah maalgelinta derbiga uu Trump doonayo inuu ka dhiso xuduudda Mexico. Source
  3. (SLT-Khartoum) Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Maxamed Hamdan Dagalo oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha guddiga milatariga ah ee maamula Suudaan. Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalada Jeddah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga SPA. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray “iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labadaas dal ee walaalaha ah”. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ballan qaaday saddex bilyan oo doolar oo gargaar lagu gaarsiinayo Suudaan, arrintaas oo wax wayn uga dhigan ciidammada xukunka ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 11 bishii Abriil. Source
  4. (SLT-Washington) Shirkadda Facebook ayaa aad looga hadal hayaa Africa iyada oo lagu eedaynayo in ay wax u dhimayso dimuqraadiyadda, dadka ka soo horjeeda ayaana sheegaya in bartan ay bulshadu ku xiriirto ee wayn ay ogolaatay in hub laga dhigto oo laga fuliyo ol’ole abaabulan oo dadka lagu marinhabaabinayo. Wararka been abuurka ah ayaa aad loo faafiyay intii ay socdeen siddeedii doorasho ee sannadkan ka dhacay qaaradda Afrika, Toddobaadkii horana Facebook ayaa sheegay in shirkadd Israa’iil laga leeyahay oo arrimaha siyaasadda ka talo bixisa ay door wayn ku lahayd arrimahaas. Shirkadda Facebook ayaa mamnuucday shirkadda Archimedes Group, taas oo ay sheegtay in ay ka dambaysay dadkii iska dhigayay in ay Afrikaan yihiin. Shirkadda Facebook ayaa tirtay 265 ciwaan oo dadkaasi ay kul lahaayeen Facebook iyo Istagram, kuwaas oo lagu arkay “dabeecado been abuur ah”, ciwaannadaas ayaa inta badan bartilmaameedsanayay Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger iyo Tunisia. Nanjira Sambuli oo ka tirsan World Wide Web Foundation ayaa sheegtay in Facebook ay wakhti dheer ku qaadatay in uu u soo jeedsado wax ka qabashada dhibaatada dalalka soo koraya. “Dimuqraadiyadda qaaraddu halis ayay ku jirtaa, nasiib darrana baraha ay bulshadu ku xiriiraan ayaa uga sii daraya,” ayay tiri Nanjira oo la hadashay Radio lugo badan Source
  5. (SLT-Nairobi) Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sidoo kalena Ah Afhayeenka Waftiga Xukuumadda Somaliland ee Nairobi ku sugan Faysal Cali Waraabe ayaa qiray Shri qarsoodi aha oo ay Nairobi kula Shireen siyaasiyiin Soomaaliyada Muqdisho Ka tirsan. Wuxuuna Sheegay inay cid kasta la kulmi doonaan oo Soomaliya Ka socota. Hoos ka DAAWO Source
  6. (SLT-Jiddah) Xoghayaha xidhiidhka carabaha ee Xisbiga WADDANI Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa shir Somaliland mihiimad u laha oo uu ku sharxay qadiyada Somaliland wuxuu kaga qayb galay Dalka Sacuudiga. Qoraal uu arrimahaas kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan . Amiir Cabdulcasiis Bin Cabdulmajiid Bin Cabdulcasiis Aala Sucuud, qaar ka mid ah diblomaasiyiin, Wasiiro hore, janaraalo, Dhakhaatiir, qaar kamida tujaarta waaweyn ee Sucuudiga, Sheekha ama Suldaanka guud ee Beelaha maxamad Bal-Axmar iyo saxafiyiin ruugcadaa ah ayaa ka soo qeyb galay kulan casho sharfeed ahaa oo uu noo sameeyay mid ka mid ah ragga ilaahay wax siiyey ee ganacsatada waawayn ee Jeddah iyo Sucuurigaba ah. Amiirka oo midigtayda fadhiya ayaa ahaa mas’uul sharafeedka xaflada waxa aan muddo xoogaa ah gaar uga sheekaysanay dalkayga Somaliland iyo xaalkiisa guud, wanaagiisa, amnigiisa, fursadaha ganacsi ee baaxada leh ee yaalla, kheyraadka ku duugan iyo maalgashiyada balaadhan ee ka bannaan, walaalayaal sida aan hore idiinku sheegay goob-waliba hadal ku haboon ayay leedahay, anigu sida ragga qaar ma taraaro mawjadana kama baxo. _Dadkaygoow_Raxmaan_Babaynu_leenahay Ahmed Safiina Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah madaxda caalamka. Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur gelaya xaaladda Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gedaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. The Security forces in Guriel town of Galgaduud region have arrested two suspects in connection with a thwarted bomb explosion. A suspected Al-Shabaab suicide bomber was on Thursday dramatically intercepted by security forces in Guri-El town where leaders were paying tributes to fighters who have fallen while fighting al-Shabaab fighters in central Somalia.` The man who was strapped with suicide vests was masquerading as a poet. The local authorities have said the security officials detained would-be suicide bomber wearing a suicide vest and another man suspected to have been collaborating with the suicide bomber to explode himself. According to witnesses in Guriel town of central Somalia, the authorities displayed the two men. Speaking the media, Ahmed Hussein Diriye, a soldier who succeeded to thwart the suicide bombing in Guri-El town said the suspect was trying to force his way to stage where leaders of Ahlu-Sunna were addressing the public. View the full article
  9. In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted one airstrike near Baled Amin, in the Lower Shabelle region, Somalia, against al-Shabaab militants on May 22, 2019. “We continue to work closely with the Somali government and security forces to target terrorists whose tactics place innocent people at risk,” said RDML Heidi K. Berg, director of intelligence, U.S. Africa Command. Precision airstrikes such as these support Somali security forces efforts to protect the Somali people from terrorism while creating opportunities for increased governance to take hold. Al-Shabaab has previously used the rural areas surrounding Baled Amin as a staging area for attacks against Somali security forces and innocent Somali civilians. At this time, it is assessed the airstrike killed two (2) militants. A detailed post-strike analysis continues and more details may be released as appropriate. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. Our process and procedures allow for additional information to inform the post-strike analysis. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces. Source: AFRICOM Statement. View the full article
  10. Al-Shabaab militants are increasingly losing Marehan clan support following constant disputes. Source: Hiiraan Online
  11. Raadraaca Sooyaalka 18-ka May Qaybtii 3aad Xafiiska lagu kaydiyo xogta iyo qoraallada taariikhda ee ku yaalla magaalada London ee loo yaqaan “Public Records Office” ayaa sannad kasta waxa lagu soo bandhigaa qoraalladii sirta ahaa ee la kaydiyey ee ka qarsoonaa ama ka dednaa indhaha bulshada muddo 30 sannadood ah. Bisha January ee sannad kasta waxa xafiiskaasi u tartama aqoonyahannada taariikhda raadraaca iyo weriyayaasha warbaahinta si ay u milicsadaan sirta cusub ee la soo bandhigay. Bishii January ee sannadkii 1991 ayaa haddaba la soo bandhigay sirihii 30-ka sannadood huursanaa ee qarsoonaa. Waxa siraha sannadkaas la soo bandhigay ka mid ahaa galalkii ay ku jireen dhacdooyinkii siyaasadeed ee muhiimka ahaa ee Somaliland ka ilmo-roganayey sannadkii 1960. Saddex gal-qoraaleed ka kooban ayaa xogtii la soo bandhigay ka mid ahaa. Waxa galalkaas lagu suntay magaca “Union of Somaliland and Somalia” oo aynu af Soomaali ugu turjumi karno “Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya” Waxa kale oo sirtaasi la soo bandhigay ka mid ahaa kayd-galeed weyn oo lagu magacaabay “Minutes of Legistative Council of 1960”, kaas oo ku saabsanaa daqiiqadihii la qaaday iyo wixii ay xildhibaannadu kaga wada hadleen fadhigoodii Golihii Sharci-dejinta Somaliland ee 1960. Waxa qoraalladu ka tibaax bixinayaan in mudanayaashii Golahaas Sharci-dejinta ee la soo doortay 17/02/1960 in ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen 05/04/1960. Waxa shirkoodu ku qabsoomay halka hadeerto loo yaqaan Goodirka ee badhtamaha Hargeysa. Waxa kulanka ka qayb galay xildhibaannadii ku guulaystey doorashadii Febraury 1960 ee ka kala socday saddexdii xisbi ee tartanku dhex maray ee SNL, USP iyo NUF. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa badhisaabkii Ingiriiska ee Somaliland xukumi jirey Sir Douglas Hall iyo Xoghayihii Guud ee Phillip Carrel. Xildhibaannadii shirkaas ku wada doodayey oo ay ku jiraan golihii wasiirrada ee cusbaa, waxa uu uu qoraalku hoosta ka xarriiqay in ay isku wada raacsanaayeen in arrinta madaxbannaanida Somaliland iyo midnimada Soomaalidu ay tahay qodob isku sidkan oo aan laba laga dhigi karin, loogana doodo sidii hal qodob oo keliya. Waxa ay xildhibaannada ula muuqatay in labadaa la isla helo mar qudha ama la wada waayo. Wax se xiiso badan leh in qoraalku muujinayo in xubnihii Ingiriiska ahaa ee kulanka fadhiyey uga dareen bixiyeen xildhibaannada khatarta ay yeelan kareysey midnimo deg deg ahi. Waxa ay u arkayeen oo kale in midnimadaasi deg degga ahi ay sii fogayn karto dhulka Hawd and Reserve Area oo markaas carcaraha dooddiisu taagnayd, dawladda Ingiriisna ay weli ilaalin jirtey xuquuqda dadka dhulkaas ka soo jeeda oo ay kharash badan ku bixin jirtey. Phillip Carrel, Xoghayihii guud, oo la hadlayey xildhibaannadii Somaliland, ayaa isku barkiyey oo isa saaray midnimada deg degga ah iyo dhulka Hawd and Reserve Area, waxa na ereyadiisii ka mid ahaa “tuhun iyo shaki igaga ma jiraan in dadka Somaliland ku nooli doonayaan in ay Soomaaliya la midoobaan, waxa aanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna himiladaas ku taageeri doonto”. “Hase yeeshee, buu yidhi Phillip Carrel, bishii u dambeysey ayay dadka gashay qiiro iyo jibbo weyn oo ay ku doonayaan in ay la midoobaan Soomaaliya 1-da Julay oo ah isla maalinta dalkaasi xornimadiisa qaadanayo. Ilaa iyo haddana wax wada hadal ah oo arrintaasi ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada yeesheen ma jirto. Waxana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor. Ugu horreyn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhexeeya. Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wada gelaya oo idil waa in arrintani laga gaadhaa heshiis ka hor inta aan la is-raacin”, ayuu Phillip xildhibaannada ugu nuuxnuuxsaday. Sidoo kale waa in laga heshiiyaa ayuu yidhi “sharciyada doorashada, qaabka dawladdu sida uu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha loo qaado, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm”. Waxaasi oo idili waxa ay u baahan yihiin ayuu tilmaamay in dad khubaro ah loo xilsaaro, si ay u daraaseeyaan, ugana soo talo bixiyaan, si dawladda midnimadaasi ka dhalataa u noqoto mid ku taagan dhidibbo adag. Phillip Carrel oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas raaciyey oo yidhi “arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashadaa waxa ay tahay arrinta Hawd and Reserve Area. “Maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadaasina dhacdo waxa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarnaa Maxmiyadda Somaliland. Haatanna dawladda Ingiriiska ayaa bixisa Kharashka ku baxaya Hawd and Reserve Area. Haddii aan heshiis cusub laga gaadhin hawlaha halkaasi ka socda oo dhan ayaa joogsanaya. Taasoo ah in heshiiskii Itoobiya lala galay 1954 uu noqonayo mid dhammaaday”. “In kastoo heshiiskaasi aan ogahay, buu yidhi, in aydaan jeclayn, haddana dadka reer Somaliland ayuu u suurtogeliyey maamul xuquuqdooda ilaaliyaa in uu halkaasi joogo marka ay u tallaabaan dhinaca Hawdka”. “Haddii aan heshiis cusub la la gelin Itoobiya waxa meesha ka baxaya, buu yidhi, maamulkii ilaalinayey xuquuqda dadkaasi. Ilaalada halkaasi joogta oo idil ayaa loo soo rari doonaa dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala ilaalisa beelaha diriri ka dhex aloosmi karto. Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona” ayuu hadalkiis ku soo ururiyey Phillip Carrel. Dhinaca kale waxa isna halkaas xildhibaannada kula dardaarmay oo kala hadlay 06/04/1960 Douglas Hall oo ahaa badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey xilligaas. Waxa uu isna yidhi “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbinayaa sida dadka Somaliland ku nooli u doonayaan madaxbannaani iyo midnimo, hase yeeshee waxa idin saaran xil weyn oo ah in aad ka soo baxdaan waajibka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay, si aad uga ilaalisaan dhibaato ay ku keeni karto midnimo aan loo gogol xaadhin oo aan loo dhammaystirin hawlihii laga ma maarmaanka u ahaa, si iska fudud iyo degdegna lagu galay”! Sir Douglas Hall waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey gunaanadkan dardaaranka ahaa: “Khatar ha gelinnina aayatiinka mustaqbal ee dadka iyo dalka Somaliland”! Hadalladaas ay Phillip Carrel iyo Sir Douglas Hall u naqayeen xildhibaannadii Somaliland maalintaas waxa uu inta badan ugu muuqday hadal hawadu sidato oo aan macne badan ku fadhiyin, maalmo yar ka dib se macne badan ayuu dad badan u samayn lahaa haddii ba ay cidi xasuusan lahayd, maantadan qoyan buu se weligii ugu macne samayn badan yahay marka si fiican looga bogto, loona gorfeeyo ee lagu dhereriyo geeddi-socodka galaha taariikheed iyo wacaalaha xaaladihii la soo maray iyo wixii laga mutay midnimadaas iyo joogtada maantadaa qoyan ee xaqiiqooyinka jira ee faraqa inoo sudhan. Si kastaba ha ahaato’e, 26-kii June 1960 faagaaraha uu hadda ka dhisan yahay masaajidka Ibraahin Dheere iyo inta u dhaxaysa beerta Xorriyadda ee u dhaxaysa, fagaarahaas ilaa Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan-saarkii ka dhacay. Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya: – “In sidayda tihiin iyo – In kalaanan saxayne – Soomaaloo calan taagta – Saakaynoogu horrayso’e – Saaxirkii kala guurnaye – Sarreeyow ma nusqaamow – Aan siduu yahay eego’e – Kaana siib kanna saar”! Jaraa’idkii caalamka ka soo baxay, gaar ahaan Ingiriiska, waxa 26-kii Juun 1960 uu bogagga hore ku wadheen faallooyin aan faraxadi ka muuqan oo ay ka mid ahaayeen “Dadkii dawladnimadooda tuuray ama diiday iwm!” Si kasta ba ha iska ahaato’e, himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn. In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed. Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, Somaliland, NFD iyo Soomaalida Itoobiya. 1-dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah oo deg deg ah, waxana daba ka riixayey midowgaas Somaliland oo naanaysta “Qaldaan” dadkeedu kula baxeen. La soco qaybta 4-aad oo ku saabsan midowgii labada gobol iyo dareennadii tabnaa ee markiiba soo if baxay. Qaran News
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay South Afrika appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Somaliland oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha ay ka wada-hadleen. Faysal ayaa sheegay inay la kulmayaan cid-kasta oo ay ka dhex arkaan danta Somaliland oo weliba qadiyadooda fahamsan. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur iyo xisbiyada kale ee Soomaaliya ay ku marti-qaadi doonan magaalada Hargeysa. Guddoomiye Faysal oo ka waramaya waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankii ay la qaaten Gudoomiyaha xisbiga Wadajir, ayaa waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna yiri “Hogaamiyaha mucaaridka ah ee xisbiga Wadajir iyo kuwa kaleba waa la kulmeyna, anaga waxa weeyi qofkii danta Somaliland ay nagaga xirantahay weliba qadiyadayada fahamsan waanu la kulmeyna”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anagu waxaanu jecelnahay xisbi ahaan in aanu ku casuumno gedigoodaba Hargeysa oo aanu tobabarna aanu siino, Siminaro siino, arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland aanu ka wada sheekeysano sidii loo kala dhameystiri lahaa, markaa waanu soo dhoweynaynaa”. Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay gaabis badan ka muujisay wada-hadaladaasi, isagoona ka dhawaajiyey inay weli u tahli laadahay hagaajinta dalkeeda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada qalabka sida ee ku sugan furimaha hore ayaa saaka khudbad [...] Source
  15. Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa jimcaha maanta shaacisay in ay si rasmi ah xilka isaga casilayso 7-da bisha June ee soo socota si loo doorto ra’iisul wasaare cusub. Mrs May oo u hadlaysay si caadifad ka muuqato ayaa sheegtay in ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay ka bixitaanka boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub balse dadaalkaasi mira-dhali waayay. Waxay sheegtay in ay ka qoomayneyso in iyadoo dadaalka intaasi le’eg ku bixisay ay haddana fulin wayday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dalka Uk. Mrs May ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay xubnaha xisbigeeda muxaafidka ah oo ka horjeestay tallaabooyinkeedii u dambeeyay ee la xiriiray fulinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee boqortooyada Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Theresa May oo shaacisay wakhtiga ay is casilayso appeared first on Puntland Post.
  16. Jawaabta ay ka bixisay dowladda Soomaaliya ficilladii xumaa ee Kenya ku kacday waxay Soomaalidu kala hortagtay falcelin taban. Ilaa shalay qaar badan oo asxaabtayda ka mid ah waxay go’aanki dowladda ku tilmaamayeen mid ihaano iyo dulli Soomaali ku riday. Anigu taas lidkeeda ayaan qabaa. Waxaan aamminsanahay in go’aan fiican oo caqli, aqoon iyo ilbaxnimo ku dhisan ay dowladdu qaadatay. Waayo muhiimmaddu waa inaad yoolkaada gaarto jidkaad doonta u mare. Diblomaasiyadda tan ugu wacanna waa inaad taqaan tabartaada. Will Rogers ayaa laga hayaa “diblomaasiyaddu waa inaad eyga si dabacsan ula cayaarto inta aad ka helayso dhagax aad ku dhufato”. Hadalka Will Rogers waxaa ficil ahaan horay ugu sameeyay guul weyna ku gaaray hoggaamiyihii caanka ahaa ee Khaalid Fiqi Xasan Allaha u raxmadee. Muddo haatan laga joogo qiyaasti 250-300 oo sano ayaa gobalka Gedo waxaa yimid qoysas beeshaMareexaan ka dhashay oo deegaan doon ah. Dadki ay u yimaadeen soo dhaweyn kalama kulmin. Waxay wajaheen xaalad adag xag amni iyo mid nololeedba. Dil iyo dhac ayaa joogta looga dhigay. Ihaano, dhago hadal iyo dharbaaxo ayaa loo joogteeyay. Wuxuu xaal sidaa ahaadaba wuxuu dhibki soo gaaray odaygii beesha oo la oran jiray Khaalid Fiqi Xasan kaasoo willkiisi barqo cad ableey beerka lagu jaray. Shir dag dag ah ayaa la isugu yimid si looga arrinsado dhibka cusub. Intii badnayd dadki geedka yimid waxaa haysay xamaasad iyo caro. Waxay si aan kala har lahayn isugu raaceen inaan sidatan lagu sii jiri karin sidaas darteed dagaal aargoosi ah la qaado. In nala wada dilo ama aan dib ugu qaxno halkii aan nimid ayaa dhaanto waxa aan ku noolyahay ayay ku celceliyeen. Allaha u Raxmadee Khaalid oo ahaa diblomaasi caaqil aragti fog leh ayaa warki ugu danbayn qaatay. Wuxuu yiri “ninki wiilkiisa la dilay soo aniga maaha” haa ayaa loogu jawaabay. Inaad ii aartaan soo ma rabtaan? Haa ayaa hal cod lagu yiri. Xoolo aan kuwii wiilkayka dilay u geeyo i siiya ayuu yiri. Maxaa kuugu wacan dullinimadaan aad qaayibayso ayaa lagu yiri? Wuxuu yiri “Inti wiil maanta dhashay hal naas geed ii gaarayo mid iga maqanna ii imaanayo ayaan la sugayaa”. Sidaas ayaa mag loogu geeyay raggii dhagarta qabay ee filayay duullaan aargoosi ah inuu kusoo socdo. Markuu u yimid Khaalid wuxuu ku yiri wiilkaygi ayaa disheen xoolahaanna waxaan idinkugu keenay inaad dhiiggiisi idin gaaray aad isaga mayrtaan iskana kaaya daysaan. Iyagoo ka yaabban fulaynimada (sideey iyaga la ahayd) Khaalid iyo raggiisi ayay ku heeseen Ayadoon la is daarin hadduu diyo keenay marki la is daaro dad nool buu keeni. Riyadii Khaalid waxay rumowday qiyaasti 150 sano ka dib. Iyadoo wali dhib iyo colaad joogta ah lagu noolyahay laakiin sidii hore laga xoog badan yahay ayaa waxaa dhacay jabkii daraawiisheed. Marki ciidanki Sayidku kala qaxay oo qolaba meel afka saartay ciidan xooggan oo daraawiish ka tirsanaa kana soo jeeday beesha Marreexaan ayaa Gedo usoo jihaystay. Ciidankaan oo watay hub casri ah markuu Gedo soo gaaray waxaa is rogtay kafaddii dagaalka. Haddii awal hubku ahaa waran, billaawe iyo qaanso iyo leeb ciidankaan wuxuu la yimid Maadhiin iyo kow-iyo-tobanle 20 mitir ka fog wax ka dilo. Waqti yar gudahiis dhulkii wuxuu isu baddalay sidii uu rabay Khaalid Fiqi xasan. Waxaa xaqiiq ah haddii ficil aargoosi ah maalinti wiilka la dilay la qaadi lahaa in aanan marnaba si buuxdo Gedo dhul Mareexaan u noqoteen haddanba laga tirtirin. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo labada qaddiyadood isma laha. Mid waa dad yar oo dhul aysan lahayn doonayay midna waa dhul lagu soo duulay oo dal dhan ka dhaxeeyo. Marki aad eegto xaaladda dadlkeenu maanta ku jiro iyo sida uu dadkeennu yahay labada xaaladood waa isku jaad. Kow, muran kama jiro inay Kenya maanta naga xoog badan tahay xag ciidan iyo xaag maaliyadeedba. Dhulka la isku hayo maraakiibteeda ayaa hoganayso innaguna ma lihin maraakiib weerarto. Labo, ciidankeedu wuxuu joogaa dalkeenna isaga ayaana ah midka ilaalinayo xudeedka aan isku hayno oo hadda ciidan aan keeda ahayn iyo ku iyada u shaqeeyo mooyee mid kale ma joogo xuduudka. saddex, maanta inta badan madaxda iyo ganacsatada soomaaliyeed Kenya oo burbur gaaro ayaa ooga daran Soomaaliya oo dhul badeed lumisa. Dhammaan shirkadaha soomaalida maal badan ayaa Kenya ooga jiro ilaa haatanna maalgalin ayay ku wadaan. Sidaa darteed ma aqbali karaan dagaal ay u arkayaan inuu maalkooda waxgaarsiin doono marki dhabta loo tago. Afar dhulka iyo biyaha la isku hayo waxaa hadda ku magacaaban maamul Kenya ay dhistay oo danaheeda ka shaqeeyo. Hadalkii maanta kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan waa mid si cad noo tusayo safka uu maamulka Jubaland gali lahaa hadduu dagaal qarxo. Dhabti hadalki Maxamud Sayid waa mid tusaale u ah in qaar badan oo ka mid ah madaxda Soomaalidu aysanba ka warqabin dhulkooda la qaatay. Dadka noocaas waligood waa jireen. Maalinta aan kasoo sheekaynay ee geedka loo fadhiyay wixii laga yeeli lahaa Booran iyo dilkii wiilka Khaalid, waxaa jiray nin geedka fadhiyay oo aamusnaa intuu hadalku socday oo dhan. Marki uu Khaalid hadalki gooyay ee la yiri ha la dareero ayuu gacanta taagtay oo yiri hadal ayaan qabaa. Waxaa la is yiri amuu talo cusub keenaa. Wuxuu yiri “tolow wiilkaan ina Muxumed Garweyne ah iga qabta. Habayn walba saar aan xirtay ayuu iga dhabqiyaa. Haddii aad iga qaban waydaan labo gudub ayaan ka dhigi”. Waxa tolkiis dhib u yaal oo xaalku marayo ma qaxnaa mise waa dhimannaa isagu waxay u joogtaa saar ayaa la iga bannaday. Maxamuud Sayid iyo kuwa la jaalka ah maanta halkaas ayay u joogtaa. Tusaale kale oo qiimo badan waxaa noo ah sida shiinuhu ka yeelay badda loo yaqaan South-China Sea. In badan dhulbadeedkaan waxaa Shiine ka qabsaday dowlado yar yar oo ree Galbeed gacan ka helayay. Shiine markii uu soo xoogaystay, maxadiisu waxaa caqabad u noqotay sidii ay ka yeeli lahaayeen baddaan. Haddii ay ku duulaan waxay ogaayeen in dagaalka ay soo gali doonaan Maraykan iyo xulufadiisa taaso aysan markaas u birdhigi karin. Waxay doorbideen inay iska indha-tiraan. Madexweyne walba oo yimaado shacabka Shiinaha ayaa waydiin jiray goorma ayaa la soo dhicin doonaa badda naga maqan iyaguna waxay ku jawaabi jireen wali waxaan dhalan fici soo dhicin lahaa. konton sano ayaa sidaas ku dhammaatay. Maanta ayay Shiine u muuqatay inuu leeyahay awood uu ku soo ceshan karo dhulka ka maqan wuxuuna habayn modow ciidan keenay meelihii la isku hayay. Sidaas darteed dowladda oo og inta aan soo sheegnay uma furna booto, hanjabaad iyo abuurid xaalad keento xariir xumaado oo u baahdo dhexdhexaadin iyo gacan saddexaad taaso ah midda Kenya u ordayso. Sida saxda aniga ila ah waa in af wanaagsan lagu hadlaa, la is dabciyaa la isuna muujiyaa in aynu nabad doonayno ilaa aan ka gaarno maalin aan awood nagu filan leenahay ama xukunka ICJ uu dhaco ama laga fursan waayo isdifaacid hubaysan. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: Humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka [...] Source
  18. Theresa May has said she will quit as Conservative leader on 7 June, paving the way for a contest to decide a new prime minister. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe. Dikreetada ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur. Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan. Agaasimaha cusub ee isbitaalka iyo xubnaha kale ee la magacaabay ayaa sida qorshaysan xilka la wareegi doona maalinta berriya oo Sabtiya. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay appeared first on Puntland Post.
  20. By Liban Obsiye *The writer is the Chief Policy Coordinator of the Ministry of Finance of Somalia and a former senior adviser at the Ministry of Foreign Affairs. MOGADISHU Ever since President Recep Tayyip Erdogan’s first visit to Somalia in 2011, when he was Turkey’s prime minister, the relations between Somalia and Turkey has blossomed and strengthened. The two countries started regular high-level discussions, exchange of delegations and cooperation in international forums, including the United Nations. Turkey, no doubt, was the pioneer that first saw a promise in Somalia’s desperate plight, and today a strong bond of diplomatic and economic friendship that also addresses security issues exists between them. While all this was predictable from the sustained positive engagement at the highest levels of both the Somali and Turkish governments and private sectors, what surprises many observers is the strong people-to-people relations, which have also developed. Many observers saw the rapid development of the strong relationship between Somalia and Turkey as an infatuation that would end as quickly as it began, during which both sides would become consumed by their own internal struggles. Yet, despite both nations facing their own unique sets of challenges, cooperation remains strong, with people-to-people relations leading the way. Today, Turkish businessmen and aid workers drive around freely in Mogadishu with its main hospital, ports and humanitarian agencies all staffed by Turks, living among the Somali people. Moreover, Turkish goods, foods and service providers are sought after in Somalia and many traders are responding to this positively through cross- border investments, and in some cases through small joint ventures. Where once Somalis only focused on importing from China and Middle Eastern countries, today the focus is on buying Turkish for quality and design. Many shops in Mogadishu openly advertise that their goods are real Turkish goods and even name their shops after Turkish cities as if authenticating their products. The Somali diaspora and other diasporas with whom Turkey has strong relations are also buying Turkish products, including home furniture, food and clothes, more in their host countries, which contributes to the success of Turkish businesses’ successful entry into and survival in many European markets. Turkish companies are starting to become household names with Somali consumers everywhere. Somalis are global entrepreneurs and Turkey has many world-leading developed product markets such as textile, food and clothing. This creates a perfect business opportunity for both sides. While trade data is unreliable at best for now, the increase in Turkish products in Somali shops, homes and offices indicates that Turkish soft power is clearly working in Somalia. Furthermore, many Somalis, both diaspora and otherwise, have relocated to Turkey to live, work and establish businesses. While most are concentrated in Istanbul, the commercial hub, many others have settled in Ankara and other smaller cities. An increasing number of Somalis are now buying property in Turkey and have invested in businesses there too. Today, Istanbul has five Somali restaurants and this is a sign of not just investment, but an intention to settle and integrate from the Somali people, who are traditionally nomadic. Even for those that have not relocated to Turkey, it remains a popular tourist and health and well-being destination, which means even more cultural exchange and trade for Turkish businesses. What attracts most of these newcomers to Turkey is the opening up of the economy, the availability of visas from Somalia, the opportunity to invest and the ease with which they can purchase affordable homes while having European-standard services like education and health readily available. Moreover, the Somali people’s feelings of respect and gratitude towards Turkey make their relocation easier and rewarding. To illustrate this, the Global Somali Diaspora’s 3rd International Conference will take place in Istanbul in a short while, and this is the second time Turkey will be hosting the event. Somalis are now starting to learn Turkish and it is slowly but surely becoming a second language of choice in Somalia alongside Arabic and English. The Turkish schools in the country are seen as the best for education and opportunities, and the reliable annual Turkish academic scholarships are encouraging students to focus more on the Turkish language to increase their chances of success. There are currently over 2,000 Somali students pursuing university-level education in various Turkish academic institutions. As trade ties deepen between Somalia and Turkey, the Turkish language will no doubt take on further significance. Turkey took a chance on Somalia when many in the world had turned their backs on what was then considered as a failed state. Today, through the popularity of Turkish soap operas, food, goods and services, including higher education, Turkey’s reward for its vision and patience is clear. In Somalia, like many places across Africa and the developing world, Turkish soft power is working and producing tangible results for both sides. * Opinions expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect the editorial policy of Anadolu Agency. Source: Anadolu
  21. Washington (CNN) – The US targeted ISIS fighters in Somalia for the fifth time since mid-April, killing two terrorists in an airstrike Wednesday, US Africa Command said in a statement. “Our efforts to locate and eradicate ISIS leaders who control a range of activities — from operations to financing and communications — is hitting at the heart of the organization and disrupting their ability to continue their terrorist activities,” Rear Adm. Heidi Berg, the director of intelligence of US Africa Command, said in a statement Thursday. The recent series of strikes against ISIS-Somalia have taken place in the Golis Mountains, located in the northern part of the country. US Africa Command said in April that a strike in the same area killed the organization’s second in command. There have been 37 US airstrikes in Somalia so far this year, mostly targeting the al Qaeda affiliate al-Shabaab, compared to 47 strikes in all of 2018. The US estimates that ISIS-Somalia commands about 150 fighters, making it one of the smaller affiliates of the terror group. The Pentagon has about 500 to 600 personnel in Somalia, where they primarily advise local troops battling al-Shabaab. Source: CNN
  22. -(SLT-Hargaysa)Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa ka waramay sida ay haatan isku yihiin Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu ka mid yahay iyo socdaal diyaaradeed oo Hargeysa ilaa Nayrobi ah oo ay isku sii lug dareen guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro. Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa sheegay inuu daacad u yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxaanu sida oo kale sheegay inuu si xor ah uga hadlaayo dhamaan dhacdooyinka u baahan ka hadalka, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Iilig oo ka tirsan tilifishanka HCTV, waxaanu ugu horayntii ka hadlay isaga iyo Cabdiraxmaan-cirro oo sii wada raacay diyaarad ka baxday Hargeysa oo ku socotay Nayrobi, waxaanu yidhi ” Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nayroobi aniguna Nayroobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay, madaarkii Addis ayaanu ku degnay halkii diyaaradaha lagu badalaayay, dad kale oo baayac mushtar ah oo aanu halkaas isku baranay oo Kiiniya degan laakiin reer Somaliland ah intayadiiba halkii baanu ku sheekaysanay, ilaa diyaaradii noo timi waanu sii sheekaysanay oo markii danbena hudheel ayaanu ku wada degnay waxbadan waanu ka sheekaysanay,intaanu roobku da’in ayuu ahaa oo abaaraha jira iyo khatarta soo socota, waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu suaalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay.” Waxa uu meesha ka saaray in kulamadii ay hore u yeesheen gudddoomiye Cirro iyo kulankooda Nayroobiba aanay la xidhiidhin siyaasad iyo wax la sii qorsheeyay. Waxaanu dhanka kale ka hadlay xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay hadda sida ay isku yihiin oo wax laga waydiiyay , waxaanu yidhi ” Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa waxaan rajaynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin, waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganay iyo ku jirniinka xisbiga laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray.” Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo iyo dad gaar ah oo uu sheegay inay isa siiyeen xukunka Soomaaliya. Warbixintiisa dheer ayuu ku sheegay in isbadal la doonayo in laga sameeyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka gaar ah ee is lahaysiiyay xukunka dalka inay ka dambeeyaan dib u dhaca dalka ku yimid. Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble. Dalkaan waxaad moodaa iney reero gaara isi siiyeen. Ka soo billow 1960kii ilaa iyo maantadan la joogo, haddii laga talinaayo ayagaa ka talinaayay oo isku bed beddelaayay, haddii la boobaayay ayagaa boobay, haddii colaad la huriyay ayagaa huriyay, haddii dhibaato la geysteyna ayagaa geystay. Haddana wexey rabaan iney sii taliyaan, iney sii boobaan, iney colaad sii huriyaan iyo iney dhibaato sii geystaan. Weliba sidii odeygii reerka ka bireeyay rida dherigana ka jabiyay ayey aamisan yihiin iney yihiin dad wanaagsan. Haddaad u sheegtid oo aad tiraahdid war sow waxaa oo dhibaato ah kama eydaan shaqeyn, wuxuu ku leeyahay reerka dad fiicanna waa ku jiraa. Haddaa tiraahdo war hebel baa idinka soo baxay oo wuu tala xumaa, haddana hebel kalaa idinka soo baxay wuuna tala xumaa, mid saddexaad oo idinka soo baxayna wuu tala xumaa ee ma adinkaa maalin walba la idinku nasiibsanayaa, sow dad kale ma jiro? Wuxuu kuu arkayaa inaad reerkooda neceb tahay, cuqdad buuna kuu qaadayaa. Reerkiisa iney dalka ka taliyaan ayuu rabaa ee wax dan ah kama laha dhibaatadii ku soo gaartay. Waxaa la yiraahdaa in hal ficil sameyntii lagu celceliyo ayadoo la filaayo in jawaab tii hore ka duwan la helo waa nooc waallida ka mid ah. In reerihii dalka taladiisa soo qabtay lagu celceliyo xukunka lana fisho dhaqan ka duwan wixii la soo arkayay 1960kii ilaa iyo waqtiga la joogo waa nooc ka mid ah waallida Soomaaliya ka jirta. Wexey weliba u sameysteen maahmaah oraneysa: nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga. Waa maahmaah been ah oo micnaheeda uu yahay aanoo talo xun haddana aan kuu sii taliyo. Waxaa ayadana been cad ah oo weliba islamnimadana ka fog maahmaahda ah “rag iska celi iyo Rabbi ka cabso meel islama galaan’. Laa xowla walaa quwata illaa billah. War been ku fara weynaa oo dulmi qiil u sameysan ogaa. Maahmaah nadiif ah waxaa ahaan laheyd ‘ragga waa la iska celiyaa Rabbina waa laga baqaa’. Mar haddii la ogyahay iney dhibaato soo jireen ah jirto, in is beddel laga fisho kuwii isbeddelka keeni waayay ma aha, in isbeddelka la baryana maaha ee waa in la dhaliyo. Waxaan aaminsanahay iney dhamaatay sheekadii aheyd kistaan hoo ee i dooro aan ku cunee. Sidoo kalana waxaan aaminsanahay inaan dib loo dooran doonin qof iyo reer la tijaabiyay oo lagu noqnoqday oo lagu hungoobay. Waxaan ku talinayaa xukunka iyo talada dalka in la baahiyo, Soomaalida lixdanka sano aamusneydna in la tijaabiyo, hana loo guntado is beddel dhab ah inuu ka dhaco Soomaaliya doorashada na soo aadan ee 2020/2021. Waxaan hubaa shakhsiyaadkii la soo arkay iyo reerahooda kuwo ka liita ineysan imaan doonin. Enough is enough! Kuwa Soomaali sidaan biday nasta ha la yiraahdo. 2020/2021 waa inuu is beddel dhab ah dhacaa, min xildhibaan ilaa iyo madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Kismaayo ( SMN):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo shalay booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay halkaas kula hoyday Ciidamada Maamulkiisa ee ay is horfadhiyaan Al Shabaab. Mudane Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen deegaanada uu booqday dhawaana la bilaabi doono howlgalo Cusub oo lagu xoraynayo deeganada kale ee Gobolka sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan. Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta afartan iyo Sadexaad guutada kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kale. View the full article